Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,186
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (PP) ─ Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ee Somalia ay doonayso inay weerarro aad u culus kusoo qaadaan gudaha dalka Kenya, iyagoo aan sheegin xilliga laga yaabo inay weerarradaas dhacaan. Saraakiisha ciidamada amniga Kenya, ayaa sheegay in xogta ay hayaan ay sheegayso in Al-shababa ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay ayna dhici karto inay weerar culus ka geystaan gudaha Kenya. Mas’uuliyiin u hadlay hay’adaha amngia Kenya ayaa xusay in ciidamadoodu ay billaabeen hawl-gallo ay uga hor-tagayaan weerarradan, iyadoo goobaha ay hawl-gallada laga billlaabay ku sheegay inay ka mid yihiin magaalooyinka ku yaalla xuduudaha ay Somalia iyo Kenya wadaagaan; Sida Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera. Sidoo kale, Booliiska Kenya ayaa sheegay in goobaha laga cabsida qabo inay weerarraan ciidamada Kenya ay ka mid yihiin; Sheikh Barrow, Arabia, Fino, Damasa Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Elrhamu iyo Garsesala oo hoos-taga Mandheera. Waxay kaloo booliisku sheegeen in goobaha baqdinta laga qabo ay ka mid yihiin; Kotulo, Mansa, Boji, Diif, Konton iyo Khorof Harar, oo dhamaantood ka tirsan is-maamulka Wajeer, sidoo kalena; Liboi, Kulan, Hulugho, Bodhai, Boni forest, Galmagala, Amuma iyo Hamey oo ka tirsan Gaarisa ay Kooxda Al-shabaab ka geysan karto weerarro. Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin digniinta ay ciidamada Kenya soo saareen, waxaana kooxda ayaa dhawr jeer oo hore weerarro khasaare badan dhaliyay ka geystay gudaha Kenya, kuwaasoo ay ku jireen midkii ay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawaanahan wadday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayso inay weerarro uga geysto gudaha Kenya, iyadoo dhawr jeer oo horena ugu hanjabtay Kenya inay dagaal adag la galayso, maadaama ay uga sugan yihiin Somalia ciidammo fara badan oo qayb ka ah AMISOM. PUNTLAND POST The post Booliska Kenya oo shaaciyay cabsi laga qabo in la weeraro Deegaanno kala duwan appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo xalay lagu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa halkaasi wuxuu durba ka bilaabay kulamo gaar gaar ah. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale ayaa madaxweyne Xaaf kusoo dhoweeyey Cadaado, iyadoo uu degay madaxtooyada magaaladaasi. Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay sheegayaan in Xaaf uu wado kulamo gaar gaar ah, isaga oo isla xalay la kulmay xildhibaannada federaalka ee ku sugan magaalada Cadaado. Madaxweyne Xaaf ayaa isaga soo guuray degmada Dhuusamareeb, kadib markii ay is khilaafeen Ahlu-sunna Waljameeca oo heshiis la gashay DFS. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Barlamaanka dowladda Puntland ayaa cafiyey wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Gallan kadib markii uu ka badbaadey warbixin ay ka soo gudbiyeen gudiga amniga ee golaha wakiilada [...] Source
  4. Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyahii gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, in Saddex jeer uu soo abaabulay isku day uu sheegay in isaga lagu qaarajin lahaa. Dabageed ayaa tilmaamay in halka loo yaqaan Lama-galaay uu madaxweyne Waare kasoo abaabulayo qorsheyaashan, isaga oo isku dayaya inuu adeegsado AMISOM, waa siduu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in dhankooda ay ka foojigan yihiin qorshe walbo oo la doonayo in lagu qaarajiyo. “Waare Lama-galaay wuxuu markii Saddexaad kasoo abaabulay qorshe la igu qaarajinaa, ama nalagu soo weeraraa, taasna waa ku fashilmay ee waxaan u sheegeynaa cid walbo oo reer Hiiraan ah iney arrintan la socoto” Dabageed ayaa dhanka kale ugu baaqay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan iney wada yimaadaan magaalada B/weyne, kana tashadaan aayaha gobolka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgauduud. Madaxweynaha Galmudug oo xalay gaaray Cadaado ayaa si ballaaran waxaa halkaasi ugu soo dhaweeyay Odayaasha deegaanka iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya. Xaaf oo ku hoyday xarunta madaxtooyada Galmudug ee Cadaado, islamarkaana uusan tagin muddo ka badan hal sano ayaa halkaasi uga qeyb galay kulamo xasaasi ah. Shirarkan oo ay wada qaateen Xildhibaano uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi. Lama shaacin natiijada rasmiga ah oo ka soo baxday shirarkaasi oo weli ka sii soconaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in xalay lagu qabtay kulamo oo gooni gooni ah. Kulamadani ayaa waxaa wada qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali iyo madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku sugan magaaladaasi. Intooda badan waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Galmudug oo ay dowladdu ku dhawaaqday in la qabanayo afarta bisha July ee soo socota. Xiisada ayaa u muuqata in ay ka sii dareyso, maadaama labada dhinac ay si aad ah ugu kala fog yihiin meesha lagu qabanayo doorashada. Lama oga halka ay saldhigan doonaan dadaallada socda oo qasbay in ugu dambeyn uu ku biiro Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  6. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku gacan-sayrtay go’aanka kooxda xiriirka Somalia ay ku doorteen in xukuumadda Kenya ay ku hoggaamiso hawl-galka la dagaallanka burcad-badeedda ka qawlaysta xeebaha Somalia. Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in DF aysan u hoggaansameyn go’aan kooxda xiriirka Somalia ay dalka Kenya ugu doorteen in ay noqoto guddoomiyaha labada sano ee soo socota ee burcad-badeedda Spmalia lagula dagaalamayo. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in hadda aysan jirin burcad-badeed lala dagaallamo labada dal ee Kenya iyo Somalia ay u dhaxeyso xurguf dhinaca badda ah, taasoo dacwaddeedu ay taallo maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. Cawad, ayaa sheegay in ururka xiriirka Somalia ee la dagaallanka burcad-badeedda Somalia ay dhamaatay hawshiisa ayna ku guuleysteen sida uu hadalka u dhigay. Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku intaas ku daray, in wax xiriir ah aysan la lahayn go’aanka kooxda xiriirka Somalia ay ku doorteen Kenya iyo damaca Kenya ee la xiriira biyaha Somalia. Dhanka kale, Wasiirku wuxuu beeniyay in ciidan Keenyan ah ay ilaalinayaan biyaha somalia, isagoo xusay in ciidammo isku-dhaf ah oo ka socda ururka xiriirka Somalia ay yihiin kuwa hawsha wada. Ugu dambeyn, Wasiir Cawad oo la hadlayay Idaacadda VOA-da ayaa xusay in Somalia ay ka war-sugeyso go’aanka maxkamadda ICJ, taaso la xirriirta xukunka badda, inta ka horreysana aysan qaadi doonin tallaabooyin dheeri ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo ka hor-timid inay Kenya hogaamiso ciidanka ilaalada biyaha Somalia appeared first on Puntland Post.
  7. Cadaado (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa xalay gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, halka Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre uu ku sugan yahay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug. Labada mas’uul ayaa kulammo gooni-gooni ah kawada degmooyinka ay ku kala sugan yihiin, inkastoo Xaaf uu hadda u janjeersaday dhanka dowladda dhexe uuna ku baaqay in la qabto doorasho. Ducaalle ayaa sheegay inuu burburay heshiiskii ay Galmudug iyo Ahlusunna horay ugu kala saxiixdeen dalka Jabuuti, kaasoo Ahlusunna ay ugu biirtay dowladda Galmudug, balse dowladda dhexe ayaa weli qabta I heshiiskaas uusan waxba iska bedelin. Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Galmudug uu kulammo kala duwan la leeyahay wafdi ka socda Dowladda dhexe oo gaaray halkaas, kuwaasoo ay ku jiraan xildhibaano iyo senater-ro kasoo jeeda deegaannada Galmudug. Kulammadan ayaa waxay intooda badan salka ku hayaan sidii loo badbaadin lahaa Galmudug, waxaana uu Geelle qabaa hadda in la qabto doorashada Galmudug, isla markaana uu ka mid yahay musharraxiinta u taagan in xilkan ay qabtaan. Dhanka kale, RW Somalia ayaa isagana kulammo kala duwan la leh xubno ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca, isagoo kala hadlaya sidii Dhuusa-mareeb ay uga dhici lahayd doorashada Galmudug, taasoo dowaldda Federaalka ah ay doonayso inay dhacdo bisha soo socota horraanteeda. Khayre iyo Sheekh Shaakir oo ah hoggaamiyaha Ahlusunna ayaa la sheegay inay kulammo aan kala kac lahayn ku leeyihiin Dhuusa-mareeb, iyagoo isku dayaya in xubnaha ka tirsan maamuka Galmudug ee ku sugan Cadaado la keeno Dhuusa-mareeb, si doorashada loogu qabto. Ugu dambeyn, kulammadan kala duwan ayaa waxay muujinayaan inuu weli jiro khilaafkii ka taagnaa Galmudug, kaasoo aan xal loo helin, balse lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafkan oo gaaray meel aad u sarreysa. PUNTLAND POST The post RW Khayre iyo Xaaf oo kulammo ka kala wada Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado appeared first on Puntland Post.
  8. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheeegay Wakaaladda SONNA in dalka uu diyaar u yahay in uu ka fa’ideysto hindisaha hurumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Shacbiga Shiinaha Xi Jinping kaasi oo Africa iyo dunida oo idil ka wada faa’ideysanso. Wasiirka ayaa dhigiisa dalka Shiinaha waxa uu la qaatay kulan laba geesood ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal iyo in Soomaaliya ay ka faa’ideysato fursadaha jira ee dhanka mashaariicda hurumarineed, ganacsiga iyo wax-is-dhaafsiga. “Dawladda Soomaaliya waxa ay heshiis is af-garad ah kuna saabsan ku biirida hindisaha kabayasha dhaqaalaha la gashay dawladda Shiinaha sanadkii hore, 2018, waxana aan hadda u nimid ka dhabeynta heshiiskaas, waayo dawladaha Africa iyo adduunka oo dhan baa ka faa’ideysanaya, kana faa’idey”, Wasiirka ayaa sidaa u sheegay SONNA. Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey in iskaashiga dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaro level cusub oo dhanka iskaashiga, ganacsiga, sare u qaadida dhanka warshadaha iyo wax-is-dhaafsiga labada dad mud 3-sano gudahood, isaga oo rajo wanaagsan ka qaba, xusayna dhinacyada ay is ka kaashan karaan “Waxa aan sidoo kale ka faa’ideynaa Shiinaha dhisida kaabayasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekadaha, eeraborada iyo sare u qaadida technology-yada, waxbarida dhalinyarada, u abuurada shaqo. Hurumarinta beeraha iyo kalluumaysiga”, ayuu yiri. Soomaaliya ayaa leh dhul beereed weyn, waxana ay sidoo kale leedahay xeebta uga dheer Africa waxana ay u baahan tahay suuq ay kheyraadkeeda u beec-gayso sida kan Shiinaha oo kale. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa ka qayb-galaya shir u dhaxeeya wasiirada arrimaha debbadda Africa iyo madaxda hay’adaha maaliyada waddanka Shiinaha kaasi oo lagu daba-galayo hir-gelintii natiijada ka soo baxday shir madaxeed dalka Shiinaha iyo Africa ee ahaa iskaashiga labada dhinac loona yaqaan FOCOC Waana shir soconaya laba beri sida uu ku soo waramayo Wariyaha SONNA ee caasimada Beijing, hawlaha shaqa u jooga kana qayb-galaya shirkaasi maanta oo talaado ah oo galay maalintiisa labaad. Xigasho: Somali National News Agency (SONNA) PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad: Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay ka faa’ideysato maashaariicda hurumarineed ee Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  9. What are the anti-corruption instruments in legislation? Why should law drafting be gender neutral? Why is the reform of maritime law important for the blue economy of Puntland? These were just a few of the themes addressed during the 2-day legal drafting workshop organised in June by EUCAP Somalia’s Field Office in Garowe. Source: Hiiraan Online
  10. The ragtag Somalia-based Al-Shabaab militia remains a security threat, with active cells in Kenya’s northeastern counties although its capacity to stage regular attacks has been diminished, the Nation can reveal. Source: Hiiraan Online
  11. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Federalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u sheeegay warbaahinta dowladda in dalka uu diyaar u yahay in uu ka fa’ideysto hindisaha hurumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Shacbiga Shiinaha Xi Jinping kaasi oo Africa iyo dunida oo idil ka wada faa’ideysanso. Wasiirka ayaa dhigiisa dalka Shiinaha waxa uu la qaatay kulan laba geesood ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal iyo in Soomaaliya ay ka faa’ideysato fursadaha jira ee dhanka mashaariicda hurumarineed, ganacsiga iyo wax-is-dhaafsiga. “Dawladda Soomaaliya waxa ay heshiis is af-garad ah kuna saabsan ku biirida hindisaha kabayasha dhaqaalaha la gashay dawladda Shiinaha sanadkii hore, 2018, waxana aan hadda u nimid ka dhabeynta heshiiskaas, waayo dawladaha Africa iyo adduunka oo dhan baa ka faa’ideysanaya, kana faa’idey” Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey in iskaashiga dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaro level cusub oo dhanka iskaashiga, ganacsiga, sare u qaadida dhanka warshadaha iyo wax-is-dhaafsiga labada dad mud 3-sano gudahood, isaga oo rajo wanaagsan ka qaba, xusayna dhinacyada ay is ka kaashan karaan “Waxa aan sidoo kale ka faa’ideynaa Shiinaha dhisida kaabayasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekadaha, eeraborada iyo sare u qaadida technology-yada, waxbarida dhalinyarada, u abuurada shaqo. Hurumarinta beeraha iyo kalluumaysiga”, ayuu yiri. Soomaaliya ayaa leh dhul beereed weyn, waxana ay sidoo kale leedahay xeebta uga dheer Africa waxana ay u baahan tahay suuq ay kheyraadkeeda u beec-gayso sida kan Shiinaha oo kale. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa ka qayb-galaya shir u dhaxeeya wasiirada arrimaha debbadda Africa iyo madaxda hay’adaha maaliyada waddanka Shiinaha kaasi oo lagu daba-galayo hir-gelintii natiijada ka soo baxday shir madaxeed dalka Shiinaha iyo Africa ee ahaa iskaashiga labada dhinac loona yaqaan FOCOC. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in heshiis KMG ah ay gaareen odayaasha dhaqanka beelaha daga gobalka Banaadir iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, heshiiskaas oo ku saabsan go’doonka saaran magaalada Muqdisho. Heshiiskaan oo aan ku imaanin rabitaanka dowladda balse la sheegay in uu ku yimid cadaadis la saaray ayaa lagu gaaray Madaxtooyada Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Malaaqa beelaha Abgaal iyo odayaal kale oo ka socday waxgaradka gobalka Banaadir ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Villa Somalia todobaadkaan waxeyna Madaxweynaha ku wargeliyeen in aysan mas’uul ka aheyn go’aan kasta oo ay qaataan dadka daga gobalka Banaadir intaan ka badanna aysan hortaagnaan karin cabashada dadweynaha Goobta uu shirkaan ka dhacay waxaa ku sugnaa Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo siyaasiga Salaad Cali Jeelle kuwaas oo dhamaantood Madaxweynaha ku wargeliyay culeeska ka heesta ukala gar qaadidda dowladda iyo odayaasha. “Mudane Madaxweyne aniga mas’uul kama ahi mana kaa hortaagnaan karo odayaasha iyo shacabka gobalka Banaadir oo ku dhow in ay qarxaan caburin aawgeed” ayuu yiri Imaamka beelaha Abgaal. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Imaamka iyo dadkii la socday ka dalbaday in dowladda loo sugo ilaa 1-da Luulyo ama todobaadka xorriyadda kadibna ay dowladda Soomaaliya furi doonto wadooyinka gobalka Banaadir. Odayaasha ayaa aqbalay balse waxaa jira warar kale oo sheegaya in aysan xaqiiq aheyn hadalka Madaxweynaha ee uu doonayo in uu ku dejiyo Imaamka iyo dadka la socda. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa isku aragti ka aheyn go’aanka Madaxweynaha ee furidda wadooyinka waxaana laga yaabaa in aysan suurta gelin ballan qaadka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. SANTA MONICA, Calif. — Toronto Raptors forward Pascal Siakam has won the NBA’s most improved player award. Source: Hiiraan Online
  14. Kenyans whose fingerprints were captured in the refugee database by UNHCR will regain their citizenship in August after final verification. Source: Hiiraan Online
  15. Three IDP-led social enterprises have won awards for their ideas during a pitch event and start-up fair in Mogadishu, where they presented their business concepts to a panel of expert judges. Source: Hiiraan Online
  16. OTTAWA — A new agreement between Canada and the United States will soon allow travellers and cargo to pre-clear customs before they leave, allowing an easier movement of people and goods crossing the border. Source: Hiiraan Online
  17. With frosty relations between Kenya and Somalia which has seen the former close its borders and bar flights to and from Mogadishu, Kenya Airways is considering Hargeisa as its next destination in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  18. MOSCOW (Reuters) - Russia and its partners will take steps to counter new sanctions that Washington has said it will impose on Iran Source: Hiiraan Online
  19. Sweden and Switzerland have offered to help Somaliland build their economic capacity as the country continues its push for international recognition. Source: Hiiraan Online
  20. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan ee uu dhawaan xilka ka qaaday Madaxweyne Waare xilkaasi diiday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in markii saddexaad uu ka badbaaday dil qorsheysan. Shir Jaraa’id uu xalay ku qabtay Baladweynhe ayuu ku sheegay in shalay la soo weeraray, isla markaana Ciidamo Soomaali iyo Ajnabi ah ay soo weerareen si ay u dilaan balse uu dilkaasi ka badbaaday. Yuusuf Dabageed ayaa intaas ku daray in dulmi cad lagu haayo Shacabka reer Hiiraan, isla markaana mas’uul uu ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo xulufo uu wato sida uu hadalka u dhigay. Madaxda Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in talada hiiraan las oo farageliyo,isla markaana laba sano iyo bar dhibaato lagu haayao Shacabka Reer Hiiraan. Hadalka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kusoo aadaya xilli Maanta la sheegay in Hoyga uu degan yahay ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM,walow markii dambe xiisad ka dhalatay ay odayaasha Dhaqanka xaliyeen. Hoos ka dhageyso codkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Waare-1.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan ee uu dhawaan xilka ka qaaday Madaxweyne Waare xilkaasi diiday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in markii saddexaad uu ka [...] Source
  22. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ugu sameeyey qaar ka mid ah Janaraalada Puntland oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Janaraal Cabdisemed Cali Shire. Kulanka qado sharafta ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Saraakiil ciidan iyo la-taliyayaal Amniga oo kulanka qeyb ka ahaa. Xubnaha uu u yeeray Deni ayaa waxaa ka mid ah Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Moorgan oo aad looga yaqaan Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa wada qorshe xooggan oo lagu tayeynay ciidamada Puntland, taasi oo qeyb ka ah ballan-qaadyadii uu sameeyey intii aan la dooran, isaga oo sheegay inuu soo celin doono dhammaan dhulka laga haysto Puntland, oo ay haysato Somaliland. Deni ayaa sida uu sheegay tiigsanaya dhismaha ciidanka iyo in ahmiyadda kooowaad la siiyo waxtarka iyo dhiirigalinta ciidanka qalabka sida, si loo soo afjaro kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish, sidoo kalena la sugo amniga xuduudaha dalka. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta kala tashanaya xaaladdaha amni ee dalka maadaama Puntland ku dhisan tahay wada-tashi, talo-wadaag iyo wax wadalahaansho dhanwalba ah, Janaraaladuna kamid yihiin waxgaradka iyo indheer garadka dalka ee arrimaha Amniga. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa maanta markii u horeysay shaacisay inay deeganadeeda ka musaafurisey Nin haystay dhalashada dalka Mareykanka oo in muddo ah magaalada Berbera ku faafinayey diinta Kiristaanka. Isku duwaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee gobolka Saaxil oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Ninkaasi faafinayey diinta Kiristaanka uu magaalada Berbera ku soo galay qaab Ganacsi ahaana. Isku-duwe Maxamed Axmed Xuseen ayaa waxa kale oo uu sheegay in Ninkaasi u dhashay dalka Mareykanka, lagana musaafuriyey magaalada kadib markii ay ogaaden in uu faafinayey diinta Kiristaanka, oo uu qeybinayey buuga Baybalka, wuxuuna yiri “Waxa jirta hadda muddo laga joogo labo bilood nin dhalashadiisu tahay Mareykan oo muddo sanad ah joogey wadanka, Ninkaasi run ahaantii markii ugu horeysay wuxuu ku soo galay sifo Ganacsi, muu aheyn suxufi, sifo sharciyana wuu ku soo galay, Ninkaasi waxa dabo-gal aad u balaadhan ku sameeyay Maamulka gobolka Saaxil”. “Ninkaasi waxa uu faafinayey diinta Kiristanka oo Baybalkii oo Af-Somali lagu turjumay xagiisa dambena waxa ku yaala kitaabka quduuska, Ninkaasi markaan in badan daba-gal ku sameynay waxanu ogaaney in howshaa uu wado”. Wuxuuna intaas kusii daray “Wasaaradiisi siisay ruqsada ganacsiga ayaa warbixinta siiyen maamulka gobolku, markay cadaateyna in ninkaasi howshu wadaa ayna aheyn qorshihii wadanka u yimid, dib baa looga saaray wadanka waana la tarxiilay”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Danjiraha Mareykanka u fadhiya Somaliya, Donald Yamamoto oo u waramayey mid kamida telefishanada Somalida ayaa waxa uu ka hadlay doorashooyinka Somaliland iyo wada-shaqeynta Somaliya iyo Somaliland. Danjire Yamamoto ayaa sheegay in Mareykanku aaminsan-yahay in xasiloonidu ay ku imanayso dowlad wanaaga iyo in la oofiyo balamaha dhowrista dimuquraadiyadda ee loo qaadayo hogaamiyeyaasha iyo guud ahaan bulshadaba. Yamamoto ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in cid kasta oo dooneysa inay maal-gashi ka sameysato Somaliya ay marka hore daraasad ku sameyn doonto dawlad wanaaga ka jirta deegaanadaasi. “Waxaa imanaysa in hadda kaddib ay ku soo jeestaan indhaha dunidu. Taas macnaheeduna waa in Soomaaliya iyo Somaliland-ba si gaar ah indhaha loogu hayn doono sida ay ula macaamilaan xuquuqda aadamaha, hay’adaha xuquuqda ee rayidka, ammaanka, sida ay dadkooda ula macaamilaan Iyo sida oo kale, habka ay haweenka iyo carruurta ula shaqeeyaan” ayuu yiri Danjiruhu. Danjire Yamamoto ayaa waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Somaliland aysan weli aqoonsi ka helin beesha caalamka, sidaasi darteedna uu Mareykanku u arkayo in uu xooga saaro in Dowladda Federaalka, Somaliland iyo dhamaanba maamul-gobaleedyada dalku ay sameeyan is dhex-gal, xaga dhaqaale iyo xag walba ah. Yamamoto ayaa si gaara u cara-baabay is dhexgalka Somaliya iyo Somaliland inuu wax badan ka badali doono sida ay hadda yihiin, wuxuuna yiri “Runtii haddii aad eegto Somaliland iyo Soomaaliya horusocod ayaa ay samaynayaan. Waana ay caawinayaan in hore loo socdo, hore ayaa ay u socdaan. Waxa aanan filayaa in shanta sano ee soo socda aad arki doonto in ay aad uga duwanaadeen sida ay hadda yihiin”. Ugu dambayntiina, Danjire Yamamoto waxa uu ka dhawaajiyey in Somaliya iyo Somaliland ay ku qasban yihiin inay yeeshaan wada-shaqayn dhinacyada oo dhan ah, si ay horu-socod u noqdaan oo ay u horumaraan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com