-
Content Count
213,939 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-____-Warraka-03092019.mp3 View the full article
-
3rd September 2019 PRESS RELEASE Somali National Army Personnel graduate from UK led training in Baidoa This month, the Somali National Army celebrated the graduation of a further 98 soldiers from British military training in Baidoa, the capital of Southwest State in Somalia. The UK has built a training centre in Baidoa, including a state-of-the-art firing range that was opened by Southwest State’s President, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, and the UK’s Africa Minister, Andrew Stephenson, on 21 August. Construction of 450 barracks for the Somali army has just started on the same site. The 16-week training, involving a mix of theory and practical lessons, covered defensive positions, vehicle check points, dealing with improvised explosive devices, first aid, safe weapon handling and leadership. The UK training has already shown its value. Attacks in Baidoa have fallen since the Somali army built defensive positions around the city as part of their course, and some of those on the course used their new skills in a successful attack against Al Shabaab in the area of Daynunay this month. Speaking during the graduation ceremony, the Commander of British Forces in Somalia, Colonel JL Baynham, said: “The training is being delivered by highly experienced specialists. It’s focused on building really strong infantry skills, which are what the Somali army most needs to defeat Al Shabaab. The Somali soldiers are very able and keen to learn. We are already seeing the benefits, for the individuals, their units and the security of the area.” The British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: “The Somalis are working to improve security after decades of conflict and terrorism. The UK is a major partner and the only country providing military training outside Mogadishu. Baidoa is a vital location in the fight against Al Shabaab. We need to stay the course, but over the last year, Somalia has made real progress towards building its future army, and in conducting operations. We’re delighted to support that.” The course is part of an on-going programme of support to the Somali National Army’s 60 Division. Graduates will now receive additional medical, planning and command training. The UK has delivered training to over 900 members of the Somali National Army since January 2017. The focus has been on medical skills, leadership development, intelligence, equipment care, logistics and the rule of law. Qaran News
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray goobaha ay magaalada Dhuusamareeb uga suganyihiin ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee qayb ka ah ciidamada ka shaqeynta adkeynta amniga xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in ciidamada booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ay yihiin ciidamo ka howl-gala meel kasta oo dalka kamid ah ee qaranku u diro in ay ka shaqeeyaan ayaa faray in ay laba jibbaaraan dadaallada ay uga qayb qaadanayaan amniga Dhuusamareeb si looga mira dhaliyo qorshaha dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta lagu qabanayo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo deegaannada ergada shirka ka qayb geleysa ay magaalada ka deganyihiin. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa shalay u yimid magaalada Dhuusamareeb dardar-gelinta dadaallada lagu dhammeystirayo qorshaha dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug iyo furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kenya ayaa dalbatay in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca. Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca. Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan. Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo. Kenya ayaa sheegatay qeyb ka mid ah xeebaha Soomaaliya oo uu shidaal ku jiro. Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ka dacweysay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, waxaana qorshuhu yahay in dacwadda la galo 9-ka bishan September. Kenya oo aan kalsooni ku qabin sheegashadeeda lahaanshaha biyaha Soomaaliya, ayaa xusul duub ugu jirta in dacwada dib loo dhigo ama wada hadal lagu dhammeeyo, taasoo muujineysa taag darrada dooddeeda ay ku sheeganeyso biyaha Soomaaliya. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seertay codsiga Kenya ay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ uga dalbatay in la hakiyo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray waxa uu codsiga Kenya cudur daar uga dhigo in Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah. Si kastaba, Soomaaliya ayaa diiday codsiga Kenya, waxaana la filayaa in berri ay warqad rasmi u dirto maxkamadda ICJ, kuna war-geliso go’aankeeda, iyo inay diyaar u tahay in kiiska uu sii socdo. Soomaaliya ayaa ku doodi doonto in haddii Kenya ay dooneyso inay qareeno cusub qoroto ay haystay in ka badan hal sanno, oo ay sidaas ku sameyso, sidaas darteedna cudur-daarkaas aan iminka la aqbali karin. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa la qorsheeyey in u dhaco maalmaha Isniinta illaa jimcaha ee 9-ka illaa 13-ka bishan September. Diidmada Soomaaliya ayaa la macno ah, in Kenya ay ku qasbanaan doonto inay maxkamadda hor-timaado, haddii ay sidaas sameyn weysana kiiska uu socon doono la’aanteed. Go’aanka kasta oo dib loogu dhigayo kiiska ama lagu joojinayo waa inay isku racaan labada dhinac ay maxkamadda ay quseyso, waxaana diidmada Soomaaliya ay la macno tahay inuusan Kenya u furneyn albaab ay uga baxsan karto kiiska. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Dalka Kenya ayaa bishan bilowgeeda codsi dhib-u-dhigis ah xagga dhageysiga dacwada ah u diray maxkmadda cadliga adduunka. Warqad ku taariikheysan 2bada September oo loo diray maxkamadda ayey ku codsadeen in Dib loo dhigo dhageysiga dacwada Dhanka kale ilo xogogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenyaanku doonayaan talaabo kale oo waali ah, taas oo ay ku kala dirayaan dhammaan qareenadooda si dacwada dib loogu dhigo 12 bil oo kale. Haddii ay sidaasi sameeyaan waxaa dhaceyso : –In ay xilligaas wadahal raadiyaan iyo xal diblomaasiyadeed ula galaan Soomaaliya. – In dalalka Afrika iyo Midowga Afrika ka dhameeyaan in dacwada iyagu dhageystaan oo laga soo wareejiyo maxkamadda qaramada midoobey. – Iney ka shaqeeyaan iney isjiidjiidka gaaro marlaxadda kala guurka ee Soomaaliya kadib, oo ay la macaamiilaan maamulada iman doona Soomaaliya 2021ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ku codsaday in la hakiyo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Kihara ayaa qoraalkiisa ugu cudur daartay in Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah. Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa la qorsheeyey in u dhaco maalmaha Isniinta illaa jimcaha ee 9-ka illaa 13-ka bishan September. Hase yeeshee xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa qoraalkiisa ku sheegay “sababo la xiriira duruufo aan caadi ahayn” dartood in Kenya aysan tegi doonin maxkamadda. Qoraalka ayaa intaa ku daray inay arrin muhiim iyo cadaalad tahay in wakiilo ka socda Soomaaliya iyo Kenya ay joogaan dhageysiga. “Xeerarka maxkamadda ayaa ogolaanaya hakinta dhageysiga kiiska, si labada dhimnac loogu ogolaado furad lagu matalo” ayuu Kihara ku yiri qoraalkiisa. Qoraalka Kenya ayaa imanaya ayada oo Soomaaliya ay laba toddobaad ka hor diiday casuumad uga timid Midowga Afrika, si arrintan looga wada-hadlo, kadib markii ay sidaas dalbatay Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa iyana diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda u xaqiijiyeen Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka. Tababarka uu Ra’iisul Wasaaruhu maanta soo xiray oo saraakiisha lagu barayay hab maamulka, kala sarreynta iyo xeerarka uu ku dhaqmo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ujeedkiisu ahaa in kor loogu qaado aqoonta iyo garaarka iyo aqoonta ciidanka, si ay hannaanka ugu habboon ugu gutaan waajibaadka ka saaran badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed. Saraakiisha ciidamada ee tababarka loo soo xiray oo qayb ka ah ciimadadii dhawaan la qarameeyay ee lagu dhafay ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in ay aad uga faa’iideysteen intii uu socday, ayna dhaqan geli doonaan. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in dowladdu ay muhiimad gaar ah siineyso hagaajinta xaquuqda ciidanka, ayaa saraakiisha uu tababarka u soo xiray kula dardaarmay faray in ay ka shaqeeyeen ilaalinta nabad-gelyada iyo xoreynta deegaannada ay cadawgu uga suganyahaya Galmudug. Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa sidii ciidanka xoogga dalku ay guud ahaan u hanan lahaayeen amniga dalka, ayaa wadda qorshe ballaaran oo dib loogu dhisayo ciidanka, lagu tayeynayo, laguna qalabeynayo si ay u soo celiyaan sharafka iyo karmaamada ummadda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-03092019.mp3 View the full article
-
Jilib (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa shaaciyey in Weerar duqeyn ah ay ku qaadeen degmada Jilib, iyadoo lagu beegsaday Argagixisada Alshabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRICOM. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay Maanta oo ku beegan 3/9/2019 weerar dhinaca cirka ah ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaas lagu dilay xubin ka mida Alshabaab isla markaasna uu weerarkaan ka mid yahay qorshaha lagu carqaladeenayo isku socodka iyo howlaha argagixiso ee Alshabaab. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay inay weli socoto qiimeynta lagu sameenayo khasaaraha ka dhashay weerarka duqeynta ahaa. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gudaha iyo Dibadda Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 sare u qaaday weerarada iyo duqeymaha ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab ee laga fulinayo gudaha Soomaaliya. Dowldda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin duqeyntaan ay sheegtay Mareykanka inay ka fulisay Magaalada Jilib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali KHEYRE, ayaa maanta figeeyay islamarkaana muddo saacad ka badan ah xiray askar ilaalo u aheyd madaxa xukuumadda Galmudug iyo hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud Sheekh Xasan. Arrintaan ayaa ka dhacday madaxtooyada magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, waxaana ka dhashay doodo badan oo aad looga hadal hayo magaalada. Arrintaan ayaa waxaa sababay kadib markii hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ay damceen in ay galaan madaxtooyada Galmudug si ay kulan ula yeeshaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana ilaaladooda lagu amray in ay hubka dhigaan oo aysan hub lageli karin halka uu joogo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Sheekh Shaakir iyo Macalim Maxamuud ayaa u galay ra’iisul wasaaraha waxayna la qaateen kulan gaar ah, iyagoo ka dhaqaajiyay ilaaladooda oo garba duub u xiran sida ay noo sheegeyn goobjoogeyaal. Labadaan hogaamiye ayaa markii hore si caadi ah ilaaladooda ula geli jiray halka uu joogo ra’iisul wasaaraha, balse markaan sidii hore waa iska badashay xaaladda iyadoo ay muuqato in la wiiqay awooddii Ahlu-Sunna ee Galgaduud. Ciidankii la xiray ee ilaalada u ahaa madaxda Ahlu-Sunna ee gobalada dhexe ayaa la soo sheegayaa in markii dambe uu amray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in la sii daayo balse aysan soo gelin gudaha madaxtooyada inta uu joogo ra’iisul wasaaraha. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxa Galmudug iyo hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macalim Maxamuud oo arrintaan ku saabsan. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa iminka u fadhiya arrimo la xiriira muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Golahan ayaa ka hadlaya soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xiriira in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Goobjoog News ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soojeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. Wararka aanu helnay waxaaa ay intaasi ku darayaan in Soomaaliya ay shirka ka baxday iyada oo muujineysa sida aaney raali uga aheyn doodda socota, loona baahneyn. Golahan waa 15 dal, waxaa bariga Afrika uga jira Rwanda, Kenya iyo Djiboti. Horay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa midowga Afrika ugu gudbiyey qoraal ah: in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay maxkamadda cadliga, isla markaana ka war sugayaan. Kenya ayaa waxaa ay wadaa cadaadis walbo oo looga hortagayo in doodda ay ka bilaabato ICJ 9ka bishan, laakin Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in halkaas la tago, laguna qanco natiijada. Dhanka kale ilo xogogaal ah ayaa Goobjoog News u sheegay in Kenyaanku doonayaan talaabo kale oo waali ah, taas oo ay ku kala dirayaan dhammaan qareenadooda si dacwada dib loogu dhigo 12 bil oo kale. Haddii ay sidaasi sameeyaan waxaa dhaceyso : – In ay xilligaas wadahal raadiyaan iyo xal diblomaasiyadeed ula galaan Soomaaliya. – In dalalka Afrika iyo Midowga Afrika ka dhameeyaan in dacwada iyagu dhageystaan oo laga soo wareejiyo maxkamadda qaramada midoobey. – Iney ka shaqeeyaan iney isjiidjiidka gaaro marlaxadda kala guurka ee Soomaaliya kadib, oo ay la macaamiilaan maamulada iman doona Soomaaliya 2021ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
One Al Shabab militant has been killed on Tuesday as a result of new airstrike in Jilib town area of Somalia. The United States Africa Command conducted the airstrike in coordination with the Federal Government of Somalia targeting an al-Shabaab terrorist in the vicinity of Jilib. The director of operations at US Africa Command, US Army Major General William Gayler said in a statement, “We continue to place pressure on terrorist networks at the same time our Somali partners are making progress on the ground.” “These strikes certainly disrupt the network and remove terrorists from causing further harm,” he further added. The US Africa Command said that strikes near Jilib disrupt al-Shabaab’s freedom of maneuver. According to the current assessment of US Africa Command, no civilians were injured or killed as a result of this airstrike. View the full article
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has held a meeting the top leadership of Ahlu Sunna group in Dhusamareb town in central Somalia on Tuesday. The PM who arrived in the central town of Dhusamareb, the capital of Galmudug state, on Sunday evening is expected to open a long-delayed reconciliation conference. Government ministers, including ministers of interior and security, members of the two Houses of the Federal Parliament, Galmudug state officials, military officials and members of the public welcomed the prime minister at Ugas Nur Airport in Dhusamareb. Prime Minister Kheyre, who is visiting Dhusamareb for his second time in two months, is expected to open the Galmudug reconciliation conference in which delegates will discuss the formation of an inclusive regional government in Galmudug state. View the full article
-
A case has been filed in the International Court of Justice (ICJ) against its President’s conduct in the Kenya-Somalia maritime dispute. The suit was filed Monday by David Matsanga, the Chairperson of the Pan African Forum, who wants the presiding judge in the case, Abdulqawi Ahmed Yusuf, to recuse himself. In his application, Matsanga wants the judge cited for subjudice for allegedly commenting about the Kenya-Somalia case outside court and conflict of interest because he is a Somali national. Matsanga is apprehensive of a ‘risk of an unbalanced and a biased outcome’ in the case. “We have interest in the Kenya/Somali case as regional natives of the East and the Horn of Africa,” he said. On the judges’ nationality, Matsanga said, “As a Somali national, his heart falls near Somali,” adding that the judge had been addressing matters pending before the court in forums outside the court. “As a Pana African Forum, we view these statements as roadside shows that makes the President of the ICJ not fit to preside over the matter between Kenya and Somalia,” he said. He urged Kenya not to take part in the ICJ proceedings, in sentiments shared by petitioners in a case filed in Nairobi, where a lobby group moved to court seeking to compel Kenya to keep off the matter, in favour of an alternative dispute resolution process. “We call upon the government of Kenya not to take part in the proceedings on September 9, 2019 if the President of ICJ will be on the panel because this will create a miscarriage of justice,” he said. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland oo dhowaan Madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay xayiraada ka diyaaradaha ka qaado garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo. Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa ay xildhibaanada ku sheegeen in dadka rayidka ah ay dhibaato kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaado duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. “Xildhibaanada oo si qoto dheer uga hadlay dhibaatada ay dadka rayidka ah kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaaddo duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulanka Xildhibaanada. “Xildhibaanada ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu daran ee ka dhashay xayiraadda ay gaareen dadka rayidka ah, sida dadka xanuusan oo ay adag tahay in dhaqso lagu gaarsiiyo goobaha Isbitaalada maadaama xayiraad la saaray diyaaradahii tooska ahaa”. Sidoo kale Xildhibaanada baarlamaanka Jubbland ayaa “afduubka” ku tilmaamay Xariga Ciidanka Booliska Soomaaliya ay magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay ugu geysteen Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo wajahaya eedo loo heysto. Ugu dambeyn Xildhibaannada ayaa dowladda ay ka dalbadeen in xurriyadiisa la siiyo Wasiirka.
-
MAY AHEYN IN MAANTA SIYAASADA SOMALIA SHACBIGA IYO XISBIYADA SOMALILAND SAAMEYN KU YEELATO , IN AY SOMALILAND SAAMEYN KU YEELATO TA SOMALIA MOOYAANE !!! Waxa aan qarsoonayn oo muuqata in dawlada federalka Somalia oo u taag la in ay amni ka dhaliso magaalada Muqdisho ay saameyn siyaasadeed Somaliland ku yeelato marka laga yimaado sharciyada qaanuuniga ah ee loogu aqoonsan yahay dawladii jamhuuriyada Somalia ee burburtay dawladnimadeedii , iyada oo la ogaa in dawladaasi ahayd laba dawladood oo isku tagey oo la kala Somaliland British Protectorate iyo Somaliland Italian colony oo maanta la kala noqday dawladnimadoodii iyo waxii ay isku darsadeen . Taasi oo ah marka aad u fiirsato aragtida Dadweynaha ee baraha bulshada waxa ay la kala safan yihiin mucaaradka Somalia iyo Muxaafidka Somalia , hadiiba aan sii qeexo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa ay la safan yihiin dawlada farmaajo halka taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay la safan yihiin mucaaradka dawlada farmaajo . May ahayn maanta in ay saameyn inagu yeelato dawlad iyaduba dalkeedii iyo magaalo madaxdii maamuli kari la oo liicliicaysaa ee waxa ay ahayd hadiiba cidi saameyn siyaasadeed yeelanayso in ay Somaliland saameyn ku yeelato sida dawladaha kale ee Kenya iyo Ethiopia ay ugu leeyihiin saameynta siyaasiga ah oo taageeradooda iyo danahooga ugala soo dhex baxaan Somalia. Arimahani waxa ay tilmaamayaan in saameynta Somalia Somaliland ku yeelanaysaa ay keentay hoos u dhac ku yimid siyaasada Somaliland oo heerarkii ay taagnayd hoos uga soo dhacday iyo Somalia oo awoodaheegii dhaqaale iyo dublamaasiyadeed isugu geeyay cabudhinta iyo cadaadinta qaranka jamhuuriyada Somaliland. Hadii ay sidani sii jirto oo ay Somalia Somaliland faragalinta siyaasadeed iyo cabudhin diblomaasiyadeed ugu hayso , waxa ay sababaysaa in ay Somaliland ka abuurto xasilooni daro taasi oo khatar ku ah Geeska Africa iyo guud ahaan bariga Africa oo ay Somaliland ka mid tahay meelaha ugu nabadgalyada iyo dimuqaradiyada hogaanka u haya guud ahaan Africa , walow ay dib u dhacyo doorashooyin xagal daaciyeen nidaamkii dimuqaradiga ahaa ee dalka ka hanaqaaday. Waxa iyaduna Somaliland qalad laga galay iyo eex ku ah in iyada Somalia aduunku u cadaalad sameyn waayo oo ay u janjeedhsamaan dhinaca Somalia , arinkaasi oo tacadi iyo meel ka dhac ku ah rabitaanka iyo dawladnimada dadka reer Somaliland , waxaana ay tilmaamaysa in aan xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta reer Somaliland aan aduunku ixtiraamin ee uu iska indha tirayo ilaa maanta iyada oo dadka reer Somaliland 28 sanadood ka hor dawladnimadoodii kala soo noqdeen Somalia. Waxa aan halkan talo uga soo jeedinayaa siyaasiyiinta iyo axsaabta siyaasada ee Somaliland oo aan leeyahay waa ayaan daro in Somalia oo maraysa halkii ay Somaliland maraysay 1990skii aynu siyaasadeeda daba galno halkii inaga Somali iyo Geeska Africa oo dhan la inaga daba socday ee la inagaga dayanayey dib u heshiisiinnta , dhismaha dawladnimo iyo nidaamka dimuqaradiyada oo aynu hormuud ka nahay ilaa maanta Geeska Africa. Waxa aan arkayey in Somaliland wadahadaladii Somalia dib u ogolaatay iyada oo shuruudo ku xidhay , haseyeeshee waxa isweydiin leh wadahadaladii horeba way midho dhali waayeen oo qodobkii ahaa in Somaliland iyo Somalia caalamku dhexdhexaadiyo oo si siman loola macaamilo xataa muu suurto galin oo Somalia ayaa aduunku u janjeedhsamay xagooda taasina waxa ay gef ku tahay shacabka reer Somaliland iyo dawladooda . Waxa hubaal ah in dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin jiritaanka iyo waxwada lahaanshaha qaranimada Somaliland , laakiin xafiiltanka iyo xadhig jiidadka siyaasiyiinta ayaad moodaa in uu shacabka dhex keenay dood iyo in lala kala safto siyaasada Somalia , taasina maaha wax maanta dalkan iyo dadkan kumayaalka halyey u soo naf waayeen oo dhiigoogii u hureen anfacaysa iyo wax la filayey midnaba. Fiirogaara: Somalia waa dal iyo dawlad soomaaliyeed oo inoola siman dawladaha jaarka ee Ethiopia iyo Djibouti laakiin aan qirsanayn in Somaliland iyo Somalia dawladnimadoodii la kala noqdeen oo wali ina tirsanaysa markaa in aynu ku milano maaha oo hore ayey umadani go’aan uga qaadatay , laakiin way jiraan shaqsiyaad iyagu isaga shaqo tagey Somalia oo aan cidna matelin. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil Qaran News
-
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo muddo laba todobaad ah dalka kaga maqnaa safar dibada ah ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtey Soo laabashada gudoomiyaha ayaa waxaa ay ku soo beegantay xili xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadu aaney wax heshiis ah ka gaadhin arimaha doorashooyinka kadib mooshinkii ay baarlamaanku laaleen Waxaana la filayaa in kulmo fool ka fool ah ay maalmaha soo socda yeelan doonan labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo UCID Qaran News
-
Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalolshe) ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey wareysigii xiisadda dhaliyey ee uu siiyey Telefishinka Dalsan TV. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo qoray Sanbaloolshe Asc dhaamaan aqyaarta halkaan ku jirta. Waxaan rabaa in halkaan ka sameeyo point of clarification oo ku saabsan wareysi aan siiyay Dalsan TV oo abuuray buuq iyo qilaaf fara badan guud ahaan Soomaalida dhexdeeda gaar ahaan baraha bulshada. Waxaan cadeynayaa in aan ku hadleynin magac Xisbi iyo mid qolo kale toona. Waxaan cabiraayey fikirkeyg shaqsiga oo kaliya. Waxaan ka xumahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay dhibsadaan hadalkeyga. Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in aanan waligey qof Soomaaliyeed qabyaalad ku dhibaateyn. Humaaga iyo sawirka aan ka heystana ma ahan mid fiican oo waxaan ku faani karaa oo aan hubaa in aan ahay qof leh niyad fiican oo Soomalinimo ka buuxdo. Waxaan rabaa in aan cadeeyo in dhamaan qabaa-ilka Soomaaliyeed aan u haayo ixtiraam iyo kalsooni weyn. Marnaba ma rabo in la ii fahmo in aan xurmo daro iyo xaqiraad ku sameeynayo qabiil Soomaaliyeed. Waxaad dhamaantiin xasuusataan doorashadii 2017 markii dowlada Ethiopia laheyd hala doorto kaliya qof ka socda qabiil hebel mowqifkii aan qaatay oo ahaa mid ka dhan ah beesha aan ka soo jeedo. Waan hubaa in Dad badan oo maanta warkeyga wax ka sheegaya ay maalintaas aa-musnaayeen. Malaha ayaga ayaa faa’iido ku qabay. Sababta aan go’aankaas u qaatayna waxa ay aheyd in aan loo kala tegin oo loo helo dad wax isku cesha. Ayada oo taasi jirto hadana ma fiicana mana ahan in aan iska indha tirno xaqiiqda nagu xeeran oo ah in uu jiro umada kasta ra-yi hogaan u ah oo micneheedo yahay in Soomalidu qabyaaladeysantahay. Anigu waxa aan la hadlaayey dadka ka soo jeeda constituencygeyga mana garan karaan mana dareemi karaan waxa iga guuxaya aniga oo aamusan. Waxaan kaliya oo aan tusaaleynayey in dhibku ku soo haray deegaanadooda oo ilaa xad deegaanada kale ee Soomaaliyeed hagaageen amaan ahaan iyo maamul ahaanba ayna tahay in ay boorka iska jafaan. Waa hubaa taas in Soomalida kale dani ugu jirto. Waxaan jecelahay nolosheeda in aan arko Soomaaliya oo wanaagsan oo leh dad isku qanacsan iskuna tanaasula. Ma rabo in la ii arko qof raja beel abuuraya laakiin hadana waa in aan ogaanaa in umadaha guuleystay aysan aheyn kuwo is maaweeliya ee waxa ay aqbalaan in ay wajahaan isla markaasna ka hadlaan dhibta hortaala taas oo aan iska hadal iyo afka oo malab la marsado lagu bedeli karin. Anigu waxaan aamisanaha in aan ahey qof ku qanacsan qofnimadiisa oo aqbali kara qaladkiisa ma qaldame waa ilaahay. Ma ahi qof waxayaabaha qaarkood ay saameyn ku yeeshan sida dacaayada iyo cadaadis la saaray. Laakiin waan aaminsanahay in ay muhiim tahay in la gar qaato. Gabagabadii waan aamisanahay in uu qabiilku wax xun yahay laakiin ma yeelayo in dadka ay dhahaan ama u dhaqmaan sida I n qabiilkoodo qaran yahay kan dadka kalena qurun yahay. Reer habelow ha yeelina in la idin dhaho qabiilkiina aasa kuwa kalana ha la xoojiyo. Kuligeyn aan isku kaashano in aan dhisno Soomaliya oo mid ah oo aan dhamaanteen ku nasano kuna helno nolol diiran oo aan la heyn dhibaato. Waa hubaa in aan himiladaas quruxda badan gaari karno. Dabeeciyan ma ahi qof qucdad qaba sidaa daraadeed ha I cafiso dhamaan intii hadalkeyga dhibsatay ana waan cafiyey intii wax na kala gaareen. Qabiil ma fiicna laakiin inta laga wada tagaayo kaaga ha ka tegin oo yaan la idin gaadin qaraabo. Soomaaliya ha ka guuleysato dhamaanteed. Mogadishu Clan ha guuleysto aamin wada dhaha Waa walaalkiin Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalolshe). HOOS KA DAAWO
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaar ka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Diyaar garawga soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa waddooyinka iyo guud ahaan magaalada oo la suray boorar lagu xardhay hal kudhigyo iyo sawirrada Khayre. Mudada uu joogo magaalada Baydhabo ayaa waxaa lafilayaa inuu kulamo la qaadan doono madaxda dowlad goboleeda Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Khayre ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamreeb ee xarunta maamulka Galmudug oo uu kula kulmay madaxda Galmudug, Ahlusuna iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. PUNTLANDPOST The post Qaban qaabo ka socota magaalada Baydhabo iyo ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta cilmi baadhista Puntland PDRC kaga qayb galay xuska sanad guurada 25-aad ee shirweynaha caalamiga ah ee Dadka iyo Horumarka. Xuska Sanad Guurada 25-aad ee Shirweynaha Caalamiga Ah ee Dadka iyo Horumarka ayaa loo asteeyey in sanadkiiba maalintan oo kale la qabto, waxaa ay salka ku haysaa horumarinta dadka ee arrimaha waxbarashada,caafimaadka, xuquuqda, naas-nuujinta, la-dagaalanka tacadiyada, sida Kufsiga iyo Gudniinka Fircooniga ah iyo yaraynta dhimashada la xidhiidhta Dhalmada ( Ummul Arooridda iyo Nafaqo darida xilliga uurka). Ku-simaha Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalintani ayaa tilmamay inay tahay maalin muhiim ah maadaama ay ku astaysan tahay maalinta Dadka iyo Horumarka ee arrimaha Waxbarashada Caafimaadka, xuquuqda iyo suurinta tacadiyada soojireenka ah, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in hablaha Soomaaliyeed laf-dhabar u yihiin bulshadooda, ayna mudan yihiin in laga fekero mustaqbalkooda. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Dowladda Puntland muhiimad gaar ah siiso kobcinta arrimaha haweenka, waxaana uu beesha caalamka kubooriyey in ay qayb ka noqdaan dedaalka arrimahaasi ee ka hortagga tacadiga dumarka, waxbarashadooda iyo caafimaadkoodaba, Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in tacadiga dumarka, gaar ahaan Kufsigu ka sii-xagjiro dhagar-qabayaasha Al-shabaab iyo kuwa la halmaala. Xuska maalintani muhiim ka ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana Ku-simaha Madaxweynaha kala qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Xubin ka tirsan Golaha Shacabka DFS, madaxda hay’addaha UN-ka, ururada bulshada rayid ka ah, siyaasiyiin, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale. The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland taageeray horumarinta adeegyada horumarinta dadka. appeared first on Puntland Post.
