-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doorto degaanada maamulka Jubbaland ayaa Kismaayo kaga dhawaaqay in ay ka hortagayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dooneyso in ay u gasho maamulka Jubbaland sidii doorashadda maamulka Koonfur Galbeed. Senetarada kala ah Iftin Xasan Baasto, Axmed Xaashi iyo Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah musharaxiinta ay been ka sheegeen amniga maamulka Jubbaland. Waxaa ay sheegeen in haddii dowladda dhexe ay isku daydo in ay faragaliso doorashadda Jubbaland in ay ka hortagi doonaan, islamarkaana maamulka Jubbaland ay ka dhici doonto doorasho Xalaal ah. Senetorada kala ah Fartaag iyo Iftin Xasan Baasto ayaa sheegay in ay la socdaan qorshe ay waddo dowladda dhexe oo xiisad Amni daro looga abuuraayo degaanada maamulka Jubbaland, islamarkaana ay qaadi doonaan doorkood si looga hortaggo Arintaasi, maadaama ay la socdaan dhibaataddii dowladda Soomaaliya ay ka geysatay Magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Raptors headed to NBA Finals after thrilling win over Bucks
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Toronto Raptors have won the Eastern Conference and sit four wins away from the first NBA title in franchise history. Source: Hiiraan Online -
Kismaayo (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Weerarka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Bilis Qooqaani oo ka tirsan Jubbada Hoose, waxaana la sheegay in ururka Al Shabaab ay weerar qorsheysan halkaasi ku qaadeen. Masuuliyiinta maamulka Jubbaland ee deegaanka Bilis Qooqaani ayaa sheegay inay ka warhayeen weerarka qorsheysan ee Al Shabaab ku qaadeen deegaanka, islamarkaana ay iska difaaceen weerarka. Dagaalka ayaa lagu waramayaa inuu geystay khasaaro kala duwan, balse labada dhinac ma aysan shaacin waxyeelada ka dhalatay weerarka oo saacado socday. Weerarka ayaa yimid kadib markii ururka Al Shabaab xubno ka tirsan ay weerareen saldhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqaani, iyadoo muddo halkaasi ay ku dagaalamayeen. Guddoomiyaha deegaanka Bilis Qooqaani Muuse Macalin ayaa sheegay in dhankooda aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkaas,hayee ay arkeen meydka ruux ay dileen,kadibna ay uga tageen goobtii lagu dagaalamay. Weerarka xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Gobolkaasi uu abaabul dagaal ka wado madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Jubbaland waxaa marar badan ka dhacay weeraro qorsheysan oo ururka Al Shabaab ku qaadeen saldhigyo dhowr ah oo ku yaala gobolada Jubbooyinka, waxaana weerarka ugu xogan uu ahaa weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Guuleed Dafac” ayaa ka hadlay go’aanka ay xukuumada Madaxweyne Farmaajo ka qaadatay tallaabooyinkii ay maalmihii u dambeeyay qaaday dowladda Kenya. Guuleed Dafac ayaa saluug badan ka muujiyey jawaabta xukuumada Farmaajo ka bixisay daan-daansiga Kenya ee go’aankii ay dhawaan qaadatay ee lagu xadaynayey dal ku galka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Garyaqaan Dafac ayaa ka dhawaajiyey in Madaxweyne Farmaajo ay wax badan iska badaleen mowqifkiisi waddaniyadeed ee uu lahaa waqtigii ololaha uu ugu jiray hogaaminta dalka. Dafac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay go’aankan ay xukuumada Farmaajo ka qaadatay xiisada Kenya inay tahay isbadel ku yimid waddaniyadii Madaxweyne Farmaajo oo wax badan iska badaleen markuu fuuley kursiga ugu sareeya dalka. “Somalia cid waliba way ka adag tahay. Madaxwayne Farmaajo markii uu ololaha ku jiray waddani adag ayuu ahaa. Markuu kursiga ku fadhiistayna maya odhan kari maayo” ayuu ku yiri Garyaqaan Dafac qoraal uu ku qoray bartiisa Facebook. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Talooyin fiican oo ku socota Gabdhaheena Raaca Bajaajka, amnigaaga awgii walaal: 1- Inta aad ka maarmi karto ha raacin bajaaj oo adeegso basaska caadiga ah. 2- Hadey huri weydo, waxaad fiirsataa bajaaj nin da’ weyni wado ama diin ka muuqato. 3- Wehel la’aan ha raacin bajaaj, ugu yaraan gabadh kale wehesho. 4- Marna ha raacin bajaaj laba nin isla wadaan. 5- Marna ha yeelin in uu wadada weyn ka leexdo sabab la’aan. 6- Waxaad yeelataa macmiil gaar ah oo marka aad u baahato aad wacato, 2, 3 ama xitaa 4 la yaqaano laguna kalsoonaan karo oo marba kii kuu dhaw aad wacato. 7- Ha ogolaan marna in uu qof nin ah uu wadada ka sii qaado isaga oo kuu kireysan. 8- Wadaha bajaajka hadii uu taleefan ku hadlo oo uu sheego meesha uu joogo ama uu ku soo socdo, waa dareen shaki keeni kara ee taxadar gal 9- Taleefonkaaga qaaligaa, dahabkaaga, iyo wixi kuu muhim ah meel adag gasho. 10- Marna ha ka yeelin in uu ku siiyo biyo, nanac, xanjo iyo wax la mid ah. 11- Marna ha u ogolaan in uu taleefan ku hadlo, una sheeg in aad ka dageyso haduu taleefanka damin waayo maadaama qaanuunka wadooyinka uu mamnuucayo. 12- Taarkada bajaajka sawiro intaadan raacin, sidoo kale lanbarada gudaha uga qoran, lana wadaag ehelkaaga iyo saaxiibadaa in aad soo saaran tahay bajaajka tilmaaantaas leh. 13- Ha ogolaan in uu gadaal soo fiirfiiriyo oo uu kula hadlo, wax sheeka ahna ha la furin, si cadna ugu sheeg in uu shaqadiisa ku ekaado iyo in aadan diyaar u aheyn hadalkiisa. 14- Hadii uu afduub ama in uu ku qasbo isku dayo, ha argagixin ee isdifaacid u diyaar garoow iyo in aad si dhiiranaan ah isaga dhiciso. 15- Haduu hub kuula soo baxo marna ha ogolaan in uu kugu handado, ogowna in uu rabo kaliya cabsi galin, sharaftaadana ku shahiid, marna ha u hogaansamin, hadiise uu rabo in uu wax aad wadato kaliya kaa qaato iska sii oo hala dagaalin. 16- Hadey gacan gaarto, waxaad isku daydaa in aad indhaha qalin ama faraha si xoogan uga dhaawacdo, labada gacmoodna aad kaga dhagdo kana mashquuliso in uu sii wado mootada. 17- Sanka nabar xoogan uga dhufo, marka horana nin kaa xoog badan bajaaj uu wado haba raacin. 18- Hadaad fursad hesho ka carar oo guri ama goob ganacsi oo furan ku carar. 19- Sawir ka qaad wadaha bajaajta ka dibna u dir qof ahalkaaga ah Talada ugu fiican: intaad ka maarmi karto bajaaj ha raacin, wehel la’aanna ha raacin. NABAD KU WAARA shere dheh walal si ay u gaarto gabdho badan. W/Q Amiir Qalinle Mogadishu, Somalia
-
Ilaahii abaarta inaga soo jabiyay ayaa ay mahadi u sugnaatay Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday inay fuliso qorshe ay uga jawaabeyso diidmada Kenya ee inay mas’uuliyiinta Soomaaliya Visaha ka siiso garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu wargelisay Hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in wasaaradda aysan Nairobi uga qeyb gali doonin shirarka, siminaarada iyo Tababarada hay’adahaas. Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adahaas in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, oo tagistiisa ay u fududahay wasaaradda. Go’aanka wasaaradda caafimaadka ayaa ka dambeeyey kadib markii shirkii Golaha Wasiirada ee khamiistii lagu go’aamiyey in Wasaaradaha Xukuumadda inay ku wargeliyaan Hay’adaha ay bahwadaagta iyo wada shaqeynta leeyihiin in shirarkii lagu qaban jiray Nairobi laga raro, isla markaana loo wareejiyo magaalooyinka sida Kigali, Kampala iyo Addis Ababa. Kenya ayaa dhowaan Visa u diiday islamarkaana garoonka Nairobi ku xanibtay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay Booliiska gobolka Mudug. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug loogu magacaabay Gaashaanle Sare Jaamac Maxamed Axmed. Magacaabista taliyaha waxay ku soo beegantay saacado kadib markii madaxweynuhu kala diray garsoorayaashii maxkamadaha iyo xeer-ilaalintii gobolka Mudug islamarkaana maamul cusub u magacaabay gobolkaasi. Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa isbeddeladani sameeyay kadib markii uu la tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sida qorshaysan maalinta berriya safar u aadi doona dalka Shiinaha iyadoo safarkaasi la xiriiro dhanka horumarinta kaaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga. PUNTLAND POST The post Deni oo taliye cusub u magacaabay Booliiska gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo, May 25, 2019: Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug. 3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- The post Dikteeto: Madaxweynaha Puntland oo maamul cusub u magacaabay gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab koox Maleeshiyo Macawiisleey ah ayaa ka dhacay duleedka degaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka. Dagaalka ayaa ka dhacay Tuulada Abooreey oo ku dhaw degmada Buul-barde ee Goblka Hiiraan, waxaana la wareeray goob ay Al-Shabaab macaawino ku bixinayeen. Odayaasha degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Maleeshiyo Macawiisleey ah ay weerar ku bilaawday miinooyin dhulka la geliyay iyo Bam-gacmeedyo ay ku qaadeen Al-Shabaab oo raashin ka qaybinyay Tuulada, waxaana halkaasi looga dilay Ciidamo badan iyo Sarkaalkii hogaaminyay. Al-Shabaab ayaa mar qura maqlay dhawaaqa qaraxyo u badan Bam-gacmeedyo iyo miinooyin dhulka lagu diyaariyay iyo rasaas xoog leh kadibna waxay ka carareyn degaankii iyo raashinkii ay bixinayeen sida ay ku soo waramayaan dadka degaanka. Dadka Al-Shabaab dagaalka ugu dhintay waxaa kamid ah Sheekh Cali Garweyne oo ahaa madaxii Al-Shabaab ee inta u dhaxeysa Beladweyne iyo Buula-barde. Hore waxa uu ahaa madaxdii Howlgalada Al-Shabaab ee degmada Buula-brde sida ay xaqiijiyeen dadka yaqaana Sarkaalka la dilay. Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa la sheegay in dagaalka uu uga dhaawacmay hal Askari oo kaliya waxayna soo furteen raashinkii ay bixinayeen Al-Shabaab. Maleeshiyadaan waxaa taageera Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan kuwaas oo siiya hub iyo saanad kale waxayna dhowr jeer dagaal la galeen Al-Shabaab, Al-Shabaab waxay ku guuleesteen in ay qaateen Sarkaalkii dagalka looga dilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MUqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho xildhibaano iyo siyaasiyiin ayay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed oo ay sheegeen in uu qeyb ka noqon doono Xisbiyadda ka qeyb galaya doorashadda 2020-ka. Saddex xisbi oo ka mid ah Xisbiyadii uu diwaangaliyay Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in ay Midoobeen sidoo kalena ay la midoobi doonaan xisbiyadda Siyaasadda ee ka jira dalka. Xisbiyadda maanta Midowbay ayaa waxaa kala hoggaamiya Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdullaahi Sheekh Xasan. Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in u jeedka ay u sameysteen Isbaheysi loogu magacdaray Iskaashi ay tahay in la yareeyo Xisbiyadda tiradda badan ee dalka ka jira, islamarkaana la helo tiro kooban oo xisbiyo ah hadana tayo leh. Hoos ka daawo muuqaalka
-
(SLT-Makka)-Shirka Saddex-geesoodka ee Hoggaamiyayaasha dalalak Khaliihka, kuwa Carabta iyo Islaamka ayaa la filayaa inuu bishan Ramadaan 25-da ilaa 26-ka ka dhaco magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga. Kulankaasi oo uu Boqorka Sacuudiga iclaamiyey ayaa waxay Hoggaamiyayaasha kaga wada hadli doonaan Khatarta Iiraan ee ammaanka iyo deganaanshaha Badda Cas iyo khaliijka. Qabsoomida Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay welli xaallado ka jiraan dalalka Somalia, Syria, Yemen, Libya, Iraq, Algeria, Sudan, iyadoo ay weli Yuhuudda dhibaatooyin ka geystaan dhulka Falastiin iyo magaalada Quddus-ta La-haysto iyo La-dagaalanka Budhcad-baddeeda iyo Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda. Sidoo kale, Kulankaasi ayaa waxa uu ku soo aaday iyadoo ay cabsi xooggan laga qabo Isku-dhac dhex mara Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Iiraan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo lagu casuumay Kulankaasi ayaa waxaa la filayaa inuu ka qeyb geli doono Kulankaasi. Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah Madaxda lagu casuumay shirkaasi oo la hadlay Wargeyska Asharqal Awsad ayaa sheegay inay dalka Sacuudiga dal walaal ah, Madaxa Carabta iyo Qibladda Islaamka. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in caddow kasta oo Sacuudiga soo beegsada uu yahay Caddow guud oo dhamaanteenna na soo beegsaday. Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu ka hadlay Xidhiidhka uu dalkiisa la leeyahay Sacuudiga, Soomaaliya iyo dadaalka ay Dowladda Sacuudiga ugu jirto xal-u-helista khilaafka dhuleed ee Jabuuti iyo Eritrea. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay doorasho dib loogu soo doortay Raysal-wasaaraha dalkaasi, Mr. Narendra modi. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Hambalyo u diray Raysal-wasaaraha Hindiya Narendra modi, kaasi oo mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo Hindiya, ka dib markii Xisbigiisu uu kuraasta ugu badan ka helay Baarlamaanka. Saylici oo qoraal ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya Magaca Somaliland uu ku hambalyeynayo xilka mar labaad loo doortay. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in Hindiya iyo Somaliland leeyihiin xidhiidh dhanka Ganacsiga, kaasi oo gaadhaya hal Milyan oo dollar. Source
-
(SLT-London)-Waxa dalka UK ka bilaabmay durtaba olole loogu jiro cida badalaysa Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May oo maaintii shalay iska casishay xilka Raysal Wasaaraha dalka Britain iyo xisbiga talada dalkaasi haya ee Consevative-ka. Waxaana durtaba soo baxaya shakhsiyaad iyo xubno ku dhawaaqay todobaad ka hor ay Rasal Wasaaruhu ay shaqada uga tagayso xaalado kala soo gudboonaaday ka bixintaanka Britain ee Midawga Yurub. Waxaana suuragal ah in Baarlamaanka Britain uu marar kale oo badan uu u codeeyo “heshiis la’aan in lagaga baxo Midawga Yurub”, balse arintu waxa ay taagan tahay waxa dhici doona October 31-keeda. Markaas oo la filayo in Midawga Yurub ay go’aansadaan in ay lix bilood ugu daraan Qodobka Article 50 bisha March, waxaanu gudoomiyaha golaha Midawga Yurub ninka la yidhaa Donald Tusk uu siyaasiyiinta Britain uu u sheegay “fadlan ha dayacina wakhtigan”. Inkastoo shan bilood ay ka xigaan kama dambaysta wakhtiga loo qabtay ka bixintaanka Ingiriiska ee Midawga Yurub, waxaana xisbiga hogaamiyaha Britain ee Conservative Party uu qabanayaa doorashada hogaamiyaha. Waxaana suurtagal ah in hogaamiyayaal cusub ay shaqadooda ugu horaysaa ay ku waydiistaan midawga Yurub mudo kordhin kale oo loo sameeyo Article 50. Waxaana ka mid ah xubnaha uu hungurigu ka hayo Boris Johnson, Dominic Raab, Michael Gove, Andrea Leadsom, Jeremy Hunt, Sajid Javid, Penny Mordaunt, Esther McVey iyo Tobias Ellwood. Source
-
(SLT-Tuke-raq)-Inta la ogyahay Afar Carruur ah ayaa ku dhaawacmay Miino kula kacday Duleedka Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool. Weriyaha Telefiishanka HCTV ayaa soo sheegay in Miino ku aasnayd duleedka Degmada Tuke-raq ay la kacday Afar Carruur ah oo wada socday, isla-markaana ay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen. Carruurta Miinadu ku qaraxday ayaa la geeyay Cisbitaalka Manhal ee Magaalada Laascaanood, si Xaaladdooda Caafimaad loola Tacaalo. Ciidammada Amniga iyo Maamulka Gobolka Sool weli kama hadal dhibaatada Carruurtaa soo gaadhay, mana jirto illaa hadda Cid booqatay halka Miinadu ka kacday, si baadhitaan loogu sameeyo deegaannada ku dhow halkaasi, si loo hubiyo in waxyaabo kale oo khatar sababi karaa ku qarsoon yihiin. Degmada Tuke-raq ayaa waxa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidammada Somaliland iyo kuwa Maamul-gobolleedka Puntland. Source
-
(SLT-Washington) Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa siwayn u naqdiyay kulan qarsoodi aha oo Waftigii Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe Nairobi kula Shireen siyaasiyiin Rer Muqdisho ah. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yidhi sidan : “Ciridkaan arkaayo ilko kama soo muuqdaan. Wiilka yar ee Xamar u shaqo tagana waa la xidhaa, siyaasiyiinta kolka lagu qabto shir ay madaxda Soomaaliya la galaana waxa la yidhaa waa Hawl bay wadeen. Waar bal shacabkan la duleeyey ee wax walba loogu sheekaynayo ee aan waxba layskaga tirineynin eega. Sharcigii Baarlamaanku ansixiyey sowtii ku taalay “waa ka mamnuuc siyaasiyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya in ay hoos u wada shiraan kolka laga reebo wadahadaladda ay labadda dawladood wada galayaan mooyaane”. Horta Wasiirkii arrimaha dibaddu xagee buu qabtay Oo aanu isagu waftigan Kiiniya tegay u hogaamineynin? Arrinkani waa fadeexad hor leh Oo kalsoonidii shacabka hoos u dhigaysa. Waxeeniiba wax aan sidaa u sii ridneynin ayeey noqotay; hadduu inuun u sharci jiro waa fadeexad qaran arrinkani, dadkana sharaxaad iyo jawaabo waafiya, raaligelin, iyo talaabooyin hor leh ayeey ka sugayeen. Buunbuunintuu waday wataa, loo bud-dhigi waayey Xaqii ay bireeyeen wakaa, boqonka jiidaaya Bicil qodax leh waa kuwaa ku jaray, bohoradeeniiye Dal leh siyaasad yaroo caadifadaysan iyo hebel waa Libaax waa mid subaanaleh. Sharcigani Ma la jiifiyaana banaan baa? Yaab?” Source
-
Washington (Caasimadda Online) – Senater ka tirsan Aqalka sare ee Mareykanka ayaa Madaxwyenaha dalkaas uga digay inuu Khilaafka Iiraan iyo Mareykanka kaga faa’ideysto inuu hub dheeri ah ka iibiyo Dowladda Sacuudiga si uu lacag uga helo. Chris Murphy oo ka tirsan Santeerada Mareykanka, kana mid ah Xisbiga Dimoqraadiga oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka ayaa Madaxweynaha Mareykanka Trump ku eedeeyey inuu wado qorshe uu Sacuudiga kaga iibinayo hub si uu marmarsiiyo uga dhigto Khilaafka Mareykanka kala dhaxeeyo Iiraan isagoo aan wax go’aanka ah ka heysan Kongareyska Mareykanka. ” Waxaan Maqlayaa in Trump uu doonayo inuu Sacuudiga ka iibiyo Gantaalo culculus oo ay ku garaacaan dalka Yeman, isagoo marmarsiiyo ka dhiganayo inay qeyb ka tahay dagaalka uu Mareykanka kula jirto Iiraan, waxaana Asbuucaan rajeenayaa in arrintaas ay go’aan kasoo saaraan Kongareeska Mareykanka” ayuu yiri Chris Murphy oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka. ” Sharciga xadeynta Hubka ayaa awood u siinayo Congress-ka inuu diido in hub laga iibiyo wadan Ajnabi ah, balse Trump wuxuu marmarsiiyo ka dhiganayaa inay jirto xaalad deg deg ah , taasna ay ka dhigan tahay inuusan Congress-ka diidi karin tallaabada uu Trump hub kaga iibinayo Dowladda Sacuudiga, isagoo hadalkiisa sii raaciyey (Kaligey ayaa go’aan ka gaari doono)” ayuu sii raaciyey Chris Murphy. Sharciga qiimeynta hubka Mareykanka ayaa Congress-ka u ogolaanayo inuu go’aan kaga qaato in hub loo dhoofiyo wadan kale inkastoo mid kamid ah Sharci yaqaanada Madaxweyne Trump uu ku doodayo inay arrintaan tahay mid deg deg ah isla markaasna aan loo baahneyn in la marsiiyo Congress-ka. Tallaabadaan uu Trump ku doonayo inuu hub kaga iibiyo Sacuudiga ayaa qeyb ka ah qorshooyinka uu Trump lacag badan kaga qaadanayo Dowladda Sacuudiga. Trump ayaa rabo inuu Sacuudiga ka iibiyo Gantaalada xawaaraha sarreeye leh si ay isaga celiyaan Xuutiyiinta Yeman oo maalmihii dambe duqeyn ka bilowday gudaha Dalka Sacuudiga. Dowladda Sacuudiga iyo xulafadeeda ayaa si weyn uga soo horjeedo Dowladda Iiraan oo ay u arkaan inay tahay midda maalgelineyso Xuutiyiinta Yeman waana meesha uu Trump marmarsiiyo uga dhiganayo in Sacuudiga uu garab ku siinayo dagaalka uu kula jiro Dowladda Iiraan. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com