-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay inay suura-gal tahay in shacabka Hargeysa mar dambe looga taliyo Xamar. Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka iyo gooni isu-taaga ay Somaliland weli la baadi-goobeyso ictiraaf. Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa waxa uu yiri “Nin Siyaasi Koonfur ahaa oo la oran jiray Oday Laangadhe, ayaa maalin yidhi ‘Reer Waqooyi haddii aad tihin, dawladnimadii baad noo keenteen, idinka oo wax shuruud ah ku xidhin, Caasimaddii Muqdisho ayey noqotay, Madaxweynihii Muqdisho ayuu noqday, xilalkii cuslaa reer Koonfureed baa qaatay, idinkuna waxba kamaad soo qaadin, oo waad ka doodi weydeen, waxaasi oo dhan oo aad noo keenteen, waxaanu idinku bedelnay aargoosi'”. “Markaas waxaa dhab noqday hadalka uu ninkaasi siyaasiga ahi hore u sheegay, dawladnimadii aynu Xamar geynay, aargoosi, xasuuq iyo cadaawad baynu ka dhaxalnay,inaynu dib ula soo noqono xoriyadeenana bilaash kumay iman, ee dhiig baa u daatay, halgan baynu u soo marnay, haddii aynu awal si qasab iyo juujuub ah aynu ugu dabaal degi jirnay oktoobar, oo wax inaga galay aanay jirin”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Maanta inaga oo xor ah ayeynu u dabaal degaynaa 18-may, oo ah maalin inoo suntan, waxaana leeyahay halkan lagama rabo cid Somaliya doonaysa, ee Somaliland cid doonaysa ayaa laga rabaa” “Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan, ee Maamulka Xamar ka taliya waxaan leeyahay cago dhigta, hore ayaanu idiin baranay, aargoosi dambe iyo cadaawad dambe uma taag hayno, ee sidaas aynu ku ahaano laba dal oo jaar ah”. “Ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, inta ay is hayaana waxba inoo hagaagi mayaan, Doorashana inoo dhici mayso, ee Xisbiyadu waa inay heshiis ka gaadhan waxay isku hayaan, markii hore nidaamka loo sameeyey Komishanku wuxuu ahaa nidaam cadaalad daro ka muuqato” “Maxaa yeelay marka uu Madaxweynuhu laba xubnood magacaabo, Golaha Guurtiduna laba xubnood magacaabo,Xisbiga hadba Muxaafidka ahina uu hal xubin magacaabo, Xisbiyada Mucaaradku min hal xubin magacaaban, waa cadaalad daro, waxaana loo baahna inay Xisbiyadu si siman u qaybsadaan xubnaha Komishanka, sidaas oo ay yahay imikana waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo, oo xal umadda dan u ah la wada gaadho”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan ‘Geel-jire’, ayaa Guddoomiyaha xisbiga Waddani ka difaacay eedeymo uga yimid Madaxweyne Muuse Biixi. Geel-jire ayaa sidoo kale waxa uu naqdiyay qudbadii Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay shacabka hargeysa munaasibadii 18-May, taasi oo uu ku tilmaamay khudbad xisbi oo olole doorasho ku jira. Siyaasi Geel-jire oo wareysi gaar siinayey mid kamida telefishanada soomaalida, ayaa waxa uu ka hadlay arrimahaasi, wuxuuna yiri “Khudbada madaxweynaha waxaan ahaa dadkii ka rajaynayay in Madaxweynuhu fursadan ka faa’iidaysto oo uu jeediyo khudbad maalinta qaranka u qalanta oo kalgacal ku dheehanyahay oo dadka ururinaysa oo midayneysa oo isu soo dhawaynaysa quluubta shacabka oo kooban”. “Waxaan barteyda facebooka ku soo qoray wada jir ka hadal madxweyne oo ku tun-tuunso wada jirka umadda iyo niyad wanaaga khudbadaada soo socota, laakiin markaan dhagaystay nasiib darro kamaan helin wixii aan ka sugayay aniga iyo dad kaleba, waxaanay u eekayd khudbad xisbi oo xisbi olole ku jira, waxay ahayd khudbad aan waxba ka qaban kala qaybintii dadka ku dhacday iyo tabashooyinkii jiray”. “Madaxweynuhu wuxuu ka bilaabay bilowga khudbadiisa heestii waabaa beryay oo laba bayt ah, wuxuunan carabka ku sii xejiyay kuwii ‘Kuwii ka baydhee, bahdooda ka leexday waa baaba’ooda.’ inuu qaybtaas dambe jeclaa ayaad moodaysay”. Wuxuuna intaas ku daray “Xisbi dhan (Waddani) oo ilaa 10 qof oo madaxdooda ahi fadhiday oo guddoomiyihii ku jiro muu magacaabin inay fadhiyaan, iyagoo fadhiya ayuu guddoomiyahoodii eeddo halkaas uga jeedinayay dadkana wuxuu lahaa taageerayasha Waddani iyo inta kale ayuu u kala qaybinayay”. “Madaxweynuhu muu lahayn umadda Somaliland ee uu masuulka ka wada yahay, iskumuu wada qaadin ee dad kala jaada ayuu tilmaamay oo qaarna taageerayasha Waddani yihiin inta kalena dad kale yihiin”. “May ahayn khudbadii dadka isu keeni lahayd, ee dadkan isu soo dhawayn lahayd, waxa kale oo iiga muuqatay arrinta doorashada inaanu si daacad ah uga waramin ee mawqifkii isaga iyo xisbigiisa kulmiye iyo UcId wada gaadheen ayuun buu ka dhigay tanaasul uu isagu sameeyay” “Mana ahayn tanaasul ee waa mawqif uu gaadhay oo wixii ay Waddani doonayeen kamuu jawaabin, markaas anigu wax alaale wax ay soo kordhisay oo ahinaynu ahayn sidii maalintii ka horaysay aynu ahayn, wuxuun baa faraq ah dadka dabaal degayay ee waddaniyada jecel ee aynu ka mid nahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Kulankaasi ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ku ahaa hogaamiyaha cisbiga Ucid eng Faysal CLi waraabe. Kulankaasi oo ahaa mid qarsoodi ah ayaan si dhab ah loo ogeyn waxa looga hadlay. Siyaasiinta mucaaradka ah oo kusugan Nairobi ayaa ka wada kulamo kula duwan. Puntland Post The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasiirka Arimaha gudaha Iyo Feysal Cali Waraabe oo Kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Xoghaye ilkacase wuxuu ugu safray Dalka Kenya inuu kaga Qayb-galo Shir uu Shir-gudoominayey Wasiirka Shaqada & Arimaha Bulshada Soomaaliya, wuxuuna kulanka ku metelayey Maamulka S/land, Halka Maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed & Jubaland-na Xubno shirkan u joogeen. Taasi waxay ka dhigan tahay in Somaliland ahayd Maamul hoos yimaada Soomaaliya. Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Wixii ka dambeeyay 08 Feb 2017 oo shacab badani ay aad u taageereen Dowladda Soomaaliya, waxaa taageeradaas barbar socotay qorshe uu maalgaliyey Xafiiska warbaahinta Villa Somalia iyadoo dhaqaale joogto ah bil kasta uu xafiiskaas ku bixinayay faafinta fariinta xukuumadda iyo jaa’ifada siyaasiyiinta ka aragti duwan xukuumadda. Annigu shaqsiyan waxaan ka mid ahaa dadkii qaybta ka ahaa Ololihii Madaxwaynaha, waxaa Alle igu ogyahay in aanan talo ku lahayn, ogayn, qayb-na ka ahayn qorshahaas. Mana bixinayn mana qaadanayn Allaa igu oge. Sidaas oo ay tahay markaan ogaaday waan la kulmay Agaasime C/nuur, waana ka digay khatarta ka imaan karta arrintaas. Wuuna igu beeniyay. Waxaan markhaati Alle ka ahay in ay jireen dad badan oo wadaniyad iyo Soomaalinimo ku taageeyay Dowladda, welina ku taageersan balse aan qayb ka ahayn qorshaha Xafiiska Agaasime Abdinur Mohamed Ahmed ku maalgaliyo qoylaysatada baraha bulshada. 22 Augost 2018 markii Agaasimihii Madaxtooyada loo magacaabay Aamino Siciid Cali, Agaasime kuxigeenna loo magacaabay Abdirisaaq Caato ayay waxay joojiyeen dhaqaalihii Xafiiska Warbaahintu bil kastaa bixin jiray. Arrintaasina waxay kaliftay khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Agaasimihii waaxda Warbaahinta Cabdinuur iyo Agaaaime Kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Caato. Khilaafkaas wuxuu sababay in fashil xooggan oo Dowladda uga yimaada dhanka baraha bulshada, waxaana xoogsatadii markii ay waayeen dhaqaalihii ay dib ugu soo jeedsadeen Nabad iyo Nolol in ay caayaan. Waana khatartii aan ka digayay markii horeba. Looma joojin oo dhagaha ayaa laga furaystay. Anna waxaan ka mid ahaa dadkii aadka ugu riyaaqay in dhaqaalahaas xaaraanta ah la joojiyo, waayo nafiijada ayaa ii muuqatay. Ugu dambayn waxay arrin isugu soo biyo shubatay in Cabdinuur uu dib usoo abaabulay qaar ka mid ah xoogagii dhaqaalaha la siin jirey, si ay samcad dil iyo jaa’ifo ugu sameeyaan Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Caato, si uu dib ugu soo celiyo dhaqaalihii Xafiiskaas uu bil kasta bixin jirey. Waxaan hayaa Document iyo mavluumaad dheeraad ah. Haddii ay arrintaan sii socotana waan soo bandhigayaa. WQ: Maxamed Cabdullaahi Cali (Kooshin) The post Maxaa keenay in ciidankii baraha bulshada ee DFS uu dib u soo weeraro Villa Somalia? appeared first on Puntland Post.
-
HAL-HAYSKA MUUSE BIIXI EE DHINACA XABSIGA: “Qofkastoo hadla Xabsigaan dhigayaa, Reer tolkii ama Hayada uu ka tirsanaa Hal-Asbuuc bay Qayl-qaylinayaan ka dibna Sidaan doono ayaan ka yeeli doonaa marka Odayo Reerkooda ah oo Naga Baryayaa noo yimaadaan”. Hal-hayska Muuse wuxuu Cadaynayaa Aqoonta uu Shacabka S/land u leeyahay, Maadaama Dhawaaqii Xubnahani dhaafi waayey Hal-asbuuc oo keliya. Hada ka hor bay ahayd markuu Muuse soo jeediyey in la Xidho Gudoomiye Ciro oo Xiligaas ahaa; Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Musharixii Xilka Madaxweyne; ka dibna uu dabo-dhigay Hal-hayskiisan kore. Muuse, Wuxuu ilaaway in Xabsiga joogtada ah ee Shacabka iyo Xubnaha Xilalka hayaahi uusan Xal lagu aamusiiyo Tabashada Muwaadiniinta noqon karin; Balse uu sii Xoojiyo Dareenka Mucaaradnimo ee Bulshada; Sidoo kalena soo dedejiyo Gadoodka Shacabka “Taariikhdu iyadaa is Fasirta”. Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Mudane Mohamed Sadiiq Dhame, oo leh Xasaanad Xisbinimo & Muwaadaninimo. Xildhibaan Dhakool, oo leh Xasaanad Xildhibaanimo & Mid Muwaadaninimo. Abdi-malik Coldoon oo leh Xasaanad Saxaafadeed, mid Samafale iyo tiisii Muwaadaninimo-ba waxay si Sharciga Baal-marsan bay ugu jiraan Xabsiga Hargeysa. Waxaan Cadaynayaa in Ficilada noocan ahi ay 20 Sano oo kale dib u riixayaan Aqoonsi ay S/land ka hesho Bulshada Caalamka ee Indhaha ku Haya Dhaqdhaqaaqa Dimoqraadiyada S/land. Hadaba; Waxaan Xukuumada Muuse Biixi ugu Baaqaynaa inay Xubnahan Masuuliyiinta ah si Degdeg ah Xoriyadoodii ugu soo Celiso. Hadii Taas la Waayo, Waa in . Xubnaha & Hogaanka Xisbiga Waddani Gudo & Debadba . Xubnaha Baarlamaanka ee Xilkaska ah oo ay Hormuud ka yihiin Gudoomiyaha Golaha & Xubnaha Gobolada Bariga ka soo jeeda . Hogaanka Suxufiyiinta & Hayadaha Samafalkaba waxaa la gudboon inay iska kaashadaan Mudaharaad Joogto ah oo lagu difaacayo Xuquuqda Muwaadaniinta, si Xubnahani Xoriyadoodii dib ugu Helaan. Ogaada, Xubnahani Bishii Barakaysnayd ee Dembi-dhaafka & is-cafinta ahayd ayay Xabsi ku jiraan. Illahow Somaliland Badbaadi !!!!!!!!!!!!. Mahadsanidin Afhayeenka Yurub Xisbiga Waddani Qasim A Saleebaan Qaran News
-
(Akhriso): Soomaaliya oo war ka soo saartay Go,aankii Kenya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee loogu jawaabayay dowladda kenya oo ku qornayd luuqada Inglishka ayaa waxa ay udhignayd sidan hoose ku [...] Source -
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray “in dowladda Kenya ay awooddeeda diblomaasiyadeed u adeegsaneyso Soomaaliya” oo ay ku eedeysay inay “ku xadgudubtay biyaheeda.” Wargeyska Daily Nation ayaa qoray dhowr tallaabo oo ay qorsheysay dowladda Kenya inay qaado, si ay cadaadis xooggan u saarto xukuumadda Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1 – Joojinta mudnaanta gaarka ah ee ay siin jirtay mas’uuliyiinta Soomaaliya, sida Visa-ha loogu dhufan jiray baasaboorka marka ay kasoo degaan garoonka Jomo Kenyatta. 2 – Billaabista tallaabooyin iyo xanibaado adag oo la saarayo diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya, sida inay soo maraan magaalada Wajeer. 3 – La macaamilka iyo soo dhoweynta dowladaha federaalka ah ee khilaafka uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale maamulka Somaliland. 4 – Kasoo saarista ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya goobaha ay horey uga qabsadeen kooxda Al-Shabaab, si Shabaabka ay dib ula wareegaan, taasi oo cadaadiska gudaha kusii kordhineysa dowladda federaalka. 5 – Hakinta qaar ka mid ah heshiisyadii ay labada dowladood horey u kala saxiixdeen, inkasta oo aan la shaacin waxa ay yihiin. Wrageyska ayaa sidoo kale qoray inay jiri karaan tallaabooyin kale oo intan ka baxsan oo dowladda Kenya ay qaaddo, si ay cadaadiska ugu kordhiso dowladda Soomaaliya. Wargeyska ayaa sheegay in ujeedada Kenya ay tahay inay ku qasabto Soomaaliya inay ka laabato dacwadda taalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ku saabsan badda Soomaaliya, islamarkaana taa beddelkeed ay wada-hadal la furto. Kenya ayaa habeenkii Isniinti waxay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo u socday shir ka dhici lahaa Nairobi ku qasabtay inay qarakood baryaan garoonka, kadib markii ay u diiday Visa-hii ay garoonka ka qaadan jireen. Dowladda Soomaaliya, weli wax jawaab ah kama bixin tallaabooyinka dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Guddiga Dib-u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka madaxabanaan ayaa 5-tii cutub ee ugu danbeysay waxa ay ku ku wareejiyeen Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Gudoomiyaha Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa waxa uu sheegay inay tahay wax lagu farxo in maanta Guddiga -u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka madaxabanaan uu 5-tii cutub ugu danbeysay ee dastuurka soo wareejiyey. “ Maanta inuu Guddiga la socodka dib – u eegista Dastuurka Baarlamaanka federaka Soomaaliya uu ku soo wareegay 5-tii cutub ee ugu danbeysay, ee lagu sameynayay dib – u eegista Dastuurka JFS, waxaa weeye taariikh, Waa taariikh cusub weeye, waa taariikh illahey najoojiyay, in maanta 100% dib-u- eegistii Dastuurka oo ka koobnaa 15 cutub inay ka soo dhamaatay Guddigii madaxabanaana ayna ku soo wareegtay Guddiga la socodka ee BFS” Sidoo kale Gudoomiyaha Guodomiyaha Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in waxa dhiman ay yihiin wax u baahan wada tashi in lagala sameeyo dowled-gobaledyada iyo Baarlamaanadooda waxa uu kale uu xusay inuu dhiman yahay in uu dhiman yahay in dadweynaha kaalintooda laga siiyo. “ Waxaa kaliya oo dhiman la oran karayaa la tashigii dadweynaha wali wuu dhiman yahay marka laga reebo in kooban, iyo dowled-gobaledyada iyo Baarlamaanadooda ayaa wali dhiman la tashigaas taladoodii in loo geeyo, waxaa kaloo dhiman arrimaha ku saabsan arrimaha siyaasadeed qodobo ee u baahan wada xaajood siayaasadeed in laga galo wali waa ay dhiman yihiin” Dhanka kale Muno Shiikh Cumar oo ah Gudoobmiye ku xigeenka Guddiga Dib-u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka maxabanaan ayaa sheegtay in dhankooda uu ka soo dhamaaday Dastuurka Guddiga ay ku wareejiyeena sida ugu dhaqsiyaha badan uu ugu gudbiyo Baarlamaan. “ Guddiga madaxabanaan farxad weyn ayeey u tahay iney maanta soo wada gudbiyeen Dastuurkii 15-kii cutub oo horay aan u soo gudbinay 10 cutub 5-tii ugu danbeysan inaan maanta u gacn galinay Guddiga dib dib- u – eegista Dastuurka ee Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya, maanta waxa ay taagan tahay inuu 15kii cutuba uu gacanta ugu jiro Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ” Ugu danbey Muno Shiikh Cumar ayaa waxa ay dowlad-gobadeyada ka dalbatay in looga baahan yahay in Dastuurka aan loo xayirin is qabqabsi dhaxdooda ah ayaga iyo dowladda dhexe maadaama Dastuurku uu yahay kii lagu hagi lahaa Umadda Soomaaliyeed. “Waxaan ka codsanayaa dowled-gobaledyada maadaama uu soo dhamaaday 15kii cusutub ayna harsan tahay in dib u eegis lagu sameeyo inaan loo xariyin is qabqabsi jira iyo haddii uusan jirinba aadna ogaataan inuu Dastuurkaan uu yahay Dastuur Umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyo, masiirkii Umadda Soomaaliyeed uu yahay, kii Umadda Soomaaliyeed lagu hagaayay uu yahay, wixii jirana dib looga xisaabtamo uusan noqon mid la sababeeyo ama la siyaasadeeyo” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu socdaal ku tagi doono magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Sidaas waxa bartiisa twitterka ku qoray Rashiid Cabdi oo ah khabiir hore uga tirsanaa hay’adda ICG, ahna nin aad uga falanqooda arrimaha gobalka iyo caalamkaba. Rashiid oo degen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata uu isna socdaal ku iman doono caasimadda Hargeysa ee Somaliland. Rashiid wuxuu sheegay inuu soo xiganayo warar Kenyan ah oo xogogaal ah, “Xogo Kenyan ah oo xogogaal ah ayaa sheegay in shirkadda Dahab shiil oo ah xawaalada keliya ee aan ahayn mid qas badan ay ka shaqayn doonto Kenya. Kuwa kale waa la xidhi doonaa.” Ayuu yidhi Rashiid oo intaas raaciyay in shirkadda Dahab Shiil ay xidido ku leedahay Somaliland. Rashiid Cabdi, wuxuu intaas raaciyay, “Iyadoo la filayo in Madaxweyne Biixi uu socdaal rasmi ah oo deg deg ah ku yimaado Nayrobi. Madaxweyne Kenyatta ayaa isna booqan doona Hargeysa ka hor dhammaadka sannadka.” Ma jiro wax jawaab ah oo ay dawlada Kenya kaga jawaabtay qoraalka uu twitterka ku qoray Rashiid Cabdi oo ah nin xogaha uu baahiyo aad loo xigto, kuna xidhan dad badan oo caan ku ah wararka iyo siyaasadda gobalka Geeska Afrika. Laakiin qoraalkan uu Rashiid qoray ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysatay xurguftii diblomaasiyadeed ee u dhaxaysay Kenya iyo Soomaaliya. Rashiid Cabdi ayaa hore u saadaaliyay in Kenya ay qaadi doonto talaaboyin dhawr ah oo ay culays iyo ciqaab diblomaasiyadeed uga dhigayso dawladda Soomaaliya. Ka dib hadalka Rashiid, Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa la sheegay shalay inay galeen qaar ka mid ah xafiisyada xawilaadaha. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex ka taagan Xisbiyada Qaranka ee salka ku haya qabsoomida Doorashooda iyo Komishanka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Somaliland iyo Somaliya “Nin Siyaasi Koonfur ahaa oo la odhan jiray Oday Laangadhe, ayaa maalin yidhi “Reer Waqooyi haddii aad tihin, dawladnimadii baad noo keenteen, idinka oo wax shuruud ah ku xidhin, Caasimaddii Muqdisho ayey noqotay, Madaxweynihii Muqdisho ayuu noqday, xilalkii cuslaa reer Koonfureed baa qaatay, idinkuna waxba kamaad soo qaadin, oo waad ka doodi weydeen, waxaas oo dhan oo aad noo keenteen, waxaanu idinku bedelnay aargoosi”, markaas waxaa dhab noqday hadalka uu ninkaasi siyaasiga ahi hore u sheegay, dawladnimadii aynu Xamar geynay, aargoosi, xasuuq iyo cadaawad baynu ka dhaxalnay,inaynu dib ula soo noqono xoriyadeenana bilaash kumay iman, ee dhiig baa u daatay, halgan baynu u soo marnay, haddii aynu awal si qasab iyo juujuub ah aynu ugu dabaal degi jirnay oktoobar, oo wax inaga galay aanay jirin, maanta inaga oo xor ah ayeynu u dabaal degaynaa 18 may, oo ah maalin inoo suntan, waxaana leeyahay halkan lagama rabo cid Somaliya doonaysa, ee Somaliland cid doonaysa ayaa laga rabaa, Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan, ee Maamulka Xamar ka taliya waxaan leeyahay cago dhigta,hore ayaanu idiin baranay, aargoosi dambe iyo cadaawad dambe uma taag hayno, ee sidaas aynu ku ahaano laba dal oo jaar ah”. Mar uu ka hadlaayey Xisbiyada Somaliland ayaa yidhi “Ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, inta ay is hayaana waxba inoo hagaagi mayaan, Doorashana inoo dhici mayso, ee Xisbiyadu waa inay heshiis ka gaadhan waxay isku hayaan, markii hore nidaamka loo sameeyey Komishanku wuxuu ahaa nidaam cadaalad daro ka muuqato, maxaa yeelay marka uu Madaxweynuhu laba xubnood magacaabo, Golaha Guurtiduna laba xubnood magacaabo,Xisbiga hadba Muxaafidka ahina uu hal xubin magacaabo, Xisbiyada Mucaaradku min hal xubin magacaaban, waa cadaalad daro, waxaana loo baahna inay Xisbiyadu si siman u qaybsadaan xubnaha Komishanka, sidaas oo ay yahay imikana waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo, oo xal umadda dan u ah la wada gaadho” Source
-
NAIROBI, Kenya -- Islamic extremists exploded a suicide car bomb and killed at least six people near the presidential palace in Somalia's capital on Wednesday, police said. Source: Hiiraan Online