Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey xaaladda dalka ayaa ka dalbaday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed inuu faraha kala baxo arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Sheekh Shariif oo haatan ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa fariintan u diray xukuumadda Addis Ababa, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho. Shariifka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Abiy uu doonayo inuu maamulo Somaliland, sidoo kalena ciidamo uu geeyo gobolka Gedo ee Jubbaland, wuxuuna intaasi ku daray in arrintaasi aysan aheyn wax fiican oo la filayey, sida uu hadalka u dhigay, Sidoo kale wuxuu ka dalbaday inuu isaga baxo arrinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, inta ay uga yeeranayaan labada dhinac. “Aniga waxaa aaminsanahay nin Meles Zenawi ka xoog badan oo soo xukumay Itoobiya ma imaanayo, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya aniga waa is lahaa markii uu meesha yimid heshiis dhici doona, waxaas fileynay, wax kalena waa la sheegaa, laakiin mugdiga jira in la bixiyo rabnaa, Abiy Ahmed haddii uu rabo inuu Somaaliland inuu maamulo, Jubbaland iyo Gedo uu ciidamo geeyo, halkanna uu maamulo wax fiican maahan, Muuse Biixi kaligaa haddaa keeni karto waa howl kale noo sheeg, Muuse iyo dadka reer Woqooyi waan isku fiicannahay xiriir leenahay, waana Soomaali waxa isku dirirnay anaga naqaan, marka ku baahano annagaa ku yeereynaa.” ayuu yiri Shariif. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo milatariga gobollada Gedo, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.
  2. Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweysay go’aankii ay soo saareen guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare islamarkana y guddigaasi ku sheegeen inay soo saari doonaan guddi ka shaqeeya isu keenidda madaxda dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah. Warsaxaafadeed ay soo saartay Hirshabelle ayey ku sheegtay inay soo dhoweynayso fikirkaas oo ay u aragto inuu yahay mid saliim ah waxa ayna tilmaameen in loo baahanyhay in shacabka loo turo. Marka laga yimaado madasha xisbiyada qaran waa maamulkii saddexaad ee soo dhoweeya go’aanka ka soo baxay aqalka sare ee isgu jira in guddi loo saaro isku imaatinka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka qaranka. Halkan ka akhriso waesaxaafadeedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Beledweyne ayaa saaka ka hortagay dibad-bax la filyey in lagu qabto gudaha magaaladaasi, kaas oo la sheegay in lagu taageeri lahaa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay kala dareeriyeen dadkii qaban-qaabinayey banaan-baxaasi, iyadoona ciidamo Boolis ah la dhigay baartamaha Beledweyne. Taliska Booliska gobolka Hiiraan oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in aan lagu soo wargelin dibax-baxa la joojiyey, wuxuuna talisku shaaciyey in aysan ogolaan doonin in la sameeyo isu soo bax sharci darro ah, iyadoo aan la ogeysiin saraakiisha dhinaca amniga. Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Hiiraan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in deegaanada HirShabelle aan laga dhigi karin dibad-bax uusan la socon maamulkaasi, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabad-geliyada. Arrintaan ayaa ku soo aadeysay, iyadoo maalin ka hor Puntland ay joojisay dibad-bax ka dhici lahaa magaalada Boosaaso, kaas oo lagu taageeri lahaa Madaxweynaha Somalia. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii banaan-baxyo waa-weyn oo lagu taageeray hadalkii Farmaajo ee arrinta maqaamka Muqdisho lagu qabay gobolka Banaadir.
  4. The US Embassy in Mogadishu called on the federal government to convene an urgent meeting with federal members of states in a bid to resolve the current political tension amid rocky relationship which could hinder the country’s programs among them them the upcoming elections. In a statement, The US embassy in Mogadishu highlighted the need for urgent reconciliation to overcome differences and find consensus on how best to move forward. @US2SOMALIA calls on the @TheVillaSomalia to convene a meeting w/ all FMS leaders, as required by the Somali Constitution. FGS–FMS engagement and cooperation is urgently needed to resolve political divisions, implementation of debt relief, & COVID response — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 9, 2020 The statement comes a week after a planned meeting between the federal government and members of states which were meant to resolve the current existing political dispute collapsed due to misunderstandings between them. Despite the announcement by the federal government that it will hold one-person one-vote elections, critics argue that “one person one vote polls” cannot be held this year in Somalia due to lack of preparedness, adding that the country is yet to register voters and resolve the political rift with its members state. Recently, opposition leaders led by former presidents Sheikh Shariff Ahmed and Hassan Mohamud warned against any move to delay the upcoming 2020/2021 election or extend the terms of the president and parliament. With the electoral board chair, Halima Ismael yet to announce the exact dates for Somalia’s much awaited elections; International crisis group warned that the country could be pushed to the edge if the government unilaterally postpones elections without consulting the opposition. “Actions designed to exploit the crisis – especially any unilateral decision by the federal government to postpone the elections – could pose a serious threat to the internationally supported Somali state-building project,” ICG said in a report. Tensions are already running high with the federal government, opposition groups and semi-autonomous regions jostling over preparations and how the elections should be handled, the group said authorities should resist the temptation to unilaterally extend the electoral calendar or amend voting rules, steps their rivals would almost certainly contest, perhaps violently. Last week Somalia’s Prime Minister Hassan Khayre also stressed the importance of holding universal suffrage in the country despite the daunting challenges the country is facing. “Holding a timely election is more important than anything else at this time and it’s one of the primary goals which the public entrusted us,” Prime Minister Hassan Ali Kheyre said in a speech following a cabinet meeting. The Horn-of-Africa nation has endured two decades of civil war, and is contending with the worst desert-locust plague in recent memory and an insurgency by al-Shabaab, an al-Qaeda-linked Islamist group. The government is seeking debt relief as the coronavirus pandemic adds to its woes — it has over 2,000 cases and a health system ill-equipped to deal with the outbreak.
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay dil qorsheysnaa ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in toogashadaasi loo geystay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada maamulkaasi. Al-Shabaab ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay, Aadan Boorow, walow aysan shaacin darajadiisa iyo waxa uu u qaabilsanaa Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxay shaacisay in dagaalyahanadii fuliyey dilka ay horey u sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay marxuumka, sida ay hadalka u dhigeen Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiisha magaaladaasi oo ku aadan dilkaasi iyo sheegashada Al-Shabaab. Weerarkan ay sheegatay Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe amniga Baydhabo uu ahaa mid dagan,waxaana howlgallo ka waday ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaas oo dhacda K/Soomaaliya.
  6. Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in villa Soomaaliya ay si toos ah ugu fashilantay shirka wadatashiga ah ee la doonayay inuu dhexmaro madaxda dowladda federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee dalka. Jubbaland waxa ay sheegtay inay ka qeyb gashay saddex shir kaas oo ay soo agaasintay viila Soomaaliya iyada oo xustay in dhamaan shirarkaasi ay ku dhamaadeen natiijo la’aan. “Inay shaqayn waayeen xoghayntii (secretariat) loo igmaday qabanqaabadda shirka wadatashiga madaxda, sidaa daraadeedna Jubaland aanay qayb ka ahaan karin shirar aan natiijo lahayn”ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Jubbaland. Sidoo kale Jubbaland ayaa soo dhoweysay go’aamadii ka soo kala baxay guddoonka aqalka sare iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka kuwaas oo ahaa in la qabto shir wadatashi ah oo looga arrinsanayo siyaasadda dalka. “Inay bogaadiso go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu maanta isugu yeeray Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, si ay uga talo-bixiyaan tubta ugu habboon ee lagu xallin karo khalkhalka siyaasadeed ee ka dhalan kara doorasho heer qaran ah oo aan habraaceeda lagu heshiin. Waxaan taageero buuxda siinaynaa go’aankii ka soo baxay kulankii Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee qabsoomay 9/6/2020. Go’aankaas oo ahaa in shir wadatashi heer qaran oo degdeg ah laysugu yimaaddo inta ka horreysa 25-ka bishan June’ ayey sii raacisay Jubbaland. Dowladda dhexe ayaa lagu eedeynayaa inay ka caga jiideyso inay la fariisato hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada dalka. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. MOGADISHU (HOL) - The US has called for an urgent resumption of talks between the Federal Government and Federal Member States to address pressing national issues such as elections, debt relief and COVID-19 response. Source: Hiiraan Online
  8. Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi xalay uu ka dhacay qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa bam gacmeed lagu weeraray bartamaha magaalada Kismaayo gaar ahaan goob ay dadku isugu yimaadaan ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof halka ay ku dhaawacmeen 12 ruux oo dhamaantood shacab ahaa. Dadka qaraxaas ku dhaawacmay ayaa haatan xaaladooda caafimaad aad looga deyrinayaa waxaa dhaawacyadaasi la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo. Ma jiraan cid loo soo qabtay weerarkaasi balse ciidamada amaanka Jubbaland ayaa howlgallo kala duwan sameeyay iyaga oo sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan natiijada ka soo baxda howlgalladooda. Wali majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online ) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyey ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo Sabtidii la soo dhaafay uu daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ajandihiisa koowaad wuxuu yahay sharciga xisbiyada siyaasadda oo xildhibaanadu ay marin doonaan akhrintiisa koowaad. Sidoo kale ajandaha labaad ayaa ah soo bandhigida iyo ansaxinta xubin cusub oo ku soo biireysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, sida uu shaaciyey hab-dhowraha golaha shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux). Kalfadhigan ayaa ah kii ugu dambeeyey, waxaana xil-heynta baarlamaanka uga dhiman saddex bilood oo kaliya, sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa looga fadhiyaa labada Aqal inay kala cadeeyaan nooca doorasho ee la qabayo, si loogu heshiiyo ka hor inta la aadin doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa iyadoo haatan lagu guda jiro xilligii kala guurka waxa ay muuqaataa mid sii cakirmeysa, waxaana durbo soo shaac baxay khilaaf culus oo u dhexeeya guddoonka labada Gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
  10. Xildhibanaada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhiga 7-aad ku yeelanaya xaruntooda magaalada Muqdisho ka dib markii uu sidaasi shaaciyay guddoonka golahaasi. Kulankan oo noqonaya mid xasaasi ah ayaa waxaa looga doodi doonaa sharciga axsaabta oo ah mid ahmiyad weyn u leh saamileysa siyaasadeed ee dalka xilli ay bilooyin koobana y ka harsanyihiin doorashooyinka qaranka. Xildhibaanada ayaa la faray inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan sidii ay kulanka u soo xaadiri lahaayeen waxaa dhinaca kale loo jeediyay inay soo akhriyaan shuruucda sharciga maanta laga doodayo. 27-ka bishan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu wadaa inay horyimaadaan xildhibaanada golaha shacabka si ay ugu jeediyaan arrimo la xiriira doorashooyinka dalka ku soo wajahan iyo nuuca ay noqon doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Minneapolis police have opened an internal affairs investigation after a string of recent Facebook posts purportedly from a police officer mocked protesters and encouraged looting in a neighborhood that is home to much of the city's Somali population. Source: Hiiraan Online
  12. Warsaxaafdeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka dalka ku soo wajahan sanadka 2021 waxaana sido kale warsaxaafadeedkaas eedeyn loogu jeediyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Puntland waxa ay sheegtay ahmiyadda ay leedahay inay dalka ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsanyahay iyada oo dowladda dhexe ku eedeysay inaysan ka soo jawaabin gogoshii ay dhigeen kaas oo la doonayay in lagu heshiisiiyo madaxda qaranka. Dhanka kale wasrsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in Puntland ay soo dhoweynayso baaqii ka soo baxay guddoonka aqalka sare ee ku aaddanaa in guddi loo xilsaaro xalinta khilaafaadka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah waxaana Puntland ay ku baaqday in ugu dambeyn shirkaas wadatashi ah la qabto 20 June. Qoraalka ka soo baxay maamulka Deni oo dheera ayaa ugu dambeyn waxaa looga digay in dhageysiga baarlamaanka ee guddiga doorashooyinka ay ka dhalato talo bixinno baarlamaania ah oo ay sheegeen inay sababi karto kala fogaansho iyo xasilooni darro siyaasadeed. Halkan ka alhriso warsaxaafadeedka ay soo saartay Puntland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu (HOL) - Somalia's Foreign Minister has blasted Dubai-based DP World in an interview with Saudi-owned Al-Arabiya TV, accusing the logistics giant of violating Somalia's sovereignty by doing business in her territories without the expressed consent of the Federal Government. Source: Hiiraan Online
  14. Warar rasmi ah oo saaka oo Arbaco ah soo gaaray Warbaahinta Puntlandi.com ayaa xaqiijinaya in iminka gacanta lagu hayo oo la qorayo Qoraal xasaasi ah [...] The post Breaking News— Madasha Xisbiyada oo Qoraal xasaasi ah kasoo saaraya Xaalada Dalka appeared first on . Source
  15. Jubbaland The post Jubbaland iyo Puntland oo soo bandhigay mowqifkooda Doorashada iyo sida wax u socdaan. Warsaxaafadeed appeared first on . Source
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in xalay qarax loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla suuqa Golole oo ku dhow Aargada weyn ee Kismaayo, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 11-kale, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa ayaa isugu jirta ganacsato iyo dad kale oo shacab oo ku sugnaa goobta la weeraray. Illaa iyo hadda lama oga sababta loo bartilmaameedsaday halkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in meesha ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in falka kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland oo illaa saaka baaritaano wada. Amniga Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyey ahaa mid degan, balse waxaa mararka qaar weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
  17. Dowlada Puntland ayaa sheegtay in Dowlada Federaalku aysan diyaar u ahayn in Laga wada hadlo Doorashada, waxayna ku eedeeyeen Villa Soomaaliya Shaqaaleheeda in Kheyru Masuul [...] The post Warsaxaafadeed”Puntland oo DF ku eedeysay xagal daacin iyo burburin” appeared first on . Source
  18. ADDIS ABABA - In a remote part of Ethiopia, one charity has come up with a novel way of protecting children off school because of the coronavirus pandemic from forced labour - camels bearing books. Source: Hiiraan Online
  19. Four Minnesota residents from immigrant backgrounds received the 2020 Bush Foundation fellowships to create more equity and inclusion in their respective fields. Source: Hiiraan Online
  20. “If you are destined to die, it doesn’t matter how far you travel—you will die. Nothing is permanent, and that fact made me really angry,” Ilhan Omar writes in the opening chapters of her memoir This Is What America Looks Like: My Journey from Refugee to Congresswoman. In this particular passage, Source: Hiiraan Online
  21. Cash reimbursed to Kenya for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia by the European Union (EU) and its partners in the first 10 months of the current financial year declined by a third amid the ongoing fight against global Covid-19 pandemic and Nairobi’s gradual withdrawal of the forces. Source: Hiiraan Online
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay mowqifkeeda ku aaddan shirkii uu ku baaqay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya inuu dhex maro madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada. Puntland ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso shirkaas, diyaarna u tahay inay ka qeyb-gasho balse, waxay ku xirtay shuruud ah in la qabto kahor 20-ka bishan, haddii uu dhaafana aysan ka qeyb-gali doonin. “Puntland waxay soo dhaweynaysaa baaqa Aqalka Sare ee in la qabto shir wadatashi iyo in Aqalka Sare guddi u qabteen qabashada shirkaas. Puntland waxay ku baaqaysaa in shirka Ia qabto ugu dambeyn June 20, 2020. Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inaysan qayb ka noqon doonin shir wadatashi oo qorshaysan kadib dhagaysiga Baarlamaanka Federaalka ah ee Guddiga Doorashooyinka ee 27-ka June 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland. Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay madaxda dowladda federaalka ah “in ay si ku talogal ah u marin-habaabinayaan qabsoomida doorashooyinka, ayagoo xeerinaya dano gaar ah iyo isku day in aysan waqtigooda ku dhicin”. Sidoo kale, waxaa lagu dhaliilay in ka shaqeynayaan qas siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca degaanada maamuladda “ayna arrintaas qayb ka tahay burburinta nidaamka federaalka” iyo talo wadaaga dhinacyada. Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran
  23. The Lamu government has issued over 200 title deeds to residents of Kiunga village on the Lamu-Somalia border. Source: Hiiraan Online