-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (PP News Desk) — Kaah, a political association formed by President of Puntland State Said Abdullahi Deni, today opened a branch office in Bandarbeyla district in Karkaar. Locals initially objected to the opening of the branch office. A delegation led by Mohammed Ali Nur, The Director General of the Ministry of Interior, led the Kaah delegation. Elders in Banderbayla intervened and ensured the opening of KAAH branch office in Bandarbeyla. Puntland Water Development Agency confirms the visit of the Interior Ministry Director General to Bandarbeyla Puntland Post has received a video clip featuring demonstrators marching in Bandarbeyla town centre and chanting “We don’t want”, apparently in reference to Kaah. At the town centre where demonstrators gathered, a local man delivered a short speech against “divisive policies political parties can use” to enlist members. “A father and his son could join two opposing parties. The future belongs to youths” the man said. Meanwhile, members of KAAH and a staff mem at Puntland Presidency have issued contradictory statements in social media platforms. Yaqub Mohamed Abdalle, a member of KAAH, wrote in his Facebook page that “no representatives from KAAH have visited Bandarbeyla.” Abdirashid Osman Shali’o, the deputy director of communications at Puntland Presidency wrote in his Facebook page that KAAH had opened a branch office in Bandarbeyla. Puntland Constitution bars civil servants from using public offices for political purposes KAAH has come under fire for “violating Puntland Constitution”. Article 128 of Puntland Constitution states “civil servants are not allowed to use public offices for political purposes”. Puntland State Government has yet to comment on the conflicting accounts on political campaigns of KAAH. © Puntland Post, 2020 The post PRESIDENT DENI’S POLITICAL ASSOCIATION “VIOLATES” PUNTLAND CONSTITUTION appeared first on Puntland Post.
-
Wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan halkani ka daawo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Baashe waa mid ka mid ah astaamaha qaranka. Wax kasta oo dhaca maaha in sidaa loo wada hadlo gudoomiye Baashe xaal baanu ka siinaynaa gefka loo geystay guud ahaan dadka reer Sool. Baashe wuxu ka mid yahay astaamaha qaranka, shaqo ahaan waa la dhaliili karaa, laakiin in hadal u eg inaanu dalka waxba ku lahayn oo marti ku yahay lagu yidhaah uma ogolin. Nasiibdaro ka weyni ma jirto in qof reer Somaliland ah laga sheegto qaranka uu xilka u hayo, Baashe iyo beeshiisuba marti kuma aha qaranka ee waa hantidooda, haddii aanay Somaliland ka mid ahayna ma jirteen. Waxaan lee yahay ha naga kala tuurin Somaliland isku yabyabaynay. W/Q Mustafe Shiine Source
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-28052020-ww.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dil maanta ka dhacay xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid oo koox bastoolado ku hubeysan ay u geystee Ugaas caan ahaa iyo askari ilaalo u ahaa ayaa goobtii lagu aasayey meydka labadaas marxuum waxaa ka dhacday shaqaaqo kale oo qof ku dhintay ku kalena ku dhaawacmay. Labada marxuum ee markii hore la dilay waxay kala ahaayeen Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askari ilaalo u ahaa, waxaana la sheegay in kooxdii geysatay dilkaas ay goobta ka baxsatay. Intii lagu howlanaa aaska labadaas marxuum, waxuu muran xoog leh ka dhex dhashay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya iyo Nabadoon lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Caweeye, kuwaas oo kasoo wada qeyb galay aaska. Wasiir ku xigeenka dakadaha iyo gaadiidka badda ee maamulka Hir-Shabeelle Xuseen Maxamed Tuuryare oo ka mid ah ehellada ugaaska, isla markaana ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay aaska oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey sida ay u dhacday shaqaaqadaas. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in muranyar kadib uu sarkaalka booliska ah toogtay Nabadoon Maxamed Cumar Caweeye, iyadoo halkaas uu ku dhaawacmay sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka Asluubta, kaas oo isku deyayey in uu kala dhex galo nabadoonka dhintay iyo sarkaalka dilay. Sarkaalka ka tirsan ciidanka Asluubta eek u dhaawacmay goobtaas waxaa lagu magacaabaa Mustaf Sheekh Cali, waxayna tirada guud ee dhimashadu gaartay seddax qofood, dhaawaca hal kale. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in shaqaaqada uu ku dhintay nabadoonka dambe ay haatan xalkeeda u fadhiyaan ehellada labada dhinac oo sida uu sheegay ah dad aad isugu dhaw oo qaraabo ah. Hoos ka dhageyso weysiga Xuseen Maxamed Tuuryare wasiir ku xigeenka dakadaha Hir-Shabeelle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Husen-M-Turyare-WasDekedaha-Iyo-Gadidka-hirshabele.mp3
-
Hooyo Sirad Nuur Yusuf Moxamed Cisman Fadal iyo xaaskiisa Seinab Yusuf X. Adan Siciid Moxamed Cismaan Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Muna Moxamed Cisman Fadal Filsan Moxamed Cisman Fadal Haweya Moxamed Cisman Fadal iyo seygeeda Sirad Moxamed Cisman Fadal Waxay hambalyo iyo duco u dirayaan Yassin Cismaan Fadal iyo Hodo Axmed Moxamoud oo meherkoodu Hargeisa ka dhacay Khamiistii bisha May 27 keedii, 2020 Hambalyo taa la mid ah waxa diraya Amina Cisman Fadal iyo wiilkeeda Yasin Cali Mataan Axmed Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Jamac Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Fosiya Cisman Fadal iyo inanteeda Hodo Ibrahim Ciid Cabdi rizaaq Cisman Fadal, xaaskiisa iyo caruurtiisa Ilma Moxamoud Cisman Fadal iyo hooyadood Ayan Axmed Buluxaar Hooyo Shamis Xamari iyo hooyo Koos Cabdillahi Cabdifatax Cisman Fadal Fadumo Cisman Fadal seygeeda iyo caruurteed Nacima Cisman Fadal seygeeda iyo caruurteeda Khadar Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Axmed Yusuf Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Moxamoud Yusuf Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Roda Yusuf Fadal saygeeda iyo caruurteeda Hodan Moxamed Fadal saygeeda iyo caruurteeda Samiya Mohamood Fadal saygeeda iyo caruurteeda Fardous Moxamed Fadal saygeeda iyo caruurteeda iyo dhammaan qoyska reer Fadal Ismaciil meel kasta oo ay joogaan waxay hambalyo u dirayaan Hodo iyo Yasin waxaanay Ilaahay uga baryayaan inay noqdaan qoyskii hodma isku raaga isku reeya khayr qabana Ilaahay kala siiyo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xasuuqii deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe loogu geystay sideed qofood oo sida la sheegay badankood ahaa xir-fadleyaal caafimaad. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad u cambaareyneyso dhacdadaas xanuunka badan. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaarayneysaa ficilka argagaxa leh ee ka dhacay tuulada Gololey oo hoostagta Dagmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, kasoo lagu laayay 8 qof oo rayid ah,” ayaa lagu yiri. Xukuumadda ayaa dhacdadaas ku eedeysay ururka Al-Shabaab, “Ficillada nuucaan oo kale ah oo lagu xasuuqo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaa ku caan baxay kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka. Si kastaba dadka deegaanka iyo odayaasha beesha dhallinyarada la xasuuqay ayaa falkan ku eedeeyey ciidamada militariga Soomaaliya. War-saxaafadeedkan kasoo baxay dowladda federaalka ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii lagu laayey Gololey, iyadoo Allaah looga baryey inuu u naxariisto dadkaas aan waxba galabsan ee la laayey. Ugu dambeyntii waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladdu ay amartay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dhacdadaas, isla markaana gacanta lagu soo dhigo dembiilayaashii falkaas geystay. “Dowladdu waxay amartay in baaris deg deg ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo, oo cadaaladda la hor keeno” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay xukuumadda.
-
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Amray In la baneeyo xarumaha Danta guud ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo hadda ay haystaan Shaqsiyaad iyo maleeshiyaad kala duwan. Wasiirka ayaa sidoo kale amray in Ciidamada Daraawiishta ka baxaan xarumaha ay kaga sugan yihiin magaalada Gaalkacyo isla markaana tagaan xerada Indha-qaris oo ku taala duleedka degaanka Docol ee gobolka Mudug. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegey Goob ciidamada amniga maamulka Galmudug ay ku soo bandhigayeen Khamri fara badan oo ay ku soo qabteen howgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada iyadoo ciidamada lagu amaray isla goobta in ay burbiriyaan Khamrigaasi. Sidoo kale wasiirka ayaa kulan la yeeshay maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo Isku duwayaasha wasaaradaha caafimaadka, maaliyadda iyo gadiidka waxaana kulankaan diiradda lagu saaray caqabadaha haystay shaqada wasaaradahaan iyo maamuladda. Dhanka kale wasiirka ayaa wuxuu kulan la leeyahay saarkiisha ciidamada daraawiishta Galmudug kuwaas oo uu kala hadlayo dib u haynta ciidamada Galmudug iyo xoraynta degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedka. Ugu dambeyn dhalinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa wasiir ka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi Ku amaantay doorkiisa ku aadan dardar galinta Amniga iyo qaadista isbaarooyinkii yaallay gobolka kuwaas oo caqabad ku ahaa Bulshada ku safarta wadada xiriirisa magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Balcad (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysay dilka sideed dhallinyaro ah oo maanta meydadkooda lasoo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhallinyarada la laayey, ayaa toddoba ka mid ah waxay u shaqeynayeen xarun caafimaad oo la yiraah Zamzam, waxayna ahaayeen dhallinyaro wax bartay oo jaamacado ka baxay oo deegaanka u tegay inay caawiyaan dadkooda, ayaga oo ka kala tegay Muqdisho iyo Balcad. Inkasta oo baaritaan arrintan ku aadan weli uu socdo, oo aysan si dhab ah u caddeyn cidda gaysatay falkan, ayaa haddana dad dhowr ah oo ka mid ah kuwa deegaanka oo la hadlay Caasimada Online waxay xasuuqa dhallinyaradan ku wada eedeeyeen inay ka dambeeyeen ciidamada militariga Soomaaliya, kuwaas oo, sida ay sheegeen, ayaga oo carreysan shalay kaxeystay kadibna inta ay soo dileen kusoo tuuray laamiga Gololey. Nabaddoon Maxamed Cali Madoobe oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada kaxeystay dhallinyarada ay ka tirsanaayeen guutada 27-aad ee militariga Soomaaliya. Nabaddoonka ayaa sheegay in ciidamada xasuuqa gaystay ay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda, balse ay wejiyada soo duubteen, sidoo kalena ay qariyeen astaanta calanka ee ku dheggan tuutaha. Sidoo kale, Nabadoon Muxidiin Xasan Afrax, oo ku beel ah dhallinyarada la laayey, ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay qafaalashada iyo dilka dadkan ay xirnaayeen dareeska ciidamada isla markaana ay isticmaalayeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad, oo arrintan ka hadlay ayaa ku eedeeyey ciidamada dowladda, isaga oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka afduubteen 9 qofood dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo halkaas ku taala kadibna ay xasuuqeen. Waan cambaareynaynaa falkaan argagixiso ee ciidamada dowlada ka geysteen deegaanka Gololey waxaanan ku baaqaynaa in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno ciidamadii iyo saraakiishii xasuuqaan bini-adamnimada ka baxsan geystay.” Si kastaba, afhayeenka maamul goboleedka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa beeniyey in ciidamada dowladda ay ka dambeeyeen xasuuqan, wuxuuna ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab. Deegaanka Gololey ayaa waxaa habeen hore ka dhacay qarax lagu dilay sideed ka mid ah ciidamada dowladda, laguna dhaawacay saddex kale, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ay ka carroodeen qaraxaas, sidaasna ku kaxeysteen dhallinyarada. Dhallinyarada oo lagala baxay MCH-ka Zamzam, ayaa dad Caasimada Online la hadlay waxay sheegeen in loo jeediyey eedeymo ay ka mid ahaayeen sababta aysan ciidamada ugu soo war-gelin qaraxa loo aasay, iyo inay Al-Shabaab yihiin. Dadka la diley ayaa waxaa rasaas ay uga taal madaxa iyo qeybo badan oo jirkooda ka mid ah, sida ay sheegeen dadkii gaaray halkii laga helay meydadkooda, waxaana hadda meydadka ay yaalaan oo lagu baarayaa CID-da Muqdisho oo la keenay. Dhallinyarada la dilay ayaa magacyadoodu yihiin 1- Cumar Xuuti Maxamud 2- Cabdicasis Cabdulqaadir Cabdulle 3- Cali Axmed Cali 4- C/saaq Cabdulaahi Qooble 5- Maxamed Cumar Boore 6- Abuukar Muuse Maaxi 7- Yuusuf Ayuub 8- Iyo Nuur Xaaji Gaas Hoos ka dhageyso codka Nabaddoon Maxamed Cali Madoobe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Xasuuqa-Balcad.mp3
-
OLOLEYNTA SIYAASADEED EE KAAH OO JEBISAY DASTUURKA PUNTLAND
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garoowe (Wararka PP) — Xubno ka socday urur siyaasadeedka KAAH ee xukuumadda Puntland oo ay weheliyeen qaar kamid ah shaqaalaha dowladda, ayaa maanta oo Khamiis ah mudaharaad kala kulmay degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar. Wafdiga oo hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimmaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa doonayay in ay xafiis cusub halkaas uga furan urur-siyaasadeedka KAAH, balse qaar kamid ah dadka degaanka ayaa muddaharaad kala hor yimid, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Wafdiga ayaa markii dambe ku guulaystay furista xafiiska. Puntland Post ayaa heshay muuqaal laga soo duubay mudaharaadyaasha oo is hor-taag ku samaynaya wefdiga iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah urur siyaasadeedka KAAH. Dhanka kale xubno ka tirsan ururka siyaasadeedka KAAH iyo Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalo is burina oo ay arrintan uga hadlayaan ku baahiyey barahooda bulshada. Yacquub Maxamed Cabdalle, oo ah xubin ka tirsan KAAH ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in ururka KAAH, uusan wafdi u dirin degmada Banderbayla. Cabdirashiid Cismaan Shaalico, Agaasime ku xigeenka warfaafinta madaxtooyada oo ka mid ahaa wafdi halkaas tegay, ayaa isna bartiisa Facebook ku baahiyey sawiro iyo qoraal uu ku sheegay in ururka KAAH uu xafiis ka furtay Banderbayla. Dastuurka Puntland qodobkiisa 128 wuxuu farayaa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda in aysan xafiisyada dowladda u isticmaalin ujeeddooyin siyaasadeed. Dowladda Puntland weli war kama soo saarin booqashada muranka dhalisay ee Banderbayla. © Puntland Post, 2020 The post OLOLEYNTA SIYAASADEED EE KAAH OO JEBISAY DASTUURKA PUNTLAND appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaa cod loogu qaaday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2020-ka. Kulanka ayaa lagu ansixiyey in lagu noqdo miisaaniyadda dowladda ee sanadkan oo dhan $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kuwo howl fulineed. Masiinayadda ay maanta ansxiyeen golaha wasaarradu in dib loogu laabto ayaa look ala dhigay kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million. Kororkan cusub kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaalidda cudurka Coronavirus, doorashooyinka dalka, daadadka iyo xaaladaha bini’aadamnimo ee dalka lasoo dersay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda. Warkan ayaa lagu sheegay in dakhliga guud ee dowladda uu hoos u dhacay sababo la xiriira xanuunka COVID-19, iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay inay dakhilaga gudaha ka soo xerooto ay meesha ka baxayso. Hase yeeshee xukuumaddu waxay aaminsantahay in maadaama dalka deynta laga cafiyay la helayo kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca ku yimaada dakhliga gudaha ee dalka. Kabka miisaaniyaddan oo ah guud ahaan dalka ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli uu dalku aad ugu baahan yahay.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in la helay kiisas ku aadan xanuunka COVID-19, waxaana ay sheegtay in maanta laga diiwaan geliyey dalka 97 xaaladood taas oo tirada dadka xanuunka uu ku dhacay dalka ka dhigeyso 1,828 ruux. Wasaaradda ayaa xustay kiisaska la helay 35 ka mid ah laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir waxaa sidoo kale 32 xaaladood laga helay Somaliland halka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed laga soo calaameeyey 22 kiis, iyo dowladda goboleed Puntland oo laga xusay 8 xaaladood kiisaska cusub 69 ka mid waa rag halka 28 kale dumar . Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in maanta xanuunka Coronavirus dalka ay ugu geeriyoodeen 5 taas oo tirada dadka xanuunka ugudaha dalka ugu dhintay ka dhigeyso 72, ruux, hala ay xanuunka dib uga soo bogsoodeen 45 ruux taas oo dadka xanuunka ka soo caafimaaday tan iyo markii uu dilaacay ka dhigeyso 310. Gobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalinmadii shalay gaaray magaalda Cadado oo ay ka taagan tahay xaalada caafimaad darri ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay qeybaha kala duwan ee dhalinyarada magaalada Cadaado. Kulankaan ayaa looga arrinsaday doorka dhalinyarada kaga aadan wacyigalinta Bulshada iyo siddii loo xakameyn lahaa qatarta cudurka faafa ee #COVID19 oo fara ba,an ku haya magaalada Cadaado oo tiro dad ah ay ugu geeriyoodeen kuwa kalena ay la jiifaan. Madaxweynaha Galmudug oo ay tahay markii ugu horeysay uu safar ku soo gaaro magaalada Cadado tan iyo markii loogu doortay magaalada Dhuuamareeb Madaxweynaha Galmudug ayaa dhalinyarada magaalada ku dhiiro galiyay inay kaalintooda ka ciyaaraan hanaanka dowlad wanaagga & dhismaha dowlad goboleedka Cusub ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gelinkii dambe ee maanta lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanka Lambar 50 iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen sideed kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay ka soo amba-baxeen deegaanka Lambar 50, kuna sii jeedeen degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Illaa iyo hadda wax faah faahin ah maamulka gobolka Shabeelaha Hoose kama bixin qaraxaasi uu khasaaraha ka soo gaaray ciidamada milatariga Soomaaliya. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha deegaanada gobolkaasi. View the full article
-
Wararka ka imaanaya duleedka Balcad ayaa sheegaya in halkaasi la soo dhigay meydadka illaa 8 dhalinyaro ah oo shalay laga qafaashay deegaanka Gololey oo ka tirsan degmadaasi. Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in qaarkood ay ka shaqeynayeen xarun caafimaad, halka qaar kalena oo daganaayeen Gololey, balse la watay kadib qarax shalay ka dhacay deegaankaasi. Ma jirto illaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga maamulka Hirshabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka ku nool deegaankaasi oo haatan ay soo wajahday cabsi iyo walaac xoogan. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-28052020.mp3 View the full article
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil toogash ah waxa ay ku fulisay askari horey u dilay taliyihii ilalaada garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta G/ Bari Marxuum Xasan Shire Amaan. Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyay oo lagu Magacaabi jiray, Axmed Aadan Maxamed (Gaagaale) ayaa 7 bishii December sanadkii 2015-kii waxaa uu dilay taliyihii ilalaada garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana maanta lagu toogtay fagaaro ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso, iyadoo uu dilka fuliyey wiil uu dhalay taliyaha. Fagaaraha toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qoyska taliye Xasan Shire Amaan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aamisay in diyo ahaan loo siiyo askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo ah dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si weyn uga hor-timid hub ay sheegtay inay dhawaan dowladda Masar ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya. Cabdiqani Fariid, Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu aad uga wal-walsan yahay hubkaasi la siiyay dowladda federaalka, xili ay dagaalo kala duwan ka wado gobolada dalka. Cabdiqani ayaa hubkaasi la siiyay dowladda federaalka ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah cuno-qabateynta hubka ee golaha amaanka qaramada midoobay uu saaray Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyay dowladda Masar oo iyadu hubkaasi ugu deeqday dowlada dhigeeda ee Soomaaliya, iyada oo dhawaan ay ka hiilisay xiisada kala dhaxeysa dowladda Itoobiya. “Dawladda Somaliland waxay aad uga wer-wersan tahay Dawladda Soomaaliya sida aanay u fulinayn Cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay” ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiirka gaashaandhiga Somaliland. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxaanu cambaareyneynaa Dowladda Masar oo ku xadgudubtay Cuno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Arrintani waxay khatar weyn gelineysaa nabadda iyo xasilloonida Gobolka”. Deeqdaasi hubka ah ayaa kusoo aadeysa xili ay Dowladda Soomaaliya taageero weyn la garab istaagtay dowladda Itoobiya oo xiisada xoogani ay kala dhaxeyso Masar, midaasi oo ku aadan wabiga Nile-ka.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Martial Court has today overseen the execution of Ahmed Adan Mohammed, who was found guilty of intentionally killing Hassan Shire Amaan, the former commander in charge of Bosaso Airport security. The convicted soldier was in jail for almost a year. Ahmed Adan Mohammed killed Hassan Shire Amaan on 7 December 2015 and fled the scene. He had been at large for three years when Puntland security forces apprehended him last year. The family of the slain commander of Bosaso Airport security witnessed the execution. Puntland Martial Court has instructed Puntland State Government to give sixty seven heads of camels to the family of the executed soldier who sustained injuries while being pursued and taken into custody. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND MARTIAL COURT EXECUTES A SOLDIER CONVICTED OF MURDER appeared first on Puntland Post.
-
Tripoli (Caasimada Online) – Militari-ga Maraykanka ayaa Ruushka ku edeeyay in uu diyaarado dagaal geeyay Libya kuwaas oo “dib astaamo kale loogu buufiyey” si loogu taagero calooshood u shaqayteyaal u dagaalamaya xoogagga uu hogaamiyo dagaal-oogge Khaliifa Xaftar ee jooga bariga Liibiya. Eedeymahaan waxaa ay imaanayaan iyadoo Talaadadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov uu Khaliifa Xaftar u sheegay in xukuumadda Moscow ay taageereyso xabad joojin iyo wada hadal siyaasadeed, taas oo lagu gaari karo Dowlad loo dhanyahay. Eedeynta Marayakanka ee ka dhanka ah Ruushka waxaa ay kordhineysaa in dagaal cusub uu kusoo kordho khilaafka sagaal sano jirsaday ee dalka Libya. “Diyarado militari oo Ruushku leeyahay waxay u dhowdahay in ay taageero cirka ah siiyaan Xaftar,” ayuu war uu soo saaray ku sheegay Taliska Maraykanka ee Qaaradda Africa ee Africom Africom ma sheegin xilliga ay diyaaraduhu u duuleen Libya, balse waxaa uu sheegay in ay “dhowaan ahayd” Wasiirka Difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in aysan “hadda ka hadleynin” warka Africom. Laakiin Andrei Krasov oo ka tirsan guddiga difaaca ee baarlamaanka Ruushka ayaa sheegay in eedeymuhu ay yihiin warar “been abuur ah”. Dagaalka ka socda Libya ayaa isu keenay awoodaha dunida. Ruushka, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa taageraya dagaalka Khalifa Xaftar uu muddo sagaal sano ah ka wado bariga Libya si uu u qabsado caasimadda Tripoli. Si kastaba ha ahaate, todobaadyadii dhowaa, Dowladda Caalamku aqoonsan yahay oo ay taagerayaan militariga Turkiga ayaa dib uga riixay Xaftar meelihii uu heystay.