-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee uu dhowaan ku shaaciyay in Madaarkii Berbera uu noqon doono mid ay adeegsadaan dadka shicibka ah. Waddani ayaa sheegay in is-bedel weyni ku yimid Istaraatijiyadii Imaaraadka, midaasi uu ku macneeyay in dantii uu Berbera ka lahaa ay wax weyn iska badaleen, sidaasina uu ku yimid hadalka Madaxweyne Biixi. Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi looga baahanyahay inay dadweynaha reer Somaliland si cad ugu sharaxdo waxyaabihii iska badalay heshiiskii ay hore ula galeen dowladda Imaaraadka Carabta. Xoghayaha ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha looga fadhiyo in uu banaanka keeno heshiiskaasi oo uu sheegay in mad-madow badan uu hore ugu jiray, isla markaana loo baahanyahay in madowga laga saaro haddii wax ka badal lagu sameeyay, wuxuuna yiri “Heshiis beynu Imaaraadka ku wada jirnay, heshiisku siduu doonaba ha ku bilaabmo, wuxuu ahaa in Madaarka Berbera uu saldhig Millateri u noqdo dowladda Imaaraadka, markaa arrintaasi maxa iska badalay, ma dhankeena ayey wax iska badaleen?, mise dhanka dowladda Imaaraadka iska badaleen?, sidey wax u jiraa?, su’aalo faro badan bey u baahantahay oo ay tahay in dowladda iyo madaxweynuhu ay ka jawaaban”. “Sida muuqata Isbedel xagga istaraatijiyada oo siyaasiyan ah oo Imaaraadka ayaa jiraa, weyna cadahay. Siyaasadii arrimaha dibeda ee Imaaraadkuna waxay wadaa dibu qaabeyn, midaasi oo saameyn ku yeelanaysa danihii ay hore u lahaayen dowladda Imaaraadku”. Wuxuuna intaas kusii daray “Isbadelada Istiraatijiga Imaaraadka ayuunba u muuqda in uu arrintana qeyb ka yahay, oo saameyn ku leeyahay. Innaguna haddii aan iskala daala dhaceyno oo aynu mareyno halka ay marto dabaysha danaha dalalka kale, waxay ku fiicneed ugu yaraan in dadka ay u sharaxaan sida ay wax u dhaceen, midaasi oo ah waajib ay ku leeyihiin Madaxweynaha”. “Waa in dib loo eego Heshiiskii oo dadka loo sharaxo, loona sheego, oo ayna sanduuq madow ku jirin, sidii uu markii horeba uu sanduuq madow ugu jiray, oo himikana aan lagaga bixin sanduuqii madoowa ee heshiisku ku jirey, waa in dadka loo sheega haddii uu wax iska badalay heshiiskaasi”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT- Kuwait)-Dawladda Kuwait ayaa joojisay Dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo ee Dalkeeda loo iib-geeyo. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dalka Kuwait ayaa Masuuliyiinta Wasaaraddiisa ee ay khusayso Arrintani u soo jeediyey inay suuqyada ka mabuucaan oo ka joojiyaan Dhuxusha looga soo soo dhoofiyo Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in Lacagaha ka soo baxa ka ganacsiga Dhuxusha ay si aan toos ah loogu Maalgeliyo Argagixisada. Sidaa waxa qoray Wargeyska Al-Rai daily oo soo xiganaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee dalka Kuwait. Warqad xambaarsan Go’aan hore Golaha amaanka Qaramada Midoobay ugu mabnuucay Dhuxusha Soomaaliya in Dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, ayaa Wargeysku sheegay inuu gaadhay Wasaaradda Ganacsiga Kuwait, sidaasi darteedna Wasaaradda oo amarka Qaramada Midoobay fulinaysaa ay soo saartay Amarka joojinta Dhuxusha Soomaaliya ee loo dhoofiyo Kuwait. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Masuul ka tirsan xisbiga Waddani kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa si adag uga jawaabay hadalka guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha Mr Cabdikariim Xinif shalay ku sheegay in reer Awdal haystaan kuraas dheeraad ah oo golaha wakiillada ah kuwaas oo qaarkood reer Hargeysa leeyihiin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
An unspecified number of Burundian peacekeepers were killed Saturday when a military convoy was ambushed by the militant group Al Shabaab north of the Somali capital Mogadishu, security sources said on Sunday. “We’ve been informed about an ambush in which a number of Burundian soldiers were killed,” Abdikarim Hassan, a local Somali security official told AFP. A senior official contacted by telephone in the Burundian city of Bujumbura told AFP 12 Burundian soldiers had been killed and six injured. “Yes it’s true. Unfortunately 12 of our soldiers were killed and six others injured yesterday (Saturday) by Shabaab militants who ambushed them as they were returning from a security mission in a convoy going from Jowhar to Mogadishu,” the Burundian official said on condition of anonymity. Shabaab claimed responsibility for the attack in a statement, claiming to have killed 14 Burundian soldiers. The soldiers, who were serving with the African Union peacekeeping mission in Somalia (Amisom), were attacked on the road linking Mogadishu and the city of Jowhar, 90 kilometres (55 miles) north of the capital. The Shabaab has been fighting for more than a decade to topple the Somali government. A few hours before the attack a bomb exploded on the same road, killing three people including two local officials, Hassan added. Resident Ahmed Haji said villagers had heard gunfire and seen bodies. “Some villagers saw the dead bodies of the AU soldiers near the scene of the ambush, but they could not say their numbers,” he said. “People heard heavy exchange of gunfire that lasted more than 20 minutes as the Amisom military convoy was passing by the area,” he added. The attack is the latest in a long line of bombing and assaults claimed by the Al-Qaeda-linked militants. The Shabaab was driven out of Mogadishu by government forces backed by 20,000 peacekeepers from Amisom in 2011. But they still carry out attacks including suicide bombings against government targets. Source: AFP
-
Puntland’s political and economic environment has been consistently improving and stable since 1998. Under good leaderships, Puntland has been able to be a political stabilising [...] Source
-
Qaran News
-
Cadaado (Caasimada Online) – Odayasaha iyo waxgaradka beesha magaalada Cadaado oo maanta kulan yeeshay ayaa baaq iyo farriin u diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu tago magalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu soo xiro shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka dalbadeen laba qodob oo kala ah: 1 – In uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in xarunta baarlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado. 2 – In doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado. Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka beesha Cadaado ayaa markale waxaa ay ku celiyeen inaysan qeyb ka aheyn shirka Dhuusamareeb, islamarkaana aysan ka qeyb-galeen doorashada Galmudug ilaa iyo inta laga fulinayo dalabkooda. Waxgaradka iyo odayaasha ayaa sheegay in aysan kasoo horjeedin dowladnimada iyo dhismaha Galmudug, hase yeeshee ay dalbanayaan balantii madaxweyne Farmaajo uu ballan qaaday, xilli uu ku sugnaa magalada Cadaado. Madaxweyne Farmaajo ayaa 21-kii bishii Maarso ee sanadkii 2018 waxa uu magaalada Cadaado u magacaabay inay noqoto xarunta baarlamanka Galmudug. Hoos ka dhageyso codadka qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Cadaado. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Odayaasha-Cadaado.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Puntland oo uu dhowaan uu ku dhawaaqay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kula kulmay magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaasi u qaabilsanaha Midowga Yurub Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez. Kulanka oo ka dhacay xafiiska midowga Yurub ay ku leeyihiin magaalada Garowe ayaa looga hadlay qorshaha guddiga ee hiigsiga doorashooyinka axsaaba badan ee Puntland oo horay ay u balan qaaday Madaxweyne Deni inuu gaarsiinayo Puntland. Afhayeenka guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq, ayaa sheegay in sheegay in safirka ay la wadaageen warbixinna ay ka siiyeen sida guddi ahaan ay uga go’an tahay hirgalinta iyo gaarsiinta puntland doorashooyinka axsaabta ku dhisan. Sidoo kale Afhayeenka oo sii hadlaayo ayaa sheegay waxaa uu sheegay in safiirka uu guddiga ku bogaadiyay sida ay howlaha u wadaan,isla markaana uu u balan qaaday in Midowga Yurub uu taageero buuxda siin doono guddiga doorashooyinka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hyundai joins Coca Cola as one of the world-renowned companies Hyundai has played a major role in helping Somaliland gain international recognition, which it was seeking for very long. The South Korean car manufacturer collaborated with the Dahabshiil group of companies to introduce Hyundai car models to Somaliland and to Africa, whose economy is now also booming thanks to the growth in international interest. Awil Sharif, the CEO of Dahabshiil motors, said that Hyundai entering Somaliland and Africa is vital for the economic developments of both regions. He added that their further strategic plans include expanding the business to other regions around Somaliland and east Africa. They plan on doing it as early as they can. He also said that everyone is very optimistic that Hyundai’s entry will have a major impact on the motor industry. They have introduced almost eight models in the country. These include Grand Santa Fe, Santa Fe, Tuscon, Creta, Elantra, Grand i10, a 14 seater Commercial Bus, and Light Track. They started with eight models and added that they’ll bring more in the future if the customers demand it. Dahabshiil motors are the sole distributor of Hyundai motor vehicles in the Somali and African regions. The company Hyundai has the largest automobile manufacturing facility in South Korea and produces around 1.6 million units annually. Customers can buy their cars on finance, which makes it easy and convenient for them. The company also measures safety-related matters, environmental issues and the comfort of its users before importing any new material. Their goal is basically to fill out any loopholes that they think exist in the local automotive markets. Hyundai has entered the Somaliland market at a time where the government, specifically the Ministry of Transport, announced the ban on right-hand drive vehicles by next year. Major steps are being taken by the government so that safety can be made sure of on roads ad vehicle emissions reduced. They plan on bringing cars with optimum conditions to prevent as much emission as they can. Market Report Gazette Qaran News
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa maanta hawada ka saaray Idaacada Daljir xarunta ay ku leedahay M/Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay xarunta Idaacaddaasi, iyaga oo maray in gabi ahaan hawada laga saaro. Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegayeen inay baadi goobayeen agaasimaha guud ee Radio Daljir, Ahmed Sheekh Maxamed (Tallman). Amarka lagu soo xirayo agaasimaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu bixiyey taliyaha Booliska Puntland, General Muxiyadiin Axmed Muuse. “Maamulka warbaahinta Daljir ayaa cambaareeyey falalka ka baxsan sharciga ee ay ku kacayaan ciidamada bilayska oo loo sameeyey ilaalinta sharciga balse iyagu sharciga ku tumanaya. “Radio Daljir xaqiiqada tebinteeda kama weecinayso handadaad iyo caga juglayn.” ayuu yiri agaasimaha guud ee warbaahinta Daljir” Daljir ayaa dhawaan baahisay Warbixino la xiriira tacadiyo dhimasho ka mid tahay oo AY sheegeen in lagula kacay dhalinyaro laga qabtay magaalooyinka Bosaaso iyo Garowe. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbin doonaan taliyaha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanadda baarlamanka oo la hadlay idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in amar kasoo baxay taliyaha loogu qaaday ciidamadda ilaaladda u ahaa. Waxa uu sheegay in haatan ay cadowga u nugul yihiin madaama laga qaaday ciidamadii ilaaladda u ahaa, islamarkaana aan loo sheegin sababta dhalisay. Go’aanka uu Odowaa xildhibaannada kaga qaaday ciidamadii militariga ee ilaalada u ahaa ayaa ka dambeeyey amar uu siiyey madaxweyne Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online. Saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo amray in ciidanka difaaca Soomaaliya ee ku jira shaqada leexsan la geeyo goobaha laga saaro Al-Shabaab oo ay hadda ku sugan yihiin ciidan ka tirsan Guutada 60-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya. Hase yeeshee, xildhibaan Dalxa ayaa rumeysan in tallaabadan ay tahay mid si gaar ah loogu beegsanyo xildhibaannada aan ku aragtida ahayn madaxweynaha iyo xukuumadda. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Dalxa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/XILDHIBAAN-MAXED-CUMR-DALXA.mp3 Caasimada Online Xafiiska Mudisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddoomiyey shirka arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo todobaadkiiba hal mar lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho. Wasiirkada maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ugu horreyn laga dhageystay guud looga dhageystay warbixin ku aadan shirkii uu dhowaan uga qeyb galay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. “Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri.“ wasiir Beyle. Ra’iisul wasaare Khayre oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay fulin doonto dhammaan qorshaha lagu doonayo in dhamaan deymaha loogu cafiyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ugu jirto, sidii loo hormarin lahaa kobaca dhaqaalaha Soomaliya Dowladda federaalka ayaa wada dadaallo ay ugu jirto, sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay dalka, si ay Soomaaliya u hesho maalgasho caalami ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan laba iyo toban askari oo Burundi ah, islamarkaana qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu dilay, lix kalena waa lagu dhaawacay weerar ay Al-Shabaab ka fulisay meel ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Burundi oo la hadlay wakaaladda wararka AP, askartan ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ku qaaday kolonyo AMISOM ah oo ku safrayay gobolka Shabeellaha Dhexe. “Haa waa run. Nasiib darrose 12 kamid ah ciidamadeena ayaa lagu dilay lix kalena waa lagu dhaawacay (Sabtidii) weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ku qaadey kolonyo ka yimid Jowhar islamarkaana kusii jeeday magaaladda Muqdisho, ”sarkaal u hadlay dowlada Burundi ayaa yiri sidaasi. War qoraal ah oo lagu soo daabacay barta ay ku leedahay internet-ka, al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyada iyaga oo sheegay in dagaalyahanadooda ay dileen in kabadan 14 askari oo u dhashay Burundi markii ay weerar gaadmo ah ku qaaden kolonyo AMISOM ah oo marayay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar. Weerarkan ayaa imanaya laba bilood kadib weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday askarta Burundi oo galaaftay nolosha lix askari iyo dhowr kale oo dhaawacmay. Sida laga soo xigtay Gaashaanle Sare Floribert Biyereke, oo ah afhayeenka ciidamada Burundi, weerarkii ugu dambeeyay ee 12-ka Askari lagu dilay wuxuu ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Guutada Burundi waa mida labaad ee ugu weyn ee ku jirta AMISOM oo gaaraya 5,432 askari, kadib Uganda oo leh inka badan 6,000 oo askari. Dalka Burundi wuxuu tan iyo 2007 wuxuu qeyb ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-16092019.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
