Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa shaaciyey in xukuumadda federaalka aysan ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho magaalada Muqdisho. Beyle oo la hadlayey wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa qiray in dowladdu aysan laheyn awood ay ku joojiso dhaqaalaha faraha badan ee kooxda Al-Shabaab ka hesho gudaha Caasimada. “Waa xaalad cabsi ah, ma heyno awood aan ku wajanho arrinaasi” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle), isagoo ku sugan dalka Japan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalyahannadooda ay joogaan meel kasto, iyaga oo isku ekeysiinaya shacabka, sida uu hadalka u dhigay. “Dhibaatada waa mid hal nooc ah Al-Shabaab waa Soomaali, sida aniga ama qof kale meel walba ayey joogaan, waana naga mid yihiin” ayuu hadalkiis sii raaciyey. Sida ay horay Caasimada Online u baahisay Al-Shabaab ayaa malaayiin Doller sanadkii ka hesha Muqdisho, iyadoona canshuur ka qaada dekedda iyo ilo kale oo muhiim ah. Sdioo kale waxay lacago Zakawaat ah iyo Canshuur ka qaadaa ganastada oo tegay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hadalka ka soo baxay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabar jab ku ah dowladda federaalka, sidoo kale wuuxuu niya-jab ku sii ridayaa ganasatada Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Dowladda Puntland ayaa wadda qorshe cusub oo ay ku soo xero gelinayso saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland kana soo jeeda gobolka Sanaag. Xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni, xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland iyo maamulka gobolka ayaa doonaya inay sii xoojiyaan soo xero gelinta shaqsiyaadka huray gacanta Somaliland. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo katirsan barlamaanka Puntland lagana soo doorto gobolka Sanaag oo wax laga waydiiyey joogitaanka guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Badhan ayaa sheegay in uu kuyimid arrin qoys. Dhoore waxa uu sheegay in ay horay u soo xero geliyeen rag katirsanaa Somaliland haddana aysan doonayn inay xabad iyo xoog wax walba ku wajahaan arrinta guddoomiyahana uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Sanaag. The post Puntland oo wadda qorshe ay ku soo xero gelinayso xubno katirsan Somaliland. appeared first on Puntland Post.
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka hadashay waxa ka jira wararka sheegaya in diyaarad hub sida ay saacadihii la soo dhaafay ka degtay garoonka magaalada Qardho ee maamulkaasi. Taliyaha ciidanka ilaalada garoonka magaaladaasi Sharma’arke Ismaaciil Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in ay jirto diyaarad hub ka dejisey halkaasi. Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay aheyd mid rakaab ah oo duulimaad caadi ah ku tegtay garoonka Qardho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in laga war hayo dhammaan diyaaradaha tegaya deegaanada Puntland Ugu dambeyn wuxuu taliye Sharma’arke Ismaaciil Mire uga digay dadka inay faafiyaan warar been abuur ah oo aan la hubin. Hadalkan ayaa kusoo aadayaa, iyadoo baraha bulshada si aad ah loogu faafiyey in diyaarad hub sida ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  4. Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ciidammo cusub oo ka tirsan kuwa AMISOM, kana socda dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasoo ay shalay gaareen qaar ka mid ah ciidammo ka socda Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in ciidankan cuusb ay ka mid noqon doona kuwii ka socday AMISOM ee horay u joogay magaaladaas si ay u adkeeyaan amniga guud ee goobaha lagu qabanayo shirarka iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo degmadaas. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in maanta ay ciidammo itoobiyaan ah gaarayaan Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka Galmudug, si ay amniga u sugaan, inkastoo uu sheegay inaysan jirin cabsi laga qabo qas iyo qalaan-qal ka dhaca halkaas. Dowladda Somalia ayaa qosheynaysa inay magaaladaas ku qabato shir ay isugu keenyaso dhammaan beelaha wada-dhistay Galmudug, shirkaasoo la sheegay inuu yahay mid lagu dhameynayo khilaafyo ka dhex-jira dadka iska leh Galmudug. Sidoo kale, Waxaa lagu wadaa in magaaladaas lagu qabto doorasho lagu soo xulanyo xildhibaannada cusub ee maamulkaas, kuwaasoo iyaguna dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulkaas, inkastoo aan la ogeyn halka ay saldhigan doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug eek a furmaya Dhuusa-mareeb. Ugu dambeyn, Ciidammo ka tirsan kuwa socda Jabuuti ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa shalay lagu wareejiayay goobo muhiim ah, iyadoo madaxda Ahlusunna ay ku kala qaybsan yihiin shirka lagu qabanayo degmadaas. PUNTLAND POST The post Ciidammo hor leh oo ka tirsan AMISOM oo ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle oo u warramayay wargeyska Washington Post ayaa sheega in DF aysan wax ka qaban karin dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Bayle ayaa sheegay in Somalia ay xilligan ka jirto cabsi weyn, isagoo xusay in kooxaha Al-shabaab canshuuraha ka qaada ganacsatada aysan DF waxba ka qaban karin, iyaguna ay si nabad-galyo ah isaga dhex mushaaxaan dalka gudihiisa. “Somalia waxaa ka jira cabsi weyn,” ayuu yiri wasiirka oo u wargeyska hadal siinayay, wuxuuna intaas ku daray. “Dowladda Somalia ma lahan awood ay uga joojiso Al-shabaab inay dhaqaale ka qaataan ganacsatada Soomaaliyeed.” Al-shabaab ayaa waxay dhawaan ganacsatada Soomaaliyeed ku qasabtay in ay bixiyaan lacago canshuur ah, iyadoo ganacatada looga digay haddii ay bixin waayaan lacagtaas laga qaadi doono tallaabo aan la sheegin cawaaqibka ka dhalan doona. Wasiirka ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in Al-shabaab aysan shacabka ka duwanayn, isla markaana aan laga dhex aqoonsan karin shacabka, taasna ay tahay dhibaatada ugu weyn ee ay ka geysanayaan dalka. Dhanka kale, Wareysigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu wargeysku daabacay in Al-shabaab ay si toos ah lacago uga qaadaan cid walba oo ay doonayaan, gaar ahaan ganacsatada si ay hawlahooda ugu sii wataan. Ururka Al-shabaab ayuu wageysku sheegay inay dhaqaalaha ku helaan dhawr ha boo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in si toos ah loogu geeyo, in loogu gudbiyo bangiyo, xawaalado ama lacgaha taleefoonnada la isaga diro. Hadalka Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Al-shabaaba ay dhawaan sheegtay ku qasabtay ganacatada Soomaaliyeed inay lacago canshuur ah siiyaan inta aysan alaabooyinkooda kasoo bixin dekedda Muqdisho, taasoo dhaqan gashay. Ugu dambeyn, Wareysiga uu biiyay wasiir Bayle ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo ay Dowladda Federaalka Somalia qirato inaysan Al-shabaab ka difaaci karin shacabka Soomaaliyeed, dowladduna ay shacabka ka rabto inay canshuur bixiyaan. PUNTLAND POST The post Wasiir sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan shacabka ka difaaci karin Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in muddada uu jooga taliska uu sare u qaadi doono tirada saraakiisha haweenka ee ku jira ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar oo khudbad ka jeediyey munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo badin lahaa tirada gabdhaha ee saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka war heyn doono caruurta agoonta ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si ay u helaan daryeel wanaagsan. Taliye cusub ee ciidanka Booliska ayaa shalay xilka kala wareegay taliyihii hore ee Ameeriko, kadib munaabad ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-booliska.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in uu sare u qaadi doono saraakiisha haweenka ee ku jira ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar ayaa ballan qaaday in muddada uu joogo uu ka shaqeyn doono sidii loo badin lahaa tirada gabdhaha ee saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya. “Waxaan xoojin doonaa Gender-ka Booliska oo aan ku soo dari doono tirada hadda gabdhaha ka joogta kuwa intaas ka sii badan marka aan xilka wareejinayo.” ayuu yiri taliyaha cusub ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhanka kale wxuu ballan qaaday inuu ka war heyn doono caruurta agoonta ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si ay u helaan daryeel wanaagsan. Ugu dambeyn waxuu taliyu sheegay inuu xoojin doono wada shaqeynta shacabka iyo Booliska Soomalaiyeed. Taliye General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilkiisa, kadib munaabad ka dhacday gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-booliska.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabduqaadir (Hilaal) ayaa ka hadlay xariga wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay lagu xiray garoonka magaalada Muqdisho. Hilaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Janan loo heysto dambiyo kala duwan oo uu ka ka geystay gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laanta dambi baarista ay CID ay baadi goobayeen in muddo ah, sida uu hadalka u dhigay. “Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG #Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer #Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista.” ayuu yiri wasiir Hilaal. Illaa iyo hadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ma shaacin sababaha rasmiga ee loo soo xiray wasiirkaasi oo ka mid ah xubnaha ku dhow Axmed Madoobe. View the full article
  9. Shir degdeg ah oo xalay ay yeesheen golaha wasiirrada Jubbaland ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii ay dowlada federalka ugu soo rogtay xayiraada diyaaradaha tooska u taga magaalada Kismaayo. “Go’aanada ka soo baxay Golaha Fulinta iyo Wasaarada gaadiidka dowlada federalka ee ku saabsanaa duulimaadyada diyaaradaha ee Jubbaland iyo doorashada lagu tilmaamay sharci darro waa mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Maamulka Jubbaland. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Qoraalka: Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-01092019.mp3 View the full article
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa eedeyn iyo cambaareyn culus la kulantay kadib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Yokahama ee dalalka Afrika iyo Japan. Dowladda Mauritius oo qeyb ka aheyd shirkaasi ayaa maamulka Somaliland ku eedeysay inuu ku xadgudbay heshiiskii maxaabiista Burcadbadeedda Soomaalida. Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Pravind Jugnauth oo si gaar ah ula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey go’aanka ay Somaliland ku siideysay maxaabiistaasi oo ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Maxaabiista oo gaarayey illaa 19 ayaa Somaaliland waxa ay sii deysay bishii hore ee Julay, kadib markii cafis uu u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Horay waxaa tallaabadaasi u cambaareysay Seychelles oo iyadu soo xukuntay maxaabiistani, looguna talagalay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa. Seychelles ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiis dhexmaray dalalka dhaca Badweynta Hindiya, kaas oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcadbadeedda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  12. (CNN)Yemen's government and the United Arab Emirates are supposedly on the same side in the country's long-running conflict. But the government is now accusing the UAE of killing dozens of its troops in a series of airstrikes this week. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU, Aug. 31 (Xinhua) -- Somalia's electoral body has kicked off an awareness campaign to have women participate in the 2020/2021 electoral process. Source: Hiiraan Online
  14. Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dowladda Kenya. Wargeysku waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay joogaan Ciidamo Kenyaan ah sidoo kalena joogaan Magaalada Dhoobley. Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ku amartay diyaaradaha ka dagaya Kismaayo ama ka duulaya in ay maraan Magaalada Muqdisho si hubin loogu sameeyo. Hayeeshee dowladda Kenya ayaa u aragta in go’aankaasi yahay mid iyada ka dhan ah. kenya waxa ay dadaal xoog leh ugu jirtaa sidii kiiska Badda loogu dhameyn lahaa meel aan maxkmad ahayn. Laakiin Maxkamadda kiiskaas gacanta ku heysa ee ICJ ayaa sheegtay in dhegeysiga wareegga ugu dambeeya uu bilaabanayo 9ka Bishan September kuna egyahay 13ka Bishan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Former Mandera Senator Billow Kerrow has urged the Somali community to stop consumption of miraa (khat). Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xarunta Dowladda Hoose ee G/Banaadir, ayaa durba wajahaya caqabado xoog leh oo uga imaanaya xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Maxamed Maxamuud Filish, uusan u dhaxeynin heshiis islamarkaana ay ku kala tageen kulamo ay ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya ka hor xil wareejinta Cumar Filish. Khilaafka oo salka ku haaya Ciidamada maamulaya Aqalka Dowladda Hoose iyo go’aanka amniga Muqdisho, ayaa sababay in labada masuul ay isku fahmi waayaan. Cumar Filish, duqa cusub ayaa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir kadib markii Saadaq John iyo Cumar Filish isku maan dhaafeen Ciidamo uu Cumar Filish keensaday Aqalka Dowladda Hoose. Duqa cusub ayaa sheegay in uusan la shaqayn karin Saadaq John amniga Muqdishana lagala xisaabtami doono Gobalka Banaadir, dhamaan dadkii kala shaqayn lahaa amniga iyo horumarka Gobalka uu la imaanayo Guddoomiyaha, waana arinta sababtay kala tagga labadaan hogaamiye. Xildhibaano iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaafka la gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana hadda la sugayo Madaxweyne Farmaajo. “Aniga iima muuqato wadashaqayn dhaxmari karta Filish iyo Kheyre hadii aan Farmaajo nidaam u sameynin” ayuu yiri Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online oo naga codsaday in aanan adeegsan magaciisa iyo codkiisa. Khilaafka Filish iyo Kheyre waxay ka muuqatay munaasabadii Xil wareejinta oo la sheegay in loo diiday Golaha Wasiirada iyo in laga tabiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed kadib markii uu amray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Kheyre. Xaflada oo aan laga tabin Telefishinka Qaranka ayaa maalin kadib Page-ka TV-ga la soo geliyay Khudbadii habeen hore waxaana la sheegayaa in ay aheyd cadaadis ka yimid dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya. Si guud magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeya labada dhinaca waana hadal heynta ugu wayn ee maalmahaan ka taagan Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Japan's Prime Minister Shinzo Abe and Somalia's President Mohamed Abdullahi Mohamed "Farmaajo" have agreed that the two countries will continue working together in maritime security. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Iftin Xasan Baasto iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhex dhexaadin ka bilaabay khilaafka u dhaxeeya Xildhibaan Cabadirashiid Maxamed Xidig iyo Axmed Maxamed Islaam, oo labadooduba sheegtay Madaxweynaha Jubbaland. Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xubnahaan ay la kulmeen labada masuul islamarkaana lagu jiro gor gortan iyo doodo kulul. Axmed Madoobe ayaa guddiga u balan qaaday in uu bixin doono lacag iyo balan qaad ku saabsan soo laabashada kursiga Xildhibaanimo ee Xidig ee baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo 2020.. Cabdirashiid Maxamed Xidig oo 2 jeer kulan lala qaatay ayaa wali go’aan ka gaarin arrimaha loo soo bandhigay waxaase la sheegay in uu yiri “Axmed balan malahan iyo isku haleyn”. Dadka aan la hadalnay oo qaarkood ay ka tirsan yihiin Guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in maalmaha soo socda ay dhammeeyaan Khilaafka Jubbaland ee 3-da Madaxweyne, islamarkaana ay kadib u istaagi doonaan sidii loo dhameyn lahaa kan dowladda iyo Jubbaland. Axmed Maxamed Islaam, oo todobaadkii hore sheegtay inuu mar kale ku guuleestay hogaanka Jubbaland ayaa u muuqda mid ka sii dhaxbaxaya culeesyadii uu wajahayay, isagoo inta badan la heshiiyay xubnihii mucaaradka ku ahaa markii laga reebo kuwii ugu tunka weynaa ee Seeraar, iyo Xidig oo uu hadda wadahadal kula jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fiidkii lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii ay qaybaha kore ee jirkiisa ka toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa. Dilka oo ka dhacay xaafadda Arjantiin ee Degmada Kaaraan, iyadoo ay dilkaasi gaysteen laba nin oo sida la sheegay ku hubeysnaa bastoolado. Raggan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin ayaa dilka ka dib waxaa u suurtagashay inay goobtaasi ka baxsadaan, lamana garanayo ujeedada ka dambeysa inay ninkaasi dhalinyarada ah dilaan. Marxuumka oo ka mid ahaa dhalinta ku dhaqan xaafadda Arjantiin ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadaawe Cabdulle Farey. Ciidamada Booliska oo ku baxay halka uu dilku ka dhacay ayaa tagey goobtaasi, xilli ay baxsadeen dembiile-yaasha, lamana soo sheegin cid ay dilkaasi u soo qabteen. Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soo reynaayay, waxaana aad u yaraaday dilalka ay ka gaysanayan ragga bastooladaha ku hubeysan, ee sida dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Alla yeelo. Intaa kabacdi akhristoow; mar hadiiba muhiim eeysan u aheyn Axmed Madoobe in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo loo wada dhanyahay, dowlada federaalka, iyo beesha caalamkana goob-joog kawada yihiin, si cadaalad iyo hufnaan wax walba ugu dhacaan, ugu dambeyna natiijo ummada wada ogoshahay uga soo baxdo, hade waa su;aale, mala hurayaa foowdo, iyo in Jubbaland yeelato sadex madaxweyne iyo kabadanoo wado khaldan isku wada doortay? Mar hadiiba xaalku noqday in odayaashii dhaqanka, ee soojireenka ahaa, ee ab-ka-ab ahaa, ee ummadu wada taqaannay, uu Axmed Madoobe kawada dhigay, mid Kismaayo uu kasoo masaafuriyey, ama naftooda lasoo baxsadayoo isaga soo cararay, kadibna wiilal yaryaroo cimaamado uu u xiray, ugaasyo cusub ka dhigtay, iyo mid maalin cad lagu khaarijiyey magaalada Kismaayo dhexdeeda, cidii khaarajiseyba sida: Ugaaskii beesha Gaaljecel, iyo Ugaaskii beesha Jareer weyne. Hade waa yaab iyo amakaage, soow fidno iyo foowdo aan dhamaan dalka iyo dadkaba Axmed Madoobe uma horseedin? Doorasho ku-sheeg nuucaa ku dhacdeyse, soow ma aha, marnaba ineeysan aqbalin dowlada federaalka ah, beesha caalamka, iyo ummada Soomaaliyeedba meelkasteey joogaanba? Mar hadiiba odayaal-kusheegyo maqaar-saar ah, Axmed Madoobe urursaday, maadaama kuwii saxda ahaa, intoodii ugu badneyd lawada masaafuriyey,ama naftooda Kismaayo kalasoo baxsadeen, kadibna sida laga wada dharagsan yahay, kuwan maqaar-saarka ah, Axmed Madoobe ku yiri: Sadex qof iikeena, anigaana midka aan u arko, inuu aniga oo kaliya idooranayo kala baxayee, soow **********nimo cad iyo hogaamiye-Kooxeednimo aan geed loogusoo gamban maaha? Doorasho ku-sheeg nuucaa ku dhacdeyse, soow ma aha, marnaba ineeysan aqbalin dowlada federaalka ah, beesha caalamka, iyo ummada Soomaaliyeedba meelkasteey joogaanba? Mar hadii koox Xil-Dhibaano ku-Sheegyo ah Axmed Madoobe iska sameeystay, kuwaasoo dhamaantood wada ah, askartiisii, Xaasaskii qaar askartiisii ka mid ahaa ka dhinteen, wariyeyaasha Tv-ga Jubbaland, iyo shaqaalaha madaxtooyadiisa iyo gurigiisa martida, si isaga oo kaliya eey udoortaan, soow sax ma aha marna inaan la aqbalin natiijada kasoo baxday, foowdadaa cad? Mar haduu Axmed Madoobe sameeystey kuwo lagu sheegay “Malxiisayaal” iska dhiga ineey isaga la tartamayaan, qaarka ugu badanna dib iska casilaeen, inyaroo lajisha filimkaana lagasoo reebay, si isaga uu isku boqro. Sidaana uu Khamiistii “Madaxweyne” isugu boqray, iyadoo foolxumadaa uu sameeyey, aaneey cidiba ka qarsooneeynoo lawada ogyahay.Soow in lawada diido ma aha, si foowdadaa aan kuwa kaloo mustaqbalka ah ugu dhiiran? Mar hadii xaalku sidaa yahay, kuwa kaloo dhan, ee hore u damacsanaa ineey si hufan ula tartamaan, magaranayo waxa u diidaya, ineey iyagana sidaa wada sameeyaan. Illeen foowdo, waxeey dhashaa foowdo kalee. Mas’uuliyadaana soow qaadi mayaan Axmed Madoobaha wadadaa khaldan inuu xukun ku qabsato go’aansaday, iyo waliba intii foowdadaa qayaxan ku dhiiragaliyey, walibana ku taageeray? Talo soojeedin 1-Dowlada Federaalka iyo saaxiibadeena beesha caalamka, waa ineeysan marnaba ka daalin saarida Axmed Madoobe cadaadis joogta ah, si uu wadada saxda ah, dib ugu soo noqdo, ugana soo laabto wadada foowdada iyo is boqrida, taasoo uu u bilaabay siyaasiyiin badan, dhaliseyna ineey is wada boqraan, tiro kaloo wada sheegatay, ineey wada yihiin “Madaxweeynayaasha” maamulka Jubbaland. 2-Dowlada federaalka iyo saaxiibadeena beesha caalamka, waa ineeysan marnaba aqoonsan foowadaa Axmed Madoobe kaligii isku boqray, waana inaan marnaba la aqbalin tanaasul kastoo sharciyad siinaya is boqrida Axmed Madoone, si loowaayo cidkaloo ku dhiirata, ineey sidiisoo kale is boqorto. 3-Madaama Axmed madoobe markii horaba qorsheeynayey, inuu sida uu sameeyeyba ku shubto, kabacdina, xabad iyo xoog cidkastoo la tartameeysey kuwada maquuniyo, waxaa macquul ah, inuu dagaal ku qaado siyaasiyiinta kalee sidiisoo kale is boqray, isagoo hadafkiisu yahay, inuu Kismaayo xoog uga saaro, ama kasoo masaafuriyo, sidaa daraadeed, dowlada federaalka oo kaa shaneeysa beesha caalamka, waa ineey magaciisa u gudbisaa booliska caalamka, ee looyaqaan Interpol, waa hadii dagaal uu karido Kismaayo, dadna ku dhintaane. 4-Dowalda Federaalka iyadoo kaashaneeysa beesha caalamka, waa ineey ka dhiidhisaa, dacwadna ukala gudbisaa: UN, AU, EU, OIC, Al, ….iwm, faragalinta qaawane Kenya dalkeena ku heeyso, kana shaqeeysaa sidii baarlamaanka dalka u meel marin lahaa, mooshin ciidamada Kenya looga saarayo dalka, iyo waliba kasii mid ahaan shahooda ciidamada Amison ee dalka jooga. Gunaanad Malaha marka intaa oo dhan lawada sameeyey, waxa kaliya ee lagu kala duwanaandoono, ama ugu dambeyn lagu kala bixidoono, waa yaa ********, iyo hub badanoo, uwada awood sheegan kara inta kale, hadii dagaal dhacana xabad iyo qori caaradii, yaa waxkasta ku wada maquunin kara, illeen caqli kale majiree. Hadiise dadka qaar isku qancinayaan, in Jubbaland lagu kala adkaaday, ogaada xaalku waa faanoole farikama qodna’e, waxaana kasoo socda, wax aan wanaagsaneyne. Waxaan Allaah karajeeynayaa, inaan dhiig Soomaaliyeed meeshaas ku daadan. Waxaan Allaah karajeeynayaa in Axmed Madoobe iyo inta foowdadaa kudhiiragalineeysa, Allaah garadsiiyo, ineey dib ugu noqdaan nidaamka, iyo sharciga, dibna u garwaaqsadaan, in loo baahan yahay,doorasho xor iyo xalaal ah, ummaduna u wada dhan tahay, dowlada Federaalka iyo beesha caalamkana goobjoog kawada ahaadaan, si markaa natiijada ummada ugu wada qanacdo. Wa Billaahi Toowfiiq. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___Qubanaha-31082019.mp3 View the full article