Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,061
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuuseen Guuleed ayaa si kulul uga hadlay xiisada u dhexeysa Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay VOA-da ayaa walaac ka miijiyey ciidamada ay dowladdu geysay magaaladaasi, wuxuu xusay inuu ka cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo hakaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan Galmudug ay ku socoto fashil iyo burbur, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda dhexe waxaa u soo jeedinayaa arrintaas inay wanaag iyo wada hadal ku maareyso, caqliga inuu taliyo, waxaa ka cabsi qabnaa inuu yimaado dagaal iyo fadqalo”ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug. Guuleed oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray “Ciidamada laga soo daabulayo gobolka ay Muqdisho u baahneyd in ammaankeeda lagu sugo, uma maleyn maayo maslaxad inay keeneyso, Galmudug ciidan uma baahno, qori uma baahno, waxay u baahan tahay caqli iyo maskax” Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uu shaaciyey inuu bur-buray heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay dowladda dhexe inay ka baxday heshiiskaasi, waxaana ku dhawaaqday dagaal ay sheegtay inay isku difaaceyso. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  2. (SLT-Tokyo)-Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa Maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada Tokyo ee Caasimadda Japan. Shirweynahan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Tokyo ee dalka Japan. Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Source
  3. (SLT-Pakistan)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka fiirsanaya in uu xidho garoon diyaaradeed oo ay ka soo degaan shixnadaha ganacsi ee Hindiya. Xayiraada ganacsi ayaa dhanka kale saameyn ku yeelan doona dhaqaalaha Hindiya. Xidhiidhka u dhaxeeya labada wadan ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, tan iyo markii xukuumada Delhi ay xayiraada ku soo rogtay gobolka Kashmiir. Qoraal uu ku soo qoray bartiisa wasiirka Seyniska iyo Tiknoolajiyada Fawaad Choudry ayuu ku sheegay in Ra’isul wasaaraha Pakistan uu ka fikirayo sidii uu u xidhi lahaa garoon diyaaradeed oo ku yaalla Pakistan kana soo dagaan shixnadaha Ganacsi. Arintaan ayaa dhanka kale saameyn doonta ganacsiga Hindiya ay u dhoofin jirtay Afghanistan. Source
  4. (SLT-Tehran)-Waaxda cadaaladda ee Iran ayaa sheegaysa in nin haysta jinsiyadaha Britain iyo Iran, 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u basaasayay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Anousheh Ashouri ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan $36,600. Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK ayaa xaqiijayay inay taageerayeen qoyska ninkan haysta jinsiyadaha UK iyo Iran. ”Safaaraddeena ku taalla Tehran way sii wadi doontaa codsigeena ku aaddan taageeridda qoyska ninkan la xukumay”, ayuu intaasi ku sii daray xafiiska. ”Sida loola dhaqamo dadka haysta jinsiyadaha kala duwan ee lagu xira Iran, waxaan kiisaskooda ula tacaalaynaa si gaar ah oo ku saleysan heerka ugu sareeysa. Waxaan Iran ku boorrinaynaa in dadkaasi iyo qoysaskooda ay dib u mideeyaan.” Iran ayaa sannadadii ugu dambeeyay xidhay tiro dad ah oo haysta jinsiyado kala duwan iyo kuwa ajaanib ah, kuwaasi oo intooda badan lagu soo eedeeyay dambiyo basaasnimo ah. Dadkaasi waxaa ka mid ah Nazanin Zaghari-Ratcliffe oo haystay jinsiyadaha Ingiriiska iyo Iran ayaa sannadkii 2016-kii lagu xukumay shan sano xarig ah. Dowladda Iran ayaanan aqoonsanayn muwaadiniinta reer Iran ee haysta jinsiyadaha kale. Xidhiidhka Iran iyo UK ayaa toddobaad yadii ugu dambeeyay aanan wanaagsanayn ka dib markii ay isku khilaafeen maraakiibta shidaalka ee ay kala afduubteen. Afartii bishii July markab kuwa shidaalka qaada ah ayaa xeebta Gibraltar waxaa ku qafaashay ciidamada badda ee UK, ka dib markii looga shakiyay in uu markabka baal maray sharciyadii cunaqabateenta ee Midowga Yurub kaas oo ahaa in markaabita shidaalka sidda aysan geli karin gudaha dalka Suuriya. Markabkaasi ayaa la sii daayay 15-kii bishan Ogosto, balse Iran ayaa weli haysata markab kuwa shidaalka qaada ah oo uu ka dulbabanaya calanka Britain, kaaso oo ay Iran qafaalatay 19-kii bishii July. Source
  5. Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Marxuum Maxamed Amiin Sheekh. NISA ayaa sheegtay in ninkaasi lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo laga fuliyey xaafadda Carafaad ee degmada Yaaqshiid . Sidoo kale waxa ay hay’addu soo bandhigtay cajalad muujineysa qalab ay ka mid yihiin telefano, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada. Ma shaacin taliska nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka magaca ninkaasi iyo waxa uu u qaabilsanaa Al-Shabaab. “NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Qaraxa lagu dilay Marxuum Amiin oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay allaha u naxariistee Maxamed Amiin Sheekh oo ahaa xoghayihii hore ee gobolka Banaadir. NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid lagu soo qabtay ninkaasi. Sidoo kale waxa ay hay’addu soo bandhigtay cajalad muujineysa qalab ay ka mid yihiin teleefano, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada. Ma shaacin taliska NISA magaca ninkaasi, balse sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa amniyaat-ka Al-Shabaab. “NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaan.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay’adda NISA. Qaraxa lagu dilay Marxuum Amiin oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray, islamarkaana ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidanka Xoogga. Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciimada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guulo wax ku ool ah kasoo hooyeen howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen. Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad gobaleed loo dhanyahay ayaa caddeeyay dowladdu ay mar waliba u taagantahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Kaltumo Abikar (not her real name) has been raped on two separate occasions this year while seeking domestic work in houses in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  10. Dhuusarameeb (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in dowladda Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna Waljamaaca. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay weli dhowreyso heshiiska ay wada galeen labada dhinac. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda dhexe ay ku dadaaleyso sidii loo heli lahaa Galmudug oo loo dhan yahay. Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Halka hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-guuleed-1.mp3 View the full article
  11. Washington (Caasimada Online) – Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump ayaa ansixiyey sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga eryo Congress-ka dalkaasi. Xisbigan oo ka taliya gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyey hadallada Ilhaan ee ka dhanka ah Israel iyo wax ay ku sheegeen kala sooca dadka Mareykanka ah. Hindisahan ayaa waxaa soo gudbiyey Tommy Hanes oo ah Xildhibaanka gobolka Alabama ku matala aqalka hoose, iyadoona ay meel mariyeen golaha GOB ee Xisbiga Jamhuuriga. Sidoo kale guddi ka socda golaha deegaanka Alabama ayaa tagi doona xarunta aqalka hoose, iyaga oo doonaya in Ilhaan Cumar laga eryo guud ahaan Congress-ka. Dhanka kale illaa iyo hadda Ilhaan kama aysan jawaabin codsiga ay soo jeediyeen wakiillada gobolkaasi. Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa inta badan warbaahinta isku mariya hadallo kulul oo mid kasto ku weerarayo kan kale. Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
  12. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maanta lagu soo xirayaa shir looga arrinsanayey arrimaha dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya oo dibu eegis lagu samaynayey. Shirkaan ayaa waxaa muddo saddex maalmood ah uu Garoowe uga socdey guddiyada dastuurka ee barlamaanka labada aqal ee dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Cuttubyada 10aad ilaa 15aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa aad diiradda loogu saarayey sida uu Puntlandpost u sheegay mid kamid ah xildhibaanada golaha shacabka u qaabilsan dastuurka ee ka qaybgalay. PUNTLANDPOST The post Shir dib loogu eegayey dastuurka Soomaaliya oo Garoowe lagu soo xirayo. appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-28082019.mp3 View the full article
  14. Turkey has revealed a United Arab Emirates (UAE) spy network that has been operating all over the country, Source: Hiiraan Online
  15. Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan casho sharaf iyo xog waraysi isugu jira la qaatay Madasha Guddiyada Dastuurka dalka, kuwaasoo maalamahan uu shir uga socday magaaaladda Garoowe. Kulankan Cashada ah ee Madaxweyne ku xigeenku u sameeyay Madasha Guddiyada Dastuurka oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid, waxaa ka qeybgalay ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash oo khudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa amaanay dadaalka socda ee lagu qabyo-tirayo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland diyaar u tahay marteglinta kulan kasta oo la’isugu soo dhoweynayo Ummada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay fidsantahay gogoshii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka qaybgalay casho sharaf loo sameeyey guddiyada dastuurka. appeared first on Puntland Post.
  16. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-hishiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay magaalada Dhuusamareeb ka hadlayey ayaa sheegay in Ahlu-sunna ay burisay Heshiiskii ay la gashay dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa soo bandhigay nuqul kamid ah Heshiiskii labada dhinac isagoo oo warbaahinta ka akhriyay qodobada ku qoran waxaana uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taagantahay qodobadaasi balse Ahlu-sunna ka baxday. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli shalay Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ay ku dhawaaqeen in uu gebi ahaanba burburay heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya kadib markii sida ay sheegeen xukuumaddu ka baxday. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo Ahlu-sunna ku eedaysay in ay ka baxday Heshiiskii labada dhinac appeared first on Puntland Post.
  17. Ismail Ajjawi made headlines in Lebanon as a 14-year-old growing up in a ramshackle camp for Palestinian refugees — for being one of the top scorers on the country’s primary school exams. This year he aced the secondary school exam, helping earn him a full scholarship to Harvard University. Source: Hiiraan Online
  18. Entebbe, Uganda (CNN) — After a delay to flights that lasted nearly 20 years, Uganda Airlines has once again taken to the skies above Africa, restoring its status as the country's national carrier. Source: Hiiraan Online
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Koloneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo mar soo noqday wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah waxaa uu siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxaa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhibaatada ciidamada Kenya ka geystaan dalka. Barre Hiiraale ayaa si layaab leh u sheegay in ay muhiim tahay in xilligan gacan la siiyo Al-Shabaab, si buu yiri loola dagaalamo ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Barre ayaa arrintan sabab uga dhigay in dowladda Kenya ay duulaan ku tahay dalka soomaaliya, awoodda jabin kartana ay tahay dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa sheegay in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana ay dhib badan ku hayaan qarannimada umadda Soomaaliyeed. Barre Hiiraale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay iminka haysato dhibaato ka badan Al-Shabaab oo ah ciidamada Kenya, sidaas darteedna ayaga lagu taageero inay ka adkaadaan Al-Shabaab. Hoos ka dhageyso wareysiga Barre Hiiraale https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Qaybta-2-aad-Wareysiga-Barre-Hiiraale-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Kenya is urging the UN to list Al-Shabaab under the same sanctions as Al-Qaeda and the Islamic State, but foreign donors say the move could leave millions in drought-stricken Somalia without aid. Source: Hiiraan Online
  21. Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay iclaamiyeen daagal ka dhan ah dowladda. Af-hayeenka Ahlu-sunna Ibraahim Xaashi Cosoble oo warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu-sunna, islamarkaana ay dagaal qaawan ku soo qaadday degaannada Galmudug iyadoo adeegsanaysa ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsanaan jiray Al-shabaab. Sidoo kale Ahlu-sunna ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka la socod-siisay in cawaaqibka dagaalkaasi ka yimaada ay mas’uuliyaddiisa qaadayso dowladda Soomaaliya. Halkan ka daawo Warkaas oo faahfaahsan:- Qaran News
  22. Democratic Minnesota Rep. Ilhan Omar gave a shout-out to the land of her birth, Somalia, in honor of its Independence Day. “Happy Independence Day Somalia,” Omar tweeted on July 1st. “Somalia hanoolaato,” she added, which means “Long live Somalia.” Omar should have included a shout-out to Israel, the country she loves to bash as racist and colonialist, for being the first of 34 countries, including the United States, that recognized Somaliland after it gained independence from the United Kingdom on June 26, 1960. Unfortunately, things did not go as smoothly for Somaliland as its people had hoped for in their yearning to be free, something that Omar neglected to mention in her celebration of her homeland’s independence. Somaliland first decided to join the larger area to its south that had been under Italy’s control and form what became known as the Republic of Somalia. However, Somaliland tried to declare its own independence in 1991 from what had become a failed state beset by civil war. That happened to be the same year that Omar fled the civil war in Somalia with her family, settling in a Kenyan refugee camp. Omar and her family then came to the United States when she was 12 and became a U.S. citizen several years later. “The lesson is to be hopeful, to dream and to aspire for more,” said Omar last year. The people of Somaliland also aspire for more than remaining tied to the corrupt regime that Omar and her family managed to escape from. But the Somaliland people have not been as lucky as Omar. By an overwhelming supermajority of 97 percent, the Somaliland people voted for adopting an independent constitution in a 2001 referendum monitored by an outside group, the Initiative and Referendum Institute that is affiliated with the University of Southern California. Somaliland has taken significant steps to demonstrate its preparation for independence. It has, for example, its own constitution, bicameral legislature, court system, and executive branch, along with its own police force and currency. However, Somaliland remains in limbo. No countries have stepped forward to recognize it as a sovereign state separate and apart from the corrupt, war-torn Somalia regime to the south. Somalilanders are in effect being held hostage to this regime. Without being recognized as an independent country in the international community, the Somaliland government cannot participate directly in forums in which international aid distribution is discussed. This means that international humanitarian aid, including food, that Somaliland’s food insecure people so desperately need is routed first through Mogadishu. The Somaliland government cannot get loans from the World Bank or attract a significant number of international investors until it is able to break away entirely from the failed state of Somalia. But the Somalia regime in Mogadishu refuses to let go of Somaliland. Omar, who sits on the powerful House Foreign Affairs Committee, has not spoken out to address the hopes and aspirations of the Somaliland people. For Omar, it’s all about her beloved Palestinians, baby. On the other hand, Israel, the country that Omar loves to hate, reportedly put out feelers nearly a decade ago indicating its willingness to consider restoring its recognition of Somaliland as an independent state – this time, independent from the Mogadishu regime. And the people of Somaliland, where Islam is the official religion, appear interested in developing a good relationship with the Jewish State of Israel. Abdirahman M. Dirye is a Somaliland activist and Senior Editor at The Democracy Chronicles, African news edition who wrote that “other Somalis hate Somaliland for its pronounced stand with suffering Jews.” He added, “Somaliland needs not only Israeli economic and military assistance to remain a bulwark against growing terror in the Horn of Africa but also needs world Jews to stand by Somaliland’s outright independence.” Somalia’s government in Mogadishu fired a high-level official in its Foreign Ministry for daring to suggest that it would be a good idea for the Somali government to establish diplomatic relations with Israel. “It is in our interest to welcome Israel,” he wrote, while criticizing the Palestinians for being their own worst enemies. Also, Somalia’s envoy to Switzerland and representative to the United Nations in Geneva drew the ire of her bosses when she abstained from a United Nations Human Rights Council condemning Israel over its control of the Golan Heights. The Somali Foreign Ministry immediately summoned her to return to Mogadishu. A report claims that Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad took the action to summon the ambassador only after receiving a call from Congresswoman Ilhan Omar. The Somali government denied the report, which could not be verified. The report is plausible, however, since Omar and the foreign minister do know each other. Moreover, Omar endorsed Somalian President Mohamed Abdullahi Mohamed (known as “Farmaajo”) in an election described as one of the “the most fraudulent political events in Somalia’s history.” Omar’s brother-in-law, who is a U.S citizen, by no coincidence entered Somalia’s government as the permanent secretary of Farmaajo’s hand-picked prime minister. Nevertheless, despite (or probably because of) her high level connections with the corrupt Somali government, Omar has done nothing as a member of the House Foreign Affairs Committee to help the people oppressed by that regime. Just like Omar herself, the government of the land she escaped hates Israel. You can take Rep. Ilhan Omar out of Somalia, but you can’t take the anti-Semitic hatred for the Jewish State of Israel out of Omar, which she no doubt began to learn during her childhood days in Somalia. And she has turned her back on the people of Somaliland who deserve to be free from the corrupt regime to the south Frontpage Mag Qaran News
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Africa ayaa beeniyey in saddexdii maalin ee la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen gobollada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland. AFRICOM ayaa shaacisay in aysan jirin duqeymo ay fuliyeen 25-kii, iyo 26-kii bishan August oo la sheegay in ay ka dambeysay dowladda Mareykanka. Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in wararka la baahiyey aysan aheyn kuwa jira. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu ka geysanno Soomaaliya,iyo meelaha kaleba,waxaan ku baahinnaa Website-keenna iyo barteenna Twitter-ka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu duqeymo xoogan oo dhanka cirka a ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com