Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabista James Swan oo ah diblomaasi Mareykan ah kaasoo noqonaya wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhinaya Soomaaliya iyo madaxa xafiiska gargaarka ee Qaramada Midoobay (UNSOM). Swan ayaa beddelay Nicholas Haysom oo u dhashay Koofur Africa kaasoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga mahadceliyey shaqada wanaagsaneyd ee uu u qabtay UNSOM iyo Soomaaliya. Mr Swan oo ah wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u fadhinaya Soomaaliya waa diblomaasi waaya-arag ah oo kasoo qabtay shaqooyin badan dalka Mareykanka. Waa siyaasi ku bixiyey waqtigiisa badankiis hawlo badan oo siyaasadeed dalal badan oo Afrikaan ahna kasoo shaqeeyey. Wuxuu mar soo nqoday safiirkii Democratic Republic of Congo sannadihii 2013 illaa 2016, Wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya sannadihii 2011 illaa 2013 iyo waliba Safiirkii dowladda Jabuuti sannadihii 2008 illaa 2011. Shaqooyinka kale ee Mr Swan soo qabtay waxaa ka mid ah, inuu soo noqday Kaaliye Ku-xigeenkii Xoghaya Arrimaha Dibadda laga soo billaabo 2006 illaa 2008, iyo Agaasimaha Xafiiska Falanqeynta Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dhinaca Sirdoonka iyo Cilmi-baarista sannadihii 2005 illaa 2006. Ka hor shaqooyinkan, Mr Swan wuxuu hawlo badan kasoo qabtay dalalka Democratic Republic Of Congo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti. Mr. Swan wuxuu shahaadaha koowaad Scienceka ka haystaa jaamacadda Georgetown, Wuxuu sidoo kale shahaadadiisa labaad ee Arts ka haystaa jaamacadda Johns Hopkins sidoo kale wuxuu shahaadada labaad Security studies ka haystaa National War College. Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Moscow)Ruushka ayaa laga yaabaa in ay meel uga dhacay xayiraaddii ka saarnayd in uu tijaabiyo hubka nukliyeerka ah ee qarixiisu uusan aadka u xoog badnayn, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka. Sarreeye Guud Robert Ashley oo madax ka ah hay’adda sirdoonkooda difaaca ayaa sheegay “in ay u badan tahay in Moscow aysan u hoggaansamayn” heshiiska la aqoonsan yahay. Marka uu masuulku sidaas leeyahay wuxuu soo xiganayay heshiiska loo soo gaabiyo CTBT, kaas oo ah heshiis ay dalal badan galeen oo mamnuucaya in la tijaabiyo hubka nukliyeerka ah. Ruushka ayaa sannadkii 2008 sheegay in uu ku dhaqmi doono heshiiska CTBT. Maraykanka ayaa isna heshiiskaas saxiixay balse ma uusan meelmarin. “Fahamka aan ka qabno nukliyeerka ayaa nagu hagaya in aan aaminno in tijaabooyinka Ruushka ay ka caawin doonto sidii uu sare ugu qaadi lahaa tayada hubkiisa,” ayuu yiri Sarreeye Guud Robert Ashley. Wuxuu intaas ku sii daray in Maraykanku uu filayo in Ruushku uu hubkaas ku tijaabinayo jasiiradaha Novaya Zemlya, si uu sare ugu qaado hubkiisa nukliyeerka ah tobanka sano ee soo socda. Balse dadka arrimahan ka faallooda ayaa aad u naqdiyay hadalkaas, ururka CTBTO ayaana sheegay in aysan helin astaamo muujinaya dhaqdhaqaaqyo ka baxsan waxyaabihii caadiga ahaa. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Cabdicasiis Xasan Giyaajo oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa ka hadlay daandaansiga dowladda Kenya ku heyso Umadda iyo dowladda Soomaaliya. Si dowladda Kenya looga aarsado go’aankeedii ahaa in diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay sii maraan magaalada Wajeer, ayuu isna soo jeediyay in dhamaan diyaaradaha Jaadka wadda lagu amro inay yimaadaan magaalada Muqdisho si amaankooda iyo waxyaabaha ay wadaan loo xaqiijiyo. Wuxuu sheegay inay taasi culees ku noqon doonto ganacsatada diyaaradaha leh, haddii muddo labo bilood ah sidaasi lagu haayana ay qeyl dhaan ku celin doonaan dowladda Kenya, taasina ay qasbi doonto inay Kenya ka laabato go’aankeedii hore. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in diyaaradaha jaadka haddii lagu amro inay soo maraan dhamaantood Muqdisho, inaan lagu canshuurin Muqdisho, maadaama canshuurtaasi ay leeyihiin maamul goboleedyada dalka. “Daandaansiga Kenya waa ka sii darayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxaan kula talin lahaa Dawlada in Diyaaradaha Qaadka Keena oo tira ahaan gaaraya 19 doyaaradood in kuwa Gobolada geeya dhamaan lagu amro in ay Xamar soo maraan si loo sugo amniga ama security consultation arrinkaas waxay culays saareeysaa Ganacsatada diyaadaha iska leh” “Qaadka haddii laba bilood intaas la sameeyo waxaan shaki ku jirin in ay iyagana joojinayaan in Wajeer la sii marsiiyo dadka ka tegaya Somalia”ayuu yiri Mr Giyaajo. Kenya ayaa ka baxday heshiis horey u dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo dhigayay in diyaaradaha ka taga magaalada Muqdisho inay toos u tagaan magaalada Nairobi, waxaana lagu waramayaa in culeesyada Kenya saareyso dowladda Soomaaliya inay ku dooneyso ka laabashada dacwadda Badda ee ICJ hortaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  4. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Maalgelinta Dadweynaha ee UNFPA ayaa cambaareysay kufsi-wadareedkii loogu geystay gabar sagaal jir ah magaalada ku taalla bartamaha Soomaaliya ee Buula-burde oo 425Km uga beegan dhinaca galbeed magaalada Muqdisho. Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomsen ayaa ku baaqay in lagu sameeyo baaritaan degdeg ah dambiga laga galay gabadha yar. “Si adag ayaan u cambaareyneynaa falkaan murugada leh waxaana xaqiijineynaa inaan barbar taagannahay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in xadgudubyada ka dhanka ah haween la ciribtiro,” ayuu ku yiri Thomsen warbixin uu ka soo-saaray Magaalada Muqdisho. Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay hubiso oo ku dadaasho sidii ay u heli lahayd tillaabooyin lagu ilaalinayo gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed. Sida lagu sheegay warkaan kasoo baxay UNFPA, xadgudubyada jinsiga ee haweenka lagula kaco waa mid aad u halis ah oo lagu waxyeeleynayo xuquuqda gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed. Gabadhan oo magaceeda la qariyey ayaa loo qaaday isbitaal kaddib markii si fool xun loogu kufsday magaalada Buula-burde. Qoyska gabadha ayaa dalbanaya inay gabadhoodu hesho caddaalad oo dadkii falkaan ka dambeeyey la soo qabto. Kufsigaan foosha xun ayaa yimid maalin kaddib markii gabar 20 jir ah toorrey lagu dilay woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee ku taalla bartamaha Soomaaliya. Bishii March, gabar 12 sano jir ah ayaa meydkeeda laga helay woqooyiga Gaalkacyo kaddib markii la afduubtay, la kufsaday oo la dilay. (Xinhua/NAN) Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (SMN): – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterrs ayaa James Swan oo ah diplomaasi u dhashey dalka Mareykanka waxaa uu u magacaabay in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee xafiiska siyaasadada ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM). James Swan ayaa waxaa uu bedelaya Nicholas Haysom oo ah diplomaasi dalka Koonfur Afrika ka soo jeedo,kaasi oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in aanay wadashaqeyn karin,taasi oo keentay in Qaramada Midoobey ay soo magacowdo Wakiil cusub. Antonio Guterrs ayaa magacaabista Mr. Swan kadib waxaa uu sheegay in mas’uulkan uu yahay shaqsi khibrad iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha diblomaasiyadda,isagoo xusay in waqtigiisa inta badan uu ku soo qaatay qaaradad Afrika. Wadamada uu Ergey ahaan uga soo shaqeeyey waxaa kamid ah Jamhuuriyadd Dimoqraadiga ee Congo,2013 ilaa 2016, 2011-2013 Soomaaliya,2008-2011 Dalka Jabuuti,sido kale waxaa uu ka soo shaqeyeey Cameroon, Nicaragua iyo Haiti. Sidoo kale Antonio Guterrs aya intaasi ku daray in James Swan uu soo noqday ku-xigeenkii kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee Mareykanak ee Afrika, 2006-2018,2005-2006 agaasimaha xafiiska sirdoonka iyo dabagalka ee Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, View the full article
  6. Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa dalacsiiyay saraakiishii ciidamada ee dhawaan kasoo goostay Somaliland, kuwaasi oo isku dhiibay Puntland, waxaaana munaasadda lagu dalacsiinayay ka qeyb galay wasiirka amniga Puntland. Wasiirka amniga Puntland C/Samad Maxamed Galan ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday deegaanka Bali-Busle, waxaana lagu dalacsiiyay saraakiisha hogaamineysay ciidamada kasoo goostay Somaliland. Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay ballanqaaday xuquuqaha iyo mushaharaadka Ciidamada ka soo goostay Somaliland. “Puntland waxay jirtay 20 sanno, waxaa jiray taariikho adag oo inna soo maray, laakiin maanta waxay inna ilowsiinaysaa, oo inna hilmaamsiinaysaa taariikhigii madoobaa ee Puntland soo maray, waxaan rajaynaynaa in Sanaag ay Tusaale u noqon doonto gobolada kale ee Somaliland dhibka ku hayso ee Sool iyo Cayn” ayuu yiri wasiir Galan. Seddex kamid ah saraakiisha ciidamada hogaamineysay ayaa la dalacsiiyay, waxaana ay kala yihiin:- Taliyihii Guutada 93-aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle Dhexe Xuseen Faarax Aadan, waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare. Taliyihii Guutada 116-aad Gaashaanle Dhexe C/rashiid Axmed Jaamac , isaguna waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Sare. Taliyihii Ururka Koowaad ee aagga Dhahar Gaashanale Jaamac Cabdi Geesood, waxaa loo dalac siiyay Gaashaanle Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN): – Kulankan oo ay soo Agaasintay wasaarada Qorshenta Qaran ayaa loogu Duceynayey Allaha unaxariistee Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo 22kii bishan may ku dhaf waayey Weerar loo adeegsaday Gaari qarax siday oo ka dhacey Nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon Gaar ahaan Barkantarool oo ay Ciidamadu ku baaran Gaadiidka usocda dhinaca Madaxtooyadda. Waxaa kazoo qayb galay Kulankan oo ahaa Afur Xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya. Ugu Horeyn Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Amb Jamaal Maxamed Xassan ayaa Faahfaahiyey Ujeedada Munaasabadan Tacsida ah. Dhinaca Kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in amniga dalku uu soo hagaagayo Taasina ay Marqaati u tahay isku imaatinkoodan oo ku beegmay Xili Habeen ah. Xiliyadda Qaar Qaraxyadda ka dhaca Magaaladda Muqdisho waxaa ku geeriyooda Masuuliyiin xilal ka haya Dowladda Ama kazoo qabtay iyo Shaqsiyaad kale oo Bulshada Magac ku dhex Leh. View the full article
  8. Muqdisho (SMN): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC). Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka uga qeyb gali doono Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed. Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa bilaawday baahinta dacaayado ka dhan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo qabiil u rogay muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. Warbaahinta gudaha dalka Kenya oo soo xiganaya mas’uuliyiin ka tirsan waaxyaha amaanka iyo Wasaaradda Arimaha dibadda ayaa bilaabay in ay baahiyaan xogo ku saabsan dad ay ku sheegayn in ay qaraabo dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo qatar amni ku ah Kenya. Waxay aad wax uga qoreen in ay weerar Kenya ku soo yihiin dad ay ku tilmaameen qoyska Farmaajo oo ay ula jeedaan Beesha Mareexaan islamarkaana ka tirsan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale Kenya sheegtay in ay qabatay Sarkaal aysan magaciisa shaacin oo ay sheegtay in uu kamid yahay NISA, kana tirsan yahay qoyska Farmaajo. Sarkaalkan ayaa la sheegay in laba habeen ka hor lagu qabtay garoonka Jomo Kenyatta isaga wata lacag dhan 1.7 milyan dollar, hase yeeshee ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya sarkaal ama lacag la qabtay. Sidoo kale gudaha Kenya waxaa ka bilaawday kala sooca beelaha Soomaaliyeed ee dega Kenya waxaana walaac soo wajahay beelaha qaar. Arimahaas oo dhan waxay muujinayaan in Kenya ay dagaalka ay kula jirto Soomaaliya ka dhigeyso mid shaqsi ah, ayada oo beesha madaxweynaha beegsaneysa, si taas cadaadis loogu saaro madaxweynaha looguna qasbo inuu yeelo sida ay dooneyso. Kenya waxay dooneysaa in ay magac dil iyo sharaf dil ay ku sameyso Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse aysan aheyn wax loo dulqaadan karo arinkaasi. Madaxweynaha Soomaaliya waa astaanta dalka waxana weerar kasta oo lagu soo qaado ay dhaawac ku tahay sharafta Soomaalida oo dhan waxaana muuqata in Kenya ay ku guul dareysatay damaceedii Badda Soomaaliya waana sababta keentay in ay cadaadis saarto Soomaaliya gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-31052019.mp3 View the full article
  11. A fundraising drive by Melbourne woman Fardowsa Abdirahman helped raise funds to rescue an exploited Somali bride in Kenya from life in a brothel. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-James Swan oo ah Diblumaasi u dhashay dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay inuu noqdo xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaanaya Soomaaliya, kadib markii horaantii sanadkaan dowladda Soomaaliya ay ceyrisay Nicholas Haysom. Dadka falanqeeya Siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in James Swan ay suuragal tahay inuu wax badan ka badalo khilaafaadka raagay ee u dhaxeeya madaxda Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo xaaladaha kale ee siyaasadda Soomaaliya. James Swan, ayaa la rumeysan yahay inuu doorweyn ku lahaa qaab dhismeedkii loo diyaariyay maamul goboleedyada dalka, waxaana la sheegaa inuu saameyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan xiligii Xasan Sheikh Maxamuud. Cabdullaahi Cali Macow oo ah falanqeeye ka faalooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka, ayaa sheegay in James Swan loo badaniyo inuu wax badan ka badali doono xaaladda Siyaasadeed ee dalka. Korneyl Macow ayaa sheegay inuu Sidoo kale qeyb ka qaadan karo sidii maamulada iyo dowladda Soomaaliya ay iskuugu fahmi lahaayeen hanaanka doorashada ka dhaceyso dalka dhamaadka 2020. James Swan ayaa galaangal weyn ku leh arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale ka shaqeyn doonaa danaha Mareykanka ee Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-Falanqeeyaha.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. The UN Population Fund (UNFPA) on Thursday condemned the gang rape of a nine-year-old girl in the central Somali town of Bulo-Burde, some 425 km west of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  14. Thousands of displaced families in the southern Somali city of Baidoa have received plots of land on which to build their own homes, ending years of poor living and anxiety over possible eviction. Source: Hiiraan Online
  15. Cuban first Vice Ppresident, Salvador Valdes Mesa honored today the memory of his country''s combatants killed during Ogaden Battle that put end to Somalia invasion to Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay wadaan wakiilo ka socda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana lala yeelanayaa qaar kamid ah beelaha daga Galmudug. Caasimada Online ayaa ogaatay in kulamadaan lagu doonayo in odayaasha degaanka iyo siyaasiinta ay ka soo horjeestaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo hogaamiyaasha maamulkii Ahlu-Sunna ee dhowaan ku biiray Galmudug. Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr jeer kulamo aan loo dhameyn oo lala qaatay siyaasiinta iyo odayaasha Galmudug, waxaana kulamadaasi hormuud u ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka iyo xubno Golaha Wasiirada ka tirsan. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in odayaasha loo ballan qaaday adduun lacageed islamarkaana laga dalbanayo in ay ku dhawaaqaan in uu dhamaaday Waqtiga Madaxweyne Xaaf dowladda Soomaaliyana ay kala shaqayn doonaan sidii ay doorasho uga dhici laheyd Galmudug. Villa Soomaaliya waxay dadaal adag ugu jirtaa sidii ay doorasho uga qaban laheyd dhamaadka sanadkaan degaanada Galmudug, balse waxay wajaheysaa caqabado badan oo uga imaanaya Xubnaha Xildhibaanada ah ee Galmudug iyo siyaasiinta degaanka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa arrinta Galmudug u maraya Xildhibaano ay isku heyb yihiin, Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo siyaasiin la dhacsan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in odayaal badan iyo siyaasiin loo balan qaaday xilal muhiim ah oo laga siin doono dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug halka qaar kalane loo balan qaaday malaayiin lacag ah hadii ay soo afjaraan khalalaasaha Galmudug. Lama oga sida ay ku dhamaan doonto xaaladda Galmudug, hase yeeshee waxaa muuqata in uu jiro is jiid jiid iyo kala jiidasho ka bilaabatay dhinaca dhaqanka oo hadda ka madaxbanaan khilaafka Galmudug. Hadii ay dhaqanka ku biiraan xiisadda Galmudug waxaa laga cabsi qabaa in dhibaatada Galmudug isu rogto dagaalo Sokeeye oo aan laga soo kaban maadaama ay degaanka dagaan beelo lagu tiriyo dadka mayalka adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. I am not trying to shun opinions, but I am trying to reason why injecting biased analyses into the conversations on important issues can be unethical and latterly uncover our concealed motives. Source: Hiiraan Online
  18. On a drenched field in southern Ethiopia, hundreds of members of the ethnic Gedeo community are huddled together with nothing to do but wait. It had rained all night and the ragged shelters they had strung together were sinking in the mud. Source: Hiiraan Online
  19. Two years removed from toiling in the NBA's G League, Pascal Siakam led the Toronto Raptors to an historic victory on Thursday. The 25-year-old from Cameroon scored 32 points to lift the Raptors... Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadka kadib markii ay Caasimada Online baahisay in dayacaad amni ay ka jirto xarunta degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa waxaa is badal lagu sameeyay dayacaadii ay baahinay oo ay sameeyeen hey’adaha amaanka. Ciidamo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa la geeyay xarunta degmada Kaaraan, waxaana loo sameeyay ugu yaraan 3 kontarool oo ku yaala agagaarka xarunta degmada iyo horteeda. Ciidamada la keenay xarunta degmada ayaa billaabay in ay baaraan gaadiidka soo gala xarunta degmada, kuwa mara wadada hormarta albaabka xarunta waxaana sidoo kale la waydiiyaa aqoonsiyo la xariira wadayaasha gaadiidka. Dhagaxaan iyo biro waa-wayn ayaa lagu horgeeyay dhismaha degmada waxayna tan ay rajo gelisay dadka Soomaaliyeed oo markii hore u arkay in uusan jirin feejignaan amni maadaama ay dalka ka jirto qatarta maleeshiyada Al-Shabaab oo laaya dadka bir-magaydada ah. Caasimada Online ayaa todobaad ka hor daabacday in mas’uuliyiinta amaanka iyo maamulka gobalka Banaadir ay dayaceen amaanka xarunta degmada Kaaraan waxayna taasi dhalisay in laga jawaabo baahinta Caasimada Online. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta amaanka waxaana muuqata in hadda ay Kalsooni soo gashay shacabka dagan iyo kuwa ag-dhow xarunta degmada oo markii hore walaac qabay. Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fuliya dilal iyo qaraxyo ay ku dhamaadaan dad badan oo shacab ah. Si gaar ah Al-shabaab waxay u beegsadaan dadka shacabka ah ee isugu jira Haween iyo Carruur. Dilkii ugu dambeeyay uguna xanuunka badnaa Al-Shabaab waxay fuliyeen degmada Yaaqshiid waxayna masjid dhaxdiisa ku dileen Nabadoon Ibraahim Cariif oo aqrisanayay kutub qur’aanka Kariimka ah. Sidoo kale Al-Shabaab waxay toogtayn kutubka qur’aanka iyagoo kabaha la soo galay guri Alle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Aircraft accidents occurred more frequently in almost every region worldwide in 2018 as the death toll climbed to a four-year high of 523, according to the International Air Transport Association. The fatal crashes of Ethiopian Airlines Flight 302 and Aeroflot Flight 1492 ensure that this year will be another bad one. Source: Hiiraan Online
  22. North Korea’s special envoy to the US, who was credited with paving the way for nuclear talks with Washington, has reportedly been executed over the failure of the recent summit between North Korean leader, Kim Jong-un, and Donald Trump. Source: Hiiraan Online
  23. Sabtidii la soo dhaafay, taarikhduna ahayd: 25/5/2019, waxaa baraha bulshada ay Soomaalidu adeegsato hareeyay, guux dhawaqiisu gaaray meelo fog, aragtiyaduna ku kala qaybsameen. Kaasi oo ka dhashay khariidad ay wasaaradda Arimaha Dibadda – dalka aan jaarka nahay ee Itoobiya- ku daabacday boggeeda rasmiga ah ee Internet-ka. Khariidaddaas oo inta badan Soomaaliya Itoobiya lagu daray, halka Jamhuuriyadda – gooni-isu-taagga iskeed ugu dhawaaqday ee Soomaaliland- dowlad gaar ah ay ku muujisay khariidaddu. Muddo saacado ahna ka dib, khariidaddii waa laga saaray mareegtii lagu daabacay, Wasaaradda Arimaha Dibadda Itoobiyana waxay bixisay raali-galin rasmi ah; iyadoo sheegtay in uu ahaa qalad aysan ugu talo-gelin. Si kastaba xaalku ha noqdee, dhambalkaygan waxaan ku lafa-guri doonaa: 1) Ujeeddooyinka maldahan ee khariidaddan, 2) Maxaa xilligan ku soo beegay? 3) Ma dhici kartaa in xiriir ka dhaxeen karo khariidaddan iyo heshiiska Qarniga? 4) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyase maxaa la gudboon?. Intuba, waa su’aalo maankayga ku soo bidhaamay, waxaanan jeclaystay in akhristaha aan la wadaago aragtidayda ku aaddan khariidaddaan muranka baahsan dhalisay! Xilliga la daabacay macne ma samaynayaa? Khariidaddan, waxaa la daabacay xilli ay isbaddallo lixaad lihi ka dhasheen guud ahaan gobolka Geeska Africa, waxaa talada Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya la wareegay nidaam cusub oo baddalay kii hore, hoggaanka dalkuna wuxuu gacanta u galay qowmiyadda itoobiya ugu tirada badan ee Oramada. Qowmiyadaas Oromadu oo lagu qiyaasi 40 milyan, waxay shacabka Itoobiya ka yihiin 34.49%. Marka laga yimaadoo qaladaadka juquraafiyadeed ee khariidaddan; taas oo ah: In ay hal dal ka wada dhigtay Soomaaliya iyo Itoobiya, Suudaan iyo dalka Koonfurta Sudaanna ay is raacisay, Halka “Congo” ay iyana hal dal ka wada dhigtay, Taariikh ahaan waxaynu ognahay in dalka Koonfurta Suudaan uu madaxbannaanidiisa ka qaatay dalka Suudaan sannaddii 2011-kii, in ka badan nus qarni halgan hubaysan oo socday ka dib, halka labada “ Congo” ay xorrnimadoodii ka kala qaateen “Belgium” iyo “France” oo kala gumeysanayay labada dhinac ee “Congo” sannadku markuu ahaa 1960-kii. Waxaa khariidaddan dheeri ku ah, Jumhuuriyadda iskeed isku magacowday ee Soomaaliland, waana halka loo dan lahaa. Waxaa dhawaanahaanba jiray dadaallo gogol-xaar u ahaa qorshahan ay Soomaaliland ku doonayso in ay Soomaaliya inteeda kale uga go’do, nasiib darro, dalal Carbeeb ayaa dhinac ka ah qorshahaan! Siyaasadda Arimaha Dibadda ee Itoobiya waxay ka mideysantahay in Soomaaliland ay dal madaxbannaan noqoto, goonina isu taagto. Reysal-wasaarihii hore ee Itoobiya “Hailemariam Desalegn” ayaa wareeysi uu siiyay 22/12/2016 barnaamij la oran jiray “Al Muqaabala” macnihiisuna yahay: “ Wareysi” daadihiyana uu ka ahaan jiray wareyihii caanka ahaa “ Cali Al-Dufayri” kana bixi jiray telefishinka “Aljazeera-Arabic” wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya ay doonayso in Somaliland noqoto dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale. Waa aragti aan is oran karo waa qorshe degan, waxa is badalayana – ay yihiin oo kaliya- qaabkii iyo waqtigii la fulin lahaa. Wallow, anigu aan isku tiriyo ruux taageero mug leh u muujiyay isbeddellada siyaasadeed ee Itoobiya ka curatay; iyadoo Soomaali oo dhami ka filan karto – hoggaanka siyaasadeed ee Itoobiyada iminkna talada haya in aynan fara-gelin hannaanka iyo aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Khariidadda iyo heshiiska Qarniga xiriir ma leeyihiin? Waxaa suuragal ah, in akhristuhu is weeydiiyo, qoraagu muxuu ula jeedaa heshiiska Qarniga?! Akhristow! qudhaydu, waan is weeydiin jiray waxa loola jeedo heshiiska qarniga! Warbaahinta carabta ayaan inta badan ka maqli jiray eray-bixintaas. Hadii aan si fiican u darsanyna, sida uu u aan ka akhriyay buug ku qoran AfCarabi, lana Magac-baxay “Safqatul Al Qarni” kana kooban 134 bog, oo uu qoray nin la yiraahdo Dr.Ibraahim Hamamuu. “Heshiiska Qarnigu” Waa isku day ay “Israel” ku doonayso in ay xal ugu hesho falastiiniyiinta. Fikradda “Heshiiska Qarniga” waxaa qodobeeyay Jeneraal ciidanka Israel ka tirsanaa, magaciisana la yiraahdo: Jen. Geyboora Ayrlandi, horayna u soo noqday la-taliyaha amniga ee Israel, daraasad 36 bog ka kooban buuna xarunta cilmi-baarista ee “Begin Sadat Center for Strategic Studies” u gudbiyay. Taas oo uu ku sheegay aragtidiisa ku aaddan dowlad-u-sameynta Falastiiniyiinta iyo xal-u-helidda qoxootiga reer Falastiin. Wiilka qaba gabadha uu dhalay madaxweynaha dalka Maraykanka “Jared Kushner” oo asal ahaan Yuhuud ka soo jeedaa ayaa ah: shakhsiga u xil-saaran taabba-gelinta aragtida “Heshiiska Qarniga” oo fikrad ahaan sheegaysa in daanta galbeeed iyo Gaza la raaciyo dalka Jordan (Urdun) sidaasna ay hal dowlad ku noqdaan, caasimadna looga dhigo magaalo “Al-Qudus Al-Shariif ” u jirta 6 Kilometre (Kiilo-Mitir) oo magaceeda la yiraahdo- sida heshiiska Qarnigaba ku qoran- Abuu Diis. Heshiisku waxaa kaloo uu sheegayaa in Jamhuuriyadda Masar ay Falastiiniyiinta siiso qayb ka mid ah dhulka loo yaqaan “Siinaay” (Sinai Peninsula) Israel-na ay Masar u celiso 700 Kiilo Mitir oo saxaraha “ Naqab” ah (Negev desert) dabadeedna, halkaa ay ka dhalato khariiddad baddal, daba socota, tii horoo dowladda loogu sameeyay Falastiin iyo boqortooyada Urdun. Khariidaddaan Itoobiya ay iminka baahisay way noqon kartaa mid dhinac ka ah heshiiska Qarniga; sababtuna waa Soomaaliya oo marin-biyood dunida muhiim u ah dhacda, Israel-na istaaraatiijiyadeydu ku qotonto qabsashada, ama ku lug lahaanshaha Marin-biyoodka dunida oo dhan. Markii taa laga yimaado, Yuhuuddu, Africa waxay u arkaan qaarad dihin, dadkeeduna – sida Yuhuudda oo kale- bad-baado u baahanyihiin, aragtidaa waxaa aaminsanaa “Theador Herzl” saxaafigii dhidibbada u taagay dhaq dhaqaaqii Zionism-ka (Al-Sahyuuniya). oo ah maskaxda siyaasadeed ee hagta Yuhuudda dunida oo dhan. “Herzl” xasuus-qorkiisii wuxuu ku sheegay in isbeddelka Yuhuuddu uu bar-bar socdo isbaddel kaloo ka hana qaada qaaradda Afrika. Muddo iminka sannad laga joogo, nimaan saaxiibbo nahay baa haddiyad ii siiyay buug cinwaankiisu ahaa: Al-IKHTIRAAKHUL ISRAA’IILIYU LIL IFRIIQIYA, kana hadlayay sida Israel Afrika ugu dhex-milantay, iyo kaalinta siyaasadeed ee Yuhuudda ku nool qaaraddaas, tusaale ahaan: wuxuu sheegayaa buuggu in Uganda ay ku noolyihiin (Al-Abaa Yoodaaya) Nigeria-na (Al-Ayboo) Koonfur Africa-kana (Al-Lamba)halka Itoobiyana ay ku noolyihiin (Falaasha) dhammaantoodna isir ahaan waa Yuhuud, ama “Black Zion”. Buugga Itoobiya caanka ka ah ee la magac baxay “ Kebra Nagast” turjumiddiisuna tahay: “Milgihii boqortooyada” wuxuu si faahfaahsan uga warramaya xiriirka Yuhuudda iyo Itoobiya, iyo in boqor “Menelik I” asal ahaan diintuusu Yuhuudi ahayd. Si kastaba arintu ha ahaatee, aniga aragtidaan ka qabo khariidaddaas la faafiyay laba arrimood midkood ma dhaafsiisana; 1). Waxay noqon kartaa in la qabadsiinayo dhagaha shacabka Soomaaliyeed, In Itoobiya lagu dari karo, sidoo kalena Soomaaliland laga jari karo Soomaaliyada kale. Markaas isku dayga baahinta khariidaddanna waa qaab dowladda Itoobiya ku ogaanayso fal-celiska Soomaalida, khaasatan xukuumad iyo shacab-ba. 2). Khariidadda la daabacay waxay dhinac ka tahay isbaddelka khariidadaha caalamka oo ay wadato hindisaha “Heshiiska Qarniga “. Iyadoo la eegayo marinka muhiimka ah ee ay Soomaalidu dhacdo juquraafi ahaan, laga bilaabo 1975-kii istiraatiijiyada Israel waxay diiradda ku haysaa helidda marin-biyoodyo hal-boole u noqon kara dunida. Dowladda Federalka ee Soomaaliya: Shalay maanta u ekaa! Xasuus qorkii uu dhawaan soo saaray madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siinlaayo oo loogu wan-qalay magaca “ Siinlaayo: nin tacab badan galiyay dowladnimada”wuxuu ka warramayaa in 1982kii Madaxweynihii hore ee Jumhuuridda Dimuqraadiga Soomaaliyeed Jen. Maxamed Siyaad Barre uu ula tagay Mengistu Haile Mariam dhiggiisii Itoobiya qorshe. Kaasi oo ku salaysnaa in jabhadaha Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Itoobiya uu ka joojiyo taageeridda siyaasadeed iyo tan dhaqaaleba, isaguna – waa Maxamed Siyaad Barre’e ka tanaasuli doono dhulkii loo yiqiin Soomaali Galbeed. Iminka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajoiyo dowladda – uu madax u sareeya yahay- waxay la aamusanyihiin oo damiirkoodii u iibsadeen, waa iyadoo hardan siyaasadeed ka dhex-aloosanyahay Dowladdo Goboleedyada oo dhinaca iyo Dowladda Federaalka oo dhinac kale ah. Wuxuuna Farmaajo Itoobiya ka codsaday in cadaadi la saaro ama ay xiriirka u jarto dowlad-goboleedyada. Iyaguna ayan dhag-jalaq-u- siin xadgudubyada gefka ku ah hannaanka dowladnimo ee lagula kacayo Soomaaliya. Gunnaanadkii,waxaa su’aala, oo isweydiin mudan, shalay maanta u ekaa?! Maxay xukuumadda uu hoggaanka u hayo Madaxweyne Farmaajo u aragti gaabantahay markay arintu la xiriirtoo danaha iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, oo aan marnaba lagu doorsan karin dano shakhsiyadeed iyo kursi jacayl ? Adiguba akhristow ka jawaab su’aashaa! W/Q: Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir) wardheernews.com Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi Faarax Macalin Dawaare, ayaa lagu yaqaanay sanadihii ugu dambeysay garab istaaga iyo difaaca uu u sameynayay dowladda Soomaaliya, isaga oo Ethiopia iyo Imaaraatka ku eedeyn jiray inay faragelin ku hayaan Soomaaliya. Taageerada Faarax Macalin ee dowladda Farmaajo ayaa loo sababeyn jiray labo arin, waxaana la ogeyn waxyaabaha keenay inuu hadda ka aamuso faragelinta iyo cadaadiska dowladda Kenya sida toos ugu heyso Soomaaliya. Siyaasigaa ayaa guddoomiye ku xigeen kasoo noqday baarlamaanka Kenya, waxaana uu muddooyinkii ugu dambeeyay aad u dhaliili jiray faragelinta Imaaraatka iyo EThiopia ay ku hayaan Soomaaliya. Maalmihii ugu dambeeyay ma jirin wax war ah oo uu kasoo saaray heshiisyadii waaweynaa ee dowladda Kenya ay ka laabatay, kuwaasi oo horey ay ula gashay dowladda Soomaaliya. Kenya ayaa ka baxday Heshiiskii duulimaadyada ee ay la gashay dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxay VISA ay u diiday Masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan, iyadoo ujeedada tahay inay cadaadis Saarto dowladda madaxweyne Farmaajo. Cadaadiska dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dowladaha deriska ah ayaa sii xoogeysanaya tan iyo markii Kenya iyo Ethiopia ay todobaadkaan oo kaliya ay qaadeen talaabooyin midba midka kale ka xoog badnaa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com