Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,061
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Makka (Caasimada Online) – Boqolaal Xujey Soomaali ah ku sugan magaalada Makka ayaa sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan. Xujeydan oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, islamarkaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka. Tirada Soomaalida aan xajin ayaa lagu sheegay 400 oo qof, kuwaas oo sheegay in xitaa aysan helin meel degaan ah oo ay seexdaan. Dadka aan xajka gudan ayaa cabasho ka muujiyey ilaa afar ka mid ah shirkadaha Soomaalida ee sanadkan xajka usoo qaaday Soomaalida, oo ka baxay ballantii ay dadkan kasoo qaadeen. Waxay sheegeen in markii hore ay shirkadahan si wanaagsan u wadeen howsha oo ay dejiyeen hoteello, balse markii Xajka uu soo dhowaaday ay meel cidlo ah uga tageen. Cabashada xujayda ayaa waxaa ka jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow oo isna ku xugan Xajka, kaasi oo sheegay inuusan ka war-hayn dad aan xajin. Cusmaan ayaa sheegay inay jiri karaan qaladaad dhacay oo xagga acmaasha cajka ah, balse uusan rumeysneyn inay jiraan dad aan gebi ahaanba xajka gudan. Hoos ka dhageyso wareysiyo ku saabsan cabashada dadkan iyo jawaabta wasiirka. Codadka xujeyda cabaneysa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Xujey-cabaneysa.mp3Jawaabta wasiir ku-xigeenka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Jawaabta-wasiirka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Camel milk looks set to be the latest foodie trend. Already a traditional staple in North African diets, camel milk boasts double the amount of iron and vitamin C as traditional cows’ milk, and has become known for its numerous health benefits. Little wonder then that it’s slowly gaining in popularity across the world with the market expected to grow by nearly 10%. Keen to try? We reveal seven reasons why you should give it a go… 1. It Has Numerous Health Benefits “Camel milk is traditionally considered to have medicinal characteristics with potential health benefits,” explains Berta Corbera, Probio7 Nutritionist. “It’s actually the closest to human breast milk and has incredibly high levels of nutrients and bioactive components. The milk itself contains both low amounts of cholesterol and of lactose – the milk sugar – along with a superior healthy fat content.” Nutrient-wise, you can expect high levels of potassium, magnesium, copper, sodium, zinc and B vitamins, plus a protein content far greater than other sources on the market. If all that wasn’t enough, it’s also reported to improve specific friendly gut bacteria, which makes it an ideal option for those with digestive issues. 2. Research Shows It Positively Impacts Those With Autism This is one that still needs more research, but certain medical research has suggested that camel milk has created a positive impact on children with autism to help them improve behavioural techniques including eye contact, communication, emotional expression and self-organisation. It sounds like quite a stretch, but it’s worth trying if reports are to be believed. 3. Lactose Intolerance Sufferers Can Drink It “Everyone can have camel milk – even newborns,” says Berta. “It’s been shown to be suitable for lactose intolerant people, too. The main reason it’s a better choice for them is because it doesn’t contain beta-lactoglobin, which is the protein found in cow’s milk that causes allergic reactions. In fact, a recent report showed that for individuals allergic to cow’s milk, the least allergenic alternatives in descending order are human, camel, sheep and goats’ milk.” 4. You Can Find It In A Range Of Products, Not Just Milk Diversifying the range and flavours, you’ll find that camel milk is in fresh milk, flavoured milk, certain cheeses, ice-cream, yoghurt and milk powder, so the options are abundant. “If you’re unsure, take camel milk with your porridge, coffee, or in your cereal. And if you have fussy kids, try adding some chocolate or strawberry syrup, sprinkle it with all-natural stevia, or make a smoothie with your favourite fruit,” recommends Berta. 5. It’s More Sustainable Than Other Milk Options As well as being more nutrient-dense than other options on the market, camel milk is also said to be more sustainable. “Both plant-based and dairy milk industries have a major environmental impact around the world. Some of the disadvantages of taking these milks are potential plant genetic modifications, poor land use, vast water consumption and even a devasting impact on the Amazon rainforest,” says Berta. “Camel milk seems a better option because camels are not true ruminant animals like cows, so they produce significantly less methane compared to ruminant livestock.” 6. The Taste Is No Different & Far From Bitter Most testers say it tastes exactly like milk, just a little more distinct. Expect it to be slightly salty, but also smooth, refreshing and fulfilling – never sour or bitter. 7. Camel’s Milk Has Anti-Viral Properties In addition to its many health benefits, the components of camel milk are believed by many researchers to have anti-bacterial properties. “Some scientists believe that camel milk acts as an anti-inflammatory, calming inflammation caused by immune system dysfunction,” confirms Berta. Sheerluxe Qaran News
  3. Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay war ka soo saareen dil askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu u geystay Nin u dhashay dalka Kenya iyo qarax ka dhacay Magalada boosaaso. Warkaan kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen Askarigii dilay Ninka Kenyanka ahaa, isla markaana ay cadaalada marsiin doonaan. Dhinaca kale taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in uu fashilmay qarax Ciidamada Puntland lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda Puntland. Dhowrkii bilood ee u dambeysay ayaa waxaa xumaday amniga Magalada Boosaaso, iyada oo tora ka dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen sidoo kalena lagu dilay Madaxii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkadda DP World. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ciidamada Amniga dowladda Puntland ayaa maanta degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku qabtay xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ku socday buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaasi oo ciidamada Puntland ay kula dagaallaman kooxo ka tirsan Al-shabaab. Xubnaha la qabtay oo ka soo amba-baxay magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa gaarigii ay wateen lagu joojiyay kantaroolka degmada Badhan balse mid kamid ah oo isku dayay in uu cararo ayaa ciidanku toogasho ku dileen halka saddexdii kale oo isdhibayna la qabtay sid ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Badhan. Xubnahan ku eedaysan Al-shabaab oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sida la xaqiijiyay markii hore waxay ka yimaadeen dhanka Koonfurta iyagoo ka soo wareegay dhinaca Somaliland. Saraakiisha Amnigu weli faahfaahin kama bixin agabka ay wateen raggan ee lagu soo qabtay inkastoo hadda ay ku xiran yihiin xabsiga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo. Sidoo kale waxaa galabta la aasay ninkii afraad oo ciidanku toogasho ku dileen kadib markii uu isku dayay in uu baxsado. PUNTLAND POST The post Rag lagu tuhmayo Al-shabaab oo lagu qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  5. Waxaa dibudhac kuyimid shaacinta magacyada xildhibaanada cusub ee barlamaanka maamul goboleedka Jubbaland oo balantu ahayd in lagu dhawaaqo maanta oo Isniin ah 12/08/2019. Shaacinta barlamaanka cusub ee Jubbaland ayaa waxaa dib loogu dhigay maalinimada berri ah kadib markii khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xiegenka gudiga doorashada ee Jubbaland. Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay inuusan waafaqsanayn kana soo horjeedo warqaddii uu beesha caalamka u gudbiyey guddoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland, taasi oo sababtay in lagu heshiin waayo xubnaha barlamaanka. Ilo xogagaal ah ayaa Puntlandpost u xaqiijiyey in ciidamo katirsan kuwa Jubbaland ay tageen guriga guddoomiye ku-xigeenka doorashada Jubbaland si loola socdo xaalkiisa haseyeeshee uusan ku sugnayn xilligaasi. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa horay uga soo horjeestey qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada Jubbaland waxaase xusid mudan inay socdaan dedaalo labada guddoomiye loogu kala dab qaadayo. PUNTLANDPOST.COM The post Guddoonka gudiga doorashada Jubbaland oo isku khilaafay xubnaha barlamaanka cusub. appeared first on Puntland Post.
  6. African stars joined Muslims all over the world in celebrating Eid-al-Adha by sharing their best wishes and prayers on social media. Players including Liverpool’s Mohamed Salah, Ajax’s Hakim Ziyech, Napoli’s Kalidou Koulibaly, Aston Villa’s Mahmoud Trezeguet, Bursaspor’s Shehu Abdullahi joined in. On Sunday, the players took time off their football duties to be with their families. Goal Qaran News
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa, Stuart Brown ayaa markii u horeysay ka hadlay mooshin dhowaan loo gudbiyey golaha wakiilada Somaliland. Danjire Stuart Brown ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo mooshinkaasi, kaasi oo uu ku tilmaamay mid cadeyn u ah sida ay xisbiyada Somaliland uga go’antahay in la fuliyo heshiiskii qabsoomida doorashooyinka. Mr. Brown ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku yiri “Waan soo dhowaynayaa mooshinkii xisbiyadu u dhamaayeen ee ku saabsanaa xubinimada gudida doorashooyinka”. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waa cadayn muhiim ah oo muujinaysa inay xisbiyada oo dhan ka go’an tahay inay fuliyaan heshiiskii 27-July ee laga gaadhay qabashada doorashooyinka Somaliland ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanad”. 15-xildhibaan oo kamid mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa mooshinkaasi u gudbiyey golaha, kaasi oo la filayo in Ciida dabadeed ay xildhibaanadu dood ka yeeshan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Taliska Booliiska gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay askari saaka magaalada Boosaaso ku dilay nin ajnabiya oo u dhashay waddanka Kenya kadib markii muran soo kala dhexgalay. Asakariga ayaa sida la sheegayo wuxuu ilaalo u ahaa ninka uu dilay oo ka shaqeynayay shirkad Kalluumeysi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. “Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay dilka muwaadinkii u dhashay dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraa ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari. Qoraalka Booliiska ayaa dhanka kale looga warbixiyay qarax miino oo saaka ka dhacay aga’gaarka hotel Boosaaso oo lala eegtay gaari ay wateen askar ka tirsan ciidamada dowladda Puntland. “Sidoo kale Waxaa Fashilmay Qarax loo maleegayay Ciidamada Amniga, Kaas oo lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda”. ayaa la sii raaciyay qoraalka Booliiska. PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo gacanta ku dhigay askari nin ajnabiya ku dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  9. Wafdigaan Maanta gaaray Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DFS Eng, Cabdi Canshuur Xasan. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada KGS oo uu ugu horeeyo Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde iyo xubno kale. U jeedka wafdiga ay Maanta u tageen Magalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta berito ah uu Magalada Baydhabo Wasiirka Boostada * Isgaarisinta Soomaaliya uu ka furi doono shir looga hadlayo arrimaha isgaarsiinta. Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde ayaa sheegay in ay Baydhabo kusoo dhaweynayaan wafdiga,isla markaana shirkaasi ay burrito ka qeyb geli doonaan. Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in shirka Maalinta burrito ah uu ka furi doono Magalada Baydhabo,isla markaana ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka socda dowlad Goboleedyada. Shirkaan la qorsheynaayo in maalinta berito uu ka furmo magaalada Baydhabo wuxuu daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay magaalada muqdisho oo looga hadlayey arimaha isgaarsiinta dalka kaasi oo ay ka qeyb galeen dhamaan Wasiirada Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Maamul goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wararka laga helayo Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee dowlad gobaleedjka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi goordhow lagu dilay Nin u dhashay dalka Kenya. Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka Shaqeynayay shirkad Kaluumeysi,isla markaana dilkiisa uu ka dambeeyay askari ka mid ahaay ilaaladiisa oo xoogaa khilaaf uu soo kala dhexgalay. Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dilka Ninka u dhashay dalka Kenya , isaga oo sheegay in dilka kadib uu askariga goobta ka baxsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Boosaaso (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka Kenya ayaa maanta toogasho lagu dilay, gudaha magaalada Boosaaso, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka shaqeynayay shirkad kaluumeysi oo lagu magacaabo Ocean, islamarkaana dilkiisa uu gaystay askari ka mid ahaay ilaaladiisa oo khilaaf uu soo kala dhexgalay. Dilka ayaa ka dhacay xeebta magaalada Boosaaso. Duqa magaalada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka ninka u dhashay dalka Kenya, isaga oo sheegay in dilka kadib uu askariga goobta ka baxsaday. Si kastaba, howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen magaalada ayaa lagu soo qabtay askariga dilka gaystay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga, sida uu sheegay taliyaha booliska qeybat gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha K/Galbeed ayaa magacaabay guddi u xilsaaran Baarista Dhacdadii 9kii Bishan August 2019 ka dhacday Baydhabo,taasoo ahayd dad halkaasi lagu dilay. Guddigan oo ka kooban ilaa 9 xubnood ayaa isugu jira xubnaha golayaasha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,laamaha ammaanka,maamulada gobolka iyo kan degmada Baydhabo,waxaana ay baaritaan ku sameyn doonaan dhowr qof oo siyaabo kala duwan dilal loogu geystay magaalada Baydhabo. Madaxweyne Laftagareen ayaa dhawaan hadal uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in aan loo baahnayn in xiligan colaado sokeeye dib loogu laabto,taasi oo uu ku tilmaamay mid dhibaato ku ah horumarka bulshada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka,si looga guuleysto cadowga Alshabaab. Dadkii dhawaan la dilay waxaa kamid ahaa Siyaasi hore ahaana ganacsade caan ahaa Marxuum Cali Aadan(Marguus),taasi oo ay ka nexeen bulshada Soomaaliyeed, guud ahaan gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed. Ugu dambeyntii xubnaha Guddiga ayaa markii ay soo gebagebeeyan baaristooda waxaa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan si loo wajoho ka hortaga dhibaato kale iyo waxyaabihii sababay intuba. Hadaba halkan hoose ka akhriso xubnaha guddigan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegaya in si habsami leh u socota diyaar-garowga doorashada lagu wado iney bishan ka dhaco magaalada xarunta ah ee Kismaayo. Waxaa muuqata in weli uusan shaqaaneyn dadaalka ay DF Soomaaliya ku dooneyso inay kaga hortagtao in doorashada dhacdo. AMISOM ayaa la go’aamiyey in ay la wareegto sugidda amniga magaalada iyo xarunta doorashada, arrintaas waxaa soo dhoweeyey dowlad goboleedka Jubblanad iyo beesha caalamka. Inkasta oo ay jiraan murashaxiin wada guddi doorasho oo ka baxsan midka maamulka magacaabay, isla markaana diiday odeyaasha dhaqanka iyo xataa is-diiwaangelinta hadana dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay ku adkeysaneysaa in doorashada ku dhacdo waqtiga loogu talo galay iyo murashaxiinta hadda diiwaan geshan. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa dhowr qoraal ka soo saartay arrimaha doorashada Jubbaland iyada oo shaki gelisay aqoonsiga natiijada doorashada haddii la garab maro waxa ay rabto, arrintaas oo loo arko faragelin qaawan. Villa Somalia waxaa ay ka careysantahay in aaney doorashada Jubbaland u maamulin sida ay ka sameysay Koonfur galbeed, haddana ay wax ku waddo Galmudug. Dowladda federaalka ah kuma qanacsana madaxweyne Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, taa badalkeeda waxaa ay gadaal ka riixeysaa murashaxiin kale, kuwaas oo aan badankood laga aqoon ama wax shaqo ah aan ka qaban deegaannada Jubbaland. Madaxweyne Madoobe, oo ka tirsan murashaxiinta is-diiwaangeliyey ayey dadka deegaanka sheegayaan inuu ka gacan sareeyo kuwa kale marka loo fiiriyo khibardiisa iyo horumarka uu deegaanka gaarsiiyey tan 2013-kii. Mudane Axmed Islaam Madoobe waxaa uu qabsaday Jubbaland iyada oo ay ka soo baxeen dagaallo sokeeye, kana jirin adeeg iyo nidaam dowladnimo, waxaa uuna ka dhigay dowlad goboleedka 2-baad ee ugu wax soo-saar, dhaqaalaha iyo awoodda badan kadib Puntland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargaysa) Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo La Ogaaday Inay Qaado Lacago Sharci Daro Ah Iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Walaac Ka Muujiyey Source
  15. (SLT-Sanaag) Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Beeled Ka Qarxay Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag. Wararka Naga Soo Gaadhaya Degmada Ceel-Afweyn Ee Gobalka Sanaag Ayaa Sheegaya In Ugu yaraan Laba qof ay ku dhinteen laba kalena Ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamo beeleed hubaysani rasaas ku fureen dad ku sugnaa Kaalin Shidaal Oo Ku Taal Degmada Ceel Afweyn. Ciidamada Nabad Ilaalinta Ujooga Ceel Afweyn Ayaa Lagu Soo Waramay Inay Markiiba Ay Goobta Yimaaden Islamarkaasi Uu Iska Horimaad Dhexmaray Ciidan Beeledkii Hubaysaa Ee Dilay Labada Qof. Source
  16. A 14-year old boy, whose parents fled the civil war in southern Somalia two decades ago, has emerged the top student in the just-released Puntland State national examinations. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Burco) Dib Udhac Baahsan Oo Ku Yimi Gobolka Togdheer Mudadii Uu Xilka Hayey Badhasaab Xamse Cadaw-Yuurura 6 bishii labaad ee sanadkii 2018 ayey ahayd markii badhasaabka gobolka togdheer xamse maxamed cabdi lagu soo dhaweeyey duleedka magalada burco xiligaasi oo muuse bixi cabdi madaxwayanaha somaliland usoo magacabay gudoomiyaha gobolka togdheeer xamse cadawyuurura iyadoo ay ka jiraan bahiyo badan oo gobolku laha waqtigaasi waxan bulshadu usoo dhawaysay si meeqaam sare ah waayo waxa loo arkayey inuu yahay masuul u dhashay gobolka isla markaana wax badan ka qabanaaya gobolkan togdheer. xiligaasi wuu kala qaybsanaa gobolku waxana kala qaybsanantaas keentay dorshadii madaxtinimo ee somaliland oo si wayn loogu hirdamay gobolkan madama uu yahay magalo madaxda labaad ee somaliland taasi oo uu waxba ka qaban kariwayey xamse cadaw yuurura islamarkaasina sii huriyey qabyaaladii sida ay amin san yihiin dad badan oo burco ahi. sidoo kale waxa xidhnaa garoonkii diyaraduhu ka duuli jireen Iyo gurigii somaliland lagaga dhawaaqay oo ilaa hadana xidhan bulshaduna waxana lagu hanwaynaa inuu xamse wax ka qaban doono madama uu ka soo jeedo gobolka loo soo magacaabay. dhacdooyinka intii uu xamse cadawyuurura gudoomiyaha ka ahaa gobolkan togdheer waxa ka mid ahaa mudahaaraado soo noq noqday oo aan bulshada burco uga baran magalada mudaharaadadaaas oo khasaare hantiyeed iyo waliba dhaawacyo ka soo gaadheen qaar kamid ah bulshada burco Badiba waxa istaagay mashariicdii horumarineed ee gobolkani xaqa u laha taas oo ku timi iska shaqo xumida ka taagan gobolka intii uu gudoomiyaha ka ahaa xamse cadaw yuurura ma jiraan wax mashariic horumarineed oo ka hirgalay halka masuuliyiintii ka horaysay ay dhagaxdhigeen mashariic qaar kalena xadhiga ka jari jireen magaladani hadaba maxaa is badalay ma dawladan tii hore ahayn mise mashariicdan istaagay waxay ku yimaadeeen mamul xumo ? Source
  18. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa guddi gaar ah u magacaabay baaritaanka dad shacab ah oo 9-kii bishaan lagu laayey magaalada Baydhabo. Xubnaha guddiga uu magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka kooban wasiiro ka tirsan koonfur Galbeed, taliyeyaal Ciidan, maamulka gobolka Baay iyo kana degmada Baydhabo. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo guddi u saaray shacab lagu laayey Baydhabo. appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Burco) Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Oo Ka Hadlay Mudo Kordhinta Doorashoyinka JSL+Muxuu Ka Yidhi Source
  20. Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay awaamiir dhanka ammaanka la xiriirta ku duldhigtay shacabka kunool gobolka Mudug gaar ahaan koonfurta Galkacyo. Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ku amray dhammaan dadka rayidka ah ee hubka ku dhex haysta koonfurta magaalada Galkacyo inay iska diiwaan geliyaan wasaaradda amniga ee maamulka Galmudug si loo xaqiijiyo ammaanka magaalada. PUNTLANDPOST The post Galmudug oo awaamiir ku soo rogtey shacabka kunool Koonfurta Galkacyo. appeared first on Puntland Post.
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Jabuuti ayaa ka biyo diiday in ay Kenya uga tanaasusho xubinimadda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay, sidda uu ku waramayo wargeyska afka dheer Daily Nation. Dalalkan kawada tirsan Geeska qaaradda Afrika ayaa aad ugu loolamaya jagadaan, oo la filayo in Golaha Guud ee UN-ka uu u coddeeyo bisha June, iyadda oo cod-bixinta ugu dambeysay loo muddeeyay 21 August. Dowladahan ayaa waxay wadaan dedaaladii ugu dambeeyay oo ay ku hananayaan xilkaasi aadka muhiimka u ah, iyaga oo taageero waydiisanaya wadamada ay xulafadda la yihiin ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa. Guuleystaha xilkan ayaa wuxuu u baahan in uu helo codad gaaraya saddex meelmood laba dalool oo ah wadamadda qaybta ah ururka ay ku mideysan yihiin dalalka dunida. Midkood Kenya iyo Jabuuti, dhinacii kusoo baxa xilkan ayaa wuxuu golahaasi xubin ka ahaan doonaa inta u dhaxeysa 2021 illaa iyo sanadka xiga ee 2022. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, unug awood badan oo UN-ka ka tirsan, ayaa ka kooban 15 xubnood oo Shan kamid ah yihiin kuwa joogta ah, halka inta soo hartay lasoo doorto labadii sano hal jeer. Xubnaha joogtada ah oo kala ah; Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa waxay haystaan awood dheeraad ah oo la yiraahdo codka diidmada qayaxan. Faa’iidooyinka dheeraad ah ee ay leedahay kamid noqoshada golahan ayaa waxaa kamid ah jaan-goynta Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka guud ahaan caalamka. Kenya ayaa dooneysa inay xubunnimada Golaha Ammaanka u adeegstao fursad ay golaha uga dhaadhiciso inay taageeraan mowqifkeeda ku aadan in wada-hadal lagu dhameeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ka laabato kiiska horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Haddii Kenya ay ka mid noqoto 10-ka dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ma heli doonto awood ay uga codeyso arrimaha muhiimka ah sida amniga, hase yeshee ka mid ahaanshaha golaha ayaa u saamixi doono fursad ay taageero ku raadsato, islamarkaana qiil ugu hesho in laga laabto kiiska maxkamadda. Isha: Garowe Online
  22. Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa sheegaya in si habsami leh u socota diyaar-garowga doorashada lagu wado iney bishan ka dhaco magaalada xarunta ah ee Kismaayo. AMISOM ayaa la go’aamiyey in ay la wareegto sugidda amniga magaalada iyo xarunta doorashada, arrintaas waxaa soo dhoweeyey dowlad goboleedka Jubblanad iyo beesha caalamka. Inkasta oo ay jiraan murashaxiin wada guddi doorasho oo ka baxsan midka maamulka magacaabay, isla markaana diiday odeyaasha dhaqanka iyo xataa is-diiwaangelinta hadana dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay ku adkeysaneysaa in doorashada ku dhacdo waqtiga loogu talo galay iyo murashaxiinta hadda diiwaan geshan. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa dhowr qoraal ka soo saartay arrimaha doorashada Jubbaland iyada oo shaki gelisay aqoonsiga natiijada doorashada haddii la garab maro waxa ay rabto, arrintaas oo loo arko faragelin qaawan. Villa Somalia waxaa ay ka careysantahay in aaney doorashada Jubbaland u maamulin sida ay ka sameysay Koonfur galbeed, haddana ay wax ku waddo Galmudug. Dowladda federaalka ah kuma qanacsana madaxweyne Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, taa badalkeeda waxaa ay gadaal ka riixeysaa murashaxiin kale, kuwaas oo aan badankood laga aqoon ama wax shaqo ah aan ka qaban deegaannada Jubbaland. Madaxweyne Madoobe, oo ka tirsan murashaxiinta is-diiwaangeliyey ayey dadka deegaanka sheegayaan inuu ka gacan sareeyo kuwa kale marka loo fiiriyo khibardiisa iyo horumarka uu deegaanka gaarsiiyey tan 2013-kii. Mudane Axmed Islaam Madoobe waxaa uu qabsaday Jubbaland iyada oo ay ka soo baxeen dagaallo sokeeye, kana jirin adeeg iyo nidaam dowladnimo, waxaa uuna ka dhigay dowlad goboleedka 2-baad ee ugu wax soo-saar, dhaqaalaha iyo awoodda badan kadib Puntland. Arrimaha Doorashada Jubbaland, kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Jubbaland ee Xilku ka dhamaadey balse dib ugu tartamaya Axmed Madoobe ayaa dhowaan wuxuu bilaabayaa olole xoogan oo ugu ololeynayo in mar kale loo [...] Source
  24. Garowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Badda ee maamulkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi. Afartii bishan ayey aheyd markii bartamaha Boosaaso uu ka dhacay qarax noocaan oo kale ah, kaas oo lala eegtay wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax, kaas oo ka badbaaday miino lala eegtay gaarigiisa. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com