-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaarada ee Aadan Cade, waxaa ay ku xireen wasiirka amniga ee dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan. Ciidamada ayaa wasiirka xiray xili uu la socday diyaarad ku sii-jeeday magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laama ammaanka ee dowladda fderaalka oo ku aaday xarigga wasiirka amniga ee Jubbaland. Sidoo kale waraka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya golaha wasiirada dowlad goabaleedka Jubbaland ay hadda u fadhiyaan shir degdeg ah, kaas oo looga jawaabayo xariga dowladda federaalka ee Janan. Dhanka kale Xirigga wasiirka ayaa imaanaya aydoo uu jiro khilaaf xoogan oo dhashay doorashadii jubbaland oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedkada Jubaland ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku qasabtay diyaaradaha ka tagaya ama imanaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, iyo kii ay ku sheegtay inay maamul cusub ugu dhiseyso Jubaland. War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayey ku sheegtay in aanay go’aamada xukuumadda Soomaaliya wax saameyn ah ku yeelan doonin dowlad goboleedka Jubbaland. “Waxaan caddeeneynaa in go’aanka arrimaha ku saabsan xayiraadda duulimaadyadda iyo isu socodka shacabka Soomaaliyeed ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ay xadgudub ku tahay xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaqa u leeyihiin” ayaa lagu yiri qoraalka. Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay iska difaaceyso ficillada dowladda Soomaaliya, oo ay sheegtay inay maamulkaas ku beegsaneyso. “Dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabkeeda oo isku duuban waxay difaacayaan xuquuqdooda dastuuriga ah qiima kasta ha ugu kacdee, mana aqbali doonaan in la burburiyo nidaamkooda, amaankooda, horumarkooda iyo midnimadooda. Ayey tiri Jubaland. Jubaland ayaa ugu baaqday baarlamanka Soomaaliya inay wax ka qabtaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay xanibaadda dhanka duuliimaad ku saartay magaalada Kismaayo. “Waxaan ka codsanaynaa wakiiladda golaha shacabka ee JFS oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed iyo aqalka sare oo ka wakiil ah Dowlad Goboleedyada dalka, golayaashaas oo codka kalsoonida siiyey xukuumadda ku tumanaysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, inay gutaan waajibaadkoodda la xisaabtanka xukuumadda xal deg-degana ka gaaraan ku tumashada dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala” ayaa lagu yiri qoraalka.
-
The world order has become more volatile subsequent to the election of Donald Trump as a President of the United States. Since his election he is running a foreign policy that is inconsistent, incoherent and unpredictable. He is hostile to America’s most important alliance Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo-(Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo lagu xiray guddoomiyihii guddigii doorashadii Jubbaland, garabka la mac baxay Isbedel doonka ee Madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig. Ninkaan oo laggu magacaabo Bakaal Cabdullaahi Kooke ayaa sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Xildhibaanada garabka is bedel doonka ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Xidig. Galabta ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, xilli uu doonayey inuu u safrro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidamo ka kala tirsan Booliska Jubbaland iyo kuwa Kenya ee nabad ilaalinta u jooga dalka, ayaa la sheegay inay kala dageen diyaaradda xili ay ka kici rabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. Bakaal ayaa sida ay xogta ku helayso Caasimada Online waxa uu hadda ku xiranyahay xabsi ku yaalla Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaara u ah maamulka Jubbaland. Xabsiga lagu xiray ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo Booliis ah oo isugu jira Kenyaati iyo kuwa Boolis ah oo ka tirsan maamulka Jubbaland, walina ma jiro wax war ah oo ku aadan xariga masuulkaas oo kasoo baxay gatabka uu ka tirsanaay ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo dhawaan ay u doorteen inuu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland. Sidoo kale xariga Kismaayo loogu geystay Guddoomihii guddiga doorashada garabka is bedel doonka Jubbaland ayaa kusoo beegmay saacado yar kaddib markii Garoonka Muqdisho lagu xiray Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Transit ku ahaa Aadan-Cadde kuna jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa laga soo xiray degmada Doolow ee gobolka Gedo. Xariga Mr Janan ayaa lagu waramayaa in ay ka dambeysay markii ay burbureen wada hadalo uu lahaa ciidamo halkaasi ku sugan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii ciidamada ay keeneen garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku wareejiyeen booliska CID-da. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay xarigiisa, balse wada hadalada ayaa la sheegayaa in ay qayb ka ahayeen in loo qaado caasimada dalka oo uu diiday. Ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadlay sababaha loosoo qabtay wasiir Janan. Balse warbixinada ayaa tibaaxaya in Janan loo haysto dilal la sheegay in ay ka dhaceen qaybo kamid ah gobolada Jubbaland gaar ahaan Jubadda Hoose. Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo la hadlay BBC-da ayaa shaki geliyey xaqiiqadda warkan. “Ma caddeyn karo, balse dowladda federaalka wax kasta waa ay ka suurtogeli karaan, laakiin ma xaqiijin karno,” ayuu hadalkiisa ku daray. Sikastaba ha ahaatee, xariga wasiir Janan oo saxiibo dhow la ah Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili dowladdu qaadacday waxyaabihii bishaan ka dhacay Kismaayo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay dil ka geysteen waaxda Jabuuti ee degmada Kaaran, magaaladda Muqdisho. Falkan khaarijinta ah ayaa waxaa la sheegay in lagu naf-gooyey nin magaciisa lagu soo koobay Cadde Farey. Wararka qaarkood ayaa intaasi ku daraya in marxuumka uu kamid ahaa ciidamada canshuuraha ee dowladda Soomaaliya. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in falka ka dib aysan jirin cid ka tirsan laamaha amniga oo goobta yimid. Dilkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo nabad-gelyadda magaaladda ay mudooyinkii dambe ahayd mid xasiloon oo aysan ka dhicin wax dil ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-31082019.mp3 View the full article
-
Xaflad weyn oo galabta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxuu Cabdiraxmaan Odowaa ku iclaamiyey murashaxnimadiisa madaxtinnimada Galmudug. Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, siyaasiyiin, dhalinyaro, odeyaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiye Abshir Axmed oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa taageero u miijiyey Odowaa isaga oo intaa raaciyey inuu yahay nin umadda isu keeni kara, isla markaana bogsiin kara, ka shaqeyn kara danta umadeed oo mid ah, loona baahan yahay in la garab istaago. Dhankiisa Cabdiraxmaan Odowaa oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, waxaa uu Sidoo kale balanqaaday inuu barnaamijkiisa soo gudbin doono maalmaha soo socda, waxuuna uga digay dowladda iney iskudeydo xoog iyo jajuubka rabitaanka reer Galmudug. Gobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid magaalada, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines, sida aan xogta ku helnay. Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in diyaarad kasta oo ka baxeysa ama tageysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho ayaa Janan ku qasbay inuu Muqdisho yimaado, maadaama aysan jirin diyaarar toos u aadi karta Addis Ababa oo ka baxaysa Kismaayo, ayada oo ka fulinayo go’aanka dowladda. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan loo heysto dambiyo badan oo uu ka galay Reer Gedo sida uu hadalka u dhigay. Wasiir Hilaal ayaa sheegay in Wasiir Janan ay ku raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta Dambi Baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) isla markaasna ay Maanta suurta gashay in gacanta lagu dhigo. Sidoo kale Wasiir Hilaal ayaa bartiisa Facebook soo dhigay warbixino ay horey usoo saartay Kooxda “UN-Monitoring Group” oo Cabdirashiid Janan ku eedeysay inuu geystay xasuuq dad shacab ah. Waxaa jirta dacwado ay horey ugu soo oogtay xeer ilaalinta qaranka oo la xiriirtay maxaabiis afar qof ah oo uu sanaddii 2015 ku dilay Doolow kadib markii uu xabsiga kala baxay, sida lagu eedeeyey. Hase yeeshee maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baabi’isay dacwaddaas 30-kii April 2019, kadib markii sida la sheegay ay ka laabatay xeer ilaalinta.
-
(SLT-Hindiya)-Ku dhawaad laba milyan oo qof oo ku nool gobolka Assam ee dalka India ayaa wajahaya waddan la’aan, kaddib marki ay iska waayeen liiska dadka muwaadiniinta Hindiga ah oo ee maanta soo baxay. Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah olole ay waddo dowladda dhexe ee India oo dooneysa in ay muwaadinnimada kala laabato dadka ajnabiga ah ee soo galay India. Dadka aanan ku jirin liiska muwaadiniinta Hindiga ah ee gobolka Assam ayaa la sheegay in badankood ay yihiin Muslimiin. Gobolka Waqooyibari ee Assam ayaa la sheegay in muhaajiriin badan oo kasoo jeeda dalka Bangladesh ay u qaxeen inti uu socday dagaalki xurriyada Bangladesh ee sanadki 1971. Liiska dadka la siiyay muwaadinnimada gobolkaan ayaa gaadhaya in ka badan 31 milyan. Waxana dowladdu ay ku saleysay dadki gobolkaasi daganaa wixi ka horreeyay sannadki 1971-ki. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan in dadka iska waayay liiska muwaadinnimada India ee gobolka Assam ay wajahaan xabsi ama musaafuris iyo sidoo kale in ay waayaan xuquuqda ka qeybgalka doorashooyinka iyo in ay codkooda dhiibtaan. Source
-
(SLT-Khartoum)-Garsoore maxkamadeed ayaa maanta si rasmi ah labada dacwadood oo midi tahay heysasho lacago qalaad oo sharci darro ah iyo musuq maasuq kusoo oogay madaxweynihi hore ee dalka Sudan Omar al-Bashir. Isaga oo ka jawaabayay su’aalo marki ugu horreysay maxkamadda lagu dhex weydiiyay ayuu Al Bashiir sheegay, inuu lacag dhan 25 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, lacagaha kalana uu ka helay meelo kala duwan oo uusan carrabaabin. Laakin madaxweynihi hore ee Sudan ayaa isku difaacay in lacagahaasi uusan u adeegsan danahiisa gaarka ah. Qareenka difaacaya Cumar Al Bashir, ayaa sheegay in kalyantigiisa uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay, isla markaana uu dhageysiga maxkamadda labaad uu keeni doono marqaatiyaal. Garsoorihi maxkamadda ayaa diiday codsi ah in dammiin lagu sii daayo Cumar Al Bashir. Wuxuu maxkamadda ka sheegay in muddada xabsiga lagu sii heyn doono ay maxkamadda goo’aan ka gaari doonto 7-da bisha September. Source
-
Galkacyo – Members of the tribal elders and public figures in Puntland’s Galkayo town have increased their efforts to protest against the United Arab Emirates interference in Puntland. More than forty elders, intellectuals and political figures, held series of meetings expressing their anger against UAE, including demand the Gulf State to “stop meddling in Puntland affairs and causing instability” and “Foreign government has no right to interfere.” Tribal elders blamed UAE for seeding political and instability conflicts between Puntland government and Somali Federal Government, and further imputed the Emirati government for not “giving the peaceful life in Puntland the chance to prosper”. “We want stability in Puntland and hope the UAE side will stop interfering in Puntland affairs and causing chaos,” said elder Ahmed Hassan Ali. “The Somali people can handle Somali affairs without Emirati’s unwelcome interference, and I believe things will get better for our nation,” he added. Youth militants and local civil society activists alike joined the complaints against UAE and were worried about a naked conspiracy to disrupt Somalia’s oldest federal member State – Puntland. An elderly politician named Jamac Farax told journalists that he believed UAE subsidized politicians and secretly equipped armed soldiers are behind organizing violent incidents. “Those violent undertakings cannot succeed in Mudug region, we have killed each enough for many years. Somalia is not and cannot be Yemen. What we want are stability, prosperity, and well-being,” he said. “Somali Federal Government has the full mandate and ability to defend the territorial integrity of the republic with full validity from the people of Somalia and its impossible for UAE to oust it”. “We hope UAE will stop their interference and give a peaceful Puntland back to us without financing few political figures for their despicable concern,” Sahro Mohamud, a civil society activist said. View the full article
-
Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland C/Rashiid Janan ayaa lagu xiray Magaalada Muqdisho gaar ahaanna Garoonka Aadan Cadde. Xarigga Wasiir Janan ayaa yimid kaddib markii diyaarad uu la socday ay soo caga dhigatay Garoonka Aadan Cadde isaga oo taransit ku ahaa. Diyaaradda ayaa fulineysay Amarka Dowladda Soomaaliya ku soo rogtay Magaalada Kismaayo taas oo ahayd in diyaarad kasta oo tageysa Kismaayo ama ka duuleysa ay marto Magaalada Muqdisho. Xarigga Wasiirka amniga Jubaland ayaa imanaya iyada oo dowladda Soomaaliya sheegtay in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashadii Jubaland ka dhacday 22kii Bishan ee lagu doortay Axmed Madoobe. Intii ay doorashadaas socotay Jubaland ayaa dowladda Federaalka ah ka mamnuucday Magaalada Kismaayo,waxaana ay fureen maalin kaddib doorashada. Hayeeshee labo maalmood kaddin Hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in Kismaayo diyaaradaha tagaya ay maraan Magaalada Muqdisho taas oo dhaqan gashay. Maanta Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay banaanbax lagu diidanaa amarka dowladda Soomaaliya ku soo rogtay Magaalada Kismaayo diyaaradaha taga.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wado inay ciidamo kala duwan ku daad gureyso Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Dowladda ayaa Dhuusamareeb geysay ciidamo kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo isugu jiro Boolis iyo Militari. Sidoo kale Dowladda ayaa Dhuusamareeb geysay ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo Xalay si rasmi ah ula wareegay qeybaha kala duwan ee xafiisyada Dowladda ee Dhuusamareeb. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorsho ay Dhuusamareeb ku geeneyso Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. Qorshahaan ayaa la filayaa inuu hirgalo maalmaha soo socdo inkastoo ay qorshahaan diidan yihiin waxgaradka iyo Odayaasha Magaalada Dhuusamareeb oo dalbanayo inaan Ciidamo Itoobiyaan ah la keenin Magaalada. Dowladda Soomaaliya ayaa afgambi ku sameysay awoodii Ciidan ee Maamulka Ahlu Sunna ee gacanta ku hayey Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo midaqga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed ee Eng. Yariisow oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada. Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir. Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow. Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Six al-Shabab militants were killed and nine others injured on Friday in a joint offensive by Somali army and Jubbaland state forces, a military official said on Saturday. Abdi Nur Ibrahim, Jubbaland security forces spokesman said the joint security operations were carried out in the north of Kismayo town and the south of Jamame town where the forces captured many villages in those areas. “Our forces inflicted severe casualties on the militants, killing six of them and injuring nine others. We captured Gubadle, Yeri, Jay, Leri villages,” Ibrahim said. He added that the allied forces also recovered weapons and detained members of the militants who were injured during the operation. Local inhabitants said an intense battle broke out in the town. “The army started wide offensives in Jamame town, there was fierce fighting between the militants and the forces in the town, the army is now in the town and the militants withdrew from it,” Safi Osman, a resident told Xinhua by phone. On Aug. 21, government forces killed 11 militants and injured 15 others in Jowhar town in Middle Shabelle region in southern Somalia. Southern regions of Somalia became the battleground of al- Shabab extremists and the government forces after the militants were chased out from the capital in August 2011 by AU forces and Somali army. Enditem View the full article
-
The Federal of Somalia and the European Union have signed € 23 million to support sustainable development on Saturday. Minister for Planning, Gamal Mohamed and EU Director-General, Stefano Manservisi jointly signed the agreement in the presence of Prime Minister, Hassan Ali Kheyre and the new mayor of Mogadishu, Omar Mohamed Mohamud aka Omar Finish. The project dubbed EUR 23 million projects in honor of the late Mayor of Mogadishu Abdirahman Omar Osman will support the inclusive and sustainable development of coastal cities in Mogadishu and Berbera respectively. The project includes the construction of 17-kilometer road, capacity building for city local authorities and beautification. Planning Minister, Gamal Mohamed who spoke after the signing of the contract said the project implementation will start soon. On his part, Somali premier, Hassan Ali Kheyre who thanked his government International development partners vowed to complete the development of ambitious projects initiated by the late mayor of Mogadishu, Abdirahman Omar Osman. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Markan kama hadleyno falalka ay geystaan ama sida ay u dhacaan, si kale hadaan u dhigno, qaabka loo qorsheeyo, waxaanse eegaynaa halka ay ka timaado lacagta lagu maalgeliyo howlgaladdaas. Al-Shabaab, joogitaan muuqda kuma lahan Muqdisho, haddana waxay sanad walba ka sameeyaan malaayiin dollar, iyaga oo maraya hal nidaam aad loo abaabulay inkasta oo cabsi gelin ay daaha gedaashiisa ku jirto. Maleyshiyaadkan argagixisada ah ayaa caasimada laga saarey 2011-kii kadib guluf balaaran oo ay qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika. Sanado kahor aad ayey u yareyd in ay dhaqaalo hesho markii ay dowladdu mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha oo il-dakhli u ahaa, wallow ay wali sii socoto dhoofinta dhuxusha oo meelo kala duwan laga qaado. Haatan, lacagaha uu ururkan ku maal-geliyo falalka ay rayidka ku naf-waayaan, inta badan, sida ku iibsashada hubka iyo saanadda, ayaa ka timaada ganacsada caasimadda oo 99% ay ka dhacaan weerarada. Tusaale ahaan, warbixin sanadkii 2018 kasoo baxday Monitor Group ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay meelo kamid yihiin Muqdisho, Hiiraan, Shabellaha Dhexe, Baay iyo Bakool ay uga soo xarootay 20-milyan oo Doollar. Wax u muuqda “dowlad kale” oo ay Al-Shabaab ka sameysatay Soomaaliya gaar ahaan magaala madaxda ayaa uruuriya lacagahaasi, taasi oo ah shabakad balaaran oo waaxyo/qaybo kala duwan leh. Macluumaadyo sirdoon oo la helay ayaa daaha ka rogaya in meelaha uu dakhligu kaga soo xaroodo laguna uruuriyo ay kamid tahay dekadda Muqdisho, iyagoo u kala qeybiyay wax ay ula baxeen Zako iyo Maaliyadda [canshuur]. Cabdi Abshir Dhoore, waa Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, isaga oo qiraya in Al-Shabaab ay dakhli badan ka hesho Xamar, wuxuu ku adkeystay in ay u baahan tahay in loo diro baaris dheeri ah arrinta bartamaha marsadda. “In ay gudaha dekadda canshuur ka qaataan waa dhawaq cusub, laakiin lama xaqiijin karo. Balse, waa xaqiiqo in ay helaan xogta alaabta kusoo degtay, waqtiga iyo inta konteenar ee ay yihiin,” ayuu yiri Dhoore. Xogo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in Al-Shabaab ay konteenarka 20-ka feet ah ka qaado $100; kan 40-ka feet ahna ku canshuurto $160; alaabta caadiga ahna ay halkii tan ka hesho aduun lacageed ahna 20 Doollar. “Marka kan deriskaagii ah ku yiraahdo haddaan ka imid, adigana dhagahaaga waxaa u sahlanaaneysa in aad amarka qaadato, maxaa yeelay naf iyo maalba cid kaa celinayso malahan, dhamaan ganacsatada gobolka Banaadir qofaan tegin malahan,” ayuu yiri ganacsade codsaday in aan magaciisa la baahin. Warbixinadda ayaa intaasi ku daraya in ilaha dhaqaale ee kooxda soo kordhisay ay kamid yihiin lacago baad ah oo ay ka qado Gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gosha Muqdisho iyo gobolada, kuwa xamuulka ee dekadda iyo Iibka guryaha. Barnaamijka Bandhiga ee laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in kadib shir ka dhacay duleedka degmada Dayniile ay gadiidleyda kula soo heshiiyeen Al-Shabaab in ay siiyaan bil walba 500 illaa iyo 100 Doolar. Monitor Group ayaa intaasi raacineysa in lacagaha laga qaado gaadiidka iyo guraha ay ku kala badan yihiin hadba sida ay u kala weyn yihiin; tusaale ahaan gaadiidka Hoomeyda [Caasiga] waxay bixiyaan 200 oo Doollar, bil kasta. “Canshuurta ay qaado Wasaaradda Maaliyadda uma xarooto, waxaana suurtogal ah in aad ka dhuumato, laakiin tan Al-Shabaab kama dhuuman kartid, waxaana suurtogal ah in ay kusoo wacaan oo ay kuu sheegaan qiimaha aad ku iibsatay iyo bangiga laguugu shubay,” ayuu xusay. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in ganacsatada ay tagaan degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi ay qalinka kusoo jeedan heshiiska ay lacagta ku dhiibayaan. Gaadiidka geynaya tuuladaasi oo ka kala baxa gudaha iyo duleedka magaaladda ayaa ah mid uu ganacsade si gaar ah u kireysanayo, isaga oo bixinaya 100 Doolar, kadibna degaya qol yar oo afar dollar ah habeenkii. “Dadkan [AlShabaab] looma soo waxyoodo, dad baa la shaqeeya,” ayuu ku daray ganacsadaha, oo raaciyey “Tusaale ahaan, canshuurta iibka ama dhismaha guryaha ka qaadan waxaan u sheegaya Injineerka dhulka cabiraya iyo Nootaayooyinka oo ay xogta ugu badan kasoo helaan”. Shaqsiyaad iyagu bixiyey canshuurta ayaa dusiyey in Shabaabku guri walba oo la iibsanayo ama la dhisayo ay ku leeyihiin qoondo gaareysa 5%. “Darawalka gaariga wada iyo ninka la shaqeeya ayaaba ku oranaya soo diyaari maanafeestada alaabta saaran gaariga, maxaa yeelay waa ayba sii fududeynayaa si aanan loo xayirin oo aanan rarka lasoo dejin kadibna dib loo tirin, kadibna ay Shabaabku u raadsadaan ninka iska leh ugana qaatan lacagta ay ka rabaan,” ayuu hadalkiisu daba dhigay. Sida la ogyahay kaliya, wakiilada shirkadaha maraakiibta, shirkadaha dejinaya alaabta iyo maamulka dekadda, ay heli karaan maanafeestada ama qoraalka muujinaya waxa markabka saaran. Ganacsatada ayaa marka ay tagaan Mubaarak waxaa la geynayaa qol ay ku jiraan afar ruux kuwaasi oo haysta Labtop kadibna waydiinaya badeecadihiisa, iyaga oo isku dayeya in ay cabsi geliyaan si uu u sheego hantidiisa. Inkasto oo arrimo kale ay jiri karan, haddana waxaa la aaminsan yahay in sababta keentay in ganacsatadu lacag siiso urur Al-Shabaab oo kale ah, ayaa ah dowladda oo aanan damaanad qaadi karin badqabkooda. Korneyl Cabdullaahi Cali Macow, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda Soomaaliya kana faalooda arrimaha ammaanka ayaa soo bandhigay waxyeebaha Al-Shabaab u sahlaya in ay dakhli ka sameyso Muqdisho. “Waxaa jira waxyaabo aanan aad looga feejignaan oo ah dhalinyaradda kasoo baxsada AlShabaab oo la sheegay in dhaqan-celin loo sameeyay kadib magaaladda lagu soo daayey, kuwaasi ayey howlgelinayaa kadibna bilaabaya in ay hadaad iyo ganacsatada cagajugleeyaan ama ay fuliyaan dilalka qorsheysan una uruuriyaan Shabaabka dhaqaalaha ay kolba AlShabaab u baahan tahay, waxaana sidoo kale sababay habac-sanaanta sirdoonka,” ayuu xusay. Xigasho: Garoowe Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaarahada magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Wasiir Janan oo Transit ku ahaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde kuna sii jeeday dalka Itoobiya ayaa sida la sheegayo waxaa halkaasi ku qabtay Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya inkastoo aan faahfaahin kale laga helin xarigiisa. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore wasiir Janan ugu eedaysay in uu galay dambiyo ka dhan ah banii’aadanimada waxaana maxkamad ku yaalla magaalada Muqdisho ay amartay in la soo qabto balse bishii April ee sannadkan ayaa maxkamadda gobolka Banaadir waxay burisay dacwadihii loo haystay. Sidoo kale xarigga mas’uulkan ayaa ku soo beegmay xilli uu aad u xunyahay xiriirka dowladda Federaalka iyo Jubaland kadib doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Dowladda ayaa maalmo ka hor soo saartay go’aan diyaaradaha ka yimaada ama u socda magaalada kismaayo lagu amrayo in ay sii maraan magaalada Muqdisho iyadoo banaan-bax go’aankaasi looga horjeedo uu maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga Jubaland oo Muqdisho lagu xiray appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Pakistan)-Wasiirka Tareenada ee dalka Pakistan Sheekh Rashiid Axmed ayaa naxdin ay kala soo daristay kadib markii koronto ay qabsatay xili uu u khudbadaynayey dad ka soo horjeeda talaabada Raysal Wasaaraha India Narendra Modi uu kula kacay dadka Muslimiinta u badan ee degan Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho. Muuqaal fiidiyoow ah oo ku faafay warbaahinta bulshada, ayaa Wasiir Rashiid Axmed, oo ka hadlayey isu imaatin uu ku qabtay hoygiisa Rawalpindi ‘Lal Haveli’ si uu u muujiyo midnimada waddankiisa ay la leedahay dadka reer Kashmir oo la soo abaabulay Jimcihii shalay (30-kii August), : ayaa markii uu yidhi Wasiirku “Hum tumhari Modi niyaton se vaqif hain (waanu ognahay ujeedadaada, Narendra Modi).” Ayaa naxdin uu kala kulmay dabka ka qabsaday gacanta midig kadib markii makarafoonka uu gacanta biddix ku hayey ay gaadhay gacantiisa kale. Kadib wuxuu isu diyaariyaa inuu sii wado. “Khair koi baat nahi, koi baat nahi ..” ayuu si qosol leh u yidhi, oo wuxuu sii wadaa inuu mikrofo maro yar ku haysto. “Modi waa jalse ko nakaam nahi kar sakta (Modi kama hor istaagi karo kulankan),” ayuu ku yidhi qoslaya. Laba maalmood ka hor, Wasiirka Tareenka ayaa saadaaliyay dagaal buuxa oo u dhexeeya Pakistan iyo India bilaha Ocotober iyo November. Isaga oo ka hadlayey dhacdo ka dhacday Rawalpindi, Axmed wuxuu sheegay in tani ay noqon doonto dagaalkii ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labada wadan, waxa uuna intaa raaciyay inuu kusii socdo wadada loo diyaar garoobo dagaalkan. Xiisadda laba geesoodka ah ee u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan ayaa sii kordhayay tan iyo markii Hindiya ay ka takhalustay maqaamka gaarka ah ee Jammu iyo Kashmir bishii August 5. Source
-
Popular Contributors
