Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho(Caasimada Online) Dib u dhacii labaad ayaa ku yimid shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug oo lagu waday in Sabtida barito uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Baaqashada shirka ayaa imaaneysa, iyadoo inta badan Ergooyinkii ka qeyb gali lahaa shirka ay maanta ka dageen magaalada Dhuusamareeb, halka qaar kale oo ka mid ah Ergada shirkaas ay maalmihii lasoo dhaafay Dhuusamareeb ku gaareen safarro dhulka ah oo ay uga kala yimaadeen deegaanada ay ku matalayaan shirka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow ay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka uga yeertay Muqdisho, sidaasna uu galinkii dambe ee maanta Muqdisho kusoo gaaray. Xubnaha guddiga qaban-qaabada shirka wali ma shaacin sababta ka dambeysa baaqashada shirka, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in qaar kamid ah beelaha Galmudug ay kasoo hor jeesteen ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb. Sida aan ku helnay Xogta, waxaa gabi ahaanba iska diiday inay tagaan shirka Dhuusamareeb Ergadii ku matali lahayd beelaha dega magaalooyin ay ka mid yihiin Cadaado, Xeraale iyo Gaalkacyo.
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa laga reebay casuumaddii gaarka ahayd ee boqorka Sacuudigu u sameeyay madaxdii sannadka yimi Xajka. Casuumaddan ayuu boqorku ku qaabilaa sannadkasta marka uu Xajku dhammaado madaxda caalamka ee Xajka yimi. Madaxda ka socotay Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa sannadka ka qayb-galay casuumadda boqorka halka madaxweyne Biixi, aanu xaadirin. Sannadkii hore madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xajka tegay ayaa kulankan lagu casuumay oo la kulmay boqor Sacuudiga. Wariye Xasan Galaydh Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Maamulka Guud Ee Iskuulada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed ayaa Shaaciyey, Soona Bandhigay 10-Kii Arday Ee Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaanka Dugsiyadaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. As outlined in my letter to the Somali President: Looming political Conflict in Jubbaland on December 26th 2018, today people of Jubbaland are in between two hard rocks and are in a race against time. The letter to the President that time put forward some major principles or guidelines that were necessary for peaceful and progressive Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  5. As outlined in my letter to the Somali President: Looming political Conflict in Jubbaland on December 26th 2018, today people of Jubbaland are in between two hard rocks and are in a race against time. The letter to the President that time put forward some major principles or guidelines that were necessary for peaceful and progressive Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  6. As outlined in my letter to the Somali President: Looming political Conflict in Jubbaland on December 26th 2018, today people of Jubbaland are in between two hard rocks and are in a race against time. The letter to the President that time put forward some major principles or guidelines that were necessary for peaceful and progressive Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay heystaan culeysyo iyo caqabado caalami ah oo ay u baahan tahay in taageero loo muujiyo. Maareeye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda qaarkood aysan ku baraarugsaneyn caqabadaha ay dowladda federaalka la kulmeyso ee caalamiga ah, islamarkaana ay ugu darayaan kuwa gudaha ah. “Waxaad moodaa in shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta aysan ku baraarugsaneyn caqabadaha dowladda dhexe ay la kulmeyso, balse halkii laga caawin lahaa dad badani oo ka mid ahi waxgaradka iyo mas’uul kasta culeyska ayey kusii badinayaan, si ay dowladda u jabot, oo dadaallada ay wado ay ugu fashilanto” ayuu yiri Wasiir Maareey. Wasiirka ma uusan sheegin waxa ay yihiin caqabadaha iyo culeysyada caalamiga ah ee ay wajahayso dowladda. Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta, waxgaradka iyo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay midoobaan, isla markaana ay garab istaagaan dowladda Soomaaliya, si dadka hortaagan dowladnimada Soomaaliya ee uu caalamka ku jiro looga guuleysto. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-1Wasiirka-Warfaafinta-Soomaaliya-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Shabakada Somali Elections aya bilowday maanta fursad ay shacabka reer Jubbaland codkooda ku dhiiban karaa qaab online ah, taasoo lagu eegayo kalsoonida shacabka cidda ay rabaan in ay hoggaanka u qabato shanta sano ee soo socota. Codeyntan casriga ah aya noqoneysa mid ku cusub saaxa siyaasadda Soomaaliya, Tan iyo markii ay xornimada qaadateen shacabka Soomaaliyeed ayaanan muddo ka badan 50 sano fursad u helin in ay codkooda dhiibtaan. Afartii doorasho ee ugu danbeysay ee soo marta Soomaaliya aya waxaa hoggaanka dalka waxa lagu dooranayay qaab xulasho ah taasoo caan ku noqotay in Baarlabaanka ay iibsadaan codkooda isla markaana noqotay albaab ay ka soo galaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasoo bixinayay laaluushka lagu kala iibsado codadka xildhibaabanada. Codeyntan oo aan ahayn mid rasmi ah ayaa haddana waxaa looga gol leeyahay in lagu ogaado halka ay jirto kalsoonida shacabka si ay u caddaato musharaxa ku guuleysta hoggaanka dowlad goboleedyada iyo midda Federaalka ah. Halkan ka codee. (RIIX SI AAD U CODEYSO) Fiiro Gaar ah: Fadlan waa muhiim in aad geliso telefon numberkaada si laguugu soo diro lambarka sirta ah ee aad ku codeyneysid
  9. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Aadan Tarabi ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay dayacday abwaannada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Ilhaan Cumar ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabada Israa’iil ay ugu diiday in dhulkeeda ay galaan iyada iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Rashida Dhaalib. “Xubin ahaan oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda (Congress-ka), waa shaqadeyda in aan la socdo kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha e daafaha caalamka”, ayey Ilhaan ku qortay warbixin at ku baahisay boggeeda Twitter-ka. “xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka”. “Waxaa wax laga xumaado ah in arrintan aysan la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah oga goos haysta dadaallada nabadda”, ayey tiri Ilhaan. Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo Israa’iil ay xayiraad kusoo rogtay labo gabdhood oo ka tirsan aqalka Congareska dalka Mareykanka kuwaas oo si weyn u dhaleeceen jiray Israa’iil, waxaana laga mamnuucay inay booqasho ku tegi karaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Cabdalle oo socdaal shaqo ku tagay degmadda Gar-adag ayaa sheegay inay soo gabogabeeyeen shan dacwadood oo ay ku dhegaysteen magaaladaasi, isla markaana rajaynayaan inay kuwo kalena bilaabaan inta aanay ku noqon magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Siduu ku soo warramay Weriye ka tirsan Wakaaladda Wararka Somaliland, waxa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag uu sheegay in aanay jirin wax cabasho ah oo ka tirsan Garsoorka degmadda Gar-adag, hase ahaatee Siyaasadda Guddida Caddaaladdu ay ku wajahan tahay in bulshada loo dhaweeyo Garsoorka, maadaama oo Ceerigaabo iyo Gar-adag isku jiraan 150km. Waxa kaloo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Sanaag uu bulshada ku dhaqan degmada Ceel-afweyn ugu baaqay inay joojiyaan colaada oo dib u dhac u keenaysa wadajirkii ummadda isla markaana waxyeelo ku ah qaranimadda Somaliland. Waxaanu waxgaradka deegaanka Ceel-afweyn ku booriyey inay kaalin ka qaataan sidii loo soo afjari lahaa dirirta iyo shaqaaqooyinka aan loo baahnayn ee ku soo noqnoqday Degmada Ceel-afweyn. Waxaanu tilmaamay in xukuumad, madax-dhaqameed iyo waxgaradba dedaal weyn la geliyey sidii nabad looga dhex aslaaxin lahaa ardaayada walaalaha ee ku dhaqan Ceel Afweyn. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Cawaale Aadan Oo Ka Hadlay Shawgiisii Xalay Ee Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Burco)-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan xildhibaannada Golaha degaanka ee magaalada Burco ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dib u dhiskii lagu samaynayey Biriijyada magaaladda Burco. Xildhibaanka oo warbaahinta Qaranka Somaliland maanta ugu waramayey magaalada Burco ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyey sida deg dega ah ee ay u sii daysay lacagihii lagu dhisi lahaa Biriijyadaasi magaalada Burco oo roobabkii dhowaan ka da’ay ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen. Xildhibaanka sidoo kale madaxweynaha Somaliland iyo guddida Qandaraasyada Qaranka uga mahadnaqay sida ay u fududeeyeen lacagta ku baxaysa Biriijka Deero Biriij iyo sidoo kalena tartanka ay Guddida Qandaraasyada Qaranku ku shaaciyeen mashruucaasi lagu dhisayo Biriijka Deero Biriij ee magaalada Burco. Sidoo kale Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu bulshada gobolka Togdheer ugu baaqay in ay ka qayb qaataan mashaariicda danta guud ee ka dhexeeya bulshada gobolka Togdheer. Source
  14. (SLT-Pakistan)-Millatariga Pakistan ayaa sheegay in saddex askari oo ka tirsan ciidankooda iyo shan askari oo ka tirsan millatariga Hindiya ay ku dhinteen iska hor imaad ka dhacay xadka Kashmiir. Afhayeenka millatariga pakistan Janaraal Asif Ghafoor ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in qabarkaan, waxaana uu sheegay in ciidanka Hindiya ay weerar ku soo Qaadeen. Mr Asif ayaa dhanka kale tilmaamay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka dhexmaray Millatariga Hindiya iyo Pakistaan. Dhanka kale wasaarada arrimaha dibada Hindiya ayaa beenisay in askari lagaga dilay Dagaalka. Dhanka kale xiisadda ayaa kacsan wali iyadoo xalay la dareemayo heegan sare oo labada dhinac ay ku Jiraan. Source
  15. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Qoyska Marxuum Yariisow oo uu hoggaaminayay wiilkiisa Maxamed Cumar Yariisow, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ku nool UK. Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geerida Marxuumka, sidoo kale waxaa uu sheegay inay sharaf u aheyd inuu ka qeyb galo munaasabadda xuskan, isagoo xusay inay ku xusuusan doonnaan geesinimadiisa, niyad wanaaggiisa iyo mustaqbalka wanaagsan. Allaha u naxariistee Eng. Yariisow ayaa muddo dheer ku noolaa magaalada London, wuxuuna kaga jiray dadka kaalinta firfircoon ku lahaa qurbo joogta Soomaalida magaaladaas ku noolaa, isagoo ka noqday Hoggaamiye bulsho iyo maamule iskuul, sidoo kale wuxuu madax ka ahaa Ururka u dooda xuquuqda Soomaalida ee UK, Somali Concern Group ee UK Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tikonolojiyada Soomaaliya, Mudane Cabdi Canshuur Xasan ayaa eedeyn culus u jeediyey urrurada bulshada rayidka ah. Wasiirka oo ka qeybgalay barnaamijka todobaadlaha ah ee Taleefashinka Qaranka ayaa sheegay in bulshada rayidka ah aysan kaalin fiican ka qaadanin ka qeybgalka siyaasadaha isgaarsiinta dalka. Wasiirku wuxuu sheegay ineysan ururadda bulshada rayidka ah wax dan ah ka lahayn ka qeybgalka qorshayaasha wasaaradda ee daryeelka xuquuqda macaamiisha. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada rayidka ah in ay u diyaar garoobaan la xisaabtanka wasaaradiisa. Waxaa xusid mudan in bulshada rayidka ah ay leedahay xubin ka tirsan Guddiga Isgaarsiinta qaranka sida uu qabo xeerka isgaarsiinta Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Waxaan jeclaystay inaan aragtidayda ku cabiro Muqdisho guddoonka caynkee ah ayay u baahan tahay iyo tilmaamaha iyo astaamaha mudan in lagu xusho:- 1 – Waa in uu noqdaa qof aqoon iyo tab u leh dhinaca nabadgelayda, sidoo kalena xog ogaal u ah, xaalka dalka iyo arrimaha bulshada gobolka. 2 – Waa in uu noqdaan mid Dowladda iyo dadweynaha ku dhaqan gobolka Banaadir u dhaxeeya asagoo si hufnaan iyo hawlkarnimo leh labada dhanba ula shaqaynaaya balse uusan noqon u adeege ama laga adeegte lagu adeegto. 3 – Waa in uu noqdaa sqod dejin kara ama demin kara xalna u keeni kara dareenka Bulshadda Banaadir ay badankoodu qabaan habdhaqanka dowladda dhexe ee ku aadan Arimaha Maqaamka iyo metelaada gobolka. Taasoo ah in bulshada iyo dadweynaha gobolka banaadir u madax bannaanadaan xulashada iyo doorashada gobolka Banaadir. 4 – Waa in uu noqdaa nin nabaddoona xariir dhaw la leh Bulsadda qeybaheeda kala duwan dhammaantood Muxaafad iyo Mucaarad dhan walba uusan noqon shaqsi dhinac ka raran. Haddaba dowladda dhexe waxaan usoo jeedinayaa in la joogo markii dadweynaha banaadir talada gacantooda lagu celin lahaa, iyadoo afduubka laga jirayo in dadka deegaanku iska soo xulaan guddi kaddibna gudigaasi doortaan gole deegaan, sidaasna golahaa deegaanku ku doortaan guddoomiye aan lagu magacaabin wareegto madaxweyne. Bulshada deegaankana waxaan u sheegayaa inaysan u horran sidii xoolo dar la keenay oo ku qamaamaya biyo ee ay ka fiirsadaan masiirka bulshada ugu tirada badan gobolka ay ku dhaqan yihiin, si loo heli xal looga maarmo qof ku yimid rabitaan qofeed ama aragti kooxeed, una adeega isla kooxdaas uun. Waa iney dadweynuhu bannaanbaxyo nabad ah oo aan dhib lahayn, halkudhigiisuna yahay madax bannaanida talada gobolka ay sameeyaan, kaddibna ay ku muujiyaan dareenkooda. Banaadir uma baahna guddoomiye lagu adeegto ee adeege isu adeege ah W/Q: Cabdullahi Mahdi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. The African Union and UN have called for peaceful and credible elections in Jubaland, southern Somalia, saying the polls slated for Aug. 24 are critical for the country's stability. Source: Hiiraan Online
  19. The Jubaland Council for Change together with the traditional clan leaders had a meeting with Somalia international partners lead by the UNSG Special Representative for Somalia and Head of UNSOM Amb. James Swan. Amb. Swan who officially opened the meeting stated that the International Community’s position in funding ways to comprehensively improve the electoral process of Jubaland to one acceptable to all stakeholders. Source: Hiiraan Online
  20. Safiirka cusub ee dowladda soomaaliya u magacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma Cabdullaahi Insaaniya, ayaa gaartay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay Qaar ka mid ah madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya ,diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada soomaaliyed ee dalkaasi,ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi. Ambassador Ambassador Faaduma Cabdullaahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ka dib ayaa ka mahadcelisay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi. Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala PUNTLAND POST The post Safiirka Soomaaliya u magacawday India oo gaartay New Delhi appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in maanta degmada Howlwadaag ee magaaladda Muqdisho ay ku dileen afar ruux oo ay sheegeen in ay tooga rabeen agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashadda xukumadda faderaalka Soomaaliya. Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneral Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka amaanka ay ku guuleysteen in ay toogtaan afar ruux oo midkood dumar aheyd oo doonayay in ay toogtaan agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Cabdi Gare. “Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay agaasimaha howlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cbdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayay tiri Zakiya. Boolisku ma sheegin haddii khasaare kale oo ciidamada gaaray ay ka dhalatay is-rasaasaynta dhexmartay ciidankooda iyo dablayda dilka ka fuli rabtay maagaaladda Muqdisho oo ciidanku toogteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Taliye xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Booliiska degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir ay toogasho ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Gen. Sakiya ayaa sheegtay in sidoo kale ciidanku ka hor tageen isku day dil oo xubnaha la toogtay ku doonayeen in ay dilaan mas’uul ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdi Gare. Balse waxay tilmaantay in ciidanku ay ka hortageen falkaasi oo ay ku lug lahaayeen 4 qof oo mid ay haweeney ahayd islamarkaana dhammaantood Booliisku ay goobta ku toogteen. PUNTLAND POST The post Booliiska Muqdisho oo toogasho ku dilay xubno la sheegay in ay isku dayayeen in ay dilaan mas’uul dowladeed appeared first on Puntland Post.
  23. The President And His Delegation Were PR Naive The photograph taken during the Hajj pilgrimage in which President Muse Bihi Abdi of Somaliland was depicted with some cronies from the weak FGS entity was to say the least, unfortunate. I would not go as far as to call our President “naive”, but, the optics and public relations side was unwise? The folks in Mogadishu have nothing left but images and public relation scams. And as we have seen, they are making hay with this photo and running around like kids with a new toy. We need serious professionals in public relations with the President on his travels, not a soldier like Mohamed Kahin. I am sure the President was being sincere (although, he is not smiling in the photo) in his effort to great fellow Muslims and Somalis during the Hajj, but, anyone who knows Mogadishu and it’s politicians understands their modus operandi. I cannot understand why, when there are so many media savvy Somalilanders around, not a single one accompanied the President on his visit. Photos like these are gold dust to the decrepit and corrupted rogues in Mogadishu, we should never give them a photo opportunity like that again. Our main fault as Somalilanders is that we try to see the good in everyone, there is nothing good about Mogadishu and it’s politicians. Ali Mohamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk. Qaran News
  24. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay duqaymo iyo weeraro toos ah oo halkaasi ka dhacay lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in duqaynta lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-shahabaab sidoo kalena lagu laayay malayshiyaad badan. Hawlgalka qorshaysan ayaa waxa fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo saaxiibadooda waxaana uu daba socday howlgal dhowaan ciidanka xoogga dalka ay kula wareegeen degmada Owdheegle iyo deegaano kale oo hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad badan oo Al-shabaab looga laayay Shabeellaha Hoose appeared first on Puntland Post.