Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Khartoum)-Ugu yaraan 2 qof ayaa lagu dilay halka 10 kalena lagu dhaawacay caasimada dalka Sudan ee Khartuum kadib markii rasaas ay ciidamadu ku fureen goob ay ku sugnaayeen dadka dibadbaxaya. Kumanaan qof oo ka soo horjeeda xukunka dalka ay ku dhagan yihiin ciidamada Milatarigu ayaa ku sugan jidka Nile ee Khartuum, waxaana rasaas ay ciidamadu ay ku fureen ay halkaasi ku dileen laba qof, sida ay xaqiijiyeen guddida dhakhaatiirta ee dalka Sudan oo war-bixin ka soo saaray falkii dhacay ee lagu toogtay dadka dibadbaxaya ee rasaasta lala beegsaday. Balse Guddidan dhakhaatiirta ayaan cadayn ciidamada rasaasta ku furay dibadbaxayaasha kuwa ay yihiin iyo sidoo kale kuwa la dilay ama la dhaawacay, inkastoo wararka lagaga helayo dalka Sudan ay sheegayaan in mid ka mid ah labada qof ee la dilay ay Rasaastu madaxa kaga dhacday. Kumanaan dibadbaxyaaal ah ayaa ku sugan wadada ugu weyn ee hormarta xarunta milatariga ee Khartoum, waxaanay dadka fadhiya goobtaasi ay warbaahinta u sheegeen in daraasiin gaadiidka gaashaaman iyo ciidamada Bileyska ee rabshadaha ka hortagaan ay xidheen goobtaasi isla markaana ay rasaas u adeegsanayaan dadka dibadbaxa samaynaya. Source
  2. Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa dowladda Puntland ugu baaqay in ay gacan bir ah ay dowladda ku qabato cid kasta oo raacsan mamaulka [...] Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiinta Madasha Wadda Tashiga oo Eedaymihii ugu Cuslaa u Jeediyey Xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. isu socodka shacabka iyo gaadiidka waddooyinka isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Bosaaso ayaa hakad ku jira, waxaan ku xanibnaa shalay toga Ceeldaahir gaadiid aad ufarabadan [...] Source
  5. Muqdisho (SMM) – Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta maanta Deeq Lacageed gaarsiisay 00 Qoys oo ka mid ah dadka Yamaniniyiinta ah ee ku sugan M/Muqdisho. Qoysaskan oo dalkooda uga soo cararay dagaallo ayaa in muddo ah ku noolaa gudaha Caasimadda, iyaga oo wajahayay daruufo nololeed. Gudoomiyaha hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Ismaan oo ka warbixiyay deeqdan ayaa sheegay in ay ugu talagaleen in Qoysaskaasi ay uga faa’iideystaan u dabaaldaga maalmaha Ciidul Firdiga. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliiyeed in la caawiyo dadkaasi. Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa tan markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan howlo Samafal ka waday gudaha magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo Sawirrada:- View the full article
  6. Duqa Garoowe Axmed Siciid Muuse Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay Garoowe, ay biyo ku xireen guryo ku yaalla xaafadaha magaaalada, kadibna ay isku furmeen barkadihii iyo suuliyadii guryahaasi. Duqa ayaa ka digay in halis caafimaad ay ka dhalan karto, biyaha roobka ee ku xirmay xaafadaha Garoowe iyo xeryaha bara-kacayaasha ee nawaaxiga magaalada, waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ilaaliyaan nadaafadda guryahooda iyo carruurtooda, si looga hortago cudurada ka dhalan kara biyaha wasakhaysan ee fadhiya xaafadaha. Sidoo kale, wuxuu sheegay in biyaha ku xannibmay xaafadaha iyo waddooyinka Garoowe, ay sabab u yihiin dadka dhisanaya iyo kuwa carra-kaawada ku goynaya, meelihii ay ka bixi jireen biyaha magaalada, sidaasi darteedna ay biyuhu ku xirmayaan xaafadaha. Waxaase uu sii raaciyay in ay bilaabi doonaan hawlgallo lagu banneynayo dhismayaasha iyo carra-kaawooyinka sida sharci-darrada u dhisan ee biyaha ku celiya magaalada, isagoo digniin u jeediyay dadka dhista meelaha biya-mareenka ah. PUNTLAND POST The post Duqa Garoowe oo ka digay halis ku soo wajahan magaalada appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay in Darawal waday Gaari Hoomey ama BL uu ku dilay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir. Dilkan ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Isgoyka Seyniyaano Degmada Hodan. Goobjoogayaal ayaa sheegay in Askariga wax dilay iyo darawalka ay murmeen, maadaama wadadaasi ay aad cariiri u aheyd, taasina waxaa ay keentay in askariga uu xabad ku dhufto darawalka. Darawalka Gaadiidka dadweynaah ee Maanta la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo koobay(Laangeel). Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaareen ciidamada booliska Soomaaliya. Koontaroolka Saybiyaano ayaa dadka waxa ay u garanayaan (Kala Wareeg) maadaama gaadiidka ka yimaada Ex-Control illaa Afgooye aysan soo dhaafi Karin halkaasi, halka kuwa ka baxa Muqdisho iyagana aysan dhaafi karin Koontaroolkaasi waa gaadiidka dadweynaha. Koontaroolada ay joogaan Ciidamada Booliska qaarkood ayaa waxaa lagu dhibaateeyaa dadka shacabka ah, maadaama aanan loo ogoleyn gaadiidka inay soo maraan. Meelaha qaar ee Ciidamada Booliska ay joogaan ayaa gaadiidka waxa ay waydiiyaan Aqoonsi dowladeed oo kaliya, balse dadka oo dhan ayaanan u shaqeynin dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Boqorka Sucuudi Carabiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Boqortooyada dalka Sucuudiga waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa dhawr saacadood ku hakaday magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Garowe (SMN) – Waasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa shaaciyay khasaaraaha ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay degaannada maamulkaasi. . Dhabancad ayaa sheegay in sagaal qof ku dhinteen daadad soo rogmaday iyo danabyo (Biriq) ay tureen roobab mahiiggaan oo ka da’ay gobollada Nugaal, Karkaar iyo Sanaag. Sidoo kale wuxuu sheegay in 100 qoys ay ku xoola beeleen roobabkaasi, islamarkaana ay go’een illaa 17 waddo oo ku yaalla gobolladaasi. Roobabka ka da’ay ayuu sheegay wasiirku in ay kala goyeen isku socodkii Puntland iyo sidoo kale goboladda kale ee Soomaaliya. Dhanka kale Puntland ayaa guddi u saaray qiimeynta iyo wax ka qabashada khasaarada ay Roobabku geysteen, waxaa ayna maanta la kulmeen gudgigaasi hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala maamulkaasi. Kulankan oo uu guddoomiyey wasiir Dhabanacad, ayaa waxaa looga hadlay sidii ay hay’aduhu doorkooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka ay roobabku saameeyeen iyo dayactirka lagu sameynayo waddooyinka ay biyuhu jareen. View the full article
  10. It is the territorial dispute over the delimitation of a 100,000 square kilometres territory in the Indian Ocean. Somalia and Kenya are claiming part of the territory off the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  11. Beeralayda Qaadka ee Dalka Kenya ayaa in mudo ah ka Cabanayay Qaadkooda oo qiimo aad u hooseeya looga iibsado, iyadoon wax isbadal sare u kac [...] Source
  12. Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo maraya heer gabagaba ah ayaa waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanaya wareega Sama-Finalka ee Tartanka. Illaa 4 degmo ayaa u soo gudbay wareegan, kuwaas oo kala ah Howlwadaag, Dharkenley , Shibis iyo Xamarweyne oo ka wada gobolkan Banaadir. Tartanka u dhexeeya degmooyinkan ayaa waxaa la qaban doonaa caawa, iyadoona lugta ugu horreysa ay isku arki doonaan degmooyinka Howlwadaag iyo Xamaraweyne, waxaana kulankaasi uu soo geli doono 7:30 Habeenimo. Sidoo kale tartanka xiga ayaa waxa uu dhex mari doonaa Shibis iyo Dharkenley, waxaana la qaban doonaa 10:00-ka habeenimo, sida uu shaaciyay guddoomiyaha guddiga tartan aqooneed Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Howlwagaad iyo Xamaraweyne degmada badisa ayaa waxa ay tagi doontaa Final, halka Shibis iyo Dharkenley cida badiso ay sidoo kale iska xaadiri doonto wareega kama dambeysta ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba gelinta sanakan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondry School. View the full article
  13. Prime Minister Dr Abiy Ahmed received President Mohamed Abdullahi Mohamed of Somalia this morning and held discussions at the office of the Prime Minister. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska uu ka geystay agagaarka Saybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa waxaa la sheegay in loo geystay Darawal waday gaariga dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka. Qof goobjooge ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhacdada kadib uu baxsaday Askarigii ka dambeeyay falkaasi. Inta badan Ciidamada dowladda ayaa waxyeelo u geysta dhalinyarada kaxeeya Mootada Bajajaaj-ta iyo sidoo kale darawalada ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha waxaana marar badan dowladdu ay sheegtay in ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinkaasi. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Boqorka ortooyada Sucuudi Carabiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Boqortooyada dalka Sucuudiga waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka Islaamka isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda gacan loogu siin lahaa dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha oo saaka ka soo kicitimay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jeddah ayaa dhawr saacadood ku hakaday magaalada Addis Ababa halkaas oo Garoonka Diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka. Halkan Hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  16. Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta (axad 2-da juun) wuxuu gaaray Adis ababa kadib markii uu Casumaad ka helay Hogaamiyaha Itoobiya Aby [...] Source
  17. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-02062019-web.mp3 View the full article
  18. Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” arrived in Ethiopia on sunday (june 2) on an 2 day officia visit. He was received at the Bole [...] Source
  19. (SLT-Garoowe)-Roobab laxaad leh oo ka da’ay Deegaannada Puntland intooda badan ayaa sababay khasaare iskugu jira dhimasho, Baro-kac iyo Jidad go’ay. Roobabkan oo ka da’ay Gobollo badan oo Puntland ayaa illaa hadda waxa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 3 Qof, waxaana ka dhashay Fatahaado waaweyn, kuwaasi oo sababay inuu go’o jidka u dhexeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo ah Magaalooyinka ugu waaweyn Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed-karaash oo sidoo kalena ah ku-simaha Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka, kuwaasi oo loo xil-saaray inay soo qiimeeyaan Khasaaraha gaadhay Dadka, Xoolaha, Waddooyinka iyo waxyaabaha kale ee Muhiimka ah. Guddiga ayaa kala ah: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye Wasaaradda Hawlaha Guud , G/Ku Xigeen 3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha , Xubin Wasaaradda Maaliyadda Xubin Wasaaradda Ganacsiga Xubin 6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin 7.Wasaaradda Deegaanka Xubin 8.Wasaaradda Caafimaadka Xubin 9.Wasaaradda Qorshaynta Xubin 10.Madaxtooyada Xubin 11.Taliska Ciidanka Booliska Xubin Hay’adda HADMA Xoghayn 13.Hay’adda PHA Xubin 14.Guddoomiyayaasha Gobollada Xubin Ku-simaha Madaxweynuhu wuxuu Cid kasta oo hawshani khusayso uu ka codsaday inay Guddiga kala shaqeeyaan Gurmadka ay Dadka ku samato-bixinayaan, waxaanu markaa ka dib uu kormeer ku tagay Goobaha khasaaruhu ka jiro. Source
  20. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Waftiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay magaalada Makkah Al-Mukarama, halkaasoo ay uga qeyb galeen shirarka Hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta iyo kuwa Iskaashiga Islaamka. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo qorshe uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dadaal ugu jira in xal diblomaasiyadeed laga gaadho khilaafka Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo Ammaanka iyo nabadda Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Amxaariga ee VOA waxaa uu ku sheegay inuu xal u raadinayo khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana uu kala kaashanayo dalalka Eritrea iyo Koofurta Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid mar kale dhexda u galay qorshaha Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyadoo la xusuusto in bishii February ay wadajir ugu safreen magaalada Nairobi, xilligaasoo uu Abiy Ahmed uu dhex dhexaadiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kaddib khilaafkii diblomaasiyadeed ee sababay in Safiirada labada dal ay dib ugu kala laabtaan dalalkooda. Source
  21. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta booqday caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa. Farmaajo marka uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka. Dhanka kale, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u kicitay dalka Qatar iyada oo la sheegayo inuu halkaasi ku aaday arrimo la xiriira mashaariic. Labada mas’uul ayaa dalka ka maqan xilli ay dowladda dhexe xiriirka u jareen dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmumudug, waxaa kale oo walaac badan laga muujinayaa faragelinta dowladda dhexe ee doorashooyin la filayo Galmudug iyo Jubbaland. Keliya ma qasna xaaladda gudaha, ee gobolka gaar ahaan Kenya ma fiicna xiriirka ay la leedahay Muqdisho, oo bilihii ugu dambeeyey waxaa dhacday iney Kenyaanka qaadaan talaabooyin ay ka mid tahay iney culeys saaraan fiisaha diblomaasiga ah, waxaa ay wareejiyeen diyaarihii toos u tagi jiray Nairobi oo hadda mara Wajir, waxaa kale oo la diiday xamuul aan cidna la socon in laga diro Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya. Wafddiga Madaxweyaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Adis ababa ku qaabilay Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed Cali. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya waxaa uu ka qeyb qaatay dhir lagu beerayay gudaha dhismaha Xafiiska Ra’isalwasaaraha. War kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in labad dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,iskaashiga, dhaqaalaha iyo qodobo kale. Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen xasillonida, amaanka iyo wada shaqeynta Gobolka. Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in uu dhex dhexaadinayo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo uu hadda u dhaxeeyo dagaal diblomaasiyadeed salkana ku haya muranka badda. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Amxaariga ee VOA waxaa uu ku sheegay inuu xal u raadinayo khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana uu kala kaashanayo dalalka Eritrea iyo Koofurta Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid mar kale dhexda u galay qorshaha Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyadoo la xusuusto in bishii February ay wadajir ugu safreen magaalada Nairobi, xilligaasoo uu Abiy Ahmed uu dhex dhexaadiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kaddib khilaafkii diblomaasiyadeed ee sababay in Safiirada labada dal ay dib ugu kala laabtaan dalalkooda. Sanadkan gudihiisa Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis Ababa u safray tiro saddex jeer ah, waxaana la xusuustaa in Madaxweynuhu xilligii Ololaha ku jiray in Madaxdii hore ku eedeyn jiray safarada dalka Itoobiya.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu dagaal culus ka dhex qarxi rabo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka dagan Xaafadda Jaamacadaha. Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ka shidaal qaadanayo Wasaaradda Waxbarashada ayaa dadka dagan Xaafadda Jaamacadaha oo u dhow Seybiyaano u sheegay inay isaga guuraan halkaas muddo 7 Maalin ah oo ku akeyd Shalay. Dadka deegaanka oo u badan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Ilmo ay dhaleyn ayaa arrintaas ka hor imaaday, waxayna Xaafadaha Jaamacadaha noqotay mid ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo farabadan oo sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay soo weerarto. Caasimadda Online oo la hadashay Taliyaha Ciidamada halkaas ku sugan ayaa sheegay inay kasoo baxeyn furumaha dagaalka AL-Shabaab kadib markii ay maqleyn in Ciidamo ka tirsan dowladda ay rabaan inay dadka ka saaraan Xaafadda Jaamacadaha oo ah meel ay dagan yihiidn dad aad u farabadan. Taliyaha ayaa sheegay inay dhiigooda u huri doonaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka halkaas dagan oo u badan ilmo ay dhaleen askarta Dowladda ee safka hore kaga jiro dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab. ” Ma aqbali karno in ay nasoo weeraraan ciidamo ka tirsan Dowladda anagoo difaacyo hore ku maqan, waxaana u diyaar garownay dagaal culus oo xataa qaadan karo bilooyin” ayuu yiri taliyahaas oo diiday in magaciisa loo isticmaalo warbaahinta. Ciidamada halkaas ku sugan ayaa qiyaas ahaan gaarayo illaa 200 oo askari oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka iyo Gaadiidka dagaalka. Ciidamadaas ayaa dhufeysyo adag ka sameystay gudaha Xaafadaha sidoo kalana waxayna qoryaha darandooriga u dhaca iyo Sabano la fuuleyn Dabaqyada Xaafadaas sida uu soo arkay wariye ka tirsan Caasimadda Online oo saaka halkaas tagay. Ciidamada halkaas dhufeysyada uga jiro ayaa Xalay diiday inay laamiga Jaamacadaha ka gudbaan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gurmad ahaan ugu socday Xaafadda Garas Baaley oo ay soo weereen Kooxo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna ugu dambeyn ciidamadaas ka wareegeyn dhanka Xoosh. Xaaladda Xaafadaha Jaamacadda ayaa ah mid dagaal, waxaana lagu dhex arkayaa ciidamo badan oo ku jiro difaac adag iyo kuwa kale oo saaran dabaqyada dhaadheer ee halkaas ku yaal. Dowladda Soomaaliya illaa hadda kama aysan hadlin xiisadda halkaas ka taagan, waxayna arrintaas kusoo aadeysaa xilli aysan dowladda Soomaaliya wax shaqo ah ku qaban Xarumihii horey looga bixiyey dadkii Shacabka oo ilaa hadda haawanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Tirinto, Canada :- Immigrants who failed to declare the existence of a lost family member when they first came to Canada will now get a [...] Source
  25. Dooxa (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka aha ee labada dal iyo labada shacab iyo mashaariicda horumarineed ee Qatar ay Soomaaliya ka wado. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article