Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose, sida lagu daabacay warbaahinta dowladda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaa dhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaann, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-ka January sanadkan. Maxkamadda ayaa wada tashi dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Dhinaca kale Xasan Luqmaan Xuseen ayaa isagane waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsanyahay Al shabaab, waxaana xafiiska xeerilaalintu ay sigaara Xasan Luqmaan ugu eedeysay in uu wakiileed wareed u ahaa Raadiyaha ku hadla afka Al shabaab. Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana Xasan lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad lagu dhiirri galinayay looguna mahad naqayayey xildhibaan Cabduqaadir Carabow ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho. Xafladdan oo ay soo qaban-qaabiyey dhallinyarada beesha Mudullood ayaa xildhibaan Carabow looga mahad-celiyey sida uu ugu guuleystay inuu xabsiga dalka Itoobiya kasoo daayo fanaan Khadar Ibraahim Keeyow. Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan qaybaha kala duwan ee uu ku matallo dowladda dhexe, sida dhallinyaro, gabdho, odayaal, iyo waxgarad kale. Khadar Ibraahim Keeyow oo saddex toddobaad ku xirnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa lasii daayey 21-kii Janaayo. Sii daynta Khadar Keeyow ayaa waxaa gacan ka gaystay xildhibaan Cabdulqaadir Carabow, oo ah xildhibaanka ku matala golaha shacabka, kaasi oo arrintan darteed uga baxay Muqdisho, muddana ku sugaa dalka Itoobiya, si uu u xaqiijiyo sii-deynta Khadar.
  3. Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Salaaso ah waxay u duuleen Dalka Jabuuti. Safarka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku salaysan [...] Source
  4. HARGEISA (HOL) - Somaliland president Muse Bihi has welcomed the public apology by Somalia’s President Mohamed Farmaajo on atrocities committed by former regime of Siad Barre on the break-away region terming it ‘unprecedented’. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta markii u horraysay u dhoofay waddank Djibouti, tan iyo wakhtigii la doortay 8-Jannaayo 2019. Safarka madaxweynaha Puntland uu ku aaday waddanka Djibouti, oo aan la sii shaacin, ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, inkastoo aysan dowladda Puntland war ka soo saarin safarkaas. Ilo’ ku sugan madaxtooyada Puntland oo magacyadooda diiday, waxay Puntland Post u sheegeen, in safarkaasi la xiriiro marti-qaad madaxweyne Deni ka helay madaxweynaha dalka Djibouti Ismaïl Omar Guelleh, islamarkaana safarkiisu ku saabsanyahay iskaashiga Puntland iyo Djibouti. Warar kale oo Puntland Post heshay, oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya, in madaxweyne Deni safarkiisu ka dambeeyay, kulan uu dhowaan la qaatay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika Gen. Stephen J. Townsend. Gen Townsend ayaa sida wararku sheegayaan madaxweyne Deni kala hadlay, in Taliska AFRICOM ee ku yaalla waddanka Djibouti loo soo raro Boosaaso, si loo xoojiyo la-dagaallanka Argagixisada. Balse, arrintaas oo ay horay uga wada-hadleen dowladda Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM, ayeysan weli Puntland go’aan rasmiya ka qaadan. Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Saraakiil sare oo Maraykan ah uu madaxweyne Deni kula kulmi doono magaalada Djibouti, si arrintaas loo sii dhaqaajiyo. Maraykanka ayaa la aaminsanyahay in uu si weyn u raadinayo saldhig ka baxsan dalka Djibouti, in uu ka samaysto Badda Cas, halkaasi oo uu ku yaallo Gacanka Cadmeed ee Istiraatiijiga ah. Dalka Djibouti, waxaa saldhig ciidan ku leh dalal kala duwan oo awood leh, kuwaas oo uu kamid yahay waddanka Shiinaha oo Maraykanka kula xifaaltama Qaaradda Afrika. ©PUNTLAND POST The post Deni ma wuxu soo rari doonaa Taliska Maraykanka ee Djibouti? appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad sanadle ah u jeediyey golaha wakiilada & golaha guurtida ee maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa, ‘booqashada’ Farmaajo ee Hargeysa, dhaqaalaha, amniga, shaqo la’aanta dhalinyarada, doorashooyinka iyo siyaasadda arimaha dibadda Somaliland. Kulankii Addis Ababa. Muuse Biixi oo baarlamaanka Somaliland u sharraxayey kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inuu ahaa mid kadis ah oo aan la sii qorsheyn. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kulanka dhex maray isaga iyo madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid uu isugu yeeray si deg deg ah Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, inkastoo uusan faah faahin dheeri ah ka bixin waxyaabihii ay ka wada hadleen. “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa igu casuumay shirkii Afrika, waxaana uu ii sheegay in aan la kulmayo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu doonayo in uu kala dhexgalo labada dhinac, waana ku taageeray oo waan aqbalay” ayuu yiri Biixi. ‘Booqashada’ Farmaajo ee Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale inta uu waday khudbad-sanadedkiisii 3-aad soo hadal qaaday arrimo ku saaban booqasho la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ku tegayaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Biixi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Farmaajo uu tegayo, Hargeysa oo ah caasimada maamulkaasi, isagoona carabka ku dhuftay ina aanay waligeed dhici doonin. Raaligelintii Farmaajo Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey raalligelintii uu madaxweynaha Soomaaliya ka bixiyey dhibaatadii loo geystay reer Somaliland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo garawshiyaha uu Farmaajo ka bixiyey ‘xasuuqii’ qarnigii tegay ka dhacay waqooyiga dalka. Waxa kale oo uu tilmaamay in raalligelintaasi uu arko tallaabo loo qaaday dhinaca nabadda iyo iskaashiga. “Waxaan u arkaa raalligelintaas talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca nabadda iyo iskaashiga”. ayuu yiri madaxweynuhu. Dhaqaalaha. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalaha Somaliland uu haatan wanaagsan yahay, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in koritaanka dhaqaalaha maamulkaasi uu gaabis ka dhigayo caadaadisyada saaran xukuumaddiisa. Amniga. Amniga oo uu soo hadal qaaday ayuu sidoo kale carabka ku goday in sanadkaan 2020-ka laga gaaray guullo waa weyn, islamarkaana si heer sare ah loo sugay nabad gelyada. Mudane Biixi ayaa xusay inuu u mahadceliyo ciidanka qaranka iyo shacabka Somaliland oo uu sheegay inay ka wada shaqeeyeen horumarka amniga jira. Doorashooyinka. Khudbadda madaxweynaha oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa qeyb ka mid ah wuxuu uga hadlay doorashooyinka muranka badani ka taagan yahay ee maamulaasi, isagoo oo ballan qaaday in uu furayo xisbiyo cusub, taasina ay noqon doonto xalka kaliya ee lagu soo afjarayo khilaafka muddada dheer soo jiitameyey ee doorashooyinka Somaliland. Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland. Siyasadda arrimaha dibadda ayuu madaxweynuhu darsay, wuxuuna qiray in ururka Midowga Afrika uu haatan diyaar u yahay dhagaysiga qadiyadda Somaliland. Sidoo kale dalalka Turkiga, Swden iyo kuwa kale oo uusan carab baabin ayuu sheegay inay daneynayaan sii amba qaadida wadahadalla Soomaaliya iyo Somaliland. “Dowladaha Turkiga iyo Sweden waxa ay la xiriireen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka dalbadeen in aanu dhinacna uga harin sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu markale yiri madaxweyne Muuse Biixi. Shaqo la’aanta. Ugu dambeyn khubadda uu jeediyey Muuse Biixi Cabdi wuxuu kaga hadlay shaqo la’aanta heysata dhalinyarada Somaliland iyo daruufaha adag ee ay wajahayaan, wuxuuna shaaciyey in xukuumaddiisu ay sameysay sanduuq gaar ah oo lagu horumarinayo dhalinyarada oo haatan ay ku bixiyeen lacag dhan 200,000 oo Dollerka Mareykanka ah.
  7. Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas Maanta lagu dilay mid kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Buurhakaba. Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay toogteen Odayga xili uu ku sugnaa Xaafad ka tirsan Buurhakaba isagoo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ooye Ibrahim isla markaana waxaa uu kamid ahaa Odayaasha dhaqanka ee halkaas laga yaqaannay waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkiisa. Ciidamo ka tirsan laamaha amniga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa daqiiqado kadib tegay goobta uu falka ka dhacay iyagoo halkaas ka qaaday Meydka Maxamed Ooye. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo gaystay oday dhaqameedkas balse AL-shabaab ayaa looga bartay weerarada noocan oo kale ah. PUNTLAND POST The post Oday dhaqameed lagu dilay Buurhakaba appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa booqasho iyo kormeer u tagay Xulka Qaranka dhallinyarada oo sanadkan 2020 ka qeyb galay tartamo kala duwan,waxaana sidoo kale kulan laacibiinta da’yarta iyo macallimiintooda lagu barayay tababarahooda cusub oo dhawaan ka yimid Wadanka Mareykanka,isagoo badalay Iganiatias Kuwame oo da’yarta maamulay sanadkii tagay 2019. Guddoomiyaha Dhallinyarada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdullahi Xirse Maxamed ayaa u mahad celiyay madaxda kala duwan ee Xiriirka sida marwalib ay ugu warqabaan shaqooyinka ay hayaan Xulka Da’yarta wuxuuna dhinaca kale sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigidoonaan tababare Cabdixamiid Macallin Maxamed oo noqonaya lalyiyaha Xulka Da’yarta 2020. Guddoomiyaha guddiga farsamada Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdisamad Sheeikh Qaasim ayaa Xulka dhallinyarada kula dardaarmay in ay hormariyaan aqlaaqdooda,taas oo lagu amaanay Xulka Da’yarta Soomaaliya oo sanadkii lasoo dhaafay 2019 ka qeyb galay tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa ee ku qabsoomay magaalada Asmara ee Wadanka Eritrea. Xoghayaha guud ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa sheegay in Xiiriirka uu ku da’daalayo kor u qaadida aqoonta iyo horomarinta Xulka Da’yarta Soomaaliya oo rajo wanaagsan horomarka iyo guulaha kubbadda cagta dalka. Qaar ka mid aha ciyaaryahanada Xulka Da’yarta ayaa iyagana la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sanadkan qorshooda uu yahay in ay Muqdisho keenaanaan koobabka ay ka qeyb galayaan,maadama sanadkii lasoo dhaafay ay qibrado wanaagsan kusoo qaateen Tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa. Xulka Da’yarta Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2019 magaalada Asmara ee dalka Eritrea ugu qey galaya ciyaaraha 15 Jirada Bariga iyo Baratamaha waxaana Xulka ay ku soo guulaysteen Xulka ugu wanaagsanaa ee ka qeyb galay,iyadoo X.K.Cagta lagu amaanay dhallinyaradii ay diyaariyeen. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garowka Iyo Booqashada Xulka Da’yarta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha maamulka Soomaalilnad Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayay hadal heyn ku aadanayd in madaxweyne Farmaajo uu ka degi doono magaalada Hargeysa ayaa arrinkaasi gaashaanka u daruuray waxa uuna tilmaamay in dowladda haatan jirta ay tahay tii ugu cadaawadda badanayd ee soo marta maamulkiisa. “Dowladan uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo waxa ay ahayd tii ugu cadaawadda badnayd intii dowlado na soo martay, waxa ay ahayd dowladan tii dagaalka ugu kulul la gashay Somaliland, waxa ay ishor istaag uga sameysay Soomaaliland in caalamka ay cidba xiriir la sameyso, waxaad ogtihiin dagaalka ay ka gashay mashruuca balaarinta Berbara ee bareerka ahaa” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliland. Sidoo kale Muuse Biixi ayaa soo dhowaweyn ka muujiyay raali galintii Farmaajo uu 13-kii bishan u jeediyay Soomaaliland, waxa uuna Muuse Biixi tilamaamay in arrinkaasi uu yahay talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday balse waxa uu su’aal ka keenay qaabka uu Farmaajo ku imaankaro Hargeysa. “Madaxweynaha Soomaaliya tallaabo wanaagsan buu qaaday markuu yiri raali galin baan bixiyay, laakiin wuxuu ku diray markuu yiri waan imaanayaa Hargeysa oo side buu ku imaanayaa oo la isweydiinayaa” ayuu hadalkiisa raaciyay Muuse Biixi. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan imaan Karin gobolada Waqooyi waxa uuna ku sababeeyay in dowlad danbiyo badan ka gashay Soomaaliland in qof madax ka ah uusan imaan Karin halkaasi. Muuse Biixi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Xeerarka caalamiga ah iyo caqliga saliimka ah midna ma ogola ninka dowladiisii iyo dalka uu ka madaxda yahay dhibkaas iyo waxaas oo danbiyo ah galeen ayaa waxa uu dadkaas u geystay waliba oranaaya aniga oo madaxweynihii ah baa goboladii soo siyaaranayaa, macnaha uu soo wado soo ma ahan waan idin imaanaya oo taa miyeynu aqbalaynaa Maya Maya suurta gal ma ahan mana yeelayno” Hadalka Biixi ayaa yimid ka dib markii dhawaan uu soo ifbaxay war sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu tagi doono magaalada Hargeysa isaga oo uu wehlinayo ra’isulwasaaraha Itoobiya Aby Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Anigu Casumaad Rasmi ah ayaan ka helay RW Abye Ahmed. -Maadama uu jiray Shirkii Midowga Africa, waxaan meesha kula kulmay Madax badan oo kala duwan. -kadib, RW Abye ayaa xafiiskiisa igu marti Qaaday, salaan iyo Kaftan yar kadib wuxuu ii sheegay in MD Farmaajo asna soo socdo oo Xafiiska soo galayo, Arintaasna kadis bay aniga igu ahayd. -waxyar kadib MD Farmaajo ayaa noo imaaday, salaan iyo Kaftan kadib, RW Abye ayaa hadlay wuxuuna sheegay in Arinta Somaliya iyo Sland Africa utaal, oo Bariga Africa usii taal hadana uu doonayo inuu asago dhexgalo arintaas. -Aniga oo Biixi ah iyo Farmaajana waan Aqbalnay in Arintaas RW Abye dhexgalo, Soo jeedinta Abye iyo Aqbalkii aan samayne ma ahaane wax kale oon Farmaajo kawada Hadalnay majirin ayuu dhahay Muuse. -Sidoo kale waxaan is aragnay Masuuliyiin ka socday Wadamada Sweden iyo Turkey iyo waliba Jabuuti oo ayagu soo riixeen oo wada doonaya in ayaguna arinta wax ka galaan, Anigu si wanagsan ayaan usoo dhaweeyay cidkasta oo doonaysa in Arintaan oo xaliyo. -Kadib, Farmaajo markuu Muqdisho ku laabtay wuxu baxshay Raaligalin ku saabsan Xasuuqii dhacay, Raali galintaas anigu waan soo dhaweeyay waana bilow Qirasho oo wanagsan, kal Hore MD xasan sheikh baa asna sheegay inuu ka Xunyahay Xasuuqii Sland loo gaystay balse Mida Farmaajo ayaa faah-Faahin dheer lahayd. -Lkn Raaligalintii aan Aqbalnay waxaa Xumeeyay oon dhibsanay in Farmaajo gadaal ka raacshay hadalkii ahaa Jamhadihii hubaysnaa ayaguna waa inay Dhibka Qirtaan oo raali galin baxshaan. -intaasba waxaa ka sii daray oo Xumayn kale ah ninkii shalay raali ahaada lahaa oo Dhibkaas Qirtay ayadoon lawada hadlin inuu dhahay Hargeysa ayaan imaanaya taasoo riyo iska ah, go’aan adagna aan ka wada qaadan doono. -intaas kadib, Muusa Bixii wuxu ku dheeraaday Xoriyadihii 60 kii la helay iyo Qaabkii la iskugu biiray iyo inuusan jirin Axdi ama xeer Dowladeed oo markii la isku biiray aan lakala qoran, iyo waliba dhowr isku day oo saraakiil iyo siyaasiin reer Sland ah ay damceen inay Afgambi iyo Gooni isku tagaan xiligaasba damceen balse ka fashilmay ayagiina lagu laayay qaarkood, Qeybtaan aad ayuu ugu dheeraaday Madaxweyne Biixi. Ugu danbeyn Hadal hayntii wuxu ku soo koobay “Ma waxaynu yeelnaa in Farmaajo isku sawiro Hargaysa”? Maya, Maya. WQ: SAYID CABDUL The post Muuse Biixi: Farmaajo waa iska riyoonaya appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in la furayo tartanka axsaabta siyaasadda. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in uu si buuxda u aqbalay raalligelinta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u soo diray umadda Somaliland, Waxa uu sheegay in ay bilaw fiican oo dhanka nabadda iyo iskaashiga loo qaaday tahay in madaxweynaha Soomaaliya qiray oo Dunida iyo Soomaalida ba u sheegay dhibaatadii ku dhacday bulshada Somaliland laakiin, aanu u bogin arrinta ku saabsan in SNM lafteedu raalligelin bixiso. Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay kulankii isaga iyo Farmaajo ku dhexmaray xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in Dr Abiy xafiiskiisa ku martiqaaday markii uu u tagayna ku wargeliyay in Farmaajo u imanayo sidaasna uu ku dhacay kulan aan ku talo gal iyo diyaar garow lahayn. waxa uu sheegay in Abiy Axmed u sheegay in uu galayo khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya ee riiq dheeraaday, islamarkaana ay isaga iyo Farmaajo aqbaleen. Arrinta ah in Farmaajo yimaaddo Hargeysa ayuu ku tilmaamay mid xagal daacinaysa kulankii ay yeesheen iyo raalligelintii uu bixiyay labadaba, halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah min 10-sannadood oo xabsiya ku ridday, laba xukmane oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab. Cabbduqaadir Suufi Muunye iyo Saciid Cumar Cabbdullaahi, ayaa maxkamaddu sheegtay in ay Al-shabaab wakiil uga ahaayeen tuulada Mareeray oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Eedeysanaha koowaad, Cabbduqaadir Suufi Muunye oo magaciisa Af-garashadu yahay Amiir Gaabow, ayaa Al-shabaab ugu magacownaa horjoogaha tuulada Mareeray, halka eedeysanaha labaad Saciid Cumar Cabbdullaahi uu qaabilsanaa xagga uruurinta baadda ay Al-shabaab ka qaaddo bulshada ku nool tuuladaas. Dhinaca kale, maxkamadda ayaa 8-sannadood oo xabsiya ku ridday Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa af-garashadu yihiin Tabliiq Luqmaan, kaasi oo lagu helay in uu ka tirsanaa weriyaasha Al-shabaab. Halkaan ka akhriso xukunka oo faahfaahsan PUNTLAND POST The post Muqdisho: Weriye ka tirsanaa Al-shabaab iyo horjoogayaal kale oo la xukumay appeared first on Puntland Post.
  14. Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday taliyihii degmada wadajir ee gobalka Banaadir, isaga oo degmadaasi u magacaabay taliye cusub. Taliye Xijaar ayaa Saciid Cali Maxamuud u magacaabay in uu noqdo taliyaha cusub ee degmada Wadajir waxaana xilkaasi laga xayuubiyay Cabdibaasid Maxamuud Cagey. Siciid Cali Maxamuud ayaa loogu baaqay in uu si daacada u guto shaqada loo igmaday, waxaana Taliyaha booliska uu ka codsaday maamulka degmada in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan taliyaha cusub. Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa xilli hey’adaha amaanka magaalada ay si aad ah u xaqiijinayaan amaanka guud ee caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in aysan marnaba aqbali doonin in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu socdaal ku yimaado Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta Khudbad u jeediyay Baarlamanka maamulkiisa ayaa si rasmiya u caddeeyay in aysan ogolaan doonin in Farmaajo socdaal ku yimaado Somaliland taasina ay tahay wax aan dhici doonin. “Ma ogolaanayno in Farmaajo Somaliland yimaad. Maya Maya” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbaddiisa kaga jawaabayay wararka sheegaya in Farmaajo socdaal ku tegi doono magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Balse madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in uu aqbalay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo ka bixiyay Xasuuqii Taliskii Jaalle Siyaad u gaystay Somaliland. PUNTLAND POST The post Somaliland: Maya Maya Farmaajo noo imaan mayo appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu aqbalay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo ka bixiyay Xasuuqii Taliskii Jaalle Siyaad u gaystay gobollada Waqooyi Galbeed ee hadda la baxay Somaliland. Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeedinayay Baarlamanka maamulkaasi ayaa sheegay in isaga ay arrin kedis ah ku ahayd Raalli-gelinta madaxweyne Farmaajo balse uu u arko mid loo qaaday dhinaca Nabadda iyo Iskaashiga islamarkaana uu ka guddoomay Raalli-gelintaas. Laakiin madaxweyne Biixi waxa uu xusay in aysan is qaban Karin Raalli-gelinta Farmaajo iyo haddana in uu yiraahdo waxaa socdaal ku tegayaa Hargeysaa taasina ay tahay wax aan la aqbali Karin. “Farmaajo,waa ninkii u horreeyey horta,runtii waa arrin kedis igu hayd, raalligelintaasina waa mid loo qaaday dhinaca nabadda iyo iskaashiga, waa soodhaweynayaa, waan guddoomay, lakin isma qabato raalligelinta iyo Hargeysa ayuu imanayaa” ayuu yiri Biixi. PUNTLAND POST The post Somaliland oo aqbashay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdiso (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyey taliyihii saldhigga Wadajir, Cabdi-baasid Maxamuud Cagey oo in muddo ahaa taliyaha Booliska degmadaasi. Wareegto ka soo baxay xafiiska taliye Xijaar ayaa sidoo kale xilkaasi inuu qabto loogu magacaabay Siciid Cali Maxamuud oo ka mid ah saraakiisha Booliska Soomaaliyeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta xil ka looga qaaday Cabdi-baasid ayaa la xariirta amni darro ka soo cusboonaatay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Sidoo kale xilka qaadistiisa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay degmadaasi laga tuuray tiro hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray xarunta xalane ee magaalada Muqdisho. Tallaabadan ayaa saraakiil ka tirsan Booliska ku sheegeen inay tahay mid lagu dardar galinayo sugida amniga caasimada oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro. Xukuumadda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda amniga gudaha ayaa dhowaan sheegtay inay wado qorshe lagu xaqiijinayo amniga, lagulana xisaabtamayo saraakiisha wax ka qababan waaya nabad gelyada degmooyinka ay ka howlgalaan.
  18. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyay Baarlamanka maamulkaasi, ayaa markii u horraysay ka hadlay, kulankii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Biixi ,ayaa sheegay in isaga uu casumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kadibna uu si deg deg ah u ajiibay marti-qaadka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ugu sameeyay xafiiskiisa magaalada Addis Abab. Mudane Muuse, Biixi ayaa tilmaamay in kadib markii uu tegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku wargeliyay, in madaxweyne Farmaajo u soo geli dooni, islamarkaana Abiy dhex-dhexaadin doono Farmaajo iyo Muuse Biixi, sidaasna kulanku ku bilowday. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo labaduba ay aqbaleen dhex-dhexaadinta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, balse aysan jirin wax intaas ka badan oo kulanka looga hadlay. “Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa i marti qaaday, runtii waa nin isbedelka ka sameynaya Africa hal haleel ayaan ugu tegey anoo ordaya,wuxuu ii sheegey in Farmaajona soo gelayo, Waxaan ku galnay shir aanan qorshihiisa sii ogayn, Abiy ayaa yiri ‘waxaan doonayaa in aan idin dhexgalo wey raagtay, waa arin Africa u taal, ana waan aqbalnay,farmaajona waa aqbalay intaa wax ka badan lama gelin waxtina looma hayn, intaa iyo waa diyaar garoobaynaa ayaan ku kala nimi” ayuu yiri madaxweyne Biixi. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo faahfaahiyay kulankii isaga iyo madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  19. War ka soo baxay 17-kii bishan taliska Mareykanka ee Africa islamarkaana loo yaqaan AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobalka Jubbada dhexe. AFRICOM ayaa waxa uu tilmaamay in duqeyntan ay si gaara uga dhacady degmada Jilib ee gobalkaasi, waxa uuna Mareykanku sheegay in isaga oo kaashanaya ciidamada dowladda ay halkaasi ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab. Qoraalka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay hal xubin oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Al shabaab, waxaana sidoo kale qoraalka lagu xusay in la burburiyay saldhig Shabaab ay halkaasi ku lahaayeen. Mareykanka ayaa cadeeyay in duqeyntaas aysan waxyeelo ka soo gaarin dad shacab ah, wallow maalmnihii dambe loo jeedinayay eedeyn ah in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaarto duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo qeybo ka mid ah Soomaaliya. Sanadkan cusub ee 2020 ayaa dowladda Mareykanka duqeymo isdaba jooga waxa ay la beegsanaysaa goobaha ay ku suganyihiin dhaqdhaqaaqa Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal; Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa Saciid Cali Maxamuud u Magacaabay taliyaha saldhigga Degmada Wadajir, ka dib markii markii uu xilkaasi ka qaaday taliyihii hore ee saldhigaaasi Cabdi-baasid Maxamuud Cagey. Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyaa ayaa ugu taliyaha cusub usoo jeediyay in uu xilka loo igmaday u guto si dacaad ah, maamumkana ay ka taageeraan howl Maalmeedkooda. Magacaabista saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa qayb ka ah dedaallo ladoonayo in lagu laba laabo wax qabadka laamaha ammaanka ee Caasimadda. View the full article
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda degmada Dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfuta Soomaaliya. Socdaalkan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, kuwaas oo safar dhulka ah ku gaari doono magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in ujeeda socdaalka, Axmed Madoobe uu la xariiro kulamo uu la qaadan doono saraakiisha Jubbaland ee ka howlgala Dhoobley, isaga oo kala hadli doono dhaq dhaqaaqyada ciidan ee haatan ka socda gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynuhu saraakiisha ciidanka uu kala arrinsan doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka. Ammaanka ayaa sidoo kale loo adkeey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo qeybo ka mid ah Dhoobley, kuwaas oo sugaya amniga madaxweynaha iyo wafdigiisa. Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday abaabul ka dhan ah dowladda federaalka oo dhowaan ciidamo badan geysay gobolka Gedo ee maamulkaasi. Arrintaan ayaa saare u sii qaaday khilaafka siyaasadeed ee labadan dhinac, kaas oo soo bilowday, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe loogu doortay hoggaanka Jubbaland.
  22. Somaliland: Cannot Let the Dictator Set Our Destination In the same year the two most notorious dictators in the horn of Africa, Mengistu Haile Mariam of Ethiopia and Mohamed Siyad Barre of Somalia were ousted. Mohamed Said Barre was expelled in Mogadishu, the capital of Somalia, in January 1991 whereas, Mengistu Halie Mariam ousted in May 1991. Both left behind the death, destruction, and lawlessness they created. From the day he was ousted dictator Mohamed Said Barre, Somaliland has exercised liberty and democracy, in contrast, Ethiopia has performed authoritarian regimes even after rebellion ousted president Mengistu Hailemariam. But Ethiopia is better than the Somalia, because Somalia has been anarchized and chaotized, and current leaders have struggled to tackle the law and order in the country. Last week there are a lot of rumours and linkages that shed light on the Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed which planned to bring the president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo into the capital of Hargeis. The Prime Minister is unaware that Somaliland is a democratic country. The president of Somaliland did not have the power to reach his own decision. He is sharing the power with other government branches such as House of Representatives, civil societies and House of elders. Therefore, the president of Somaliland has no power to allow any proposal that gives the joint visit to Hargeisa. Ethiopia The current prime minister has struggled to reform the Ethiopian political system. Ever since 1991 Ethiopia was ruled only by one party, the Ethiopian people’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF). Abiy Ahmed has in general achieved a significantly improvement. He released incarcerated journalists and let all media to exercise openly and operate inside Ethiopia. The jailed opposition were released, and political parties became free from being labelled as terrorist organizations. The ethic tensions ease even though millions of people were internally displaced and needs to solve their dilemmas. Ethiopia first general elections were held in 1957, the elected parliament was 210 members that called Chamber of Deputies, political parties were not authorised at the time. Therefore, the members were only nominal because they were not representing anything. The next Ethiopian election occurred in 1995, the elected members were named- the Council of People Representative. The majority of the 547 members belonged to one party- Revolutionary Democratic Front (EPRDF). Ethiopia has implemented representatives’ member’s elections every five years. However, the ruled party had won most of the elections. The conflicts and irregularities were overwhelming and most of the oppositions accused the ruled party for rigging the elections. In 1991 up to present time, Ethiopia had only three prime ministers, Meles Zenawi, Hailemariam Desalegn and the current prime minister Abiy Ahmed. Meles Zenawi die after he ruled Ethiopia for 21 years, the successor was Hailemariam Desalegn and he ruled for only six years. Abiy Ahmed is the popular prime minister after he won to resort the peace between his country and Eritrea. These two were archenemies since the Eritrea took its independency from Italy. The next election is scheduled to be on august 29, 2020. We are expecting it to be held in accordance with democratic standards which includes being free and fair. According to the previous Ethiopian election observer, there were a lot of criticisms such as voter coercion, registration obstacles and intimidation. This coming election would be the litmus test of the Prime Minister Abiy leadership. The Horn Africa Democracy Advocacy Group have expected from the National Electoral Board of Ethiopia (NEBE) robust electoral laws and framework to be fair. The Horn of Africa needs a good leadership that promotes, freedom, liberty, democracy, and rule of the law. Somalia After Said barre left, Somalia has become a perfect example for constant state breakdown, split between a stew of plundering and strongly armed militias. The international community attempt to stabilize the country ended in a horrible failure, and its people have undergone apparently endless misfortunes. Again, for years, Somalia was ruled by notorious warlords and weak transitional government and did not take any forward steps to recover until the African Union Mission- backed the current federal government. Somalia has been a failed state and the last decade the African Union Mission in Somalia (AMISOM) implemented the peace mission. While the dictator Mohamed Said Barre was ousted, the security and stability were never restored. The current government and its president, Mohamed Abdullahi Farmajo are under protection of the African Union Mission (AMISOM). Somalia’s government has limits to its power in terms of political, and administration ways. Current government failed to instigate political process, stabilization, reconciliation and peace building in Somalia. Somalia is under construction; it needs a tremendous help. The regional administration and federal governments are not working together. The constitution is under the construction and needs to reach a compromise between the regional administration and federal government. The large parts of Somalia regions have applied the religious laws such as the central regions of Somalia and yet the religious junta still rule a part of Somalia. Somalia is also trying to overcome the economical difficulties and most of the sectors are barely functioning. Somalia is far from implementing the democratic process because it is struggling to secure the peace and stability. On December 28, 2019, the large scale of explosion blew up one of the busiest intersections in the Somalia capital. Al Shabab has been bombing and killing the government officers as well as the other civilians. The current president was elected in 2017 and unfortunately, he did not achieve any tangible development so far. Somaliland Somalia and Somaliland were united on July 1, 1960, and the purpose of the unification was to establish the great Somalia that includes Somalia’s region of Ethiopia, Northern Frontier District (NFD) and French Somaliland. Somaliland is the only country in the Horn Africa that has always implemented the democracy process, elected freely and fairly its president three times. The local government was elected two times and once for the House of Representative. Somaliland practices the rule of law, due process and personal freedom. The media is free, every citizen has been able to express his/her opinion without intimidation. For that reason, Somaliland people are against any attempt of blackmail to their destiny. In 1997, the Somaliland people caste their balls and overwhelmingly vote for withdrawal of the unity from Somalia. Somaliland is the only democracy in the Horn of Africa; therefore, those who does not like the enactment of democracy, liberty and rule of law are not welcome in Somaliland. Most of Somaliland intellectuals are preferred to sit and deal with the elected head state of Somalia. Those who have a full mandate reach a real negation between Somalia and Somaliland are elected leaders not the ones nominated by few. Somaliland people do not welcome either Mohamed Abdullahi Farmajo or Abiy Ahmed. Osman Awad Qaran News