-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Around the beginning of the pandemic, I started receiving WhatsApp messages from fellow Somalis instructing me to drink warm water, eat garlic and apply black seed oil every day to prevent Covid-19. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u furay ciidamo loo tababarayo in ay qeyb ka noqdaan ciidanka daraawiishta Galmudug, kuwaa oo lagu tababarayo xerada tababarka Indha Qaris oo ku taala duleedka Barri ee deegaanka Docol oo hoostaga degmada Gaalkacyo. Furitaanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Macalin Fiqi in ciidamada tababarka loo furay ay qeyb ka noqan doonaan ciidamada daraawiishta Galmudug, isagoo intaa ku daray in wixii hadda ka danbeeya mas’uuliyadooda xuquuqeed ay saaran tahay dowlad gobaleedka Galmudug hadeey horay u ahaayeen ciidamo beeleed. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dar daarmay ciidamada tababarka loo furay in ay xil iska saartaan mas’uuliyadda saaran ee ay ka mid tahay difaaca dalka, gaar ahaan deegaannada Galmudug kuwaa oo qaarkood gacanta ugu jira cadow loo baahan yahay in laga xoreeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wax ka Ogow taariikhda laacibkii hore kooxda LLP Jeenyo,Gobolka Bay iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Maxamed Xaaji Aadam Uurey oo sanadkii la soo dhaafay ku geeriyooday Wadanka Canada. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Taariikhdiisa Oo Kooban https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-upp.mp4 Source: goobjoog.com
-
The Somali public, at large, holds the opinion that the Lega dei Giovani Somali had favoured the return of Italy to its former colony as a Trustee during the debate of the future of Somalia at the United Nations in 1949. This erroneous conception stems obviously from poor knowledge of what this party stood for in the 1940s. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka Itoobiya ayaa si weyn uga horyimid muddo kordhin uu shalay baarlamanka dalkaas u sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Baarlamanka ayaa ogolaaday in Abiy Ahmed uu xafiiska sii jooga illaa muddo aan la cayimin, oo ah inta laga gudbayo halista cudurka Coronavirus kadib markii doorashooyinkii la qorsheeyey bisha August loo hakiyey sababo la xiriira cudurka. Xisbiyada mucaaradka Oromada ee OLF iyo OFC iyo xisbiga Soomaalida ee ONLF ayaa kasoo horjeestay go’aanka muddo kordhinta, oo ay ku qeexeen mid sharci-darro ah. Bayaan ay soo saareen ayay xisbiyadan ku cambaareeyeen “go’aanka halka dhinac ah ee aan la isku wada raacin,” waxayna ka digeen in Itoobiya ay galeyso marxalad horseedi doonta qalalaase siyaasadeed. Mucaaraadka qaarkood ayaa dalbaday in lasoo dhiso dowlad KMG ah oo lagu mideysan yahay oo dalka ku hagta doorashooyinka, taasi oo Abiy Ahmed uu ku gacan seeray kuna sheegay mid aan dhici karin. Isniintii waxaa is-casishay Khayria Ibraahim oo ahayd afhayeenka Aqalka Sare, kana tirsaneyd xisbiga Tigrayga ee TPLF, ayada oo sheegtay inaysan dooneyn inay la shaqeyso “koox ku xadgudbeysa dastuurka, islamarkaana ku dhaqmeysa kali-talisnimo.” TPLF ayaa si cad u diiday muddo kororsiga iyo dib u dhigista doorashada, waxaana ay sheegeen in gobolka Tigray ay ka qaban doonaan doorasho ka madax banaan midda federaalka. Cabsida ugu weyn ayaa hadda ah dibad-baxyo waa weyn iyo rabshado ka dhan muddo kordhinta Abiy Ahmed oo dalka ka billowda. “Waxaan walaac ka muujineynaa kacdoon baaxad weyn oo isku beddela rabshado oo dalka ka billaaban kara, middana naguma celin doonto halkeenii hore, ee waxay noqon doontaa arrin ay adkaan doonto inay xakameyso dowlad markii horeba la tacaaleysay caqabado dhaqaale iyo kuwa caafimaad,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah usoo saareen xisbiyada Oromada ee OLF iyo OFC. “Maadaama hadda dowladda ay qaadatay go’aan hal dhinac ah, inkasta oo ay ka digeen xisbiyada, ONLF waxay xaqiijineysaa in Itoobiya ay galayso marxalad siyaasadeed oo halis ah,” waxaa sidaas yiri ONLF.
-
Dibad-baxyada ka socda London ee lagu diidan yahay cunsuriyadda iyo dilkii askarigii Maraykanka ahaa uu u gaystay George Floyd ayaa waxaa kusoo biiray dad Soomaaliyeed oo iyaguna caddaalad u doonaya Shukri Cabdi oo aheyd gabar yar oo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay in ay wabi ku yaalla Manchester ku rideen arday caddaan ah, Shukri Cabdi ayaa bishii June 2019 waxaa meydkeeda laga helay Webiga Erwel ee magalada Manchester ayaa waxaa la tuhunsan yahay arday cadaan ah oo ay wax isbaranayeen in ay ku tuureen Shukri ayaana aheyd gabar aad u da’yar oo 12 sano jir ah oo kaliya joogtay labo sano ka hor dilkeeda waxaana wadanka Ingiriiska la geeyey 2017-kii Booliska magaalda ayaa waxaa ay waqtigaas sheegeen in aysan heyn cadeymo muujinayo in gabadha la dilay wixii intaas ka dambeeyey ciidamada ayaa soo xiray gabi’ ahaan kiiska,Shukri, hooyada dhashashay Shukri Zamzam Carab ayaa waxaa ay aaminsan tahay in la dilay gabadheeda sidaas darteed aysan helin cadaaladdii loo baahnaa. Hooyada ayaa horay waxaa ay u sheegtay in Iskuulka ay u gudbisay cabsi gelin gabdheeda kaga imanaysa arday cadaanka ah, warbaahinta ayaa horay u sheegtay in arday qaar ka mid ah horay loogu arkay falal cunsurinimo ah. Ikraan Xasan oo ah gabar Soomaaliyeed oo degan magaalada London oo ka mid dadka u doodayo sidii loo heli lahaa xuquuqdaShukri Cabdi cadaaladna ay u heli lahaayeen qoyskeeda ayaa waxaa ay rumaysan tahay in gabdhaan yar lagu tuuray Webiga Erwel oo la dilay waxaana ay tiri xili ay la hadlaysay laanta afka Soomaaliga ee VOA. “Arrinta Shukri waa arrin xun oo qalbi jab ah oo hooyo kasta Soomaali ah ay garan karto inan yar oo wadanka timid 2017-kii oo aan luuqadda garaneynin oo xero cadaan ah la geerey iskuul la geeyey Xijaabkii saaran yahay oo rabto iney Ingriiska barato oo ka timid wadan burbursan oo wadanka ay u timid in ay in mustaqbal ay sameysato luuqadda ay barato oo dadka ay soo dhex gasho, inanta sedex ayaa isku galay in ay tahay inan aan luuqadda aqoon, ay Xijaaban tahay iyo in ay Madow tahay inanta waa iska cadahay inanta waa la cunsuriyey”ayey VOA u sheeftay Ikraan Xasan. Dad badan oo Soomaaliya oo ku nool wadan Ingiriiska ayaa rumeysan in Booliska aysan baaris qoto dheer aysan ku sameynin dhacdooyinka lagula kaco dadka laga tirada badan yahay oo ay ugu dambeysay dhacdadaan lagu dilay Shukri Cabdi, Ikraan ayaana ku doodeysa in Booliska wadanka Ingiriiska ay cunsuriyiin sida ay sharaxeyso mar kale. “Boolisku waa cunsuri sababtoo ah inanta madow dhacdada ku dhacday waxbey kama qaban markii la isku kacay ayey leeyihiin wax ayaan qabaneynaa, hooyadii maalin kasta iskuulka tageysay dacwadeeda waxba lagama qaban, Soomaaliyeey kaca oo gacmaha isqabsada oo iska celiya arrintaan wax halaga qabto” ayey markale tiri Ikraan Xasan. Dibadbaxyada lagu difaacayo nolosha dadka madow ayaa wixii ka dambeeyey dilkii George Floyd ayaa markale waxaa ay rajo galiyeen qoyska gabadhaan yar oo 12 jirka ah oo wadanka Ingriiska timid iyada oo qaxooti ah sandkii 2017kii, Catib Malik oo ah Qareenka u doodayo kiiska gabadhaan ayaa VOA-da u sheegay in kiiska dib loo furayo maalmaha soo aadan, duqa magaalada Manchester Unit Banham, ayaa dalbaday baaritaan qoto dheer la sameeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ramallah (Caasimada Online) – Maamulka Falastiin aya markii labaad diiday shixnad gar-gaar ah oo uga timid Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira in loo soo mariyey Yahuudda, sida ay baahisay wakaaladda wararka AFP. Tani waxay timid maalin kadib markii diyaarad ay leedahay Dowladda Imaaraadka oo gar-gaarka siday ay ka degtay garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv, sida uu baahiyay TV-ga Kan ee Israel laga leeyahay “Waxaan diidnay inaan guddoono deeqda sababtoo ah waxaa lasoo mariyey Israel,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha bulshada Falastiin Hussein al-oo la hadlay AFP. Markii hore, 21-kii bishii May ayaa Dowladda Falastiin waxay sidoo kale diiday in ay guddoonto kaalmo daawo ah oo ay siday siyaarad ay leedahay Imaaraadka Carabta, taasi oo ka degtay Ben Gurion. Dowladda Falastiin waxay diidmadeeda la xiriirisay xiriir la’aanta mas’uuliyiinta Imaaraadka. Imaaraadka Carabta, sababtoo ah Imaaraadka ayaa deeqda soo mariyey Israel, ayaga oo aan wax la tashi ama wargelin ah siin Falastiiniyiinta. Falastiiniyiinta waxay tani u arkaan yasmo iyo bahdilaan, sida ay sheegeen fallan-qeeyayaasha siyaasadda Carabta. Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale rumeysan in doorashada Imaaraadka Carabta ee ah in gargaarka ay kala shaqeeyaan Yahuudda ay tahay tallaabo la doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka ka dhaxeeya Israel iyo Imaaraadka. Gargaarka Imaaraadka ayaa imanaya ayada oo Israel ay isku diyaarineyso inay bisha July goosato dhulka Daanta Galbeed, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Mareykanka ee Bariga Dhexe. Israel ayaa rumeysan in haddii ay soo celiso xiriirka dalalka Carabta qaarkood sida Imaaraadka iyo Sacuudiga, ay Falastiiniyiinta ku qasbi karto inay aqbalaan qorshahan.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 26 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 532. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 61 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 25, Gobolka Benaadir 13, Galmudug 8,Koonfur Galbeed 8, Puntland 5, iyo Jubbaland 2 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,513. Bukaannada cusub 34 kamid ah waa rag, 27-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay hal bukaan ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 85 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in Maeylkanka looga baahan yahay in uusan ka hadlin arrimaha xiriirka labada Kuuriya waa haddii uu Mareykanku doonayo in doorashooyiinka madaxwaynanimada ay u dhacaan si hab-sami leh. Bayaan lagu baahiyay wakaalada wararka rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo KCNA ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay afkooda qabsadaan oo aysan arrimaha labada Kuuriya soo faragalin. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay xaliyaan dhibaatooyiinka gudahooda ka jira. Kuuriyada Waqooyi ayaa horraantii toddobaadkan jartay xiriirkii kala dhaxeeyay Kuuriyada Koonfureed ka dib markii ay Seoul ku guuldareysatay in ay joojiso warqado iyo qalab kale oo ay soo dirayeen dad u goostay dhanka Koonfurta. Hadalka ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo beegmay ka dib markii xukuumadda Washington ay sheegtay inay ka xuntahay in Pyongyang ay hakiso xiriirkii kala dhaxeeyay Seoul. Wadaxaajoodyadii ku saabsanaa soo afjaridda barnaamijka Niyukleerka Kuuriyada Waqooyi ayaa la isku mari waayay iyada oo ay jirto in ay kulmeen madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un. Xukuumadda Pyongyang ayaa walaac ka muujisay diidida Washington ay diiday inay dabciso cunaqabataynta saaran Kuuriyada Waqooyi. Waxaa hoos u dhacday rejadii laga qabay in qaab wadaxaajood ah lagu soo afjaro muranka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi. Laba kulan oo ay yeesheen madaxwayne Donold Trump yo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa wax heshiis rasmi ah aysan ku gaarin labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeisa. Ajandaha kulanka ayaa ku saabsanaa wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda dalka . Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey , sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad. kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo ismaaciil (xaliimo yareey). Wasiirka arimaha guddaha iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa goddoonka golaha shacabka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga uga warbixiyay wax ka badel ay si wadajir ah ugu sameeyeen Sharciga Axsaabta Siyaadda. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo ismaaciil Ibraahim (xaliimo yareey) sida wanaagsan oo ay uga wada shaqeeyeen wax-ka-beddelka iyo Kabista sharciga Axsaabta Siyaasadda dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mowlid Jigre heard gunshots as he left Jigjiga Business Center two days after the killing of George Floyd. He worried the chaos that had swallowed a stretch of East Lake Street less than a mile away would reach Jigjiga soon, and he was right: When he returned the next morning the building had been ransacked. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan, oo la hadlay Caasimada Online, ayaa noo xaqiijiyay in 30-ka bishaan dib loo furi doono duulimaadyada gudaha Soomaaliya, oo xayirnaa dhowr bilood. Xogo muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh arimaha duulimaadka lagu wargeliyay in 30-ka bisha uu si rasmi ah u furmi doono duulimaadyada Soomaaliya. Warqad laga soo saaray hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda gaadiidka ayaa lagu sheegay in duulimaadyada Soomaaliya ay furmi doonaan 30-ka bisha June sanadka 2020, saacaduna tahay shan saac kontan iyo sagaal daqiiqo. Warqadaan oo lala wadaagay Caasimada Online, balse laga codsaday inaysan baahin ayaa lagu sheegay in wixii xiligaasi ka dambeeyo ay shaqeyn doonaan duulimaadyada Soomaaliya. Isniintii la soo dhaafay ayaa la qorsheeyay in la furo duulimaadyada Soomaaliya hase waxaa dib loo dhigay amar soo baxay xiliga dambe ee Axaddii todobaadkaan iyadoo aan la sheegin sababta. Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bishan June, dowladduuna weli sooma saarin amar shaacsan oo lagu dheereeyey, hase yeeshee duulimaadyada ayaa weli hakad ku jira.
-
Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeisa. Ajandaha kulanka ayaa ku saabsanaa wax-ka-beddelka iyo Kabista waxa loogu yeeray Sharciga Xisbiyada dalka. Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad. kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo ismaaciil (xaliimo yareey). Wasiirka arimaha guddaha iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa goddoonka golaha shacabka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga uga warbixiyay wax ka badel ay si wadajir ah ugu sameeyeen Sharciga Axsaabta Siyaadda. PUNTLAND POST The post Wasiir Sabriye iyo guddoomiye Xaliimo Yareey oo hortagay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa sharaxaad ka bixiyey qoraalkii uu Mareykanka shalay kasoo saaray xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyo sababta ay dowladda ugu qasban tahay inay dhageysato. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Caynte Bismillah, Haddii hadalkii shalay uu ahaa farriin lasoo dhigay barta Twitter ka, maanta warmurtiyeed faahfaahsan buu Mareykanu soo daba dhigay. Waxaan arkay dad badan oo leh “dal madax bannaan ayaan nahay, shisheeyana hadal ugama furna amuuraheenna gudaha. Waxaan dhihi lahaa, fadlan qiimeeya qodobbadan soo socda: Soomaali heshiis ma aheyn tan iyo 1969-kii markii askartu qoriga caaraddiis ku qabsatay dalka, dastuurkii heshiiska lagu ahaana ay laaleen. Soddonkii sano ee u dambeeyay, colaad sokeeye ayaa na ragaadisay. Reer walbana xaafaddoodii ayay ku laabteen markii lagu heshiin waayay qarankii naga dhaxeeyay. Inkastoo aan dowlad caalamku aqoonsan yahay leennahay, haddana wali ma lihin tiirarka dowlnimada waarta, sida heshiis bulsho (dastuur), si dhab ahna loogama heshiin colaaddii gaamurtay. Dadkuna madaxdooda ma doortaan. Dowladdeennu kam taliso inta badan dalka oo gacanta ugu jira dowlad goboleedyo iyo Al-Shabaab. Inta ay gacanta ku haysana waxaa ku ilaalinayay 20 kun oo AMISOM ah 14-kii sano ee lasoo dhaafay. Ku dhawaad 70% miisaaniyadda Dowladda waa deeq ka timid saaxiibbada Soomaaliya. Deeq bixiyaha ugu weyn 20kii sano ee lasoo dhaafay, isla markaana ah dalka ay ciidankiisa cirku joogtada ula dagaallamaan argagixisada Shabaab, waa Mareykanka. Intaas ayaana xaq u siineysa inuu talo usoo jeediyo madaxda Soomaalida. Haddii aan heshiis aan laheynna looma baahdeen taladaas. Runtaas sida sibirka u qaraar haddaannaan isku sheegin, dhalanteed ayaan isugu bishaareyneynaa. Wabillahi Towqfiiq.
-
Madaxda sare ee Somalia oo Isbaheysi iska soo horjeeda sameysanaya & xaalada oo laga dayrinaayo Dalka ayaa xiligan galay xaalad siyaasadeed oo jahwareer wata, waxaana wali kala cadeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa ,xili waqtiga u haray Baarlamaanka iyo Madaxda sare ee dalka ay bilooyin yar ka harsan yihiin. Madaxda sare ee dalka ayaa siyaabo kala duwan u shaaciyay in dalka ka dhaceyso doorasho waliba xiliga loo qorsheesyay , hasa ahaatee madaxda ayaana wali sheegin nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo sida looga gudbayo caqabadaha adag ee xiligan taagan. Go’aankii Ra’isul Wasaare Kheyre ku shaaciyay in doorasho dhaceyso ayaa dhabaha u xaaray boor isku qariska Madaxtooyada oo mudo ka aamusaneyd qabsoomida doorashada, waxaana go’aanka kheyre abuurtay xiisad siyaasadeed. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha , Gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha isku khilaafsan yihiin doorashada dalka ka dhaceysa iyo qaabka loo wajahayo. Madaxda sare ayaa hada bilaabay in is kooxeesi dhaxdooda ah ay sameestaan , waxaana la sheegay in Madaxweyne Farmaajo hada isku ra’yi yihiin Gudoomiyaha golaha shacabka, Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Aqalka sare iyo R/Wasaare kuxigeenka dalka . Dhinaca kale ayaa la sheegay in aragti ahaan aad isugu dhaw yihiin Gudoomiyaha Aqalka sare, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee aqal sare, waxaana garabkan aragti ahaan kala duwan yihiin Garabka Farmaajo hogaamiyo. Khilaafka iyo kala aragti duwanaashaha doorashada dalka iyo nuuca ay noqneyso ayaan wali si rasmi ah aysan uga wada hadlin labadan garab, hasa ahaatee wararka laga helayo ilaha ku dhaw dhaw ayaa muujinaya in kala aragti duwanaasho weyn ay jirto. Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa sidoo kale la sheegay in aragti ahaan kala raacsan yihiin madaxda sare ee dalka, waxaana sadex kamid ah maamul goboleedyada soo dhaweeyeen baaqii Aqalka sare halka labo maamul kale wali warkooda la dhoorayo. Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ayaa la sheegay in aragti ahaan xiligan aad u kala duwan yihiin, waxaana labada masuul isku hayaan doorashada xiliga ay dhaceyso iyo waliba nuuca ay noqon doonto. Famaajo iyo Kheyre ayaa sidoo kale la sheegay in aysan isku raacsaneyn cida hogaamineysa xisbiga Nabad iyo nolol iyo waliba musharaxa rasmiga ah ee doorashada ku matali doono xisbiga talada dalka hada haya. Beesha Caalamka ayaana cadaadis xoogan xiligan ku saareysa madaxtooyada Soomaaliya in wadahadal la furto maamul goboleedyada dalka si looga arinsado doorashada dhaceysa iyo waliba nuuca ay dhaceyso. Qaran News
-
Turkey oo diiday qorshe ay Masar u soo jeedisay Libya oo lagu badbaadinayo Fadeexaduu wajahay Dagaal ooge khaliifa Haftar Turkey ayaa Arbacadii diiday hindise xabad-joojin looga hirgelinayo Libya oo ka yimid Masar, ayada oo sheegtay in qorshahaas looga dan leeyahay in lagu badbaadiyo Jeneral Khalifa Haftar kadib markii uu fashilmay weerarkii uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, waxaa sidaas weriyey wargeyska Hurriyet. Dowladda Turkiga waxay taageertaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ra’iisul wasaare Fayez al Serraj, kaasi oo ciidamadiisa ay toddobaadyadii dhowaa iska caabiyeen weerar socday 14 bilood oo ay wadeen ciidanka Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka. Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin billaaban lahayd Isniintii, taasi oo qeyb ka ahayd hindise sidoo kale soo jeediyey gole hoggaan oo la dooranayo oo loo dhiso Libya. Qorshahan ayaa waxaa taageeray Imaaraadka Carabta iyo Ruushka. Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa ugu gacan seeray hindisaha inuu yahay isku day lagu badbaadinayo Haftar kadib guuldarrooyinkii ku gaaray aagga dagaalka. “Dadaalka xabad-joojinta Qaahira wuu dhintay. Haddii ay tahay in la saxiixo xabad-joojin waa inay ka dhacdaa madal isku keeneysa dadka oo dhan,” ayuu Cavusoglu u sheegay wargeyska Hurriyet. “Baaqa xabad-joojinta lagu badbaadinayo Haftar nooguma muuqdo mid caddaalad ah ama aan aamini karno.” Cavuosglu ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto wadahadallada ay la leedahay dhammaan dhinacyada si xal loogu helo Libya, hase yeeshee xalka noocaas ah uu baahan yahay inay heshiis ku yihiin labada dhinac. REUTERS + VOA Qaran News
-
Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.con ay heleen ayaa xaqiijinaya in Safaarada Maraykanku ay Xiriir ay la sameeyeen UNSOM ay ka wada hadleen Xaalada Siyaasadeed ee [...] The post Breaking News— Maraykanka oo QM ka codsadey iney shir u qabtaan Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka appeared first on . Source
-
Turkey ayaa Arbacadii diiday hindise xabad-joojin looga hirgelinayo Libya oo ka yimid Masar, ayada oo sheegtay in qorshahaas looga dan leeyahay in lagu badbaadiyo Jeneral Khalifa Haftar kadib markii uu fashilmay weerarkii uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, waxaa sidaas weriyey wargeyska Hurriyet. Dowladda Turkiga waxay taageertaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ra’iisul wasaare Fayez al Serraj, kaasi oo ciidamadiisa ay toddobaadyadii dhowaa iska caabiyeen weerar socday 14 bilood oo ay wadeen ciidanka Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka. Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin billaaban lahayd Isniintii, taasi oo qeyb ka ahayd hindise sidoo kale soo jeediyey gole hoggaan oo la dooranayo oo loo dhiso Libya. Qorshahan ayaa waxaa taageeray Imaaraadka Carabta iyo Ruushka. Cavuosglu ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto wadahadallada ay la leedahay dhammaan dhinacyada si xal loogu helo Libya, hase yeeshee xalka noocaas ah uu baahan yahay inay heshiis ku yihiin labada dhinac. PUNTLAND POST The post Turkey oo diiday qorshe ay Masar usoo jeedisay Libya appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay iska soo daba dhacayey taageerada ay qeybaha kala duwan ee bulslada Soomaaliyeed, siyaasiinta, axsaabta dalka, isbaheysiyada, dowlad goboleedyada iyo xataa beesha caalamkaba u muujinayaan go’aanka uu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ku dhexgalayo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ah iyo guddiga uu arrinkaas u saarayo. Hey’adda culimada Soomaaliyeed iyo guud ahaan culimada oo hormuud ka ahaa dib u heshiisiinnadii hore ayaan weli ka hadlin baaqa aqalka sare, sidaasi darteed Goobjoog News ayaa la xiriirtay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo aan baaqa aqalka sare wax ka weydiinney waxaa uu hadalkiisa ku soo koobay “ Arrintaas siyaasisad weeye, weli kama hadlin, kamana shirin”. Dhankiisa, Sheekh Cali Wajiis ayaa soo dhoweeyey tallaabada aqalka sare isaga oo yiri “Talada ay soojeediyeen aqalka sare waa mid dhaxalgal ah, oo ah iney dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada wada tashtaan, oo mustaqbalka laga hadlo, arrintaas waa waajib diini ah, sunno ma aha”. Sheekh Cali Wajiis oo sii hadlaya waxaa uu intaas ku daray “Arrinta guddoomiyaha aqalka sare iyo ku-xigeenkiisa 1-aad hormuudka ka yihiin oo sida aan ka fahmay ah in la isku yimaado, waa ku saxan yihiin 100%”. Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah oo ah wakiillada dowlada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ay ku leeyihiin baarlamaanka federaalak ah iyo dowladda dhexe ayaa go’aan ku gaaray inuu xal u helo khilaafka u dhaxeeya dowladda fedeaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxayna u saarayaan guddi uu hoggaaminayo guddoomiye Cabdi Xaashi, arrintaasina waxaa si weyn u soo dhoweeyey Soomaalida iyo beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Fierce clashes between Somali regional forces of Jubaland and al-Shabab fighters erupted on Wednesday night in Gedo region of southern Somalia. officials confirmed on Thursday. The fight erupted after Al shabab fighters attacked a military base in Elwak, a small town close to the Kenyan border which is under the control of Jubbaland forces. A local resident told Caasimada Online that both sides exchanged heavy and small weaponry that could be heard from remote distances during the confrontation. There are casualties although the casualty figures on both warring sides have not been established. Added the local resident. There was no immediate comment from Jubbaland forces and Al Shabaab regarding the attack and the subsequent fighting. The latest clashes came barely three days after Somalia national army killed at least eleven al-Shabab militants in an operation near Abal village in the country’s southern region Bakool. Southern regions of Somalia have become the battleground of clashes between the government forces and al-Shabab extremists after the militants were chased from the capital in August 2011 by Somali army and African Union forces.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: Recovery of tourism in Africa could drive recovery of African economies Recovery and resilience were the central themes of the meeting which discussed the economic impacts of the COVID-19 pandemic on the tourism sector in Africa ADDIS ABABA, Ethiopia, June 10, 2020/ — “Recovery of tourism in Africa could drive recovery of African economies”, said H.E. Dr Amani Abou-Zeid, AU Commissioner for Infrastructure and Energy, in her address to the 63rd United Nations World Tourism Organisation’s Regional Commission for Africa (CAF). The first ever virtual meeting of the UNWTO’s CAF was held on 8 June 2020, with active participation of 140 participants from 30 countries, including 24 Ministers of Tourism and representatives of 10 international organizations. Recovery and resilience were the central themes of the meeting which discussed the economic impacts of the COVID-19 pandemic on the tourism sector in Africa, improving the Continent’s resilience, stimulating tourism recovery and urgent mitigation measures and guidelines for the sector as key driver of sustainable development in the Continent. In her address, Commissioner Abou-Zeid highlighted the importance of tourism industry to Africans economies as it employs over 20 million people, i.e. 6.5% of the total workforce and even 20% in some African countries – half of whom are women – and accounts for 8-10% of the continent’s GDP. She explained that, not only the crisis has severely hit the sector bringing it to a standstill , but is also badly affecting Aviation — challenging the viability of african air transport as never before in history Dr Abou-Zeid underlined that domestic and intra-African tourism are likely to cushion some of the negative impacts of the coronavirus outbreak on the sector. She called on Member States, RECs and regional organisations to step up efforts to promote and develop regional tourism in Africa within the African Union Tourism Strategic Framework 2019-2028 which was approved last year. The strategic framework is one of Africa’s flagship projects aiming at integrating the Continent through tourism and positioning Africa as the preferred tourist destination globally. She also reminded the audience that supporting innovative digital solutions and platforms can provide powerful tools for a thriving and competitive African Tourism and emphasised the importance of green recovery and sustainable tourism. “Africa tourism’s sector has proven its capacity to bounce back and multiply recovery to other sectors. We must jointly implement recovery plan and build a roadmap towards a sustainable, innovative & resilient African tourism” added Dr Abou-Zeid. Mr Zurab Pololikashvili, the UNWTO’s Secretary-General said “In an unprecedented shock, the COVID-19 pandemic has cut international tourist arrivals in the first quarter of 2020 sharply down. Available data points to a double-digit decrease of 22% in Q1 2020, with arrivals in March down by 57%. This translates into a loss of 67 million international arrivals and about USD 80 billion in export revenues from international tourism in just three months. Arrivals to Africa in the first quarter are estimated to be down 12%.” Addressing the meeting, Hon. Najib Balala, Minister of Tourism of Kenya & Chair the UNWTO Executive Council said “In the wake of this pandemic, Africa needs this wake-up call and this maybe our time. We have to build transport networks and infrastructure within the Continent, so that we can interlink and connect Intra-Africa and promote travel within Africa.” Many African Ministers highlighted that tourism potential in Africa can turn the COVID-19 crisis into an opportunity for intra-African tourism. They agreed on the urgent need to work together in designing a continental roadmap both for the response to the crisis and in preparation for the post-pandemic recovery. Distributed by APO Group on behalf of African Union (AU). View multimedia content SOURCE African Union (AU) Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa Arbacadii diiday hindise xabad-joojin looga hirgelinayo Libya oo ka yimid Masar, ayada oo sheegtay in qorshahaas looga dan leeyahay in lagu badbaadiyo Jeneral Khalifa Haftar kadib markii uu fashilmay weerarkii uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, waxaa sidaas weriyey wargeyska Hurriyet. Dowladda Turkiga waxay taageertaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ra’iisul wasaare Fayez al Serraj, kaasi oo ciidamadiisa ay toddobaadyadii dhowaa iska caabiyeen weerar socday 14 bilood oo ay wadeen ciidanka Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka. Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin billaaban lahayd Isniintii, taasi oo qeyb ka ahayd hindise sidoo kale soo jeediyey gole hoggaan oo la dooranayo oo loo dhiso Libya. Qorshahan ayaa waxaa taageeray Imaaraadka Carabta iyo Ruushka. Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa ugu gacan seeray hindisaha inuu yahay isku day lagu badbaadinayo Haftar kadib guuldarrooyinkii ku gaaray aagga dagaalka. “Dadaalka xabad-joojinta Qaahira wuu dhintay. Haddii ay tahay in la saxiixo xabad-joojin waa inay ka dhacdaa madal isku keeneysa dadka oo dhan,” ayuu Cavusoglu u sheegay wargeyska Hurriyet. “Baaqa xabad-joojinta lagu badbaadinayo Haftar nooguma muuqdo mid caddaalad ah ama aan aamini karno.” Cavuosglu ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto wadahadallada ay la leedahay dhammaan dhinacyada si xal loogu helo Libya, hase yeeshee xalka noocaas ah uu baahan yahay inay heshiis ku yihiin labada dhinac. REUTERS + VOA
