-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Marka (Caasimadda Online) – Ciidanka amaanka ee ka howlgala magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay soo qabteen Afar ruux Qarax waday. Dadka lagu qabtay Qarax ayaa kusoo dhex qariyey Jawaan ay ku jirtay Galay, sida ay sheegeen Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Xoogga ee kusugan magaaladaas. Dadka lagu qabtay qaraxaas oo la sheegay in ay ahaayeen Afar ruux ayaa labo kamid ah waxa ay ahaayeen Dumar midu Uur leedahay, halka labada kalana ay rag ahaayeen. Sidaani oo kale ayaa Todobaadkii hore waxay Ciidamadu Bar Koontorool oo laga galo degmada Marka ku qabteen gaari Dameer Qudaar siday oo lagu soo dhex qariyey waxyaabaha Qarxa, waxaana la sheegay in ay waday Haweeney siweyn looga yaqaanay magaalada Marka oo ka ganacsa jirtay Qudaarta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xudur (SMN) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mukhtaar Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Mudane; Mursal, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada Xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed. Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan. Wuxuu Guddoomiye Mursal, ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda, mar walbana u taagan horumarinta degaannada Koofur Galbeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-08072019.mp3 View the full article
-
At least three people including a police man were killed and five others injured after a vehicle loaded with explosives went off at a security checkpoint in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa maanta ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Gini iyo xiisada kala dhexaysa DF Somaliya. Axmed Yaasiin ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu dagaal qarsoodiya uu kula jiro Somaliland, isla markaana uu hadda si cad u soo if-baxay dagaalkaasi. Axmed ayaa waxa kale uu sheegay in dowlada federaalka Somaliya aysan waxba yeeli karin xiriirada ay Somaliland la leedahay caalamka, isagoona socdaalka Gini uu ku tagay Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid loo baahna oo soo kordhiyey xiriir cusub. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa arrimahaasi ka hadlay, wuxuuna yiri “Tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Somaliya, dagaal buu kula jiray Somaliland, cadawada fog iyo xaasidnimada farmaajo ee hadda soo baxday, awalba wey inagu socotay, oo wey qarsoonayd, dharigana waxaa kulka ka keena waa dabka, markaas Farmaajo iyo Maamulkiisaba waxaa cadaawadan ka keenay waa u quudhitaan ay inoo quudhi la yihiin dawladnimadeena iyo waxaynu qabsanay”. “Farmaajo waxba uma dhimi karo xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka, wax alaale wuxuu inaga qaadayana ma jirto hadduu Safiiro iyo Madaxweynayaalba iskugu yeedho isaga ayey nusqaan iyo karaamo daro ku tahay”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Xidhiidhka aynu la yeelanay Gini waa mid inoo soo kordhay, Socdaalka Madaxweynahana waa mid loo baahnaa, waana in albaab kasta oo danteenu ku jirto garacnaa oo aqoonsigeena cid kasta iyo dal kastaba u soo bandhignaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE Sudan: UN experts denounce Internet shutdown, call for immediate restoration The Human Rights Council has unequivocally condemned measures that intentionally prevent or disrupt access to information online GENEVA, Switzerland, July 8, 2019/ — UN human rights experts* have denounced measures taken by the authorities to shut down the Internet in Sudan, saying it stifles free expression and association. “In the past few weeks, we have continued to receive reports on Internet blocking of social media platforms by the Transitional Military Council,” the experts said. “The Internet shut down is in clear violation of international human rights law and cannot be justified under any circumstances. We urge the authorities to immediately restore Internet services. The Human Rights Council has unequivocally condemned measures that intentionally prevent or disrupt access to information online, and recommended all States to cease and refrain from such measures.” Noting that peaceful demonstrations to demand democratic transition continue to take place in the country, the experts highlighted that the Internet shutdown adversely impacted peoples’ human rights. “The internet shutdown forms part of a larger effort to stifle the free expression and association of the Sudanese population, and to curtail the ongoing protests,” the experts said. “Internet services have been shut down several times since the beginning of the year, the last time on 10 June only days after security forces violently dispersed a sit-in and killed and injured more than a hundred protesters.” “Access to information and communication services is crucial at times of protests. Restricting or blocking access to Internet services not only adversely affects the enjoyment of the rights to freedom of expression, assembly and participation, but it also has severe effects on protesters demands’ regarding economic and social rights,” the experts added. Reportedly, Sudanese internet provider Zain-SDN was found to have the most extensive blocking scheme, covering all key social platforms, followed by MTN, Sudatel and Kanartel. The UN human rights experts stand ready to provide any assistance to the authorities in this context Distributed by APO Group on behalf of Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR). SOURCE Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow safar dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Xildhibaano, Wasiiro, mas’uuliyiinka tirsan Galmudug iyo boqolaal dadweyne ah. Khayre ayaa fagaare la’isugu keenay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo goor dhow kula hadli doono halkaasi. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaruhu kulamo gaar gaar ah uu ka bilaabo gudaha magaaladaasi. Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saari doonaa dhibaatooyinka amni ee ka jira magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan nabad galyada gobolka Mudug. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa safarkan uga soo ambabaxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgauud, isagoo aan la kulmin waxgaradka magaaladaasi. Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay ka biyo diideen kulanka Khayre, waxaana ay ku eedeeyeen inuu uga baxay ballama uu horay ula galay. Arrintan ayaa salka ku heysa muranka weli ka taagan halka lagu qabanayo doorashada iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug oo dowladda federaalku iclaamisay in labaduba ay ka dhacayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) –Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha waxaa Gaalkacyo ku soo dhaweeyey, mas’uuliyiin ka tirsana Galmudug iyo qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi. Khayre ayaa la filayaa in kulamo uu ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadlayo nabadda gobolka Mudug. Ra’iisul wasaaraha ayaa horay booqasho ugu bixiyey deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo ku soo dhammaaday. View the full article
-
Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Gudoomiyaha , ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed. Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan. Wuxuu Guddoomiye Mursal, ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda, mar walbana u taagan horumarinta degaannada Koofur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland. James Swan iyo wafdigiisa waxaa Puntland ku soo dhaweeyey Madaxweyne Siciid Cabdullahi (Deni) oo ku qaabilay xafiiskiisa. Labada mas’uul ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, horumarinta iyo gargaarka bani’aadanimo. Madaxweynaha maamulka Puntland oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen isaga iyo James Swan. “Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa” Ayuu yiri Deni. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyey in ay ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin doorka ay ka qaadanayaan nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” ayuu yiri mar kale Madaxweynuhu. Waa safarkii ugu horreeyay ee wakiilka cusub ee QM James Swan uu ku tagay Garowe, kaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Sawirro: Beyle oo la kulmay guddiga deyn cafinta Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beye, ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP. Mudane Beyle iyo Guddiga ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen halka ay wax marayaan. Sidoo kale, waxay guddiga iyo wasiirku ka doodeen fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman cafinta deymaha lagu leeyay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan ugu jirta sidii deymaha lagu leeyay loogu cafin lahaa, iyadoo kasoo baxday shuruudo badan oo ku hor gudbanaa deyn cafinta. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Odeyaasha dhaqanka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta diiday iney la kulmaan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa. Xasan Kheyre ayaa la sheegayaa in Cadaado gaaray kadib safar dhulka ah uu uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ku sugnaa xarunta madaxtooyada muddo hal saac ah, laakin waxaa uu barnaamijkiisa isbadalay markii odeyaasha dhaqanka uu rajada ka lagaa la kulankooda ay iska diideen aragtidiisa ama la kulankiiba. Ilo lagu kalsoon yahay, oo ku sugan gudaha Cadaado ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in odeyaasha dhaqanka ay marka hore ka xumaadeen inuu Kheyre yimaado magaalada isaga oo safar ah, oo meel kale uga sii gudabaya iyo in uu ka baxay balamo ay ka mid aheyd in Cadaado qeyb ka noqoto go’aan ka gaarista halka lagu qabanayo shirarka dib u heshiisiinta bulshada Galamudug iyo sidoo kale in lagu qabto doorashada Galmudug sida uu amray madaxweyne Axmed Geelle Xaaf. Dhankiisa siyaasiyiin la kulmay Xasan Kheyre, ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu ku wargeliyey in aanu sheegin meesha doorashada ka dhaceyso, taasina lagu go’aamin-doonno shirka dib u heshiisiinta, laakin xataa mar-marsiyahaasi waa lagu diiday, taasi uu keentay inuu hungoobo, iskana sii-wato socdaalkiisa, isaga oo aadey dhanka Galkacyo. Bulshada Galmudug waxaa ay shaki badan ka qabaan niyadda dowladda federaalka ah ee ku aadan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaana shakiga sii kor dhiyey markii ay Villa Somalia go’aamisay meesha shirarka ka dhacayaan iyo markii ay wasaaradda arrimaha gudaha is hoos-geysay maamulka doorashada. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo 24-kii bishii hore safar ku tagay Galmudug ayaa ilaa hadda ku guuldareystay isu keenista dhaqanka, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin arrimaha dib u heshiisiinta iyo hannaanka doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE National Energy Services Reunited Corp. Announces Multiple Contract Awards in Bahrain NESR is steadfast in its commitment to be a partner and key enabler in the Kingdom of Bahrain’s extensive upstream growth plans HOUSTON, United States of America, July 8, 2019/ — National Energy Services Reunited Corp. (“NESR” or the “Company”) (https://www.NESR.com/) (NASDAQ: NESR) (https://yhoo.it/2L5UgVr) (NASDAQ: NESRW), a national, industry-leading provider of integrated energy services in the Middle East and North Africa (“MENA”) and Asia Pacific regions, today reported multiple awards of contracts for well intervention services by Tatweer Petroleum – Bahrain Field Development Company W.L.L. Mr. James Kenneth Eastlack, CEO of Tatweer Petroleum commented: “We are pleased to see NESR expanding and we look forward to their successful activities in the Kingdom of Bahrain.” ”We are pleased to establish a strong presence in the Kingdom of Bahrain which we will achieve with solid investment as well as recruiting and developing the talented national workforce. NESR is steadfast in its commitment to be a partner and key enabler in the Kingdom of Bahrain’s extensive upstream growth plans,” said Sherif Foda, Chairman of the Board and CEO of NESR. “The E&P Industry has a long history in Bahrain as this is where the first well was drilled in the region, and with the new discovery in Khalij Al-Bahrain Basin, the E&P industry in Bahrain is poised to take a big leap forward under the guidance of H.E. Shaikh Mohammad bin Khalif Al Khalifa, Minister of Oil.” Mr. Foda added: “As has been aptly stated by H.E. Minister of Oil, this high-quality tight oil and gas reservoir will require a newer approach and will need higher intensity and more complex services. This in turn provides opportunities to enterprising service providers like NESR who can bring all the required technology and best practices to help economically access these reservoirs. I would also like to take this opportunity to thank Tatweer Petroleum and H.E. Shaikh Mohammed bin Khalifa Al Khalifa, Minister of Oil, for their trust in NESR and allowing us to contribute towards the nation’s Economic Vision 2030.” Distributed by APO Group on behalf of National Energy Services Reunited Corp. Media Contact: Dhiraj Dudeja National Energy Services Reunited Corp. 832-925-3777 investors@nesr.com About National Energy Services Reunited Corp.: Founded in 2017, NESR (https://www.NESR.com/) is one of the largest national oilfield services providers in the MENA and Asia Pacific regions. With over 3,700 employees, representing more than 40 nationalities in over 15 countries, the Company helps its customers unlock the full potential of their reservoirs by providing Production Services such as Cementing, Coiled Tubing, Filtration, Completions, Stimulation and Pumping, and Nitrogen Services. The Company also helps its customers to access their reservoirs in a smarter and faster manner by providing Drilling and Evaluation Services such as Drilling Downhole Tools, Directional Drilling Fishing Tools, Testing Services, Wireline, Slickline, Fluids and Rig Services. About Tatweer Petroleum – Bahrain Field Development Company W.L.L.: In December 2009, Tatweer Petroleum – Bahrain Field Development Company W.L.L. (http://TatweerPetroleum.com/) assumed responsibility for the stewardship and revitalization of the mature Bahrain Field and the execution of all activities related to the petroleum operations pursuant to the terms and conditions of the Development and Production Sharing Agreement (DPSA). The DPSA, dated 26th April 2009, was entered into between the National Oil and Gas Authority (NOGA) and Occidental, Mubadala, and The Oil and Gas Holding Company (nogaholding). As of July 2016, the Company is wholly owned by nogaholding, the business and investment arm of NOGA of the Kingdom of Bahrain, which acts as the steward for the Government’s investment in a diversified range of energy-related companies. Tatweer Petroleum is now responsible for all upstream operations in the Kingdom, including oil and gas exploration, development, and production activities, in addition to gas distribution and sales. The Company’s primary goal is to increase the production of oil and the availability of gas to meet the future energy demands of the Kingdom of Bahrain, in line with the nation’s Economic Vision 2030. Tatweer Petroleum utilizes the latest oil exploration, production, and recovery technologies whilst upholding its commitment to the highest standards of health, safety, and environmental protection, and the development of Bahraini nationals. This will support the Company’s contribution to energizing the Kingdom’s economic growth and social prosperity while maximizing value for stakeholders. Forward-Looking Statements: This communication contains forward-looking statements (as such term is defined in Section 27A of the Securities Act of 1933, as amended, and Section 21E of the Securities Exchange Act of 1934, as amended). Any and all statements contained in this communication that are not statements of historical fact may be deemed forward-looking statements. Terms such as “may,” “might,” “would,” “should,” “could,” “project,” “estimate,” “predict,” “potential,” “strategy,” “anticipate,” “attempt,” “develop,” “plan,” “help,” “believe,” “continue,” “intend,” “expect,” “future,” and terms of similar import (including the negative of any of these terms) may identify forward-looking statements. However, not all forward-looking statements may contain one or more of these identifying terms. Forward-looking statements in this communication may include, without limitation, statements regarding the benefits resulting from the Company’s recent business combination transaction, the plans and objectives of management for future operations, projections of income or loss, earnings or loss per share, capital expenditures, dividends, capital structure or other financial items, the Company’s future financial performance, expansion plans and opportunities, and the assumptions underlying or relating to any such statement. The forward-looking statements are not meant to predict or guarantee actual results, performance, events or circumstances and may not be realized because they are based upon the Company’s current projections, plans, objectives, beliefs, expectations, estimates and assumptions and are subject to a number of risks and uncertainties and other influences, many of which the Company has no control over. Actual results and the timing of certain events and circumstances may differ materially from those described by the forward-looking statements as a result of these risks and uncertainties. Factors that may influence or contribute to the accuracy of the forward-looking statements or cause actual results to differ materially from expected or desired results may include, without limitation: the ability to recognize the anticipated benefits of the Company’s recent business combination transaction, which may be affected by, among other things, the price of oil, natural gas, natural gas liquids, competition, the Company’s ability to integrate the businesses acquired and the ability of the combined business to grow and manage growth profitably; integration costs related to the Company’s recent business combination; estimates of the Company’s future revenue, expenses, capital requirements and the Company’s need for financing; the risk of legal complaints and proceedings and government investigations; the Company’s financial performance; success in retaining or recruiting, or changes required in, the Company’s officers, key employees or directors; current and future government regulations; developments relating to the Company’s competitors; changes in applicable laws or regulations; the possibility that the Company may be adversely affected by other economic and market conditions, political disturbances, war, terrorist acts, international currency fluctuations, business and/or competitive factors; and other risks and uncertainties set forth in the Company’s most recent Annual Report on Form 20-F filed with the Securities and Exchange Commission (the “SEC”). You are cautioned not to place undue reliance on forward-looking statements because of the risks and uncertainties related to them and to the risk factors. The Company disclaims any obligation to update the forward-looking statements contained in this communication to reflect any new information or future events or circumstances or otherwise, except as required by law. You should read this communication in conjunction with other documents which the Company may file or furnish from time to time with the SEC. SOURCE APO-opa.orgNational Energy Services Reunited Corp. Announces Multiple Contract Awards in Bahrain Qaran News
-
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa faah faahin ka bixisay Qarax ay ciidamada amniga ku fashiliyeen magaalada Muqdisho iyo labo qof oo lagu dilay bar koontarool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan. Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo horay ula socday xogta Qaraxa ay fashiliyeen gaari Qarax oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka,wuxuuna dhagar qabanaha isku dayay inuu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran ciidamada ammaanka. “ Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas,” ayay tiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed. sidoo kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boolska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakaye Xuseen Axmed ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Shacabka Xogta la wadaagay Hay’adaha amniga ka dib markii ay Hay’adaha amniga horay digniin uga bixiyeen gaariga maanta Qarxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Barnaamijka “OGAAL” ee baxa Goobjoog TV, uuna wado Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa todobaadkan looga hadlay cunto-yari ah ay ka digeen hey’adaha caalamiga oo soo wajaheysa ilaa 5.4 milyan oo Soomaali ah. Barnaamijka waa marti ku ahaa Prof. Xuseen Iimaan oo khabiir beeraha ah ahna agaasimaha machadka bey’ada, beeraha iyo biyaha iyo Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo ah dhaqaale yahan, madax ka ah qeybta dhaqaalaha ee jaamacadda Soomaaliya. Prof, Xuseen Iimaan oo ka jawaabayey su’aal aheyd heerka xaaladda abaarta dalka ayaa ku dooday in dadkeennu aanu faqiir aheyn ee ay duruufo nagu heeran oo dadka ka dhigaya faqiir iyo dhaqanka ku soo kordhay ee cuntada, abaaraha oo dagaallada sokeeye ay saameeyen, ganacsiga oo ay saameeyeen dagaallada iyo isbadalka cilimiga, isaga oo intaasi ku daray “ Qeylo-dhaantaasuna ee hey’adaha caalamiga ah ee Soomaali ay sheegayaan arrintaas waxaa ay igula qurxoonaan laheyd-walow data iyo NGO ay helaan- hadana waxaa kaga habooneeyd dowladda oo xogta beeraha iyo nolosha beeraleyda ka war qabtay abaartaas iney sheegaan iyo sida ay u jirto”. Su’aal kale Prof, Xuseen Iimaan laga weydiiyey haddii dalkeenu hodan yahay maxaa keenay in 5 milyan cunto yari soo wajahdo ayaa ku jawaabay “ Dalkaas kheyrka badan ee malaayiinta Hektar ee beeraha ah oo qeyb waraab tahay, qeybna roob falato tahay, badarka laga soo saaro, waqtiyo waqtiyada ka mid ah, xili Soomaalida tijaabisay oo isku filnaashiyo la gaaray ayaa jirtay, anigu wasaaradda beeraha ayaan ka soo shaqeyn jiray, 30 sano ee dagaallada iyo wixii ka horeeyeba xogtii ayaan heynaa, waxaa isbadalay waxaa ay tahay diiradda dadka beeraleyda ah tacabkii ay ku tashan jireen wax badal ayaa keenay in baahidaasu timaado, oo ay ka mid tahay dagaalladii badnaa ee la galay, dad badan ayaa barakacay, oo beeladeydii tacabka ku howlaned bey aad u saameysay, %50 haddii dadkiisi ay barakaceen, kaalintoodii waa maqan tahay, kuwaasi oo galay dadka loo qeylinayo”. Dhankiisa, Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo ka hadlay abaarta ayaa sheegay in dowladda ay u taagantahay wax ka qabashada arrimahan, abaarahan iney soo noqnoqdaan waxaa uu sababteeda ku sheegay dagaallada ka socdo meelo badan sida labada dhasheelle iyo Hiiraan iyo bey’ada. Mr. Cabdi fitaax waxaa uu soo qaatay in xiliyadii hore abaarta la arki jiray 40-kii sano mar, laakin hadda ay sanad dhaaf u dhacaan. Maxaa loo diyaar-garoobi la’yahay, oo loo la’ yahay nidaam ka hortag ah, su’aashaas ayuu Cabdullahi Maxamed Shirwac hor dhigay martida, Prof, Xuseen Iimaan ayaa ku ammaanay wasaaradda beeraha iyo hey’ado kale in dowladda Soomaaliya ay bilowday 2013-kii in raashiinka macaawinada laga iibiyo beeraleyda, si tacabkii u sii socdo, lana yareeyo waxa dibadda laga keenayo, laakin ciladda waxaa uu sheegay iney tahay colaadaha, barakaca iyo qeybinta cuntada. Dhanka canshuuraha ayaa laga hadlay, Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ waxa ka soo baxa beeraha iyo dhulka daaqsiinka ah waxaa ay yimaadaan suuqa, labo mushkilad ayaa dhacaya: (1). Inta badan waxaa dhaca sicir barar, sicirka isku mid ma aha, marka aad wadamada u fiirisid waxa laga gadayo galeyda, digirta, khudaarta waxaa ay leeyihiin qiimo go’an, mushkiladda Soomaaliya heysto dowladda kontoroosha iyo nimaad ma jiro, marka aad weydiiso dadka beeraha ka keena, ee suuqa keena, oo ka hela dakhliga, waxaa ay ku leeyhiin mushkiladda aad sheegtay oo ah in gaadiidka la kala duwaasho, in meelo badan lacag looga soo qaadayo, in la canshuuraayo iyada oo aan la sameyn siyaasad gaar ah (2). Tan xigta waa isbadalka bey’adaha, abaaraha, roobka oo ka dhasha daadad, iyo dalai dhicidda wax soo-saarka ah iyo in aan loo helin wax ku filan, oo dadka ama reerkooda u qeyliyaan ama in jidadka galaan, oo isbaaro dhigtaan. Madashan looga doodayey abaarta ayaa sidoo kale ka digtay in dadka abarakacayaasha xoog lagu kiciyo, xaqna u leeyihiin deegaameyn, waxaa kale oo ay soo-jeediyeen Istaraatiijiyad iyo in loo abuuro shaqo, oo arrinta aaney noqon mashruuc iyo mid daba-dheeraato. Ugu dambeyntii, waxaa lagu dheeraaday dadkiisa side xaaladda looga saari karaa iyo waxa ay mudan yihiin haddii ay ahaan laheyn nolasha barakaca iyo kadibba, waxaana mas’uuliyadda dusha laga saaray dowladda Soomaaliya, waxaana la adkeeyey in kahor taggu ka fiicanyahay marka dhibaato dhaco, taasina u baahanyahay abaabul iyo jiheyn rasmi ah. Akhriso: Qoraal La Xiriira Xogta uu Barnaamijka falanqeynayo Daawo: Barnaamijka “OGAAL” oo dhameystiran. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale. Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo, waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo. “Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa. Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” Ayuu yiri, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixiyey kulanka ay la qaateen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobey. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Soodhoweynta, Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wadashaqeynta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka Wafdiga Qaramada Midoobey ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Xaange, Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Waraabka Ismaaciil Diiriye Gamadiid, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamina Cismaan Xaaji, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani. Halkaan hoose ka daawo shirkooda jaraa’id PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (SMN) – Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa maanta xukun ku riday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid Wariyeyaasha ka howlgala Somaliland Wariye Coldoon ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu wax u dhimay Qaranimada Somaliland, sidoo kalena uu wax ka shegay Dugsiga Abaarso oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah. Xukunkan ayaa waxaa sharci darri ku tilmaamay, kana horyimid qaar ka mid ah Wariyeyaasha iyo Abwaanada ku dhaqan Somaliland Coldoon oo wax badan ka qora arrimaha maamulka Somaliland ayaa ayaa dhowr jeer lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa, isagoona lagu riday xukuno kala duwan. View the full article
-
Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa Isniinta maanta cod aqlabiyad leh ku mamnuucay in Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland, la keeno degaannada Puntland. Golaha ayaa sheegay in Konteenarada laga soo dejiyo Berbera ay curyaamin ku yihiin, dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland. Baarlamanka ayaa sidoo kale u codeeyay, in canshuur xad-dhaaf ah oo u dhiganta %500 la saaro, badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland. Go’aanka Golaha wakiilada Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo todobaadkii hore ay wasaaradda Maaliyadda Puntland canshuur laba-jibbaaran ah saartay badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland. Dikreeto 29-june-2019 ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa lagu amray in badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland laga qaado, canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%. Go’aanka wasaaradda ayaa lagu sheegay mid lagu ilaalinayo xuquuqda ganacsatada Puntland,islamarkaan lagu yareynayo ganacsiga aan muhiimka ahayn ee Puntland kaga soo furan dhinaca Somaliland. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo mamnuucay Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
