Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa safar kujooga dalka Sacuudiga si uu halkaasi uga cunaqabateeyo Xoolaha Somaliland ee Berbera ka dhoofaya. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya dagaal balaadhan qaaday kadib markii uu Markab Xoolo sidaa Berbera uga shiraacday dhinaca Dalka Sacuudiga. Waxa uu sheegay in markabkaasi aanu ku tagin ogolaanshiyo dhinaca Dawlada Sacuudiga ah balse uu si kale ku tagay oo uu damaanad qaaday Baanka Islaamku. Wasiir gaafaadhi ayaa sheegay in Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ku sugan yahay Dalka Sacuudiga islamarkaana uu dagaal kula jiro sidii loo soo celin lahaa Markab Berbera Xoolo ka qaaday afar cisho ka hor oo halkaasi ku xayiran. Waxa kale oo uu sheegay Xasan Gaafaadhi in Wasiirkaasi sidoo kale la soo hadlay Maxjaradda Dekeda Berbera islamarkaana uu u soo hanjabay. “Afar habeen ka hor markab xoolo sida ayaa ka dhoofay Berbera, isagoo u sii jeeda Dekedda Jiddah ee Dalka Sacuudiga, dalka uu baankii Islaamiga ahaa ee Mooshinka Xajka uu dalbaday uu yidhi Xoolahaa halasoo raro oo halasoo daayo, isaga iyo nimankii Carbeed ee Xoolaha iibsan jirayba, oo ay bixiyeen damaanad ah inuu markabkaasi ka dego sacuudiga, Dawladda Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofay duulaan balaadhan ayaa la qaaday, ilaa iyo Wasiirkii Xanaanada Xooluhu waxa uu u dhoofay Sacuudi Carabiya, Magaaladda Jiddah, waxa uu culays weyn uu saaray in markabkaasi aan la rogin, waxa kale oo uu gaar ula soo hadlay Rag leh maxjaradda Berbera isagoo ku hanjabaya inaanay xoolo Somaliland ka dhoofa oo aan Warqadda Muqdisho sidan ka degi doonin dekeddaha Sacuudi Carabiya” Ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi. Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Tehran)-Hogaamiyaha Ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasralah ayaa ugu baaqay dowlada Iiraan in ay garaacdo Israa’iil haddii Mareykanka uu weerar ku soo Qaado. Qudbada wadaadkan oo si toos ah wuxuu uga Jeediyay Jimcihii Tv-ga Al-Manar. Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayay qilaafka u dhaxeeya Washington iyo Tehraan. Sh Nasralah ayaa intaa raaciyay in Mareykanka uu ogaan doono hadii dagaal uu ku qaado Iiraan uu saameyn doono Israa’iil. Ururka Xisbullah ayaa ugu danbeyn sheegay in ay diyaar u yihiin in wax waliba ay ku bixiyaan difaaca Iiraan. Source
  3. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose waxa ay kula wareegeen deegaanno ay maamuli jireen Al-shabaab. Korneyl Maxamed Cabdullaahi Caraalle, Taliyaha ururka 35-aad Guutada 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanku la wareegeen deegaannada kala ah Leego, Yaaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaanno kale oo halkaasi ku dhow. Wuxuu sheegay Taliyaha in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab halkaasi dagaal uu ku dhexmaray, ayna dileen 15 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye. Al-shabaab dhankood wax war ah kama aanay soo saarin deegaannada la sheegay in laga saaray iyo sidoo kale xubnahana halkaasi looga dilay. Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmahan dambe waxa ay howlgallo ballaaran ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Ankara)-Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay dabayaaqadda toddobaadkan ku dhawaaqdo Cunaqabatayn ka dhan ah Dowladda Turkiga, kadib markii ay iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ee lagu farsameeyey Raashiya. Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen qorshaha Cunaqabatayntaasi, waxayna Kooxda Madaxweyne Donald Trump hore u garwaaqsadeen Xidhmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga Bilosgii toddobaadkan, Hoggaanka Guddiyadda Aqalka Senedka dalkaasi ugu qaabilsan Arrimaha Ciiddanka iyo xiriirka Dibedda waxay soo wada saareen War-saxaafadeed ay ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga, kadib markii ay heleen Shixnadii ugu horreysay ee Gantaalladda Raashiya ee Nidaamka difaaca ee S400 Jimcihii la soo dhafaay, Wasaaradda Difaaca Turkiga waxay sheegtay inay qeybtii ugu horreysay Gantaalladdaasi soo caga-dhigteen magaalada Ankara. Dowladaha Raashiya iyo Turkiga waxay bishii December ee sannadkii 2017-kii kala saxiixdeen Heshiis dayn ah oo Turkiga looga iibinayo Nidaamka Difaaca ee S400. Source
  5. (SLT- Angola)-Madaxweynaha Rwanda iyo dhiggiisa Uganda ayaa balan qaaday inay ku kulmi doonaan dalka Angola si loo dhammeeyo khilaafka u dhaxeeya labada Wadan. Madaxweyne Paul Kagame iyo Yoweri Museveni, oo mar ahaa saaxiibo ayaa sanadkii hore weerar dhanka afka ah iskugu qaaday iyaga oo adeegsanaya Warbaahinta. Hoggaamiye yaashaan ayaa mid ba mid kale ku dhaliilay in uu ku soo xadgudbay qaranimada iyo siyaasada Dalkiisa. Arintaan ayaa saameyn ay ku yeelatay dhaqaalaha iyo isku socodka wadamada Rwanda iyo Uganda. Bishii May ayey aheyd markii booliska Uganda ay ku eedeeyeen Milatariga Rwanda in ay ka soo talaabeen xadka deetana ay dileen laba Hablood. Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa shir looga hadlayo amniga ku casuumay Kagame, Museveni iyo madaxweynaha sanadkaan la doortay ee Congo Felix Tshisekedi. Shirkaan ayaa ka dhici doona magaalada caasimada ah ee Luanda ee dalka Angola. Source
  6. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in hawlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ay Al-shabaab uga xoreeyeen degaanno hor leh oo ku yaalla gobolkaasi. Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ayaa shaaciyay in Hawlgalka oo laga fuliyay inta u dhexaysa degmada Wanla weyn iyo degaanka Leego ay ciidamadu Al-shabaab kaga xoreeyeen tuulooyinka Yaaqbariweyne Madax-maroodi iyo leego oo ka wada- tirsan gobolka Shabeellaha hoose. Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle ayaa wakaaladda Wararka ee SONNA ka soo xigatay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ilaa 15 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaanno ka tirsan Shabeellaha hoose appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay isbedallada badan ee maamulkiisu ku sameeyo maamulka gobolka Hiiraan. Wuxuu tilmaamay in su’aallo badan ay arrintaasi keentay, balse loo baahan yahay in la ogaado wax walbo sababta ay ku dhacayaan. Waare ayaa ku sheegay isbedalka lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan iney tahay cudur ku jira Hiiraan, loona baahan yahay in si dhab ah looga daweeyo. “Qoka markii qandho qabato waxaa la leeyahay hala siiyo…qandho jabiye markii lagu celiyo ugu dambeyn waxaa la ogaadaa in qandhadaasi ka weyn tahay kaniiniga la siinayo…Isbedalka Maamulka Hiiraan Wuxuu Tusaale u Yahay Cudur Ku Jira Jirka Hiiraan” ayuu yiri Waare. Muran dheer kadib, guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa iska wareejiyey xilkaasi, kadib munaasabad ka dhacday B/weyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska Niyukleerka ee iran isaga oo ku xumaynaya madaxwaynihii ka horreeyay ee Barack Obama, sida ku cad warqad sir ah oo la soo dusiyay oo uu qoray safiirkii hore ee UK u fadhiyay Washinton. Sir Kim Darroch ayaa ku tilmaamay go’aankii Tump ee uu heshiiska kaga baxay in uu ahaa “dhaawac diblamaasiyadeed “, sida uu maanta qoray wargayska the Mail ee ka soo baxa dalka Britain. Sida uu wargayska qoray warqadan sirta ah ayaa la qoray ka dib booqashadii wasiirkii arrimaha dibada ee Britain ee xilligaasi Boris Johnson oo isagu Mareykanka ka codsaday xilligaasi in aysan heshiiska Iiraan ka bixin. Madaxwayne Trump ayaa u arkayay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan uu lala galay mid aan wanaagsanayn. Wargeyska the Mail ayaa ku waramaya ka dib markii Mr Johnson uu UK ku laabtay uu safiirka UK ee Washinto Sir Kim uu warqad soo qoray taasi oo uu ku sheegayo in madaxwayne Trump ka bixitaankiisa heshiiska ay u muuqato in ay tahay “sababo shaqsiyadeed ” sababtuna ay tahay in heshiiska uu saxiixay madaxwaynihii isaga ka horeeyay Barack Obama. Danjiraha Britain ayaa la sheegay in uu bidhaamiyay in la taliyayaasha madaxwayne trump ay ku kala qaybsameen arrintan islamarkaana aysan xilligaasi dajinin istaraatijiyad ku aaddan waxa la samaynayo ka dib ka bixitaanka heshiiska. Sir Kim Darroch ayaa isagu xilka ka dagay ka dib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan warqadan sirta ah ee warbaahinta loo dusiyay. Heshiiskaasi oo dalka Iiraan ay la galeen waddammada shanta ah ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey , Jarmalka iyo Midowga Yurub ayaa la saxiixay bartamihii sannadkii 2015-kii. Ujeeddada heshiiskan ayaa ahaa in la xaqiijiyo in barnaamijka Niyuukleerka Iiraan uu gebi ahaanba noqdo mid nabdoon, waxa uuna rasmiyan dhaqan galay bishii Janaayo ee sannadkii 2016-kii. Iiraan ayaa hakisay qaar ka mid ah hawlaha barnaanijkeeda niyuukleerka iyada oo taa ku baddalaneysay in laga khafiifiyo qaar ka mid ah xayiraadaha dhaqaale ee saarnaa. Mareykanka ayaa ka bixitaankii heshiiska ka dib cunaqabateyn cusub ku soo rogay Iiraan. Iiraan ayaa dhankeeda ugu baaqaysa dalalka Yurub ee hesiiska qaybta ka ahaa inay heshiiska badbaadiyaan. Macluumaadkan sirta ah ee warbaahinta loo soo dusiyay ayaa ku soo beegmiya xilli ay kacsan tahay xiisadda gobolka oo ay Iiraan iyo Mareykanka xaaladooda meel xun mareyso. Source
  9. Kismaayo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidanka Jubbaland ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay xalay ciidamadu ka fuliyeen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Ciidamada ayaa la sheegay inay xireen dhaq dhaqaaqa Kismaayo, inta ay socdeen baaritaanadaasi. Lama shaacin illaa iyo hadda natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday baaritaanada la sameeyey halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammanka ee Jubbaland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlay howlgalladaasi. Habeen ka hor ayey aheyd markii weerar xoogan oo khasaare geystay Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) ―Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay tartankii Sharikadah diyaaradaha ugu jireen daabulidda Xujeyda Soomaalida ah. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in tartankii loogu jiray Daabulidda Xujeyda ee Sharikadaha diyaaradaha ay ku guuleysteen 11 Sharikadood. Cismaan Aadan, ayaa sheegay in 58 sharikadood ku tartameen daabulidda Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajineysa islamarkaana ay soo baxeen 11 Sharikadoo oo ay la shaqeyn doonto Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Soomaalida sanadkan Xajka aadeysa ee ay dowladda Sucuudiga soo gudbisay ayaa tiradooda lagu sheegay 11,500 oo Qof. Wasiir Cismaan Dhuubow ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay kormeer joogto ah ku sameyn doonto Sharikadaha ku guuleystay tartanka, islamarkaana la socon doonto sida ay ugu adeegayaan Xujeyda Soomaaliyeed. Kulanka dhexmaray Wasiiradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiirrada Diinta iyo awqaafta ee dowlad Goboleedyada iyo madaxada Sharikadaha diyaaradaha ayaa looga arrinsaday sidii Xujeyda u heli lahaayeen adeegga ay u baahanyihiin. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-14072019.mp3 View the full article
  12. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Monica Juma oo ka hadleysay awooda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weli halis ay ku yihiin gobolka. Monica ayaa tilmaamtay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, si looga adkaato. Sidoo kale waxa ay ku baaqday in Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero kooxaha Argagixisada. Wasiir Monica Juma oo ka hadleysay weerarkii Kismaayo ayaa sheegtay inuu muujinayo qatarta xoogan ee ay lee yihiin Al-Shabaab. Waxa kale oo ay sheegtay in dowladdeedu ay ka xuntahay weerarkaasi, islamarkaana ay tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay halkaasi Beesha caalamka, gaar ahaan golaha ammaanka ee QM ayey u soo jeedisay inay si deg deg ah ugu daraan liiska Argagixisada caalamka. Al-Shabaab oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya ayaa inta badanweeraro geysta khasaare xoogan ku qaada gudaha dalka Kenya. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska NairobiCaasimada@live.com
  13. Dowladda Tunisiya ayaa baddashay xeerka islaamiga ah ee haweenka muslimiinta ah ka mamnuucaya inay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn. Haweeney afhayeenad ah oo u hadashay madaxweynaha dalkaas Beji Caid Essebsi ayaa ku dhawaaqday arrintan waxayna dumarka ugu hambalyeysay helitaanka “xorriyadda ku saabsan in qof walba uu guursado qofkii dookhiisa ah”. Ilaa hadda, nin walba oo aan muslim ahayn haddii uu damco inuu guursado haweeney reer Tunisia ah oo muslimad ah, wuxuu ku khasbanaan jiray inuu soo islaamo, islamarkaana uu soo bandhigo shahaado caddeyn u ah inuu diinta islaamka qaatay. Dalka Tunisia oo 99% muslim ah ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dalalka carabta ee horumarka ugu weyn ka gaadhay ilaalinta xuquuqda haweenka. Isbaddalka cusub ee lagu sameeyay sharciga ayaa yimid kaddib markii uu madaxweyne Essebsi ku dadaalay in meesha laga saaro xeerka xaddidaya guurka haweenka muslimiinta ah ee waddankaas, kaasoo la meel mariyay sanadkii 1973-kii. Khudbad uu bishii lasoo dhaafay ka jeediyay munaasabadda dabaaldagga maalinta haweenka ayuu ku sheegay in xeerka xaddidaya guurka “uu caqabad ku noqday xuquuqda uu qofku u leeyahay inuu dookhiisa guursado”. Xaddidaaddaas ayaa sidoo kale loo arkayay mid aan waafqsaneyn dastuurka Tunisiya ee la dhaqan galiyay sanadkii 2014-kii, kaasoo uu sabab u ahaa kacdoonkii loo yaqaannay gugii carabta. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlgala Tunisiya ayaa iyana in muddo ah u ol’oleynayay in meesha laga saaro xeerka isku diidaya haweenka muslimiinta ah iyo ragga aan muslimiinta ahayn. Amarka ay madaxtoooyadu hadda soo saartay ayaa u dhaqan galaya si deg deg ah, lammaanuhuna waxay xor u yihiin inay warqadahooda meherka ka diiwaan galiyaan xafiisyada dowladda. Muhiim ma tahay tallaabadan? Sida ay sheegtay Rana Jawad, oo BBC News uga soo warranta magaalada Tunis, dad badan oo reer Tunisiya ah ayaa tallaabadan u arka guul kale oo laga gaaray hirgalinta xuquuqda haweenka ee waddankaas. Waxay arrintan Tunisia ka dhigeysaa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika oo laala sharciga guurka ee waafaqsan diinta ugu weyn ee waddanka laga heysto. Horay waxaa ragga muslimiinta ah ee dalkaas loogu oggolaa inay guursadaan haweenka aan muslimiinta ahayn. Dalka Tunisiya waxaa ku nool dad Yuhuud ah iyo masiixiyiin tiro yar ah, mana cadda sida sharciyada guurka xaddidaya loo waafajin jiray. Bishan Luulyo gudaheeda, baarlamaanka Tunisia ayaa meel mariyay sharci cusub oo soo afjaraya xeer horay u dhigayay in ragga kufsiga geysta ay ciqaab walba ka badbaadaan haddii ay guursadaan gabdhaha ay kufsadeen. Source
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sababta mar kasto isbedallada loogu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Waare ayaa tilmaamay in arrintan ay saldhig u tahay maamul xumo uu sheegay inay ka jirto gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inuu cudur ku jira gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha HirShabelle ayaa intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wadatashi guud laga sameeyo xaaladda Hiiraan iyo sidii loo hormarin lahaa. Saddexdii sano ee ay jirtay HirShabelle waxaa gobolkan isku bedalay ku dhawaad 10 guddoomiye oo uu mid kasto xafiiska joogay muddo yar. Guddoomiyihii ugu dambeeyey ee Yuusfuf Dabageed ayaa shalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub ee Cali Muxumed Caraale. Dabageed ayaa muddo diidanaa inuu xilka wareejiyo, waxaana dagaal ka dhashay xiisadaasi ku dhintay taliyihii booliska gobolka Hiiraan Marxuum Maxamed Macow. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Waare.mp3Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska BeledweyneCaasimada@live.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada dib u xoreynta Somaliland, Kornayl Siciid Caare ayaa waxa la sheegaya in uu ku gacan sayray dalab uga imaaday Maamulka Puntland. Korneyl Caare ayaa gebi ahaanba iska diiday in uu ku dhaqaaqo talaabooyin lidi ku ah gooni isku taaga Somaliland, sida uu sheegay Cismaan Cumar Dool. Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo kamid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay qodobo uu sheegay inay isku mari waayen Korneyl Caare iyo Maamulka Puntland. Siyaasi Dool oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Kornayl Caare iyo Puntland waxay isku mari waayeen qaabka maamulkaasi u taageerayo jabhada Kornaylka iyo wajiga uu dagaalkiisu noqonayo, Caare isaga oo Qardho jooga ayuu odhan jiray Somaliland, waana geesi halyey qaran ah waana nin rag garta waayey”. “Kornayl Caare waxay isku maandhaafeen maamulka Puntland iyo dawlada Soomaaliya in lagu yiri magaca Soomaaliya qaado oo aanu kugu caawino, isna waxa uu ku yiri ma doonayo magaca Soomaaliya ee Somaliland is haysata ayaanu nahay ee sidaas miyaad igu garab galaysaan iyaguna waxay ku yiraaheen maya oo Somaliland ma aqoonsanin namana khusayso”. Wuxuuna intaas kusii daray “Caare sidaas ayuu ku waayey in baabuur tigniko ah la siiyo in lacag la siiyo iyo in askar la siiyo, waxaanu noqday qof mabda leh oo is yiri dadkaaga iyo umada Somaliland ha khiyaamaynin, sidaas ayaanu kaga soo baxay maamulka Puntland kuna soo galay Somaliland iyada oo aanay waxba ku soo kordhin ciidankii uu la tagay”. “Halka uu maanta ku jiro Korneyl Caare, ninka yiraahda halagu laayo oo weerar ha lagu xaliyo waa nin ka shaqaynaya in dabku sii fido, Caare waa in si macquul ah loola hadlaa oo la dhagaystaa waxa uu tabanayo”. Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  16. Ciidamada militariga waddanka yemen ayaa sheegay in ay Sabtidii shalay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Xuutiyiinta kadib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Ma’rab ee bariga dalkaasi. Af-hayeen u hadlay ciidamada militariga Yemen ayaaa sheegay in dagaalka halkaasi ka dhacay lagu fashiliyay isku day ay malayshiyaadk ka tirsan Xuutiyiinta ku doonayeen in ay si dhuumasho ah ugu gudbaan buuraleyda gobolka Ma’rab. Sida uu af-hayeenka sheegay ciidamada militariga Yemen ayaa kooxda Xuutiyiinya ku khasbay in ay dib uga laabtan gobolka kadib markii lag dilay in ka badan 20 xubnood tiro kalena laga dhaawacay. Balse ma uu sheegin khasaaraha ay dagaalkaasi kala kulmeen ciidamada Militariga Yemen sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xuutiyiinta oo lagu xaqiijiyay sheegashada militariga Yemen. Waddanka Yemen ayaa sannadkii shanaad waxaa ka socda dagaallo u dhexeeya militariga Yemen iyo xulafadooda Carbeed oo dhinac ah iyo malayshiyaadka Xuutiyiinta oo ka horjeeda waxaana dagaalkaasi uu burbur laxaad leh u gaystay guud ahaan waddanka. PUNTLAND POST The post Militariga Yemen oo sheegay in ay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Xuutiyiinta appeared first on Puntland Post.
  17. Britain's ambassador to the US described Donald Trump's abandonment of the Iran nuclear deal as an "act of diplomatic vandalism", it has been revealed. Source: Hiiraan Online
  18. Turkey ignored US warnings as it continued Saturday to take delivery of Russia's S-400 missile defence system near Ankara, a defence minstry statement indicated. Source: Hiiraan Online
  19. Children entering school now should finish secondary school by 2030. But if current trends continue one in six will not be in school in 2030 and only sixty percent will be finishing their secondary education. Source: Hiiraan Online
  20. Cilmiga badda waxaa uu ka mid yahay culuumta ay aadka ugu yartahay barashadiisu bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna dumarka. Qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa u arka in Cilmiga badda uu yahay mid howshiisa ay ka soo bixi karaan oo kaliya ragga oo ay dumarka ku adagtahay. Balse Khadra Cabdi Axmed waa gabadh Soomaaliyeed oo baratay culuumta badda islamarkaana imika ka shaqeeysa wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya. Khadra ayaa magaalada Muqdisho timid horaantii sanadkii 2015-kii iyada oo xiligaas ka shaqo bilowday wasaaradda gaadiidka iyo badda waxaana ay ogaatay mudadii ay shaqeeynaysay in jirto fursad waxbarsho oo ah cilmiga badda isla markaana loo aadayo dibadda. Inkastoo Cilmiga badaha Soomaalidu xilliyadii hore u aadi jireen wadamada dibadda hadana Khadra ayaa fursadaan ka heshay sanadkii 2017-kii jamacad ku taala magaalada Maalmo ee dalka Sweden halkaas oo ay ka baratay cilmiga badda ee ay hadda ku shaqeeynayso Sanadkii 2018-kii bishii Nuveember ayey Khadro ka qalin jabisay jaamacadda Maalmo . “Deeqdaan waa mid mar walba suurta gal ah wadamadana la siiyo balse waxyaabaha qofka looga baahanyahay ama qofka lagu xidho ayaa adag oo badanaa aan suurta gal aheyn iminka qof Soomaaliya jooga ama saldhigiisu Soomaaliya yahay in uu dhameystiro shuruudaha looga baahanyahay” ayay tiri Khadro. Mar BBC-du khadro waydiisay waxa ay ku doortay cilmigaan ayaa waxaa ay ku jawaabtay . ” Hadii aan ogaan lahaa Cilmigaan sida uu faa’idada uu leeyahay ama uu horey uga jiri lahaa wadankeena waan diyaarin lahaa laakin jaamacadaha wadankeena oo aan manhanjkeena ku darin cilmiga badda Ayaan ii suurta gelin in aan dhigto waxaa taqasusukeeygu ahaa AMA “ Sida ay khadro sheegtay dadka qaar ayaa baraha bulshada ku daabcay qoraallo sheegay in ay qaxooti aheed hase yeeshee khadra ayaa beenisay waxaana ay sheegaty in deeq waxbarasho ay dibadda ku aadday haatana ay dalkeeda hooyo ku soo laabatay. Sababta ay ku doortay Cilmiga Badda Khadaro ayaa sheegtay in sababaha ay cilmigaan ku doortay ay ka mid tahay in Soomaaliya ay leedahay bad dhirirkeedu yahay 3,333 kiiloomitir isla markaana uu ceegaago khayraad uu kaluunku ka mid yahay oo sidii looga faa’iidaysan laha khayrdkaas iyo furda ay heshay ay ka caawisay in ay ku dhiirto barashada cilmigaan. Khadro ayaa hadda ku dhiira gelinaysa bulshada in ay bartaan cilmigaan badaha oo ay sheegtay in dunida uu muhiim ka yahay iyadoo intasa ku dartay in qof kasta oo Soomaali ah uuu ka faa’iideysan karo. Waa in aan Dumarka ku dhiiro gelinaa cilmiga iyo in ay badda galaan, muranada baddana waxaa keenaya waa khayraadka waana waxaan la qabno bulshada caalamka ayey tiri Khadaro. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Gabadh Soomaaliyeed oo guul gaartay Cilmiga Badda appeared first on Puntland Post.
  21. CAIRO, July 13 (Xinhua) -- Speaker of the Arab Parliament, Mishaal al-Salami, condemned on Saturday a terror attack at a hotel in the port city of Kismayo in Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Kooxda Al-shabaab ay ka fulisay hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii kala duwana ee ku naf waayey weerarkaasi, isagoona si gaar ah uga tacsiyadeeyay eheladii ay ka baxeen Hodan Naaleeye iyo Deeq Ciise Webi oo labadooduba ka shaqeyn jirey arrimaha samafalka. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarkan fulintiisa looga faa’iideystay xiisada ka taagan arrimaha doorashada Jubaland iyo loolanka adag ee Siyaasada. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona ku baaqay in reer Jubaland ay mudnaanta koowaad siiyan nabad-galyadooda, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Waxaan canbaaraynayaa weerarka ay argagexisada arxan laawayaasha ahi ku qaadeen Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo. Allaha u naxariisto dadkii weerarkaa ku shahiiday. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen Hodan Naaleeye iyo Deeq Ciise Webi oo labaduba ka shaqaynayey samafalka iyo daryeelka bulshadda. Way cadahay in cadawgu uu ka faa’iideystay xili doorashada Jubaland iyo loolanka siyaasadeed. Reer Jubaland waa in ay meel iska dhigaan loolanka siyaadadeed, mudnaantana siiyaan nabadgelyadooda iyo la dagalaanka argagexisada, dawlada Federaalka ahna waa in ay garab ku siisaa”. Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  23. TORONTO — Family and friends of Hodan Nalayeh are remembering the Somali-Canadian journalist killed in a terrorist attack this week for her work redefining the global Somali identity through positive storytelling. Source: Hiiraan Online
  24. President Donald Trump's team has settled on a sanctions package to punish Turkey for receiving parts of a Russian missile defense system and plans to announce its plan in the coming days, said people familiar with the matter. Source: Hiiraan Online