-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu, 24 July 2019: National Alliance for Human Rights Organizations in Somalia (NAHRS) – an umbrella of 28 human rights organizations operating in the regions of Somalia – has today cautioned the Somali people to be vigilant about fresh attempts by external powers in subverting Somalia’s fragile peace and stability. Following an article published by New York Times Newspaper about a terrorist attack in Bossasso, Puntland, the Somali nation are being puzzled by individuals with ill-behaved political agenda who have been busy playing the blame game to settle scores with their political opponents. NAHRS considers the claim that terror attack in Bossasso, which targeted UAE investments, was conspired, funded or organized by representatives acting on behalf of State of Qatar, is completely unreasonable and ridiculous; and does not merit to be given any credibility. This claim is an unalloyed effort to essentially take ensuing Gulf conflict to Somali regions and make Somalia a battlefield, coupled with horrific suffering and human rights violations of Somali people. It is a naked attempt to inflame bloodstained conflicts among Somalis and drive a wedge between politicians. The people of Somalia strongly appreciate the peculiar role Qatar has been playing in bringing Somalis together to spread peace, reconciliation, and coexistence. Qatar has a strong record of assisting Somalis in need, and Qatari organizations are actively responding to humanitarian crises and developmental needs of Somalia. Qatar has also played a leading role through its generous funding for the implementation of infrastructure projects and peace-building work. Through its example and its organizing function, Qatar is moreover galvanizing other nations to participate in coordinated action for inclusive economic development, including through vital international pledging conferences for Somalia. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada: 1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad 2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi 3 – Agaasimaha nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane 4 – Agaasimahii Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere. 5 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye Dhimashada ayaa waxaa sidoo kale ku jira shaqaale hoose iyo ilaalo ka mid ahaa gobolka. Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo. 1 – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, oo xaaladdiisa ay halis tahay. 2 – Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame. 3 – Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir. 4 – Agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Siyaasada Kaxda, ayaa iyagana dhaawac ah. Sidoo kale waxaa dhaawacyo iyo dhimasho soo gaaray shaqaale ka tirsan Aqalka dowladda Hoose, Askar iyo dad Shacab ah oo u shaqa doontay xarunta, wallow aan tirakoobka rasmiga ah ee dadkaas wax noqday wali la soo saarin. Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamuud C/llaahi Tuulax, ayaa sheegay inuu jiro khasaare xooggan oo uu sababay qaraxa, haatanna ay ku howlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dhibanayaasha. Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay dhismaha Aqalka dowladda Hoose, isagoo sii abaartay hoolka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiintan, iyagoo ka arrinsanayay ammaanka Caasimadda. Weerarka waxa uu dhacay wax yar uun ka dib, markii uu goobta ka tagey Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan, isagoo fariistay hoolka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiintan dhimashada iyo dhaawaca noqotay. Xaaladda amniga ee Gobolka waxaa inta badan gacanta ku haya ciidamada booliiska, waxaa kale iyaguna ku sugan xarunta ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Guddoomiyaha Gobolka. Ma cadda ilaa hadda sida qofka ismiidaamiyey ay ugu suurtogashay inuu ka gudbo goobaha kontoroolka ee lagu baaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Benaadir iney is dejiyaan. Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu nool yahay islamarkaana uusoo gaaray dhaawac fudud hadana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan. Sidoo kale Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey iney jiraan dhaawac so gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowladda hoose qaar ka tirsan. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in falkan Al-Shabaab geysteen uusan joojin doonin shaqada ay shacabka u hayaan islamarkaana Shacabka looga baahan yahay iney isku duubni muujiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Somalia – The mayor of Mogadishu, Eng Abdirahman Omar Osman Yarisow was wounded after a suicide bomber has walked into his office and detonated explosives on Wednesday. Several Mogadishu administration officials were reported to have been killed, and the Mayor has been evacuated to a hospital where he is currently being operated. The explosion happened at Mogadishu municipality headquarters on Wednesday afternoon hours after UN envoy held a meeting with the mayor and district commissioners. No has claimed responsibility for the attack so far, but, Al-Shabaab carried out suck attacks in the capital for the past few years. View the full article
-
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan iyo qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Muqdisho ayaa waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Xaaladda guddoomiyaha ayaa la sheegya inay culus tahay, waxaana xilligan la geeyey Isbitaalka Digfeer. Dhammaan dadkii fadhiyay Shirka Amniga ayaa qaarkood dhinteen kuwo kale waxa soo gaaray dhaawacyo culus.dadka dhimashadooda la xaqiijiyey waxaa ka mid guddoomiyaha Waaberi Mahad Cilmi. Qaraxa ayaa qof isa soo miidaamiyay ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu isku qarxiyay xarunta Lagu shiro ee dowladda Hoose ee Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qaraxa ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ayaa waxa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka wax ku noqdey ayaa la sheegayaa in uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow]. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka wax ku noqday ay ku jiraan gudoomiyeyaal degmo oo dhintay iyo dhaawaca kuwa kale. Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay falkan. Isniintii ayay ahayd markii qarax ka dhacay isgoyska KM 4 ee Muqdisho ay ku dhinteen 17, iyadda oo dhaawaca uu ka badan yahay intaasi. View the full article
-
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka jawaabtay qoraal ka soo baxay wasaaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in uusan sax ahayn liiska odoyaasha dhaqanka Jubaland ee uu soo gudbiyay guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid nasiib-darro ah oo aan wax sharciyad haysan islamarkaana baal-marsan Dastuurka KMG ee dalka iyo kan Jubaland labadaba. Jubaland waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqday in ay la socdaan fara-gelinta qaawan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso arrimaha doorashada Jubaland sidaasi darteedna wixii cawaaqib xuma ah oo ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Villa Somalia. Waxay kale oo guud ahaan shacabka Jubaland ugu baaqday in ay ilaashadaan amniga xasiloonida midnimada iyo wadajirkooda waxaana ay mamnuucday shirar ay sheegay in lagu khal-khal gelinayo Jubaland. Dhinaca kale Jubaland waxay cambaaraysay qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee lala xiriiriyay dowladda Qatar waxaana ay nasiib-darro ku tilmaantay in dowladda Federaalka Soomaaliya difaacayso dowlado shisheeye oo xasuuq iyo burburin ku haya shacabka Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Jubaland oo si adag ugu jawaabtay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Qarax culsu ayaa goor-dhaw ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray, lamana oga inuu goobta soo galay isla maanta iyo inuu horay ugu diyaarsanaa, waxaana weerarkan la sheegay in lagu beegsanayay guddoomiye Yariisow. Weerarkan khasaaraha geystay ayaa waxaa la sheegay inuu dhacay xilli uu shir uga socday xarunta maamulka dowladda hoose Duqa Muqdisho iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamar, kaasoo looga hadlayay hawlaha horyaalla maamulka. Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in weerarkan uu imaanayo xilli ay maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku kulmeen ergayga UN-ka u qaabilsan Somalia James Swan iyo duqa Muqdisho. Dhaawaca guddoomiyaha gobolka ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka Digfeer, halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo la sheegayo in dhaawiciisa uu sahlan yahay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu yahay mid culus, mana jiraanwarar dheeraad ah oo laga bixinayo dhaawaca Inj. Yariisow. Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin; kuwa degmooyinka C/casiis, Waaberi iyo Wardhiigleey. Wararka ayaa waxay sheegayaan in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa in lagu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir, balse wuu ka badbaaday, waxaase dadka dhintay ku jira shaqaale ka mid ah kuwa dowladda hoose ee Xamar. Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xarunta gobolka uu ka dhaco Qarax tan iyo markii dib u dhis lagu sameeyay sannado ka hor. Ugu dambeyn, Hay’adaha amniga DF ayaan weli ka hadlin qaraxa, mana jirto cid sheetatay inay mas’uul ka tahay, waxaase goobta ka socda baaris ku aaddan cidda fududeysay qaraxan. Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxan iyo khasaarihiisa waxaad kula socon doontaan wararkeena soo socda haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho oo dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya qaraxa ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa la sheegaya in dhaawaca gaaray uu yahay mid culus, islamarkaana la geeyey isbitalka Digfeer ee magaalada. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin kuwii Cabdicasiis, Waaberi iyo Warta-Nabadda. Qaraxa ayaa dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasi oo lagu magacabao shirka Tubaha Qaranka. Wixii kusoo kordha ha ka fogaan Caasimada Online, Insha Allah Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan ay ridayaan ciidama ammaanka kuwaas oo xiray goobta qaraxu ka dhacay. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ka dib ay rasaaa dhacday, waxaana la rumeysan yahay in ay khasaare naf iyo maal leh jiraan. Wararkii kasoo kardha halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A blast was reported at the Banadir administration headquarters, just after UN envoy to Somalia James Swan has left the centre after he had talks with Mogadishu mayor. The explosion was followed by heavy gunfire, according to the eyewitnesses. Somali security forces cordoned off the scene after the attack and details of the casualties remained unclear as to the situation is tense. More update to follow soon. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasarae isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli uu shir u socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasi oo lagu magacabao shirka Tubaha Qaranka. Qaraxa ayaa waxaa sababay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo gudaha xarunta ku jiray balse ma cadda inuu ahaa qof soo galay ama qof horey ugu sii jiray. Qaar kamid ah shaqaalaha Aqalka dowladda Hoose, ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxa, kaasoo gaaray qaar kamid ah shaqaalaha xarunta iyo mas’uuliyiin. Wararka la helayo waxa ay sheegayaan inuu dadka dhaawcamay ku jiro Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, kaasoo u muuqday inuu ahaa bartilmaameedka weerarka. Saraakiil ka tirsan Ibsitaalka Digfeer ayaa sheegay in Isbitaalkooda la geeyay dhaawaca Duqa Caasimada iyo xubno kale, kuwaasoo xaaaldooda lala tacaalayo. Qaraxan ayaa imanaya saacado yar uun kadib markii Wakiilka Qaramada Midoobe u qabailsan Soomaaliya James Swan uu kula kulmay Gudoomiye Yariisoow Aqalka dowladda Hoose. Wixii kusoo kordha ha ka fogaan Caasimada Online, Insha Allah Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa maanta Muqdisho kulan ku yeeshay Waxgarad, Siyaasiyiin,Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haween kasoo jeeda Beelweynta Karanle , waxaana kulankan lagu taageeray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmaya Dhuuso Mareeb iyo dadaalada uu wado Ra’isul Wasaare Kheyre. Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ahaa waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa taageeray shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan ka furmaya magaalada Dhuuso Mareeb ayna isugu imaanayaan beelaha dega Galmudug. Waxa uu sheegay Ugaaska in beel ahaan taageersan yihiin shirka Dhuuso Mareeb ka furmaya iyo dadaalada ay Xukuumada Soomaaliya ugu jirto dhismaha maamul Galmudug loo mideesan yahay. Dhamaan Waxgaradkii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa taageeray shirka gogoshiisa taalo Dhuuso Mareeb, waxa ayna beelaha kale ee Galmudug ugu baaqeen in ay taageeraan shirka Dib u heshiisiinta iyo dadaalada lagu dhisayo Galmudug mideysan. Halkan ka Akhriso War Murtiyeed laga soo saaray Shirka Beesha Karanle War-murtiyeed (24-07-2019) Muqdisho:—-Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen wax-garadka, culimada, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenka beel weynta Karanle ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada dowladda Federaalku ay ka waddo Galmudug ee isugu jira dib-u-heshiisiinta, dhismaha ciidamada iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Shirka beel waynta Karanle ee lagu taageerayo dadaallada xukuumaadda ay ka waddo Galmudug waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kan: Beeshu waxa ay si buuxdo u taageersan tahay dadaalada xukuumadda Soomaaliya ay ka waddo Galmudug ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Beeshu waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta ku ammaaneysaa magacaabista Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee loogu gogol xaarayo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka bulshada reer Galmudug. 3-Beeshu waxa si buuxda u taageertay shaqada guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee u xilsaaran xal ka gaarista khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug 4-Beeshu markii ay deristay xaaladda deegaannada Galmudug iyo dadaladda Socda waxa ay si wadajir ah u taageertay go’aanka guddiga iyada oo si buuxda uga qayb geleysaa gogosha nabadeed ee ka fidsan magaalada Dhuusamareeb BAAQ Ugu dambeyn , Beeshu waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan beelaha Galmudug in ay muujiyaan xil kasnimo iyo tanaasul si buuxdana ula shaqeeyaan guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiinta si xal waara loo gaaro looguna diyaar Garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo lagu gaaro doorasho xor iyo xalaal ah. Dhammaad
-
Muqdisho (SMN) – Qarax xoogan ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex-dhacay xarunta Dowladda Hoose ee maamulka gobolka Banaadir. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, mana jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas’uuliyadiisa. Balse warar ayaa waxay sheegayaan in mas’uuliyiin ay kamid yihiin dadka wax ku noqday dhacdadan. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dibindaabyada shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka. “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo. “Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.” Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu qarax uu ka dhex dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo maleynayo inuu yahay is-miidamain uu sameeyey qof ku dhex jiray gudaha xarunta, ayaan weli laga hayn wax faah-fahain ah. Naga filo faah-faahin dhowaan Isnha Allah. Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan cadow kasta. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka. “Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo. “Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.” Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Tababar usoo Xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Soo Dhawayn Diiran Oo Lagu Qaabilay Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. gudoomiye Ciro oo mudooyinkii ugu dambeeyey ka maqnaa dalka ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxa si weyn ugu qaabilay saraakiisha kala duwan ee xisbiga Waddani. Qaran News
-
Popular Contributors
