Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan gaar degmada Jalalaqsi ee gobalkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay halkaasi ku geeriyoodeen 12 qof oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee ka dilaacay gobalkaasi.. Mire Xuseen Siyaad oo ah ku simaha guddomiyaha arrimaha bulshada degmada Jalalaqsi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka ay kor u dhaafayaan 60, waxa uuna inoo xaqiijiyay in dad gaaraya 12 qof ay u geeriyoodeen cudurkaasi kuwaas oo isgu jira caruur iyo dad da’ ah. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay dadkaasi gaarsiiyeen adeegyo kala duwan waxa uuna sheegay in ay dhinaca kale la kaashadeen hey’adaha gobolkaasi ka howlgala sidii dadkaasi xaaladooda caafimaad loola tacaali lahaaa. Ugu dambeyn guddoomiye Mire Xuseen aya dowladda federaalka, maamulka Hirshabeelle iyo hey’adaha bixiya deeqaha waxa uu ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dadkaasi wax ugu qabtaan, maadaama maalinba maalinta ka dambeysa ay soo badanayaan dadka uu soo ridanayo cuddurkan. Gobalka Hiiraan ayaa inta badan waxaa ka dilaaca cudurka shuban biyoodka waxaana loo sababeeyaa in ay tahay biyaha wasaqeysan ee wabiga oo dadka gobolkaasi ku dhaqan ay aad u isticmaalaan, waxaana jira tallaabooyin dadkaasi loo jeediyay oo ku aadan in ay cabaan biyo nadiif ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya Adel-jJubeir oo ku sugnaa maagaalada Bucharest ee caasimada dalka Romania ayaa dowlada Turkiga ku eedeeyay in ay taageerto ururo ka dagaalama dalalka Soomaaliya, Lipya iyo Suuriya. Al-Jubeir oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dalka Romania ayaa shir jaraa’id uu ku qaabtay caasimadda dalkaasi waxa uu ka sheegay in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka soo horjeedo faragalinta dhanka ammaanka ah ee Turkiga uu ka wado dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Lipya. Sidoo kale ayaa tilmaamay in Turkiga uu qorsheenayo in ciidamo uu geeyo Lipya, taasina ay qeyb ka tahay hurinta colaadaha dalkaasi. Ugu damgbeyn wuxuu xukuumadda Ankara ku eedeeyey in ay taageerto ururo ka dagaalama Soomaaliya, isagoo sheegay in taasina ay cambaareeneyso Riyad. Turkiga ayaan weli ka jawaabin eedeymaha loo jeediyey, iyadoo uu dalkaan yahay saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, isaga oo ka caawiyo dhinacyo dhowr ah View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Wafti Heer Wasiir Ah Oo Ka Socday Dalka JABUUTI Oo Gaadhay Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-15022020.mp3 View the full article
  5. (SLT-Garoowe)-Hay’adda maamulka Puntland u qaabilsan baadhista danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano Forensic Science, ayaa sheegtay inay kala saartay 50 carruur ah oo ay isku haysten dad sheeganayay inay dhaleen. Agaasimaha hay’addan Dr.Cabdirashiid oo BBC la hadlay ayaa sheegay kala saaristaan in ay u mareen adeegsiga paternity testing oo ah, Tijaabada aabanimada DNA, si loo go’aamiyo bal in shaqsigu yahay waalidka dhalay iyo in kale. “Waxaanu qabanay oo aan kala saarnay illaa iyo hadda dad isku haystay 50 carruur ah. Waxaa naloo keenay carruur ay su’aal ka taaganayd cidda dhashay,” ayuu yidhi DR. Cabdirashiid, agaasimaha Puntland Forensic Science. Dr.Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in ay baadhitaankaan 100% u adeegsadeen habka loo yaqaano “STRs” oo ah isbarbar dhigga ku celcelisyada halbeegga DNA, oo ah marka la rabo in la kala saaro laba qof ama in kabadan. Wuxuu sheegay inay ku guulaysteen in natiijo sax ah ay kasoo saareen carruurtii su’aaluhu ka taagnaayeen ayna sheegeen waalidka dhalay iyo waalidka aan dhalin. “Runtii, maxkamaduhu way aqbaleen in loo keeno caddeymaha ku saleysan DNA, waxay kaloo aqbaleen in go’aan lagu qaato. Waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay in dadweynihii ku qanceen natiijada aan soo saarnay,” ayuu yidhi. Maamul gobolleedka Puntland ayaa ah meesha kaliya ee Soomaaliya laga hirgaliyay xaruntaan oo muhiim u ah baadhitaanka danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano. Source
  6. Diinsoor (Caasimadda Online) – Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Xalay Saq lagu daadiyey waraaqo lagu baadi goobayo nin u dhashay Mareykanka oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab. Waraaqahaan oo lagu daadiyey Magaalada Diinsoor ayaa waxaa lagu raadinayey nin lagu magacaabo Jehad Serwan Mustafa oo u dhashay Mareykanka kana tirsan Kooxda Al-Shabaab. Ninkaan ayaa waxaa madaxiisa la kor dhigay lacag 5 Malyan ah oo la siin doono cid kasta oo keento xogtiisa sida lagu qoray waraaqahaas lagu daadiyey Magaalada Diinsoor. Dadka ku nool Diinsoor ayaa saakay waabarigii kusoo toosay waraaqahaan oo lagu daadiyey inta badan Magaalada, waxaana la rumeysan yahay inay soo daadiyeen diyaarado Mareykanka laga leeyahay oo Xalay Saq dhexe kor heehaabayey Diinsoor. Warqadaan ayaa lagu sheegay tilmaamo lagu garan karo ninkaan, waxaana kamid ah inuu nabar weyn ku leeyahay gacanta middig, Indho Buluug ah, sidoo kalana uu yahay nin ku hadli karo luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Soomaaliga. Dowladda Mareykanka ayaa Bishii December ee sanadkii 2019 sheegtay inay Jehad Serwan Mustafa madaxiisa kor dhigtay lacag 5 Malyan oo Dollar. Jehad Serwan Mustafa ayaa la rumeysan yahay inuu hadda yahay qofka Mareykanka ah ee ugu darajada sareeyo gudaha Al-Shabaab. Ninkaan oo ah 39 jir ayaa wuxuu ku dhashay Gobokka Wisconsin ee dalka Mareykanka 28 December 1981, waxaana muddo ku raad joogto Hey’adaha Sirdoonka Mareykanka ee FBI iyo CIA. Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli wax war ah kasoo saarin waraaqaha ay Diyaaradaha Mareykanka ku daadiyeen Diinsoor.
  7. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Adam Abdelmoul ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta, mashaariicda horumarineed ee qaramada midoobay ay ka sameyso Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dadaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qaybta ka qaadanaya gaarimadda mililooyinka ummadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Khayre Oo Kulan La Qaatay Ku-Xigeenka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Degmada Jalalaqsi iyo nawaaxigeeda waxaa ka dilaacay Cudurka had iyo jeer Soomaalida kusoo laablaabta xili roobeedka ee loo yaqaan Shuban Biyeed. Goobo kale oo ka [...] Source
  9. (SLT-New York)-Kulan u dhexeeyey dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan, kuna saabsanaa khilaafka biyo-xidheenka GERD ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, magaalada Washington. Sida lagu baahiyey mareegta Waltanews shalay, Wada xaajoodkan oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacay dalka Maraykanka, lana xidhiidhay sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka biyo-xidheenka Itoobiya, ayey goobjoog ka ahaayeen Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Bangiga. Safiirka Itoobiya u fadhiya Mareykanka, Fitsum Arega, oo bartiisa twitter-ka fariin ku baahiyey ayaa qiray in wada xaajoodkii saddexda wadan natiijo la’aan ku dhamaada, waxaanu idhi, ” Kulankan u dhexeeya Itoobiya, Suudaan iyo Masar ee ku saabsan GERD wuxuu ku soo dhammaaday heshiis la’aan. ” Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka oo kaga soo qeybgalay kulanka goobjoogayaal ahaan ayaa shaaciey in guddiyo farsamo loo saaray qododbada saddexda wadan ku heshiin karaan, lana soo saari doono mustaqbalka dhow. In kasta oo saddexda waddan ay yeesheen fadhiyo badan oo ku saabsan xallinta arrinta Wabiga Niil, haddana heshiis cad oo la isku raacsan yahay weli lama gaadhin. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa xukumadda madaxweyne Biixi ugu baaqay in ay faahfaahin ka bixiso kulankii madaxweynuhu magaalada Addis Ababa kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in bulshada Somaliland, goleyaasha Qaranka iyo xisbiyadu xaq u leeyihiin in looga warramo ajandaha madaxweynuhu ula tagay madaxweynaha Soomaaliya, arrimaha lagaga wada hadlay kulanka, wixii ka soo baxay iyo halka hadda la joogo meesha looga dhaqaaqayo intaba. Xoghayuhu wuxuu ku eedeeyay xukumadda iyo wasiirka arrimaha dibadda in ay kulankaasi uga warrameen si aan u qalmayn umadda Somaliland, islamarkaana aanay wax faahfaahin ah ka bixin waxa uga qabsoomay socdaalka Itoobiya. “Madaxweynuhu maalintii dhawayd ee uu Addis Ababa tagay waxa uu la soo kulmay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, markii uu soo noqday sidii uu wasiirka arrimaha dibaddu dadka ugu warramay si dadku gayo maaha. Shacabka Somaliland waxay ka gayaan maaha in wasiirkooda arrimaha dibaddu yidhaahdo ‘xafiiska ra’isal wasaaraha oo la sii macasalaamaynayay ayuun baanu ku kulanay’ Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Ethiopia maaha basaskii xaafadaha Hargeysa u kala baxaayay ee dadku si aan ku talagal ahayn ay ugu kulmaayeen, xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya waa xafiis nidaam iyo hab maamuus leh(Protocol) cid aan loogu talo gelin in ay is arkaana aanay is arag, qol maaha cid kasta oo soo gasha isku arkayso, markaa waxay muujinaysa in wax ay qarinayaan oo dadayaan jiro ama waxay yidhaahdaan garan la yihiin oo ay qorshe la’aan tahay, waa laga sugaya in ay arrintaasi sharraxaad ka bixiyaan, waa laga sugaya in arrintaasi daahfurnaan noqoto oo ay shacabka Somaliland uga warramaan kulankaas iyo wixii uu ahaa, wixii lagaga wada hadlay iyo wixii ka soo baxay,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga WADDANI. Xoghayaha Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay raalli gelinta madaxweynaha Soomaaliya u soo diray Somaliland “Hadalkii (farmaajo) waan dhegaysanay runtii wixii Somaliland ka dhacay wuxuu ahaa dambi dagaal iyo arrin aad iyo aad u fool xun oo dawladdii kalitaliska ahayd gaysatay. Runtii waxaanu u aragna tallaabo wanaagsan in ay bilaabayaan madaxda Soomaaliya in ay arrintaasi qiraal ka keenaan laakiin arrimaha qaar marka laga hadlayo waxay leeyihiin eray bixino caalami ah oo lagu yaqaanno, waxaan rajaynaya in ay wada hadallada qayb ka noqoto raalli gelinta Somaliland la siinaya eray bixin noocee ah bay yeelanaysa laakiin, in madaxweynaha Soomaaliya sheego in uu ka xun yahay waa tallaabadii ugu horaysay oo wanaagsan wixii intaas ka dambeeyana waxaan filayna in wada hadallada lagu lafo guri doono sidii loogu samayn lahaa eray bixinta caalamiga ah ee ay leedahay wixii halkan(Somaliland) ka dhacay,” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi. Halkan hoose ka DAAWO Muuqal dhammaystiran Source
  11. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dlaka Soomaaliya ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu fara ba’an ku hayo dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi iyo deegaanada ku xeeran ee gobolkaasi. Guddoomiyaha degmadaasi, Maxamed Nuur Cagajoof o la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in maalmihii ugu dambeeyey dad gaaraya illaa 22 qof ay shuban biyood ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Jalalaqsi iyo deegaanada hoos yimaada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan cudurka ay la’il daran yihiin in ka badan 70 qof oo u badan caruur, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaad ee gobolka. “Shuban biyood ayaa dhibaato nagu hayo geerida waxay saacadaan mareysaa 22 qof, sidoo kale waxaa isbitaalka ku jira todobaatameeyo kale”. ayuu yiri guddoomiyuhu. Cagajoof oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladda degmada ay adag tahay, islamarkaana ay ka jirto macluul iyo nafaqo darro laga dhaxlay fatahaadihii u dambeeyey. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dadka deegaanadaasi ay u baahan yihiin gurmad caafimaad, islamarkaana dadka uu cudurka soo ritay isbitaalada la dhigay aysan ku filneyn daaweyntooda. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka, madaxda dowlad goboleedka HirShabelle iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkaasi oo u baahan daryeel caafimaad.
  12. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe) oo la soo xiriiray Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa ka warbixiyey xaalado caafimaad darro oo ka jira degmadaas iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Hiiraan. Cagajoof ayaa sheegay in magaalada Jalalaqsi uu haatan fara ba’an ku hayo cudurka shuban biyoodka oo maalmihii u dambeeyey ka dilaacay halkaasi. Sidoo kale wuxuu Shabelle u xaqiijiyey in cudurkaasi ay u dhinteen illaa iyo hadda dad gaaraya 22 qof, islamarkaana ay haatan la’il daran yihiin ku dhowaad 100 kale. Guddoomiye Cagajoof ayaa sidoo kale tilmaamay in isbitaalladu ay buux dhaafeen, islamarkaana ay dadkaas u baahan yihiin gurmad caafimaad oo deg-deg ah. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda HirShabelle iyo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka inay u soo gurmadaan dadkaasi dhibaateysan. Hakaan hoose ka dhageyso wareysiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Wareysi-Gudoomiyaha-Jalalaqsi.mp3 View the full article
  13. (SLT-Ankara)-Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay baadhitaan ku hayaan wiil Soomaali ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Ankara kadib markii uu soo xidhey dharka dumarka. Wiilkan Soomaaliga ah oo la yidhaahdo Ibraahin Maxamed ayaa la qabtay isagoo ku safraya dukumintii ay leedahay gabadh Soomaali ah oo muuqaal ahaan isku ekeeysiiyay. Sidoo kale Booliska ayaa qabtay gabadha lahayd baasboorka oo magaceeda lagu sheegay Khadiijo iyadoo dooneysay inay ka baxdo garoonka diyaaradaha magaalada Ankara. Ninkan iska soo dhigay gabadha ayaa xidhnaa dharka ay dumarka xidhaa sida goono, madaxana u saarnaa qamaar, waxa uu sidoo kale xidhnaa jaakad, ninkan ayaana sidoo kale wajiga soo marsaday waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan. Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waddo walba u mara inay ku galaan dalalka Yurub iyagoo qaarkood mara badaha halka kuwo kalana ay isku dayaan inay ku dhoofaan dukumintiyo been abuur ah. Source
  14. (SLT-Laascaanood)-Wararka laga helayo Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in Dab xoog leh uu ka kacay dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaaladaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dabkan oo aad u xooggan ku sii fidayao deegaano horleh sido kalana ay socoto dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu damiyo dabkaas. Dhinaca kalana dadka ku nool duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa warbaahinta u sheegay in uu bilaamay barakac si aanu u saamayn dabkaas ka kacay Dooxada magaalada. Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay in uu kaco dabkaan hase’ahaatee waxaa socda dadaalo kala duwan oo lagu daminayo dabka ka kacay Dooxda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Source
  15. Kenya has hit back at Djibouti for contesting against its endorsement by AU to represent Africa at the United Nations Security Council. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (AMISOM) – A total of three hundred Darwish trainees of the Somali Police Force have graduated at the General Kahiye Police Training Academy in Mogadishu after completing a month-long specialised training. Source: Hiiraan Online
  17. Egypt has confirmed its first case of a deadly coronavirus that emerged in central China at the end of last year and has since spread to more than two dozen countries around the world. Source: Hiiraan Online
  18. Warar aan ka helnay gobalka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Dooxo ku taal duleedka magaalada Laascaanood uu qabsaday dab xooggan oo la soo warinayo in aan wali lagu guuleysan in la damiyo. Dooxadan oo ku taal duleedka Magaalada Laascaanood islamarkaanka lagu magacaabo Ooda-Gooye ayaa dabkan waxa uu ka kacay galinkii dambe ee shalay waxaana la soo sheegayaa in dadkii ka agdhawaaa halka uu dabka ka kacay ay bilaabeen barakac. Waxaa soconaya gurmad lagu doonayo in lagu damiyo dabkaasi, iyadoo haatan dabku uu ku sii fidayo meelo kale oo hor leh, waxaana dadaalo badan wada dowladda hoose ee magaaladaasi iyo dad shacab ah. Waxaan wali la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in uu kaco dabkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaaladda Dhuusamareeb ay tahay mid degan, taas oo saacadihii la soo dhaafay amnigeeda ay si xoogan u adkeeyey ciidanka amniga ee magaaladaasi. Askar fara badan oo daadsan jidadka ayaa lagu arkayaa waddooyinka muhiimka ah ee Dhuusamareeb, kuwaas oo dhaqaaqyo cusub ka wada halkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegay in laga cabsi qabo in dibadbaxyo ay ka dhacaan gudaha magaalada, kuwaas oo ay dhigayaan taageerayaasha madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Isku socodka dadka iyo kan ganacsiga ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu dib u soo laabtay ka dib muddo kooban oo uu hakad ku jiray. Khamiistii ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda Soomaaliya ay is hor istaag ku sameeyeen dad isugu jiray odoyaal, haween iyo caruur oo doonayay inay gudaha galaan degmada Dhuusamreeb, kuwaas oo ka mid ah taageerayaasha, Sheekh Shaakir, kana yimid dhanka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Xaaladda Galmudug ayaa weli is jiid jiid ku jirta, kadib markii uu khilaaf hor leh ka dhashay doorashadii hooggaanka maamulkaasi ee dhowaan ka dhacday Dhuusamareeb.
  20. Maxkamadda Garoowe oo xukuno ridaysa Qareenada ka hawlgala magaalada Garoowe ayaa shaqo joojin sameeyey iyadoo saaka Maxkamada Derejada Koowaad ay xukuntay eedaysanayaal aan haysan sharci yaqaano difaaca. Qareenadda oo qaar kood suxufiyiinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaarada Maaliyadu kusoo rogtey cashuur dheeraad ah. Maxkamada Derejeda koowaad ee gobolka Nugaal oo saaka la horkeenay 18 eedaysane oo ku eedaysan kiisas kala duwan ayaysan kasoo muuqan garyaqaano difaacaya eedaysanayaashaasi. Eedaysanayaasha waxaa kujirey qaar muuqaal ahaan u muuqda caruur walow aan da’dooda laga hor sheegin maxkamada, kuwaasoo aan awoodin inay afkooda sharciga iskaga hor difaacaan. laba kamid ah oo qirtay inay galeen falka lagu eedeeyey oo ahaa Mobile furasho iyo dhaawac geysasho ayaa maxkamadu ku xukuntay 2 sano oo xarig ah iyo ganaax $1000 (Kun dollar ) ah. PUNTLAND POST The post Qareennada Garoowe oo shaqa-joojin sameeyay appeared first on Puntland Post.
  21. Ururka Al-shabaab ayaa maanta oo Sabtiya sheegtay in ay khaarajiyeen sarkaal sare oo ka tirsan Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya. Qoraa ka soo baxay Al-shabaab oo lagu daabacay warbaahinta taageerta ururkaas ayay ku sheegteen in ay hawlgal qorshaysan ku dileen Madaxii SAADKA Guutada lixaad ee Militariga Soomaaliya.. Al-shabaab waxay sheegtay in Gaashaanle dhexe Maxamed Cabdulle oo ahaa Madaxii SAADKA Guutada lixaad lagu dilay hawlgal qorshaysan oo dagaal-yahannadoodu ka fuliyeen Xaafadda Haanta dheer ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Marka laga reebo sheegashada Al-shabaab ma jirto cid ka madax-bannaan oo warkaas xaqiijsay. Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama jawaabin sheegashada la xiriirta dilka sarkaalkaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo shaaciyay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Militariga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Waxaan si deggan u daawaday waraysigii madaxweyne Farmaajo uu Adis Ababa ku siiyey TV-ga Universal, qiimayntayda kuma arkin xog muhiim ah oo ku dhexjirta waraysigaas oo uu wax ka faa’idi karo qof u hamuunqaba hadalka hogaamiyaha dalkiisa oo muddo dheer aamusnaa, balse waxaa iiga soo baxdey arrimo dhowr ah: Maadaama muddo xileedkii madaxweynuhu ay gebagabo ku dhow-dahay waxaa qasab noqotey inuu hadlo, halkudhiggii shirkii uu ka qeybgalay ee ahaa “ aamusinta qoriga” in ay kooxdiisu u bedelaan “ka hadalsiinta musharaxa” ama afjooga looma adeego. Waraysigu wuxuu u muuqday sidii caadada u ahayd madaxtooyada mid si aad ah loo soo jar-jaray, nuxurkiina laga soo reebay taasoo dhadhankii waraysigan yeelan lahaa kala dhantaashay. Qiyaastii wariyhu wuxuu weydiiyey 17 su’aalood oo u ekaa kuwo la soo jasuureeyey, wariyuhuna uu u dhagaysanayey jawaabaha sidii loox laga baxayo oo kale, dhanka kalena jawaabaha uu ka bixinayey madaxweynuhu su’aalaha la weydiiyey badankoodu ma ahayn kuwo is leh, tusaale ahaan markii la weydiiyey sanadkaan halkudhigga shir madaxeedka midowga Afrika ee 33-aad ee ahaa “Aamusinta Qoriga” wuxuu ku jawaabay waxaan codsannay in Soomaaliya cunaqabateynta hubka laga qaado, ma ahan jawaab u qalanta ama u dhow inuu madaxweynuhu fahmay shirka uu ka qeybgalayo waxa uu ku saabsanaa. Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyey waxa u qabsoomay 3-dii sano ee la soo dhaafay, ololihiisii doorashada arrimihii uu ku ballanqaaday ee la xiriiray amniga dalka in uu xaqiijinayo, la dagaalanka musuqmaasuqa, khilaafka dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada, aamusnaantiisa marka dadka Soomaaliyeed ay argagixisadu xasuuqdo, muranka shahaadada ardayda Puntland, Ciidamada maamulkiisu uu geeyey Jubaland iyo go’doominta gobolkaas, Doorasho qof iyo cod ah qabashadeeda, su’aal jilicsan oo la xiriirta kulamada dhexmara asaga, Abiy iyo Afwergi.. iyo su’aalo kale oo aan filayo in xafiiska madaxtooyadu ku darsaday. Jawaabaha uu bixinayey waxey iila ekaayeen, kuwo isuga jira: faan, sheegasho khibrad, caashaq asaga iyo raysulwasaaraha ka dhexeeya, in doorashadii la galay 2017 uu ku tilmaamay mid sharciga hareer-marsan, fashilka amniga iyo arrinta musuqmaasuqa wuxuu ku muddeeyey in waqti kale loogu daro oo ay u baahan yihiin arrimahaasi waqti dheer si loo xaqiijiyo, uma muuqan madaxweynuhu nin raba inuu dhammeeyo khilaafka kala dhexeeya dawlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland wuxuuna ku tilmaamay maamullo shisheeye u shaqaynaya taasoo ah marinhabaabin iyo daboolid fashilka ka soo waajahay isku haynta dalka. Waraysiga madaxweynaha laguma soo qaadin doorashadii Galmudug, is aragga asaga iyo madaxweynaha Somaliland, dhammaystirka dib u eegista dastuurka, kiiska badda oo faahfaahsan, arrimaha isdhexgalka geeska Afrika ee uu madaxweynuhu ku mashquulsanaa sanadihii la soo dhaafay, haddii uu ka cudurdaaranayo dhiibistii Qalbidhagax, dalka sidee doorasho uga dhacaysaa haddii uu la dirirsan yahay dawlad goboleedyadii qaarkood, inaan la weydiin su’aalahaas waa midda shakiga dhalinaysa in su’aalaha madaxtooyadu wax ka soo diyaarisay ama loo diiday wariyaha in uu su’aalo kuwan la mid ah weydiiyo. Gabagabadii waraysigaan wuxuu banaanka soo dhigay in odogu weli aysan maskaxdiisa ka bixin muddo kororsigii uu ku riyoonayey, gaar ahaan markii uu ku tilmaamay doorashadii 2017 in ay sharcidarro ahayd, taas la macno ah doorasho qof iyo cod ah haddii ay dhici waydo 2020, kursiga xoog ayaan ku sii haysanayaa, wuxuuna ku celceliyey dalku isbedel uma baahna maadaama anigoo wanaagsan oo waaya-arag ah aan joogo waxaa lagu tilmaami karaa jawaabta madaxweynana in ay tahay “nin kaligii garramay”. Halbeegga lagu cabbirayo waxqabadkii madaxweynaha waa ballanqaadyadii uu ka hor aqriyey barlamaanka todobaadkii koowaad ee bishii Febraayo 2017, haddii la rabo in la bogado waxqabadkiisana meesha la fiirinayo waa magaalada madaxda dalka ee Muqdisho sida ay u eg tahay. Madaxweynaha waxaa laga sugayey dhowr shaqo inuu muhimadda siiyo waa dhammaystirka dastuurka, doorasho qof iyo cod ah in ay dhacdo sanadka 2020, iyo amniga dalka in la sugo oo lagala wareego ciidamada AMISOM waxaan qiyaasayaa in aan midkoodna muuqan in wax la qabtey kulligoodna lagu fashilmay, ayadoo intaas oo fashil oo dhex muquuranayo ayuu Md. Farmaajo sii raadinayaa inuu kursiga xoog iyo xeelad muddo aan tii sharcigu siiyay ahayn uu sii joogo. Xildhibaan AXMED MACALIM FIQI Source: goobjoog.com
  23. Xiriirka Kubbadda cagta Soomaliya ayaa qalab isboorti oo kala duwan u qaybiyay ilaa koox oo ka mid ah kuwa sanadkan ka qeyb galaya horyaalka kubbadda cagta Koonfur Galbeed oo markii ugu horeesay la qabanayo maamulkaas waxaana fuudeenta iyo qarashaadka inta uu tartanka socdo bixinaya X.K.Cagta. “Way mahadsanyihiin Xiriirka Kubbadda Cagta kaalinta ay ka qaadanayaan horomarinta kubbadda cagta Koonfur Gabeed waxayna tani dhiiri gelin u noqonaysaa in tartamada iminka inoo socda ay kasoo baxaan dhallinyar badan oo ka qeyb qaadanaya Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu saxaafada u sheegay guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed Axmed Cusmaan Cali (Axmed Dollar). Guddoomiyaha warbaahinta ahna guddoomiye ku xigeenka arimaha horomarinta Maamul Goboleedyada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Abuukar Islaw Xasan aya sheegay in Xiriirka uu ku howlan yahay horomarinta iyo kor u qaadida kubbadda cagta guud ahaan Koonfur Galbeed. Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maaxamed ayaa u mahad celiyay madaxda Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya,da’daalada horomarineyd ay ka wadaan Maamulka Koonfur Galbeed,tani ay kor u qaadayso is dhaxgalka bulshada iyo nabadda. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalabka Loo Qabiyay Kooxaha Koonfur Galbeed W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  24. Dowladda Masar ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee cudurka ‘coronavirus’ ee dilaaga ah laga helay dalkeeda. Afhayeenka wasaarada caafimaadka Masar Khaled Mugahed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qofka laga helay Cudurka uu yahay nin ajnabi ah oo aan muujin wax astaamo halis ah. Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in qofkaasi la dhigay balse ma aysan cayimin qofka dhalashadiisa ama halka uu ka soo galay. Dhinaca kale dowladda Shiinaha ayaa amartay in qofkasta ee ku soo laabanaya caasimadda dalkaas is karantiilo muddo 14-maalmood ah amaba uu wajihi doono ciqaab. Arrintaas ayaa ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu xakamaynayo caabuqa cusub ee dilaaga ah ee coronavirus sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda In ka badan 1,500 oo qof ayaa u dhimatay caabuqaasi laga soo bilaabo tan iyo markii uu ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo xaqiijisay Kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus appeared first on Puntland Post.
  25. Warar kala duwan ayaa laga helayaa weerar Jimicihii magaalada Boosaaso loogu geystay Korneyl Cumar warsame Ciise oo ka tirsan taliyayaasha dowlad gobeeleedka Puntland, waxaana la soo warinayaa in taliyaha uu weerarkaasi ku dhaawacmay. Weerarka oo ay geyteen kooxo ku hubeysanaa Bistoolado, ayaa rasaas ku furay taliyaha saldhiga Nuur Salaad ee magaalada Boosaaso xilli uu ka soo baxay masjid uu ku dukaday salaadii jimcaha waxa ayna rasaastaasi sababtay in uu ku dhaawacmo Korneyl Cumar Warsame Ciise. Sidoo kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rasaasta ay fureen dableydaasi uu ku dhaawacmay qof rayid ah, waxaana kooxdii falka geysatay u suurta gashay in ay goobta isaga baxsadaan. Ciidamo ka tirsan booliska Puntland ayaa soo gaaray goobta u falka ka dhacay waxa ayna halkaasi ka bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayaan raggi dhaawaca u geystay taliyihii saldhigga Nuur Salaad ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Magaalada Boosaaso ayaa waxaa si aad ah ugu batay weerada qorsheysan oo lagu bartilmaameedsado saraakiisha ka tirsan maamulka Puntland, waxaana wali jirin tallaabo la qaaday oo lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com