Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in 2 ruux oo cusub laga helay COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 25 qof oo looga shakiyay cudurkan safmareenka ah. Wasaaradda ayaa xustay in Dadka laga helay cudurka oo dadoodu u dhexeyso 26 sano jir illaa 35 jir, ay kunool yihiin magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay sheegtay in 1 qof uu ka bogsaday cudurka COVID-19. Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID-19 gudaha Puntland ayaa hada gaartay 405 qof, waxaa u dhintay 9 ruux, halka ay ka bogsadeen 208 qof. View the full article
  2. Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa saaka ka bilwoday barakac xooggan, kadib markii Webiga Shabeelle oo dhexmara Magaalada uu mar kale fatahaad ka sameeyay Xaafado ka tirsan Beledweyne. Biyaha Webiga, ayaa xalay iyo saaka buux dhaafisay xaafadaha Hawlwadaag iyo Buundaweyn ee Beledweyne, kadib markii uu fatahaad sameeyay Webiga, waxaana halkaas barakac ka bilaabay Shacabka ku nool Xaafadahaaas. Sidoo kale, Xaafadaha Kooshin iyo Dhagax-jebis, ayaa laga cabsi qabaa in ay saacadaha soo socda gaarto Fatahaadda Webiga, waxaana Dadweynaha ku nool bilaabeen barakac, si ay naftooda ugala cararaan Fatahaadda. Sannadihii u dambeeyay Webiga Shabeelle, wuxuu fatahaado kala duwan ka sameeyay Magaalada Beledweyne, taas oo Shacabka Beledweyne ku khasabtay in ay marar kala duwan ka barakacan gudaha Magaalada. PUNTLAND POST The post Webiga Shabeelle oo ku fatahay Beledweyne oo barakac xoogan oo halkaas ka socda appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramaya in ay ku guulaysteen kala qaadista laba malayshiya-beeleed oo ku dagaallamay Degaanno ka tirsan Gobolkaas. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Saaka la kala qaaday laba malayshiya-beeleed oo Shalay ku dagaallamay Degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud. Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa lagu qanciyay in ay isu’gu yimaadaan Gobol nabadeed si loo dhammeeyo Xiisadda Colaadeed ee ka dhex aloosan labada beelood. Dagaalkii Shalay ka dhacay Degaanka Xananbuurre ayaa laga soo weriyay khasaare kala duwan oo dhinacyadii dagaallamay ah inkastoo aan tirakoob rasmiya laga helin. PUNTLAND POST The post Malayshiy-beeleed ku dagaallamay Gobolka Galgaduud oo la kala qaaday appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidamada Daraawiishta Jubaland, oo ay weheliyaan kumaandooska Dowladda Federaalka ee Danab, oo dhawaan la waregay Degaanka Jannaay-cabdalle oo qiyaastii magaalada kismaayo 60 km u jirta, waxay halkaasi wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, si ay u xaqiijiyaan Amniga Degaanka. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa, ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay qabteen gaari susuuki ah midabkiisuna yahay Madoow oo Al-shabaab ka soo buuxiyeen Walxaha qarxa, isla markaana doonayeen ineey uga fuliyaan Magaalada Kismaayo. Sidoo kale, Saraakiisha waxaa ay sheegeen in Gaari Hoomeey oo isna qaraxyo lagu soo raray ayay ku qabteen duleedka Degaanka Jannaay-cabdalle, halkaasna ay ku burburiyeen. Ugu dambeyntii, waxay Ciidamadu Degaanka janaay-cabdale ka soo saareen 18 miino oo Al-shabaab ay ku aaseen wadooyinka, sidoo kalena Ciidamada weli Degaankaas ay ka wadaan howlgallo kala duwan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland iyo DANAB oo fashiliyay gawaari qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.
  5. Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay khilaafka u dhexeeya labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wada-shaqeyn la’aanta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. Axmed Madoobe ayaa xusay inay muhiim tahay in la ballaariyo shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho, islamarkaana loo baahan yahay inay ka soo qeyb-galaan xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, siyaasiyiinta mucaaradka, dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda ee 2020/2021. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta ay u yimaadeen Muqdisho isaga iyo Siciid Deni ay tahay tanaasul ay sameeyeen, si looga heshiiyo arrimaha doorashada. Hadalkan ayaa Madaxweynaha Jubbaland wuxuu shalay ka sheegay kulanka Golaha Aqalka Sare Soomaaliya, isaga oo halkaasi ka jeediyey khudbad uu uga hadlay xaaladda dalka, arrimaha Jubbaland, safarkiisa Muqdisho iyo qodobo kale oo ku aadan doorashooyinka. Arrimahan oo idil waxay ku soo aadaya, xilli weli aysan si rasmi ah u bilaaban wada-hadallada u dhexeeya dowladda dhexe, iyo dowlad goboleedyada oo la doonayo in heshiis dhameystiran looga gaaro sida loo wajahayo doorashada Soomaaliya ee 2020/2021. View the full article
  6. Kadib markii shalay la shaaciyey natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka ayaa ardayda ugu badan ee sanadkan dhacday waxa ay u badnaayeen kuwa M/Muqdisho. Wasiiru dowlaha waasarada waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in aysan muhiim aheyn oo kaliya qaadista imtixaanka, balse ay baaris ku sameyn doonaan tayada iskuuladda magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la hubiyo waxa sababay in ardayda gobolka Banaadir ay badan kood dhacaan sanadkaan 2020-ka. Waa sanadkii 6-aad oo wasaaradda waxbarashada ay qaadeyso imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, wuxuuna sanadkan imtixaanka ku soo aaday, xilli dalka uu ka jiray cudurka faafa ee Coronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay guud ahaan Caalamka. View the full article
  7. In Somalia’s political scene, the revolving door is brutal and not even presidents can be safe. Source: Hiiraan Online
  8. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay-Cabdale oo qiyaastii magaalada Kismaayo 60 KM u jirta ayaa waxay wadaan howlgalo ballaaran, islamarkaasna ay ku xaqiijinyaan ammaanka deegaankaasi. Saraakiisha Danab ayaa sheegay in ciidanka ay ka war heleen gaari Susuuki ah midabkiisuna yahay Madow oo Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen Walxaha qarxa, kuna soo jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale Gaari Hoomey ah oo isna qaraxyo lagu soo raray ayay sidoo kale sheegeen inay ku qabteen duleedka deegaanka Janaay-Cabdale ee gobolka Jubbada Hoose. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-07092020.mp3 View the full article
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa kawadaa kulamo kala duwan, kuwaas uu la qaadanaayo mas,uuliyiin ka tirsan dowladda ururada bulshada rayidka ah iyo xubno kale oo ay ku jiraan maansooleyda Soomaaliyeed. Deni ayaa sacaadii lasoo dhaafay waxaa uu hoygiisa kulamo kula qaatay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed Cismaan Muxiyadiin Macalim Shaatax iyo wasiiru dowlayaal. Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa xalay waxaa uu kulan gaar ah la qaatay guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee gobolaha aqalka sare Mowliid Xeen Guhaad, kulamadaan ayaa waxaa ay dhammaan ku qotomaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka uu ku jiro. Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku sugan caasimadda iyadoo la sugaayey in ay kulan la qaataan Farmaajo, laakiin labada mas’uul ayaa dalbaday in kulanka sedex geesodka ah ay kasoo qeyb galaan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed si looga heshiiyo arrimaha doorashada 2020-2021, iyo sidii dib loogu eegi lahaa shirkii Dhuusamareeb3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta wuxuu Xafiiskiisa kula kulmayaa Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Waxaa Macquul ah in Madaxweyne Axmed Madoobe [...] The post Madaxweyne Farmaajo oo mar kale la kulmaya Madaxweyne Deni appeared first on . Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadalladii Muqdisho ee madaxweyne Farmaajo uu la yeelan lahaa Axmed Madoobe iyo Deni ayaa maalmo hakad galay kadib markii jubaland ay ku akdeysatay in ciidamada dowladda laga soo saaro Gobolka Gedo. Hase yeeshee, xiisadda gobolka Gedo way ka weyn tahay ciidanka hadda jooga ee dowladda, waxaana loolanka socda uu salka ku hayaa ama qeyb ka ah kuraasta baarlamanka federaalka ee soo socda. Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata. Degmada Baladxaawo oo ay horay ugu dagaallameen ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland ayaa weli ka mid ah meelaha ay Jubbaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro. Degmoooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan. Heshiiskii Dhuusamareeb 3 waxaa ku jiray in doorashooyinka ay ka dhacaan saddex magaalo halkii maamul goboleedba, magaaladii aan amni ahayna ay guddiga doorashooyinka ka wareejin karaan, waan qodobkan meesha Jubaland aadka uga cabsida qabto. Haddii guddiga doorashada, oo ku xiran Villa Somalia ay go’aamiyaan saddex magaalo oo mid Kismaayo tahay, labada kalena ku kala yaalaan tusaale, Gedo iyo Jubbada Dhexe, waxaa macquul ah in midda Jubada Dhexe loo soo wareejiyo Gedo, sidaasna Jubaland ku weyso maamulka 66% kuraasta baarlamanka, waana taas sababta ay u dooneysio in lagu soo wareejiyo gacan ku haynta Gedo inta aan doorashada la gaarin. Prof. Afyare Cilmi oo arrimaha Soomaaliya ka faallooday, bare-na ka ah Jaamacadda Doha, ayaa aaminsan in hadda marxaladda la taagan yahay ay mudan tahay oo kaliya inaan waqti kale lasii habsaamin. “Wada hadallada loo ballansan yahay ee ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay Xamar u joogaan waxay ku saabsan yihiin doorashada 2020, waxayna la xidhiidhaan kuwii ka horreeyey ee ka dhacay Dhuusamarreeb. Waxaa ila quman in hore loo galo oo aan waqti kale la lumin. Haddii ay doodo kale jiraan marka wada-hadalku furmo ayaa miiska la keeni karaa,” ayuu yiri Afyare oo la hadlay BBC-da. Dowladda hadda way ogolaatay in mabda’ ahaan ciidanka laga soo saaro Gedo, waxayse su’aal ka taagan tahay goorta la fulinayo iyo sida loo fulinayo, iyo haddii heshiis laga gaari karo doorashada ka hor arrimahaas oo dhan. The post Muhiimadda Gedo ee 2020: Jubaland waxaa u muuqda arrin ka weyn joogitaanka ciidamada DF first appeared on Caasimada Online.
  13. Maxamuud Xaashi, waxa uu si hagar la’aan ah uu u taageeray Muuse Biixi Cabdi, xilli uu u baahnaa cid garab istaagta, isaga oo dhexda kaga jira duufaanno siyaasaddeed oo ay ku kiciyeen Koox danno kala duwan ku midaysanaa ka hor intii aanu taageero lama filaan ah ka helin Madaxweyne Siillaanyo 2015-kii, oo raggii ka shaqeeyey taageerada Siillaanyo ee Muuse Biixi uu hormuudka ka ahaa Mr. Xaashi. Taageeradii shuruud la’aanta ahayd ee Maxamuud Xaashi ku garab istaagay Muuse Biixi, maxaa keenay, muxuuse ka filayey Guushii doorashada ka dib. Maxamuud Xaashi Cabdi oo lagu tilmaamo siyaasi ruugcadaa ah oo ka mid ah kuwa saameynta ku leh Masraxa Siyaasadda ee Somaliland 30-kii sanno ee u dambeeyey, waxa la aamisan yahay in dhawr qodob sabab u ahaayeen inuu shuruud ku xidhi waayo Muuse Biixi, Waxaana ka mid ahaa qodobadaasi ■ Wakhtiga oo xasaasi ahaa iyo kala qaybsanaan Kulmiye ka dhex jirtay iyo doorashooyinka oo kaabiga soo saarnaa. ■Maxamuud Xaashi oo aan haysan wakhtigaasi fursad la mid ah tii uu haystay Muuse Biixi wakhtigii uu ahaa Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee shirkii Golaha Dhexe ee Burco 2008. ■ Booskii uu ku gorgortami lahaa oo uu ku fadhiyey Maxamed Kaahun oo ay isku deegaan ka soo jeedaan, isla markaana ay saaxiibo dhow ahaayeen Muuse Biixi. ■ Maxamuud Xaashi waxa uu ku jiray dagaal siyaasaddeed oo salka ku hayey kasbashada codka Beesha uu ka soo jeedo, oo uu aamisanaa in hadal la’aan ay Kursiga Guddoomiyaha u geyn doono, markii uu kaga awood batay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay isku deegaan yihiin, isla markaana uu laga soo awood batay dagaalkii Kulmiye iyo Xukuumaddii Siillaanyo, kaasoo tartan adag ka waday deegaannada ay ka soo wada jeedaan. ■ Maxamuud Xaashi oo lagu tilmaamo siyaasiyiinta caanka ku ah faqa hoose iyo shirarka dhinaca Salaadiinta iyo haldoorka beelaha, waxa uu rajaynayey inuu ciyaari karo kaadh ah in uu kasbado Salaadiintiisa, taas oo uu sameeyeyba, si ay Muuse Biixi kala hadlaan arrinta Xisbiga kulmiye. Arrintan Mr. Xaashi wuu filayey inuu caqabad ku noqon karo Maxamed Kaahin, waxaanu u sii diyaarsaday aragti odhanaysa waa Markayagii oo dadka qaarkood u arkayeen dood macquul ah, balse ta aanu filayn ayaa ah inuu Madaxweyne Muuse Biixi la meeraysan doono Salaadiinta iyo soo wareejinta Xisbiga ee uu doonayey in ay kula tagaan. ■ Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu filayey inuu Madaxweyne Muuse Biixi odhan doono Beesha Bariga Burco ha keenaan ciddii aan ku wareejin lahaa Xisbiga marka aan haakaha idhaahdo. Waa aragtiyda intanu ku dar qodobada kale ee aad is leedahay Maxamuud Xaashi uu ka filayey Madaxweyne Muuse Biixi W/Q Saleban Xaashi Source
  14. (SLT-Washington)-Noor Yeslam Bin Ladin oo ah gabadh uu adeer u ahaa hoggaamiyihii Al-Qacida Osama Bin Laden ayaa wareysi ay siisay wargeyska The New York Post waxay taageero xooggan ugu muujisay madaxweyne Donald Trump. Noor, ayaa sheegtay in Mareykanka uu waajahayo weerar la mid ah kii September 11, islamarkaana Trump uu ka hortagi doono haddii dib loo doorto. “Kooxda Daacish waxa ay kobacday intii ay xukunka hayeen Obama iyo Biden, taasi oo hoggaamisay inay Yurub yimaadaan. Trump wuxuu muujiyey inuu Mareykanka iyo annaga [Yurub] naga bad-baadin karo heslista dibedda, isaga oo cidhibtiraya argagixisada ka hor inta ayna helin fursad ay weerar ku gaystaan ayey tidhi Noor. Noor oo ku nool Switzerland ayaa u sheegtay New York Post inay muddo taageero u ahayd Trump, oo mid ka mid ah ballan-qaadyadiiisa ugu weyn ee doorashada 2016 ay ahayd inuu muslimiinta ka mamnuuco inay soo galaan Mareykanka. “Waxaan Trump taageero u ahaa tan iyo markii uu ku dhowaaqay inuu musharax yahay 2015. Meel fog ayaan ka daawadaa waxaana jeclahay go’aanadiisa. Waa in dib loo doortaa, taas waxay muhiim u tahay mustaqbalka Mareykanka iyo dunida ilbaxday ee reer galbeedka,” ayey tidhi. “U fiirso dhammaan weeraradii argagixiso ee ka dhacay Yurub 19 sanno ee tegay, aad ayey noo ruxeen. Islaamka xagjirka ah aad ayuu u dhex galay bulshadeena,” ayey Noor ku dartay hadalkeeda. “Waa murugo in bidixda [Dimoqraadiga Mareykanka] ay la saftaan dad noocaas ah.” Noor ayaa badanaa twitter-ka soo dhigta sawirro muujinaya ayada oo xidhan dhar ay ku qoran yihiin erayo ay ku taageereyso Trump. Waxay sidoo kale faafisaa warar been ah oo lagu weeraro dhaq-dhaqaaqa Black Lives Matter, iyada oo soo qaadata qaar ka mid ah muuqaallada Fox News iyo suxufiga ka shaqeeya ee Tucker Carlson oo xulufo la ah Trump. Noor Bin Ladin ayaa waxaa iska dhalay walaalka ka weyn Osama Bin Laden ee Yeslam Bin Laden iyo haweeney qoraa ah oo u dhalatay dalka Switzerland oo lagu magacaabo Carmen Dufour, taasi oo 2004 qortay buug aad u iibsamay oo ay kaga hadashay waqtigii ay la qaadaty qoyska Bin Laden. Yeslam iyo Carmen ayaa kala tegay 1988-kii, waxaana Noor ay sheegtaa in ayna waxba ka gelin qoyska aabaheed ee reer Sacuudi ah. Noor waxay wargeyska New York Post u sheegtay inay ka qaadatay shahaadada Maamulka Ganacsiga Jaamacadda University of Geneva iyo Shahaadada Sharciga Ganacsiga ee Jaamacadda University of London. Wareysigeeda ayey ku sheegtay in ku koritaankeeda Galbeedka uu macnaheedu yahay inay aad ula dhacsan tahay qayimka reer galbeedka. Source
  15. King Salman tells Trump his country wants an outcome based on 2002 Arab Peace Initiative Source: Hiiraan Online
  16. Somalia has the most affordable mobile internet in Africa and seventh worldwide this year, beating its eastern Africa neighbours including Kenya a new study has revealed. Source: Hiiraan Online
  17. The 330-kilometer (205-mile) highway that connects the capital Ankara with central Niğde province and is dubbed as the “smartest” road of the country will be inaugurated Friday by President Recep Tayyip Erdoğan. Source: Hiiraan Online
  18. Novak Djokovic was kicked out of the U.S. Open for accidentally hitting a line judge in the throat with a tennis ball after dropping a game in his fourth-round match Sunday, a stunning end to his 29-match winning streak and bid for an 18th Grand Slam title. Source: Hiiraan Online
  19. Geneva (Caasimada Online) – Noor Yeslam Bin Ladin oo ah gabar uu adeer u ahaa hoggaamiyihii Al-Qacida Sheekh Osama Bin Laden ayaa wareysi ay siisay wargeyska The New York Post waxay taageero xooggan ugu muujisay madaxweyne Donald Trump. Noor, ayaa sheegtay in Mareykanka uu wajahayo weerar la mid ah kii September 11, islamarkaana Trump uu ka hortagi doono haddii dib loo doorto. “Kooxda Daacish waxay kobacday intii ay xukunka hayeen Obama iyo Biden, taasi oo hoggaamisay inay Yurub yimaadaan. Trump wuxuu muujiyey inuu Mareykanka iyo annaga [Yurub] naga bad-baadin karo heslista dibedda, isaga oo ciribtiraya argagixisada ka hor inta aysan helin fursad ay weerar ku gaystaan ayey tiri Noor. Noor oo ku nool Switzerland ayaa u sheegtay New York Post inay muddo taageero u ahayd Trump, oo mid ka mid ah ballan-qaadyadiiisa ugu weyn ee doorashada 2016 ay ahayd inuu muslimiinta ka mamnuuco inay soo galaan Mareykanka. “Waxaan Trump taageero u ahaa tan iyo markii uu ku dhowaaqay inuu musharax yahay 2015. Meel fog ayaan ka daawadaa waxaana jeclahay go’aanadiisa. Waa in dib loo doortaa, taas waxay muhiim u tahay mustaqbalka Mareykanka iyo dunida ilbaxday ee reer galbeedka,” ayey tiri. “U fiirso dhammaan weeraradii argagixiso ee ka dhacay Yurub 19 sano ee tegay, aad ayey noo ruxeen. Islaamka xagjirka ah aad ayuu u dhex galay bulshadeena,” ayey Noor ku dartay hadalkeeda. “Waa murugo in bidixda [Dimoqraadiga Mareykanka] ay la saftaan dad noocaas ah.” Noor ayaa badanaa twitter-ka soo dhigta sawirro muujinaya ayada oo xiran dhar ay ku qoran yihiin erayo ay ku taageereyso Trump. Waxay sidoo kale faafisaa warar been ah oo lagu weeraro dhaq-dhaqaaqa Black Lives Matter, ayada oo soo qaadata qaar ka mid ah muuqaallada Fox News iyo suxufiga ka shaqeeya ee Tucker Carlson oo xulufo la ah Trump. Noor Bin Ladin ayaa waxaa iska dhalay walaalka ka weyn Osama Bin Laden ee Yeslam Bin Laden iyo haweeney qoraa ah oo u dhalatay dalka Switzerland oo lagu magacaabo Carmen Dufour, taasi oo 2004 qortay buug aad u gadmay oo ay kaga hadashay waqtigii ay la qaadaty qoyska Bin Laden. Yeslam iyo Carmen ayaa kala tegay 1988-kii, waxaana Noor ay sheegtaa inaysan waxba ka gelin qoyska aabaheed ee reer Sacuudi. Noor waxay wargeyska New York Post u sheegtay inay ka qaadatay shahaadada Maamulka Ganacsiga Jaamacadda University of Geneva iyo Shahaadada Sharciga Ganacsiga ee Jaamacadda University of London. Wareysigeeda ayey ku sheegtay in ku koritaankeeda Galbeedka uu macnaheedu yahay inay aad ula dhacsan tahay qayimka reer galbeedka. The post Noor Bin Ladin: Trump kaliya ayaa Mareykanka ka bad-baadin kara weerar la mid ah kii September 11 first appeared on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdulahi Cali Xirsi (TIMACAADE) oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa fahfaahin ka bixiyay kulamada madaxda dowlada Federalka iyo madaxda Jubbland iyo Puntland uga socda Magaalada Muqdisho. Timacadde ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhamaan Madaxda Maamullada iyo DF ay isagu yimaadaan shir-weyne looga wadahadli doono arrimaha misiiriga ah, oo doorashooyinka ay kamid yihiin iyo xalinta khilaafaadka taagan. Mar wax laga waydiiyay inay jiraan warar sheegaya in Madaxda HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ka biyo diidayaan inay kasoo qeybgalaan shirka la qorsheynayo, ayuu wuxuu ku jawaabay in warkaasi uusan waxba ka wayheynin, balse uu ogyahay inay soo dhaweeyaan war-murtiyeedkii shirkii Deni iyo Axmed Madoobe ku yeesheen dhawaan magaaladda Garowe. Kulankii Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ay yeesheen Sabtidii ayaa Wasiirka wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa mid loogu gogol-xaarayay Shirka loo dhan yahay, isagoo meesha ka saaray warar sheegaya in heshiis ay dhinacyada ku gaareen. Wuxuu Wasiir Timacadde dhanka kale ka warbixiyay kulamo gaar-gaar ah oo Deni Muqdisho kula yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Safiiradda ajnabiga, isagoo tilmaamay inay ahaayeen kuwa ku saabsan dardargelinta wadahadallada arrimaha doorashooyinka. Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaadacay natiijadda Shirkii Dhuusamareeb 3, kaasoo laga saareey bishii lasoo dhaafay war-murtiyeed lagu sheegay in heshiis doorasho la gaarey. Safaaradda Mareykanka ayaa kadib shirkii Dhuusamareeb soo saareysay qoraallo isdaba-joog ah, oo baqdin-gelin iyo dhiiragelin isagu jiray, oo ugu dambeyn horseeday inuu Farmaajo ogolaado Shir loo dhan yahay inuu qabto. The post Puntland oo xog ka bixisay wada-hadallada Muqdisho iyo mowqifka GALMUDUG, HirShabelle iyo K/Galbeed first appeared on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi (Deni) ayaa weli kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Deni ayaa saacadihii u dambeeyey hoyga uu ka dagan yahay caasimada ku qaabilay, xildhibaano, wasiiro ka tirsan dowladda federaalka iyo marti sharaf kale. Sidoo kale waxaa ka mid ah xubnaha uu la kulmay Cabadirashiid Maxamed Xidig oo ka tirasn Xildhibaannada Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisalwasaare ku-xigeenkii hore xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiiru dowlaha Boostada iCabdullaahi Bile Nuur. Inta badan waxaa kulamadu ay ahaayeen kuwo is xog-wareysi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba shirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada dalka. Siciid Deni ayaa sidoo kale horey ula kulmay siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, sida Shariif Sheekh Aadan, Cali Maxamed Geedi iyo mas’uuliyiin kale. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli uusan furmin shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho oo la filayo in go’aan mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda ee 20/21. The post Madaxweyne Siciid Deni oo weli kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  22. Sida aan la soconno shalay waxaa lasoo bandhigay natiijadii imtixaanada dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedkii 2019/2020. Waxaa jirta in siyaabo kala duwan loo fasiray oo laga taxliiliyay dhinacyo badan natiijada iyo sida ay u kala heleen ardayda Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada iyo maamul goboleedyada. Qaababka looga falceliyay waa ay kala duwanayeen, qaar waxay ka eegeen tirada ardayda ee ku dhacday sanadkaan oo ay u arkaan in ay aad u badantahay, halka qaar kalena ay su’aalo ka keeneen sida gobol gaar ah ugu natiijo wanaagsanaan karo gobol kale. Inta badan waxaa la is dul-istaagay natiijada gobolka Benaadir oo loo fasiray qaab fashil wayn inuu kajiro, maadaama sida la sheegay 90% tirada guud ee imtixaanka ku dhacday ay katimid dhinacooda. Bal haddaba aan isla fiirinno in aan si kale u dhigi karno natiijada iyo akhrinteeda, inkastoo arday kasta oo dhaca ay tahay in wax la iska weydiiyo maadaama uu yahay mustaqbalkii ummadda, haddana waxaan u baahannhay in aan noqonno waaqici oo aan ku sallayno dooddeena xaqiiqda dhabta ah. Aduunku inta badan wuu qaadaa imtixaanka guud ee heer qaran ah, wayna dhacdaa in 25% aysan u gudbin heerka sare, ha noqoto dusiga sare ama jaamacad. Weliba waa mid la filan karo natiijadaan, maadaama uu dalka galay manhaj bedelis iyo dib u habayn ”reform”. Waxaa muuqata in sanadkaan 75% ardaydii gashay imtixaanka ay ku baaseen, waane guul wayn oo ay mudantahay in lasii dhiirigeliyo. Haa, way jiraan caqabado badan iyo dib u dhac wayn oo naga haysta maaraynta iyo tayo u yeelidda waxbarashada dalka. Laakiin waa shaqo qof kasta oo somaali ah sugeysa sidii uu ugu gacan gaysan lahaa. Dhinaca kale, natiijada gobolka Benaadir ilama aha in dad qaar ay si sax ah u taxliiliyeen, sideedaba wax laguma qiyaaso akhrinta nambarka boqolayda (%) oo kaliya. Waxaa muhiim ah in nambarka boqolayada (%) akhrintiisa loo eego tirada guud ee laga duulay, inta aan la samaynin is-barbardhig. Tusaale, markii loo fiiriyo inta uu bogolkii (%) Benaadir ardaydiisa ka yihiin tirada guud waa maangal in ay 90% ka noqdaan tirada guud ee dhacday. Maxaa yeelay, tirada guud ee ardayda gashay sanadkaan imtixaanka ayayba ka yihiin ku dhowaad 80%, micnaha tirada guud ee gashay imtixaanka 8000 oo arday oo kaliya ayaan ahayn gobolka Benaadir. Marka, in lala barbardhigo gobol ay 1000 arday kasoo galeen imtixaanka waa marin habaabin xisaabeed. Waxaan kusoo gunaanadayaa in aanan lagu degdegin isbarbardhig aanan laga fiirsanin oo xisaab ahaan qalad ah, bal laga doodo sidii loo hormarin lahaa waxbarashada oo loo tayayn lahaa. Dhamaan ardaydii gashay imtixaanka iyo macallimiintooda waxaan leeyahay hambalyo, sidoo kale waxaan bogaadinayaa maamulada dugsiyada ee ubadkeena u diyaariyay fursadahaan waxbarasho. Eng. Maxamud Xassan Cumar – Waxa uu ka tirsan yahay MSC Educational Management. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Natiijada imtixaanka dugsiyada sare iyo marin habaabinta xisaabeed first appeared on Caasimada Online.
  23. Golaha Islaamka Norway oo Guclo & orod ugu jira in la mamnuuco ururka SIAN ee Kutubta Quraanka guba Iyadoo muddooyinkan dambe uu aad ugu faafayo dalka Norway urur Islaamka neceb oo loo soo gaabiyay SIAN (Stopp islamiseringen av Norge) islamarkaana guba kitaabka quraanka ayaa waxaa iminka ururkaasi doonaya in dalka Norway laga mamnuuco Golaha Islaamka Norway. Guddoomiyaha ururkaasi Abdiraxmaan Diiriye oo warbaahinta Norway la hadlay, gaar ahaan Tv2 ayaa sheegay in ururkaasi uu xadka dhaafay islamarkaana uu ka hor imaanayo xuquuqda aadanaha. Ururka SIAN oo bilihii ugu dambeeyay qabsanayay bandhigyo ayaa waxaa kooxo kasoo horjeeda kala horyimaadeen Carqalado & dibedbaxyo rabshado wata kuwaas oo qaarkood lagu waxyeeleeyay xubnaha sar-sare ee ururkaas. Mr. Diiriye ayaa ugu baaqay dowladda Norway in ay arrinta faraha ka baxeysa ee ururkani waddo ay soo farageliso, iyadoona dhinaca kale ilaalineysa xuquuqda xorriyadda hadalka. ” – Waan aaminsannahay xuquuqda xorriyadda hadalka, waayo waa gundhigga dimuquraadiyadda, laakiin waa in la isla garto waxa xorriyadda hadalka loo adeegsanayo”, ayuu yiidhi Cabdiraxmaan Diiriye oo ah guddoomiyaha Golaha Islaamka Norway. Waxa uu intaa ku daray Diiriye in xariyaddaasi aan loo adeegsan in lagu kala geeyo bulshada, balse loo adeegsado in la isugu soo dhoweeyo. Guddoomiye Diiriye ayaa sidoo kale sheegay in xuquuqda xoriyadda hadalka eysan qeyb ka aheyn naceybka, cunsuriyadda iyo ficillada gacan-ka-hadalka, wuxuuna tilmaamay in Qaramada Midoobay fareyso Norway in eysan ogolaan in dalkeeda ka shaqeeyaan ururro dhiirrigelinaya naceybka iyo cunsuriyadda. Waxa uu sheegay in ay cabsigelineyso ficillada ay sameynayaan xubnaha ururka SIAN. Guddoomiyaha ururka SIAN ayaa dhawaan sheegay in ay sii wadayaan gubida kitaabka quraanka, isagoo ugu baaqay dhankiisa dowladda in ay dalka ka saarto dadka ku ad-adag diinta Islaamka ee ay calaamadeheedu ka muuqdaan. Qaran News