-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Many Somalis believe the unceasing violence in Somalia is sponsored by foreign countries or entities out to advance their economic interests in the impoverished state despite vast untapped resources, including oil and gas. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Dayton)-Nin Hubaysan ayaa ugu yaraan 9 Qof ku dilay Magaalada Dayton oo ka mid ah Ismaamulka Ohio ee dalka Maraykanka. Ninka Weerarka geystay ayaa Markii dambe Ciidammada Boolisku toogasho ku dileen, Axadda Maanta sida Madaxda Boolisku Xaqiijiyeen. Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee 24-kii Saacadood ee u dambeeyay ka dhacay Dalka Maraykanka. Weerarkan Dayton ayaa Tirada 24-kii saacadood ee u dambeeyay lagu dilay Maraykanka ka dhigaysa 30 Qof, maaddaama oo weerarkii kan ka horreeyay ee lagu qaaday Tukaan ku yaalla Magaalada El Paso ee Gobolka Texas, kaasi oo ay ku dhinteen Dad tiradooda lagu sheegay 21 Qof. Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa inta badan taliyaasha Ciidamada Jubbalanad u dhiibay shakhsiyaad kasoo jeedo Beesha Ogaadeen. Halkaan hoose ka akhriso magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan taliyaasha kala duwan ee Ciidamada Maamulka Jubbaland. Khaalid Sheikh Abdulaahi Taliyaha nabad sugida Jubaland Qabiilkiisa: Ogaadeen Tolomoge. 2: C/risaaq Cumar Foolbeer Taliye ku xigeenka nabad sugida. Qabiilkiisa Ogaadeen Ree Cabdille. 3: Tamaan Dayib Abaanduulaha nabadsugida Qabiilkiisa Ogaadeen Ree Cabdile 4: Maxamed Wali Colaad Taliyaha Ciidamada dharcada Qabiilkiisa Raxanwayn, laakiinse Reer Cabdile ayaa reer Abti u ah. 5: Taliyaha amniga garoonka Kismaayo Sidiiq Maxamuud dhogor. Qabiilkiisa Ogaadeen Cawlyahan. 6: Taliyaha amniga Dakada Kismaayo Isaaq dakadey Ogaadeen Tolomoge. 7: Taliyaha booliska Jubaland Maxamed Naasir Guul Ogaadeen Ree Cabdille 8: Taliyaha ciidamada Daraawiishata Jubaland Aadaan Koojaar Ogaadeen Ree isaaq. 9: Axmed Cumar Saahid Niiniile Abaaduulaha Ciidamada Daraawiishta Jubaland Ogaadeen Ree Cabdille 10: Taliyaha ciidamada Danab Xassan Maxamed Ciraaqi Ogaadeen Makaahiil. Taliyaha ciidamada Isku dhafka qaybta 43-aad Cabdi Xukun Ogaadeen Makaahiil Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Jubaland Mahad Yaxbul Ogaadeen Ree Cabdile. Iyo qaar kale. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Burco)-Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in deegaanka Cali Saahid oo ka tirsan gobolka Togdheer lagu weeraray badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi. Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaan ilaa iyo hadda la garayn sababta loo weeraray, hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan in rasaas badani ay ku dhacday gaadhiga uu saarnaa badhasaabku, isla markaana aanu wax ku noqo badhasaabku iyo masuuliyiinta kale ee la socday. Hadaba gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid oo la socday xiligii weerarku ku dhacay isaga iyo gudoomiyaha gobolka Togdheer oo HCTV uu khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa waxa uu yidhi “Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday gudoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba, meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka. Waa meel ka isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid. Sidoo kale mar HCTV waydiiyey sababta ay maamul ahaan u diidan yihiin in dhulkaasi deegaan laga dhigo iyo khasaaraha soo gaadhay ayaa waxa uu ku jawaabay. “Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo, khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Meydka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana maayirkii magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay qarax ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa goor dhowayd lagu aasay magaalada Muqdisho. Meydka Marxuum Yariisow oo lagu aasay qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka booliska ee General Kaahiye ayaa waxaa salaada janaasada lagula tukaday barxad ku taalla garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho. Aaska Marxuum Yariisow ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, Guddoomiyaha golaha shacabka Mursal, guddoomiyaha aqalka sare Xaashi, ra’iisul wasaare ku xigeen Mahdi, wasiiro, xildhibaano, madaxda maamul goboleedyada qaarkood iyo wakiilo ka socday, safiiro iyo dadweyne tiro badan. Source
-
(SLT-London)-Lix Qof ayaa Dalka Ingiriiska ugu dhintay Daroogo Halis ah oo ay isticmaaleen, muddo laba Maalmood gudahood ah. Dadka dhintay ayaa kala ah Saddex Rag ah iyo Saddex Dumar ah, kuwaasi oo dhammaantood ku noolaa Tuulooyin Ingiriiska mid ah oo jaar ah, kana mid ah Degmada Essex ee koonfur-bari Dalka Ingiriiska. Dadka Dhintay oo looga shakiyey inay si isku mid ah u isticmaaleen daroogo aan weli Magaceeda la shaacin, balse Warbaahintu ku sheegtay inay tahay nooca halista ah. Madaxda Caafimaadka Ingiriiska ayaa Dadweynaha ku waaniyey in aanay iibsan Daroogo, iyagoo ka cabsi qaba inay Geeri ku sababto Dadka isticmaala. Laba Nin oo Da’dooda lagu kala sheegay 26 jir reer London ah iyo 29 jir reer Essex ayaa loo xidhay Kiiska dhimashada Lixda Qof. Warbaahintu ma sheegin Magaca Daroogada ay lixda Qof isticmaaleen, balse waxay ku tilmaameen Daroojo Derajada (A) ah. Maandooriyeyaasha Derajada (A) loo yaqaano waxa ka mid ah. Cocaine Crack Cocaine Ecstasy Heroin Lysergic Acid iyo kuwo kale oo badan. Source
-
El Paso (Caasimadda Online) – Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhimatay weerar toogasha ah oo ka dhacay goob dukamaaysi oo ku taal magaalada El Paso ee gobolka Texas, Maraykanka. 26 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaasoo ahaa rasaas uu nin caddaan ah ku furay dad ka dukaamaysanayay dukaan ay leedahay shirkadda Walmart oo ay xilligaa dad badan ku sugnaayeen. Ninka la tuhunsanayahay in uu toogashada fuliyay ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa nin caddaan ah oo ku jira da’da labaatameeyada. Ninka ayaa la xiray ka dib markii uu booliska goobtaasi ku sugnaa uu isu soo dhiibay, kaasi oo ay warbaahinta maxalliga ah magaciisa ku sheegeen Patrick Crusius. Barasaabka gobolkaasi Greg Abbott oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad uga argagaxay waxa halkaa ka dhacay. “Texas waxay maanta muraga la qeybsanaysaa shacabka El Paso. Maalin si caadi ah ay dadka usoo dukaamaysan lahaayeen ayaa isu bedeshay mid ka mid ah maalmaha uu dhiigga ugu badan ku daatay taariikhda Texas, Waxaa la laayay dad maanta noolaan ahaa. Waxaa weerarkaasi ku dhintay labaatan qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Ka gobol ahaan, waxaan ka midaysanahay taageeridda dhibbanayaasha iyo qoysaskooda”, ayuu yiri barasaab Abbot. Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa falka weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil fuleynimo ah” ”Waan ogahay in aan metelo qofkastaa oo ku sugan dalkan, waxaana maanta si xooggan u dhaleyceynayaa ficilkaan nacaybka ku saleysan. Ma jirto sababo ama marmarsiyo loo sameyn karo dil looo geystay dad aan waxba galabsan”, ayuu Trump ku soo qoray bartiisa Twitter-ka. Toogashada ka dhacday El Paso ayaa ah tii siddeedaad ee ugu dhimashada badneyd ee soo marta taariikhda Maraykanka, waxaana durbadiiba bilowday dood ku aaddan xakamaynta hubka ee dalkaasi. Dhinaca kale, ciiidamada Boliiska magaalada Dayton ee gobolka Ohio ee isla Mareykanka ayaa sheegay in tacshiirad ka dhacday halkaasi ay ku dhinteen sagaal ruux . Dhimashada dadkaasi oo ka dhacday degmada Oregon ee magaaladaasi ayaa lagu waramay in sidoo kale uu dhintay qofkii ka dambeeyay falalkaasi dhimashada. Shilkaan oo ka dhacay meel dibadda ka ah Baar ayaa la xaqiijiyay in ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo loola cararay cisbitaalada,sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka. Isha: BBC
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Shirweyne xasaasi ah oo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa goor dhow ka fumay gudaha magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya. Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda ugu sarreysa ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Oromada, aqoonyahanno, siyaasiyiin, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labada dhinac. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa nabadda, dhaqaalaha, iskaashiga iyo arrimo kale. Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itooniya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo shirka daah-furay ayaa ugu horreyn ka warbixiyay ahmiyada uu shirkani u leeyahay labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la dhowro degaanaashaha iyo nabad ku wada noolaanshaha deegaanka. Sidoo kale madaxwaynaha deegaanka Oromiya Shimelisa Abdisa oo madasha ka hadlay ayaa dhankiia sheegay inuu soo dhoweynayo isku soo dhawaanshaha labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay labada shacab in ay yeeshaan iskaashi buuxa, iyada oo laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Waa shirweynihii labaad oo ay yeelanayaan Soomaalida iyo Oromada oo bilhii la soo dhaafay isku laayey gudaha dalka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Boosaaso, qaraxan ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay gaari uu la socday wasiir horey uga tirsanaa Puntland. Shire Xaaji Faarax, wasiirkii hore ee qorsheynta ee maamulkii C/weli Gaas sidoo kalena soo noqday wasiirka maaliyadda Puntland ayaa la xaqiijiyey in gaarigiisa lala eegtay qaraxan. Waxaa goobta ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada mas’uulkan, iyadoo aanay jirin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay. Laamaha ammaanka oo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay ayaa weli waxay wadaan baaritaanno, mana jirto faah faahin kale oo ay ka bixiyeen qaraxan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho goor dhoweyd ka dhacday gobolka Ohio ee waddanka Maraykanka sida laga soo xigtay Booliiska gobolkaasi. Booliiska degmada Dayton ee gobolka Ohio oo weerarku ka dhacay ayaa toogasho ku dilay qof lagu tuhmayo in uu weerarka geystay sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka. Mas’uuliyiinta degmada Dayton iyo maamulka gobolka Ohio ayaan wax faahfaahin ah ka bixin dhacdadaasi balse waxay ku gaabsadeen in weli baaritaan socdo. Toogashada ayaa dhacday wax ka yar 24-saac kadib markii Sabtidii toogasho kale uu nin hubaysan ku dilay in ka badan 20 ruux goob laga dukaamaysto ku taalla gobolka Texas ee isla dalka Maraykanka. PUNTLAND POST The post Degdeg: Toogasho kale oo hadda ka dhacday Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Shir u Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada Oo Ka Furmay Jigjiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo xoojinta iyo iskaashiga deegaannada Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya, kaasi oo ay ka qeybgalayaan ergo aad u badan. Shirkan oo ah kii Labaad ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee dowlad deegaanka Soomaaliya iyo Oromada, aqoonyahanno, waxgarad iyo sidoo kale bulshada qeybaheeda kala duwan. Inta shirkan uu socdo ayaa diiradda waxaa lagu saari doonaa nabad ku noolaanshiyaha Labada dhinac, dhaqaalaha iyo iskaashigooda. Shirkan ayaa socon doona Labo cisho, iyadoo la filayo gabagabadiisa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga shiray. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjog News Source: goobjoog.com -
Garowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa qorsheyneysa, sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis ku eedeysan Burcadbadeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garowe, iyadoo tallaabadaasi oo kale ay dhowaan qaaday Somaliland oo ay hadda ku heysato Seychelles sababta ay u sii deysay maxaabiis burcabadeednimo ugu xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in 48 eedeysanayaal ah oo loo heysto Burcadbadeednimo ay haatan si xaq darro ah ugu xiran yihiin xabsiyada maamulkaasi. Aw Cismaan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay u doodo xuquuqda maxaabiistaasi. “Xukunku caddaalad darro weeye dowladda federaalku ha u doodo maxaabiistaan, Puntland inta tabarteeda ah waa dadaashay, baarlamaanku ha u doodeen dadkaan.” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka koowaad aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Senator Abashir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo kormeer ku tegay xabsiga Garowe ayaa sheegay in ujeedka booqashadooda uu ahaa ogaanshaha xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku xukuman Burcadbadeednimada ee ku xiran xabsiga weyn ee magaaladaasi. Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa tilmaamay in arrinta maxaabiistaan ay la wadaagi doonaan madaxda sare ee dalka, islamarkaana ay jawaab ku soo celin doonaan Puntland. “Waa dadaalaynaa dowladdana waa ku war celineynaa, jawaab ayaana idinku soo celineynaa, markii hore rajadaydu waxay aheyd inaa diyaaradda ila raacdaan, laakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”. ayuu yiri Senator Bukhaari. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii Somaliland ay xabisga ka sii deysay illaa 19 maxaabiis ah oo ku eedeysnaa falal la xariira Burcadbadeednimo, hayeeshee dowladda Seychelles ayaa maamulkaasi ku dhaliishay sii deyntooda, kuwaas oo ku xukunaa 30, 36, ilaa 43 sano oo xabsi ah. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow). Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows. Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Click here Qaran News
-
Guddida madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka ee u xilsaaran maamulida iyo maareynta doorashooyinka Soomaaliya ayaa diyaar u ah iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah 16 bil gudaheed, hade waa doorasho ka dhacdo dalka oo dhan oo ay ka qeybgalayaan 5 Milyan oo qof. Guddiga waxaa ay goob walb ku soo bandhigeen, mas’uuliyiinta kala duwan iyo shacabkana tuseen shaqada ka socota xarunta guddiga, waaxyada kala duwan sida: Sharciyada, wacyigelinta, hawlgalka iyo maaliyadda iyo iney diyaar yihiin dhammaan sharciyadii, qorshihii, tababaradii loo baahnaa, qaabka diiwaangelinta, qorshaha ololaha, goobaha codbixinta, xaqiijinta natiijada iyo xataa talaabooyinka doorashada kadib. Haddaba Halkan Ka Akhriso Toban(10) Shaqo Oo Ku Tusinaya Diyaar-garowga Guddiga Doorashada: 1. Waaxyaha: Shaqada waaxyada kala duwan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa la qabtay 100% haddii ay tahay hawlgalka, wacyigelinta iyo sharciyada. 2. Wacyigelin: Guddiga Doorashada waxaa uu tagay, oo bulsho iyo madaxba uu kula kulmat 24 degmo, ugu yaraan 4 degmo ayuu ka tagay 5-ta dowlad goboleed, 100 kulan ka badan ayey ahaayeen, isaga oo gudbiyey fariimo dhinac walbo ah, coddheerna ku sheegay iney diyaar u yihiin qabashada doorashada 2020-ka. 3. Goobaha Doorashada: 1005 goob ayaa la asteeyey ilaa hadda oo ka mid ah deegaannada Koonfur galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Banaadir, waxaa socoto Jubbaland iyada oo ay harsan tahay Puntland oo keliya. 4. Nidaamka Diiwaangelinta: Guddiga waxaa uu go’aamiyey in nidaamka ku haboon diiwaangelinta uu noqdo BIOMETRIC. 5. Diiwaangelinta: Guddiga doorashada waxaa uu qorsheeyey waqtiga uu u baahanyahay bilowga diiwaangelinta codbixiyaha ilaa bixinta kaarka, dhammaan hawshaas waxay ku qaadan-doontaa 3 bil, iyaga oo xataa si wacan u qeexay diiwaangelinta kadib sida xog uruurin, kala soocid, soo bandhigidda liiska horudhaca ah iyo qeybinta kaararka. 6. Xeernidaamiyeyaal: Qeybtan waxaa ka mid ah wacyigelinta codbixiyaha, diiwangelinta, maamulka xisbiyada, maaliyadda xisbiyada, maamulka doorashada, xalinta khilaafaadka doorashada iyo arrimo kale. 7. Xeerarka Hab-dhaqanka: Waxaa ka mid ah hawlwadeennada GMDQ, xisbiyada iyo musharaxiinta, saxaafadda, korjoogtada doorashada. 8. Habraacyo: Waxaa qeyb ka ah midowga iyo isbaheysiga xisbiyada, dhismaha madasha xog isweydaarsiga iyo wadatashiga guddiga iyo xisbiyada 9. Maalgelinta Doorashada 2020: Guddiga iyo hey’adaha doorashada ku shaqada leh waxaa ay isla meel dhigeen lacagta doorashada 2020-ka ku baxeyso oo gaareysa ilaa 55 Milyan oo Doolar ah. 10. Shaqaalaha: Guud ahaan shaqaalaha loogu talogalay iney shaqada doorashada qabtaan bilow ilaa dhammaad waa 5,000. Haddaba, iyada oo guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka diyaariyey wax walbo oo dhankooda ah ayaa waxaa jiro caqabado iyaga ka baxsan, oo la’aantood aaney dhici karin doorashada la filayo 2020-ka. 3 Arrin Oo Doorashada Ku Qabsoomi Karto: 1. Sharciga Doorashada: Sharciga oo muhiim u ah qabsoomidda doorashada 2020-ka, waxaa uu hadda horyaallaa golaha shacabka ee BF, dedejinta sharciga waxaa ay sahli-doontaa in si dhaqso ah wax loo qabto, sharciga waxaa sidoo kale oo ku xiran Xeernidaamiyeyaal, Hab-dhaqan iyo Hab-raacyo muhiim u ah doorashada 2020-ka. 2. Amniga: Goobaha doorashada 2020-ka ay ka dhaceyso iyo dadka codeynaya waxaa ay u baahan yihiin amni, qaar ayaa go’doonsan, taasi oo ay tahay iney ka wada shaqeeyaan AMISOM iyo dowladda federaalka ah, waana in ciidamo gaar ah arrinkaas loo xilsaaro, haddii ay dhici weyso waa adkaan doontaa doorashada 2020-ka. 3. Heshiis Siyaasadeed: Waxaa dhibaato ka jirtaa nooca doorashada, oo waxaa jira khilaaf xoogan oo siyaasadeed oo ku aadan midka la qaadanayo “hal deegaan doorasho oo dalka oo dhan ah mise in lagu saleeyo dowlad goboleed”, taasi oo u baahan heshiis siyaasadeed. Dastuurka, amniga, xuduudaha iyo arrimo kale oo waxaa jiro u xayiran heshiis ay gaaraan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada la’aantoodna aaney dhici karin doorashada 2020-ka. W/ D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Email: gurbiyshow@gmail.com Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow). Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows. Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay laamiga weyn bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay gaari HELUX ah oo uu la socday wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxa uu gaariga la socday wasiirka, balse uu ka badbaaday. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kaas oo ka mid ahaa ilaalada Shire Xaaji Faarax. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa, kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, islamarkaana baaritaano ay ka sameeyeen halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay gudaha magaalada Boosaaso waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow). Diyaaraddii sidday marxuumkan ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka maydka la huwiyey Calanka jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso ka waraabiyo. Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Eng Yariisow oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Allaha u naxariistee waxaa goor dhow xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho lagu aasay meydka marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho. Madaxda DFS oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde. Source: goobjoog.com