Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimaddaa Online) – La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Mudane Cabdi Cali Raage ayaa bilaabay olole ku aadan sidii Beesha Caalamka looga gadi lahaa qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee doorashada. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, La-taliyaha madaxweynaha ayaa Sabtidii la kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, isaga oo u faahfaahiyay shaqooyinka ilaa haatan u qabsoomay guddiga farsamada. Cabdi Cali Raage oo dhawaan loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa ka shaqeenaya sidii loo yareyn lahaa culeyska Beesha Caalamka uga imaanayo Dowladda Soomaaliya ee ku aadan waqtiga kala guurka ee dalka. Raagge ayaa lagu tilmaamaa farsama-yaqaan galaangal badan leh, waxaa uu ka mid ahaa Guddiyadii Farsamo ee ka soo shaqeeyay doorashadii dad-baneyd ee sanadkii 2016. Bishii April ee sanadkii 2019 ayay markii Axmed Madoobe uu xilka ka qaaday Cabdi Cali Raagge oo ahaa La Taliyihiisa sare ee Arrimaha Siyaasadda, xil ka qaadistaas ayaa salka ku heysay howlihii doorashada Jubbaland, waxaana Mr Raagge ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee ka hor-yimid Axmed Madoobe.
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxda ay iska xog wareystay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni. Waxay sidoo kale si wadajir u cambaareeyeen weerarkii gaadmada ahaa ee argagixisadu ay ka fuliyeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho, waxa ayna uga tacsiyeeyeen qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed muwaadiniinta geeriyootay. “Sidoo kale, Madaxda ayaa adkeeyey muhiimadda ay midnimadu iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka.” Shirkan ayaa imanaya ayada oo madaxda maamul goboleedyada Jublanad iyo Puntland ay ka maqan yihiin kulamada. Puntland ayaa xalay si rasmi ah u qaadacday shirka, waxayna shuruudo adag ku xirtay ka qeyb-galkiisa. Halkan ka aqriso qoraalkaas.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakad laga leeyahay wadanka Russia ayaa soo daabacday in qandaraaslayaal madax banaan ay ku lug leeyahiin duqeymaha uu Mareykanka ka geysto gudaha Soomaaliya kaas oo lagu sheego in lagula dagaallamo kooxaha argagixisada. Warbixintan xasaasiga ah ayaa waxaa soo bandhigay hay’adda OCCRP oo fadhigeedu yahay USA, isla markaana magacooda loo soo gaabiyay Mashruuca Baahinta Dambiyada Abaabulan iyo Musuqa. Macluumaadka lasoo bandhigay waxaa ku jirta in shirkado diyaaradeed ay heshiis la galeen waaxda difaaca Mareykanka si ay macluumaad uga soo aruuriyaan xubnaha la beegsanayo ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Shirkadaha baaritaanka lagu ogaaday ee qandaraaskaan ku jira waxaa ka mid ah Gulfstream, inkastoo ay jiraan qandaraaslayaal waaweyn sida L3Harris Technologies iyo AEVEX Aerospace oo dhamaantood laga leeyahay dalka Mareykanka. Taliska ciidamada mareykanka ee qaaradda Africa waxey sheegeen in kooxahaan ay kaliya leeyahiin iney daraasadda sameeyaan, balse aysan laheyn go’aanka ugu dambeeya ee fulinta hawlgalka la sameynaayo. Taliska AFRICOM waxey ku doodeen in lagu qanacsan yahay shaqadooda, walow warbixinta lagu sheegay in masuq-maasuq baahsan ay ka jirto sheekada. Xogta hoose ee la baahiyay waxey sheegeysaa in horaantii sanadkaan ay kooxda Al-Shabaab weerar ku dileen hal askari iyo laba qandaraasle markii ay beegsadeen xerada Manda Bay ee mareykanka ku leeyahay waqooyiga dalka Kenya,. Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaan ku qanacsaneyn hawlgalka ay ciidamada Mareykanka ka sameynayaan gudaha Soomaaliya maadaama ay sheegeen iney halis galinayaan dad rayid ah. Hawlgallada taliska AFRICOM ee gudaha Soomaaliya wuxuu bilowday 2007, balse sanadba sanadka ka dambeeya wey sii kordhayeen duqeymaha dhanka cirka ah oo ay sameeyaan.
  4. Garowe (PP News Desk) — Puntland State Government has issued a communique detailing its decision not to attend Dhuusamareeb Summit unless certain conditions are met. Puntland views the appointment of the Acting Prime Minister in violation of the Draft Constitution, and accuses President Mohammed Abdullahi Mohammed of violating articles in the draft constitution that empower Federal Member States to reach nationally binding political decisions alongside the legislatures. President of Puntland Said Abdullahi Deni demands a role for the International Community as a guarantor of any agreement. Puntland demanded a role for the International Community to participate in the Summit as guarantor. “While Puntland welcomes the the Summit it has to be ensured beforehand that political settlement will be attained” reads the communique. In 2016 the former SRSG Micheal Keating, Ambassador Francisco Madeira, the Head of the African Union Mission for Somalia (AMISOM), Mohamed Abdi Afey, the former IGAD Representative for Somalia, and Michele Cervone d’Urso, the former EU Ambassador to Somalia acted as witnesses for the 2016 electoral agreement signed by Puntland State and the Federal Government of Somalia. Tedros Adhanom Ghebreyesus, the former Foreign Minister of Ethiopia, signed the Agreement as the guarantor that 4.5 powersharing system will not be used after 2017 elections. President Said A. Deni went on the record for warning againt failure of Dhuusamareeb III Summit aimed at forming a consensus on 2021 elections for Somalia. Puntland urged President of Somalia to appoint a Prime Minister who will be involved in talks with Federal Member States. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Boycotts Dhuusamareeb III Summit appeared first on Puntland Post.
  5. Hind Al Soulia - Riyadh - MOGADISHU — The Multi-Hazard Early Warning Center, which was funded and supported by King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) in collaboration with the Food and Agriculture Organization (FAO), began functioning in the Republic of Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Somalia's security forces on Sunday ended a nearly five-hour siege by Islamist extremists at a beachside hotel in Somalia's capital, said police and a government spokesperson. Source: Hiiraan Online
  7. Dowlad goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay shirka Dhuusamareeb 3 ee lagu madlansan yahay inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo hadda ku sugan yihiin madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamullada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed. iyo madaxweynaha martida loo yahay . Qoraal ka koobnaa dhowr qodob ayaa lagu xusay arrimo dhowr ah oo loo baah yahay in laga heshiiyo, waxaana madaxdaxweynaha Farmaajo lagu eedeeyey inuu jabiyey Dastuurkadalka, iyadoo qoraal lagu ayiday hadalkii maanta uu jeediyey guddoomiyaha aqalka sare uu ku sheegay inaan la aqbali doonin in lagu tunto dastuurka . Halkaan ka Akhriso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kadib wadatashi dheer oo Madaxweyne Deni uu la yeeshay labadiisa Gole waxay Puntland ay Sharuudo ku xirtay sii wadida Shirka Dhuusamareeb . Puntland waxay dalbatay [...] The post Puntland oo Dalbatay in Beesha Caalamku ka soo qeyb gasho shirka, damaanadna qaado Heshiisyada Shirka Dhuusamareeb appeared first on . Source
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay inay qaadacady shirka Dhuusamareeb 3 ee la filayey inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, ayada oo eedeyn culus usoo jeediyay madaxda dowladda fedeaalka, waxayna soo bandhigtay shuruudo adag si ay shirka uga qeyb gasho. Puntland ayaa ku eedeysay Madaxda Dowladda Federaalka inay ka shaqeeyeen fashilinta natiijadii Dhuusamareeb 1 iyo 2 iyo qorshahii qabsoomidda Dhuusamareeb 3, ayna tusaale u tahay “In Barlamaanka loo isticmaalay in si aan sharci ahayn loo rido Xukuumaddii folio lahayd qodobadii lagu heshiiyey Dhusamareeb 2.“ Waxay sidoo kale sheegtay uin Madaxweynuhu uu si aan waafaqsanayn Dastuurka u magacaabay sii hayaha Raysal Wasaaraha, taas oo ka soo horjeedda qodobka 130-aad ee Dastuurka Ku-Meel-gaarka ah ee Dowladda Federaalka, sida ay sheegtay. “Khudbadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah uu ka jeediyey Golaha Shacabka 15-kii August 2020 waxay ahayd mid muujinaysa sida ay Madaxweynaha uga go’an tahay marin habaabinta dadaallada ay Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Federaalka ku doonayaan in si isla ogol ah looga wads shaqeeyo qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland. “Madaxweynuhu wuxuu muujiyey in aysan jirin wax go’aano ah oo kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2. b. Madaxweynuhu wuxuu sii tilmaamay in uusan qayb ka ahaan doonin wax go’aano siyaasadeed ah oo lagu gaaro Dhuusamareeb 3, isagoo u balan qaaday Baarlamaanka in uu dib uga soo celin doono wax kasta oo shirka kasoo baxa si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah, taas oo muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu leeyahay qorshe ka duwan kan lagu heshiiyo Dhuusamareeb 3 ee qabsoomidda doorasho xilligeedii ku dhacda.” Sidaas darteed, soo jeedisay in qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 ay ka horayso, ayey tiri, hubinta in lagu gaarayo heshiis saldhig leh, sidaas darteed Dowladda Puntland waxay ku baaqaysaa in shirku noqdo mid ka qayb-galkiisa ay u dhanyihiin Madaxda Dowladda Federaalka ah, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Diblamaasiyiinta Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Waxay sidoo kale soo jeedisay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah in uu magacaabo Ra’iisul Wasaare qayb ka noqda fulinta heshiisyada qabsoomidda doorashooyinka Dalka ee 2020/2021. Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran
  10. Xukuumadda Puntland, ayaa markii u horraysay si rasmiya u soo bandhigtay Mowqifka ay ka qabto ka qayb-galka Shirka Dhuusamareeb3. Puntland, waxay ka qayb-galka Shirkaasi ku xirtay Shuruudo ay kamid yihiin, in marka hore la magacaabo Ra’iisul wasaare cusub, si loo helo Xukuumad Sharciya oo fulisa Qodobada lagu heshiiy. Sidoo kale, waxay ku baaqday in Shirka ay ka qayb-galaan wakiilada Beesha Caalamka, si loo helo cid dammaanad qaadda Fulinta Heshiiska ka soo baxa Shirkaas. Waxa kale oo ku baaqday in Shirka ay ka qayb-galaan dhammaan Saamileeyda Siyaasadda Dalka, islamarkaana go’aan loo dhanyahay laga gaaro Arrimaha Doorashooyinka soo socda. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland oo shuruudo adag ku xirtay ka qayb-galka Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  11. Guddoomiyaha degmadda Xuddun ee gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Jidbaale. Waxaa kale oo uu soo jeediyay madaxda degmooyinka in aan la siyaasadeyn dhul daaqsimeedka iyado degmana aanay degmo ku xadgudbeyn. Waxaanu u soo jeediyay beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi wada dega daaqa iyo biyaha si nabadgeliyo ah ku wadaagaan iyada oo aan la kala sheegaynayn dhul daaqsimeedka. Dhinaca kale waxaa uu fariin u diray wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo uu ka codsaday in maayiradda degmooyinka ay ku ilaaliyaan xuduud degmeedkiisa, si aanu maayirna uga talinin dhul uga baxsan deegaanka uu dawlada masuulka uga yahay. Maayerka degmadda Xuddun waxaa uu sidan ka sheegay wareysi uu siyay warbaahinta dawlada. Maayerka degmadda Xuddun isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa jirtay dhawaan shaqaaqo ka dhacday degmadda Jidbaale oo ka tirsan degmadda Xuddun ee gobolka Sool, shaqaaqadaasina waxaa ay dhex martay dad walaalo ah oo isku degaana, arrimaha noocaas ahi markay dhacaana maaha in la siyaasadeeyo, oo deegaankaa degmooyin isku qabsadaan, daaqa iyo ceelasha biyaha bulshada reer Somaliland meelkasta ha joogaane way wada leeyihiin, lamana kala sheegan karro” Maayerka degmadda Xuddun mar uu ka hadlayay dhibaatada laga dhaxlo muranka dhulka waxaa uu yidhi “Waxaa jira muran siyaasadeed oo degmooyinka qaar ku doodayaan in dhul degmo kale leedahay ku sheegtaan, ama ay dadka ku yidhaahaan dhul heblaayo waxaa uu ka tirsan yahay degmadeena, taasina waxaa ay keenta isku dhaca dadweynaha reer guuraaga ah, waana arrin fool xun in la siyaasadeeyo dhul daaqsimeedka dadku wada leeyahay, degmooyinkuna waa ay kala xadeysan yihiin degma kastaana waa ay taaqaana dhulka ay leedahay” Maayerka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu fariin u diray wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan ka codsanaya wasaaradda arrimaha gudaha in maayerada in ay ku dhaqmaan siyaasada Qaranka ee ah in aan daaqa iyo biyaha la kala sheegan iyo in aan degmana degmo kale ku xadgudbin” Ugu danbeyn maayerku waxaa uu sheegay in deegaanku nabad yahay gacantana ay ku hayaan arrimaha nabad geliyada, maamulka degmada, ka heer gobol iyo ciidanka Qaranka oo ku sugan deegaanadii ay wax ka dhaceen. Qaran News
  12. MOGADISHU (HOL) - Security forces in Mogadishu have ended close to five hours siege by the militant group Al-Shabaab at an upscale beachfront hotel in the city. Source: Hiiraan Online
  13. Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan weerarkii xooganaa ee shalay lagu qaaday hotelka Elite, waxayna soo badbaadiyeen dadkii ku go’doomay hotelkaasi. Wararka ayaa sheegaya in 205 oo qof isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo dad rayid ah ay soo badbaadiyeen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran. Taliyaha Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad, Farxaan Qaroole oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxa uu sheegay in howl-galka ay bilaabeen kadib markii dadka laga soo saaray, ayna toogteen dhammaan raggii hubeysnaa ee gudaha u galay dhismaha hotelka. Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in kooxda weerarka fuleysay ay ahaayeen 4 nin oo uu mid weliba ku hubeysnaa qoriga AK47. Inta la’ogyahay waxaa illaa iyo hadda weerarkan ku dhintay ku dhowaad 20 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarkii Hotel Elite, islamarkaana soo badbaadiyaan dadkii ku sugnaa gudaha, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo. Afhayeenka ayaa sheegay in xoogaga sida gaarka ah u tababaran ay soo afjareen go’doominta afarta saacadood qaadatay ee lagu hayay buu yiri Hotel Elite ee Muqdisho, ka dib markii la dilay kii ugu dambeeyay. “Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Somaliya ayaa soo afjaray go’doomintii 4-ta saacadood qaadatay ee lagu hayay Hotel Elite ee Muqdisho, ka dib markii la dilay kii ugu dambeeyay,” ayuu yiri Afhayeenka oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Qoraalka ayuu ku yiri “Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan hawgal ay ka sameeyeen Hotel Elite, waxay soo badbaadiyeen dadkii ku go’doomay hotelka, baaritaano ayayna sameynayaan.” Ismaaciil Oranjo ayaa qoraalka ku xusay in wixii macluumaad ee ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, uu dib dadka kala soo wadaagi doono. “Faah faahinta khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee weerarkaasi ka dhashay, waan idinla soo wadagaayaa,” ayuu yiri Ismaaciil Oranjo. Inta la ogyahay ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka ku dhowaad 30 kalena kalana ay ku dhaawacantay, waxaase loo maleynaya in khasaaraha uu intaasi ka badan karo. Masuuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Qoraal ka soo baxay ayay ku sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa hotelkasi, oo uu leeyahay Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Nuur, oo xubin ka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya. Waa weerarkii ugu horeeyay ee sanadkan lagu qaado hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, kaasoo ku yimid habacsanaanta amni ee labadii bilood ee ugu dambeysay laga dareemayay magaalada.
  15. A Somali police officer says at least 10 people have been killed and more than a dozen others injured in an ongoing siege at a beachside hotel in Somalia’s capital where security forces are battling Islamic extremist gunmen who have invaded the building. Security forces have so far shot dead two of the attackers in the hotel amid fears of hostage crisis inside the complex, said Ismail Mukhtar, spokesman of Somalia’s information ministry. Military vehicles could be seen taking positions around the hotel amid the darkness of night, that officials worry could prolong the siege. Police said the attack started with a powerful car bomb that blew off the security gates to the Elite Hotel. Then gunmen ran inside and took hostages, mostly young men and women who were dining at the hotel, he said. Security forces rescued more than 10 people from the siege and were trying to prevent the attackers from moving up to the top floor, he said. Ambulance sirens could be heard in the area which has had a power outage since the attack started. Somalia’s homegrown Islamic extremist rebels, al-Shabab, who are allied to al-Qaida, have claimed responsibility for the attack via its radio arm, Andalus. The hotel attack has shattered a period of calm for a few months. Earlier this year Somalia had a spate of bomb attacks. View the full article
  16. Goordhaweyd ayaa la soo afjaray weerarkii ay galabta Al-shabaab ku qaadeen hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ayaa la sheegay inay toogteen rag hubysan oo tiradooda lagu sheegay 4, oo ilaa galabta ka dagaalamayay gudaha huteelka. Intii howlgalku socday waxaa gudaha hoteelka laga soo badbaadiyay dad badan oo isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, waxaana kamid ahaa mulkiilaha hotelka Elite, xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur. Weerarka waxaa ka dhashay khasaare farabadan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana warar lagu kalsoonaan karo oo heshay Puntland Post sheegayaan in dhimashadu ay ka badan tahay 20 ruux, halka dhaawacuna uu ku dhowyahay 40 qof. Dadka weerarkaas ku dhintay waxaa ka mid ah agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdisaaq Cabdi iyo Daahir Cali oo tirsanaa waasaaradda Gaashaandhiga, dad dhaawacmay waxaa ka mid ah wasiiru dowlihii wasaaradda howlaha guud ee Galmudug Axmed Waashitoon iyo sawir qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamad Caraaye. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay qaraxa hotel Elite ee xeebta Liido, sidoo kale u tacsiyeeyay dadkii waxyeeladdu ka soo gaartay. Mas’uuliyadda qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab oo weeraro badan oo noocaan ah horey uga geystay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Weerarkii hotel Elite oo la soo afjaray iyo Farmaajo oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.
  17. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-Shabelle-16082020.mp3 View the full article
  18. Waxaa ka qabsoomay Burco shiweynihii xisbigii S.N.L ( Somali National League) Bishii June 1957 Waxaana lagu doortay Xubnahan : Guddoomiyaha xisbiga Xaji Cumar Askar halka xoghayaha guud ee xisbiga loo doortay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Qodobadii shirkaas waxaa ka mid ahaa in wafdi loo diro dowladdii daakhiliga aheyd ee Muqdisho ka dhisnayd ,waxaana isla Bishii June 1957 soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ka socday British Somaliland oo uu hoggaaminayey Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa Xoghayaha guud ee Xisbigii S.N.L.waxeyna la kulmeen xukuumaddii Dakhiliga aheyd,Golahii Baarlamaanka iyo Axsaabtii Mucaaradka aheyd,waxey martiqaad u fidiyeen Xukuumaddii Dakhiliga aheyd,waxaana isla sannadkaas 1957 Hargeysa tagey wafdi uu horkacayey Xaaji Faarax Cali Cumar oo ahaa Wasiirka Maaliyadda waxeyna booqashadoodii ku soo gebageboobday guul iyo is-afgarad. Waxaa sannadkii xigey ee 1958 British Somaliland tegey wafdi uu hoggaaminayey Xaaji Muuse Boqor oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha isla markaana ahaa ku xigeenka Ra´iisal wasaaraha,waxaana wafdigiisa ka mid ahaa xubno sare ee xisbigii LEEGADA sida : Xaaji Maxamuud Cabdille Dirir (Qurmoone).Axmed Maxamed Umal (Allore),Maxamed Cilmi (Ottavio),Cali Yaasiin Cabdi Cumar,Cabdi-Daahir Faarax Gaas waxeyna booqashadooda ka bilaabeen Berbera, Hargeysa, Boorama, Burco, Ceerigaabo iyo Laascanood, waxeyna booqashadooda ku soo dhammaatay guul iyo is-afgarad. Bishii Febraayo 1960 British Somaliland waxaa ka qabsoontay doorashadii Baarlamaanka waxaana lagu soo doortay 33 xildhibaan,waxaana af-hayeenka Baarlamaanka loo doortay Cabdullaahi Maxamed Axmed (Qablan) oo ka soo jeeday Beesha East Sanaag Clan. 6-dii April 1960 Baarlamaankii Somaliland wuxuu ansixiyay 2 qodob oo kala ahaa: Xornimo iyo la midowga Soomaaliya 1-da July, 15-kii April 1960 waxaa Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday Baarlamaanka Somaliland, waxeyna 16-kii April 1960 la galeen heshiis Baarlamaankii Soomaaliya dulucdiisana ay aheyd Midnimo iyo israaca 1-da July waxaana heshiiskaas wada saxiixay labada afhayeen Aadan Cabdille Cismaan iyo Cabdullaahi Maxamed Axmed (Qablan). Bishii May 1960 waxaa London ka qabsoomay shirkii Somaliland Conference kaasoo dhexmaray wafdigii uu hoggaaminayey Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Dowladda Ingiriiska, waxaana lagu guddoomiyay xornimada Somaliland 26 June 1960 si ay ula midoobaan Soomaaliya 1-da July. 30-kii June 1960 Baarlamaankii Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiskii Labada Baarlamaan ee 16 April 1960. 1-dii July 1960 waxaa qabsoomay shirkii ugu horreey ee Baarlamaankii Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka koobnaa 123 Mudane,Waqooyi 33 Mudane, Koonfur 90 Mudane. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxey xubin buuxda ka noqotay U.N. 20 September 1960-kii 31-kii January 1961 Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la soo hordhigay mooshin ah in cod loo qaado midnimada waxaana aqlabiyad buuxda lagu ansixiyey midnimada Soomaaliya. 20-kii june 1961 waxaa qabsoontay Aftidii Dastuurka Soomaaliya. Siddaas waxaa kusoo afjarmay midnimadii iyo israacii Jamhuuriyada Soomaaliya. Haddaba waxaa isweydiin mudan halka Sheekh Shariif uu ka keenay hadda ayaa la midoobayaa dastuurka xaggee kaga qoran tahay Waqooyi iyo Koonfur ayaa loo wadahadlayaa iyadoo dastuurkii Jamhuuriyada Soomaaliya la ansaxiyey June 1961. Waa suurtagal Soomaaliya dhexdeeda wixii dhexmaray in laga wada hadlo, laakiin qaranimada Soomaaliya ee aftida loo qaaday June 1961 in la siyaasadeeyo waa wax aan ku jirin danaha midnimada Soomaaliya. Qoraalka kan xiga waxaan kusoo qaadanaynaa Sheekh Shariif qaabka uu u bilaabay wadahadalada iyo ciddii ka danbeysay iyo in weji aan qurux badnayn loo yeello. W/Q: Faarax Ciise The post Wadahadaladii midnimada Soomaaliya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray si weyn ugu cambaareeyey weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerarka, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 qof oo kale. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada uu leeyahay falkan arxan darrada ah maadaama cadowgu ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan kobaca amniga, dhaqaalaha iyo xasiiloonida Caasimadda oo dadaal badan la geliyey. “Ujeedka ugu weyn ee argagixisadu ay u qaadayaan weeraradan gaadmada ah waa in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag. Waa xaqiiq in qorshahoodu uu yahay mid lagu dhibaateynayo qof kasta oo Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dhammaan muwaadiniinta ku dhaawacmay weerarkan argagixisanimo, isagoona ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan walaalahooda ay argagixisadu dhibaateeyeen.
  20. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow war ka soo saaray weerarkii xooganaa ee galabta lagu qaaday hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Halkan hoose ka akhriso: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada uu leeyahay falkan arxan darrada ah maadaama cadowgu ay doonayaan in ay ku dhibaateeyaan kobaca amniga, dhaqaalaha iyo xasiiloonida Caasimadda oo dadaal badan la geliyey. “Ujeedka ugu weyn ee argagixisadu ay u qaadayaan weeraradan gaadmada ah waa in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag. Waa xaqiiq in qorshahoodu uu yahay mid lagu dhibaateynayo qof kasta oo Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dhammaan muwaadiniinta ku dhaawacmay weerarkan argagixisanimo, isagoona ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan walaalahooda ay argagixisadu dhibaateeyeen. DHAMMAAD View the full article
  21. Milkiilaha hoteelka Elite oo ka mid ah hoteellada sida casriga ah loo dhisay ee magaalada Muqdisho, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay weerarkii xooganaa ee gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday hoteelkiisa oo ku yaalla xeebta Liido. Cabdullahi Maxamed Nuur oo sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey weerarka uu ku sugnaa hoteelka, balse uu ka bad-baaday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkaasi, isaga oo tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay halkaasi. “Dhammaan allaha u naxariisto intii ku dhimatay weerarkii galabta ay argagaxisadu ku soo qaaday shacab Soomaaliyeed, gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna allaha bogsiiyo, waana caafimaad qabaan dhamaan ehel iyo asaxaaba” ayuu yiri xildhibaanka. Weli waxaa socda howl-gal lagu soo af-jarayo weerarkaasi, kadib markii ay hoteelka gudaha u galeen rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Dhimashada ayaa haatan kor u dhaafeysa illaa 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira shacab, saraakiil ciidan iyo shaqaale dowladeed. View the full article