-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Buurahakaba ee Gobolka Bay ee dowlad gobaleedaka Koofur Galbeed ku dilay nin ka mid ahaa Nabaddoonnada sida weyn looga yaqaanay degmada. Nabaddoon la dilay ayaa magacaabi Jiray Malaaq Maxamed Ooye Ibrahim oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee degmadaasi, wararka ayaa ntaas ku daraya in rasaas dhowr ah oo ku dhacday uu dhaawac ka soo gaaray ka dibna uu u geeriyooday Nabaddoonka. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday waxaana goobta soo gaaray ciidamada ammanka oo bilaabay baaritaanno ay ku baadi goobayaan qoladii dilka geysatay lakiin lama sheegin cid loo soo qabatay dilka ka dhacay Buurhakaba. Maalumka degamada ayaa markii dambe shaaciyey geerida Nabaddoon Malaaq Maxamed Ooye Ibraahim, guddoomiyaha degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed ayaa bulshada degmada tan iyo gobalka Bay uga tacsiyeeyey geerida Nabaddoonka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridday weriye la shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan kooxdaas. Weriye Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisu afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir 28 August sanadkii ina dhaafay. Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab iyo in uu si gaar ah ugu ahaa wakiil wareed mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Al-Shabaab. Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka warbixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho, si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha. Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Al-Shabaab. Garsoorayaasha ayaa Xasan ku xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Dhinaca kale, Cabbduqaadir Suufi Muunye iyo Saciid Cumar Cabbdullaahi ayaa lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Al-Shabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka. Cabbduqaadir oo magiciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir sideedii October sanadkii ina dhaaafay, halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid laga soo qabtay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii September Sanadkii hore.
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallaan milatari ayaa yimid, kadib markii xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ku taalla xaafadda horseed ee magaaladaasi. Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
-
Gabar yar oo lagu kufsaday kadibna lagu dilay gobolka Awdal
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Boorama (Caasimada Online) – Warar aan helayno ayaa sheegaya in degmada Lughaya ee gobolka Awdal lagu dilay gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay Shan iyo toban jir, 16-kii bishan. Marxuumadda oo magaceeda lagu sheegay Shukri Yuusuf Xuseen, ayaa ka hor inta aan la dilin lagula kacay fal kufsi ah, iyadoona markaasi si arxan daro ah dilkeeda loogu adeegsaday Birta loo yaqaano gudinta ee lagu jaro dhirta. Falkaasi foosha xun ayaa xili habeenimo ah ka dhacay deegaanka Tuurka oo ka tirsan degmada Lughaya, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in Ciidamada Booliska Somaliland ay gacanta ku soo dhigeen Ninkii falkaasi fuliyey kadib muddo saacado ah oo baxsad ahaa. Waxaana Ninkaasi loo soo qabtay falkaasi, isla xalayba loo soo wareejiyay xabsiga weyn ee magaalada Boorama, halkaasi oo uu ku xirnaan doono ilaa inta kiiskiisa maxkamadi xukumeyso. Dhacdadan ayaa waxay lamid tahay Dhacdadii naxdinta laheyd ee Caa’isha Ilyaas loogu geystay magaalada Gaalkacyo, walow uu da’dooda farqi u dhaxeeyo labadan gabdhood hadana waxa isku mid ka dhigaya qaabka argagaxa leh ee ay ku sagootiyeen noloshooda bilowga aheyd. -
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Talaado ah magacaabay, guddi qaabilsan qaban-qaabada Shirweynaha Wada-tashiga Puntland, oo sida qorshaysan la qaban doono 15-ka bisha soo socota ee March 2020-ka. Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, halka guddoomiye ku xigeenkuna yahay wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabilay). Guddiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno, la taliye madaxweyne iyo xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Puntland, ayaa u xil saran qaban-qaabada iyo qabashada Shirweynaha wada-tashiga Puntland oo uu horay u iclaamiyay madaxweyne Deni. Shirka ayaa lagu casumay dhammaan Golayaasha dowladda Puntland, Wakiillada ku matala dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka, si looga tashado mustaqbalka dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta dalka. Hoos ka akhriso magacyada guddiga 1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye. 2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen. 3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin. 4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin. 5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin. 6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin. 7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin. 8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin. 9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin. 10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin PUNTLAND POST The post Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Wada-tashiga Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Joogtada Baarlamanka Puntland Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna kusimaha Gudoomiyaha Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa maanta shir guddoomiyey Fadhiga 7-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada. Ajandayaasha looga hadlay todobaadkan fadhiga guddiga joogda ah waxaa kamid ah Xog-waran guud oo uga warbixiyey guddiga joogtada ah kusima guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, kaas oo ku saabsan safar uu ku tagay magaalada Boosaaso, dhagaysiga warbixinta guddiyada Golaha iyo Xaaladda Amni ee dalka. Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillada ayaa sidoo kale guddi u saaray xaalada jidadka isku xira magaaloyinka Puntland iyo ciidanka nabadgelyada wadooyinka ee (Taraafiko), oo ay cabasho ka keeneen shacabku. PUNTLAND POST The post Puntland: Baarlamanka oo guddi u saaray xaaladda jidadka burbursan appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa maamulkaasi saacadihii la soo dhaafay lagu soo daadiyey xaafadda Garsoor ee magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa inno sheegay in ciidamadu baaritaano xoogan ay ka bilaabeen halkaasi, iyaga oo dadka ay ka shakiyaan weydiinaya su’aallo dheeraad ah. Howlgalladan ayaa ka soo aadaya, iyadoo xalay mas’uul ka tirsanaa maamulka Gaalkacyo lagu dilay waqooyiga magaaladaasi, iyadoo raggii toogtay ay baxsadeen. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa dhaliilay hoggaanka taliska nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, isaga oo ku eedeeyey inay weeciyeen shaqadii hay’addasi. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyey telefishinka caalamiga ah ee Universal ayaa sheegay NISA ay isku bedashay hay’ad warbaahin oo kale, islamarkaana ay tabineyso wararka deg-dega ah ee Breaking News-ka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi ay keentay aqoon darro heysato mas’uuliyiinta maamula taliska nabad sugida. “Hay’adda Nabadsugida waxay iska noqotay sida Breakin News-ka telefishinada iyo raadiyayaasha, ayada iyo Universal kalama garaneyo, Hay’adda nabadsugida waxaa lagu soo qorayaa mahad Karate ayaa Shabaab ka baxay hebel waa la bedelay sidii aad u maleysay wararka degdeg ee idaacadaha, waxaas waa qaran ku dheel, waa aqoon darro waa jahli dadka hay’addaas maamulaya heysta”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdshakuur. Siyaasigaan oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale sheegay in aysan aheyn NISA inay dad soo xirto, islamarkaana shaqadeedu ay tahay kaliya inay ilaaliso amniga qaranka. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dadka shaqeeya hay’addan aysan aqoon durugsan u laheyn howsha shaqo ee loo igmaday, islamarkaana loo baahan yahay in la keeno dad leh aqoon, karti iyo waayo aragnimoku filan. “Hay’adda Nabadsugida waxay u taagan tahay ilaalinta Amniga qaranka Soomaaliya, ma ahan inay dad xirto ama dad ay daba gasho waxay u taagan tahay amniga qowmiga ah, marka waxaa ka garan kartaa dadka lagu aaminayo hay’adihii waa weynaa tabartooda intey la egtahay waa in dadka aqoonta leh, kartida leh ee waayo aragnimada leh la keensan karo”ayuu mar kale yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe NISA ay bilowday inay boggeeda Twitter-ka ay ku baahiyso arrimaha ka dhex jira hoggaanka Al-Shabaab, sida khilaaf soo kala dhex galay iyo arrimo maamul oo la xariira kooxdaas oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.
-
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta hortagay golaha wakiilada iyo golaha guurtida ee maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah. Biixi oo khudbad u jeediyey labada gole ayaa ugu horreyn ka hadlay raalli-gelintii uu madaxweynaha Soomaaliya ka bixiyey dhibaatadii loo geystay Somaliland, wuxuuna sheegay inuu aqbalay, islamarkaana uu soo dhoweynayo garawshiyaha Farmaajo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raalli-gelintaasi uu arko tallaabo loo qaaday dhanka nabadda iyo iskaashiga. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale soo hadal qaaday booqasho la sheegay in Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku tegayaan Hargeysa, taas oo uu ka biyo diiday. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Biixi.mp3 View the full article
-
Cabbdulqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka. Cabbdulqaadir oo magaciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir 8-dii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid laga soo qabtay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii September Sanadkii hore. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-kii January ee sanadkan iyadoo Horaantii Febraayo ay Maxkamaddu u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane. Cabduqaadir iyo Saciid ayaa ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay labadooda hoostegi jireen Dakhare oo isna dhuumaaleysi ka ah gacmaha sharciga. Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah horjoogaha tobanka tuullo ee kala ah Yunbis, Buulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Moor-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cumar-beerre iyo Sagaalaad, waxa ayna labada xukunsane ahaayeen kuwa ku xigeen iyo wakiil uga ah Tuullada Mareerey. Maxkamadda ayaa wada tashi dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbdulqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir 28-kii August sanadkii ina dhaafay. Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu ahaa wakiil wareed mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab. Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii December sanadkii tegay. Baaris kale ayuu isku howlay xafiiaska xeer ilaalinta Ciidamada oo leh awoodda horgeynta Maxkamadda eedeysanaha marka ay u arkaan in ay jiraan eedo mudan in Maxkamad lala tiigsado eedeysanaha. Maxkamadda ayaa 25-kii bishii ina dhaaftay ee sanadkan ogolaatay soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aheyd dhageysiga eedda loo heysto Xasan luqmaan. Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha. Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Alshabaab. Qareenka eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo fududeeyo xukunka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-18022020.mp3 View the full article
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo hor leh laga dajiyey degmada Beled-Xaawo oo laga dareemayo dhaq dhaqaaq u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda dhexe. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa milatariga, gaar ahaan taliska Gorgor ayaa barqanimadii maanta diyaarad looga qaaday garoonka Muqdisho, taas oo ka dajisay Beled-Xaawo. Sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda ee horay ugu sugnaa gobolka ayaa askartan oo aan tiradooda la shaacin ku soo dhoweeyey halkaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in ciidamadani ay qeyb ka noqon doonaan sugida amniga degmooyinka ay dhowaan la wareegtay dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran ay u dhameystiran yihiin qalabkooda milatari iyo gaadiidka intaba. Sida aan xogta ku helnay ciidamadan ayaa ku biiriya kuwa dowladda ee dhaq dhaqaaqyada ka wada duleedka Beled-Xaawo oo ay isku hor fadhiyaan kuwa Jubbaland. Xiisada dowladda iyo Jubbaland ee ka taagan Gedo ayaa maalmihii dambe sii xoogeysaneysay, waxaana ciidamo uu hogaaminayo wasiir Cabdirashiid Janan ay abaabul xoogan ka wadaan xadka gobolka Gedo uu la wadaago kan Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
-
Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa isniintii daabacay khariidadda Itoobiya ah oo ay ku jirto Somaliland arrintaas oo Soomaali badan oo ka hadashay ay ku tilmaameen sahansigii 2-aad ee uu sameeyo Abiy Axmed iyo mid xad gudub ku ah jirintaanka qarannimada Soomaaliya iyada oo maamulka Farmaajo lagu dhaliilay aamusnaanta iyo u carab raaricinta xabashida. Tallaabadan waallida ah ee Abiy Axmed ayaa imaaneysa wax kayar sanad markii wasaaraddiisa arrimaha dibadda ay sidoo kale daabacday khariidadda Afrika oo laga saaray Soomaaliya, loona oqoonsaday Somaliland ah dal ahaan. Arrinta shalay oo lagu daro middii sanadkii hore waxaa ay adkeyneysaa shaki hore oo jiray, damaca xabashida iyo heerka uu loolanka gaaray, waxaa kale oo ay daliil u tahay hurdada maamulka Farmaajo oo walaalnnimo, jaceyl iyo kalsooni siiyey Abiy Axmed, dhabtana uga fadhiya xabashida. Xuseen Sheekh Cali ayaa ummadda Soomalaiyeed kula taliyey in ay indhaha furaan isaga oo intaasi ku daray in arrinkan ay tahay mid lagu tijaabinayo damiirkooda. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in loo baahanyahay in Farmaajo la weydiiyo waxa uu ka ogyahay khariidada uu daabacay Abiy Axmed ee laga jaray gobollada waqooyi. Senator Ilyaas oo ka mid ah baarlamaanka federaalka ah ayaa si caro leh wax uga qoray khaladka ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Mid ka mid ah wasiirradii uu ceyriyey madaxweyne Axmed Madoobe ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in khariidadda uu daabacay Abiy Axmed ay ku jirtay arkeefiyadaha Tigray People’s Liberation Front, markii uu arkana amar ku bixiyey in la tiro. Ninkan oo difaacay qaladka Abiy Axmed waxaa uu warkiisa ka degi waayey wasiirkii amniga ee DF Cabdi Risaq Maxamed. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu u dhaqmaa qaab aan la fahmi karin, marka laga soo tago khariidadaha Soomaaliya uu marka dhinac ka jarayo, waxaa uu Soomaaliya ka jeediyey East African Community (EAC) oo ay muddo ku taameysay taa badalkeeda sameeyey koox uu madax u yahay oo ay kula bahoobeen Eritrea, Soomaaliya iyo Suudaan. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hortagay labada gole ee baarlamaanka Somaliland, wuxuuna markii u horeysay ka hadlay safarka la sheegay in uu Farmaajo ku imanayo Hargeysa. Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan marnaba ogolaaneyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Muuse Biixi ayaa si adag uga horyimid safarkaasi la sheegay ee Farmaajo, isagoona ku sheegay wax aan la aqbali karin in uu Farmaajo yimaada Somaliland, isagoo sheeganaya Madaxweyne. Biixi ayaa sidoo kale xusay in hadalada Safarkaasi ay yihiin arrimaha dhaawac u sii geysanaya wada-hadalada muddada badan hakadka ku jiray, ee uu dhowaan gogol xaadhkeeda lahaa Raysul Wasaare Abiy Axmed. Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelin uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyey xasuuqii dowladda kacaanka ay ku qaaday Somaliland, isagoona arrintaasi ku sheegay mid kedis ku noqotay oo uusan fileyn. “Bshaan 13 keedii ayaa waxaa dhacdey arrin aan fileyn oo aheyd kedis in Farmaajo uu ka bixiyey Raali-gelin duqeyntii Somaaliland loo geystay Xasan Sheekh marbuu si dulmaray wixii dhacay laakin farmaajo waa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Raali-gelin bixiya waana ka aqbalnay” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay gawaari kala duwan oo loo soo waday Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika dhaca. Kenya ayaa sheegtay in gaadiidkaas si sharci darro ah loogu gudbin rabay wadamada Soomaaliya, Burundi, Sudaanta Koonfureed, Uganda, Malawi, Tanzania iyo NRC. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in la wareegeyo baabuurtani oo ay ku jiraan kuwa casri ah. Sidoo kale qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in la xiray 37 qof oo ku lug lahaa gaadiidkaan, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga. Si kastaba ha’ahaatee Kenya ayaa horay ay ula wareegtay gawaari ay saarnaayen badeecooyin kala duwan oo loo soo waday gudaha Soomaaliya, kadibna burburisay. Arrintaan ayaa sidoo kale haatan ku soo aadeysa, iyadoo uu jiro mad madow u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo weli isku haya arrimo la xariirka kiiska Badda ee ICJ.
