Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari oo kaashanaya Ciidanka PSF ayaa xalay fashiliyay Qarax nooca dhulka la geliyaa oo ay aasayeen kooxo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish. Qaraxaas oo la doonayay in lagu aaso bartamaha Magaalada Boosaaso ayaa ciidamadu ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan ka hor intaan la aasin balse waxa goobta ka baxsaday Kooxdii Qarax wadday. Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in kooxdii Qarax sidday oo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish ay goobta ka baxsadeen balse gacanta lagu dhigay Gaarigii ay wateen. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaan ku aaddan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii watay Qaraxa iyo Gaariga oo Magaalada ku dhex fakaday kadib markii la fashiliyay Qorshahoodii. PUNTLAND POST The post Laamaha Amniga Puntland oo fashiliyay Qarax lagu aasayay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  2. ADDIS ABABA, May 19 (Xinhua) -- Djibouti's Ministry of Health has announced 117 new COVID-19 cases, bringing the total number of confirmed cases in the Horn of Africa nation to 1,518 as of Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  3. The flight carrying medical aid for Palestinians took place despite the UAE and Israel having no formal ties. Source: Hiiraan Online
  4. In an unprecedented step, the National Bank of Ethiopia (NBE) has limited cash withdrawals for individuals and businesses from commercial banks and other financial institutions. Source: Hiiraan Online
  5. Djibouti is better known as a strategic outpost than a hotbed of music but Groupe RTD, the country's national radio band, are one of its best kept secrets. By day they play at official ceremonies, off duty they let rip their love of American jazz, Indian Bollywood, Jamaican reggae and Somali funk. Source: Hiiraan Online
  6. The State of Qatar is making efforts to patch its differences with Somaliland during this COVID-19 period with humanitarian and medical aid. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU, May 19 (Xinhua) -- Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 47 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,502. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa si kulul uga hadlay duqeymo culus oo labadii habeen ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo ee koonfurta dalka. Khasaare nafyo iyo maaba leh ayaa ayaa lagu soo waramayaa in dad rayid rayid ah, xoolahooda iyo duur joogba ay kasoo gaaray duqeymaha diyaaradaha Kenya habeenadii lasoo dhaafay ka fuliyeen, deegaano ay ka mid yihiin, Cows-Qurun, Kaakuma, Lafa-Geri, Buusaar iyo Faxfaxdhuun oo ka wada tirsan gobolka Gedo. Korneyl Xasan Aadan Biixi, waa saraakaal ka tirsan militeriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo, wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ee maagalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay duqeymo aan ka fiirsi laheyn ka fuliyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo, taasna ay ka jawaabi doonto dowladda Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka war qabto duqeymaha iyo dhibaatooyinka ay dowladda Kenya u geysaneyso shacabka Soomaaliyed, taasna lagula xisaabtami doono. “Dowladda Soomaaliya way ogtahay mana mooga waxa dadkeeda iyo dalkeeda ku dhacaya, wayna ka jawaabi doontaa, qorshaheedana wey ku jirtaa sidii ay uga jawaabi laheyd, iska daad dadka, duunyada, iyo duur-joogta dhimanayee, dhulka burburay, maalka iyo geedaha go’aya, xisaabta ay leeyihiin Kenya way dhedhemineysaa mar aan dheereyn” ayuu yiri Korneyl Xasan Aadan oo ka tirsan militeriga Soomaaliya. Waxuu sheegay in goobaha ay beegsadeen diyaaradaha Kenya ay yihiin dhul daaqsimeed ay ku noolyihiin dad Soomaaliyeed oo reer guuraa u badan, kuwaas oo khasaare badan uu kasoo gaaray, iyaga iyo xoolahooda. “Habeenadii lasoo dhaafay waxaa dhul balaaran oo dad, duunyo iyo duurjoog intuba ku noolyihiin beegsaday diyaaradaha Kenya, xalay oo u dambeysay deegaano ay ka mid yihii Sama-roone iyo Ciise-guul iyo dhul badan oo dhaca bariga gobolka Gedo ayey duqeeyeen, dhulkaas waxaa degan dad u badan reer guuraa waxaa ku yaalla webiyaal aad loo cabo iyo tuulooyin camiran, waxaa ku nool duur joog aad u badan, khasaaruhuna ma yara dad, xoolo iyo duur joogba waa lagu le’day” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Aadan Biixi oo ah sarkaal ka tirsan xoogga dalka. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Korneel-Xasan-Aadan-biixi-.mp3
  9. Maanta 29 sano ayaa laga joogaa markii ay Soomaliland iclaamiysay gooni isu-taagga. Ubadkii xiliga dhashay, hada waa masuul talada qeyb ka ah. Haddaba si jiilka noocaas ah loogu qanciyo wadajir iyo midnimo Soomaali waa arrin u baahan aragti, dhabar adeeg iyo hogaan ku dhacleh. pic.twitter.com/ORCt1Ic20q — Abdikarim Hussein Guled (@AHGuled) May 18, 2020 Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa guddoomiye cusub iyo ku-xigeenadiisa u magacaabay maamulka gobolka Gedo, isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa 7-dii March isu dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxa uuna wixii ka dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu yimid. Si kastaba, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaan xilka ka qaadin Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen welina sooma dhisin gole wasiiro oo cusub, taasi weli sharciyan kusii hayneysa xilkiisa. Cabdiraxmaan ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo u magacaabay Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, oo aad ugu xiran uguna dhow dowladda federaalka Soomaaliya. Macalimuu ayaa muddo ahaa guddoomiye ku-xigeenka Gedo iyo sii-hayaha xilka guddoomiyaha. Waxa uu sidoo kale magacaabay gudoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasada: Maxamed Cali Xuseen. Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee maaliyadda: Nasteex Cabdi Saalax, iyo madaxa arrimaha bulshada ee gobolka: Ibraahim Maxamed Gubow. Xubnaha dowladda federaalka taageersan ee gobolka Gedo ayaa weli sheegtay magaca Jubaland, oo ay u muuqato mid ay maamulkaas kula sheeganayaan maamulka Axmed Madoobe. Si kastaba, ma cadda sharciyadda uu Cabdiraxmaan u haysto xilalka uu magacaabay iyo sida arrintan ay u shaqeyn doonto. Hoos ka arag warqadda uu soo saaray wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubaland
  11. Dalka Sanad walba xujaajta ugu badan ka yimaadaan oo Dalka Sucuudiga ka Sugaya inuu shaaciyo Go’aanka kama Dambaysta ah ee Xajka Sanadkan 2020 Xukuumadda Indonesia ayaa ku booriysa boqortooyada Sucuudiga inay ku shaaciso go’aanka ka dambaysta ah ee ay in Xajka Sanadkan la qabanayo iyo in la joojinayo Cudurka Coronavirus awgiis Oman Fathurahman, oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda Diinta iyo awqaafta ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in Sucuudigu soo saaro go’aanka Xajka sanadka ka hor inta ayan soo gabagaboobin bisha ramadan Indonisia ayaa ah dalka ay ku noolyihiibn Muslimiinta ugu badan Caalamka, waxaana sanad kasta ka soo xajiya xujay lagu qiyaaso labo boqol iyo labaatan kun oo qof (221,000). Dad ka badan labo milyan oo qof oo Muslimiin ah ayaa sanadka soo guto waajibaadka Xajka, 75% Dadkaasi waxay ka yimaadaan adduunka dacaladiisa. Boqortooyada Sucuudiga waxaa aafeeyay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, dad ka badan 50 kun qof ayuu cudurku ku dhacay, waxaana u geeriyooday 320 qof. Dhaqaalaha Boqortooyada Sucuudiga oo aad ugu tiirsanaa Dhoofka Saliid Cayrin ayaa waxaa saameeyay hoos u dhaca dhaqaale ee guud ahaan caalamka ee uu sababay cudurka Coronavirus. Sucuudiga waxaa kalo dhaqaale ka soo geli jiray Malaayiinta qof oo dalkaasi u yimaada cimrada iyo xajka. Qaran News
  12. Garowe (Caasimada Online)- Iyadoo Puntland ay xaalado cakiran oo dhanka amniga ah ka jireen maalmahii lasoo dhaafay, hadana waxaa kasii darat khilaaf u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa maamulka, waxeyna arrintu gaartay in dagaal dhanka warbaahinta ah uu yimaado. Khilaafkan ayaa maraya heer madaxweyne ku-xigeenka Puntland laga mamnuuco inuu adeegsado warbaahinta maamulka, taasi oo ku qasabtay inuu abuurto bogag u gaar ah. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii hore isku khilaafay xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka madaxtooyada. Madaxweyne Deni ayaa xilka ka qaaday taliye ku xigeenkii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada, wuxuuna durba magacaabay mid kale, arrintaas waxaa kasoo horjeestay ku xigeenkiisa Karaash, oo waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadista iyo magacaabista labadaba. Walaac weyn ayaa soo kordhay kadib markii khilaafka uu u gudbay dhanka warbaahinta, tacsi uu Axmed Karaash u diray gudoomiyahii gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay ayaa laga saaray bogga talafashinka Puntland oo markii hore lagu daabacay. Xaaladda waxey kasii dartay markii bogga madaxtooyada maamulka Puntland aan lasoo galin tacsi uu Karaash u diray ehalada gudoomiyahii gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay, hase yeeshee in wararkiisa lasoo galiyo boggaas waxaa ugu dambeysay horaantii April xilli uu la kulmay guddi gurmad ah. Ugu dambeyntii Axmed Cilmi Cismaan Karaash wuxuu go’aansaday inuu sameysto bog cusub uu ku faafiyo waxqabadkiisa, kaas oo durba gilgilay baraha bulshada Soomaalida.
  13. Dacwaddii muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo dhigay+Waqtiga loo mudeeyay & sababta loo cuskaday Labada waddan mid walba wuxuu sheeganayaa inuu leeyahay biyahan oo ku fadhiya dhul lagu qiyaasay 1,000km oo isku wareeg ah Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. War maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas. Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka. 15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay. Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, codsi ka yimid Kenya dartiis, hase ahaatee markan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista. Dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay si weyn uga biyo diidsaneyd dib u dhigista dacwadda ayaa hadda sheegtay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan dowladda Federaalka oo goor dhaweyd ay la xiriirtay BBC-da ayaa yiri: “Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go’aanka maxkamadda. Jadwalka cusub ee dacwadda Khariidadda muranka badda Kenya iyo Soomaalia Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood. Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad. 03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad. Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad. 03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad. Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad. Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad. Soomaaliya waxay ka soo horjeedday dib u dhigis hor leh Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu madax u yahay kooxda Soomaaliya u qaabilsan dacwadda Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay Kenya ku eedeeyay inay isku dayeyso dib u dhigis kale oo lagu sameeyo dacwadda muranka xadka badda ee u dhaxeeya labada waddan, taasoo hor taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Kiiska ayaa markii hore qorshuhu ahaa inuu billowdo horaanta bisha June ee foodda nagu soo heysa. Kenya ayaa dhankeeda codsi u dirsatay maxkamadda, si mar kale loo siiyo waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo, maadaama hadda uu dhibaato abuuray xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo waxyaabo badan xannibay. Waxay xukuumadda Nairobi codsigeeda sal uga dhigtay in cudurka coronavirus uu waxyeello gaarsiiyay dhaqaalaheeda iyo qorsheyaasheedii ku aaddanaa diyaarinta qareenno u dooda. Soomaaliya ayaa kiiskan markii ugu horreysay u gudbisay maxkamadda sanadkii 2014-kii, iyadoo ka dacwooneysay Kenya. Bishii September ee sanadkii 2019-kii ayaa la filayay inay dacwadda furanto, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid Kenya awgiis. Qaran News
  14. Gabadhii Talyaaniga ahayd ee Muslintay ” Caa’isha” oo Aayado quraan ah ugu jawaabtay dadkii u hanjabay Hadal-heynta warbaahinta dalka Talyaaniga waxaa qabsaday sheeko ku saabsan Silvia Romano oo boggeeda Facebook-ga kusoo qortay aayado quraan ah oo ay ku fasirtay luuqaddeeda. Ficilkan ayaa u muuqda mid ay Romano ugu jawaabeyso dadka hanjabaadaha iyo dhaleeceynta ugu jeedinaya baraha bulshada. Silvia ayaa dhawaan dib ugu laabatay dalkeeda kaddib markii laga sii daayay afduub muddo labo sano ah loogu heystay Soomaaliya. Muran hor leh ayey horseedday markii ay soo qortay aayadaha quraanka ah oo dadka ay fikrado badan oo kala duwan ka qaateen ujeeddada ay ka leedahay. Labada aayadood ee ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga ayaa ku jira suuradda Fusilat. Shukri Siciid, oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan Talyaaniga ayaa BBC-da u sheegtay in siyaabaha loo fasirtay ujeeddada Silvia ay ka mid tahay in laga shakisan yahay inay difaaceyso qolyihii afduubtay. “Hadalkeeda macnihiisa anigu waxaan u fasirtay in maadaama dadka xagjiriinta lagu tilmaamo ee loo aaminsan yahay inay yihiin dad xun ay iyadu leedahay dadkaas aad cadowgaaga u aragtid ee aniga xorriyaddeyda iga qaaday waxaa dhici karta inay saaxiibbadaada dhow noqdaan, laakiin samir bay u baahan tahay. Marka waxaad meeshaas ka dhuuxeysaa in iyada iyo nimankii heystay oo ay u afduubneyd ka gudbeen xadkii qof la heysto iyo qof wax heysta,” ayey tiri Shukri. Wargeysyada kasoo baxa talyaaniga ayaa aad u falanqeynaya tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadday Silvia, xilli markii hore uu taagnaa muran xoog leh oo ka dhashay islaamnimadeeda. Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa dhawaan furtay baaritaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Silvia Romano, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA. Kiiska ayaa ilaa hadda socda, waxayna gabdhan ay mar kasoo muuqatay maxkamadda kiiskeeda dhageysaneysa. Naceybka Silvia loo muujinayay ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxayna dad badan ku doodayeen in ay khalad ahayd sii deynteeda iyo dadaalkii ku baxayba. Ciidammada sirddoonka Talyaaniga ayaa sheegay in soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Silvia, oo la baxday Caa’isha, ayaa si weyn loo soo dhaweeyay markii ay ku laabatay Talyaaniga Silviya ayaa markii ay dib ugu laabatay magaalada ay kasoo jeeddo ee Milan waxaa lagu soo warramay inay la kulantay culeys uga imaanaya dhinaca bulshada, maadaama lagu dhaliilayo inay diinta islaamka qaadatay xilli afduub loo heystay. Warbaahinta dalkaas ayaa soo tabisay in mar gurigeeda lagu tuuray quraarado. Guddiga bulshada muslimiinta ah ee magaalada Milan ayaa soo dhaweyn u sameeyay Caa’isha, waxayna ballan qaadeen inay difaaci doonaan rabitaankeeda. Laakiin farriin ay u dirtay ayey ugu sheegtay inaysan wax garab ah u baahneyn xilligan, oo iyadu ay isku filantahay, waxayna uga mahad celisay jacaylka ay u muujiyeen. Bartamihii bishan, Xildhibaan ka tirsan garabka midig ee dalka Talyaaniga ayaa canaan weyn la kulmay kaddib markii uu “Argagixiso cusub” ku tilmaamay Silvia. Alessandro Pagano, oo ah mudane baarlamaanka u matalaya xisbiga qaxootiga neceb, ayaa soo hadal qaaday Silvia Romano, mar uu ka cabanayay waxa ay dowladda uga caga jiideysay in dib loo furo kaniisadaha, xilligan lagu jiro xayiraadda uu sababay cudurka coronavirus, inkastoo markii dambe la furay. Pagano wuxuu sheegay in “fikir diin naceyb ah” uu ku jiro xukuumadda isbahaysiga ah ee hadda dalka Talyaaniga maamusha, wuxuuna intaas ku daray in “sidaasoo ay tahay markii ay gabadha argagixisada cusub ah dalka dib ugu soo laabatayna…” Hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu ku durayay go’aanka ay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda ku salaameen Silvia Romano, islamarkii ay garoonka diyaaradaha kasoo dagtay. Caa’isha Romano oo waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfurta bari ee Kenya. Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda ayaa garoonka diyaaradaha uga hor tagay markii ay Silvia kasoo dageysay magaalada Rome ee caasimadda dalkaas. Wararka la xiriira Silvia (Caa’isha) ayaa isasoo tarayay isbuucyadii lasoo dhaafay, bulshada Talyaaniga ayaana u muuqda inay ku kala qeybsan yihiin xaaladdeeda, xilli qaarkood ay dhaliilayaan kuwo kalena difaacayaan. Qaran News
  15. Riyadh (Caasimada Online) – Twitter-ka waxaa ka billowday olole looga soo horjeedo Fatastiin oo loogu magac daray “Falastiin ma ahan qadiyadayda”, kaasi oo dad badan rumeysan yihiin inuu jawaab u yahay sawir gacmeed uu farshaxamiiste reer Falastiin ah uu ku aflgaadeeyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Waxaa la rumeysan yahay in Dowladda Sacuudigu la safatay Israel, islamarkaana ay ka dambeyso faafinta hashtagga #فلسطين_ليست_قضيتي, si ay u faafiso qoraalo ujeedkoodu yahay olole wasaqayn ah oo ka dhan bulshadda Falastiin iyo taageeroyaashooda. Sida uu daabacay Wargeyska The Jerusalem Post, Falanqeeye siyaasadda Falastiin oo ku sugan Ramallah, ayaa sheegay “ shaki kuma jiro in dad dhowr ah oo kasoo jeeda Sacuudiga ay ka dambeeyaan ololahaan. Sidoo kale waa ay caddahay in ay taageero ka helayaan Israel.” Intaas waxaa dheer sawirro muujinaya hooyo u dhalatay Falastiin oo quudineeysa ilmaheeda iyadoo isticmaaleysa dhalo lagu qoray “Nacayb iyo Khiyaano,” sidoo kale hadalheynta Twitter-ka waxaa ku jiray qoraalo dadka Falastiin ku eedeynaya dad aan la aamini karin oo nacayb uu ka buuxo islamarkaana ay abuurayaan kicin ka dhan ah Sacuudi Carabiya. Qoraal uu soo qoray nin u dhashay Sacuudiga oo twitter-ka ku soo gala Mohamed Alsalboukhi ayaa ku eedeeyay dadka Falastiin in aan la aamini karin islamarkaana ay dhulkooda ka iibinayaan Yahuudda. Qoraal kale waxaa uu ku yiri “ Muxuu Sucuudigu ka helayay taageeradda Falastiin tobanaan sano ka hor, malaayiinta uu siinayay iyo dhismaha Falastiin iyadoo qaar Falastiiniyiinta ka mid ah ay u imaanayeen inay Sacuudiga weeraraan… cayaartaasi waa ay dhamaatay, af cidlo ah hanoogu qoslinina.” Xiriirka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Falstiin ayaa xumaa labadii sano ee lasoo dhafaay, sababo la xiriira xiriirka dhow ee boqortooyadda kala dhaxeeya Maraykanka iyo Israel. Xiisadda labada dal u dhaxaysa ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay markii maamulka Donald Trump uu shaaca ka qaaday arrinta muranka dhalisay ee uu ku tilmaamay “heshiiskii qarniga”. Sacuudigu waxaa ka mid ahaa taageroyaasha qorshaha Maraykanka, kaasi oo Israel siinaya dhulka Fastiin ee Qudus. Dad badan ayaa ka falceliyey qoraalka twitter-ka ee Sacuudiga, waxayna abuureen halheys ah “Falastiin waa qadiyadayda,” waxayna ku doodayeen in meel looga soo wada jeesto hindisaha lagu caburinayo Falastiin. Qaar ka mid ah qoraaladda ayaa ku sheegay Maxamed Bin Salmaan inuu yahay “Yahuud kal-kaal”. Saxafiga Majed Abdel Hadi ayaa difaacay dadka Falastiin waxaana uu xaqiijiyay in Falastiiniyiintu ay safka hore u taaganyihiin in ay iska difaacaan duulaanka Yahuud kal-kaalka. Waxaa uu qoray “laakiin waxaad leedahay walaalo Yahuud kalkaal ah kuwaas oo riyal lasiiyo si ay u taageeraan. Kadiba si khaldan ayey ugu eedeynayaan in uu dhulkooda iibinayo.” Ahmed Al-Baqri oo u dhashay Masar ayaa ka dhawaajiyay in Falastiin uu ku socdo weerar qaraar oo beegsanaya dhulkooda iyo taariikhdooda: “maamul uun, qaran madax banaan oo Falastiin leedahay ayaa ku soo biiri doona dadka kale ee aduunka, kasokoow cadowga iyo xulafadiisa.” Dad badan aya sidoo kale ka digay khatarta ay ledahay in mas’uuliyiinta Sacuudigu ay la qabsadaan sheekada Israel, taasi oo sababeysa khatar ka dhan ah mustaqbalka Falastiin.
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland howlgallo ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay qaraxyo nooca miinada dhulka lagu aaso, islamarkaana laga hago meelaha fog-fog. Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xusseen Cali Maxamuud oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi oo ay si wadajir ah ay fuliyeen ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta lagu soo qabtay qaraxyadaasi, islamarkaana ay ku raad-joogaan raggii watay oo baxsaday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay hayaan gaarigii ay wateen raggaasi, islamarkaana ay dhoowaan soo bandhigi doonaan. G/Sare Xusseen Cali Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in la doonayey in qaraxyadaasi lagu aaso bartamaha magaaladaasi, si loogu dhibaateeyo shacabka. Si kastaba ha’ahaaten dhowaan ayey aheyd markii Puntland sidan oo kale ay Boosaaso ugu soo qabatay qaraxyo, iyadoo toogatay mid ka mid ah raggii watay, halka mid kale isaga oo dhaawac ah ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. Ammaanka deegaanada Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad-gelyada, waxaana ugu dambeeyey qaraxii Gaalacyo ee lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka joogtada ah ee guddiga qaran ee xakameynta Coronavirus, kaas oo looga hadlay saameynta uu cudurka ku yeeshay dhaqaalaha dalka. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo xubnaha guddiga loo saaray Covid-19. Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa lagu falanqeeyey saameynta dhaqaale ee Coronavirus iyo tallaabooyinka lagu xakameynayo ay ku yeesheen shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada guud ahaan dalka. “Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa looga Saameynta dhaqaale ee safmarka feyruska karoona iyo tillaabooyinka lagu xakameynayo ay ku yeesheen shirkadaha ka shaqeeya duullimaadyadka dalka.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Khayre. Ugu damgeyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay guddiga shaqada ay shacbka Soomaaliyeed u hayaan, isagoo ku boggaadiyay in ay sii laba laabaan wacyigelinta si cudurka Karoona looga hortago dhibaatada uu bulshada ku hayo.
  18. The price of vegetables has shot up in Galkayo, the main town in Somalia’s central Mudug region, after torrential rains and flooding of the Shabelle river disrupted supplies from the southern agricultural regions causing shortages. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (PP News Desk) — The Former President of Galmudug State Abdikarim Guled, who served as Federal Interior Minister, has congratulated people of Somaliland on the 29th anniversary of the unilateral secession from Somalia which is marked on 18th of May. “I congratulate people of Somaliland on the peace they have managed to maintain since 1991” Guled told Horn Cable TV. Guled led the Federal Government team that entered talks with Somaliland Government negotiators in Turkey back in 2013. “The incumbent Federal Government has not attached importance to Somalia-Somaliland talks but I welcome the recent meeting between President Farmaajo and President Muuse Bihi” Guled added. Guled’s tweet contradics his congratulations on the 29th anniversary of 18 May unilateral secession of Somaliland from Somalia “Somaliland will not fall for Guled’s words meant to secure votes if 2021 elections in Somalia are conducted on 4.5 basis” says Awil Hassan, a political commentator in Mogadishu. Guled expressed a sentiment similar to the interview. “Today, it is the 29th anniversary of the declaration of Somaliland secession. Children who were born on that day are now leaders. To convince that generation on the merits of togetherness and Somali unity, one needs to have vision, perseverance and brave leadership” Guled tweeted. Guled is a presidential candidate for 2021 elections slated to take place in Somalia if Covid-19 emergency does not necessitate term extension for the incumbent Federal Government of Somalia. © Puntland Post, 2020 The post FORMER GALMUDUG PRESIDENT CONGRATULATES SOMALILAND ON 18 MAY ANNIVERSARY appeared first on Puntland Post.
  20. There was no Pomp and Colour as the self-declared Republic of Somaliland “marked its 29th Independence Day” on Monday. Due to the ravaging COVID-19 pandemic that has swept across the world, Somaliland opted for muted celebrations of the day the country broke away from Somalia and declared its independence. “May 18, is also our reflection day, the day we evaluate our accomplishments and the tremendous challenges that our young nation is facing, and to plan for the future, to make it prosperous for every Somalilander. It is also the day to celebrate our unity, and reinvigorate our common purpose,” President Muse Bihi said in his address during last year’s celebrations. The COVID-19 has slowed the push by the country’s leadership for self-determination, but according to the Minister for Finance Dr Saad Ali Shire, the economic growth and interest from foreign investors cannot be wished away. “There is so much political significance on this day, but while from the political side we are pushing for recognition, our economic growth has not gone unnoticed,” Dr Shire says. “We are a country that does not get foreign loans and aid from the World Bank and the International Monetary Foundation (IMF) but through sheer resilience from our business community and our leadership, we are able to meet the needs of our people,” observed Shire. Somaliland’s efforts to boost development are limited by low inflows of donor aid. The government’s main source of revenue for its $400 million budget has been the port of Berbera, which is being rebuilt by DP World from the UAE, at the cost of $442 million. There are also remittances from the diaspora and tax collected from the local business community. There is also the hope of mineral discoveries. UAE-based RAK Gas and UK-based Anglo-Turkish oil company Genel Energy have been engaged in exploration over the past four years in hopes of striking oil. “Ours is a resilient economy. We know we are not getting any aid from the major financial institutions, so we have to make do with what we have,” Shire says. Somaliland visibility is evident from the rebuilding of the Port of Berbera by the DP World, the influx of foreign companies to invest in the country like soft drink company Coca Cola to indigenous institutions that have gone to earn global recognition like the Dahabshiil money transfer company. Dubai based company DP World has sunk in US Dollars 442 million for the expansion of the port of Berbera which once complete will be one of the largest in the continent. In 2017 when the original agreement was signed, the CEO of DP World Sultan Ahmed bin Sulayem drew a parallel between the growth of Dubai and the development path Somaliland is on and added: “Our vision is to make Berbera a trading and transportation hub for the Horn of Africa.” DP World is also putting up a free zone. DP World’s vision is to build the Berbera Freezone to the standards of Dubai which have earned a reputation as one of the world’s leading economic free zones. The project is also modelled on DP World’s Jebel Ali Free Zone (Jafza) in Dubai and aims to attract investments, encourage trade, create new jobs and position Berbera as a gateway port for the region. The $17m Coca Cola plant in Hargeisa is Somaliland’s biggest private investment since it broke away from Somalia in 1991 to declare itself a republic. Inaugurated in May 2012 under the Somaliland Beverage Industries (SBI) the plant has been described as a diamond in the desert. It is 100 per cent owned by a family business of Somalilanders and was opened at an initial investment of $15 million. The bottling plant in Somaliland is part of a plan to win more African consumers by the Coca-Cola company. SBI, a member of Laas Group, has helped Somaliland build manufacturing capacity. In addition to the Coca Cola plant, the group has also invested in Lis Dairies, a state of the art dairy plant in partnership with Tetra Pak. Somaliland’s growth also prides in the commitment of its community in the diaspora who send remittances to the country to help the needy. Dahabshiil, Africa’s leading money transfer company has its roots in Somaliland. The money transfer company today has a presence in over 150 countries globally and a leading bank at the heart of Somaliland capital Hargeisa. Somaliland has also made great strides in the communication sector with leading mobile phone services like Somtel and Telesom dominating the market. The two companies also provide mobile money transfer services which are widely used in the country. “We are proud of the growth in almost all sectors,” says Shire who has also served as foreign affairs minister and also minister for planning. The 29th anniversary of self-rule may be muted, but Shire says Somalilanders are proud of their achievements thus far. BY ODINDO AYIEKO Qaran News
  21. The International Court of Justice has postponed a hearing into Somalia and Kenya’s long-running maritime dispute by another 10 months following Kenya’s petition. Both countries claim sovereignty of an area in the Indian Ocean that is thought to be rich in oil and gas. A letter sent by the court to both parties and seen by BBC states that that the hearing scheduled for early June is now is delayed to 15 March 2021 due to the exceptional circumstances of the coronavirus pandemic. Somalia’s Deputy Prime Minister Mahdi Mohammed Gulaid told the BBC last week that his country objected to a new petition from Kenya asking to delay the hearing because of the virus outbreak. Kenya said the pandemic had wreaked havoc on its economy and its plans to defend itself, according to documents sent to the court and seen by the BBC. Somalia had asked the court to hold the hearing virtually using video technology. Somalia’s Deputy Prime Minister told the BBC that his government is not happy with the court’s decision, but will adhere to it. View the full article
  22. Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go’aaya Qaybtii 4aad. Waa mid kale iyo markale iyo taxanihii isdaba-dhunyaaleynaayey ee ka faaloonaayey Soomaalida sidda waxay Qoomiyada ku ahaayeen uga xalmaayo ama uga maydhmaayo iyo sidda ayna u dhaadahayn Dabar go’ooda, Qormadan iyana waxaynu ku xusaynaa tiir kale oo kamid ah tiirarkii aynu midhomidhaysanaynay, Markana aynu eegno Af-soomaaliga, inkastoo maqaallo lagaga gayoon karahayn falanqayntiisa balse aynu isku dayno si kooban inaynu u faaqidno Afka ay Soomaalidu ku hadasho ama Af-soomaaliga, lyo sidduu usii qiimo dhacaayo ee uu usii qayirmaayo. Af ama Af-Hadal waa weedho odhaaheed baaq xidhiidh dad isku fahmaan, kaas oo marka dad ama Ummad mudo dheer meel kuwada Dhaqani, joogtaystaan kuwada hadalkiisa, wuxuu u suurto geliyaa inay noqdaan Qoomiyad leh Af hadal ay isku fahmaan oo ugaar ah, tabta ay qoomiyada Soomaalidu u leedahay Af-soomaaliga oo kale, Af-Soomaaliga ama Afka Soomaalidu waa Af soo jireen ah oo mudo aad u dheer ku hadalkiisu soo taxnaa, inkastoo aan lahayn mudo-Taariikheed sugan oo la odhan karo xilligaas ayuu noqday Af hirgalay, se waxa aanu murran ka joogin in Afka Soomaalidu yahay Af aad u Facweyn, hase yeeshee waxa uu billaabmay in uu noqdo Af qorma oo hirgala lana qoroy lagasoo billaabo 1972kii, Af-soomaaliga waxa loo qaybiyaa laba, Tix iyo Tiraab, Tix waa inta Suugaanta ah, Tiraabini waa inta hadal Ahaan loogu tiraabo ama loogu hadlo, , Sidda aynu wada ogsoonahay Af-soomaaliga waxa lagaga hadlaa dhul deegaan baaxad weyn se nasiibdaro soohdimo iyo xuduudo dalal kala qaybiyaan kuwaas oo looyaqaano SHANTA SOOMAALIYEED, shantaa Dal ee Soomaalida oo lagu magacaabo Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti, Itoobiya (kililka) iyo Kiiniya (NFD), shantaa Dal ee Soomaaliyeed laba Dal Soomaali ayaa si Sooc ah u degta oo leh halka Saddexda kale Qoomiyado kale lawadaagaan Dalka, taas oo keentay in ay layeeshaan qoomiyadahaa kale Af aan AfSoomaaliga ahayn oo laysku Afgarto, taas oo iyana keentay in AfSoomaaligii uu Af qoomiyadeed noqdo oo aanu noqon Af Qaran, se waxa Dhacday in labadii Dal ee Soomaalidu sooca ku ahayd midoobaan, waa Somaliland iyo Soomaaliya, ayna labaxaan Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliyeed, waxay Noqdeen hoygii Afka waxay hirgeliyeen in Af-Soomaaligii Af Qaran oo qorma noqdo, in Dugsiyada wax Barashada Dugsi hoose ilaa Jaamacada Af Soomaali wax lagu Barto oo Cilmiyadii aduunka ka jiray ee afafka qalaad lagu baran jiray inta loo Aray bixiyey ayaa AfSoomaali loo wada rogo, ilaa haykalkii Dowlad-nimo ayaa AfSoomaali Aray-bixin loogu jaangooyey. Haddaba laga soo billaabo dabayaaqadii qarnigii 20aad Af-Soomaaligii waxa soo foodsaaray isbedal, waxaana ku dhacay qiimo-dhac, qayiran iyo inuu dayac doorsoomo, oo aanay ciddi xaallayn, oo ciddina u tafo-xaydan sidday wax uga qaban lahaayeen dabar-go’iisa, waxa ugu wacanaa in Af-Soomaaligii Gabal-baasi u dumo, waxay yihiin masiibooyin dhowr ah oo isbarkan oo ku habsaday dadkii ku hadli jiray iyo deegaamadii lagaga hadli jiray labadaba, Kuwaas oo………….. Lasoco qormada danbe. Af aanad lahayn Afxumuu ku Baraa! Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  23. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xiganaya qoraal galabta ka soo baxay maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa sheegay in mar kale maxkamaddaasi dib u dhigtay dhegaysiga kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in mar kale maxkamadd ICJ ay dhegaysiga kiiskaasi u muddaysay 15-March 2021 islamarkaana go’aankaas ay ku sababaysay xaaladda ka dhalatay xanuunka COVID-19 ee haatan dalalka Caalamka ku faafaya. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale xusay in dhegaysiga dacwaddaasi uu noqon doono dood-hadaleed balse aysan jiri doono qoraallo iyo dukumintiyo cusub oo loo gudbin doono maxkamadda ICJ sidaasna ay maxkamaddu go’aamisay. Sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay go’aankaasi dib loogu dhigay dhegaysiga kiiska dacwadda badda labada dal maadaama ay maxkamaddu u madax-bannaantahay go’aankeeda. Halkaan ka daawo muuqaalkiisa PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay mowqifkeeda dib u dhigista dhegaysiga kiiska badda appeared first on Puntland Post.
  24. The International Court of Justice has postponed a hearing into Somalia and Kenya's long-running maritime dispute by another 10 months following Kenya’s petition. Source: Hiiraan Online
  25. Jihaynta Dhalinyarada Somaliland waa mid lagama-maarmaan ah oo loo baahan yahay in laga dhigo oo ay noqoto Shaqada Koowaad ee Xukuumada, isla markaasna Tamar iyo Taagba la isugu geeyo sidii Tub hufan oo degdeg ah loogu jeexi lahaa Dhalinyarada Somaliland, kuwaasoo ah Xoogga iyo Dhuuxa Qaranka, hadiise degdeg looga hawl geli waayo waxay halis aad u weyn u horseedi karaan Qaranka. Marka aynu Xaqiiqda waajahno halista ugu weyn ee soo waajihi karta Amniga Qaranka Somaliland maaha mid ka iman doonta Cadaw Dibadeed oo ina soo weerara, ama Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti oo ina soo weeraraya, balse halista ugu weyn uguna khatarta badan ee Amniga Qaranka Somaliland soo waajihi doonta Mustaqabalka dhow iyo Mustaqbalka dheerba waxa uu noqon doonaa mid ka iman doona Dhalinyarada Somaliland haddii aynu ka baaqsano in si dhakhso ah looga hawl galo Jihayntooda iyo Maareyntooda. Waxaan shaki ku jirin in Dunida maantu aanay ahayn Dunidii shalay, Dhalinyarada Somaliland ku noolina ay yihiin dhalinyaro la jaanqaadaysa oo xidhiidh la leh dhalinyarada kale ee Caalamka ku nool, sidoo kalana ay doonayaan inay gaadhaan oo aanay ka hadhin heerarka ay gaadheen dhalinyrada dhiggooda ah, isla markaasna ay leeyihiin baahiyo la mid ah baahiyaha ay leeyihiin dhalinyarada kale ee Dunidida ku nool sida helitaan Waxbrasho tayo leh, Shaqooyin fiican, iyo Nolol ay Rejo ka bidhaamayso, isku xidhankaas iyo isla-jaanqaadkaas dhalinyarada Caalamkana waxa u fududeeyay isgaadhsiinta casriga ah ee ka hano qaaday Dunidan casriga ah. Guuxa ka baxaya inta badan Dhalinyarada Dalkeena iyo Walaahowga iyo Walaaca ka haya xaalada qallafsan ee ay ku sugan yihiiin marka aynu eegno duruufaha dhaqaale iyo shaqo la’aanta is barkan ee hadhaysay iyo werwerka ay ka qabaan Mustaqbalkooda, waxay Waajib ka dhigaysaa in si degdeg ah ay Xukuumadu u dejiso Siyaasad Cad iyo Qorshayaal fikir nadiif ah xambaarsan oo lagu maaraynayo arrimahan aynu xusnay. Inkasta oo aynu ogsoonahay duruufaha dhaqaale ee Dalkeenu uu ku jiro, Xukuumaduna ay samaysay barnaamujyo fiican oo uu ka mid yahay Barnaamujka Shaqo-qaran, hadana taasi kuma filna inay buuxiso baahida haysata Dhalinyarada. Waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumad iyo Shacbi la is garabsado sidii loo jihayn lahaa dhalinyarada, loogana hor tegi lahaa inay inagu noqdaan Folkaane mar qudha inagu qarxa oo halis gelin kara Degenaanshaha iyo Dawladnimadeena sida Wadamo badan ka dhacday. Waxaa muhiim ah in Dhegaha loo furo dhawaaqyada ka imanaya dhalinyarada, loona hawl galo sidii looga tashan lahaa in la yareeyo duruufaha adag ee ku gedaaman dhalinyaradeena. Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,iyo Ururka SONYO oo kaashanaya Hay’adaha kala duwan ee Caalamiga ah waxaa laga sugayaa inay dhakhso uga hawl galaan sidii loo maarayn lahaa waxna looga qaban lahaa caqabadaha kala duwan ee haysta dhalinyarada intaan Xeedho iyo Fandhaal kala dhicin. Dhawaaqii dhawaan ka soo baxay qaybo dhalinyarada ka mid ahi waxa uu inagu baraarujinayaa oo uu ina taabsiinayaa Guuxa iyo Dareenka ay qabaan dhalinyaradeenu, waxaana waajib inagu ah inaynu dhegaha u furno oo aynu isla eegno, dareen toggan oo aan caadifadi ku jirina looga jawaabo waxna looga qabto tabashooyinka jira ee aan cidna ka qarsoonayn iyada oo laga fogaanayo deedafaynta iyo kelmadaha duugga ah ee lagu duro doodaha Saliimka ah iyo Tabashooyinka xaqiiqda ku fadhiya ee ay bulshadu qabto. Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK Qaran News