Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PRESS RELEASE FIFA statement on the alleged events concerning Mr Ahmad Ahmad, President of African Football Confederation FIFA is fully committed to eradicating all forms of wrongdoing at any level in football ZURICH, Switzerland, June 7, 2019/ — FIFA (https://www.FIFA.com) has taken note of the alleged events concerning Mr Ahmad Ahmad, who is being questioned by the French authorities in relation to allegations related to his mandate while President of CAF. FIFA is unaware of the details surrounding this investigation and is therefore not in a position to make any comment on it specifically. FIFA is asking the French authorities for any information that might be relevant to investigations taking place within its Ethics Committee. As a matter of due process, everyone has the right to the presumption of innocence, but as the FIFA President reiterated yesterday, FIFA is fully committed to eradicating all forms of wrongdoing at any level in football. Anyone found to have committed illicit or illegal acts has no place in football. FIFA is now clean from the scandals that tarnished its reputation and this same determination should prevail in governing bodies such a confederations. FIFA will be at the forefront of ensuring that this is enforced by everyone involved in football. Distributed by APO Group on behalf of Fédération internationale de football association (FIFA). SOURCE Fédération internationale de football association (FIFA) Qaran News
  2. Beledweyne (Caasimada Online)-Dagaal xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo Al Shabaab ay ku sugnaayeen. Weerar gaadmo ah ayaa la sheegay in koox hubeysan oo hab beeleed ahaan u abaabulan inay ku qaadeen saldhiga Al Shabaab ee deegaanka Halgan oo ku dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaanan la ogeyn, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro soo gaaray labada dhinac, iyadoo kooxda weerarka geysatay ay sheegteen inay dileen xubno Al Shabaab ka tirsan. Deegaanka Halgan oo qiyaas ahaan 14 KM u jira magaalada Beledweyne ayaa waxaa Al Shabaab la sheegay inay ku hayeen xoolo badan oo dadka deegaanka Zakawaad ahaan looga qaaday. Qaar kamid ah dadka ku sugan magaalada ayaa sheegaya in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay u suuro gashay inay ka furtaan Al Shabaab xoolo badan oo gaaraya ku dhawaad 500 oo neef. “Raggaan maleeshiyada waxaa horey ay u kaxeysteen xoolo badan, xoolo badan ayay ku hayaan deegaanka, marka waa lagu weeraray, ku dhawaad shan Boqol oo neef ayay horey u kaxeysteen maleeshiyaadka”ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Ma jiro wax war ah oo dhanka Al Shabaab kasoo baxay, kaasi oo ay kaga hadlayaan weerarka lagu qaaday deegaanka Halgan. Xiisad ayaa saaka ka taagan deegaanka Halgan oo Al Shabaab iyo maleeshiyaadka hubeysan ay ku dagaalameen, waxaana Al Shabaab ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. The Indian Ocean maritime boundary dispute between Somalia and Kenya has reached a new level of intensity. Source: Hiiraan Online
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ugu yeertay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degaanada Maamulka Jubbaland, gaar ahaan hoggaanada dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub ee dowlad gobaleedka Jubbaland. Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa casuumaad aan rasmi aheyn u fudisay dhaqanka iyadoo u martay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo la dhacsan Xukuumadda kana soo horjeeda hoggaanka Axmed Madoobe. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in inta badan ay odayaasha dhaqanka diideen caasuumaadda uga timid dowladda federaalka Soomaaliya ayna dalbadeen in loogu yimaado magaalada Kismaayo, si looga wadahadlo tabashooyinka ay dhinacyada Jubbaland iyo dowladda kala qabaan. Warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid ah odayaasha ay ogolaadeen balse ay ka fikirayaan sidii ay ku soo bixi lahaayeen iyo sidii ay Kismaayo dib ugu laaban lahaayeen hadii ay la kulmaan xukuumadda Soomaaliya iyagoo ka cabsi qaba Maamulka Axmed Madoobe. Beelaha diiday islamarkaana Caasimada Online la wadaagay xogtaan waxaa kamid ah Beesha Cowrmale oo ka tirsan beelaha ugu saameenta badan Kismaayo, waxaana Senator u ah Mudane Iftin Xasan Baasto oo mucaarad weyn ku ah Dowladda Soomaaliya sida uu meelo badan ka sheegay. Xubno ka tirsan Beeshaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xukuumadda ay u soo dirtay mas’uuliyiin aysan noo sheegin magacyadooda balse ay diideen caasumaadaasi loo fidiyay. “Dad kamid ah beesha ayey noo soo direen waana ka diidnay marti qaadkooda oo aan danguud aheyn mana yeeleyno in la bur buriyo Jubbaland sidii Galmudug” ayuu yiri qof kamid ah dadkii aan la hadalnay ee kamid ah Beesha Cowrmale oo marti qaadka diiday. Kaliya ma ahan Beeshaan waxa marti qaadka diiday waxaase jira beelo kale oo naga dalbaday in aan adeegsanin magacyada nabadoonada ama beelaha ay mataalaan. Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka fikireysa qorshe kale oo ay ku meel mariso go’aanadeeda ku aadan xaaladda Jubbaland iyo doorashada sanadkaan dhamaadkiisa ka dhacaysa Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Recently Somalia’s Lower House passed an election law which introduced proportional representation (PR) voting system for 2020/21 elections for parliamentarians and President to replace the medieval Source: Hiiraan Online
  6. Eleyer Daher attributes the rapid growth of Djibouti eSports to the country’s love for gaming. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed, kaasoo habeen hore lagala baxay hoyga uu ka degan yahay Caasimada dalka Kenya. Sida wararku sheegayaan, durba waxaa la qabtay qareeno Difaaca Aqoon yahanka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Jimcaha beri Maxkamad la soo taagi doono, taasoo qaadeysa dacwado la sheegay iney Kenya ku soo oogtay. Wali si dhab ah dibadda ma aysan ugu soo bixin Dacwada iyo waxa ay salka ku heyso, waxaase jira tuhuno la xiriirta hadalo hore uu u jeediyay Dr. Bursaliid oo Kenya qoonsatay, taasoo ah mida soo dadajisay in xabsiga ay dhigto. Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ay saaxiibo dhaw yihiin ninka xiran, ayaa sharci darro ku tilmaamay in makamad la’aan uu xabsi isaga jiro Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid wax ka badan 24 Saacadood, iyadoo aaney wax Maxkaamd ah la soo hor istaajin, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in dib uu xoriyadiisa u helo. Si kastaba, Bursaliid oo barre ka ahaa Jaamacadda Nairobi, ayaa ah nin ka faalooda arrimaha Siyaasada ee geeska Afrika, isagoo sidoo kale ka shaqeeya Safaarada Mareykanka ee dalka Kenya oo ku taala magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed will visit Khartoum on Friday to mediate between Sudan’s military rulers and an opposition alliance over a transition to democracy, a diplomatic source at the Ethiopian embassy in Khartoum said. Source: Hiiraan Online
  9. Supporters display signs, while community members question the fairness of the former Minneapolis police officer's trial.KSTP Source: Hiiraan Online
  10. Two Canadian women have been kidnapped in Ghana by unidentified gunmen in the country's second largest city, Kumasi. Source: Hiiraan Online
  11. WASHINGTON (Reuters) - The United States has decided to stop accepting any additional Turkish pilots who planned to come to the United States to train on F-35 fighter jets, U.S. officials say, in a clear sign of the escalating dispute over Ankara’s plans to purchase Russian air defenses. Source: Hiiraan Online
  12. The African Union (AU) suspended Sudan on Thursday, demanding a "civilian-led transitional authority" to resolve an entrenched and bloody crisis. Source: Hiiraan Online
  13. Kyle Lowry of the Toronto Raptors argues with Warriors minority investor and billionaire Mark Stevens. GETTY Source: Hiiraan Online
  14. The construction of the Ambouli Friendship Dam in Djibouti is largely completed, Turkey's Ministry of Agriculture and Forestry said in a statement. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad u dhalleeceeyey warqad kasoo baxday ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo lagu mamnuucay qashin la sheegay in lagu shubi jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Warqadda ayaa lagu sheegay in ay soo baxday kaddib markii ay kordheen walaaca laga qabo qashinka ku sii kordhaya gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxaana warqaddan lagu amray Wasaaradda Gaadiidka, Amisom iyo Qaramada Midoobey xafiisyadooda in ay u hoggaansamaan. Hoos ka aqriso qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay facebook oo uu ku dhaliilay Khadar. Hoggaanka talada haya inta badan dadku waxay ka fishaan fogaan arag, hal abuur siyaasadeed iyo karti arrimaha murugsan lagu xaliyo. Markaad isku eegto mushkiladaha gudaha iyo kuwa debeda ee dalkeena haysta, aadna dhagaysto fariintii uu Madaxweynuhu munaasabada Ciidii shacabka u jeediyey iyo qoraalkan uu raysalwasaare xiggeenka koowaad kaga hadlayo hawlo qashin qaadis, iyadoo ay jiraan hay’ado badan oo ka xigsan kara, waxaa kugu soo dhacaya halkii uu Cismaan Askari (AUN) lahaa “Maskaxdaa laga abaaroo bayee Ninka ugu il dheerbaa, dadka ugu ayaan daran Waxaan lala arkayn baa, isaga uun u muuqdee “.
  16. MADAXWEYNE GOBOL : MAGAC KHALDAN Magaca Madaxweyne gobol waa mid lagu khaldamay marki la sameynaayay eray bixinta maamul goboleedyada. Waana arrinta horseeday inay madaxda gobollada ku dhegaan meeshi ay qabsadaan. Ma jiro mid oggol in booska laga beddelo oo qof kale loo doorto, waa haddii waxa dhacaya doorasho lagu sheegi karo. Bal aan meelo kala duwan ka fiirino xaaladaha ay ku sugan yihiin Madaxda Gobollada AXMED MADOOBE – JUBALAND Siduu ku yimid booska waa la ogaa iyo doowrki uu ku lahaa M/weyne Xasan Sheikh oo marxalado kala duwan ka soo maray dhidib u aasida Jubaland iyo dhibaatooyinki ka jiray: Maanta waxaa la filaayay inuu M/weyne Axmad Madoobe salligiisa ka laalaabto Kismaayo uu isaga tago kana towba keeno wixi gefaf ka dhacay inti uun jiray maamulkiisa Nasiib darro, weli waa soo taagan yahay wuxuuna u muuqdaa maanta inuu diyaar u yahay in dowladda Somaliya ay dunto ama Kenya dalka oo dhan ama Jubada Hoose ay la wareegto. Axmad Madoobe cid uu wax u oggol yahay ma jirto, waxaana ka muuqata inuu diyaar u yahay dagaal lagu wada hoobto si aysan doorasho uga dhicin gobolka Jubaland. AXMED DUCAALE GEELLE XAAF – GALMUDUG Xaaf waxay ka mareysaa mel ka xun tan heysata Axmad Madoobe. Wuxuu abaabulayaa kulan ay isugu yimaadiin Madaxweynayaasha gobollada oo dhan, haddii laga ajiibo wicitaanka uu isugu keenayo Madaxda Gobollada. Tafaasiil fara badan ee isaga ku saabsan wxaad ka heli kartaa maqaalkii ahaa DHAMBAAL KU SOCDA AXMAD XAAF. Xaaf wuxuu ku fadhiyaa laan geedkeedi soo dhacay, isagoo mooda inuu meel dheer saaran yahay oon la soo gaari Karin. Ma dareemin weli inuu dhulka soo dhacay uusan meelna saarneyn, cid badbaadi kartana aysan muuqan. Madaxda Ahlu Sunnah iyagaa iskood u yaaban, waxna uma tari karaan haddii ay haddii ay toban jeer doortaan. Madaxweynayaasha uu isugu yeeray nin waliba tiisaa heysata, isutagoodana waxba ma kordhin karo inuu wax halleeyo mooyee. Waxaa jirta xikmad Carabi ah oo dheheysa MAN YARAA NAFSAHO QABLA AN YARAHU NAAS LAM YARAHU NAAS oo micnaheedu yahay NINKI ISAGA IS-ARKA IYADOON DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN. Meesha ay wax ka khaldan yihiin waa inaysan jirin dowlad dhexe oo awood leh oo dareemi karta awooda uu dustuurku siinaayo. Haddaba, waxaan iga talo ah in dib loogu naqdo qab-dhismeedka dowlad goboleedka, lana soo saaro tilmaan-shaqo ( job description) qeexaya awoodaiyo cidda soo dooran karta oon ahayn barlamaan ku-sheeg ay igayu soo xuleen iyo guddiyo aan wax awood ah ku lahayn maamulka gobolka kuwaasoo shacabka laga soo xulay isuna beddeli doona barlamaan. Shariif Xasan oo ahaa ninka ugu khatarsan xagga isdaba mariska soona xulay barlamaanka Koofur-Galbeed si ay u doortaan, balse Ayaan darro ka daba timid, kaddib markii awood isaga ka weyn uusan wax ka diidi Karin ay kula talisay inuu isaga tago intey gtoori tahay, waana qaatay taladi isagoo hercad ka dhoofay boqortooyadi uu dhistay. Damaca madaxweynayaasha gobollada waxaa xoojinaya karti darrada dowladda dhexe oon weli awood u lahayn inay ka hadasho dhibaatooyinka ka heysta xiriirka gobollada, waayoo waxay adeegsataa dad aan aqoon waafiya u lahayn maul dal weyn oo Somaliya oo kale ah. Waa xukuumad aan ka hadli Karin si tifaftiran howlaha kala dhexeeya madaxda gobollada iyo xuduuda ay cid waliba dhaafi Karin, waa haddii cid garaadkeedu gaarsiisan yahay dalka loo doorto. Xukuumadda manta jirta waxay ka cabsanaayaan xataa inay ka dhiidhiyaan kana jawaabaan tallaabooyinka is-xigxiga ee ku saleysan daan-daansiga Kenya iyo falalka gurracan ay caadeysatay, kaddib markii ay weysay cid iska celisa. Waryaa Farmaajo iyo Kheyre u raadiya cid kala talisa hab-dhaqanka diplomasiyeed iyo maamulka danaha dalka Somaliya oo maraaya marxaladi ugu xumeyd ee dal gaaro, marka laga reebo dagaalki sokeeye. Intaa oo dhan waxaa ka sii khatarsan inay madaxdweynaha iyo R/wasaaraha ay iyagu isla fiican yihiin oo isu heysta inay dalka meel fiican gaarsiiyeen. Waryaa u sheega inuu soo socda Fu’aad Shongole uu khubadihiisi ka billaabi raboo masaajidka Bakaraha oo xoog looga saaray xilligi Sheikh Shariif. W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Dhibaatooyinkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Dawladda Deegaanka Soomaalida xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa maalinba maalinta ka dambaysa soo baxaysa qiso xanuun badan oo dadka layaab ku noqonaysa, taas oo ay ka sheekaynayaan dadkii jeelasha lagu guray ee sida ba’an loo dhibaateeyey. Dadka ayaa qofkii la doono la xidhayey, ka la doono la dilayey, kan la doonana lala wareegayey hantidiisa, taas oo ay dheerayd kursiga dumarka iyo carruurta, iyadoo ay waxaas oo dhan samaynayaeen masuuliyiin iyo ciidamada u gaarka ahaa Cabdi Iley. Ciidamada gaarka ah ee Deegaanka iyo Kooxdii HEEGO ayaa waxay ka shaqayn jireen jaajuuska iyo raadinta waxyaabaha lagu qoro baraha bulshada ee Facebook, taas oo keeni jirtay in qof aan waxba galabsan jeelka loo taxaabo iyadoo loo nisbaynayo in qof ay ehel ama qaraabo yihiin uu Facebook soo dhigay farriin aanu jeclaysanin nidaamkii xilligaas ee waqtigan jeelka ku jira. Qisooyinka yaabka leh ee soo baxay waxa ka mid ah, in wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiwali Maxamed Cumar uu bartiisa Facebook ku qoray hees ay qaaddo fannaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige, taas oo keentay in ciidamo ordaya ay ugu yimaaddeen goobtii uu ka shaqaynayey oo ay xabsiga u dhaadhiciyeen, iyadoo lagu xukumay 15 sannadood oo xadhig ah. Muddadii uu Cabdiwali ku jiray Jeelka, waxa uu la kulmay dhibaatooyin badan, waxaana uu goob joog iyo markhaatiba ka yahay dad si arxan darro ah loogula dhaqmayey gudaha Jeel Ogaadeen, kuwaas oo uu isaguba ka mid ahaa. Cabdiwali oo ah xirfadle caafimaad oo ku noolaa xilligii la xidhay degmada Gallaadi ee Gobolka Doollo, waxaana ay ciidamadii soo qabtay waydiiyeen ujeedaddada uu ka leeyahay heesta uu bartiisa Facebook ku qoray, ka hor intii aan lagu ridin xukun 15 sannadood ah. Dhibbahan oo dhawaan ka warramay dhibaatooyinkii uu la kulmay intii uu jeelka ku jiray, ayaa waxa uu tilmaamay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo uu ku kici jiray Xasan Dheere oo ahaa madaxii Jeel Ogaadeen oo dhawaan laga soo qabtay Somaliya, kuna jira gacanta DDS. Cabdiwali oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “Degmada Gallaadi ee gobolka Doolo ayaa layga soo xidhay. Waxaan ahaa xirfadle caafimaad, waxaana layga soo qabtay santarkaygii. Waxa laygu soo eedeeyey aragti xumo, waxa laygu yidhi facebook-gaaga ayaad ku qortay hees ay Khadra Daahir qaaddo tuduc ka mid ah oo tidhaahda: “Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo.” Maxaad ka waddaa baa laygu yidhi? Kiiskaygu halkaas ayuu kasoo bilaabmay. Kaddib waxa lay keenay Wardheer, waxaana la igu xukumay 15 sannadood oo xadhig ah, kaddibna waxa la iisoo dhaadhiciyey Jeel Ogaadeen.” Heesta Cudurka Kaa Gala Fardaha, waxa midhaheeda sameeyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey), waxaanay ka mid ahayd riwaayaddii la odhan jiray ‘Nin Illaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo.”, waxaana uu abwaanku ku darsaday riwaayaddaas oo uu sameeyey Abwaan Xasan Kayd. Laxanka waxa saaray Aweys Abokor Nuur Goobbe, waxaana ku luuqaysay fannaanadda codka macaan ee Khadra Daahir Cige. Akhriso heesta oo dhamaystiran: Cudurka kaa gala fardaha Haddii laga gubo dameer Dawada lama gaadhayoo Anoon weli kuu ged bixin Geed dheer bay saaran tahay God-dhowgiyo gawraciyo Aan goorino xaalka tagay Gartana aan kala lahayn Ayaan gogol kula hurdaa Gantaashana waa qabaa Martina guulaan u ahay Qof go’ay iyo roob galbeed Midkoodna hadduu galbado Gadaal uma soo noqdee Go’aankii hore u daayoo Ayaamahan gaabiska ah Horaadkaan godol lahaa Hadday iga gaagaxsheen Iyana waxaan kaga gudbaa Gobeeya liicoo ha jabin Gantaashana waa qabaa Martina guulaan u ahay. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wax lalayaabo oo khibraddaro maamul ah ku tilmaamay cunaqabatayn uu maamulka Somaliland sheegay inuu saaray gobolka Sanaag. Mudane Karaash ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Somaliland isagoo sheegay in aysan jirin Al-Shabaab ka hawlgala Dhahar iyo degaannada kale gobolka oo hore Somaliland warbixin qaldan uga gudbisay. Kusimaha Madaxweynaha oo ka hadlaya arrintaasi ayaa yiri “Arrin aan maqlay oo Muuse Biixi la yiri cunaqabatayn ayuu ku soo rogay Sanaag, waa arrin lalayaabo weeye, Cunaqabatayn mana saari karo, Alle ‘SWC’-na ma saarin. Waxaan farayaa Hay’ddaha uu beenta u sheegayey iyo dowladda Puntland-ba in si deg deg ah looga hortago arrintaasi been abuuur ka ah”. Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Karaash. Wuxuu ku eedeeyay maamulka Somaliland uu taageero kooxda Al-Alshabaab oo uu ku tilmaamay cadaw Soomaaliyeed. ”Shabaabka uu leeyay Dhahar ayay joogaan, Shabaab Puntland ma joogto mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa dagaalku ka dhexeeyo har iyo habeenba, waxaanu leenahay meesha lagu badbaadiyo waa Soomaaliland, xariiq ma gaarsiin reer Burco iyo reer Hargeysa iyo Jeegaanta Midna, halkanna dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Shabaab anagu ma haynee halkaas ayay jiraan, Soomaliland ayaa laga soo taakuleeya.” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu furayay wadada laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Riyadh (Caasimadda Online) – Dood kala duwan ayaa ka dhalatay in la arkay Bishii Shawaal isla markaasna waxaa arrintaas isku khilaafay qaar ka tirsan Dowladaha Islaamka. Dowladda Sacuudiga ayaa kamid ah Dowladihii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay in la arkay Bishii Shawaal, waxaana kadib ku raacay Dowladaha Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo dhammaantood u dabaadagay Ciidda Maalintii Talaadada aheyd. Sidoo kale Dowladaha go’aankooda badalay ee markii dambe Sacuudiga ku khilaafay in Talaadadii aheyd Ciid waxaa kamid ahaa Dowladda Liibiya oo soo saartay laba go’aan oo ku saabsanaa Ciidda inkastoo midkii dambe uu ahaa in Maalintii Talaadada aheyd la dhameystiro Soonka halka ay ciideyn Maalintii Arbacada aheyd. Sidoo kale Dowladaha Ciiday Arbacadii waxaa kamid ah Malaysia iyo Indonesia kadib markii ay sheegeyn inaan la arkin Dhalashada Bishii Shawaal ayna Soonka dhameystirayaal Maalintii Talaadda aheyd. Haddaba Ciiddii kadib waxaa soo baxay dood culus oo ku saabsan inay Sacuudiga ku qaldantay in Maalintii Talaadada ay aheyd ciid sidaas darteedna ay Hal Bilyaar iyo 6 Malyan oo Lacagta Sacuudiga Kafaaro gud ay uga bixineyso Shacabka Sacuudiga maadama ay afurisay Maalin Soon aheyd. Meelaha lagu faafiyey warkaan ayaa waxay soo xiganayeen Maxamed Al-Najmi oo xubin ka ah Dalladda Fuqahada Islaamka ee Dowladda Sacuudia kaasoo la sheegay inuu wareysi dhanka Taleefoonka ah siiyey Talafishinka Al-Carabiya, waxaana la xaqiijiyey inay arrintaas tahay been abuur kadib baaritaan lagu sameeyey warbixinadii ka baxay Telefishinkaas oo laga waayey warbixin ka hadleyso arrintaan. Sidoo kale Dadka faafinayey arrintaan ayaa soo xiginayey qoraal ay sheegeyn inay Baraha Bulshada kusoo qortay Hey’adda Cirbixiyeenka ee Magaalada Jeddah balse markii dib loo fiiriyey Baraha Bulshada ee hey’adda sida Facebook iyo Twitter labadaba waa laga waayey qoraal ku sabaabsan arrinta la faafiyey. Arrintaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay faafinayaan Kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo Iiraan kuwaas oo dagaal kula jiro Dowladda Sacuudiga. Been abuurkaan ayaa kusoo aadeyo Xilli Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha Xarameynka Maxamed Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud uu Talaadadii Xaramka kula dukaday Ciidul Fidriga Muslimiin badan oo isugu yimid Xaramka iyo hareerihiisa. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  20. Xubnahas Ayaa Waxaa Ka Mid ah Madaxda Ugu Sareesa Dalka,Wasiiro,Xildhibaano iyo Shaqsiyaad Dowlada Ka Taageero Bartooda Facebooga. Hor Dhaca Caawa Shaqsiyaadka Kenya Ay Soo Bandhigtayna Waxaa Kamid Ah:- 1. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo 2. RW Xasan Cali Qeyre 3. G.Barlamanka Maxamed Mursal 4. G.1 aad Muudey 5. G2 aad Mahad Cawad 6. G.G.Banadir Eng Yariisow 7. G.Amniga Maxamed Tuulah 8. W.Qorsheynta Jamaal 9. W.Dhalinyarada Mama Qadiija 10. W.Maliyada Ducale Beyle 11. Madaxweynha K.Galbeed Cabdicasis Lafta Garen 12. Madaxweynha Hirshabele Maxamed Waare 13. Agasimaha NISA Fahad Yaasiin 14. Taliyaha Boliska G.Banadir Sadaq John 15. Safiirkii Kenya Maxamuud Tarsan 16. RW Kuxigenka Mahdi Guuleed 17. Siyaasi Salad Cali Jeele 18. Siyaasi Cali Maxamed Geedi 19. Siyaasi Cali Yare Cali 20. Siyaasi Ambassador Owliyo 21. Duqbilow Kablow Faarax 22. W.Dulista Hawada Maxamed Oomaar 23. W.Waxbarashada Cabdullahi Godax Bare 24. W.Amniga Qaranka Wasiir Islow 25. Xildhibaan Mustafa Dhuxulow 26. Xildhibaan Xuseen Iidow 27. Xildhibaan Cayaar Jecel 28. Madaxweyne Kuxigenki Galmudug Xaashi Carabey 29. G.Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir 30. Sheeq Cali Wajiis 31. Sheeq Nuur Baaruud Gurxan 32. Sheeq Bashiir Axmed Salaad 33. Sheeq Kenyawi 34. Marwada 1aad Dalka Saynab 35. Dr Axmed Cali Daahir 36. Xildhibaan Cabdishakuur Gaal eri 37. Xildhibaan Sagal Biixi. Qaran News
  21. Cajiibka taariikhda! Taariikhdii hore Somaalida ama geeska africaba waxaa ku jirtay kenya oo haysata dhul soomaaliyeed (NFD) ka dibna Somaliya dhulkaas waxay kaga tanaasushay heshiis markhaatiyo lahaa. Taariikhda Cusub ee hadda qoristeedu Socoto waxay dhigaysaa Dawlada Kenya oo ay Somaliya ka haysato dhul ay lahaan jirtay( maaha xuduuda badda ee muranku ka taaganyahay) Kenya waxay sheeganaysaa qaybo badan oo ka mid ah gobalada jubooyinka. Arrintan waxay kusoo beegmaysaa waqti ay Itoobiya soo saartay khariidad (map) ay Somaliya ka maqantahay iyo qorshaha Abiy Ahmed ee midaynta Somaliya iyo Itoobiya! Waqti sanado badan laga joogo waxaan balaf ku maqlijiray hadalhayn odhanaysay Somaliya waa laga saarayaa khariida aduunka oo saxaafada qaar si hoose uga hadli jireen! Intaa markaan isugeeyo ee aan ku daro tafaraaquqa iyo talo-xumada somaalida maanta waxa ii soo baxaysa natiijo werwer leh. Meelo badan oo bcaalamka ah oo uu ku jiro geeska Africa waxa ka socota DIB-U-QORID TAARIIKHEED( Rewriting The History) arrintan oo keeni karta in wax wayni iska bedelaan nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka qaar, isbedelkaas oo saamaytiisu noqon karto mid togan iyo taban labada. Waxayna ku xidhantahay quruun kastaa sida ay u maal-gashato mustabalkeeda, firfircoonidooda iyo feejignaantooda. Waa NINBA TACABKII TOGOW KAA MAAL. NINKII SEEXDUU SICII DIBI DHALAYAA! Sahaminta Aayaha Somalida ee waqtiga dheer sidee kuula muuqdaa? Mohamed Hussein ( Samadoon). Qaran News
  22. Ma Awoodno inuu Fashilmo Mashruuca Dib u Habaynta Shaqaalaha Qaranku , Waana Muhiim in Baadhis Buuxda lagu Sameeyo ! Asalaamu Calaykum Dedaal aad u badan iyo wada-hadalo wakhti aad u dheer qaatay oo Habeen iyo Maalinba laga shaqaynayay ka dib waxaa Allah Mahadii ahayd in Baanka Aduunka iyo Xukuumada Somaliland ay Magaalada Nayroobi ku kala Saxeexdaan 29kii July 2016 kii Heshiis uu Baanka Aduunku ku Maalgelinayo Toban Milyan oo Doolar dib u habaynta Shaqaalaha Dalka Somaliland si kor loogu qaadayo tayada aqooneed iyo xirfadeed ee Shaqaalaha dowladda, gaar ahaana ay Qabta Koowaad ee Mashruucaasi ay ka faaiidaysan doonaan Sideed Wasaaradood iyo laba Hay’adood oo dowli ah, kadibna loo gudbi doono Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada ee kale. Hawsha Mashruucan oo aanu marar kala duwan u tagnay Magaalada Nayroobi waxa Masuuliyiinta hawshan ka qayb qaatay ka mid ahaa Dr. Sacad Cali Shire oo xiligaas joogay Wasaarada Arrimaha Debeda, Gudoomiyihii hore ee Hay’ada Shaqaalaha Mudane Maxamed Mixile Boqorre, Wasiir u Dawlihii hore ee Wasaarada Shaqda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Daahir Camuud, Aniga oo waagaas ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha Machadka Tababarka Shaqaalaha Mudane Guuleed Saleebaan Hagoog, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Xidhiidhiyaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Mudane Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil. Mashruucaasi waxa Daahfurkiisii si rasmi ah loogu qabtay Hoteelka Ambassador 23kii bishii November 2018. Waxaana uu ahaa Guul usoo hoyatay Qaranka oo loogu talo galay inuu socdo Muddo Shan Sanadood ah. Waxaana loogu talo galay sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta iyo Tayada Shaqaalaha Dawlada ee loo Abuuri lahaa Shaqaale Aqoon u leh Adeegga ay Bulshada u hayaan una carbisan shaqooyinkooda sidoo kalana xoogga la saaro sidii loo tayayn lahaa guud ahaan Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loona kobcin lahaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee kala duwan. Sidoo kale waxa Qorshaha Mashruucan qayb ka ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Xuquuqda Shaqaala iyo Daryeelkooda oo ah mid Mudnaan iyo Muhiimad weyn leh si loo hubiyo Xaqa iyo Xuquuqda ay Shaqaalaha Dawladu ku leeyihiin Qarankooda iyo Daryeelkooda marka ay hawlgabka noqdaan ee ay shaqada ka fadhiistaan. Waxa kale oo xusid mudan in Barnaamujkan ay qorshayaashiisa ugu waaweyn ee kale ay ka mid tahay sifaynta iyo soo Afjarida waxa loo yaqaan Caaglaha “ghost workers” oo ah shaqaale magac u yaal ah oo ku jira Liiska Shaqaalaha Dawlada ee lagu lagac qaato balse aan ahayn shaqaale meel ka shaqeeya. Hadaba Mashruucan loo yaqaan dib u Habaynta Shaqaalaha Dawlada ” Civil Service Reform Project” waa mid qiimo weyn ugu fadhiya Qaranka oo ay muhiim tahay in la hubiyo inuu u socdo sidii loogu talo-galay lagana hor tago oo laga ilaaliyo in wax madmadow ahi uu soo galo si aynaan u lumin Sumcada iyo is Aaminka u dhexeeya Xukuumada iyo Baanka Aduunka Waxaa aad ii werwer geliyay baadhitaanka ay sameeyeen Warbaahinta loo yaqaan Somaliland Chronicle oo tilmaamaysa in lacag gaadhaysa Laba Milyan oo Doolar ay ku baxday wax lagu Tilmaamay la Taliyayaal reer Kenya ah. Aniga oo sharaf iyo Xushmad u haya Masuuliyiinta hawshan gacanta ku haysa, isla markaasna kalsooni buuxda ku qaba in ay Xukuumadu baadhis buuxda ku samayn doonto Mashruucan ayaa hadana waxaan jeclaystay inaan Xukuumadu ku dhiirri geliyo in la dedejiyo baadhista Eedaha dul hoganaya Mashruucan si aanu u fashilmin Barnaamujkaas qiimaha weyn ugu fadhiya Qaranka. Somaliland ha Guulaysato Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
  23. NAIROBI (HOL) - Somali government has reiterated that it did not put on sale blocks belonging to Kenya as the diplomatic raw between Somalia and Kenya escalates over maritime boundary. Source: Hiiraan Online
  24. waxaan halkan anigoo ah garaad barkhad xaaji cabdi tacsii tiiraanyo leh u dirayaa afhayeenka guud ee xusbiga wadanni ” garyaqaan barkhad Jamac Xirsi Batuun iyo walaalahay cabdi mahdi .hodan mahdi iyo khadra cabdi qaray iyo dhamaan qaraabadii iyo eheliyadii ay ka geeriyotay anigoo ka tacsiyadeynaya geeridaa ku timid habaryartay luul cayuun kariyee kuna geeriyotay magaalada hargaysa goordhaweyd waxaan dhamantod leehyahay ilaahay samiir iyo iiimaan saadaqa allah ha inaga wadasiiyoo dhamaan qoyska iyo qaraabadii iyo ehelkeeda . hooya na ilahaay naxariistii janoo fardowsa allah ha ka warabiyoo aaaamiin aaamiin aaamiin Source