-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa sii daayay 19 kaluumeysato oo u dhashay Iiraan kadib markii wadatashi diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya labada wadan ay xaqiijiyeen sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Iiraan. Madaxa wasaarada arimaha dibada Iiraan u qaabilsan gobolka koonfureed ee Bushehr, mr Cali Askar Carablou ayaa sheegay in 11 ka mid ah badmaaxiintan la qabtay 31-dii bishii December ee sanadkii 2018-ka kadib markii dooni ay wateen ay kaluumeysi ka sameysay biyaha Sacuudiga. Wakaalada wararka Iiraan ee Tasnam ayaa dhanka kale xaqiijisay in sideed kale oo ka mid ah badmaaxiintan loo xidhay sababo la mid ah Arintaan 31-dii bishii Janaayo. Mr Cali ayaa dhanka kale xaqiijiyay in xaalada caafimaad ee raggaan ay wanaagsan tahay ayna ka soo dageen xeebta Rostami ee ku taal magaalada Tangestan ee gobolka Bushehr. Sii deynta badmaaxiinta reer Iiraan ayaa imaaneysa iyadoo khilaafka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan oo uu marayo meel xasaasi ah inkastoo labada dhinac ay todobaadyadii la soo dhaafay ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay Xaliyaan. Source
-
(SLT-Washington)-Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa diiday inay u codeyso oo ay taageerto qaraar la doonayay in dil ka dhacay Armenia oo ay ka dambeeyeen embaraadooriyaddii Cusmaaniyiinta, loogu aqoonsado in uu ahaa xasuuq. Ilhaan ayaa sheegtay in haddii tallaabadaas la qaadayana lagu soo daro xasuuqyadii taariikhiga ahaa ee hore u dhacay. Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Minnesota, ayaa ka mid ahayd saddex xildhibaan oo diiday in ay arrintaas taageeraan. Qaraarkan ayaa meel maray, waxaana taageeray 405 xildhibaan, halka 12 kalena ay ka aamuseen. Ilhaan oo markii ay codbixinta qaraarkaas dhamaatay hadashay ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay isla xisaabtanka ku aadan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanah, balse isla xisaabtanka iyo in dhacdo loo aqoonsado xasuuqa in aysan nooqnin ul siyaasadeed lagu dagaalamo. “Waa in qiimeynta lagu saleeyaa qaab cilmiyadeysan, kana baxsan hardanka siyaasadeed ee gobolka”, ayay tidhi Ilhaan. Ilhaan ayaa u muuqatay in arrintan ay la xidhiidhineyso xiisadda isa soo tareysa ee duullaanka Turkiga uu ka wado wadanka Suuriya, ka dib markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen waqooyiga dalkaas. “In si dhab ah loo aqoonsado dembiyadii taariikhiga ahaa ee ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin xasuuqii dhacay qarnigii 20-aad ee loo geystay dadkii madowga ahaa iyo kuwii asal ahaan ka soo jeeday Ameerika ee la xasuuqay, kuwaas oo gaarayay boqolaal malyan oo qof”, ayay Ilhaan u sheegtay telefishenka CNN. Dhamaan 11 xildhibaan ee ka soo horjeestay qaraarkan ayaa ah kuwa ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mdaxaweyne Donald Trump, waxaana ku wehliya xildhibaan Ilhaan oo ka mid ah xisbiga Dimuquraadiga. “Ma waxaa jira sax iyo khalad, u istaag cadaaladda aad sheegeyso in aad u ololeyso”, waxaa sidaa sheegay Tadeos Barseghyan oo ah baadari ka tirsan kaniisadda St. Sahag Armenian ee dalka Mareykanka. Dad badan oo adeegsadaa baraha bulshada ee dalka Mareykanka ayaa aad u dhaliilay Ilhaan Cumar, iyagoona sheegay in ay taageertay wax ay ugu yereen “cadaladd darro indhaha laga qabsaday” Hogaanka xisbiga Dimuqraadiga ayaa markii la meel mariyay qaraarka u dabaaldegay, waxaana dadkii guushaas ku farxay ka mid ahaa gudoomiyaha guddiga sirdoonka Mareykanka, Adam Schiff, oo bartiisa Twitter ku qoray: “Aqalka Kongreska wuxuu u codeeyay in uu aqoonsado xasuuqii Armenia, si guushaas ay u hirgashan waxaan usoo halgamayay 19 sano, arrintaas oo tobannaan sano ay sugayeen shacabka Armenia.” Waxaa kale oo uu sheegay in aysna qeyb ka noqon doonin in la dafiro xasuuqa, oo uu ula jeeday in aysan ka aamusi doonin, hilmaami dooninna. Afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in qaraarkaas lagag dhiidhiyay mid ka mid ah xasuuqii ugu ba’naa ee qarnigii 20aad. Hasayeeshee dowladda Turkiga ayaa ku gacan seyrtay qaraarkaas, waxaana dadkii ka hadlay ka mid ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo sheegay in aysan aqoonsaneyn arrinkaas, oo aysan jirin wax micno ah oo uu qaraarkaas ku fadhiyo. Waxaa kale oo uu Madxaweynaha sheegay in barlamaanka dalkiisa uu ka jawaabi doona qaraarkaas ay taagereen xildhibanaada aqalka Kongreska. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-1112019.mp3 View the full article
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka ee Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Gobolka Oromiya. Belene Seyoum Woldeyes, oo u hadashay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in Maalmaha soo socda ay sii kordhi karto tirada haatan loo hayo rabshada Dalkaasi ka dhacay welina ay socdaan howl-gallada looga hor tagayo qaswadayaasha. Billene Seyoum ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku dhinteen ficil aan macno laheyn oo ka dhacay gobollada Oromada iyo Harari, iyo magaalada bariga ku taal ee Dire Dawa. Waxay intaas ku dartay inay socdaan baaritaanno la xiriira dhimasha iyo tirada dadka la qabtay oo ay sare u kici karto. Rabshada uu Dhiig ku daatay ayaa dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Dalka Itoobiya oo ay ku jirto Caasimadda Addis ababa, markii Ninka u ololeeya qaddiyadda Oromada ee lagu Magacaabo, Jawar Mohammed uu ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa caasimada@live.com
-
Dowladda UGaandha oo ciidamo cusub u soo diraysa Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda Yugaandha ayaa qorshaynaysa in ay Soomaaliya usoo dirto Ciidamo Boliis ah,kuwaasi oo ka qeyb noqon doona howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Agaasimaha howl-gallada Nabadda Boliiska Yugaandha, Grace Turyagumanawe, oo dhowaan booqasho ku yimid Muqdisha ayaa sheegay in uu Ciidankani ka qeyb qaadan doono sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya. Taliye ,Turyagumanawe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu Muqdisho kula qaatay Saraakiisha howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya, si uu ugu kuur galo heerka shaqadooda nabad ilaalineed iyo tababarrada ay bixiyaan. Sidoo kale, Simon Mulongo, ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa kulanka ka sheegay in uu ku qanacsan yahay doorka ay Boliiska Yugaandha kaga jiraan nabad dhisidda iyo sare u qaadidda awoodda Boliiska Soomaaliya. Ciidanka Boliiska midowga Afrika ayaa qorsheynaya in xilliga kala guurka ka hor ay Booliska Soomaaliyeed u diyaariyaan qalabkii ay ku howl-geli lahaayeen iyo tababarro dhammays tiran, si ay ammaanka Dalka iyo kala dambayntuba ula wareegaan marka ay Dalka ka baxdo AMISOM 2021-ka. Ciidankan cusub oo aan tiradiisa la shaacin ayaa qeyb ka noqonaya Ciidamo Boliis Afrikaan ah oo horay dalka Soomaaliya u joogay Soomaaliya, kuwaas oo ka kala socda Waddamada Uganda, Kenya, Nigeria, Sierra Leone , Zambia iyo Ghana, kuwaas oo ilaaliya xarumaha muhiimka ah tababarna siiya Booliska Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda UGaandha oo ciidamo cusub u soo diraysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dawladda Jabuuti ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Lacag gargaar ah oo ay kaga qayb qadanayso gurmadka dadka ay saameeyeen Fatahaadaha webiga Shabeelle Lacagta ay soo dirtay dawladda jabuuti ayaa waxa lagu wareejiyay guddiga ay dawladdu u xilsaartay u gurmadka Fatahaadaha , waxa ayna lacagtaasi cadadeedu ahayd 100 million oo ah lacagta laga isticmaalo Jabuuti una dhiganta 600.000 doollar . Lacagtan ayaa waxaa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawooyin, agab, iyo raashin loogu samayn doonaa dadka ku dhibaataysan duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Kumanaan ruux oo ka barakacay guryahooda iyo kuwo kale oo ku go’odoonsan xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa u baahan in la saacido kadib markii muddo toddobaad ah ay biyo ka fatahay wabiga Shabelle saameyn ku yeesheen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xoghayaha Joogtada Ah Ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya. Amb.Macharia oo wareysi siiyey Citizen TV ayaa ka hadlay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Halkan Ka Akhriso: Waxaa jira muran dhuleed u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ah halka xuduuddeennu ay tahay ee dhinaca Badweynta India? Xaqiiqdii muran badeed waa nagala dhaxeeyaa Soomaaliya laakiin waxaa gadaal ka riixaya hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay waddooyin aad aas-aasi u ah oo ay ahayd inay nala fahmaan waxaa aan dooneyno. Soomaaliya waa dal aan aad u jecelnahay, Kenya waxay ku maalgelisay dhiig badan iyo hanti Soomaaliya, Dhammaan qoysaskii dadkooda ku waayey Soomaaliya oo Kenyanka ah waan u tacsiyeyneynaa laakiin dadka Soomaaliyeed nagama soo-horjeedaan, caqabadda aan wajaheynno waxay nooga imaaneysaa fasiraadda maamulku u sameeyey muranka xuduudda Sidaa-darteed marka aad la macaamileyso arrin nuucaas oo kale ah waa inaad uga wada hadashaan si go’aan qaadasho leh waana inaad ka wada qeyb noqotaan. Aan ku xusuusiyo in aan arrintaan xalkeeda ku jirnay 2014 illaa 2015 ka hor intii aysan markiiba na geyn Hague waxaan weyddiinay sababta keeneysa inay nala aadaan Hague, Hague waa Maxkamad miciinsiga ugu dambeeya leh aan marka hore ka faa’iideysanno fursadaha na horyaal si aan uga wada xaajoonno arrintaan sidii deris yeeli lahaa, ha ila tegin Maxkamad annagoo wali ka wadahadleyna muranka aad fahansan tahay inuu jiro taasoo aan ognahay inuusan jirin maxaayeelay waxaa jira Isfahan ah sida xuduudaheennu ay yihiin ee badda bariga xeebaha Africa marka haddii ay tahay Tanzania, Mozambique dhammaanteen waan ognahay waana isku raacsanahay waana ka wadahadalnaa waxyaabahaas sidii dad walaalo ah. Nasiib-darro Maxkamadda ayaan tagnay laakiin maaddaama aan nahay dal aaminsan sharciga waxaan go’aansannay inaan ku raacno Maxkamadda inkastoo aynaan ku waafaqsaneyn. Inta aysan Maxkamaddu sinnaba ugu dhaqmeyn nidaam khatar nagu ah waxaana billawday calaamado arrintaas muujinaya waana sababta keentay inaan halkaas tagno kuna adkeysanno inaan ka fileynno inaan u wada hadalno si ilbaxnimo leh oo raaceynno sharciga caalamiga ah. Intaas waxaa dheer inaan wali isku-deyeynno inaan ku dhiirrigelinno saaxiibbadeenna Soomaaliya ee maamulka ku jira inaan u baahan-nahay inaan wadahalno, inaan helno dariiq aan ku xalinno arrintaan waxaana isleeyahay inaan guul ka gaari doonno sida ugu dhaqsiyaha badan si saaxiibtinnimo leh maxaayeelay marka aynaan dhibaato na dhex oollin dadka Soomaaliyeed caqabadaha naga haysta waa maamulka maanta jira Soomaaliya. Laakiin Soomaaliya ma dooneyso in arrinta wadahadal lagu dhammeeyo oo waxay leeyihiin waxaan ka war sugeynnaa go’aanka Maxkamadda? Waxaan isleeyahay waa soo dabcayaan marka aan si furan kuula hadlo waxaan ula jeedaa waan wadahadleynaa, dhawaan xoghayaheenna maamulka ayaa Soomaaliya tegay si uu wadahadallo ula yeesho wuxuuna qeyb ka ahaa dad lagu casuumay shirkii horumarinta oo ka caawinaya Soomaaliya horumarka Kenyana qeyb ayey ka tahay si fiican ayaa loo qaabbilay, waxaana la yeelannay wadahadallo dhiggeenna markii aan joognay Hague waqti aan sidaas u sii fogeyn innagoo ka wadahadleynay dib u dhigista dacwadda taasoo si kastaba la baajiyey illaa bisha June waana sidii aan dooneynay marka waan helnay sidii aan dooneynay waxaana isleeyahay dadku waxay soo ogaanayaan in sida kaliya ee aan ku gaari karno halka aan beegsaneynno inay tahay wadahadal walaalnimo oo dhexmara labada qaran. Sidii aan sheegayna waa mid aqliga ka fog in loo qaato in dhibaato naga dhaxeyso annaga iyo Soomaaliya dad ahaan maxaayeelay waxyaabo badan ayaa naga dhaxeeya ganacsiga baaxadda leh iyo iskaashiga halkaas ayuuna noo sii ahaan doonaa. Ma u hogaansameysaan go’aan kasta oo kasoo baxa Maxkamadda? Ugu horreeyn, xukunku ma dhacayo bisha Juun dacwadda ayaa billaabaneysa Juun mana ogin waqtiga ay qaadaneyso dacwadda waana mid qaadaneysa muddo waxayna xaqiiqdii ku xiran tahay sida ay ula yimaadaan go’aan waxaana markaas ka fikiri doonnaa natiijo kasta oo kasoo baxda, annaga go’aan ayaan ka qaadaneynaa, waa go’aan aan u madax-bannaan nahay sida aan u qaadanno go’aanka maxkamadda marka waqtigaas la gaaro taasoo ay naga xigaan illaa laba sano haddiiba aysan sannado ahayn markaas keddib ayaan go’aan qaadaneynaa. Sidee ku tilmaami lahayd xiriirka ay Kenya hadda la leedahay Soomaaliya? Waxaan dhihi lahaa xoogaa waa wanaagsan yahay laakiin inta hoggaamiyaasheennu ay wadahadlayaan, inta aan awoodno inaan isu soconno, inta dadkeennu wada-ganacsanayo maxay tahay xiriirka ka wanaagsan oo aan yeelan lahayn waxaan ula jeedaa waa wax ay tahay inaan ka wada shaqeynno waxaana isleeyahay sidii aan iriba dhibaatadu ma aha dadka ee waa maamulka. Goobjoog News W/Q: Bashiir Maxamuud Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN) – Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku Carabiyeyneyso bulshadda ku dhaqan goboladda Jubooyinka. Xarakadda ayaa ku amartay dadweynaha in ay bartaan luqaddaas, isla markaana caruurtooda ay waajib ku tahay barideeda. Iskuuladda degaanadaas kunool ayay sidoo kale fartay in ay Manhajka waxbarashadda u saleeyaan luqadda Carabiga ah. Goobaha ganacsiga ayay sidoo kale u sheegtay in aysan ku qori karin iidhehyadda boorarkooda luqadda Afka Soomaaliga ah. Ciidii aanan fulin amarkooda ayay cod dheer ku sheegtay in ay ka qaadeyso talaabo adag, sidda ay hadalka u dhigtay. Al-Shabaab ayaa maamusha gobolo badan oo ka tirsan Jubooyinka oo ay ku taalo xaruntooda ugu weyn oo ah Jilib. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Ala.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan sideed ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax uu saaka ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa ayaa ka dhacay goob muwaacino lagu qaybinayey oo ku taala degmadda Qoryooley ee gobolkaas, sidda ay sheegeen illo dadka degaanka ah. Dhinaca kale, dagaal culus ayaa ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray tuulada Mushalaay oo u dhaxeysa Gaabarow iyo Kabtan Laas. Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka oo la aaminsan yahay in uu geystay waxyeelo labadda dhinac ah soo kala gaarey. Xaaladda degaanadda ay wax ka dhaceen ayaa degan, waxaana mas’uuliyiinta ay yihiin kuwa aanan wali wax war ah kasoo saarin. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/AWQ.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia's Cabinet on Thursday approved a draft budget of $459.5 million for the 2020 financial year, which is about $130 million more than the previous fiscal year. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamo cusub oo ka tirsan AMISOM oo loo soo dirayo Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdosho (Caasimadda Online) – Dawladda Uganda ayaa wada qorshe ay Ciidamo Boolis ah ugu soo dirayso Soomaaliya . Ciidamadan Booliska ah ayaa waxa la sheegay in ay qayb ka noqon doonaan Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya . Madaxa Ciidamada Booliska Uganda ayaa waxa ay sheegtay in ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay iyo sidii loo hubin lahaa Ciidamada Booliska ah ee loo soo dirayo Soomaaliya . Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay wadaan sidii loogu soo iibin lahaa Ciidamadaasi waxyaabaha lagama maarmaanka u ah sugidda amniga . Dawladda Uganda ayaan shaacin tirada Ciidamada ay Soomaaliya u soo dirayso, balse waxa ay sheegtay in ay leedahay Ciidamada fara badan, kuwaasi oo ku sugan gudaha dalkeeda, isla markaasina wax ka qaban kara amniga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com -
Beledwayne (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegaya in uu dhowaan tagayo Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan. Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa tibaaxay in ujeedka socdaalkooda yahay sidii ay ugu biiri lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka shacabka ah. Mr Filish ayaa dhowaan magacaabay Guddi heer gobol ah, kaasoo ka qeyb qaadanayo caawinta Walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaartay. Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili ay socdaan dhaqdhaqaaqyo balaaran, kaasoo la doonayo in lagu caawiyo dadka ku nool degaanada ay Webiyadu ku fataheen. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Al-Shabaab.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xubno ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kusii jeeda qaar kamid ah degaanadda ay ku fataheen webiyadda. Mas’uuliyiinta ayaa lagu wadaa in ay gaarsiiyeen gurmad ay dowladdu ugu talagashay dadka ay saameeyeen daadadka oo waxyeelo daran sababay. Dhinaca kale, wax-garad Soomaaliyeed oo ka hadlay gurmadka ayaa soo jeediyay in laga ilaaliyo musuqmaasuqa iyo wax is-dabamarin. Indheer-garadka ayaa cod dheer ku qeexay in ay diyaar u yihiin sidii ay door muuqata uga qaadan lahaayeen gargaarka la gaarsiinayo Walaalaha Soomaaliyeed. Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in uu yahay meesha ugu badan ee dhibaatada daadadka ka jiraan, waxaana ku dhintay tobanaan ay mas’uuliyiin kamid yihiin. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/FFA.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo kusugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya. Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu taha, sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka. Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa. Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa Deymaha. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-1112019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Qaar kamid ah deegaanada ay ka taliso Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka bilowdo olole ay ugu magac dareynta Carabiyeynta Dadka oo loola jeedo in dadka la baro Luuqadda Carabiga. Ololahaan ayaa wuxuu si gaar ah uga bilowday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya halkas oo Bulshada la bilaabay in la baro Luuqadda Carabiga isla markaasna looga guurayo luuqadda Af-Soomaaliga. Al-shabaab ayaa amar ku siiyay dhammaan shacabka ku nool degaannadaasi, in ay bartaan luuqadda Carabiga iyo in ay Carruurtooda ku barbaariyaan barashada iyo ku hadalka Af-Carabiga, si loo hirgeliyo ol’olaha Carabiyeynta. Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah Gudoomiyaha Goboladda Jubbuyinka ee Al shabaab oo ka qeyb gelayay munaasabad lagu furiyay mashruuca dadka luqadda carabiga lagu barayo ayaa bogaadiyay tallaabadan. Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay bartaan Luuqadda Carabiga ilmahana la baro si ay ugu fududaato Barashada Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay . Guddoomiyaha ayaa dhammaan maamulada Iskuulada ku amray inay manhajka waxbarashada ka dhigaan Luuqadda Carabiga oo kaliya. Wuxuu ku hanjabay inay tallaabi sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo diida amarka kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab oo ah in dadka la baro luuqadda Carabiga iyo in Manhajka iskuulaadka laga dhigo Luuqadda Carabiga oo kaliya. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa ganacstada ku amray in boorarka Goobaha Ganacsiga ay ku qoraan Luuqadda Carabiga halkii lagu qori lahaa midda Af-Soomaaliga. Halkaan hoose ka daawo hadalka Guddoomiyaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MACHARIA KAMAU Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau oo la hadlayay telefishenka Citizen ee Kenya ayaa ka hadlay muranka xadka ee badda ee ay isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya. Macharia Kamau ayaa sheegay in aysan wax dhib ah ku qabin shacabka Soomaaliya, balse maamulka hadda jira uu yahay waxa ay is hayaan. ”Dabcan wuuu naga dhexeeyaa muranka xuduudda, balse waxaa dabada ka riixaya hogaanka Soomaaliya oo si asaasi ah ugu guul dareystay in uu ka mahadceliyo ama garto waxa naga dhaxeeya,” ayuu yiri. “Soomaaliya waa dal aan daryeelno. Kenya waxaa uga baxay dhiig iyo dhaqaale aad u badan”, ayuu hadalka ku sii daray. “Dadka Soomaaliya inaga ma soo horjeedaan ee caqabada aan wajaheyno waxay tahay sida maamulka hadda jira uu u fasiranayo muranka xadka ee naga dhaxeya.“ “Waxaan fileynaa in arrinta badda laxaliyo, maxaa yeelay wax dhib ah kuma qabno shacabka Soomaaliya ee waxaan ku dhib ku qabnaa maamulka hadda talada haya,” ayuu yiri Macahria Kamau. Macharia wuxuu tilmaamay in sanadihii 2014, 2015 ay ku hawlanaayeen sidii loo xallin lahaa arrinta, kahor inta aanan la geynin maxkamadda ICJ, wuxuuna intaa raaciyay in ay la yaabeen Soomaaliya markii ay kiiska u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ. ”Waxaan Soomaaliya weydiinay, ‘maxaad inoo geyseen Hague? Maxkamadda waa waxa ugu dambeeya ee la aado. Marka hore aan isla eegno fursdaaha lagu wadahadli karo oo dhan,” ayuu yiri xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya. “Deris ahaan ma ahan in aad i geyso maxkamadda iyadoo weli uu inoo socdo wadahdal ku aadan arrintan oo aad aaminsan tahay in ay jirto, balse anaguna aan aaminsan yahay in aysan jirin,” ayuu raaciyay. Wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in arrinta muranka xuduudda ay jirto balse iyago ay “og yihiin in wax jira aysan ahayn”. “Sababtoo ah waxaa jiro fahan ah sida xuduudeheena sida ay u waafaqayaan xebaha Bariga Afrika”. “Waxaa murugo ah in aan is argnay inagoo maxkamdda taagan“, ayuu yiri. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan. Balse Soomaaliya waxay horey ugu adkeysatay in go’aanka maxkamadda oo keli ah lagu kala baxayo. Dowladaha Itoobiya iyo Masar ayaa isku deyay dhinacyada in ay dhexdhexaadiyaan. Kullankii ugu dambeeyay ee ka dhacay Mareykanka waxaa la sheegay in lagu heshiiyay kawada shaqeynta soo celinta xiriirka labada dhinac, balse aan laga wadahadal muranka xuduudda badda. Macharia Kamau wuxuu Citizen TV u sheegay in ay go’aansadeen in Soomaaliya ay kula loollamaan xittaa maxkamadda, xitaa haddii aysan ku waafaqsanayn. “Waa haddii maxkamadda aysan sinnaba ku dhaqmeynin wax aniga ay nooga eexaneyso”, ayuu hadalka raaciyay. “Haddana waxaa inoo muuqata oo aan aragnaa arrintaas, waana taas sababtay keentay in maxkamadda aan ku dhahno waxaan idin ka fileynaa in ay inoo la dhaqanto qaab waafaqsan xeerarka caalamiga”. Waxaa kale oo uu Macharia sheegay in dhigiisa Soomaaliya uu wadahadal heer sare ah kula yeeshay magaalada Hague ee dalka Netherland, mar aan sidaas u fogeyn, xiligaas oo ay ka wadahadlayeen dib u dhigista dacwadda oo markii dambe la oggolaaday. “Waxay ila tahay in ay soo dabceen (Soomaaliya), waana isla wadahadleynaa. Dhowaan madaxeena maamulka ayaa booqday (Muqdisho) si wanaagsan ayaa loo soo dhoweeyay. Anigana wadahadal wax ku ool ah ayaa la yeeshay dhigeyga markii aan Hague ku sugneyn, xilligaas oo aan ka hadleynay dib u dhigidda kiiska”, ayuu sheegay. Kiiska ayay maxkamadda dib u dhigtay illaa bisha June ee sannadka soo socda, taas oo Macharia uu ka yiri: “waa wixii aan dooneynay. sannad baan rabnay waana helnay wax ku dhow.” Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo la weydiiyay waxa ay ka yeeli doonaan go’aan walba oo ka soo baxa maxkamadda wuxuu yiri: “Anagoo ka duuleyna waxa ay ku saleyaan go’aankeeda, waxaan eegi doonaa wuxuu noqdo go’aanka, anaguna go’aan ayaa ka gaari doonaa”. “Waa wax u madaxbanaan in dal kasta uu go’aansado in uu aqbalayo xukunka maxkamadda, marka la gaara xiligaas na go’aan ayaan gaari doonaa”. Ayuu markale raaciyay Macharia. Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa mar labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwadda la xiriirta muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Maxkamadda ayaa la filayay in ay dacwaddaasi dhageysato laga billaabo afarta ilaa siddeedda bisha Nofembar ee sanadkan, haseyeeshee dowladda Kenya ayaa mar labaad dalbatay in arrintaasi dib loo dhigo. Waa markii labaad oo maxkamadda ay dhageysiga dacwaddani dib u dhigayso, waxaana bishii Sebteembar ay laba bilood dib u dhigtay ka dib markii ay Kenya codsatay in dacwadda dib loo dhigo muddo sanad ah. Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay go’aansatay in dib loo dhigo dacwadda badda, waxaana maxkamaddu sheegtay in labada dhinac loo garnaqi doono siddeedda ilaa 12-ka bisha Juun ee sanadka dambe. Xigasho: BBCSoomaali PUNTLAND POST The post Kenya: Shacabka Soomaaliya dhib kuma qabno ee maamulka ayaan is heynaa appeared first on Puntland Post.
-
Abidjan (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika kala hadlay, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo kusugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u kula yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya. Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu taha, sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka. Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa. Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa Deymaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay in ay degaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya ka bilaabeen ol’ole lagu Carabiyeynayo bulshada halkaasi ku dhaqan, islamarkaana looga guurayo luuqadda Af-Soomaaliga. Al-shabaab ayaa amar ku siiyay dhammaan shacabka ku nool degaannadaasi, in ay bartaan luuqadda Carabiga iyo in ay Carruurtooda ku barbaariyaan barashada iyo ku hadalka Af-Carabiga, si loo hirgeliyo ol’olaha Carabiyeynta. Sidoo kale, waxay maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada ku amreen in ay manhajka Waxbarashada ku saleeyaan luuqadda Carabiga oo keliya, waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo fulin wayda amarkaasi. Waxa kale oo Al-shabaab bulshada halkaasi deggan ku amreen, in ay goobaha ganacsiga iyo boorarka ogaysiisyada ku qoraan luuqadda Carabiga, halkii lagu qori lahaa Af-Soomaali, si loo dhiirri-geliyo barashada luuqadda Carabiga. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo amartay in laga guuro luuqadda Af-Soomaaliga appeared first on Puntland Post.
