-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ku casuumay shir weyne looga tashan doono xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka heer Federaal. Go’aankan ayaa looga dhowaaqay war-murtiyeed laga soo saaray shirkii wada-tashiga Puntland ee magaalada Garoowe ka socday tan iyo 15-kii bishan March. Ma cadda in dowladda Soomaaliya ay aqbali doonto ka qeyb-galka shirkaas, ayada oo ay u badan tahay inaysan ogolaan doonin in Puntland ay hagto nidaamka siyaasadda dalka. Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay in madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay ku casuuntay Muqdisho, si ay uga wada-hadlaan khilaafka labada dhinac, taasi oo sida ay sheegtay uu ku gacan seeray. Sidoo kale, war murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay qaadacday sharciga doorashooyinka heer federaal oo ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalana uu saxiiday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. War-murtiyeedka shirka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka isla markaana u awood-sheeganeyso maamulada, ayna caburineyso siyaasiyiinta kasoo horjeeda. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in doorashooyinka qorshuhu yahay in ay dalka ka dhacaan aysan noqon karin qof iyo cod, maadaama ay Al-Shabaab wali haysato qeybo badan oo dalka kamid ah. Madasha oo ay ka qeybgaleen in ka badan kun ergo ah oo isugu jirta goleyaasha dowladda Puntland, madax haatan xil ka heysa waddanka iyo siyaasiyiin ayaa waxay socotay muddo saddex maalmood ah. Puntland ayaa sharcigaas ku tilmaamtay inuu yahay mid baalmarsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka u yaalo isla markaasna dalka ku celinayo nidaamka 4.5 ee qeybsiga Beelaha.
-
Hhhjj Source
-
Qodob kamid ah War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wada-tashiga Puntland ee Garoowe ka qabsoomay, ayaa lagu go’aamiyay in Xukuumadda Puntland oo ka wakil ah shacabkeeda, ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo baal-marista Nidaamkii dowladnimo ee lagu heshiiyay. Qodobka 10-aad ee War-murtiyeedka, ayaa si cad loogu qeexay in Puntland ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii dowladda Federaalku ay sii waddo baal-marista Dastuurka iyo Hannaankii lagu heshiiyay ee Federaalaynta dalka. War-murtiyeedka, waxaa lagu sheegay in Shir weynuhu taageersanyahay, go’aan kasta oo Puntlad qaadato, haddii dowladda Federaalku ay ka waan-toobi waydo ficillada ay ku jirto, si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka dadka Reer Puntland. Qodobkaas ayaa u muuqda mid Puntland u ogolaanaya, in ay dalka intiisa kale ka go’i karto, haddii lagu heshiin waayo hannaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay u maamulayso dalka. PUNTLAND POST The post Shirka Garoowe oo sharciyeeyay in Puntland ka go’do Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhow la soo saaray war murtiyeedka shirweynaha Puntland iyada oo looga hadlay arrimaha deegaannada Puntland, xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe, dastuurka, doorashada, nidaamka federaalka, amniga iyo arrimo kale. Qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa: 1. In arrimaha dastuurka dib loogu dhigo dowladda soo socota ee 2020/2021. 2. In doorasho qof iyo cod aaney dhici karin sanadkan lana aqbali karin waqti kordhin ku yimaada hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka. 3. In Puntland ay qaadaceyso natiijada haddii aaney qeyb ka noqon wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland. 4. In dhammaan saamileysa siyaasadda isu yimaadaan oo laga tashto doorasho 2020/2021, Puntland ay kaalin ka qaadato. Halkaan Ka Akhriso Isaga oo Dhan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Puntland, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ku casuntay, Shir weyne looga tashanayo xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna khilaafka ka taagan Arrimaha doorashooyinka heer Federaal. Qodob kamid ah War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Wada-tashiga Puntland, oo Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe, ayaa lagu sheegay in Puntland ay Shir weyne Wada-tashiya ku casuntay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, si looga tashado khilaafka labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021. Sidoo kale, Puntland waxay qaaddacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka, islamarkaana dalka ku celinaya Nidaamka 4.5 ee Saami qeybsiga Beelaha. PUNTLAND POST The post Puntland oo Shir Wada-tashiya ku casuntay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Beijing (Caasimada Online) – Shiinaha iyo Mareykanka ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul kadib markii Beijing ay ka carrootay in madaxweyne Trump uu cudurka Coronavirus ugu yeeray magac cusub oo ah “Fayruska Shiinaha.” “Dowladda Mareykanka waxay si awood leh u taageeri doontaa ganacsiyada, sida diyaaradaha iyo kuwa kale ee uu saameeyey Fayruska Shiinaha,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu Isniintii soo dhigay Twitter. Bejing ayaa Talaadada sheegtay inay “si xooggan uga carrootay” hadalkaas, oo ay ku qeexday “mid la macno ah ceebeyn”. Dowladda Mareykanka waa “inay si deg deg ah u joojisaa eedeymaheeda aan loo qiil dayin ee ka dhanka ah Shiinaha,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Geng Shuang. Faallo lagu qoray wakaaladda wararka rasmiga ah ee Shiinaha ee Xinhua ayaa sidaa kale lagu yiri “isticmaalka magacyo cunsurinimo iyo naceyb ah si dillaaca cudurka loogu eedeeyo dalal kale waxay muujineysaa kaliya mas’uuliyad darrada siyaasiyiinta iyo waxqabad la’aantooda, taasi oo kordhin doonta cabsida Fayruska”. Dagaaklka afka ah ayaa sare usii qaadaya xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal, taasi oo markii hore kasoo billaabay murunka dhanka ganacsiga ah, markii uu xukunka qabtay Trump. Hadalka Trump ayaa waxaa sidoo kale laga dhalleeceeyey guudaha Mareykanka, ayada oo lagu qeexay kuwa dhalin kara fal-celin ka dhan ah bulshada Asian-American-ka ah. “Bulshadeena Asian-American-ka ah – Dadka aad u adeegto – markii horeba way dhibanaayeen. Uma baahnaa inaad sii kordhiso isir naceybka,” waxaa sidaas Twitter ku qoray duqa magaalada New York Bill de Blasio, oo gobolkiisa uu ka mid yahay kuwa uu sida xun u saameeyey cudurka. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-gelinayo dunida inteeda kale ay imanka ka badan yihiin kuwa Shiinaha. Coronavirus ayaa waxaa markii ugu horreysay laga helay dalka Shiinaha, dhammaadkii 2019. AFP + VOA
-
War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Wada-tashiga Puntland, oo Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe, ayaa lagu go’aamiyay in la qabto Shir weyne heer Puntland ah oo looga arrinsanayo soo celinta degaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka maqan gacanta Puntland. Balse, war-murtiyeedka faahfaahin loogama bixin wakhtiga Shirkaasi dhacayo, halka lagu qaban doono iyo cidda lagu casumay midkoodna. Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa dowladda Puntland ugu baaqay in la dardar geliyo barnaamijka Dimoquraaddiyeynta Puntland, islamarkaana si dhakhso ah loo dhiso maxkamadda Dastuuriga ah oo go’aanno ka gaari karta, haddii khiaaf Dastuuriya yimaado. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday Shir ku saabsan soo celinta dhulka maqan ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer isugu jira wacyigelin iyo kormeer ku tegay taliska guud ee ciidanka qaranka iyo xerada ciidanka ee Birjeed, isaga oo sidoo kale dhammaanba ciidamada kala duwan ee qalabka sidana geliyey heegan buuxa, xaaladda kasoo korodhay xanuunka CORONA VIRUS oo ah masiibo cusub oo dunida kusoo korodhay. Dhan kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay taliye xalay lagu dilay magaalada Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
A paltry Sh14,000 lunch allowance split between nine unemployed youths, a promise to serve in the Somali National Army, and a promised Sh10 million payout is all it took to convince Kenyan youngsters to join the Al-Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta kasoo degay afar muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Talyaaniga oo ka mid ah dalalka uu sida weyn ugu faafay cudurka Coronavirus. Muwaadiniintaan ayaa waxaa ay kamid ahaayeen askar leyli sarkaalnimo loogu diray dalka Talyaaniga, waxaana ay saarnaayeen diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda maanta ee Addis Ababa iyo Muqdisho. Xubno ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya oo maalmahaan howlo shaqo ka wadey Garoonka ayaa la wareegay, waxaana lagu warramay in afartan qof la karantiiley. Muwaadiniintan ayaa lagu hayn doonaa xarun ay diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka muddo 14 maalmood, waxaana ay mari doonaan baaritaan caafimaad, markaasi oo kadib lasii dayn doono marka laga waayo Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday inay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo laga helo Soomaaliya, ayada oo laga helay qof ka yimid dalka dibeddiisa. Qofkaasi ayaa muddo lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ka hor inta aan la xaqiijin in laga helay cudurka. Si kastaba, dadkii diyaaradda la saarnaa qofkaas ayaan laga war-hayn xaaladooda, waxaana jirta cabsi ah in laga yaabo in qaarkood uu qaadsiiyey ka hor inta aan baaritaankiisa oo dibedda loo qaaday lasoo celin. Si kale, dadka diyaaradda la saarnaa dadkii maanta la karantiilay ayaa iyagana gudaha u galay magaalada Muqdisho. Si looga hortago arrimahan oo kale, islamarkaana loo yareeyo halista cudurka ayaa dowladda Soomaaliya waxay mamnuucday dhammaan duulimaadyada ka imanaya dalka dibeddiisa.
-
Shirka Wada-tashiga Puntland oo mudda saddex maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo ku wajahan Arrimaha gudaha Puntland iyo sidoo kale guud ahaan xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya. Qodob kamid ah War-murtiyeed ka soo baxay Shirk, ayaa lagu sheegay in Puntland ay Shir weyne Wada-tashiya ku casuntay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, si looga tashado khilaafka labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021. Sidoo kale, Puntland waxay qaaddacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka, islamarkaana dalka ku celinaya Nidaamka 4.5 ee Saami qeybsiga Beelaha. Dhinaca kale Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la qabto Shir weyne heer Puntland ah oo looga arrinsanayo soo celinta degaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka maqan gacanta Puntland. Balse, war-murtiyeedka faahfaahin loogama bixin wakhtiga Shirkaasi dhacayo, halka lagu qaban doono iyo cidda lagu casumay midkoodna. Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa dowladda Puntland ugu baaqay in la dardar geliyo barnaamijka Dimoquraaddiyeynta Puntland, islamarkaana si dhakhso ah loo dhiso maxkamadda Dastuuriga ah oo go’aanno ka gaari karta, haddii khiaaf Dastuuriya yimaado. Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku warramaya in dabley hubeysan maanta weerar ay ka fuliyeen halkaasi. Weerarka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa lagu soo waramayaa inuu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Shabelle ee Muqdisho u xaqiijiyey in weerarkaan lagu dilay nin la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda maaliyadda Puntland oo magaciisa lagu sheegay, Saleebaan Axmed Shire, iyadoo ay ku dhaawacmeen illaa 2 ruux oo uu mid ka mid ah yahay askariciidanka maamulkaasi ka tirsan. Shaqsiyaadka weerarka ka dambeeyey ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Weerarkaan ayaa ku soo beegmaya, xilli saacadihii la soo dhaafay laamaha amniga Puntland ay sheegeen inay Boosaaso ku qabteen xubno lala xiriirinayo Al-Shabaab. View the full article
-
The Somali National Army (SNA) has today liberated Jannaale town, about 95 kilometers South-West of Mogadishu from Al Shabaab terrorist group. Janaale is approximately 14 kilometers off the Coastal city and Regional Capital of Marka. Source: Hiiraan Online
-
Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin: Shirweynihii Wadatashiga aayaha Puntland ayaa manta lagu soo xiri doona Magalada Garowe, iyada oo laga soo saari doono war-murtiyeed koobaya ahmiyadda shirka. Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaliya ayaa Madaxweynaha Puntland ka codsaday in uu gogol u dhigo Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad goboledyda xubnaha ka ah. Howlgallo laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magalada Boosaso aya lagu so qabtay rag la xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Alshabab iyo Daacish. Wasiirka Amniga Hirhsbeele ayaa sheegay in ay dhowaan billaaban doonaan howlgallo guud oo Al-shabab looga saarayo deegannada ay ka maamulaan Hirshabeele. Xildhibaan ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha Jubbaland ee deegannada Maamulkasi uu la xiriiro xoreynta goobaha gacantooda ka maqan. Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaliya ayaa Madaxweynaha Puntland ka codsaday in uu gogol u dhigo Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad goboledyda xubnaha ka ah. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdiwali Qorane https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-17-03-2020-ok.mp3 Goobjoogb News Source: goobjoog.com
-
Turkish Airlines on Monday suspended its flights from Istanbul to Somalia after the Horn of African country confirmed its first case of coronavirus and took a similar suspension. The flag carrier has suspended all flights to the capital Mogadishu for two weeks, said a statement by Turkey’s Embassy in Mogadishu. “As part of the fight against the COVID-19 outbreak, the Somalia government reported that all international flights, including humanitarian flights, have been stopped for 15 days, starting Wednesday, March 18,” said the statement. It added that Turkish Airlines “will suspend Mogadishu flights over the next 15 days, and the last scheduled flight to Istanbul will be held on the morning of March 17.” Turkish Airlines started regular service to Mogadishu in 2012. Turkey is Somalia’s strongest ally and has spent over $1 billion on aid and infrastructure in Somalia since 2011. It also supports Somalia’s National Army and has its largest embassy in the world in Mogadishu. View the full article
-
Wasiirka beeraha XFS, Siciid Xuseen Ciid oo khudbad ka jeedinayey shirka ka socda Garoowe ayaa Puntland ku dhaliilay, sida ay ula macaamisho dowladda dhexe. Ciid ayaa ugu baaday madaxda Puntland inay nidaam sax ah oo sharciga waafaqsan ay u soo maraan waxyaabaha ay ka rabaan dowladda federaalka. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday Puntland in ay iska ilaaliso, kana fogaato wax kasta oo meel ka dhac ku ah dowladnimada Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-1-Mahad.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saadiq Xirsi isla markaasna ka tirsan xubnaha sida weyn ugu ololeeyo Nabad iyo Nolol oo khudbad ka jeedinayey shirka watashiga Garoowe oo galay Maalintii Sedexaad ayaa ka hadlay khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland. Wasiirka oo halkaas ka jeediyey khudbad kulul, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uusan marnaba ka hor imaan Karin sharciga doorashooyinka eee lasoo marsiiyey labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Puntland ma dhihi karto ma aqbalayno sharciga doorshooyinka Qaranka ee ay ansaxiyeen Golaha Shacabka iyo Galaha Aqalka sare, kadibna uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Wasiir Warfaa. Wasiirka ayaa ku baaqay in khilaafka taagan lagu xaliyo wadahadal iyo is faham isagoo Madaxweyne Deni ka codsaday inuu u raaco Magaalada Muqdisho si halkaas looga furo shirweyne Soomaaliyeed. Wasiir Warfaa ayaa xusay inay Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay xalinta waxybaaha ay tabaneyso Puntland ayna iyaga diyaar u yihiin inay howshaas qeyb ka noqdaan. Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa sheegay inuu rajeenayo in shirka Puntland laga soo saaro war murtiyeed u wanaagsan Puntland iyo Umadda Soomaaliya. Maanta ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo shirka wadatashiga Puntland, waxaana laga soo saari doonaa murtiyeed ku saabsan xaaladda Siyaasadeed ee dalka ku jiro iyo mustaqbalka iyo danaha Puntland.
-
Bayaan ay soo saartay safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa lagu xaqiijiyey in diyaaradaha Turkish Airlines ay si KMG ah u joojiyeen duulimaadyadooda Muqdisho. Safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaaradaha wadankaasi laga leeyahay ay mudo laba todobaad ah aysan imaan doonin magaalada Muqdisho, kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay xaqiijisay kiiskii koowaad ee Coronavirus ee dalka. Diyaaradaha sumadoodu tahay calanka Turkiga ee Turkish Airlines ayaa wixii ka dambeeya 18-ka bishaan Maarso oo berito ku beegan imaan doonin Muqdisho, xayiraadaasina ay socon doonto muddo 15 maalmood ah, sida lagu yiri qoraalka. Si kastaba ha’ahaatee diyaaradaha Turkish Airlines ayaa duulimaayadooda Soomaaliya bilaabay sanadkii 2012-kii waxaana ay isaga kala gooshaaan Istanbul iyo Muqdisho. View the full article
-
Kulanka oo u dhexeeyey taliyeyaasha Booliska degmooyinka iyo taliyaha qeybta Booliska Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Balanbale ee gobolkaasi. Intiisa badan waxaa kulanaan diirada lagu saaray sidii talisyada degmooyinka ay isaga kaashaan lahaayeen wax ka qabashada arrimaha ammaanka. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday, sidii looga hortagi lahaa colaad beeleedyada ku soo laa laabta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/warka-by-gaab-balanbale.mp3 View the full article
-
Qoysas barakacayaal oo hor leh ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray duleedka Muqdisho, kuwaas oo ka soo qaxay dagaallada ka socda gobolka Sh/Hoose. Barakacayaashaan oo aad u daruufeysan ayaa lagu soo dhoweeyey kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Inta badan qoysaskaasi ayaa waxa ay ka soo barakaceen deegaanka Janaale iyo tuulooyinka ku xeeran oo ay shalay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka. Mid ka mid ah haweenka barakacayaasha ayaa Shabelle uga warbixisay xaaladdooda, iyadoo baaq u dirtay madaxda dowladda federaalka iyo hay’adaha samafalka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-1-jaamac.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
