-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Daaru-Nimca – Ciidamada deegaanka gaar ahaan Macaawislayda Daaru-Nimca ayaa howlgal gaar ah oo si xeel dheer loo qorsheeyay ku beegsaday horjooge caan ka ahaa dhibaatooyinka gobolka, laguna magacaabi jiray Faracadde. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha deegaanka Daaru-Nimca, halkaas oo ay si toos ah ugu galeen fariisin ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd. Ciidamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay halkaasi ku toogtaan Faracadde, oo u qaabilsanaa kooxda dhanka miinooyinka, isla markaana lagu eedeeyay inuu deegaanka ka geystay falal badan oo gumaad iyo dhaawac isugu jira. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in Faracadde uu ahaa shaqsi khatar badan oo muddo dheer lagu raad-joogay. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada Macaawislayda ay gacanta ku dhigeen qorigiisii, waxaana si rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa deegaanka Caddaan-laxey. Source: goobjoog.com
-
Maanta waa 1-da Luulyo, waa maalintii xoriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waxaa xanuun iyo nasiib darro ah in 65 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii!, cadawgii shalay maanta walaal yahay, qabiilkii uu isku badalay qaran, calankii ay ka soke mareen calammo kale, dhadhankii waddaniyaddu aad u shiikhay, inta ay weli ku dambeysona xamaasadda Soomaalinnimo ay maanta u joogto oraahsa ah“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Haddaba, maanta waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : • Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye • Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen • Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke. W/Q/Abdiaziiz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
-
𝗦𝘂𝗯𝗷𝗲𝗰𝘁: 𝗨𝗿𝗴𝗲𝗻𝘁 𝗔𝗽𝗽𝗲𝗮𝗹 𝗳𝗼𝗿 𝗡𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝘂𝗽𝗽𝗼𝗿𝘁 𝗶𝗻 𝗥𝗲𝘀𝗽𝗼𝗻𝘀𝗲 𝘁𝗼 𝘁𝗵𝗲 𝗗𝗮𝗮𝗹𝗹𝗼 𝗠𝗼𝘂𝗻𝘁𝗮𝗶𝗻 𝗪𝗶𝗹𝗱𝗳𝗶𝗿𝗲 𝗖𝗿𝗶𝘀𝗶𝘀 𝗧𝗼: ▪︎ 𝗧𝗵𝗲 𝗚𝗼𝘃𝗲𝗿𝗻𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗼𝗳 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 ▪︎ 𝗡𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗗𝗶𝘀𝗮𝘀𝘁𝗲𝗿 𝗣𝗿𝗲𝗽𝗮𝗿𝗲𝗱𝗻𝗲𝘀𝘀 𝗮𝗻𝗱 𝗙𝗼𝗼𝗱 𝗥𝗲𝘀𝗲𝗿𝘃𝗲 𝗔𝘂𝘁𝗵𝗼𝗿𝗶𝘁𝘆 ▪︎ 𝗟𝗼𝗰𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗛𝘂𝗺𝗮𝗻𝗶𝘁𝗮𝗿𝗶𝗮𝗻 𝗢𝗿𝗴𝗮𝗻𝗶𝘇𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 ▪︎ 𝗘𝗻𝘃𝗶𝗿𝗼𝗻𝗺𝗲𝗻𝘁𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗖𝗹𝗶𝗺𝗮𝘁𝗲 𝗥𝗲𝘀𝗶𝗹𝗶𝗲𝗻𝗰𝗲 𝗣𝗮𝗿𝘁𝗻𝗲𝗿𝘀 ▪︎ 𝗧𝗵𝗲 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗗𝗶𝗮𝘀𝗽𝗼𝗿𝗮 𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆 Dear Respected Leaders, Partners, and Friends of Somaliland, The Somaliland Intellectual Forum (SLIF) expresses its deepest concern and sorrow over the devastating wildfire currently raging across the Gaacidh farmlands and surrounding areas of the Daallo Mountains in the Sanaag region. This unfolding crisis has already destroyed more than 200 farms, wiped out vital sources of rural livelihood, and placed one of Somaliland’s most treasured ecological and tourism zones in grave jeopardy. The fire began in the early hours of June 30, 2025 and has since spread at an alarming pace. Within less than ten hours, it has consumed an estimated 60 square kilometers of forest in the Daallo ecosystem—home to ancient woodlands, rare plant life, and species unique to this region. Despite the courageous efforts of local communities armed with nothing more than branches, shovels, and water containers the blaze remains dangerously uncontrolled. This wildfire has clearly surpassed the current response capacity of the Somaliland government. Its scale and speed of destruction are dangerously close to the kinds of wildfires seen in global forest disasters, such as those in the Amazon. For this reason, we urge the government to swiftly seek international assistance before the damage becomes irreversible. This is a national emergency. The loss goes far beyond trees and farmland. The wildfire has inflicted: ️The destruction of centuries-old forests and rare flora, some of which exist nowhere else in Somaliland. ️A collapse of local tourism and ecotourism-based livelihoods tied to Daallo’s natural beauty. ️The displacement of farming families, undermining food security and economic stability in the region. ️Severe threats to wildlife and the irreversible loss of biodiversity. In response, we at SLIF urgently call upon: 1. The Government of Somaliland to declare a state of emergency and coordinate a national-level response, mobilizing both civilian and institutional resources to contain the blaze and support recovery. 2. International humanitarian organizations, climate and environmental agencies, and Somaliland’s private sector to step forward with immediate assistance. This includes aerial firefighting support, fire containment tools, emergency food and shelter, technical experts, and logistical coordination. 3. The Somaliland Diaspora to act quickly—through financial contributions, fundraising campaigns, and resource mobilization—to assist in both immediate response and long-term recovery. This is not just an environmental disaster. It is a human crisis, an economic blow, and a cultural loss. The Daallo Mountains are more than landscape; they are a living symbol of Somaliland’s natural heritage, a pillar of local sustainability, and a sacred link between communities and the land they have protected for generations. Let this be a moment where national unity meets global solidarity. Let our collective action speak louder than the flames. SLIF stands ready to assist; in advocacy, coordination, research, and communication; with any partner or institution committed to protecting Daallo, supporting its people, and restoring what has been lost. With urgency, resolve, and shared purpose, 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗹𝗹𝗲𝗰𝘁𝘂𝗮𝗹 𝗙𝗼𝗿𝘂𝗺 (𝗦𝗟𝗜𝗙) 𝗘-𝗺𝗮𝗶𝗹: 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱𝗶𝗻𝘁𝗲𝗹𝗹𝗲𝗰𝘁𝘂𝗮𝗹𝗳𝗼𝗿𝘂𝗺@𝗴𝗺𝗮𝗶𝗹.𝗰𝗼𝗺 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝗶𝘀𝗮, 𝗥𝗲𝗽𝘂𝗯𝗹𝗶𝗰 𝗼𝗳 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xalay Garoowe kaga qayb-galay Xuska Munaasabadda Xornimada iyo Midowga Soomaaliyeed ee 1da Luuliyo. Madaxweyne Siciid Deni oo Khudbad ka jeediyay Xuska Munaasabadda 1da Luuliyo ayaa ka hadlay Ilaalinta gobannimada Soomaaliya, dib u soo celinta Midnimadii iyo wadajirkii shacabka, hannaanka dowlad dhiska dalka, xallinta Khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo duruufaha qallafsan ee ka jira guud ahaan dhulka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, waxaa uu ka hadlay fara-gelin siyaasadeed oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso degaannada Puntland, gaar ahaanna ciidamo uu sheegay in si qarsoodi ah loo qorayo, kuwaasi oo loo diiwaan-gelinayo in ay mushaarka siiso Villa Somalia, si ay ajandayaal qarsoon uga fuliyaan degaannada Puntland. “Waxaa nasiib-darro ah in maalin walba wiilal Laabtoobyo wata lee yihiin Puntland baan ciidamo ka qoraynaa oo qarsoodi ah, oo hadba meel ka laabanayaan, waxaasi waa fool-xumo. Qofna intii uu dastuurka iyo qawaaniinta ku xad-gudbo in uu dhaho xasaanad baan lee yahay wax is qabta maaha” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni. Halkan ka daawo khudbadda Deni PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay ciidamo qarsoodi ah ku diyaarinayso gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia starts supplying electricity to Tanzania via Kenya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ethiopia has begun exporting electricity to Tanzania for the first time, delivering power through Kenya’s high-voltage transmission network in a successful pilot that marks a milestone in regional energy trade. Source: Hiiraan Online -
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay Magaaladda Garoowe ayaa sheegay inay jiraan dad ciidamo ka qoraya deegaannada maamulkaas, ayagoo aan Xukuumaddiisa oggolaansho ka haysan. Deni wuxuu tilmaamay in dad laabtoobyo wataahi ay dhex wareegayaan magaalooyinka Puntland si ay ciidamo qarsoodi ah halkaas uga qoraan, asagoo ka dhigey in arrintaasi ay halis weyn abuuri karto. ” waxaa nasiib darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo wataahi ay leeyihiin Puntland baan ciidamo ka qoranaynaa oo qarsoodi ah oo ay hadda meel kaa laabanayaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray in maamulkiisu haddii tilaabayo ka qaadi lahaa dadkaas ciidamada qoraya lagu fasiri doono cabburin, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay arrintan ka garsooraan. Puntland ayaa horay ugu eedeysay siyaasiyiinta deegaannadeeda ka soo jeeda ee dowladda federaalka Soomaaliya ku jira inay ciidamo qoris ka wadaan deegaanada maamulkaas. Source: goobjoog.com
-
Munaasabado si heer sare ah loo agaasimey oo lagu weynaynayo 1-da Luulyo oo ah maalin qaran oo qeymo badan, islamarkaana laba astoomood oo midnimo iyo madax-bannaani ah u leh ummadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo Dhuusamareeb, Baydhabo, Nairobi, iyo qaarka mid ah dalalka kale ee afrika iyo kuwa reer Galbeedka ee jaaliyada Soomaaliyeed ku nool yihiin. Caasimadda Muqdisho fagaare weyn oo ku yaalla bartamaha jidka makka Al-karama waxaa isugu soo baxay kumannaan kun oo qof oo madax, saraakiil, bahda fanka, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada isugu jira, kuwaas oo si aan u horay loo arag u muujiyay maamuuska maalinta qaran ee 1-da luulyo. Sidoo kale madaxda qaranka ugu sarraysa, guddoonka gobolka Banaadir, danjireyaasha dalalka Soomaaliya saaxiibada dhow la ah, iyo hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa xaflado waaweyn uga qeyb galay madaxtooyada qaran iyo goobo kale oo ka tirsan Muqdisho, waxaana calanka baluugga ah la saaray saacaddu markii ay gaartay 12-ka habeennimo ee saqda dhexe. Dhanka magaalooyinka Garoowe, Kismaayo Dhuusamareeb, iyo Baydhabo madaxda dowlad goboleedyada deegaannadaas ayaa ka qeyb-galay munaasabado heer sare ah, ayadoo calanka si weyn kor loogu qaaday intii ay soo socdeen isku soo baxyadii ka dhacay magaalooyinkaasi. Sidoo kale magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer sare ah oo boqolaal dad ahi ay ka qeyb galeen, inkastoo la sheegay in ciidamada nabad-gelyada ee dalkaasi meelaha qaar ay dadka dabaaldegaya is hor istaag ku sameeyeen. Si kastaba ha ahaatee 1-da Luulyo oo ku astaysan maalinta is raaca gobollada waqooyiga iyo Koonfur Soomaaliya, iyo madax-bannaanida Soomaalidii Talyaanigu gumeeysan jiray ayaa 65 sano ka dib haatan la xusayaa ayadoo wadajirka dowladnimadu ay wajahayaan xaalad nuglaasho ah. Source: goobjoog.com
-
Waxa aan halkan ka cadaynyaa in aanay waxb ka jirin kooxda sheeganaysa magaca Dhuuxweyn ee leh waxa la kala saaray ragii ku tartamaayay ka mid noqoshaha golayaasha deegaanka iyo wakiiladda ee degmada Hargeisa iyo gobolka Maroodijeex ee matali doona beesha Dhuuxweyne ee Cabdalle Isaxaaq arinkaasi waa been cad oo ah waxba kama jiraan. Kooxdan ama garabkani is soo urursday waxa ay ku guuldaraysteen in ay kala saaraan ragii tartamaayay, kulankii ugu danbeeyay ee todobaadkani dhacay waxa uu ahaa mid burburay oo lagu kala kacay. Cali Cabdilaahi Daahirna ma aha shaqsiga kali ah ee reerka ama golaha wakiilda u sharaxan waxa xaqiiq ah in ay wataan garab gaar ah oo dano shaqsiyadeed eryanaaya Kooxdani caawa xaflada qabsatay waxa ay ka been sheegeen in ay ragii tartamaayay ay kala reebeen hadalkaasi waa been cad oo iyaga dib ugu soo noqonaysa wali murankii iyo is qancin laantii way taagantahay Waxa kale oo ay jideeyeen in qof kastaaba uu qabsado xaflad taasi oo ka soo hor jeeda in la sugo oo aan wax xaflad ah aan musharaxna aanu qabsan tan iyo inta beesha Maxamed Ismaciil ay isku raacayso qokii matali lahaa. Waxa ay kooxda Cali Cabdilaahi Daahir uu hor boodayaa ay jabisay habkii soo jireenka ahaa ee beesha Maxamed Ismaciil ay wax ku dooran jirtay taasi oo ahayd in xaflad lagu shaaciyo qofkii ay beesha Maxamed Ismaciil ay isku raacdo. Waxana ay ka masuul noqon doonaan wixii halkaas kanyimaada Maxamed Cismaan Qaran News
-
Qaran News
-
Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro met with Qatari Prime Minister and Minister of Foreign Affairs Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani in Doha to discuss expanding cooperation in trade, energy, education, and regional stability, according to a statement released Monday by the Somaliland Presidency. Source: Hiiraan Online
-
Buurta Daallo ee gobolka Sanaag waxaa ka kacay dab xooggan oo sii fidaya sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dabka ayaa ku faafay dhir badan oo ku taalla dhulka buuraha ah, taas oo keentay inay adag tahay in si fudud loo xakameeyo. Dadweynaha deegaanka iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa si wadajir ah uga qayb qaadanaya daminta dabka, iyaga oo adeegsanaya agabyo kooban oo ay heli karaan, dadaalladaas ayaana ah kuwo aan weli si buuxda ugu guuleysan xakameynta dabka. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa amar degdeg ah ku bixiyay in gurmad ciidan loo diro deegaanka uu dabku ka kacay, wyxuuna wasiirka Deegaanka Somaliland, Cabdillaahi Cismaan Geeljire sheegay in madaxweynaha uu si gaar ah ciidamada u faray inay ka qayb qaataan daminta dabka, isla markaana ay garab siiyaan shacabka deegaanka ee howsha wada. Wararkii ugu dambeeya ayaa sheegaya in dabku yahay mid aad u xooggan, loona baahan yahay in si weyn loogu gurmado si loo yareeyo waxyeello ka dhalanaysa gubashada baaxadda leh. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in nabad ka dhalata bariga dhexe aan la gaari doonin ilaa laga dhiso dowlad madax banaan oo Falastiin ah oo lagu sameeyo xuduudihii 1967-kii. Waxa uu intaa ku daray in sii socoshada dagaalka iyo qabsashada dhul cusubi aysan dhalin doonin nabad, balse ay sii hurineyso nacaybka iyo colaadda. Mareykanka ayaa wada qorshe lagu caadiyaynayo xariirka Israa’iil iyo dowladaha Carabta, balse dhammadka xiisaddda gobolka ayaa ku xiran xallinta qadiyadda Falastiin sida ay inta badan dalalka gobolka iyo kuwa dunida qaarkooda qabaan. Source: goobjoog.com
-
Ayadoo madaxweynaha Soomaaliland uu maalintii seddaxaad ku suganyahay caasimadda Dooxa ee dalka Qatar, ayay Wasaaradda arrimaha dibedda dalkaasi war ka soo saartay kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar. Warka ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu yiri “Mudane Sheekh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa maanta qaabilayey Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, Madaxweynaha Somaliland, oo booqasho ku jooga dalka. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay in la taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida halkaas, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo dhisida kalsoonida dhinacyada kala duwan. Intii kulanka uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar waxa ay xaqiijiyeen in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku dhisan yahay furfurnaan iyo isgaarsiin wax ku ool ah oo dhex mara dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay, iyadoo la xaqiijinayo ixtiraamka gobannimada iyo midnimada Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Wefdiga madaxweynaha Soomaaliland oo markii hore sheegay inay marti-qaad booqasho oo rasmi ah ka heleen dowladda Qatar ayaa dhawr maalmood sugayay la kulanka madaxda sare ee dalkaas, ayadoo ay xusid mudan tahay in amiirka Qatar uu dalka Spain u dhoofay intii ay wafdiga Soomaaliland joogeen, halka lagu kulanka Ra’iisul Wasaarahana lagu tilmaamay mid looga hadlay hormarka iyo xasilloonida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa maanta si rasmi ah ugu qaabilay magaalada Doha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan MaxamedCabdillaahi(Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi. Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo arrimaha bini’aadantinimada. Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaallada nabadeed ee ka socda Geeska Afrika, isaga oo ballanqaaday in Qatar diyaar u tahay inay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha. Booqashada Madaxweyne Cirro ee Qatar ayaa la filayaa in ay socoto muddo dhowr maalmood ah, iyadoo uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan dowladda Qatar iyo ganacsato doonaya in ay maalgashi ka sameeyaan gobolka. Waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro si rasmi ah loogu casuumo dalka Qatar tan iyo markii loo doortay hoggaanka Somaliland horraantii 2025. Source: goobjoog.com
-
Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR), gaar ahaanna Hawlgalka ATLANTA ayaa Shir ku saabsan Amniga Badda ku yeeshay dusha sare ee markabka dagaalka ee Isbaanishka laga leeyahay ESPS Navarra (F85), calansidaha howlgalka Atalanta. Wefdi ka socday Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Sakariya Abdiraxmaan, oo uu weheliyo G/le dhexe Aadan ayaa ka qayb galay Shirkaasi oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, gaar ahaan waqooyiga dekedda Bosaaso, waxaana lala yeeshey Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan EUNAVFOR, iyadoo diiradda lagu saaray caqabadaha muhiimka ah ee amniga badda. Waxaa si gaar ah looga hadlay xeeladaha lagula dagaallamo burcad-badeednimada, iyo dambiyada kale ee badda ka dhaca. “Booqashadani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaalladayada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga badda iyo iskaashiga caalamiga ,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Sakariya. Wuxuu intaas ku daray in “fahanka awoodaha ciidamada badda ee aan bahda nahay ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta howlgaladeena amniga xeebaha iyo xaqiijinta badqabka badaheena.” Gaashaanle Dhexe Aadan, oo ah taliyaha qaybta CID-da ee gobolka Bari, ayaa isna muujiyay qaddarinta uu u hayo iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya EUNAVFOR iyo Booliska Puntland, isagoo soo dhaweeyay hor u wadidda iskaashigaan. Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz ayaa isna muujiyey dareenkan, isagoo ku nuuxnuuxsaday in “dhisidda xiriir adag oo lala yeesho bahwadaagta Puntland ay tahay tan ugu muhiimsan”. Wuxuu xaqiijiyay sida EUNAVFOR uga go’an tahay taageeridda dadaallada Dowladda Puntland ee lagu doonayo in lagu helo amniga badda oo ballaaran. PUNTLAND POST The post Puntland iyo EUNAVFOR oo yeeshay Shir ku saabsan Xaqiijinta ammaanka Badda appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka kaluumaysigga Puntland Cabdirisaaq Cabdilaahi Xagaa oo maanta hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaale tiro badan oo shirkado kaluumaysigga laga qaaday ay maqantahay. Wasiirku wuxuu sheegay in lacagtaas oo aad u tiro badan uu lunsaday Agaasimihii hore ee wasaarada Eng Sharmaarke Beeldaaje oo xusay in uu dalkana ka baxay. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dhaqaalahaasi magaca wasaarada lagu qaatay ayna ka timi dad doonayay shatiyo iyo adeegyo dowladeed. Ilaa hadda xariir kama helin agaasimaha la eedeeyay, si uu uga jawaabo in uu lacago dowladeed la baxsaday. Horey ayaa agaasimahaas shaqo joojin loogu sameeyay, ka dib khilaaf soo jiitamay oo isagga iyo wasiirka ka dhaxeeyay. Warkaan cusub ayaa daaha ka rogaysa musuqmaasuqa iyo isla-xisaabtan la’aanta ku hareeraysay hay’adaha dowlada Puntland. Isla-xisaabtan la’aanta iyo inaan cidna loo ciqaabin lunsashada hantidda ummada ayaa dhiirigelisa in aan wax laga soo qaadin. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo agaasime guud ku eedeeyay in uu musuq maasuq sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda ee Puntland ayaa walaac weyn ka muujiyay daryeel la’aanta caafimaad ee ay ka cabanayaan ciidamadii dowladda ee ku soo dhaawacmay Hawlgalkii Calmiskaad ee Ciribtirka Argagixisada Daacish. Warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda ee Puntland ayuu ku sheegay in uu si gaar ah uga xun yahay in ciidamo dhaawac ah ay maanta ku qasbanaadaan in ay waddo xirtaan gudaha magaalada Boosaaso, si ay cabashadooda uga muujiyaan dayacaad dhanka caafimaadka iyo taageerada nolosha ee ay u baahanyihiin. “Goluhu waxa uu si gaar ah uga xun yahay in ciidamo dhaawac ah ay maanta ku qasbanaadaan in ay waddo xirtaan gudaha magaalada Boosaaso, si ay cabashadooda uga muujiyaan dayacaad dhanka caafimaadka iyo taageerada nolosha ee ay u baahanyihiin” ayuu u qornaa Warsaxaafadeedkaasi. Golaha ayaa ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Deni in ay dhab ah uga jawaabto tabashooyinka iyo cabashada ciidamada dhaawaca ah oo marwalba u baahan gargaar iyo daryeel joogto ah, islamarkaana samayso baaris madaxbannaan oo lagu hubinayo halka ay ku dambeeyeen taakuladii shacabka, lana xaqiijiyo in cidna aysan si gaar ah ugu takrifalin hantida dadweynaha. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la hirgeliyo hannaan hufan oo lagu maamulo taageerada shacabka si loo ilaaliyo kalsoonida bulshada ee taageerada ciidamada jiidda hore ku sugan “In la hirgeliyo hannaan hufan oo lagu maamulo taageerada shacabka si loo ilaaliyo kalsoonida bulshada ee taageerada ciidamada jiidda hore ku sugan.” Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Walaac weyn oo laga muujiyay daryeel la’aanta Caafimaad ee ku dhacday Ciidamadii ku soo dhaawacmay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Qaar kamid ah ciidamadii ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad ayaa saaka xirtay wadada laamiga ah ee hormarta isbitaalka guud ee Boosaaso. Ciidamada dowladda ee ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in ay wajahayaan xaalad daryeel la’aan caafimaad ah, islamarkaana waxay ku eedeeyeen guddigii Taakuleynta ciidamada ee Puntland in ay lunsadeen dhaqaalihii shacabka Puntland ugu dhiibeen ciidamada. “Wax allaale iyo wax naloo qabtay ma jirto, waxaan joognaa isbitaalkii guud ee Boosaaso wax daryeel caafimaad ah kama helin dowladda, dhaqaalihii shacabka Puntland laga ururshay waxaa lunsaday guddi Calooshood u shaqaystayaal ah oo aan wax naxariisa noo gelin” ayuu yiri askari ka tirsan ciidanka soo dhaawacmay. “Waxaan nahay ciidankii Daraawiishta Puntland ee ku soo dhaawacmay dagaalka Daacish, waxaan ka cabanaynaa in aanan wax daryeel caafimaad ah dowladda ka helin, waxaan dowladd ka codsanaynaa caafimaadkii aan xaqa ugu lahayn in aan ka helno” ayuu yiri askari kale oo isna ku soo dhaawacnay Hawlgalkaasi. “Isbitaalka guud ee Boosaaso markii nala keenay waxaa nagu dhacday daryeel la’aan iyo caafimaad-darro mana helin wax adeeg caafimaad ah oo ka socda dowladda, marka waxaan ka dalbanaynaa dowladda in ay noo samayso daryeelkii caafimaad ee aan xaqa ugu lahayn” ayuu sii raaciyay askari kale. PUNTLAND POST The post Ciidamadii Puntland ee ku soo dhaawacnay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiil ciidan oo ku sugan magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa beeniyay warar ku saabsan in ciidamo u dhashay degaankaasi ay ku biireen Somaliland. Taliye Maxamuud Maxamed Jaamac iyo Taliye Maxamed Xasan Shirdoon oo ku sugan Xiingalool ayaa si wadajir ah u beeniyay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in ciidamo ka tegey degmada Xiingalool ay ku biireen ciidamada Somaliland. “Waxaan halkaan ka caddaynaynaa in aysan jirin wax ciidamo iyo gaadiid ah ama hub ah oo degaankan ka tegey oo ku biiray Somaliland waxaan sheegaynaa aysan waxba ka jirin oo been abuur yihiin wararka sheegaya in ciidamo ka tegey halkaan ay ku biireen Somaliland” ayuu yiri Taliye Maxamed Xasan Shirdoon. Sidoo kale, Taliye Maxamuud Maxamed Jaamac oo hadalka qaatay ayaa dhankiisa yiri” Anigoo ah Maxamuud Maxamed Jaamac Buurmadow, waxaan halkaan ka caddaynayaa in aysan jirin wax ciidamo iyo gaadiid dagaal ah oo ka tegey degaanka Xiingalool kuna biiray Somaliland warkaasi waa waxba kama jiraan.” PUNTLAND POST The post Sanaag: Ciidamo ku sugan magaalada Xiingalool oo beeniyay in ay ku biireen Somaliland appeared first on Puntland Post.