Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,299
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boqor Axmed Iimaan Warsame Oo Ka Hadlay Booqasho Uu Safiirka Ingiriisku Ku Tagey Xaafada Daami Ee Magaalada Hargeysa, halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Akara)-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta sheegay in Soomaaliya ay Turkey ku casuumtay inay shidaal ka sahmiso baddeeda, kadib markii Ankara ay heshiis dhanka badda ah la gaadhay Libya sanadkii tagay, waxaa sidaas weriyey taleefishinka NTV ee Turkey. Isaga oo weriyayaasha la hadlayey xilli uu kasoo laabanayey shir madaxeedka arrimaha Libya ee ka dhacay Berlin, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Turkey ay qaadi doonto tallaabooyin waafaqsan casuumadda Soomaaliya, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeraad ah. “Waxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: ‘Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan halkan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,” Erdogan ayaa waxaa sidaas kasoo taleefishinka NTV. “Sidaas darteed, waxaa jiri doona tallaabooyin aan qaadi doonno oo ku saabsan howl-galladeena halkaas.” Turkey ayaa il gargaar oo weyn u ahayd Soomaaliya, wixii ka dambeeyey macluushii dhacday 2011, ayada oo Ankara ay raadineyso inay sare u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika, si ay uga hortagto dalalka Khaliijka ee ay xifaaltamaan ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, Injineero Turkihs ah ayaa gacan ka gaysanaya dhismaha waddooyinka Soomaaliya, halka sarakaiisha Turkish-ka ay tababarayaan askarta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallo dib loogu dhisayo ciidamada dalka. Turkey ayaa saldhigga ugu weyn ee ay ku leedaha dibedda waxay sanaddii 2017 ka furtay caasimadda Soomaaliya, ayada oo xoojineysa xidhiidhka ay la leedahay dalka Soomaaliya oo ah mid qalalaase ay ka jiraan balse muhiim ah. Bishii November, Turkey ayaa heshiis dhanka badda ah la saxeexatay dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay, tallaabadaas oo ka carreysiiyey Qubrus iyo Greece. Athens ayaa waxay madaxa iskula jireen Ankara sababo la xidhiidha kheyraadka ku jira xeebta jasiiradda kala qeybsan ee Qubrus. Source
  3. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Argagaxisadu u geysatay howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka. Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya argagaxisada damaceedu yahay inay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay kusii jiraan burburka iyo horumar la’aanta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka. Mudane Xasan Cali Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan howlkarnimada iyo geesinimada, si argagaxisada loogu muujiyo in weerarada naf-lacaarinimada ah aysan hor istaagi karin qorshaha horumarinta dalka. View the full article
  4. (SLT-Beijing)-Fayras cusub ayaa ka dilaacay dalka shiinaha Shiinaha, kaas oo durtaba laga helay dad tiradoodu gaadhayso 136 qof, xaaladahan cusub ee Fayraska ayaa saamayn ku yeelanaya habka neef-mareenka. Magaalada caasimada ah ee Beijing ayaa lagu soo waramayaa in laga helay laba kiis, halka Shenzhen la xaqiijiyey hal kiis. Tirada guud ee uu haleelay Fayraska cudurkani ayaa hadda kor u dhaaftaysa 200, saddex qofna way u dhinteen. Xaaladahan kacsan ee Fayraskan ayaa ku soo beegmaya xilli malaayiin Shiinees ah isu diyaarinayaan inay u safraan ciidaha sannadka cusub. Saraakiisha caafimaadku waxay caddeeyeen Fayraskan, kaasoo markii ugu horreeyay laga soo saaray Wuhan bishii December, isagoo ah nooc ka mid ah corona-virus. Waxay sheegeen inuu asiibayo inuu bukoodo habka neefmareenadu, laakiin wax badan oo ku saabsan illaa iyo hadda lama oga. Source
  5. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun ee dhisaysa wadada Muqdisho iyo Afgooye Kheyre ayaa uga tacsiyeeyay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun dhibaatooyinkii ka soo gaaray weeraradii ay Al-shabaab u geysteen howl-wadeennadooda, intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Seracettin Aksun ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, wuxuuna caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imanaya Al-shabaab Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka. Ra’iisukl Wasaaraha Soomaaliya ayaa maamulaha shirkadda Enez u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada. Kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo maamulaha Shirkadda Enez, ayaa ku soo aadaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayeen in shirkadaasi joojisay dhismihii wadada Muqdisho iyo Afgooye, kadib weeraro is-xigxiga oo ay ku qaadeen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Kheyre oo ballan-qaad u sameeyey shirkadda dhisaysa wadada Muqdisho iyo Afgooye appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Al-Shabaab uu geysteen howl-wadeenadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dhiiragalinta garab istaagiisa ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiira gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha wadada, isla markaana saameyn aysan ku yeelan doonin weerarada uga imaanaya Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka. Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Sidoo kale waxa uu ku dhiiri geliyay inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan u daacad ahaanshaha dib u dhiska dalka, muujiyaana in weerarada uga imaanaya Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo naf la’caarinimo ah aysan ka hor istaagi karin hadafkooda.
  7. Qulqulka Oromada iyo Qaanuunka Socodka ? Shantii sannadood ee ugu danbeeyey dhawr jeer ayaan safar dhulka ah ku marayey jidka laamiga ah ee isku xidha Hargeysa iyo Boosaaso. waa jid dheer oo 1000 kilo mitir ka badan. Jidkaas oo lagu sii xidhiidhiyey laamiga ka soo bilaabma magaalo xuduudeedka Wajaale ilaa Hargeysa, waxa qulqulaya dad Ethiopian ah oo dhinac keliya u socda. Dadkaasi way lugaynayaan, lugtoodana waxa ay ka soo bilaabaan magaalada Wajaale ilaa ay Boosaaso ka caga dhiganayaan, si ay socdaalkooda ay badda kaga gudbayaan u sii wataan. Tirada jidkaa qulqulaysa way adagtahay in si kama danbeys ah loo hubiyo, laakiin waa koox koox ay laba qof ugu yaryihiin, inta badanse ka kooban 5-8 qof kooxdiiba, mararka qaarkoodna meelo ayay isku soo gaadhaan markaasay tobannaan noqdaan, isku darka dadka jidkaa qulqula ee boosaaso gaadha bilkasta, in kasta oo wakhtiyadu aanay isku wada mid ahayn, waxa laga yaabaa in ay noqdaan wakhtigan oo kale 500-800 oo qof. Waxyaalaha la yaabka leh ee iska hor iyo daba imanaya waxa ka mid in Tahriibayaashaas aan loo oggolayn in ay gawaadhi raacaan, oo haddii lagu qabto cid dadkaa gaadhi ku sidda, gaadhigana waa la ciqaabayaa, tahriibayaashana waa la xidhayaa, isla tahriibayaashaasi haddii ay lugaynayaan waxa ay maraan isla jidka laamiga ag ee gawaadhida, waxa ay maraan dhammaan kaantaroollada Soomaaliland iyo Puntland ee laamiga ku teedsan, si nabad ayay u maraan, waa lagu soo dhoweeyaa oo biyo ayaabay askartu siisaa. Waxa la yaabka lihi waxa weeye, maxaa dadkan loogu ciqaabayaa lugta iyo socodka rafaadka ah oo loogu diidayaa in ay gawaadhida muwaadiniinta kiraystaan oo jidkaas gaadhi ku marana? Maxaa tahriibka lugta ah ee kadeedka ah na sharci ka dhigay, kan gaadhiga saaranna sharci darro ka dhigay?! Dadkaa waddan daraf ilaa daraf lugaynayaa waxa ay halis ku yihiin amniga qaranka ee mustaqbalka, sidoo kale waxa ay guntanayaan cadaawad iyo cuqdad ay u qaadayaan bulshadaas ay silica ku dhex marayaan. Dadkani labada jeerba sharci darro ayay waddanka ku dhex maraan, dhibaato badan ayay jidkaa dheer ee ay lugaynayaan kala kulmaan, bulshada ay dhex marayaanna marar badan ayay dhibaateeyaan, dad xog ogaal ah oo aan wareysatay waxa ay ii sheegeen in tahriibayaasha qaarkood ay jidka ugu dhintaan gaajo iyo xanuun, in qaarkood ay bahalo cuneen, waxa kale oo la ii sheegay in ay dhibaatooyin geysteen, reero boobeen, meelaha qaarkoodna dumar ku kufsadeen. TALO SOO JEEDIN: 1) Haddii xukuumadda Soomaaliland u aragto dadkaas tahriibayaasha ah in socodkoodu sharci darro yahay ha ku joojiso xuduudda iyo meel kasta oo ay kula kulanto, haddii aanay sharci darro ahaynna ha laga daayo dhibaateynta iyo kelifaadda lugta, oo halla jiheeyo socodkooda hallana sharciyeeyo, xukuumaddu dakhli aanay ka helin kuwa sharci darrada lugaynaya ayay ka sameyn kartaa, bulshada gaadiidlayda ahina way ka shaqeysan kartaa, isma qabanayso lugtuna waa xalaal, gaadhi raacistuna waa xaaraan! 2) Dadkaa ha loo sameeyo xarumo lagu ururiyo oo lagu daryeelo inta aan waddankooda lagu celinnin iyada oo lala kaashanayo hay’adaha arrimaas ka shaqeeya. 3) Dadkaasi Islaam iyo gaalaba way leeyihiine, kuwooda Islaamka ahna halla baro tiirarka diintooda kuwooda gaalada ahna ha loo bandhigo Islaamka, inta lagu hayo xarumaha loogu talo galay, oo arrimahaas cid qaabilsan halloo asteeyo. 4) Waan ogahay in dadkan in badan oo ka mid ahi ay yihiin dad danyar ah oo aan waxba haysannin, lugtana lacag la’aani ku kellifi karto, waxase hubaal ah haddii lugtooda la joojin lahaa in aanay isa soo luggooyeen ama wixii shardi ah ee lagu xidho ay ilaalin lahaayeen, waayo Boosaaso kama sii dabbaashaan ee doonyo lacag ah ayay ka raacaan oo jeebkooda ayay la baxaan. Ujeedku waa danta dalka, dadka iyo socotadaba si nidaamsan halloo ilaaliyo. Nb: Sawirrada waxa aan ka soo qaatay websaytyada: Burcoonline iyo Kaafimedia. Dr-Abdulqani Beder 54Cabdisalan Socdaal, Nour Abdi Jamac Nurcade and 52 others 18 Comments Qaran News
  8. BOSASO (HOL)- Puntland and Jubbaland leaders Monday have upped their calls for the release of Jubbaland Security Minister Abdirashid Janan who was arrested last August in Mogadishu following reports of human rights violations. Source: Hiiraan Online
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Amniga caasimadda Garoowe ayaa si kumeel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliska, waxaana lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PSF, PMPF iyo madaxtooyada Puntland sida ay shaaciyeen maamulka Gobolka Nugaal. Sababta ugu weyn ee ciidanka Booliiska looga wareejiyay amniga magaalada Garoowe waxey tahay in dib u habeyn lagu sameynayo, sidaas darteed guddiga Nabad-gelyada Nugaal oo shir ku yeeshay caasimadda ayaa go’aamiyay in mudadaas amniga laga wareejiyo. Guddiga waxey sidoo kale amar ku bixiyeen in baraha koontorool ee Garoowe si dhaqso leh loogu raro meelahii loo calaamadiyay, waxaana ciidamada halkaas jooga lagu badalayaa kuwa isku dhafka ah ee ka socda PMF, PSF iyo ciidanka Madaxtooyada Puntland. Dagaal ka dhan ah dadka maan-dooriyaha khamriga, xashiishka iyo wixii la mid ah soo galiya magaalada ayaa la amray, waxaana intaas dheer ineysan ka marneyn in laga hortago dadka hub-ka sharcidarada ah soo galinaya magaalada. Ciidamada maamulka Puntland ayaa maalmahii ugu dambeeyay lagu sameynayay diiwaangalinta casriga ah ee habka xisaabaadka Bangiyada oo horay ay xukuumadda Ferderaalka Soomaaliya uga hirgalisay ciidamada xoogga dalka iyo qaaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka
  10. Turkish President Tayyip Erdogan said on Monday that Somalia had invited Turkey to explore for oil in its seas, after Ankara and Libya’s internationally recognised government signed a maritime delimitation agreement last year, according to broadcaster NTV. “There is an offer from Somalia. They are saying: ‘There is oil in our seas. You are carrying out these operations with Libya, but you can also do them here.’ This is very important for us,” Erdogan was cited as saying by NTV. “Therefore, there will be steps that we will take in our operations there.” View the full article
  11. Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayip Erdogan oo ka qeyb galayey shir looga hadlayay arimaha Lipya ayaa sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay shidaal uu ka baaro xeebaheeda. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay talaabo u qaadi doonto inay hormar ballaaran ka sameyso ogolaanshaha ay ka heleen dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiis ku saabsan shidaal Turkiga uu ka baaro xeebaha Lipya ay horay ula galeen dalkaasi, balse markaan ay ogolaansho kale oo rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliyeed. Turkiga ayaa ah taageerada ugu weyn ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska, amniga, dhaqaalaha iyo bani’aadanimada Turkiga ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya u soo gurmaday sanadkii 2011-kii, markaas oo dalka ay ku dhufteen abaaro iyo macluul baahsan. View the full article
  12. Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland iyo Jubaland ayaa maanta oo Isniin ah si wadajir ah u shaaciyay War-murtiyeed, ay ka soo saareen shirkii wada-tashiga labada dhinac ee Sabtidii todobaadkan ka furmay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. War-murtiyeedka oo ka kooban saddex bog ayaa lagu soo bandhigay 16 qodob oo ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Puntland iyo Jubaland ee ka qabsoomay magaalada Boosaaso, kaasi oo sida ay sheegeen socday mudda laba maalmood ah (Sabti iyo Axad). Sida ku cad war-murtiyeedka Jubaland iyo Puntland, waxay si wadajir ah u qaaddaceen xeerarka ay meel-mariyeen baarlamanka Soomaaliya ee sharciga Batroolka, sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo maray dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka. Sidoo kale, waxay ka digeen in la siyaasadeeyo deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya, arrimaha bulshada, barnaamijyada horumarinta, iyo duullimaadyadaa Rayidka ah, waxaana ay cambaareeyeen cuna-qabataynta xukuumadda federaalka Soomaaliya ay saartay duullimaadyada Jubbaland. Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale dowladda federaalka ugu baaqay in ay fara-gelinta ka joojiso dowlad goboleedyada dalka, isla markaana xorriyaddiisa dib ugu soo celiso wasiirkii amiga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan. Dhinaca kale, waxay ku baaqeen in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo. Ugu dambeyntii, Puntland iyo Jubaland ayaa shaaciyay in ay dhisteen guddiyo iskaashi oo wadaag ah, kaasi oo ka shaqeynaya hirgelinta iskaashiga dhinacyada la’dagaallanka argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta hey’adaha dowliga ah iyo federaaleynta dalka. Halkan hoose ka akhriso qodobada war-murtiyeedka
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Booliiska AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, Askartaan u dhashay wadanka Nigeria ayaa soo dhameystay tababarka ku saabsan shaqada ciidanka Nabad Ilaalinta, Dhaqanka Soomaalida iyo xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya. Ciidamadaan lagu sheegay 130-ka Askari ayaa loo keenay iney wax ka ilaaliyaan Doorashada Soomaaliya ee la filayo iney dhamaadka sanadkaan qabsoonto, waxeyna ka mid noqon doonaan Booliiska AMISOM ee ka shaqeynaya magaalada Muqdisho. Sida xogta lagu hayo Nigeria waxey noqotay Dowladii ugu badneyd ee ciidamo Booliis ah ku biirisa AMISOM, waana kuwa ka shaqo duwan kuwa Militariga. Augustine Kailie oo ah taliyaha ciidamada Booliiska AMISOM ayaa ciidamada cusub ee ka yimid Nigeria u sheegay iney si hugan oo waafaqsan xerka iyo sharciyada howlgalka ku shaqeeyaan. Ciidamadaan waxaa la sheegay iney saacidi doonaan Booliiska Soomaalida, waxeyna sugi doonaan amaanka goobaha muhiimka ah, doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo sidoo kale xafladaha muhiimka ah Ciidamada cusub waxaa hogaaminaya Shehu Ahmed Gani, wuxuuna sheegay iney wax badan ka faa’iideen tababarkii loo qabtay, wuxuuna u mahad celiyay ciidamada Booliska AMISOMN.
  14. WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 20/01/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Wareegtooyin Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada Ku: Maxamed Aadan Xirsi, Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka. MAGACAABID:- Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan: 1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga. 2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska. 3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. 5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada. 7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka. 8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda. 9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo rag ku hubeysan qoryaha fudud iyo kuwa culus uu ka socda magaalada Muqdisho. Sida wararka aan ku heleyn,o dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa inta u dhaxeyso Xarunta Taraafikada iyo Madbacadda Qaranka, waxaana halkaas barakac xooggan ka bilaabay dadkii shacabka ahaa ee daganaa. Dagaalka ayaa waxaa laga maqlayaa degmooyinka u dhow dhow degmada Shangaani, wuxuuna dagaalka bilowday markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay amar ku bixiyeen in laga guuro dhismo halkaas ku yaalla. Dadkii daganaa halkaas ayaa dalbaday ciidamo hubeysan, waxaana sidaas ku bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamadii Dowladda iyo kuwii ay dalbadeen dadka dagan dhismaha la amray in laga baxo. Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha ka dhashay dagaalka, welina wax war ah kama soo bixin laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya. Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe
  16. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo goor dhow ka dhacay degmada Shangaani ee G/Banaadir. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo doonayey inay dad shacab ah ka raraan xaruntii hore ee safaarada Itoobiya iyo kuwa kale oo diidanaa. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadkaan, balse waxaa goobta gaaray saraakiil ka tiran ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Faah faahinta kala soco: radioshabelle.com View the full article
  17. Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire visited Turkish nationals together with several Somali security agencies wounded in the al-Shabaab car bomb attack on Saturday. Six Turkish engineers and ten Somali security agencies providing security were wounded in the attack outskirts of Mogadishu. Somali premier was briefed by Rajap Tayyip Erdogan hospital doctors where the injured are nursing their wounds. The attack on Turkish engineers comes just weeks after two other nationals were killed in al Shabaab attack on the same road. Turkish company was contracted by the Somali government in the construction of a 30-kilometer Mogadishu-Afgoye road funded by the state of Qatar. Ankara has since vowed to continue its support to the Somali government saying al-Shabaab attacks will not deter them from standing by their Somali brethren. Turkey developed close diplomatic and military relations with Mogadishu since the visit of Prime Minister now President, Rajjap Tayyip Erdogan in August 2011. View the full article
  18. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka sida ee dalka. Kulankii oo ahaa mid 31-aad Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shir guddominaayey guddomiyaha golaha Aqalka sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada waxaana goobjoog ahaa guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Ajanda Kulanka ayaa ahaa: 1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. 2)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan uu Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada,Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani waxaana Ogaalada 30 Senatar waxaana Ka aamusay 1 Senatar mana jirin Senatar diiday Hindise-sharciyeedka maanta uu meel mariyey golaha Aqalka Sare BFS. Goobjog News Source: goobjoog.com
  19. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr. Xuseen Cabdi Cilmi iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abukar Zubeyr ayaa Maanta waxaa ay kulan la qaateen maamulka sare ee hay’adda UNDP. Kulanka waxaa ay labada dhinac ay uga wada hadleen wada shaqaynta iyo taageerada geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG, iyaga oo ku wada heshiiyey inay iskaashi sameeyaan. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay kawada Hadleyn sidii kaalin weyn ay uga Qaadan Dhameystirka howlaha dib u eegista ee Dastuurka KMG ee somaaliya. Maamula iyo Madaxda ka socotay hay’adda UNDP aya dhankooda balan qaadeeyn in doorweyn iyo garab istaagi doonaan Guddiya ku howlan dib u eegista Dastuurka dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyey wadadaasi oo ay dhismo ka wado shirkad Turki ah, si loo xaqiijiyo amniga shaqaalaha ka howlgalaya halkaasi. Darawallada gaadiidleyda ayaa lagu soo warramayaa inay u wareegeen wado jid cad ah oo ka baxda dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan kuwa Bajaajta ayaa ka cabanaya xirnaashaha jidkaasi. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sabtidii la soo dhaafay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada jidkaan qarax lagula eegtay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Gaadiidley.mp3 View the full article