-
Content Count
213,156 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kansas City Chamber of Commerce hosted their monthly Coffee on the Corridor event, this time at the Somali Mall. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaa maanta ka socda dibad baxyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageeraayo Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna. Banaan baxyadaan ayaa ka socda bartamaha magaaladda Dhuusamareeb, waxaana mid kamid ah lagu taageerayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadaaladda ay ku bixinayso dhismaha maamulka Galmudug ee bartahamaha Soomaaliya. Banaanbaxa labaad ayaa waxaa dhigaya dad ka caraysan in Dowladda Soomaaliya ay ciidamo gayso Magaaladda Dhuusamareeb, waxa ayna ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, iyaga oo taageeraya hadal shalay ka soo baxay madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Si taas lamid ah magaaladda Dhuusamareeb waxaa ka socda kulamo looga arrinsanaya khilaafka soo kala dhexgalay Hogaanka Ahlu-Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ee arimaha maamul u samaynta Galmudug iyo diidmada Ahlu-Sunna ee Ciidanka Dowlada Soomaaliya Gaysay Dhuusamareeb. Xarunta uu wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ka daganyahey Dhuusamareeb ayaa inta badan kulamo ugu socdaan waxgaradka deegaanka iyo ergooyinka ka qayb galayo Shirka dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug. Sidoo kale xarunta uu ku shaqeeyo madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulamo ugu socdaan Hogaanka Ahlu-Sunna iyo waxgarad doonaya in ay xaliyaan khilaafka heerkii ugu sareeyay gaaray ee Dowladda iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha xilligiisii dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar aan horay loo shaacin ku tegey degma xeebeedda Hobyo ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha degmada hobyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee ergooyinka ka qaybgelaya shirka ka socda magaalada Hobyo. Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhoweeyey degmada Hobyo. appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada Kismaayo, xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ka dhacay shir ay yeesheen golaha wasiirrada maamulkaasi, waxaana shir guddoominayey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Shirka ayaa go’aamada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in xayiraadii laga qaaday Golaha Xukuumada Federaalka ah kaas oo kal hore golaha Wasiirada Jubbaland ay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay labada dhinac. Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka xukuumadda federaalka ah iyo Jubbaland, taas oo keentay in tan dambe oo ka cabsaneysa faragelin ay xuduudaha ka xirato xukuumadda federaalka ah, joojisana wada shaqeynta. Dhankeeda xukuumadda federaalka ah waxaa ay sheegtay in aaney aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinka Jubbaland, baarlamaan iyo madaxtinimadaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Qorigu” maanta ma talin karo, maangalna ma aha ee aynu caqli kale la nimaadno. Dulmiga iyo caddaalad darrada xukuumadda maanta jirtaa ay horseedka ka tahay waxa ugu horreeya ee laga la hor tegi karaa qori iyo rasaas ma aha. Wax badan baa ka horreeya in la isku dayo in baaruud lagu kala calaf qaado. Waa aynu aragnaa hoggaankii codka bulshada inteeda badan ku soo baxay in uu cagta saarayo jidkii hoogga iyo sharka. Waa kaas tubtii shalay adhaxda lagaga wada jabay taladii ummadda la qooranaya. Waxa uu sii kala qaybinayaa bulshadii awelba kala qaybsanayd. Iyada oo iska kala qaybsanayd ayuu marna mansabyo dawladeed oo awood-qaybsi miisaaman u baahnaa ku kala qaybiyey, maantana lifaaqyo qabali ah oo shaadh dawladeed xidhan ku sii kala qaybinayaa. Arrintu gadoodka Col Caarre waa ay ka fog tahay oo ka sii shishaysaa. Halka ay dorraato (Gen Taani) iyo shalayto (odayaashii West Burco Clan) ay arrinta gaadhsiiyeen waxa ay soo kicinaysaa ladh iyo doog xun oo gamaarsanaa. Fitno huruddey ayay sardhada ka soo kicin kartaa. Waa aynu aragnaa sida taban ee naaquska ah ee labadaas loo la kala safanayo ee dabkii in “biyo” lagu rusheeyo ay ahayd “gaasta” loogu sii darayo. “Gaas bay ku darayaan Meel daad u baahnayd”. Haddii aan la kala roonaan roob ma da’o. Godkii iyo dalluuntii shalay in lagu wada hoobtaa waa habaar. 1960 ayay tan oo kale afuuftay suurkii madaxbannaanidii gaarka noqon lahayd ama midnimadii talada wadajirka ah iyo qorshaha u baahnayd. Waa tii mar kale lagu hoogey ee kubka iyo bawdada lagaga wada jabay ee halasaha kulaylka dirireed ina gelisey 1994 – 1997. Waa tubtii iyo tabtii dib u dhaca iyo qoomammada badnaa naca maantana daramalka iyo durbaankiisu uu dusheenna ka darandoorri dhacayaa. Waa taas dusheenna la isku haysto ee weedhaha iyo hadallada dhiif iyo dhiillo-sideenka ah la isu marinayo ee carruur iyo cirrooleba ku dhegabarjoobeen. Muumin laba jeer isla god qudha laga ma wada qaniino, dab munaafaq shiday na Muumin baa ku gubta. Gurigii aad soo gasho iyo goobtii aad timaaddo ba waxa ka daaran oo ka baxaya sawaxanka iyo qaylada hadalladaas naxli abuurka ah ee hawada la isku marinayo ee labada dhinac iyo inta kala taageereysa. Labada dhinac ee sida tooska ah iyo sida dadban ba isugu dhoollo-tusanaya waa in ay jirtaa cid saddexaad oo taas ku diiddan oo kaga horjeeddaa, una gar qaadi karta, baajinna karta dirir iyo colaad kala daadisa wixii muddada dheer lagu soo tabcayey. Waa doqonniimo in aynu sidii shalay 1994 ula kala safanno oo dhinac ugu raacno ama ugu xuslinno. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland waxa u bannaan kaalin taariikhi ah oo baalasha sooyaalka soo aaddani u soo hamuumayaan, kaalintaas oo haddii ay ka soo dhalaalaan xuruuf dahabi ahi ku xardhami doonaan, haddii ay gefaanna guhaad iyo is ciilkaambi iyo taariikh xumo u kaydsami doonaan. Qolada aan ka dhashay ee East Burco Clan waxa horyaalla oo ay kala dooran kartaa guul iyo gobannimo isku sidkan iyo guuldarro iyo gunnimo isku tolan midkood. Waxa mudduci ku ah oo reerkaas faraqa haysta, waajib na ku ah, sida ay ila tahay, in qaataan doorka iyo kaalinta ladqabaynta, isu soo jiididda iyo dhexdhexaadinta labada dhinac, iyaga oo kaashanaya odayaasha samotaliska ah iyo waxgaradka beelaha kale ee Somaliland. Anigu, qof ahaan, waxa aan tallaabo qaabkaas leh u arkaa meel wax wanaagsani ka bilaabmi karaan, lagagana fursan karo dagaal dhaca iyo colaado soo hor yeesha oo Somaliland u nugleeya kala qubasho aan dib la isugu keeni karin. Waayo East Burco Clan? Waa reer weyn oo ka mid ah rukumada ay Somaliland ku taagan tahay ee horrayso iyo dambaysaba tacabka badan u huray Waa reer dhaqaale ahaan culayskaas qaadi kara maanta Waa reer xukuumadda jirta taageero weyn siiyey soo bixiddeedii xilligii doorashada Waa reer ay ool (degaan) iyo dhaqan wadaag yihiin dhinaca labaad, gaar ahaan Habar Yoonis min Sanaag, Sool, Togdheer ilaa dhulka Soomaalida ee Itoobiya Waxa jirtey surmaseegto hore oo 1994 dagaalladii bilaabmay ka soo jeedda oo in aanay maanta mar kale dhicin loo baahan yahay. Far keli ahi fool ma dhaqdo’e, haddii odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culimada iyo ganacsatada East Burco Clan, iyaga oo kaashanaya beelaha kale odayaashooda samotaliska ah, min Sool iyo Sanaag ilaa Awdal iyo Selel, ay hormood u noqdaan dedaal hufan oo ay kartiyi riixayso, waxa ay iigu muuqataa, in wax badan tallaabadaas looga aayi doono dal, dad iyo dawladnimadiisaba, laguna baajin karo colaad baahda. Halkaas waxa ka abuurmi kara, ayay ila tahay, jawi siyaasadeed oo lagu sii ambaqaadi karo hirgelinta dawladnimo ay bulshadu leeyahay oo ka dhexaysa min daaf ilaa daanta kale. “Belo saacaddeed joogta Sabti nabad ah haw riixin”. W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, siyaasadda, xiriirka mamaulkaas iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kulankan oo uu shir guddoomiyey madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday go’aakii uu maamulkaasi horay uga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladdda, gaar ahaan golaha wasiirada inay tegaan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Golaha wasiirada Jubbaland ayaa shaaciyey in haatan wixii ka dambeeya la qaaday xayiraadii saarneyd wasiirada Soomaaliya, islamarkaana ay tegi karaan magaaladaasi. Jubbaland ayaa go’aankan qaadatay inta aysan dhicin doorashada maamulkaasi oo dhalisay in la doorto illaa saddex Madaxweyne. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sidoo kale jiray baaq ay soo saartay beesha caalamka, walow uu ku gacan seeray Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Somali National Security and Intelligence Agency ( NISA) revealed it apprehended the main suspect behind the attack that led to the murder of former official at Banadir regional administration. A former secretary at Banadir administration, Mohamed Amin Sheikh Elmi succumbed to injuries he sustained following an explosion that targeted his car on Sunday in Mogadishu. In a post published on its official twitter account on Wednesday, NISA said it arrested a man believed to be behind the attack during an operation conducted at Yaqshid district in the capital. NISA operatives submitted phones, batteries and other materials that were used by the suspect to facilitate the blast attack. Security officials did not disclose the details of the suspect or the membership of the armed group but al-Shabaab claimed the responsibility of the attack. Somali security forces backed by AU peacekeeping forces have intensified their operation against armed groups in Somalia. View the full article
-
The Prime Minister of the Federal Government of Somalia Hassan Ali Khaire visited Gordon military base, where units of the armed forces are undergoing training courses. The PM accompanied by the army chief thanked the trainers for their service and encouraged the soldiers to successfully complete the training to join the Armed Forces. After completing the training, these troops will become part of the country’s armed forces in the battlefield. The prime minister said that the government forces are the hope of the nation, and to strengthen the gains already achieved in the fight against Al-Shabaab. The Somali government is working hard to build a strong national army to maintain security in the country, and the country’s armed forces have been making significant gains in operations in southern and central Somalia. View the full article
-
The Minister of Interior, Federalism, and Reconciliation of the Somali government, Abdi Mohamed Sabriye who spoke to the media, denied that the federal government withdrew from an agreement with Ahlu Sunna. Minister Sabriye said the Somali government is still respecting the agreement between the two sides. He also stressed that the central government is striving to make Galmudug issue more inclusive. The agreement was signed by Somali Minister of Interior, Abdi Mohamed Sabriye and Galmudug Chief cabinet, Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, qeybteeda howlgallada dibadda ayaa soo saartay warbixinteeda la xiriirta “Hufnaanta Maaliyadeed ee Dalalka ee 2019”. Warbixintan waxaa lagu eegaa in dalalka ay ka soo baxeen ugu yaraan talaabooyinka hufnaanta maaliyadeed ee loo dejiyey, waxaa kale oo dalalka ka soo bixi waayey la siiyaa talooyin muhiim ah. Qiimeyntan la sameeyey sanadkan 2019-ka, Soomaaliya waxaa lagu daray liiska dalalka aaney ka jirin hufnaan maaliyadeed, inkasta oo la sheegay xoogaa horumar oo dhinacyada qaar ka jira, hadana waxaa la siiyey talooyin ku aadan qorsheyaal dhow iyo kuwoo fog oo ku saabsan sida ay u hagaajin karto hufnaanta dhaqaale. Waxyaabaha Soomaaliya lagu ammaanay waxaa ka mid ahaa in ay daabacday warbixin sanadeedka, weliba waqti macquul ah. Xilliga dib u eegista, xukuumadda federaalka ah waxaa ay daabacday miisaaniyadda iyo warbixinteeda, Internet-ka, weliba waqti macquul ah. Xukuumadda federaalka ah, Internet-ka kuma daabicin wax miisaaniyad ah ilaa sanadkan uu bilowday halka xukuumadihii 2013-2016 ay wasaaradda maaliyadda ku daabici jirtay Internet-ka. Wasaaradaha qaar ee xukuumadda hadda jirta waxaa ay isticmaalaan qarash aan ku jirin miisaaniyadda, isla markaana aaney jirin cid ku sameysa xisaab xir ama la socota. Waxaa intii loogu talo galay ka batay qarashka soo xarooda iyo midka baxaya intaba, sidaasi ay tahay xukuumadda waxaa ay baarlamaanka u keentay miisaaniyad kucelis ah, taas oo kor u qaadeysa aaminaada. Hanti dhowrka iyo hey’adaha kale ee la socda miisaaniyadda waxaa lagu eedeeyey in dadweynaha aaney u soo bandhigin warbixintooda ee keliya ay la wadaagaan baarlamaanka federaalka ah. Waxaa dowladda Soomaaliya lagu ammaanay heshiisyada la xiriira kheyraad qeybsiga ee ay la gashay dowlad goboleedyada iyo meelmarinta sharciga Batroolka. Xukuumadda waxaa lagu ammaanay sida ay u shaacisay heshiiska kaluumeysi iyo leysinada ay bixisay. Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda waxaa loo soo jeediyey in wax ka qabato: In miisaaniyadda ay dadweynaha la wadaagto marka ay u gudbineyso baarlamaanka federaalka ah. In dadweynaha lala wadaago deymaha gudaha ee xukuumadda qaadato, isla markaana lal socdo. In la soo bandhigo miisaaniyadaha dib u eegista lagu sameeyey iyo qarashyada baxa, oo dadweynaha lala wadaago. In aaney jirin xisaabaad ama qarash ka baxsan miisaaniyadda oo la isticmaalo, kuwaas oo aan lala socon. In warbixinnada hanti dhowrka iyo qarashka baxa lala wadaago dadweynaha In heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah lagu bixiyo si waafaqsan heshiiska iyo xeerarka dalka. In dadweynaha lala wadaago arrin kasta. Liiska dalalka ka soo baxay hufnaanta maaliyadda: Afghanistan, Albania, Argentina, Armenia, Bosnia and Herzegovina, Botswana, Brazil, Bulgaria, Burkina Faso, Cabo Verde, Chile, Colombia, Costa Rica, Côte d’Ivoire, Croatia, Czech Republic, El Salvador, Estonia, Fiji, Georgia, Ghana, Greece, Guatemala, Guyana, Honduras, Hungary, India, Indonesia, Israel, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kenya, Kosovo, Kyrgyz Republic, Latvia, Lithuania, Malaysia, Malta, Marshall Islands, Mauritius, Mexico, Micronesia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Namibia, Nepal, North Macedonia (formerly Republic of Macedonia), Panama, Paraguay, Peru, Philippines, Poland, Portugal, Romania, Senegal, Serbia, Seychelles, Sierra Leone, Singapore, Slovakia, Slovenia, South Africa, Sri Lanka, Thailand, Timor-Leste, Tonga, Trinidad and Tobago, Tunisia, Turkey, Uganda, and Uruguay. Liiska dalalka ku guul dareystay hufnaanta maaliyadda: Algeria, Angola, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Benin, Burma, Burundi, Cambodia, Cameroon, Central African Republic, Chad, China, Comoros, Congo, Democratic Republic, Congo, Republic , Djibouti, Dominican Republic, Ecuador, Egypt, Equatorial Guinea, Eswatini (Swaziland), Ethiopia, Gabon, Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Iraq, Laos, Lebanon, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Maldives, Mali, Mauritania, Mozambique, Nicaragua, Niger, Nigeria, Oman, Pakistan, Palestinian Authority, Papua New Guinea, Rwanda, Samoa, Sao Tome and Principe, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Suriname, Tajikistan, Tanzania, Togo, Turkmenistan, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Yemen, Zambia iyo Zimbabwe. Xigasho: Goobjoog News Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Sanaag)-Jeneraal Saciid Cawil Jaamac ( Caarre) oo hore uga goostay ciidammada Somaliland, ayaa iska fogeeyay eedo uga yimid taliyaha guud ee ciidamada Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani. Taani ayaa ku eedayay Caarre inuu dad gaadhaya 10 qof ku laayay gobolka Sanaag sidoo kalana dhacay mushaarka ciidanka Somaliland. Jeneraal Saciid Cawil Jaamac ( Caarre) khadka telefoonka ugu warramay wariyaha VOA- ayaa eedaymo culus u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, qeybteeda howlgallada dibadda ayaa soo saartay warbixinteeda la xiriirta “Hufnaanta Maaliyadeed ee Dalalka ee 2019”. Warbixintan waxaa lagu eegaa in dalalka ay ka soo baxeen ugu yaraan talaabooyinka hufnaanta maaliyadeed ee loo dejiyey, waxaa kale oo dalalka ka soo bixi waayey la siiyaa talooyin muhiim ah. Qiimeyntan la sameeyey sanadkan 2019-ka, Soomaaliya waxaa lagu daray liiska dalalka aaney ka jirin hufnaan maaliyadeed, inkasta oo la sheegay xoogaa horumar oo dhinacyada qaar ka jira, hadana waxaa la siiyey talooyin ku aadan qorsheyaal dhow iyo kuwoo fog oo ku saabsan sida ay u hagaajin karto hufnaanta dhaqaale. Waxyaabaha Soomaaliya lagu ammaanay waxaa ka mid ahaa in ay daabacday warbixin sanadeedka, weliba waqti macquul ah. Xilliga dib u eegista, xukuumadda federaalka ah waxaa ay daabacday miisaaniyadda iyo warbixinteeda, Internet-ka, weliba waqti macquul ah. Xukuumadda federaalka ah, Internet-ka kuma daabicin wax miisaaniyad ah ilaa sanadkan uu bilowday halka xukuumadihii 2013-2016 ay wasaaradda maaliyadda ku daabici jirtay Internet-ka. Wasaaradaha qaar ee xukuumadda hadda jirta waxaa ay isticmaalaan qarash aan ku jirin miisaaniyadda, isla markaana aaney jirin cid ku sameysa xisaab xir ama la socota. Waxaa intii loogu talo galay ka batay qarashka soo xarooda iyo midka baxaya intaba, sidaasi ay tahay xukuumadda waxaa ay baarlamaanka u keentay miisaaniyad kucelis ah, taas oo kor u qaadeysa aaminaada. Hanti dhowrka iyo hey’adaha kale ee la socda miisaaniyadda waxaa lagu eedeeyey in dadweynaha aaney u soo bandhigin warbixintooda ee keliya ay la wadaagaan baarlamaanka federaalka ah. Waxaa dowladda Soomaaliya lagu ammaanay heshiisyada la xiriira kheyraad qeybsiga ee ay la gashay dowlad goboleedyada iyo meelmarinta sharciga Batroolka. Xukuumadda waxaa lagu ammaanay sida ay u shaacisay heshiiska kaluumeysi iyo leysinada ay bixisay. Ugu dambeyntii, Dowladda Soomaaliya waxaa loo soo jeediyey in wax ka qabato: In miisaaniyadda ay dadweynaha la wadaagto marka ay u gudbineyso baarlamaanka federaalka ah. In dadweynaha lala wadaago deymaha gudaha ee xukuumadda qaadato, isla markaana lal socdo. In la soo bandhigo miisaaniyadaha dib u eegista lagu sameeyey iyo qarashyada baxa, oo dadweynaha lala wadaago. In aaney jirin xisaabaad ama qarash ka baxsan miisaaniyadda oo la isticmaalo, kuwaas oo aan lala socon. In warbixinnada hanti dhowrka iyo qarashka baxa lala wadaago dadweynaha In heshiisyada kheyraadka dabiiciga ah lagu bixiyo si waafaqsan heshiiska iyo xeerarka dalka. In dadweynaha lala wadaago arrin kasta. Liiska Dalalka Kasoo Baxay Hufnaanta Maaliyadda: Afghanistan, Albania, Argentina, Armenia, Bosnia and Herzegovina, Botswana, Brazil, Bulgaria, Burkina Faso, Cabo Verde, Chile, Colombia, Costa Rica, Côte d’Ivoire, Croatia, Czech Republic, El Salvador, Estonia, Fiji, Georgia, Ghana, Greece, Guatemala, Guyana, Honduras, Hungary, India, Indonesia, Israel, Jamaica, Jordan, Kazakhstan, Kenya, Kosovo, Kyrgyz Republic, Latvia, Lithuania, Malaysia, Malta, Marshall Islands, Mauritius, Mexico, Micronesia, Moldova, Mongolia, Montenegro, Morocco, Namibia, Nepal, North Macedonia (formerly Republic of Macedonia), Panama, Paraguay, Peru, Philippines, Poland, Portugal, Romania, Senegal, Serbia, Seychelles, Sierra Leone, Singapore, Slovakia, Slovenia, South Africa, Sri Lanka, Thailand, Timor-Leste, Tonga, Trinidad and Tobago, Tunisia, Turkey, Uganda, and Uruguay. Liiska Dalalka Ku Guuldareystay Hufnaanta Maaliyadda: Algeria, Angola, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Benin, Burma, Burundi, Cambodia, Cameroon, Central African Republic, Chad, China, Comoros, Congo, Democratic Republic, Congo, Republic , Djibouti, Dominican Republic, Ecuador, Egypt, Equatorial Guinea, Eswatini (Swaziland), Ethiopia, Gabon, Gambia, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Iraq, Laos, Lebanon, Lesotho, Liberia, Libya, Madagascar, Malawi, Maldives, Mali, Mauritania, Mozambique, Nicaragua, Niger, Nigeria, Oman, Pakistan, Palestinian Authority, Papua New Guinea, Rwanda, Samoa, Sao Tome and Principe, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Suriname, Tajikistan, Tanzania, Togo, Turkmenistan, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Yemen, Zambia iyo Zimbabwe. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Raysal wasaare Abiy Axmed oo hadda booqasho ku maraya dalka Koonfurta Kuuriya ayaa maanta booqdey xarunta shirkada weyn ee baaburta sameysa ee lagu magacaabo Hyundai, wuxuuna ku dhiiri galiyey in ay maal-gashato wadanka Itoobiya. Sidoo kale waxa uu wada hadal la yeeshey shirkada weyn ee birta sameysa ee wadankaas laguna magacaabo POSCO, wuxuuna kala hadley suura galnimada in ay sii balaadhiyaan shaqooyinka ay ka wadaan wadanka Itoobiya. Dhinaca kale, waxaa la qabtey kulanka ganacsiga Itoobiya- Kuuriya, kaasi oo lagu qabtey safaarada Itoobiya ku leedahay Kuuriya laguna dhiiri galinaayey ganacsatada Kuuriyaanka in ay maal-gashadaan Itoobiya. Source
-
Awdheegle (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Sh/Hoose. Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa ka dhacay degmada Awdheegle, deegaanada Shangare iyo Bariire ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen saldhigyo ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin halkaasi, iyaguna ay dhankooda u jawaabeen. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidamada dowladdu ay ka bilaabeen agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
(SLT-Moscow)-Dowlada Turkiga iyo Ruushka ayaa gaadhay heshiis lagu dajinayo xiisadda ka taagan gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Suuriya. Turkiga ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ay millatariga Suuriya oo garab ka helaya kuwa Ruushka ay kula jiraan maleeshiyaadka ku sugan Idlib oo daris la ah Turkiga. Labada madaxweyne ayaa heshiiskan ku gaadhay magaalada caasimada ah ee Moscow salaasadii shalay. Mr Putin ayaa yidhi waxaan aniga iyo Erdogan si wadajir ah ugu heshiinay in la Iska kaashada soo afjarida kooxaha Argagixisada lagana dhigo xaalada gobolka mid Xasiloon. Xukuumada Ankara ayaa markii hore dhaliilsaneyd siyaasada dowlada Suuriya iyo Turkiga u wadaan howlgalka ka socda gobolka Idlib. Source
-
(SLT-Washington)-Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump ayaa ansixiyey sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar lagaga eryo Congress-ka dalkaasi. Xisbigan oo ka taliya gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyey hadallada Ilhaan ee ka dhanka ah Israa’iil iyo wax ay ku sheegeen kala sooca dadka Mareykanka ah. Hindisahan ayaa waxaa soo gudbiyey Tommy Hanes oo ah Xildhibaanka gobolka Alabama ku matala aqalka hoose, iyadoona ay meel mariyeen golaha GOB ee Xisbiga Jamhuuriga. Sidoo kale guddi ka socda golaha deegaanka Alabama ayaa tagi doona xarunta aqalka hoose, iyaga oo doonaya in Ilhaan Cumar laga eryo guud ahaan Congress-ka. Dhanka kale illaa iyo hadda Ilhaan kama ayna jawaabin codsiga ay soo jeediyeen wakiillada gobolkaasi. Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa inta badan warbaahinta isku mariya hadallo kulul oo mid kasto ku weerarayo kan kale. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuuseen Guuleed ayaa si kulul uga hadlay xiisada u dhexeysa Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay VOA-da ayaa walaac ka miijiyey ciidamada ay dowladdu geysay magaaladaasi, wuxuu xusay inuu ka cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo hakaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan Galmudug ay ku socoto fashil iyo burbur, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda dhexe waxaa u soo jeedinayaa arrintaas inay wanaag iyo wada hadal ku maareyso, caqliga inuu taliyo, waxaa ka cabsi qabnaa inuu yimaado dagaal iyo fadqalo”ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug. Guuleed oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray “Ciidamada laga soo daabulayo gobolka ay Muqdisho u baahneyd in ammaankeeda lagu sugo, uma maleyn maayo maslaxad inay keeneyso, Galmudug ciidan uma baahno, qori uma baahno, waxay u baahan tahay caqli iyo maskax” Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uu shaaciyey inuu bur-buray heshiiskii ay la gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ahlu Sunna ayaa ku eedeysay dowladda dhexe inay ka baxday heshiiskaasi, waxaana ku dhawaaqday dagaal ay sheegtay inay isku difaaceyso. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Tokyo)-Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa Maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada Tokyo ee Caasimadda Japan. Shirweynahan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Tokyo ee dalka Japan. Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Source
-
(SLT-Pakistan)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka fiirsanaya in uu xidho garoon diyaaradeed oo ay ka soo degaan shixnadaha ganacsi ee Hindiya. Xayiraada ganacsi ayaa dhanka kale saameyn ku yeelan doona dhaqaalaha Hindiya. Xidhiidhka u dhaxeeya labada wadan ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, tan iyo markii xukuumada Delhi ay xayiraada ku soo rogtay gobolka Kashmiir. Qoraal uu ku soo qoray bartiisa wasiirka Seyniska iyo Tiknoolajiyada Fawaad Choudry ayuu ku sheegay in Ra’isul wasaaraha Pakistan uu ka fikirayo sidii uu u xidhi lahaa garoon diyaaradeed oo ku yaalla Pakistan kana soo dagaan shixnadaha Ganacsi. Arintaan ayaa dhanka kale saameyn doonta ganacsiga Hindiya ay u dhoofin jirtay Afghanistan. Source
-
(SLT-Tehran)-Waaxda cadaaladda ee Iran ayaa sheegaysa in nin haysta jinsiyadaha Britain iyo Iran, 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u basaasayay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Anousheh Ashouri ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan $36,600. Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK ayaa xaqiijayay inay taageerayeen qoyska ninkan haysta jinsiyadaha UK iyo Iran. ”Safaaraddeena ku taalla Tehran way sii wadi doontaa codsigeena ku aaddan taageeridda qoyska ninkan la xukumay”, ayuu intaasi ku sii daray xafiiska. ”Sida loola dhaqamo dadka haysta jinsiyadaha kala duwan ee lagu xira Iran, waxaan kiisaskooda ula tacaalaynaa si gaar ah oo ku saleysan heerka ugu sareeysa. Waxaan Iran ku boorrinaynaa in dadkaasi iyo qoysaskooda ay dib u mideeyaan.” Iran ayaa sannadadii ugu dambeeyay xidhay tiro dad ah oo haysta jinsiyado kala duwan iyo kuwa ajaanib ah, kuwaasi oo intooda badan lagu soo eedeeyay dambiyo basaasnimo ah. Dadkaasi waxaa ka mid ah Nazanin Zaghari-Ratcliffe oo haystay jinsiyadaha Ingiriiska iyo Iran ayaa sannadkii 2016-kii lagu xukumay shan sano xarig ah. Dowladda Iran ayaanan aqoonsanayn muwaadiniinta reer Iran ee haysta jinsiyadaha kale. Xidhiidhka Iran iyo UK ayaa toddobaad yadii ugu dambeeyay aanan wanaagsanayn ka dib markii ay isku khilaafeen maraakiibta shidaalka ee ay kala afduubteen. Afartii bishii July markab kuwa shidaalka qaada ah ayaa xeebta Gibraltar waxaa ku qafaashay ciidamada badda ee UK, ka dib markii looga shakiyay in uu markabka baal maray sharciyadii cunaqabateenta ee Midowga Yurub kaas oo ahaa in markaabita shidaalka sidda aysan geli karin gudaha dalka Suuriya. Markabkaasi ayaa la sii daayay 15-kii bishan Ogosto, balse Iran ayaa weli haysata markab kuwa shidaalka qaada ah oo uu ka dulbabanaya calanka Britain, kaaso oo ay Iran qafaalatay 19-kii bishii July. Source
-
Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Marxuum Maxamed Amiin Sheekh. NISA ayaa sheegtay in ninkaasi lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo laga fuliyey xaafadda Carafaad ee degmada Yaaqshiid . Sidoo kale waxa ay hay’addu soo bandhigtay cajalad muujineysa qalab ay ka mid yihiin telefano, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada. Ma shaacin taliska nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka magaca ninkaasi iyo waxa uu u qaabilsanaa Al-Shabaab. “NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Qaraxa lagu dilay Marxuum Amiin oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab. View the full article