-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Haddii aadan ahayn qof maskaxda xor ka ah, oo awooda inuu wax cabiro kadibna go’aan gaaro, ase aad tahay qof wixii loo sheega un iska aamino, fadlan qormadan hasii aqrin, waayo waxba kuu tari mayso, waxaan la hadlayaa dadka xoriyadda buuxda ka haysta maskaxda. Imisa dhacdo oo kale ayaan u baahannahay si aan u baranno qofka rasmiga ah ee Farmaajo uu yahay? Farmaajo waxa uu na siiyey tusaale iyo fursad kasta oo aan ku ogaan karno wejigiisa dhabta ah iyo inuu waddankan halis ku yahay. Waxa uu sameeyey wax aan madaxweyne Soomaaliyeed weligiis ku fakarin, waxaase yaab leh in weli dadka qaar ay taageersan yihiin. Bah-dilkii iyo dhacdadii foosha xumeyd ee uu shalay kula kacay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa ay ahayd gef weyn, oo ay tahay inuu xilka ku waayo. Wuxuu xoriyaddii socdaal ka qaaday madaxweyne Soomaaliyeed, oo dalkan usoo qabtay wax xitaa 10% ka mid ah uusan isaga u qaban. Farmaajo kuma xadgudbin oo kaliya madaxweyne Soomaaliyeed oo ixtiraam iyo sharaf mudan, wuxuuse karaamada ka qaaday kuna abaal dhacay ninkii soo gacan qabtay, siyaasadda kusoo daray, isaga oo aan cidna aqoon Soomaaliya keenay ee xil u dhiibay. Ka sokow Allah, ninkii horseeday kursiga uu maanta ku fadhiyo. Haddaan Farmaajo ugu qiil dayi lahayn in gefkii shalay uu ahaa “mid qura” ama wax uusan isaga wax ka ogeyn waxaa taas u diidaya xadgudubyadii hore ee tirada badnaa, oo ay ugu dambeysay xayiraaddii socdaal ee uu saaray shacabka Jubaland. Farmaajo isaga oo doonaya inuu awood u sheegto Jubaland, si la mid ah HirShabelle iyo Galmudug ayuu xayiraad socdaal saaray Kismaayo. Ma rabo inaan difaaco Axmed Madoobe, balse yaa xayiraaddaas ay saaran tahay? Axmed Madoobe xilliga uu doonayo ayuu u duuli karaa Nairobi, balse dadka dhibban ee go’aanka Farmaajo uu ciqaabayo waa shacabka. Taas kasii hor, Farmaajo waxaa ku maqan nolosha 17 qof oo shacab Soomaaliyeed ah oo amarkiisa loogu xasuuqay magaalada Baydhaba, iyo dhaawaca ku dhowaad 30 kale. Isaga oo awood sheeganaya, islamarkaana doonaya in qof isaga ka amar qaata madaxweyne looga dhigo Koonfur Galbeed ayaa si bareer ah amarkiisa loogu dilay shacabkii doonayey inay doortaan qofka ay rabaan. Taas kasii hor, Farmaajo waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya cadow arxan-darran, kadib markii uu Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax u gacan geliyey Itoobiya, oo uu baxsad ka ahaa, waxa lagu haystayna ay ahayd kaliya u dirirka gobannimada gobollada Soomaali Galbeed ee Itoobiyaanka ay haystaan. Taas kasii hor, Farmaajo waxa uu amray in la weeraro oo lasoo xiro siyaasi ka aragti duwan, kadib markii ciidankiisa ay gurigiisa ku beegsadeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur, halkaas oo ay dhowr wiil oo ilaaladiisa ka mid ahaa ku dileen, isagiina kasoo xireen. Waxa uu sidaas u sameeyey kaliya in Cabdiraxmaan Cabdishakuur muujiyey aragti uusan Farmaajo jecleysan. Dhacdooyinka aan soo xusay waa qaar ka mid ah kaliya tobanaan xadgudub oo Farmaajo uu sameeyey, waase ka badan yihiin intaas. Laba sano iyo bar oo uu xukunka hayo Farmaajo, waxaa sii ballaaranaya awooddii Al-Shabaab, oo gaartay heer ay Muqdisho sida dowlad oo kale canshuurta uga qaadaan. Waxaa batay qaraxyadii iyo dilalkii ay fulin jireen. Shacabkii Xamar waxaa laga xiray waddo kasta oo nolosha ayaa lagu ciqaabay. Ciidamadii dowladda ayaa Shabeellooyinka wxaaa ku ugaarsanaya Al-Shabaab. Jidkii Muqdisho iyo Jowhar ee markiii uu xilka qabtay baabuur lagu safri jiray, waxaa hadda xirtay Al-Shabaab oo maalin kasta ku laaya mas’uuliyiinta iyo shacabka. Maalinkii Farmaajo la doortay waxaa kursiga ku wareejiyey laba madaxweyne oo kasoo jeeda Muqdisho, oo lahaa awood ciidan, mid shacab, iyo mid dhaqaale oo ay xukunka xoog ugu haysan kareen, waxayse kurisga uga kaceen in ilaaliyo sharciga iyo dastuurka dalka, si ay dhabbe cusub oo dimoqraadi ah ay ugu jeexaan dalka. Farmaajo kursi uu wareejiyo iska daa’e, xitaa wuxuu uu xamili la’yahay aragti isaga kasoo horjeeda, mana muuqato inuu kursigan si sharci ah uga kici doono haddii laga adkaado, inta ka horreysanay inuu Soomaaliya dib u celiyo mooyee lagama sugayo inuu hore u dhaqaajiyo. Farmaajo waa halis u baahan in si deg deg ah looga bad-baadiyo Soomaaliya. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
JERUSALEM (Reuters) - Prime Minister Benjamin Netanyahu and his rival Benny Gantz launched negotiations on Monday over a proposed Israeli unity government and a key politician said the focus was on who would lead it first under a rotation deal. Source: Hiiraan Online
-
Labo ruux ayaa ku dhaawacantay xabado uu riday xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanaaka dalka Haiti ee qaaradda Ameerika kadib markii ay dibedbaxayaal mucaarad ah ay soo buux-dhaafiyeen xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Port-au-Prince. Xildhibaankan oo lagu magacaabo Jean Marie Ralph Féthière ayaa rasaasta uu riday waxaa ku dhaawacmay nin wariye ah iyo ruux kale, kuwaas oo la sheegay in dhaawacyadoodu ay fudud yihiin. Rasaasta uu riday xildhibaanka ayaa ka dambeysay kadib markii tiro dibadbaxayaal ah oo diidanaa guusha iyo ku dhawaaqista ra`iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi ritz William Michel, waxaana xildhibaankani uu bannaanka baarlamaanka kula kowsaday dibadbaxayaasha oo uu uga cabsaday nafsaddiisa. Dalka Haiti oo ku yaal qaaradda Ameerika ayaa ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii shalay subax ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini oo hoos taga degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose. Xlidhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladdu aysan wali ka hadlin weerarkii jabka intaas la’eg loogu geystay ciidanka qaranka oo sida uu sheegay lagu dayacay furimaha dagaalka. Maxamed Idiriis ayaa sheegay in wax laga wal-walo ay tahay in gaadiid iyo hub intaas la’eg oo ay ku boofsantahay astaantii ciidanka qaranka uu gacanta u galo dagaalamayaasha Al-Shabaab, taas oo fududeyn karta sida uu sheegay in ay weerarro kale uga geystaan meelaha kale ee dowladdu ay ku xooggantahay sida magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waabirigii hore ee shalay weerar ku qaaday saldhigga deegaanka Ceel-Saliini, xilligaas oo sida la sheegay aysan foojigneyn ciidamadii ku sugnaa saldhiga. Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada weerarkii shalay ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini oo u dhaxeeya Marka iyo Afgooye, halkaasoo uu ka dhacay dagaal xooggan. Weerarka ayaa ahaa mid ku bilowday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu furtay afaafka hore ee xerada, waxaana wixii ka dambeeyay xilligaas dhacay dagaal fool ka fool ahaa oo dagaalamayaasha Al-Shabaab dhowr jiho ay kaga qaadeen xerada. Gaadiid dagaal iyo saanad hub ah ayay ku soo bandhigeen baraha Internet-ka ee taageera, kaasoo ay kula wareegeen dagaalkii shalay. Arrintan ayaa jawaab u aheyd war shalay ka soo baxay Saraakiisha ciidamada dowladda oo ahaa in dagaalkii shalay ay iska caabiyeen Al-Shabaab. Hase ahaatee warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen xeradaas ay ku dileen tiro ka tirsan ciidanka dowladda, kulana wareegeen gaadiid dhowr ah oo iyo saanad ciidan. Halkaan hoose ka dhageyso Codka Xildhibanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Cod-Xildhibaan-Maxamed-Xasan-Idiris.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Doha (Caasimada Online) – Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka faalooda colaadaha iyo nabadda geeska Afrika Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay sida dowladda Federalka u adeegsato hay’adaha dowladda. Professor Afyare oo ka hadlayay xayiraadii xukuumadda Soomaaliya ay saartay diyaarad shalay ka qaadi laheyd garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay tuduc kamid ah gabay uu tiriyay Abwaan Hadraawi oo ahaa “Wax aan degdeg jeer ku laqay- maxay shishe ii damqeen” Afyari ayaa ka digay in si khaldan loo adeegsado hay’adaha dowladda iyadoo la iska indho-tiraya Dastuurka Dalka, waxaana uu xusay in Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad aan lagu wadi karin jujuub iyo digdig QoraalkaProfessor Afyare ayaa sidan u qornaa: Hadraawi baa yiri, “Wax aan degdeg jeer ku laqay: maxay shishe ii damqeen.” Haddii si qaldan oo siyaasadeysan loo adeegsado hey’adaha dowladda waxaa ku burburaya nidaamka iyo dowladnimada daciifka ah. Siyaasad lagu wadi waayey dood iyo dulqaad, laguma wadi karo jujuub iyo digdig. By: Abdiaziz Loyal Mogadishu, Somalia
-
SHAQO DADKII QABANAYEY AAN LA WANAAJIN OO AAN LA DARYEELIN SIDEE AYNU UGA DOONAA WANAAG IYO HORUMAR ? !!! Waan kala midaysanahay Mohamed Jama Abgaal in aan qofku xil dawladeed oo aan mushahar ku filan noloshiisa oo xalaal ah lahayn aanu isku qaban , waa runtii oo qofkii damiir leh ee cidhib xumo aduun iyo cadaab aakhiro ka baqayaa isugu dhowaan maayo , aniguna hore ayaan uga cudur daartayba arimahaa… Hadaba dadka masuuliyadaha iyo shaqaalaha qaranka ahi waa laba qaybood oo qaybi waa masaakiin dulmanayaal ah oo shaqada ay qabtaan qaranku ku taagan yahay , saacadaha ay shaqeeyaan tahay saacado iyo wax ka baxsan nidaamka aduunka isla markaana xuquuqda aadamahaba xadgudub ku ah , waana dadka ugu dhaqaaalaha yar ee aad moodo in loogu talogalay adoonsi iyada oo lagaga faaiideysanayo baahida iyo shaqo la’aanta dalka taalla , sidaa ay umada ugu raran yihiin ayey ku dhintaan , ku laxaad beelaan , ku gaboobaan oo lagaga maarmaa !!! Qolada labaadna waa in aan waxba u aabo yeelin oo daliiga iyo daldalaada xoolaha umada u badheedhay isla markaana xataa qortay dad ku ilaaliya shaqooyinka ay joogaan oo suuqyada ka difaaca iyo qaar kale oo waxaa umadda ee la laba gacmoodinayo lagu biiliyo oo iyaga u shaqeeya , dadka qaar waxa ay u yaqaanaan fariido ka faaiideystay maalmihii ay fursada haysteen laakiin anigu waxa aan u aqaanaa falaago aan xataa u soo faraxalan xoolaha umada . Waxa aan marwalba sheegaa oo aan meelkasta ka sheegaa in aan dalkeenu hagaagayn ilaa dadka adeegyada dadweynaha hayaa ay helaan wax ku filan oo ay quutaan , daryeel caafimaad , waxbarasho , Nal , Biyo , Hoy iyo xaqsiin ay helaan , daacadnimada iyo shaqo wanaaga oo derejo sare loogu dalacsiiyo , wakhtiga ay shaqeynayeen iyo waayo aragnimadooda oo wax u goysa iyo waxii wanaagsan ee dhiirigalin u noqonaysaba loo sameeyo. Shaqaalaha dawlada iyo ciidamada oo kali ahi ma qabaan duruufahan ee xataa waxa qaba dadka shaqaalaha u shaqeeya ganacsatada iyo meelo kale oo badan marka laga reebo hay’adaha caalamiga ah intooda badan oo iyagu ku shaqeeya nidaamka shaqo iyo shaqaale ee la isla yaqaano aduunka , markaa shaqo qofkii qabanayey aan la wanaajin shaqo wanaagsan dhali mayso. Halganada dalkani loo soo galay way badan yihiin dad baa 28 kaa sanadood ee qarankani dib ula soo noqday dawladnimada u rarnaa oo duruufo adag u soo dhabar adaygay dadkooda iyo dalkoodana dalcado adag kala soo baxay , dad baa u soo dagaalamay oo u dhintay oo u laxaad beelay , qaar baa maanta furimaha iyo dhaxamaha u taagan , qaar baa tabaruc iyo wax aan dhaamin ugu shaqeeya , markaa hadii aan la is abaal marin oo aan la is daryeelin intii la awoodo dal ahaan iyo dawlad ahaan ma jirto meel aynu gaadhaynaa oo taasi waa xaqiiq , markaa waxa haboon oo dalkani u baahi qabaa shuruucdii shaqaalaha guud ahaan , ciidamada , iwm ilaalinaysay ee daryeelaysay , ee derajaynaysay in waxwalba laga horeysiiyo si shaqada iyo qofkuba qiimo u yeeshaan. Dadka dawlada u shaqeeya waxa bahda lagaga saaray oo lagu adoonsaday in aanay xaqooga ka hadli karin ax odhan karin oo waxaa loo isticmaalaa odhaaho iyo hab dhaqan dawladihii kalitaliska laga dhaxlay oo ah hadii aad xaqaaga ka hadasho waa sir qaran oo waa wax yeello , shaqadaa lagaa eryi iyo waxyaabo noocaas , horta wax ay tahayba mooyaane dadku marka ay dawlada u shaqo tagaanba way bahdilmaan , markaa dadka qaranka u shaqeeya dulmi iyo cadaalad daro weyn ayaa haysata , marka taa la hagaajiyo ayuu dalku hagaagayaa , dadkani 70% ka mid ahi waxa ay ka mid yihiin danyarta duruufuhu la hadheen ee xaqoogu aasan yahay ( Somaliland ta qarsoon ). Soo qodida Somalilandta qarsoon iyo Xuquuqaha aasan Mohamed Abdi Jama Facebook: Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com @dhimbiil :twitter Image Qaran News
-
Magacaan yaa si cilmiyeysan u fasiri kara oo ku soo dara waxa dadka la xun oo ay ka fogaadaan. Haddii musuq-maasuq yahay laaluush la qaato ama hantida dowladda oo la xalaashado waxaa lagu macneyn karaa inuu yahay dembi u baahan in laga hortago…laakin haddii uu yahay mucaawano la siiyay dalka ama dadka qaarkood iyadoo lagu taakuleynayo, qofki xadaa ama xoogaa ka reebta tuug ma mahan musuqna kuma jiryo, waana tabta ay ku dhaqmaan wsaaradaha dalka ka jira badankooda. Wasaarad kasta waxaa jooga SEDDAX WASIIR OO LAGA YAABO INUUSAN MIDKOODNA SHEEGI KARIN SHAQADA LOO IGMADAY ( job description)..Wasiirada qaarkood waxay dhisteen seddax qasri oo seddax magaalo ku kala yaalla, maalintii uu dalka ku soo laabtay hanti badan ma heysan, qaarkoodna waxba ma heysan. Maantana, cidina ma weydiin weligii meeshow ka keenay hantidaas faraha badan!!! Musuqa midki ugu xaumaa uguna khatarsanaa ayaa hadda ka hanaqaaday Xamar kaddib markii askarti joogtay kontoroolada lagu baaro baabuurta ay ka abuurteen ilo dhaqaale iyagoo ka qaata shufeerada gaadiidka dadweynaha lacag baad ah, qofkii diidana ay dilayaan waana daanyeer dhintay oon qofna loo heysan…lama haayo weli askari maxkamad loo soo taagay shufeer uu gardarro ku dilay oo la xakumay ama masu’uul ka hadlay arrintaan..waa nasiib bdarro jirta. Waxaa mudan in la xuso in dowladda ay u soo jeesatay inay xadeyso ama la dagaasho musuqa iyadoo adegsaneysa hindise-harciyeed loogu tala galay la dagaalanka musuqa oo naqday qayb aad u weyn ee ka mida nolosha bulshada. Qoraalkan waxaa lagala soo bixi karaa in Somalida markaad qiyaasto hab-dhaqankooda in wax ka xaaraan ah aysan jirin oo qof waliba u soo qalab qaatay siduu hanti ku heli lahaa. Caqliyadaanu iyo dareenkaanu wuxuu hirgalay ama nagu dhashay qaxii kaddib. Taas waxaa markhaati u ah in ummadaan aysan weligeed ku fikirin inay noqdaan ”materialist minded” oo waxaan ku soo barbaarnay bulsho ku qanacsan waxa ay heysato, wixi ka maqanna ay ku raadsato waddo sax ah..Markaad dhegeysato khubadaha M/weynaha iyo Wasiirada waxaa kuu soo baxaaya in musuqa uu yahay qayb ka mida nolosha caadiga ee qofka Somaliga ah una diyaara inuu adeegsado farsamo kasta ee uu ku gaaro hadafkiisa kuna heli karo waxa ka maqan. Marka la macneeyo musuqa waxaa kuu soo baxaya in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay ku dhaqmaan musuqa kan ugu khatarsan oo ah inay jago u magacaaban qof laga yaabo inuusan awood uu ku fuliyo howlaha looga baahan yahay uusan lahayn, laakin booska uu fadhiyo ay qayb ahaan u heleen jufadiisa, wixi uu doonana uu sameyn karo waayoo meesha uu fadhiyo iyagaa iska leh oo cidina ma weydiin karto waxa uu qabto. Waxaan soo xasuustay waagii aan yareyn ay dhici jirtay in tuug xado dhar meel ku weran oo qoys leeyahay..kaddib marki la arkana la bursado iyadoo lagu qeylihaayo TUUGA QABTA..dadki xaafadana ay daba ordayaan…aakhirki tuugi laftiisi oo luuq meesha ku yaal ku dhuuntay ayaa soo baxaaya oo dadki ku dhex milmaaya isago ku qeylihaya asagana TUUGA QABTA!!! Waa meesha ay maanta arrinteenu mareyso. BAL U FIIRSO QOF MASU’UUL AH OO MEESHI AY MUDNEYD JOOGTA MA JIRTO, KII U MAGACAABAYNA WUXUU KU JIRAA MUSUQ MIDKII UGU XUMAA..HADDABA, SIDEE LOO CIRIB TIRI KARAA AAFO GAARTAY HEERKAAS? Qof waliba ha isku dayo inuu macneeyo MUSUQA. Wixii aan khaldayna ka raalli ahaada. W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa is-hortaagtay, isla markaana joojisay Tobabar uu qaban lahaa Sheekha caanka ah ee Maxamed Idiris, kaasi oo uu qorshuhu ahaa in lagu galo lacag dhan $10. Jaamac Xaaji Axmed, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in tobabarka Sheekhaasi uu qaban lahaa ay joojisay xukuumadoodu, isagoona xusay in magaalada Hargeysa aan marnaba laga furi karin tobabaro ay xukuumadooda ka war hayn. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay oo carabkana ku adkeeyay, in ayna marnaba aqbali karin in shaqsi jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda uu gudaheeda ku qabto tobabaro ama kulanaba. Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri ” Ma Jirto wax Muxaadarro ah oo aanu joojinay, laakiin wax loogu yeedhay Tobabbar ayaanu anagu joojinay, Tababbarro aanay Dawladdu ogayna in laga furo Magaalada ma haboona, Qofka doonaya inuu Cid tababbar u furo waa inuu soo maraa laamaha Dawladda ee ay khusayso”. “Sheekhu hadduu siyaasad galo, sheekhu waa sheekhe waxaana lagu yaqaana in uu dadka wacdiyo, inuu masaajidada ka jeediyo muxaadarooyin, laakiin hadduu siyaasad galo oo dowladaha aflagaadeeyo, isaga laftiisu hadduu siyaasad galo hadana siyaasadii uu ka soo horjeday uu yimaado oo uu yidhaahdo tobabara ka furaya, midaasi laftigeedu lama yeelayo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Cidkasta oo qaranimada Somaliland ka soo horjeeda ama wax ka sheegta ma aqbaleyno in ay halkan tobabaro ka furaan iyo inay kulamo ku qabtaan, qaranimada Somaliland kuma joogto ‘Cayaayir’ waadna ogtihiin dalkeena halgan dheer baa loo soo galay, kumanaan dhalinyara ku dhintay, kumanaan hooyooyina ayaa asey u qaaday”. “Haddii cidi aragtay Hargeysa oo qurux badan, iyo Somaliland oo qurux badan oo fooqaq dhaadheer iyo wadooyin qurux badan ay ka dhisanyihiin, ilaahay baanu ugu mahad-naqeynaa nabad-gelyada iyo nimcadaa nasiiyey, laakiin halgan baa loo soo maray lamana aqbalayo ninka leh qaranimada Soomaaliya waa muqadas, oo Somaliland maaha waxjirta”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadlay halka ay marayaan arrimaha wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona xusay caqabaha ku gadamaan wada-hadaladaasi. Wasiir Faratoon ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay wada-hadaladaasi, isla markaan aysan diyaar u aheyn wada-hadal midho dhala oo ay la gasho dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu beesha caalamka ku canaantay in ay iyaguna ka gaabiyeen doorkii aqoonsi raadis ee ay Somaliland ku baadi-goobeysay sidii ay dalalka caalamka uga hli laheyd aqoonsi buuxa oo ay ku noqoto dal madax-banaan. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Mowqifka aynu ka taagan nahay wada-hadalada, weynu muujinay, oo qodobo ayeynu ka soo saarnay, weyna jiraan wadamo badan oo xiisaynaya in labada Dal wada-hadlaan, balse ilaa hadda Soomaaliya ayaan u muuqan inay diyaar u tahay wada-hadalada”. “Waxaana jira Wadamo badan oo xaqiiqada og oo doonaya in Somaliland madax-banaanideeda ku teegaraan, si aqoonsigeeda u hesho, inaguna dadaal baynu ugu jirnaa iyo inaynu helno aqoonsi caalamiya”. Wuxuuna intaas kusii daray “Adduunku wuu ka gaabiyey wixii waajibkooda ahaa oo ah inaynu ka helno aqoonsiga oo aynu xaq ugu leenahay, madaama aynu nahay dal jira oo ka mid ah caalamka”. “Habeen iyo maalinba waxaynu ugu jirnaa dadaal iyo orodba sidii aynu cid walba ugu qancin lahayn madax banaanideena, dawladnimadeena iyo inaynu Soomaaliya kala nahay laba dal oo jaara ah, oo kala nidaam iyo kala hadaf ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Mukhtaar Jeyte Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa caawa magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA. Digreeto ka soo baxday Madaxweyne Deni oo sumadeedu ahayd Lr. 93 September, 23, 2019 ayaa loogu magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Mukhtaar Maxamed Xasan oo ku magac dheer Mukhtaar Jeyte ayaa hadda ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas ayaa sanadkii hore mideeyay hay’adihii PIA iyo PSS, kana dhigay PISA agaasimana ugu magacaabay Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo tan iyo xiligaas xilka hayay. Hoos ka akhriso digreetada Madaxweyne Deni Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Datuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Deni oo magacaabay Agaasimaha PISA appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-23092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo markii labaad warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho muddo 12 saac gudahood ah ayaa raali galin ka bixiyay nuqul ka mid ahaa khudbadiisii maanta uu kaga hadlaayay arimaha siyaasadda dalka iyo xayiraadii maalin ka hor loogu geystay garoonka Aadan-Cadde. Siyaasiyiin iyo dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ka fal celiyay hadalkii maanta ee madaxweyne Shariif uu ka jeediyay shirkiisii jaraa’id oo mar uu tirinayay magacyada maamul goboleedyada uu Koonfur Galbeed magaceeda kasoo qaatay Bay iyo Bakool. Shariif Sheikh ayaa sheegay in Bay iyo Bakool uu kala jeeday Koonfur Galbeed sidoo kalana khudbadiisa uu kusoo hadal qaaday gobolka seddaxaad ee Shabeellada Hoose oo ka mid ah gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaan rabaa in aan raali galin ka bixiyo kalmad maanta ku jirtay hadalkeygii oo aheyd in Koonfur Galbeed aan ugu yeeray Bay iyo Bakool, dadka qaar ayaa si kale u qaatay waan ka raali galinaa walaalahey” ayuu yiri Sheikh Shariif oo caawa mar kale la hadlay warbaahinta. Siyaasiyiinta sida weyn uga fal celiyay hadalka Sheikh Shariif oo sheegay in ay ka caroodeen ayaa waxaa ka mid ah Aadan Saransoor oo hoggaamiya mid ka mid ah xisbityada siyaasadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in Sheikh Shariif uusan aqoon saneyn maamulka Koonfur Galbeed. Caasinmada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XSF mudane Maxamed Cadullaahi Salaad(Oomaar) ayaa lagu shaaciyay isbedel lagu sameeyay qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxaha ee wasaaraddaasi. Halkan ka Akhriso: View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad badan oo Soomaali ah ayaa weli qaadan la’a tallaabadii shalay Sheekh Shariif loogu diiday inuu ka dhaafo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeday Kismaayo, halkaas oo 26-ka bishaan uu ka dhacaayo caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland. Waxaa dadka qaar shaki galiyeen inuu falkaan wax badan kala socday madaxweyne Farmaajo, laakiin Caasimadda Online ayaa xaqiijisay in madaxweyne Farmaajo uu yahay qofka bixiyey amarka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif wuxuu safar ahaan uga yimid Turkiga, isagoo doonayay inuu diyaarad kale ka raaco Muqdisho, si uu Kismaayo u tago. Sida caadiga ah waxey diyaaradda Turkish Airline soo degtaa 8:30 subaxnimo xiliga Muqdisho. Markii uu Shariif soo gaaray Muqdisho waxaa la fariisiyay qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade, si uu halkaa ugu sugo diyaaradii uu Kismaayo u raaci lahaa, taas oo bixi laheyd 11:00 barqanimo. Intii uu Shariif ku sugnaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade waxaa isna goobta yimid madaxweyne Farmaajo oo safar u ahaa wadanka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeyb-galaayo shirka Golaha ammaanka. Labada masuul ayaa la sheegay iney isku salaameen qeybta VIP-da, waxaana uu Farmaajo ogaaday inuu Shariifku safar u yahay Kismaayo. Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inuu madaxweyne Farmaajo amar kubixiyay in diyaaradaas safarkeedda la baajiyo, laakiin la taliyaashiisa ayaa soo jeediyay in qoraal loo badalo si loo qaldo bulshada, waxaana daqiiqo kadib markii uu Farmaajo duulay soo baxay amar sheegaya in aaney jirin diyaarad aadi karta Kismaayo fasax la’aan, xiligaas Sheekh Shariif wuxuu fadhiyaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade. Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay bulshadda, sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa wax laga xumaaddo ku tilmaamay in warqad lagu dul alifay madaxweyne Sheekh Shariif. Tallaabooyinka uu Farmajo ku baacsanaayo madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sii labo jibaarmay kadib markii uu saakay Farmaajo gaaray New York, isagoo amar kale kubixiyay in guud ahaan la joojiyo diyaaradaha tagaya Kismaayo ilaa 26-ka bishaan oo ku aadan maalinta caleemo-saarka Axmed Madoobe, si aaney Xamar uga bixin Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo isna la filaayay inuu Kismaayo aado. Dad badan ayaa la yaaban hab-dhaqanka gurracan ee madaxweyne Farmaajo oo u muuqda mid ka gudbay xeyn-daabkii siyaasadda. Caasimadda Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ShirkiisiivJaraa’id ee Shalay wuxuu isagoo ka hadlayay Koonfur Galbeed uu yiri “Gobolada Bay iyo Barolo”,Dad ayaana si [...] Source
-
Three journalists were released a from a prison stint in Somaliland on Monday after having been imprisoned since last week in the country's capital, Hargeisa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado. Hadalka kasoo baxay Shiikh Shariif ayaa u muuqday inuu ahaa mid miisaan culus leh isla markaasna ay ka muuqatay dulqaad iyo inuu rabo in lagu dhaqmo Sharciga. Shiikh Shariif oo ah nin hadalkiisa uu yahay mid Balaaqo leh ayaa dhawr cashir u dhigay Madaxweyne Farmaajo, waxaana kamid ahaa waxyaabihii soo jiidashada lahaa ee uu Shiikh Shariif khudbadiisa ku sheegay: 1) In Si nabad ah xilka loogu wareejiyey Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka dhawaajiyey in si nabad ah xilka loogu wareejiyey madaxweyne Farmaajo loona baahan yahay inuu dalka ku maamulo sida uu sharciga qabo, haddii kale ay taas ka dhallan doonto burburka dowladnimada Soomaaliya oo uu sheegay in wax badan laga soo maray 2) In Farmaajo aysan hanta ka oolin Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa xusay inuu isaga dalka keenay Farmaajo isagoo boorso iyo Jaakad wato sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay inaysan jirin Hanti Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ka taalo dalka berrina ay diyaarad raacayaan si ay ilmahooda u aadaan, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay aayahooda ka tashadaan. “ Dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’ideystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annagana dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan yahay” ayuu yiri Shiikh Shariif. 3) Inaan la isku ixtiraameyn wax sharciga ka baxsan Sheekh shariif ayaa sheegay in Xukumada hadda talada haysa ay ka bayrtay Sharcigii dalka u yaalay isla markaana loo baahanyahay in ay ka tashadaan shacabka Soomaaliyeed, halka uu dambeeyo Dalkaan sida uu hadalka uu dhigay. “Dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladdu in ay burburto kama aqbali karno Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato annaa magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan tahay, waxaan leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaado”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. 4) Dowladda oo shaqadeeda ku fashilmatay Waxa uu sheegay in dowladu ku fashilantahay in ay wax ka qabato dib u eegista Dastuurka dalka, Amaanka iyo arimaha doorashooyinka oo ku sifeeyay mid ay ku fashilantahey Xukumada Soomaaliya. “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa” Hadalkaan Sheekh Shariif ayaa daba socda awaamiirta dhanka duulimaadyada ee ay dowladdu ku soo rogtay diyaaradaha aadaya Kismaayo, iyadoo shalay la joojiyay diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo si uu uga qayb galo Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu wada in ay Kismaayo ka dhacdo 26-da bishaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Gorgor Wiil Yar ku Cunay Deegaanka Xaaji Saalax
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad Madheedh Cali Muuse Faarax ayaa sheegay in gorgor dad cun ahi uu shalay ku cunay wiil yar oo 9 jir ah meel 4km u jirta degmada Xaaji Saalax oo ku taalla dhinaca xadka Itoobiya. Cali Muuse Faarax Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax oo maanta u warramayey Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in gorgorkaasi uu cabsi ku abuuray bulshada deegaanka isla markaana ay waalidiintu heegan ugu jiraan sidii ay carruurta xoolaha la joogta uga ilaalin laheyd gorgorkaas dad cunka ah. Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in wiilkii uu shalay cunay gorgorkaasi saaka la aasay. Cali Muuse Faarax wuxuu tilmaamay in Gorgorkan oo la moodayey mid kaliya dhawaan la dilay hase ahaatee ay soo baxayso dhawr xabo yihiin. Guddoomiyaha degmada Xaaji Saalax wuxuu bulshada deegaankaas ugu baaqay inay si feejigan caruurta iyo xoolahaba uga ilaaliyaan gorgorkaasi. Source -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay wax uu ugu yeeray halista kai man karta kali-talisnimada uu billaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo oo muddo lagu arkayey calaamado kali-talisnimo ayaa shalay si bareer ah banaanka u keenay kadib markii uu xayiraad socdaal saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, sababo la xiriira kaliya inuu ka aragti duwan yahay. Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Kaligi-taliska socod baradka ah wuxuu ku socod bartaa ku tumoshada shuruucda dalkiisa, caburinta iyo cadaadiska dadkiisa, wuxuuna ku qaangaaraa daadinta dhiigga dadkiisa, wuxuuna ku gaboobaa burburinta iyo kala qeybinta dalkiisa.” Fiqi waxa uu ka digay halista Farmaajo kasoo socota xilli uu watqigiisa kasii dhammaan rabo wuxuuna tusmeeyey waxyaabaha laga filan karo. “Inta uu cusub yahay shaatiga wadaniyadda ayuu adeegsadaa, Hantida iyo ciidamada qarankana umadda ayuu u isticmaalaa, marka uu sii dhacayana wixii uu dhacay oo hanti ah iyo qabiil ayaa garab u noqda.” Ayuu yiri Fiqi. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa la joogaa waqtigii umadda Soomaaliyeed si dhab ah isaga waraysan laheyd diktaytarka saanqaadka xun ee dastuurkii iyo shuruucdii uu madaxda ku ahaa asagu ku tumanaya.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com