-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay safiirka dowladda Mareykanka u jooga gudaha Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto, iyagoo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro. Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socday lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka 2020/2021-la, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka. “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo safirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa kulan goor dhow soo idlaaday uga wadahadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya, ayagoo kulankooda diirada ku saaray doorashada 2021,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xisbiga UPD. Donald Yamamoto ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday kulamo gooni-gooni ah, isagoona shalay kulan gaar ah la qaatay, marka ay magaalada Muqdisho yimaadeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Deni. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu jiro xilli xasaasi ah, islamarkaana laga wada-hadlyo arrimaha doorashada 2020 illaa 2021 oo nooceeda lagu go’aamiyey wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo u dhexeeyey dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamullada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir. The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Yamamoto oo ka wada-hadlay qodob xasaasi ah first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha Puntland, madax ka tirsan ururrada siyaasadda iyo safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya. Mudane Xasan ayaa waxaa uu kulan wadajir ah la qaatay madaxweynaha Puntland Saciid Deni, guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran mudane Shariif Xasan Sheikh Aaden, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran mudane xidlhibaan Suleyman Maxamuud Xaashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir mudane Cabdiraxman cabdishakur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan mudane Mohamed Cabdiraxman Siiriin iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan. Kulanka ayaa la sheegayaa in xoogga lagu saaray isku xog wareysi xaalada guud ee dalka gaar ahaan siyaasadda, arimaha doorashooyinka ee taagan iyo xilliga kala guurka ah. Dhanka kale, Xasan Sheekh waxaa uu sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyaga oo ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo, doorashada soo socota ee 2020/2021 iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wado cadaadis ka dhan Farmaajo xilli ninka dambe uu wado waqti dheereysi xilkiisa ah iyo meermeerin ku aadan qabashada doorashada. Shirarkan ayaa sidoo kale dhacaya kahor shir caawa ay yeelan doonaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dareen cadho leh ka muujiyay qado sharaf uu dhawaan safiir Baashe Cawil Cumar u sameeyay kaadiriin ka tirsan xisbi xaakimka KULMIYE iyo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Kulankaasi oo uu abaabulkiisa lahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ampasador Baashe Cawil ayaa lagu sheegay in loogu sii gogol xaadhayay sidii uu shirweynaha KULMIYE ugu qabsoomi lahaa midnimo iyo in Madaxweyne Biixi looga tanaasulo doorka guddoomiyenimada KULMIYE iyo Murrashaxnimada madaxweynaha. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay shabakadda wararka ee Somalilandtoday ka heshay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Muuse Biixi uu si weyn uga cadhooday tallaabada uu qaaday safiir Baashe Cawil. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku canaantay Safiir Baashe Cawil in kulan noocan ah uu qabto isaga oo aan la soo socodsiinin, waxaanu u sheegay in xisbiga KULMIYE loogu tartami doono si furan marka la gaadho wakhtiga loo muddeeyay. Ugu dambayntii Safiir Baashe Cawil ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Biixi ka raali-geliyay tallaabadan uu ku kacay waxaanu u sheegay in hawlaha xisbiga uu uga dambayn doono hoggaanka sare ee xisbiga. Source
-
As students return to universities around the world, four British-Somali students talk about navigating one of Britain’s most elite institutions: Cambridge University. Their identity is rooted in Somalinimo (‘the essence of being Somali’) and in this love letter to Somali culture, blackness and Islam, they reflect on both belonging and marginalisation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Muqdisho, iyaga oo wada-hadallo kula leh Madaxweyne Farmaajo. Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa qaba tabasho ay ka muujinayaan heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay ka maqnaayeen, balse waxaa haatan qorshuhu yahay in laga wada-hadlo arrimahaasi oo dhan, si xal mideysan looga gaaro. Sidoo kale Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland ayaa ‘u adkeysan waayey’ in dowladda federaalka ay sii shaqeyso, marka uu dhammaado muddo xileedkeeda. Sida uu BBC-da u sheegay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka faalooda arrimaha Afrika waxay madaxda dowladda dhexe iyo Jubbaland iyo Puntland arrimaha ay ka wada-hadlayaan ka mid ah sidii loo dhisi lahaa dowlad, marka uu dhammaado muddo xileedka dowladda uu hoggaamiye Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lagama maarmaan ay tahay in la soo dhiso dowlad, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed oo timaada. “In horta dowlad la soo dhiso lagama maarmaan weeye oo xitaa dowlad aan kumeel gaar aheyn in meesha ay iska joogto waa sharci darro. Waxyaabaha ay ku adkeysanayeen weeyaan Deni iyo Axmed, waana lagama maarmaan in dowladi ay jirto,” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar. Ugu dambeyn Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa xusay inuu rajeynayo in wada-hadalladu ay ka soo bixi doonaan heshiis dambe oo aad looga soo shaqeeyey. “In meeshaas uu ka soo baxo heshiis dambe oo dib loo lafagurayo wixii lagu heshiiyay shirkii Dhuusamareeb ee ay ka maqnaayeen.” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo caawa ay si rasmi ah u bilaaban doonaan wada-hadallada saddex geesoodka ah ee u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland. The post Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo shaaciyey arrin yaab leh oo ay ku adkeysanayaan Axmed Madoobe iyo Deni? first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxwaynaha maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wada- kulamo uu la qaadanayo siyaasiinta Soomaaliyeed si loo dar- dar galiyo arimaha doorashooyinka dalka. Madaxwayne Saciid Deni ayaa Muqdisho kula kulmay madaxda Madashaxisbiyada qaran ee ay hogaaminayaan madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamed Iyo Shariif Sheekh Axmed. Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saaray in dalka ay ka dhacdo doorashola isla ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacda iyo qodobo ay ku jiraan heshiiskii Dhuusmareeb-3 “Madaxweynihi hore ee dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamidah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Abdullahi Deni”sidaas waxa lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran. Madaxwaynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa maalin ka hor soogaaray magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha beesha Caalamka. Dhawaan ayay aheyd markii Maamullada Puntland iyo Jubbalnd ay ka horyimaaddeen ayna qaaddaceen qodobbadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb-3,taas oo keenay in markale la isugu yimaada Muqdisho. Daawo Kulamadii Madaxweyne Deni Iyo Madasha Xisbiyada Qaran Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A 40-year-old man from Somalia has tested positive for coronavirus at the Moria migrant and refugee camp on Lesbos, according to reports Wednesday. The man holds refugee status in Greece and recently returned to Moria after failing to settle in Athens, Ekathimerini reports. Source: Hiiraan Online
-
Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay kulan heer sare ah u qabandoonto Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda federalka Soomaaliya, kulankaas oo loogu tala galay sanadguuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka. Kulankaan ayaa hoggaamiyeyaasha adduunku oo qeyb ka yihiin hoggaamiyayasha Soomaaliyeed, waxay aqbali doonaan bayaan siyaasadeed oo ku saabsan Mustaqbalka waxa la doonayo in la qabto. Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay u baahan nahay dib u xaqiijinta ballanqaadkeed wadajirka ah ee dhinacyada badan. “Waxaa jiri doona kulan heer sare ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha oo loo qoondeeyay in lagu maamuso sanadguuradii 75aad 21ka Sebtembar. Dhacdadan, madaxda adduunku waxay isla qaadan doonaan bayaan siyaasadeed oo hor u socd ah oo ku saabsan ‘Mustaqbalka aan dooneyno, Qaramada Midoobay ee aan u baahannahay: annagoo dib u xaqiijinayna ballanqaadkeena wadajirka ah ee iskaashiga dhinacyada badan” ayaa lagu yiri qoraalka qaramada Midoobay. Wada hadalkani ay ku baaqday Qaramada Midoobay, ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda federalka ku baaqday in dib u eegis lagu sameeyo waxqabadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Kadib markii ay ku eedeeyeen inay yar yahay taageeradiisa siyaasadeed iyo horumineed ee dowlad dhisida Soomaaliya. Dowladda Federaalka iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay isla qeexaan mudnaanta howlaha shanta sano ee soo socota iyadoo qayb ka ah Qaab-dhismeedka Iskaashiga 2021-2025. View the full article
-
Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in caawa si rasmi ah uu u furmayo kulan ay yeelanayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wada-hadallada u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo DFS ayaa ku saabsan arrimaha doorashooyinka, waxaana xalay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo hordhac u ahaa kulanka caawa. “Madaxweyne JFS ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland, Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay”ayuu yiri agaasime Cabdinuur. Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u sugaya natiijada shirkaan oo ah mid muhiim u ah dalka,waxaana laga filayaa in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Muqdisho kula kulmaya dhamaan Saamilayda Siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulankii u horeeyey wuxuu la qaatay Madaxweyne Farmaajo, kulanka xigana wuxuu la qaadanayaa [...] The post Madaxweyne Deni oo la kulmaya dhamaan Saamilayda Siyaasada Soomaaliya appeared first on . Source
-
The US has now formally stepped in, to support Egypt and punish Ethiopia over the river water sharing dispute between the two African countries. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD), mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygiisa uu ka degan yahay Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga caasimada dalka. Xasan Sheekh iyo Mas’uuliyiin culus oo ka tirsan xisbiyada mucaaridka ayaa soo dhaweynta kadib kulan gaar ah la qatay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo Muqdisho u jooga is-afgarad laga gaaro arrimaha doorashooyinka. Kulankaasi ayaa waxa qeyb ka ahaa guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran mudane xidlhibaan Suleyman Maxamuud Xaashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir Party mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan mudane Maxamed Cabdiriaxmaan Siiri iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa kulankaasi diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanta ku aadan nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa, maadama la fahamsan yahay in meesha laga saarayo heshiiskii Dhuusamareeb 3. Senator Ilyaas Xasan Cali oo ka tirsan Madasha ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa kulan wada tashi ah yeeshey Masuuliinta Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweynaha Puntland, kaas oo looga arinsanaayey mowqifka Madasha iyo Arimaha Doorashada 2020/2021.” Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad ayaa kulankan ku macneeyey inuu billow u yahay shirar siyaasadeed oo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka dalka 2020/2021. Kulankan ayaa daba socda kulamo gooni-gooni ah oo madaxweynaha Puntland ka bilaabay magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu soo gaaray. Waxaana lagu wadaa in heshiis cusub oo badeli doona midkii Dhuusamareeb uu kasoo baxo kulamada wada-tashi ee ka bilaabanaya Muqdisho, kuwaasi oo si gaar ah ay fooda isku dari doonaan Axmed Madoobe, Deni iyo Farmaajo. The post Ujeedka kulankii dhex maray Xasan Sheekh, Deni, Shariif Xasan iyo CC Shakuur + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddiga amniga ee maamulkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobollada Shabeelaha, Baay iyo Bakool, gaar ahaan deegaanada ay ka heystaan. Waxaa sidoo kale shacabka loogu baaqay inay ka qeyb-qaataan howlaha lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaanada maamulkaasi. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay Sarakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furay Manhajka Waddaniga ah ee loogu talagalay Dugsiyada Sare ee Dalka. Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho oo ardayda wax ka barta uu u qeybiyey buugaagta manhajka, waxa uuna ku dhiirri geliyey in ay ka miro dhaliyaan hiigsigooda qofeed iyo tacabka Dowladda iyo qoysaskoodu ay ku bixinayaan. “Waxaa guul ah in ubadkeenu ay maanta laga bilaabo wax ku baran doonaan Manhaj mideysan oo ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalkeenna. Dadaal dheer kaddib waxa aynu ku guuleysannay Manhajka Dugsiyada Sare iyada oo horey aynu u soo daahfurnay Manhajka dugsiyada Hoose iyo Dhexe.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda qalinleyda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh ay u leeyihiin kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo in dadkeenu ay ka faa’iideystaan khayraadka dabiciiga ah ee ceegaaga dhulkeena. Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree ee Dalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay sida Dowladda ay uga go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalkeenna, iyada oo la kordhiyey maadooyinka Dugsiyada Sare, lana gaarsiiyey 13 Maaddo oo ku diyaarsan Afka Hooyo, Carabi iyo Ingiriisi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furi doona wadahallada arrimaha doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland. Kulankaan oo horay loo sii qorsheeyay, waxaa si hordhac ah uga hadlay agaasimaha madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed kaas oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook. Agaasimaha wuxuu sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in xalay Villa Soomaaliya ay kulan casho ah ku yeesheen xubnaha shirka ka qeyb galaya, isagoo rajeeyay iney kasoo baxdo natiijo saldhig u noqota doorasha wakhtigeeda ku dhacda. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay wixii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, waxeyna Muqdisho ku yimaadeen cadaadis ka yimid Beesha Caalamka. Maanta waxey labada madaxweyne kulamo la qaateen xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo ay ugu waaweyn yahiin (Xisbiga Midowga Nabdda iyo Horumarka iyo Xisbiga Wadajir. HALKAAN KA AKHRISO WARKA AGAASIMAHA: Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland. Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay. Waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah. The post Villa Somalia oo ka hadashay kulanka Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
-
Wargeyska Charlie Hebdo oo mar kale daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH) Dhageysiga dacwadda ragga loo heysto inay caawiyeen dableydii weerarka fulisay ayaa maanta bilaabaneysa Wargeyska qaabka maadeysiga wax u qora ee kasoo baxa Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH), tallaabadaas oo sanadkii 2015-kii u horseeday in lagu qaado weerar dhimasho geystay. Waxay arrintani imaaneysa maalin uun ka hor xilli la filayo in maxkamad ay kasoo hor muuqdaan 14 qof oo looga shakiyay inay caawinayeen labadii qof ee weerarka ku qaaday xarunta wargeyska. Waxaana weerarkaas lagu dilay 12 qof oo ay kamid yihiin farshaxamiistayaal caan ah, waxaana sidoo kale maalmo kaddib Paris ka dhacay weerar kale oo ay ku dhinteen 5 qof. Bogga hore ee wargeyska ayaa lagu daabacay 12 sawir gacmeed oo laga sameeyay Nebiga kuwaas oo lagu daabacay wargeys kasoo baxa Denmark ka hor inta aysan kasoo muuqan Charlie Hebdo. Wargeyska ayaa ku dooday in marar badan laga codsaday in uu soo daabaco sawir gacmeedka tan iyo markii uu dhacay weerarkii 2015-kii. “Mar kasta waan diidin jirnay, sababtuna ma aheyn in mamnuuc ay tahay daabicidda- sharciga ayaa inoo ogolaanayaa in aan daabacno sababta oo ah waan in la helaa arrin macquul ah oo sabab u ah arrintaas oo micno sameyneyso taas oo dhalineyso dood” “In dib loo soo saaro sawir gacmeedka xilli lagu gudo jiro toddobaabka dhageysiga dacwadda ku saabsan dadkii lagu tuhunsanaa weerarkii argagixisada ee dhacay bishii Jannaayo sanadkii 2015-kii, waxay arrintaas ka dhigeysaa in laga maarmaan ay inoo tahay” Maxaa laga filayaa maxkamadeynta? Afar iyo toban qof oo lagu soo eedeeyay in hub iyo caawimaad ay u fidiyeen kooxdii weerarka ku qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo iyo weeraro kale oo ka dhacay Paris ayaa maanta maxkamadda kasoo hor muuqaanayaa. Xarunta laga dukaameysto ee The Hyper Cacher oo ay weerarka ku qaadeen dableyda bishii Jannaayo 2015-kii waxaa ku dhintay afar qof Saddex kamid ah raggaas ayaa dacwaddooda la dhageysan doona iyagoo aan maxkamadda joogin, waxaana la rumeysan yahay inay u carareen dhinaca waqooyiga Ciraaq iyo Suuriya. Waxaana la filayaa in maxkamadda ay tegaan ilaa 200 qof oo dacwadda gudbiyay iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday weerarka si ay caddeymaha u horgeeyaan maxkamadda, sida uu ku warramay Raadiyaha Faransiiska ee RFI. Weerarkii 2015-kii 7-dii bishii Jannaayo ee sannadkaas, labo nin ayaa weerar ku qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo uu ku lahaa magaalada Paris ka hor inta ay rasaas ku furin shaqaalaha wargeyska. Tafatirihii wargeyska Stéphane Charbonnier iyo afar kamid ah shaqaalaha ayaa lagu dilay weerarka. Dableydii weerarka soo qaaday waxaa markii dambe dilay saraakiisha booliska, waxaana weerarkaas ku dhintay 12 qof. Maalmo kaddib, nin hubeysnaa ayaa weerar kale ku qaaday xarun dadka yuhuudda ay dukaameystaan oo ku taalla bariga Paris, waxaana halkaas ku dhintay 4 qof, booliska ayaa markii soo afjaray weerarka, waxay dileen ninkii weerarka soo qaaday. Maxaa loo beegsaday Charlie Hebdo? Farshaxankii laga sameeyay Nebiga (NNKK) ayaa horseeday in Charb tafatirihii wargeyska loogu hanjabo dil, ka hor inta uusan weerarka ku dhiman waxaa 24- saac ilaalin jiray ciidamada booliska, sanadkii 2011-kii ayaa qarax lagu weeraray xafiisyada wargeyska. Charb wuxuu si weyn u difaacay daabicidda sawir gacmeedka oo uu ku tilmaamay astaan muujineyso xoriyatul qowlka. “Lama yaabani in sawiradeena aysan ka farxin muslimiinta” wuxuu sanadkii 2012-kii u sheegay wakaaladda wararka ee AP “Waxaan ku hoos noolahay sharciga Faransiiska ee kuma hoos nooli sharciga Qur’aanka” Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, oo ay weheliyaan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheikh Aaden iyo xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Muqdisho. Madaxweyne Deni, waxaa booqashada ku weheliyay wefdigiisa, oo ka kooban wasiiro, xildhibaano la-taliyaal sare iyo saraakiil kale oo ka tirsan madaxtooyada Puntland. Kulan waxaa sidoo kale ka qeybgalay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo aan kamid ahayn xisbiyada la magacbaxay Madasha Qaran. Wararku waxay sheegayaan, in kulanka labada dhinac looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada soo socota, inkastoo aysan dhinacyadu faahfaahin ka bixin kulanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Muqdisho kula kulmay Xasan Shiikh iyo Shariif Xasan appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta u duulaya dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in safarkiisa uu la xiriiro arrimaha dhismaha dekedda Hobyo. Wararka la helayo waxey sheegayaan in Axmed Qoor-Qoor uu dowladda Jabuuti weydiisan doono sidii ay gacan uga geysan laheyd dhismaha Dekedda Hobyo. Dowladda Qatar ayaa horay u ballan qaaday dhismaha dekedda Hobyo, balse wax war ah lagama haayo tan iyo markii ay ballanta qaadeen, waxaana jirtay iney mar booqdeen magaalada Hobyo. Maamulka Galmudug waxey doonayaan iney iskood isku xilqaamaan dhismaha dekedda Hobyo, waxaana lagu qiimeeyay lacag dhan 90 Malyan oo Doolar. Lacagaha lagu dhisayo waxaa la sheegay in laga arurin doono maamulka iyo dadka kasoo jeeda deegaanka. Si kastaba safarka madaxweynaha Galmudug wuxuu kusoo aadayaa xilli ay Muqdisho ku shirayaan labada madaxweyne Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah iyo dowladda dhexe. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay wixii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan imaan fadhigii ugu dambeeyay. Wararka qaar waxey sheegayaan in natiijo walba kasoo baxda shirka ay yeelanayaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah iyo dowladda dhexe aan lagala tashan doonin saddexda maamul ee lagu xagliyo iney la safan yahiin Villa Soomaaliya oo ay ku jirto maamulka Galmudug oo uu hogaamiyo Axmed Qoor-Qoor. The post QOOR QOOR oo dibedda u safray xilli uu muran ka jiro heshiiskii Dhuusamareeb 3 first appeared on Caasimada Online.
