Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,342
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa waxa uu galabta iskaga baxay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, oo galinkii hore ee maanta uu ka degay, kadib markii uu ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xubno ka tirsan maamulka degmada Beled-Xaawo ayaa noo sheegay in wasiir Cabdirashiid Janan uu dhulka ah ku gaaray magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, in kastoo ay faahfaahin intaas ka badan aysan bixin. Cabdirashiid Janan ayaa maanta muddo saacado ah ku sugnaa Beled-Xaawo oo uu ku yimid diyaarad militeri oo ka soo qaaday Nairobi, waxuuna soo dhaweyn kadib kulamo la qaatay sarakiisha ciidamada, maamulka degmada iyo bulshada ku nool Beled-Xaawo, isagoo galabta u baxay dhanka magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Intii uu maanta wasiir Janan ku sugnaa magaalada Beled-Xaawo, ayaa war kasoo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Booliska lagu dalbaday waaran caalami ah oo lagu soo qabanayo wasiir Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday guri uu uga xirnaa Muqdisho. Qoraal kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay arrinkaas xiriir kala sameysay hey’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL. Isniintii shalay ee 3-dii bishan, hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inay qabato Cabdirashiid Janan, sla markaana ay u gacan galiso dawladda Soomaaliya si loo maxkamadeeyo, xilligaas oo uu ku sugnaa magaalada Nairobi.
  2. The Special Envoy for the Horn of Africa, Ambassador Mohamed Affey, and UNHCR Somalia Representative, Johann Siffointe, have today visited Wabishabele settlement for the internally displaced in Belet Weyne to meet with families severely affected by floods Source: Hiiraan Online
  3. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ahna Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn doorashadii madaxweynaha Galmudug loogu doortay Cabdi kariin Cali Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid. Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu xusay in dhankooda aysan aqoonsaneyn doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada dhuusamareeb laguna doortay Madaxweyne Qoor qoor iyo Cali Daahir Ciid. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri Ahlusunna waxaa ay ku war gelineysaa beesha caalamka iyo dadka reer Galmudug in aysan wax wadahadal uusan dhexmari doonin dowladda federaalka ah iyo Ahlusunna uusan. Ugu dambeyn waxaa warsaxaafadeedka baaq loogu jeediyey ciidamada ammaanka gaerabka Ahlusunna ayadoona loogu baaqan in ay ka fogaadaan wax waliba oo iska hor imaad keeni kara ka dhasha khilaafka ka taagan dhismaha Galmudug. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo kulan gaar ah la yeeshey hoggaanada kala duwan ee Ciidamada Amniga ee Dowlad-Goboleedka Galmudug. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taliyayaasha sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkooda, Intaa kadib Madaxweynuhu wuxuu aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay kawada shaqeynta Amniga iyo sugida Ammaanka degaanada Galmudug. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-04022020-sax.mp3 View the full article
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay doorashadii labadii bishan ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Qoor Qoor. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuusan aqoonsaneyn doorashadaas, islamarkaana ay ahayd mid “aan waafaqsaneyn” dastuurka Galmudug iyo kan Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale beeniyey inuu jiro wada-hadal u socdo isaga iyo dowladda dhexe, taasi oo uu ku qeexay “dacaayad ay faafineyso” dowladda Soomaaliya. Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono midnimada Galmudug iyo sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab. Waxa uu ugu baaqay ciidamada anmiga iyo shacabka Galmudug in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara iska hor-imaad. Sheekh Shaakir ayaa ugu dambeyn ku war-geliyey maamullada iskuullada Galmudug inaysan ogolaan in ardayda loo adeegsado arrimo siyaasudeed, looguna goodin in ay shahaadadoodu ku xiran tahay, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shaakir
  7. Johannesburg, South Africa (CNN)A South African judge said she was left with no choice but to issue former President Jacob Zuma with an arrest warrant after he failed to appear in court on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in wasaaradda waxabasrahada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool Puntland, ay wado dadaal ay Muqdisho ku keeneyso ardayda dugsiyada Sare ee Puntland. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool Puntland ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay soo gudbiyaan liiska Ardayda qalin jebineysa sanadkaan, waxaana laga hubin doonaa diiwaanka dalladaha Waxbarashada ee dalka. Ardaydaan ayaa Muqdisho ku geli doona Imtixaanka, haddii aysan dowladda Soomaaliya iyo Puntland la imaanin xal kale sida ay noo sheegeen masuuliyiin arintaan ku howlan oo ka socda dhanka dowladda federaalka Soomaaliya. Shir jaraa’id oo uu dhowaan ku qabtay dalka Turkiga, ayaa wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu ku sheegay in waxbarashada Puntland “ay fduubteen” dad qaar ah. Goodax ayaa sheegay in marnaba aysan shahaado siin doonin ardayda Puntland, haddii aysan gelin imtixaanka, wuxuuna sheegay in haddii maamulka Puntland uu ku adkeysto diidmada imtixaanka, ay ka shaqeyn doonaan xal kale. Xalkaas, ayaa Caasimada Online ogaatay inuu yahay, in maamulka laga tallaabsado oo ardayda Muqdisho ay ku galaan imtixaanka.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowaan magaalada Muqdisho soo gaaray tobaneeyo ka mid ah Golaha Isimada Puntland iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Caasimada Online ayaa ogaatay in odayaashaan ay ku yimaadeen dalab ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in la xaliyo arrimo ka taagan Jubbaland iyo Puntland. “Waxaa noo wacay madaxweynaha waxaana kala hadli doonaa labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ee khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee Puntland. Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in odayaasha lagala hadlayo in muhiim ay tahay in labada maamul ay ku xirmaan dowladda Soomaaliya, si lamid ah maamulada kale ee Koonfur Galbeed, HirShabelle, iyo Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in isbadal lagu sameeyo maamulka Jubbaland oo dhismihisa khilaaf ka taagan, waxayna wararku sheegayaan in maamul cusub loo dhisi doono waqti aan fogeyn. Tani waxay dhabar Jab ku tahay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf culus kala dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ma cadda, tallaabooyinka ay qaadi doonaan odayaasha marka ay ka laabtaan Muqdisho, hase yeeshee waxaa muuqda dadaal xooggan oo dowladda ay ku xaqiijineyso awooddeda gudaha dalka ka hor doorashooyinka dhammaadka sanadkan.
  10. Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa maanta beenisay war ku saabsan 150 arday oo shalay u ambo baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay shahaado u doonteen Wasaaradda Waxbarashada Magalada Xamar. Agaasimaha tacliinta sare ee Puntland, Maxamed Axmed Warsame Shirdoon oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ardaydaas ay yihiin kuwa deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga oo ay ufududeeyeen Wasaaradda Puntland iyo shirkad gaar ah loo leeyahay. “ Ma jiraan Arday Reer Puntland ah oo XAMAR ugu dhoofay si ay Imtixaan u galaan. Ardaydaas aniga oo Agaasimaha Tacliinta Sare iyo Deeqaha Waxbarashada ah iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sagootinnay. Waxaan u sagootinay dalka Turkiga waxayna heleen Deeq Waxbarasho” ayuu yiri Agaasimaha. Dhinaca kale, Agaasime Shirdoon ayaa Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu ku eedeeyay, in ay musuq maasuq ballaaran ku samaysay Saami-qeybsiga Deeqaha Waxbarasho ee Caalamku siiyo Soomaaliya. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Shirdoon: Ma jiraan Arday Reer Puntland ah oo Imtixaan u aaday XAMAR appeared first on Puntland Post.
  11. Jeneraalka Soomaaliga ah ee badbaadiyay madaxtinimadii Moi Jeneraal Maxamuud- ninkii badbaadiyay madaxtinimadii madaxweyne Moi Waxaa maanta Magalaada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxwyenihii hore ee Kenya, Daniel Toroitic Arap Moi oo Kenya soo maamulayay muddo 24 sano. Xukunkii Moi waxaa aad loogu xusuuta afgembigii dhicisoobay ee uu ka badbaaday sanadkii 1982. Inkastoo Maamulkii Moi uu gacan bir ah ku qabtay Kenya, haddana waxaa jiray rag ka tirsanaa milateriga oo isku dayay inay xilka ka turaan. Saraakiil ka tirsanaa ciidammada cirka ee milateriga ayaa sanandkii 1982 sameeyay isku day afgambi oo markii dambe fashilmay, kadib markii uu soo farageliyay Jeneraal Maxamuud oo ah nin Soomaali ah oo ka tirsanaa milateriga, kana soo jeeda gobolka waqooyi bari ee Kenya. Jeneraal Maxamuud oo ahaa taliye ku xigeenka ciidamada lugta ayaase sabab u nqoday in Moi uu dalka Kenya maamulo 24 sano, kana badbaado qeyb ahaan isku day afgembi oo ay dhici kartay in ay noolashiisa galaafato. Jeneraal Maxamuud Markii uu afgembiga dhacay, madaxweyne Moi waxaa uu ku sugnaa beer uu ku lahaa deegaanka Kaparnet oo uu Moi ka soo jeeda. Jeneraal Maxamuud ayaa markiiba waxaa uu tegay beertii uu ku sugnaa Madaxweyne Moi, waxaana uu ka dalbaday in uu u fasaxo sidii uu uga hortagi lahaa afgembiga. Dadkii usoo joogay xilligaas waxay shegeen in Jeneraalka oo wata askar lagu qiyaasay 40 uu cagta mariyay askartii isku dayaysay afgembiga, waxaana uu markale xukunka kus oo celiyay madaxweyne Moi. “Markii Moi xilka laga tuuray oo afgembiga uu dhacayay wuxuu ku sugnaa beertiisa, aad ayuu u khalkhalay, talana way ku ciirtay,balse markiiba waxaa usoo gurmaday oo arrinta soo farageliyay Jeneraal Maxamuud o ciidankii cirka ee arrinta ka dambeeyay fashiliyay”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Faarax Macallin oo xildhibaan ahaa xilligii madaxweyne Moi. Faarax Macallin ayaa waxaa kale oo uu sheegay in wixii markaas ka dambeeyay Jeneraal Maxamuud madax looga dhigay ciidanka cirka, si uu dib u habeyn ugu sameeyo, waxaana uu madax ka ahaa afar sano. Faarax Macallin ayaa sidoo kale sheegay in Jeneraal Maxamuud uu markiiba laayay ciidanka afgembiga sameeyay, wuxuuna idaacadda Qaranka ee VOK la oran jiray ku amray in weriyihii joogay uu dadka u sheego in afgembigii fashilmay, waxaana sidaas markale xukunka ula wareegay Jeneraal Maxamuud. Jeneraal Maxamuud hadda waa hawlgab Xilligaas waxaa taliyaha ciidamada ee Kenya ahaa Jeneraal lagu magacaabi jiray Mulinge, balse markii uu afgembiga fashilmay waxaa uu madaxweyne Daniel Moi uu xilka taliyaha ciidamada sanadkii 1986 u magacaabay Jeneraal Maxamuud Maxamed Barow oo hayay tan iyo sanadkii 1996. Wixii intaa ska dambeeyay Jeneraal Maxamuud waxaa lagu tilmaami jiray in uu ahaa ninkii ugu dhawaa madaxweyne Moi ee uu aad ugu kalsoonaa. “Wixii afgembiga ka horeeyay Soomaalida dalka Kenya waxaa laga heystay fikir khaldan, balse afgembigii dhacay iyo sida Jeneraal uu uga falceliyay ayaa waxbadan ka badeshay sawirka laga heystay Soomaalida, shaqooyin badan ayaa la siiyay, hey’adaha dowladda oo aan markii hore loo oggoleyn ayaa madax looga dhigay, waxbadanna waa loo qabtay Soomaalida Kenya oo ay kamid tahay waxbarashada”, ayuu raaciyay Faarax Macallin. Jeneraalka oo hawlgab ah ayaa haatan ku nool Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, waxaana BBC-da ay isku dayday inay la xiriirto, balse nooma aysan suurtagelin in aan helno. Cyrus jirongo oo ah xildhibaan hore, aadna ula soo shaqeeyay xisbigii madaxweyne Daniel Arap Moi ee Kanu ayaa BBC-da u sheegay in Jeneraal Maxamud uu kamid yahay dadka fara kutiriska ah ee badbaadiyay Kenya, sababna uu u yahay meesha ay Kenya maanta ay joogto. Jeneraal Maxamuud wuxuu si dhaw ula soo shaqeeyay Moi Wuxuu sheegay in markii uu afgembiga dhacay Jeneraal uu ku sugnaa Magaalada Nakuru, balse saacado gudahod uu idaacadda Qaranka kala wareegay ciidanka afgembiga sameeyay. “Dalkii oo jahwareersan ayuu Jeneraal Maxamud waxaa uu soo kaxeeyay madaxweyne Daniel Arap Moi, oo wuxuu horkeenay idaacadda Qaranka, wuxuuna la hadashiiyay shacabka, wuxuuna uu xaqiijiyay in Madaxweynaha uu nool yahay, dalkana uu ka taliyo, ciidankana ay isaga ka amar qaataan”, ayuu yiri Cyrus jirongo. Siyaasigan ayaa sidoo kale sheegay in qofka Soomaaliga u maanta ka fursad wanaaagsan yahay wixii ka horeeyay afgembiga, suurtagaln ay tahay in qof Soomaali uu madaxweyne ka nqodo Kenya, maadaama sumcad wanaagsan loo hayo Soomaalida Kenya, arrintaasina uu sabab u yahay Jeneraal Maxamuud. “Maxamuud waxaa uu badelay fikirkii qaldanaa ee laga heystay Soomaalida, waxaa uu sare u qaaday kalsoonida lagu qabo Soomaalida, waxayna taas keentay in si dhab ah loo aqoonsado jiritaanka dadka Somaalida ee Kenya, waana geesi badbaadiyay Kenya, waligiina la xusi doona”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Jeneraal Maxamuud ayaa waxaa uu lasoo shaqeeyay gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1953, waxaana uu xilligaas madax kasoo noqday taliyaha ciidamada lugta ee Kenya, kadib markii Kenya ay xornimada qaadatay. Qaran News
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Nairobi Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani khayaad. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani, ay kulankooda uga wada-hadleen arrima ku saabsan xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Sacuudiga, gaar ahaan sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudiga. Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka, gaar ahaan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Sacuudiga oo ka wada-hadlay Dhoofka Xoolaha appeared first on Puntland Post.
  13. Hundreds of residents marched through the streets of Guri’el town in the Galgadud region on Tuesday in support of the election of the new Galmudug state leadership. The demonstration has been organized by local authorities to show their support for the election of President Ahmed Abdi Kariye and VP in Dhusamareb town this week. There have been such rallies in several areas in Galmudug state of Somalia since the election, which is expected to culminate long-running political standoff in the region. Somali president and US ambassador to Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo and Donald Yamamoto have congratulated the new regional leader on his election victory. View the full article
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse “laamaha amniga ayaa fashiliyeen”. Abiy Axmed oo shalay hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhibaannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha Amniga, Siyaasadda iyo doorashada dalkaasi ka dhici doonta sannadkan. Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo la weydiiyay waxa ay dowladdiisa ka qabatay amniga ayaa tusaale ahaan u soo qaatay sida “looga hortagay weerarrada Al-Shabaab”. Wuxuu yiri: “Haddii aan Al-shabaab tusaale u soo qaato, weerarro la mid ah kuwa ay kenya ka fuliyaan aye damacsanaayeen, balse diyaargarow xooggan waxaa sameeyey ciidamada deegaanka Soomaalida ee qalabka sida iyo xoogagga kale ammaanka waxayna sameeyeen howlgallo ballaadhan oo ay kaga hortageen weerarradii al-shabaab ay damacsanaayeen.” “Al-shabaab ayaa magac ahaan la sheegay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay inay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ayuu hadalka ku daray Abiy. “Howlgal lagu hor istaagay tallaabadii ay qaadi lahaayeen, kooxahaas oo gaashanaya kuwa xumaha jecel ee gudaha iyo dibadda, ayaa la qaaday. Ciidamada qalabka sida ee Itoobiya iyo laamaha kale ee ammaanka howla aad u badan ayey qabteen,” ayuu yiri. “Dowladda dhexena waxaa ka go’an iney si weyn wax uga qabato amniga iyo xasiloonida gudaha balse dadaalka dowladdu wuxuu mira dhal noqon karaa marka ay qaybaha ay quseyso iyo shacabka guud ahaan, kaalinta kaga aaddan ay ka soo baxaan,” ayuu yiri Dr Abiy Axmed. Itoobiya waxaa hadda kusoo wajahan doorashooyin djacaya bisha August ee 2020, iyada oo dowladda ay la tacaaleysay wax ka qabashada ammaanka tan iyo markii uu talada la wareegay Abiy Isha: BBC
  15. (SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee 6 qof ayaa ku dhintay shil gaadhi oo ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka Burco iyo Sheekh. Dad dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa waxa la gaadhsiiyay Cisbitaalka guud ee magaalada Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Somalia’s federal authorities and the United Nations (UN) are calling for urgent humanitarian assistance to avert an acute food insecurity situation that could threaten millions of people. The call was made during the launch of the post-Deyr (October – December) seasonal Food Security and Nutrition Assessment for Somalia on Monday. The periodic assessment is conducted twice a year by the Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU) and the Famine Early Warning Systems Network (FEWSNET), both of which are managed by the Food and Agriculture Organisation (FAO) of the UN, in collaboration with various partners and governments. The assessment notes that up to 1.3 million people in Somalia face acute food security and require urgent humanitarian assistance. At the same time, more than 690,000 children below five years of age could become acutely malnourished by the end of the year. The UN Resident Coordinator and Humanitarian Coordinator for Somalia, Adam Abdelmoula, said that humanitarian needs persist despite favorable Deyr rains that improved the food security situation across the country. “Approximately 4.1 million people across Somalia will continue to face acute food insecurity through mid-2020, including 1.3 million people who need urgent humanitarian assistance. Over 962,000 children face acute malnutrition, including 162, 000 who could become severely malnourished through this year, if their needs are not addressed,” said Mr. Abdelmoula. He also noted that although the recent desert locust invasion in Somalia had been limited and localized, it carries a high risk of damage to crops. “These concerns add to what is already one of the biggest and most complex emergencies in the world today. About 2.6 million people remain internally displaced and highly impoverished. They need to be better protected and supported in finding durable solutions,” the senior UN official said. Somalia’s Deputy Minister of Agriculture and Irrigation, Hamoud Ali Hassan, attributed the country’s humanitarian challenges to factors beyond seasonal weather variations. “The problem in Somalia is not only because of rainfall. It is due to insecurity and lack of infrastructure, which affects the movement of people between member states. Insecurity is a contributing factor,” the deputy minister noted, further appealing for support from international partners. The FAO representative in Somalia, Etienne Peterschmitt, concurred that the country has experienced multiple challenges, such as poor Gu rains (the season running from April to June) compounded by the recent invasion of desert locusts. Mr. Peterschmitt pointed out that this complex issue requires concerted efforts to contain. “If the locust [invasion] does hit the cropping or grazing areas at the worst time, the damage can be huge, up to a 100 percent,” Mr. Peterschmitt said. He added that considering where the invasion is located at the moment, it would not necessarily mean that the plague will affect all parts of the country, but nevertheless reminded all partners to be prepared. Daniel Molla, the FSNAU Chief Technical Advisor, noted that forecasts by the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) indicate that most parts of Somalia will register favorable Gu rains this year, except in northwest Somaliland, which may experience below-average Gu rains that could negatively impact on crop and livestock production. “We also have to consider the prospects for the Gu season rainfall that is ahead of us, and the forecast for the IGAD indicates that average and above-average rainfall is expected in most parts of Somalia,” Molla said. View the full article
  17. Military commanders of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) this morning met to discuss the planned reduction of AMISOM military personnel in line with recommendations by the UN Security Council. The meeting held in Mogadishu sought to enable the AMISOM contingent commanders across the various sectors in Somalia, agree on operational matters ahead of a two-day Operations Coordination Committee (OCC) meeting that starts on Monday, 3 February 2020. AMISOM commanders, officials from the AMISOM troop-contributing countries (TCCs), international partners, and the Federal Government of Somalia (FGS) will attend the OCC meeting to discuss the security situation in Somalia. AMISOM Force Commander, Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, said the OCC would discuss the security situation in Somalia and realignment of planned operations with the revised Concept of Operations (CONOPs). “The main agenda is the drawdown based on the UN Security Council Resolution of 2019, which states that we drawdown by another 1000; the general security situation and future operations, especially the rearrangement of the CONOPs 2020,” Lt. Gen. Tigabu stated. Lt. Gen. Tigabu urged the AMISOM contingent commanders to develop strategies for future operations and agree to reduce personnel without jeopardizing the security gains so far. View the full article
  18. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dibadbax hoggaanka cusub ee Galmudug lagu qabtay dagmada Guriceel ee gobolkaasi. Dibadbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne fara badan, sida odoyaasha, haweenka, ardayda iyo maamulka degmadaasi. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Bashiir Cabdiraxmaan Shekeeye iyo guddoomiye ku xegeenka 2-aad, Faarax Cabdi Macalin ayaa munasabadda soo gabagabeeyay waxaana ay soo dhaweyeen madaxweynaha cusub Galmudug, Axamed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cali Daahir Ciid oo lagu doortay Dhuusamareeb. View the full article
  19. Ha’ayad falanqeysa cunada iyo nafaqada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano FSNAU, kana howlgasha Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegtay in ku dhawaad 2 milyan oo ruux oo Soomaali ah ay cuno yari ku wajahayaan Soomaaliya. Ha’yaddan oo falanqeysa wax soo saarka cunada iyo nafaqa Soomaaliya ayaa hoos timaada ha’yadda cunada duunka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FAO. Warbixin ay ha’addu soo saartay ku sheegtay in qiyaastii 1.3 milyan oo ruux ay wajahayaan xaalad cuno yari oo baahsan,kadib markii la waayey roobabkii la filayay inay da’aan iyo beeraleyda qaar oo dalagyadoodii uu dhibaateeyay xayawaanka Ayaxa dabayaaqada sanadkii tagay ee 2019-kii Sidoo kale hay’adda aya sheegtay in laga cabsi qabo in cuno yari ay soo food saarto dad ku dhow laba milyan oo ay sheegtay in ay sameeyeen colaado, abaaro iyo fatahaado sanadkii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada dalka. Warbixintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan xukuumada federaalka iyo hay’adaha gargaarka ay si wadajir ah u daah fureen mashruuc ku kacaya malaayiin Dollar oo looga jawaabayo xaaladaha ban’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  20. Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in la soo qabto wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo maanta gaaray magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Cabdirashiid Janan ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Janaayo, isla markaana uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Booliska Soomaaliya oo dalbaday in la soo qabto Wasiir Janan appeared first on Puntland Post.
  21. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida. Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah. View the full article
  22. Shirweyne u dhexeeya wasiirada maaliyadda wadamada dhaca geeska Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti. Soomaaliya waxaa shirkaasi oo diirada lagu saarayo arrimaha dhaqaalaha uga qeyb galaya wasiirka maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka oo ka warbixiyey muhiimada shirkaasi ayaa sheegay in looga hadlayo isku xirka dhaqaale dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Ereteriya, Kenya iyo Jabuuti. Beyle ayaa sidoo kale tilmaamay in fududeynta iyo qabsoomida shirkaan ay gacan ka geysteen Midowga Yurub, Bangiga horumarinta Africa iyo midka Aduunka. Sidoo kale waxaa furitaanka shirka lagu soo qaaday hirgelinta waddo dheer oo isku xireyso Asmarka iyo Nairobi , taas oo sii mareyso qeybo ka mid ah Soomaaliya. View the full article
  23. Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritan caafimaad oo lagu sameynayo dadka safarka ee isticmaalaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ololaha baarista ah ayaa looga goleeyahay ka hortaga feyriska dilaaga ah ee Coronavirus oo dhawaan ka dilacay dalka Shiinah kasoo usoo gudbay dalalka caalamka dadka ayaa lagu baaraya gudaha garoonka marka ay soo dagaan si looga hortago halista ka imaan karta cudurkan. Dhakhaatiirta Caafimaadka oo ay ugu tala gashay wasaaradda ayaa lageeyay garoonka si ay usameyan baaritaanka ku aadan cudurka Coronavirus oo gud ahaan caalamka ay ka muujiyeen digniino qatar ah. Qalabka loogu tala galay in lugu baaro ayaa la dhigay qaybta hore ee laga soo galo garoonka diyaaradda si loo xaqiijiyo xaaladdaha caafimaad ee dadka isticmaalaya diyaaradaha u kala gudbaya gudaha dalka iyo dibada. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article