Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo kamida Culimada magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre, xili uu ka hadlayey natiijada imtixaankii sanadkan. Sheekh Soomow ayaa si gaar ah u naqdiyay hadal kasoo yeeray Goodax Barre, isagoona weerar culus ku qaaday, islamarkaana sheegay inuu gef weyn ka galay ardeyda reer Muqdisho. Natiijadii kasoo baxday imtixaankii dowladda ayuu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, iyada oo ay ku dhaceen kumanaan ardey ah oo u badan gobolka Banaadir. Wuxuuna madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu soo fara-geliyo arrintan, isla markaana dib loo qaado imtixaanka, xili ay fadeexad xoogani dul hooganeyso mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada kadib shaacintii natiijada imtixaanka. Soomow ayaa Wasiir Goodax usoo jeediyay in uu towbad keeno, maadama uu sheegay “cilmi baare Computer geliyay axaadiistii Nebiga NKKH uu soo saaray in cimrigiisa iyo tirada axaadiista aysan is keeni karin”, sida uu hadalka u dhigay. “Wasiir Goodax Jahli buu ku hadlay, Xukun baadil ah buu riday, aqoon la’aan Nabiga NNKH sharaftiisa, qiimahiisa iyo diintiisa aqoonin buu ku hadlay, wuxuu ku dhiiraday Axaadiista Nebiga, waxaana ugu baaqeynaa Alle u towbad keen, jidka aad furtayba waa jid xun” ayuu yiri. Sheekh Soomow ayaa ku biiray guux xoogan oo looga soo horjeedo wasiir Goodax, kaasi oo ka dhashay natiijadii imtixaanka dugsiyada sarre ee dhawaan ay shaacisay wasaaradu. Xiisad xoogan ayaa ka dhalatay natiijada imtixaanka dalka ee sanadkan oo ay ku dhaceen 8-kun oo Arday oo kamid ahaa 33-kun ee imtixaanka u fadhiistay, kuwaasi oo u badnaa gobolka Banaadir. The post Sheekh Soomow oo 'towbad keen' ugu baaqay Goodax kadib arrintii uu sheegay first appeared on Caasimada Online.
  2. MOGADISHU, Somalia — A Somali police officer says a suicide bomber attacked a mosque in the southern port city of Kismayo as Friday prayers ended, killing two people. Sahal Nur told The Associated Press that the bomber detonated his explosives belt near the gate of the mosque as worshippers were leaving after prayers. Six people were hurt, he said. Abdinasir Ali, a local official, said the bomber appeared to be targeting the head of the regional chamber of commerce, who was wounded. There was no immediate claim of responsibility for the attack. However, the al-Qaida-linked al-Shabab group often carries out such attacks. Attacks on mosques are uncommon in Somalia. Copyright 2020 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed without permission. The post Suicide bomber kills 2, wounds 6 outside mosque in Somalia first appeared on Caasimada Online.
  3. Washington (Caasimada Online) – Bahrain ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyey oo Carab ah oo ogolaada inuu xiriir la yeesho Israel, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu wado maamulka madaxweyne Trump oo is-dhexgal loogu abuurayo Israel iyo dalalka Carabta ee Bariga Dhexe. Trump ayaa heshiiskan ku dhowaaqay maanta kadib wada-hadal taleefon oo saddex geesood ah oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo boqorka Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa. Saddexda mas’uul ayaa sidoo kale soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah. “Heshiis kale oo taariikhi ah ayaa dhacay maanta,” ayuu Trump soo dhigay Twitter-ka. Dhowaqan ayaa guul diblomaasiyadeed oo kale u ah Trump, oo lagu wado inuu 15-ka bishan Aqalka Cad ku qabto munaasabad lagu saxiixayo heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Israel, kaasi oo sidoo kale la filayo inay ka qeyb-gasho Bahrain. “Tani waxay heshiis kale oo taariikhi ah u tahay sare u qaadidda nabadda Bariga Dhexe,” ayaa lagu yiri bayaan ay wadajir usoo saareen Trump, Netanyahu iyo Boqor Hamad. “Furista wada-hadal iyo xiriir toos ah oo dhex-mara labadan bulsho ee firfircoon iyo dhaqaalahooda horumaray waxay isbeddel wanaagsan u tahay Bariga Dhexe, waxayna sare u qaadeysaa xasiloonida, nabadda iyo barwaaqada gobolka. Bahrain ayaa noqoneysa dalkii labaad oo Khaliij ah oo xiriir la yeesha Israel kadib Imaaraadka, iyo dalkii afaraad oo Carab ah, kadib Masar, Jordan iyo Imaaraadka. The post DEG DEG: Dalkii labaad oo Khaliij ah oo xiriir la yeeshay Israel kadib Imaaraadka first appeared on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee, Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxan, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa isku xirnaanta ganacsatadeenna Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Al-Shabaan, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga saaro guud ahaan dalkeenna. View the full article
  5. Christophe Hodder’s job description is unique: he is the first United Nations climate and security expert within the framework of a UN peace mission. Source: Hiiraan Online
  6. The families, the politicians and the bagpipers gathered once more at ground zero on Friday, as the country paused to remember a national crisis even as it found itself in the midst of another. Source: Hiiraan Online
  7. Waxaa warar dheerad ah laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul goboleedka Jubbaland, waxaana jira khasaare kala duwan oo qaraxa uu dhaliyey. Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay banaanka hore masjid jaamaca magaalada, kaas oo dhinaca ku haayo xarunta rugta ganacsiga Jubbaland, xiliga uu qaxu dhacaayey ayaa waxaa lagu jiray salaadda jimcaha. Qaraxa ayaa waxaa fuliyey ruux naftii hure ah, kaas oo isku soo xirtay jaakada qarxa, waqtigaas ayaa masjidka waxaa ku tukanayey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo rugta ganacsiga. Qaraxa oo dhaliyey burbur gaarsiiyey dhismaha masjidka ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo uu ku jiro ruuxii naftii huraha ahaa, halka ay ku dhaawacmeen lix kalae, Alshabab ayaana sheegtay mas,uulioyadda qaraxa. Dadkii qaraxa ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid agaa guddoomiyihii rugta ganacsiga maamulka Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin iyo Cabdillaahi Xasan Rooble oo ahaa ardaygii kaalinta 22aad ka galay Imtixaankii qaranka. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa si deg deg ah ugu laabtay magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo aaska guddoomiyiihii rugta ganacsiga Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. With time running out, census workers in Minnesota try to improve on low response rates in immigrant communities. Source: Hiiraan Online
  9. Johannesburg (AFP)- New coronavirus infections are now steadily declining in many parts of Africa, but this good news has been marred by scandals over corruption and missing funds earmarked for the pandemic. Source: Hiiraan Online
  10. NAIROBI - Kenyan police on Friday confirmed that three al-Shabab terrorists were killed and four others injured on Thursday by a bomb they were assembling to carry out roadside attacks in Garissa county near the Somali border. Source: Hiiraan Online
  11. At least six people have been killed in a suicide bombing outside a mosque in the Somalian port city of Kismayo, according to a regional official. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib laabtay magaalada Ksimaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose. Axmed Madoobe ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde, xilli la filayey in uu ka qeyb galo shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo dhowaan ka furmaya Muqidsho. Safarkiisa ayaa sidoo kale ku soo aadaya, xilli maanta Kismaayo uu ka dhacay qarax lagu dilay gudoomiyihii rugta ganacsiga ee Jubbaland View the full article
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-habeen-1192020-ok.mp3 View the full article
  14. Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay 3 qof oo rayid ah oo maanta lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland saaka dilay nin ganacsade ah oo sugnaa xaruntiisa ganacsi. Sidoo kale guddoomiye Sanyare wuxuu intaas ku diray in askariga dilka geystay iyo ciidamo boolis ah oo isku dayay in ay qabtaan, rasaas ay isweydaarsadeen ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah oo saarnaa gaari bus ah, sidoo kale hal qof dhaawac culus ka soo gaaray rasaastaas. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland waxa uu xusay inaan la qaban askariga dilka geystay, balse lagu raad-joogo. Hoos ka daawo guddoomiye Sanyare oo ka hadlaya dhacdadan. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hadashay shacab lagu laayay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si deg deg ah galabta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo oo uu ka dhacay qarax is-miidaamin ah. Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay xubno uu ka mid ahaa guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubaland Shaafi Raabi Kaahin, kaasi oo dhaawac kasoo gaaray qaraxa saacado kadib ugu geeriyooday Isbitaalka guud ee Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa u tegay Kismaayo inuu ka qeyb galo aaska iyo tacsida Shaafi Raabi Kaahin. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu fuliyey Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo. Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof oo uu ku jiro qofkii ismiidaamiyey halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo u badan ilaalada Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin. Goor sii horreysay oo maanta ah, ayaa sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu safar aan hore loo shaacin oo deg-deg ah ugu baxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa waxa madaarka Muqdisho ka qaaday diyaarad UN-ka uu leeyahay, iyada oo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka safarkiisa. Labada safar ee Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe ayey suurta-gal tahay inay dib u dhigaan shirkii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ay ku yeelan lahaayeen Muqdisho oo la qorsheeyey berri, haddii aanay xilli hore isla berri ku soo laaban Muqdisho. The post Axmed Madoobe oo deg deg ugu laabtay Kismaayo first appeared on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa safar aan hore loo shaacin oo deg-deg ah uga baxay magaalada Muqdisho, xilli uu furmayo shirkii dowladda federaalka iyo maamulada dalka. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka duulay madaarka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, isagoona u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa waxa madaarka Muqdisho ka qaaday diyaarad UN-ka uu leeyahay, iyada oo aan si rasmi ah loo ogeyn ujeedka safarkiisa. Safarkan ayaa imaanaya xilli madaxda maamulada dalka ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, isla markaana uu caasimadda ka furmi doono shir looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka. Shirka dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho, kadib markii uu baaqday kulankii loo balansanaa maalin-nimadii Khamiistii. Waxayna falanqeeyayaashu rumeysan-yihiin in Qoor-Qoor uusan ka maqnaan doonin shirka ka furmaya Muqdisho, isla markaana uu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laaban doono caasimadda dalka, wallow aan si dhab ah loo ogeyn. Shirka Muqdisho ayaa ujeedkiisa u weyn uu yahay in lagu dhameystiro waxyaabahii kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb, iyada oo meesha laga saarayo khilaafkii ka dhashay shirkii Dhuusamareeb-3. The post Qoor-Qoor oo safar deg deg ah uga baxay Muqdisho, xilli uu furmayo shirkii DF iyo maamul goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
  17. Waxa ay dhagax ku dileen saaxiib, aan is lahaa mar uun booqasho ugu tag. Gacal ha waayaane, gunta ayey ka gooyeen, astaan qalbigayga ku dhex taallay. Ilaa maalintii aan bartay, wuxu ii ahaa bartilmaameed aanan ka daali jirin. Is maan lahayn sidan arxandarrada ah ayaa loo galaafan doonaa, oo waxan u haystay in dadka la nooli iiga damqasho badan yihiin. Illayn waxa ku jira, qaar aanu agtooda qiimo iyo qaayo toona ku lahayn. Waxan is lahaa, markii gefka loo la tegay, waa laga xaalmarin doonaa, oo kuwii meesha ugu tegay ee ku xadgudbay, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa, bal se laba Cali ba is may waydiin!. Wax wal ba waxa igaga xanuun badan, sidii dhadhaabta laysu la dultaagay ee aad moodaysay in ay cadaw halis ah is ka caabinayeen. Ha ba dilaan’e, waxa iyana xanuun iyo gabboodfal ba ahayd, muuqaalkii jeesjeeska ahaa ee laga duubay, markii sida axmaqnimada ah loo sadqaynayey saaxiibkan nacabku helay. Markii aan muuqaalka arkay, waan u qaadan waayey! Aniga oo naxsan ayaan gujiyey, si aan u eego waxa uu ku saabsan yahay. Ha ba gujin lahaydaa! Markii uu dhagaxa is la ka la jiiday ee uu ku dhuftay, ayaan hinqaday oo aan is mooday in uu aniga igu dhacay. Aniga oo amakaagsan, oo ka yaabban falkan cadawtinimada ah, ayaan raadiyey in aan la xidhiidho asxaab aan ogaa in ay iga la dareen yihiin dhacdadan, si aan u la qaybsado muragada iyo uurkutaallada. Saaxiibkan aanu weynay, waxa uu ahaa astaantii buurta Daalo. Wuxuu ahaa geed sida uu u baxay, halka uu ka baxay iyo nooca uu yahay ba ay cibro ku duugan tahay. Magaciisa waxa la yidhaahdaa “Mooli”, oo wuxu ka mid yahay dhirta sii dabargo’aysa ee ku yaalla Somaliland Soomaaliland. Waa geed faa’ido u lahaan jiray dadkii hore, oo waxa uu leeyahay xabag la manafacaadsado; waxa kale oo laga samaysan jiray agab guryaha la dhigto. Hadda ku dheeraan maayo sida loo adeegsan jiray, ee waxay abbaartaydu tahay sidii uu geedku caanka u noqday, is la markaa na uu saamaynta u yeeshay. Geedkan, waxaan bartay xilli aan filayo in ay ahayd 2010, markaa oo uu soo baxay buug la yidhaahdo “Qaylodhaan Deegaan” oo uu qoray aqoonyahan Axmed Ibraahin Cawaale; ah na deegaanjire aqoon durugsan u leh deegaanka. Sawir uu ii sheegay in uu geedkan la gooyey ka soo qaaday 2009, ayuu buugga jeldigiisa kore ku dhejiyey. Maalintii aan arkay ba, waxa iga yaabisay sida uu geedkaasi u baxay iyo halka uu ka baxay. Amarka Ilaahay, iniintii uu geedkaasi ka baxay, waxay ka soo mudhay dhadhaab isa saaran iyo gidaar dhagxaan ah; hadda na la moodo derbi la dhisay. Sida muuqatay, markii uu geedku soo baxay ee uu miisaan yeeshay, ayaa jirridiisu may adkayn’e way liicday, oo wuu go’i lahaaye waxa sii deyn waayey xididdada. Waa na sababta uu geedku dhiicada u lahaa. Halkaas ayuu wax kasta oo dhib u geysan lahaa kaga badbaaday, Ilaahay amarkii. Derbiga uu ka laalaaday ilaa dhulka la gaadhayo, qiyaas ahaan dhawr boqol oo mitir ayaa ka hoosaysa. Xagga sare na, waxa uu u jiraa ilaa saddex mitir. Markii ay dad badani arkeen sawirka laga soo qaaday, ayuu caan noqday, oo wuxuu ku biiray astaamaha buurta Daalo iyo gobolka Sanaag ba. Waxa uu ka mid ahaan jiray waxyaabaha la soo daawado, marka dalxiiska loo tago Daalo. Anigu mar na nasiib u maan helin in aan booqdo, in kasta oo aan tegay meelo ka mid ah gobolka Sanaag oo Ceerigaabo ku jirto, hadda na waxan ka fikirayey in aan mar uun indhaha soo saaro, oo aan waqti la soo qaato. Axmed Ibraahin, waxa uu ii sheegay in wixii geedku ka qaylinayey (baabiinta deegaanka iyo dabargoynta dhirta) in isaga lagu fuliyey. Jarkii uu duurjoogta iyo xoolaha ba kaga nabadgalay, ayay dadku ugu tegeen, oo halkii laga xaalmarin lahaa xasaraddii loo la tegay, ayaa isagii xawda la dhaafiyey. In uu soo bixi doono mooyi; haddii se uu dib u soo baxo, oo halkii ay jirridiisu ka go’day uu ka soo bidhiiqo/biqlo ama geed cusubi ka soo baxo, in uu sidiisii noqon Ilaahay ayaa og, laakiin sannaddo badan ayey ku qaadanaysaa in uu taabogaloadkaado. Waxaa se intaa ba ka horraysa, in uu marka hore xabagtiisa is ku dhaawactiro, si ay jirridu uga soo kabato jugtii gaadhay. Bishii Julaay ee sannadkan (2020) ayey ahayd, markii ay Mooligan dhallinyaro kibir u la tegeen, iyagoo inta ay naftooda halis geliyeen, geedkaa haadaanta ka laalaada is ku soo dul sawireen. Markii uu sawirkaasi soo shaacbaxay, ayaa siyaabo ka la duwan looga falceliyey. Waxa dadka taabatay dhallinyaradaa naftooda khatarta ku biimaysay, is la markaa na sawirkaa geedka lagu soo galay uu dhib horseedi doono. Dad ka la duwan, ayaa geedka u arkay in uu halis yahay, nafo na uu galaafan doono, haddii aan tallaabo laga qaadin. Kuwo kale, waxa iyaga na u muuqatay in geedka iyo dadka la ka la badbaadiyo, oo laga gaashaanto waxyeello kasta oo iman karta. Dadka dadaalka danbe waday waxa ku jira, Axmed Ibraahin Cawaale, oo markii uu sawirka arkay ba olole ayuu galay, isaga oo ii sheegay in uu diyaar lahaa wixii qarash ku baxaya in deyr lagu xidho, halka geedka laga gelayo, si aanay cid danbe ugu dhawaan ama aanay u fuulin. Hidisahan na waxa uu la socodsiiyey wasiirka wasaaradda Deegaanka ee Somaliland, Shukri Xaaji Baandare. Tallaabadaa fiican ee uu ku dhaqaaqi lahaa Axmed, waxa ka soo hormaray, go’aan ay gaadheen dhankii kale ee geedka cadawga u arkayey. Waxay guddoonsadeen in geedka dhagax lagu dilo. Waxa go’aankaa khaarijinta ah fuliyey askar ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.Waxay is tuseen in ay dhallinyarada halista ka badbaadiyaan, se geed qaaliya oo mudnaa in ay dhawraan oo ay badbaadiyaan, ayey haadaan ka tuureen. Way ka qabyaaladeeyeen saaxiibkay, oo caqli ku may darin waxii ay garaadkooda ku la faqeen! Marka la soo ururiyo, waxa geedkan muhiimka ah loo galaaftay, nafta dadka ayuu halis ku yahay. Waxa meesha ka muuqata in aan si cilmiyeysan iyo sida caqliga saxda ahi sheego, aan hawsha loo fulin. Laakiin loo fuliyey si degdeg oo ay caaddifadi ku jirto. Waa run oo dadka ayaa ka muhiimsan geedka, bal se halkaa lagu joogsan maayo, ee waxay ahayd in si deggen oo aqoon, masuuliyad iyo tudhaale ku dhisan in xalka loo raadiyo. Fursad ba la ma siin in ay xaaladda ka arrinsadaan, guurtida dadka iyo ta dhirtu ba. Haddii ay labadaa dhinac is hor fadhiisan lahaayeen, waxay soo saari lahaayeen go’aan lagu wada farxo. May se dhicin, oo iyadoon wax gar ah la dhegeysan, la baadhin gefka dhacay, ayaa koox isxilqaantay, waxay guddoonsadeen in geedka la gooyo. Halka innamadii yar yaraa ee geedka denbiga ka galay, aanay cidiba la xisaabtamin. Iyada oo ay ahayd in sharciga la la tiigsado. Waxan se filayaa, markii ay arkeen sida looga naxay ee looga falceliyey, falkii foosha xumaa ee ay ku kaceen, ee sababta u noqday in Mooligaa astaanta ahi meesha ka baxo, in ay ka qoomamayn doonaan, is la markaa na ay raalligelin bixin doonaan-waa haddii in uun damiir iyo dareen ku hadhay’e. Askartii geedka goysay, waxa looga fadhiyaa in ay magtii geedka bixiyaan; ama taliskooda ha la kaashadaan ama iyagu ba ha is ku tashadaan. In kasta oo aan la garanayn magta geedku inta ay noqonayso, hadda na waa in ay bixiyaan, oo ka la tashadaan guurtida dhirta (wasaaradda Deegaanka iyo deegaanjireyaasha madaxabannaan). Waa na in ay magtaa ku wareejiyaan wasaaradda Deegaanka. Sida oo kale, waa in ay beeraan geed cusub oo Mooli ah (Haddii ay suurtagal tahay, haddii kale se, waa in ay tiro dhir ah ay magdhaw uga dhigaan), ku na beeraan meel u dhaw halkii ay geedka ka gooyeen. Ugu danbayn, hore ayeynu deegaankeenna u waxyeelaynaye, caqligu ha shaqeeyo, aqoonta iyo lexojeclada deegaanka kor ha loo qaado. Sida aynu ugu heellan nahay teenna gaarka ah, aynu ta guud na muhiimad gaar ah siinno; sida aynu xoolaheena iyo hantideena ba ugu damqano, aynu deegaanka iyo duurjoogtaba ugu damqano. Ciddii dhib iyo hagardaamo ku haysa na, meel ha looga soo wada jeedo. Masuuliyadda iyo sharciga na ha la dhawro, oo yaan jaantaarogan iyo kaalinqaadasho la’aan wax loo qaban. Waxa mudan in la helo sharci gaar ah oo xakameeya Aadamaha si aan gefaf kan oo kale ah ugu kicin, dhir ay yar tahay sida lagu hela u galaafan. Qalinkii: Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare” cabdiheersare01@hotmail.com Qaran News
  18. Qoyska ra`iisul wasaare 59 sano kahor la dilay oo ku farxay soo celinta ilig lagala baxay meydkiisa Patrice Lumumba waxaa la dilay 1961 Qoyska geesigii madax bannaanida Congo Patrice Lumumba ayaa soo dhoweeyay go`aanka ay maxkamad ugu xukmisay in iligtiisa dib loogu soo celiyo qoyskiisa. Wiil uu adeer u yahay Mr Lumumba oo lagu magacaabo Jean Jacques Lumumba ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid hore loo qaaday. “[Lumumba] waa geesi aynaan duugin, go`aanka [maxkamadda Biljamka] waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday in runta lagu ogaado …waxay horseedi doontaa in halkaas lagu gaaro, ” ayuu yiri Mr Jacques. Wuxuu sheegay in labo nin oo lala dilay Mr Lumumba, kuwaas oo kala ah Joseph Okito iyo Maurice Mpolo, “ay sidoo kale yihiin geesiyaal u dhashay Congo” sidoo kalena ay tahay in la soo bandhigo sababta loo dilay. Maxkamad ku taalla Biljamka ayaa xukmisay in ilig lagala baxay meydka Mr Lumumba loo celiyo gabadhiisa Juliana – oo warqad u qortay boqorka Biljamka, iyadoo codsaneysa in iliggaas la soo celiyo. Mr Lumumba, oo noqday ra`iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Congo kaddib markii ay xornimada ka qaadatay Biljamka sanadkii 1960, ayaa la dilay 1961 kaddib markii ay afduubteen dagaal yahanno goonni u goosato ahaa. Dowladda Biljamka ayaa qeyb ka ahayd dilkiisa, sanadkii 2002 ayay raallligelin rasmi ah ka bixisay. Basaasiin Ingiriiska iyo Mareykanka u dhashay ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen. Iligta Lumumba ayaa loo maleynayaa inuu qaatay sarkaal boolis ah oo ka qeyb qaadanayay in la baabi`iyo ama la qariyo meydka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Waxaa kaddib la wareegtay dowladda Biljamka. Qaran News
  19. Murugo la soo deristay Qoyska dhalay Laba Baalashle oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, maalintii Arbacada, waxaa dadkii ku dhintay ka mid ahaa laba wiil oo ahaa kaba-caseeyeyaal. Aabahood, Cali Macalin Cabdiraxmaan, oo BBC Somali la hadlay wuxuu sheegay in wiil adeerkood dhalay oo la socday, oo ka badbaaday qaraxa, inuu reerka ku wargeliyay musaabadaas dhacday. Qaraxa ay wiilshada ku dhinteen wuxuu ka dhacay meel u dhow Guriga Hooyooyiinka ee magaalada Muqdisho. Labadadaan wiil ee qaraxa ku geeriyooday waxay da’ood kala ahayd 13 jir iyo 12 sano jiro. Qoyskooda waxay ka mid yihiin dadka barakacayaasha ah ee hadda ku nool xeryaha ku yaalla Muqdisho. Cali Macallin wuxuu sheegay in uu aad uga naxay geerida wiilashiisa balse uu ku qanacsanyahay qadarta alle. Wiilashada qaraxa ku dhintay aabahood, wuxuu leeyahay laba xaas, mana shaqeeyo. Wixii ay keenaan wiilashaas dhintay, Cabdinaasir iyo Cabdimaalik, ayeyna qoyska ku tiirsanaayeen, waxayna ka mid ahaayeen dadka u shaqeeya qoyska. Waxay si gaar ah u taageerayeen hooyadood oo ay siin jireen wixii ay ka soo helaan shaqada caseynta kabaha. “Caruurta ayaa mar walba ahaa kuwa isla socda maadama ay isku shaqo ahaayen, sidoo kalana ahaayen kuwo da’ ahaan isku xigay,” sida uu sheegay aabahood. Dareenka waalidnimo Cali Macalin ayaa sheegay in hadda u jiro culeys badan iyo murugo ay qoyska dareemayaan balse waxay “kaashanayaan sabar, maadaama aysan awoodin wax kale.” Wuxuu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin cid uu dusha u saarinayo qaraxaas ay caruurtiisa ku dhinteen. “Musiibada ay carruurteyda ku dhinteen waxay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ka taagan dalka ee haysta bulshada Soomaaliyeed.” “Culeys weyn ayaan dareemaynaa. Dad guri kugula noolaa markaad waydo, in dareen ku taabanayo waa hubaal, waliba dareen aan la soo koobi karin marka innaga waa iska samreynaa koley, dad islaam ah ayaan nahay,” ayuu yiri. Qoyska labada carruurta ah ay ka baxeen waa barakacayaal ka soo cararay gobalka Bay kuna nool magaalada Muqdisho kuwaas oo ay horeyba u haysteen dhibaatooyin dhanka nolasha ah. Qaraxa ay labada wiil uga dhinteenna wuxuu mugdi sii geliyay nolasha cakiran iyo ku tashigii qoyska ee wiilashii yar yara ee u shaqeynayay. Qarixii hore ee naafeeyay wiilkiisa weyn Cali Macalin Cabdiraxmaan, waxay dhacdan dambe timid isagoo weli dareemaya dhibaatadii wiilkiisa weyn ee Liibaan ka soo gaartay qarixii weerarkii hoteelka Naasa Hablood-2 ee magaalada Muqdisho oo dhacay 28 bishii Aktoobar, sannadkii 2017-kii. Libaan ayaa ku naafoobay qaraxaas wuxuuna ku waayay qaybo ka mid ah xubnaha jirkiisa. “Wiilkii weynaa ayaa qarxii Naasa Hablood iiga naafoobay; lug way ka go’an taha,y gacanna wuu ka jabay. Dhibkaas mar ayuu ilmaha iga soo gaaray, kana waa kii labaad Alxamdulilaah”. Inta badan dhibaatada ka dhalata qaraxyada iyo weerarada ka dhaca muqdisho ayaa si gaar ah u saameeya dadka nolosha la daalaadhacaya. Bulshada qaarkood ayaa u gurmaday, balse way yartahay in wax la iska weydiiyo dhibaatada gaarta shacabka ee ka dhasha qaraxyada iyo falalka amnidarada ah. Caruurta kabaha baalasha ayaa inta badan taga maqaayadaha iyo meelaha ay dadka isugu yimaadaan, maadama shaqadoodu ku xirantahay in ay helaan dad badan oo kabaha ay u tirtiraan. Hoteellada iyo maqaayadaha oo u ah fursad shaqo ayna ka helaan shilimaad ay qoysaskooda ku kaalmeeyaan, haddana waa halis kale, maadaama ay ka mid yihiin goobaha la bartilmaameedsado. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay gudoomiyihii hore ee golaha shacabka, Maxamed Jawaari. Kulankaasi ayaa waxa uu ka dhacay hoyga madaxweyne Xasan uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho, oo uu qado sharaf ugu sameeyay Jawaari. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi ayaa waxa looga hadlay xaalad siyaasadeedka cakiran ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka 2020/21. Sidoo kale waxa looga arrinsaday ismari-waaga siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo mucaaridka, oo muddooyinkii dambe isku maan-dhafsanaa qabsoomida doorashooyinka dalka. Jawaari ayaa muddo badan ka maqnaa saaxada siyaasada tan iyo markii uu iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha shacabka, isagoona ka gaabsan jiray ka hadalka arrimaha siyaasada dalka oo xiligan maraya meel xasaasi ah. Kulankan ayaa imaanaya xili ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin madaxda maamulada dalka, ayna ka socdaan shirar looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkii dambe abuuray xiisad xoogan. The post Maxaa looga hadlay kulankii Xasan Sheekh iyo Jawaari? first appeared on Caasimada Online.
  21. Marxuum, Shaafi Raabi Guddoomiyihii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo maanta lagula eegtay magaalada Kismaayo. Qaraxa oo ka dhacay afaafka hore ee masjidka Jaamacul-qadiim, salaadii jamcaha kadib, waxaa kaloo ku geeriyooday qof kale. Sidoo kale qaraxa waxaa dhaawacyo ka soo gaareen dad ku dhow 10 qof oo u badan rayid, kuwaas oo hadda lagu daawaynayo Cisbitaalka Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin. Marxuum, Shaafi Raabi wuxuu ahaa ganacsade weyn oo saameyn ku leh siyaasadda jubbaland. Jubbaland weli faahfaahin kama bixin qarax maanta ka dhacay Kismaayo. PUNTLAND POST The post Shaafi Raabi oo u geeriyooday dhaawacii qaraxii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  22. Sheekh Soomoow oo ka hadlay hadal uu bixiyey Wasiir Goodax Barre oo laga hadal hayey baraha bulshada ayaa yiri”Wasiir Goodax Jahli buu ku hadlay,Xukun baadil [...] The post Daawo : – Sheekh Soomow oo Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre ugu baaqay inuu ka toobad keeno xadgudubkii uu Nabiga ( SCW ) uu u geystay. appeared first on . Source
  23. Uganda has resumed rotation of its peacekeeping troops to Somalia after four months’ suspension over COVID-19, the military has said. Chief of Defense Forces (CDF) Gen. David Muhoozi said Uganda People’s Defense Forces (UPDF) and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have built capacity to contain the spread of the novel coronavirus. On Thursday, Muhoozi flagged off Uganda’s 30th Battle Group to Somalia at in Singo, in the central district of Nakaseke. The group comprises over 1,800 personnel, both veterans and regular forces. The UPDF and AMISOM suspended troop movements in and out of the mission area in May, as a force protection measure to combat the spread of COVID-19. The Ugandan military also suspended troop deployments to Equatorial Guinea. Uganda has over 6,000 troops serving under the AMISOM in Somalia and over 100 officers in Equatorial Guinea. The east African country deploys troops to Somalia and Equatorial Guinea on a one-year rotational basis. View the full article
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaaan qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac ah. Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray qaraxaas kadib Salaaddii Jimcaha sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas. Dhaawaca Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubbaland oo loo qaaday Isbitaalka guud ee Kismaayo ayaa geeriyooday xilli loo fidinayo gargaarka caafimaadka. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo. Shaafi Raabi Kaahin ayaa sidoo kale ahaa xoghayihii rugta ganacsiga Soomaaliyeed. Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof oo uu ku jiro qofkii ismiidaamiyey halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo u badan ilaalada Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeysay mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee lagu dilay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga DG Jubbaland AUN Shaafi Raabin Kaahin iyo ilaalo la socotay. The post Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Kismaayo iyo Shaafi Raabi oo geeriyooday first appeared on Caasimada Online.
  25. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo Salaadda Jimcaha, kadib ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaraxa oo ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay banaanka Masjidka Jaamac Qadiim, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay uu marayey gudddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahir , kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac soo gaaray. Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhintay labo qof oo kale, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale oo u badan dad shacab ah. Ammaanka Kismaayo ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid degan, waxaana baariraano dheeraad ah ka waday ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland. View the full article