Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Buuloburte (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Dhame Cabdi Maxamed (Kabtan Suul Nuug) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada huwanta ay si nabaddoon kula wareegeen deegaano u dhaxeeya degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in howlgallada ay sii socon doonaan, inta Al-Shabaab laga saraayo guud ahaan gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-buulo-burde-.mp3 View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay taliyaha ciidammada millatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. In the aftermath of thawing of relations between Ethiopia and Eritrea, border towns such as Serha have been a beehive of activity with reconstruction of infrastructure such as bridges and roads reconnecting the two countries. Source: Hiiraan Online
  4. Hargeysa (SMM) – Taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland, Nuur Ismaaciil Taani oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay ciidamo ka tirsan maamulkaas oo dhowaan u goostay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Taliye Taani ayaa sheegay in ciidamadaas ay horay uga diideen inay duulaan ku qaadaan deegaanada Puntland, islamarkaana uu heshiis kala dhexeeyey, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale taliyaha Milatariga Somaliland ayaa eedeyn culus u jeediyey Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo hoggaamiyo jabhadda Dulmi Diid. Taliyaha ayaa tilmaamay in Kormeyl Caare uu dambiyo culus ka gestay deegaanada Somaliland, islamarkaana ay maxkamadiisu furan tahay. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/ccc.mp3 View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedkii dhexdhexaadinta ka dhex waday xukuumadda Somaliland iyo jabhadda kornayl Caarre ayaa shaaciyay inay ka baxeen hawlihii nabadaynta ahayd ee ay wadeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Guddoomiyaha kooxda Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa safar shaqo ku tagay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaan si weyn u soo dhaweeyay bahda ciyaaraha iyo maamulka degmada,wuxuuna socdaalkiisa ku qotomay in uu soo komeero garoomada iyo xafiisyada ciyaaraha degmada. Bahda ciyaaraha iyo maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa guddoomiye Garooje kaga mahad celiyay booqashadiisa,iyagoo sheegay in ay sugidoonaan sanadaha soo aadan,si loo horomariyo isboortiga. Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo maamulka kooxda Elman oo iska kaashanaya ayaa kooxaha,macallimiinta iyo garsoorayaasha degmada ku wareejiyay agabyo isboorti,sida uu Goobjoog u sheegay gudoomiyaha naadiga Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje). Ha’yado badan ayaa ka howl gala degmada Diinsoor ee gobolka Baay gudoomiye Garooje inta oo joogay waxa uu la kulmay mas’uuliyeen ka socotay ha’yada Intersoos wuxuuna ka hadlay dhismaha iyo saarida cowska macallliminka garoonka kubbadda cagta degmada maadaam ay ay ha’adahaan ay mashaariic badan ka fuliyaan deegaanada maamulka Konfur Galbeed,iyagoo balanqaaday in ay wax ka qabandoonaan baahiyaha ciyaaraha. Guddoomiye Garooje horay waxa ugu soo dheelay kooxaha Horseed iyo Madbacada Qaranka,isagoo qorsheenayaa in sanadaha soo aadan oo safar shaqo ku bixiyo dhamaan gobolada dalka,si oo aqoontiisa iyo waqtigiisa ugu faa’ideeyo dhallinyarada iyo bahda ciyaarayah si dalka uu u gaaro horomar . Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Safarkii Uu Gudoomiye Garooje Ka Tagay Degmada Diinsoor W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Garoowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa ku baaqay wada-hadallad u dhexeeyaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland lagu qabto gudaha magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa sheegay n Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso shirarka looga hadlayo geeddi socodka arrimaha Ssiyaasadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo dhaweyneyso Puntland in Garowe lagu qabto shirka looga hadlayo Maqaamka siyaasadeed ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. “Waxaan jeclaan lahaa in aan halkaan ka sheego in Puntland marti geliso qodobada aadka looga doodo ee ah Maqaamka Muqdisho in Garowe looga hadlo, Muqdisho waa magaala madaxda Soomaaliya, waa magaalada astaanta u ah Qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda inuu dood aan dhamaaneyn ku jiro aad ayay noo dhibeysaa xaqiiqdii”ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi (Deni). Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dagaallo u dheexeeya Puntland iyo Somaliland ay ka taagan yihiin gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Somalia. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii qorsheynta maamulkaasi, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilka uu siin heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, inta laga magacaabayo wasiir kale. Ma shaacin Madaxweyne Xaaf, sababaha uu xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug. Wararka qaar ayaa sheegaya in xilka qaadista Cabdikaafi oo sidoo kale ahaa xoghayaha gudiga dib u heshiisiinta ay soo dadjisay, kadib markii uu dhaliilay guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u magacawday arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulkaas.. Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka amniga maamulkaasi, Mudane Saadaq Sheekh Yuusuf. Wareegtadan oo soo baxday bishii la soo dhaafay, balse aan la faafiin ayaa lagu sheegay inuu shaqada sii wadi doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, Cabdullahi Axmed Calasow. Xaaladda Galmudug ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo caqabado ay ka taagan yihiin arrimaha doorashada mamaulkaasi iyo shirweynaha dib u heshiisiinta oo labo jeer uu dib dhac uu ku yimid, sababo la xariira khilaafka siyaasadeed ee weli ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareebh xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Dr Sacad Cali Shire wasiirka maaliyaddu yahay wasiirka wasiirrada. Hadalka madaxweynaha ayaa yimid iyada oo dhawaan madaxweyne Biixi uu muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay wasiir Sacad, islamarkaana uu hoos geeyay dhawr wasiir. Wargeyska Geeska Afrika ayaa shalay baahiyay in wasiir Sacad muddooyinkii u dambeeyay maamulayay wasaaradda arrimaha dibadda. Sidoo kale bishii June ayaa la ogaaday in madaxweyne Biixi wasaaradda Caafimaadka hoos geeyay wasiir Sacad kadib markii wasiirka caafimaadka Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbin) xaalad caafimaad darro la soo deristay. Wasaaradahan la hoos geeyay wasiir Sacad ayaa leh wasiir xigeenno iyo agaasimeyaal guud oo sii wada kara shaqada wakhtiga wasiirradoodu maqan yihiin. Wasiirka arrimaha dibadda Prof Faratoon ayaa Geeska Afrika u sheegay in aanay waxba ku jabnayn in madaxweynuhu wasaaraddiisa hoos geeyo wasiir Sacad. Wasiir Faratoon ayaa yidhi “Waa dhab oo dalka waan ka maqanahay, dalkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne Qaran, markaas haddii uu Madaxweynuhu Wasiir Sacad si ku meel gaadh ah uga sii dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, inkasta oo Wasiir ku xigeenkii joogo, haddana haddii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi garto inuu Wasir Sacad Cali Shire uu ku sii sime ka dhigo wax dhiba oo ku jirtaa ma jirto, wax walbana wax lagama dayo, waxna lagama soo saaro”. Source
  11. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidankii Ahlu-Sunna ee horey loogu biiriyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda dhexe fulinta heshiisyadii ay la gashay Ahlu-Sunna. Saraakiishan qaarkood oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in waxa loo baahan yahay tahay in dowladda aanay ballanta ka bixin, haddii ay dhacdana ay cawaaqib ka iman karto. Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in ay daacad u yihiin ayna u hoggaansamayaan oo kaliya amarada Sheekh Shaakir, oo ah hogaamiyahooda. Mid ka mid ah Saraakiisha ayaa sheegay in aanay suuragaleyn in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya oo maamulka Ahlu Sunna uga baxeysa heshiiskii ay wadagaleen, sida ay hadalka u dhigeen Dhanka kale, saraakiishan ayaa sheegay in dowladda ay ka meer-meertay dalacsiintooda, ayna meel iska dhigeen warqaddii dalacsiinta ahayd ee Sheekh Maxamed Shaakir u gudbiyey dowladda federaalka. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Codka-Saraakiisha-Ciidamada.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/warka-duhur-2508-2019.mp3 View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada ka goostay Somaliland ay ahaayeen kuwo aan waxba ugu filayn Somaliland, isla markaana usoo xaadiri jiray uun inay qaataan Mushaharaad kaliya. Taliye Nuux Ismaaciil Tani waxa uu sheegay inuu aad usoo dhaweynayo inay ka baxaan Somaliland, maadama oo wali intaa ay ciidamadaasi joogeen aan wax hawlgal ah oo qarankani leeyahay aanay kala qaybqaadan. Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas, Nuux Ismaacil Taani isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wali intaa ay joogeen wax hawl ah oo hawlgaladaa ka socda wadanka waxba kamay fulin, xataa tii doorashooyinka wax nafle kamay qaban halkooda ayuunbaynu ku masruufaynay, ciidankii ma raacin balse waxa tagay badiyaa saraakiishii hogaaminaysay waxa halkaa ka muuqatay mudadii ay nala joogeenba khiyaamo uun inay ku socdeen, ninku hadii aanu waajibkii fulin karayn inuu lacag qaato maaha inuu sii joogana maaha. Waxaan leenahay waanu la saayirnay intaas oo dhan ayaanu ku eegaynay waanu la saayiray, kuwaa tagay iyo kuwo kaleba uma baahna qaranku inay iska tagaan ayaa wanaagsan, waanan ku faraxsanahay inay iska tageen, maxaa yeelay qaranka waxaan kharash ahayn oo ay ula fadhiyaan ma jiro, lacag bilaash ah oo cashuurta dadka laga ururiyey ah oo ay bilaash ku qaataan ayuunbay qaataan wax inooga soo noqday oo ay noo fuliyaana ma jiro markaa dadka caynkaas ah inay ka tagaan oo markii horeba ay odayaal yidhaahdeen noo qarameeya dee laguma sii jiri karo,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland. Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani, Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland waxa uu sheegay in ciidamada qaranka Somaliland iyo cid kasta oo ka baxdaa ay dib ugu soo noqoto. Markale taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland isagoo arintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Qofku haduu wanaag uun ku joogayo dee waan qaadan karnaa, laakiin qofkii oo dhiig-roor kugu ridaya oo kharash kaa qaadanaya hadana uu wax kale ku daro adeer wax la qaadan karo maaha, maalaha ay tagayaana Somaliland ayaa uga nafaqo badan, inkasta oo Somaliland ka tagaana wuu ku soo noqdaa.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland oo ka hadlayey Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku sugnaa deegaanka Badhan oo dhawaan u goostay dhinaca maamul goboleedka Puntland. Dhinaca kale Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa dambiile qaran ku tilmaamay Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland, kaas oo sidoo kale sheegay in Caarre uu dad badan oo ciidamo iyo dad shicib ahba isugu jira uu ku dilay gobolka Sanaag. Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani oo arinta kornaylkaasi hore uga tirsanaa ciidamadiisa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Caarre waxa uu ahaa Kornayl ka tirsan ciidamada, waanay ogyihiin ciidamadu waanay yaqaanaan, nin dhib badan oo dhibaato badan Sanaag ka gaystay inuu yahay. Halkan, Miiskan Saraakiisha ee aad joogtaan ayuu ku xidhnaa isagoo afar nin loo haysto dilkood, ragbaa ololeeyey, ololeeyey oo ninka ha la sii daayo ayaa la yidhi, wali kiiskiisii sidiibuu u yaalaa oo maxkamadu u xayirtay, isagoo jooga ayaa hadana Abaanduule laga dhigay, halkaa markuu tagayna oo uu muddo joogayna waaka dhacay mushaharkii ciidanka ee dhexda u fadhiistay, hadana waaka tagay Puntland, dadka uu gacantiisa ku dilay ee gobolkaa Sanaag ka tirsana 10 qof kama yara haday ciidan tahay iyo haday shicib tahayba. “In la qisaaso bay ahayd si isagana dambiga Illaahay uga dhaafo oo dadkuu laayey loo qisaaso bay ahayd, laakiin in loo qaato geesi anigu waxaan u arkaa shakhsiyan inay tahay dambi ka u doodayaana haduu wax u tarayo dambigaa uu sameeyey ha laga jaree inuu ogolaado in laga jaro oo maxkamad la saaro, Waa dambiile Qaran oo waliba ku dhiiran oo isle geesibaad tahay.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani. Source
  14. By FRED OLUOCH The tension between Kenya and Ethiopia over Somalia’s Jubbaland state and its recent election is likely to affect the war against terror in the Horn, experts warn. With the two countries being frontline states with a sizeable Somalia population and being contributors to the African Union Mission in Somalia – Ethiopia has 4,395 troops in Amisom while Kenya has 3,664 – their seeming failure to co-operate over Jubbaland could give way to a resurgence of the Al-Shabaab terror group. Amisom is preparing for a final withdrawal in 2021, leaving the Somalia National Army in charge and there are fears that the militants could recapture the liberated areas. DIFFERENT SIDES Abdiwahab Sheikh Abdisamad, a Horn of Africa expert, says the emerging rift between Kenya and Ethiopia over the just concluded Jubbaland election could fuel further clan divisions in the state and could give the militants more ground. Kenya supported the re-election of Sheikh Ahmed Islam Madobe, an old ally in the fight against Al-Shabaab. Ethiopia on the other hand allied itself with Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, who was pushing for the ouster of Madobe in favour of a person who could co-operate with Mogadishu. There is concern about the Shabaab’s recent campaign of targeting Somali government officials. Late last month, Al-Shabaab militants attacked a hotel in Kismayu, Jubbaland, killing 26 people. Later, a suicide bomber in Mogadishu killed the mayor, Abdirahman Osman, and several others. On August 20, the militants attacked Somali federal government forces military base in Qoryoole, in Lower Shabelle region. Abdirizak Omar Mohamed, a former minister of Internal Security in the federal government, says the militants have taken advantage of the political wrangles between Mogadishu and Jubbaland and their allies. “The geopolitical and economic interests at play are making the fight against Al-Shabaab more difficult,” said Mr Mohamed. While President Farmaajo, with the support of the United States and Qatar, believes that the reconstruction and democratisation of Somalia must start with a strong central government that would force the federal states into submission, Kenya, United Arab Emirates and the Saudi Arabia are for strong regional states as the building blocks for reconstruction. PACT AND INTERESTS Jubbaland — which comprises Lower Juba, Middle Juba and Gedo regions — was established in April 2013 as a joint effort between Kenya and Ethiopia, but the recent friction threatens the decades long long-standing mutual co-operation pact between the two countries. Experts on the affairs of Somalia blame Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed for disregarding this co-operation over the issues of Somalia and allying himself with President Farmaajo to create a strong centre. Matt Bryden, chairman of Sahan Research Organisation, said that Dr Abiy has abandoned the long-standing policy of supporting a decentralised system in Somalia and embraced Mogadishu which has left Kenya standing alone. Kenya and Ethiopia signed a Defence Pact in the 1960s to check the territorial ambitions of Somalia, back then being advanced through the claiming of parts of Kenya and Ethiopia in what was known as Somalia’s irredentism. The two countries have been playing a leading role on the war against Al-Shabaab. Analysts say that the emergence of Dr Abiy in the political scene — he came to power in April 2014 — and the shifting geopolitics in the Horn of Africa, has overshadowed Kenya’s position as a leading peacemaker in the region. This has been compounded by the emerging interests of the Gulf countries and western powers, are interested in influencing politics of the region with the objective of having access to Somalia’s offshore oil and gas deposits. For instance, Qatar is trying to wrestle influence over Somalia from Turkey. These vested commercial interests are threatening to defeat the war against terror in the region. According to Dr Abdisamad, the multinational giant western oil companies are threatening Kenya’s position, and they are lobbying Somali interests in their own countries putting Kenya in a difficult diplomatic position. Source: Daily Nation
  15. Kenya Defense Forces troops have been accused of detonating mast for Somalia's largest telecommunication company for the 12th time in less than two years. Source: Hiiraan Online
  16. Gen Nuux Ismaaciil Taani Taliyaha ciidanka Militariga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo saaka warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda ka aloosan gobolka Sanaag gaar ahaanna ciidanka ka soo goostay Somaliland iyo sidoo kale jabhadda Col. Caarre ee ku sugan gobolkaasi. Gen Taani ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo ciidanka ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa khiyaano la dhex joogay ciidamada Somaliland islamarkaana si xaq-darro ah u cunayey canshuurta shacabka Somaliland. Wuxuu sheegay in saraakiil hore u goostay Somaliland oo ku sugnaa gobolka Sanaag ay diideen in ay fuliyaan amar la siiyay oo ahaa in ay weeraraan degmada Badhan isagoo ciidanka hadda goostayna ku tilmaamay in ay kuwaasi lamid yihiin. Sidoo kale Gen Taani ayaa ka hadlay jabhadda hubaysan ee Col. Caarre hoggaamiyo ee dagaalka kula jirta Somaliland waxaana oo sheegay in Caarre uu mudanyahay in la qisaaso maadaama sida uu sheegayo uu dad badan laayay. Hoos ka daawo hadalka taliyaha PUNTLAND POST The post Gen Taani oo xaqiijiyay in uu amray in Badhan la weeraro balse laga diiday appeared first on Puntland Post.
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay dhammaan xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidamdaan oo saaka aroortii hore laga qaaday garoonka Aadan Cadde ayaa la wareegay amniga garoonka Ugaas Nuur oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo isku dhaf ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadani ay la wareegeen madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta. Xaaladda magaalada ayaa ah mid kacsan, iyadoona Ahlu-Suna dhankeeda abaabul xoogan ay ka wado halkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaa horay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu u shaaciyey in dowladdu dhaq dhaqaaq ka dhan ah heshiiskii ay wada galeen ay ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay dhowaan dhici doonaan shirweynaha dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug iyo doorashada hoggaanka sare ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  18. Jubbaland is a place filled with potential triumph and promise of hope. It is a place with a vibrant river, fertile soils, the beautiful Indian Ocean, and livestock. Jubbaland is known for its diverse cultures and hospitality. Source: Hiiraan Online