-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney wadaan baaris la xiriirta kiiska Xamdi Maxamed oo duhurnimadii jimcihii lagu dilay xaafadda Maajo ee degmada Waaberi, Muqdisho. Booliiska ayaa intaa ku daray iney soo xireen 4 eedeysane isla markaana ay wadaan baaris oo lagu ogaanayo wixii dhacay iyo cidda falkaasi ka dambeysay. Dhacdadan ay booliiska baarayaan waa Xamadi Maxamed oo 19 jir aheyd, kuna dhalatay Ceelbuur balse hadda ku nooleyd Deyniile, Muqdisho, sanadkanna ku baastay imtixaanka dowladda oo si inta la kufsaday, laga soo tuuray dabaq lix biyaano ah. Eheladda gabadha ayaa sheegaya iney la nooleyd habaryarteed 10-kii sano ee ugu dambeeyey isla markaana ay aheyd qof fiican. Ehellada ayaa booliiska iyo hey’aadaha dambi baarista ka dalbaday in la ciqaabo dadka dhibaatada geystay si aaney u dhicin dhib kan oo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa soo bandhigay bambooyin la sheegay in ay Al-Shabaab ku qariyeen dhul bacaad ah oo ku yaala xaafadda Farjanno ee M/Kismaayo. Howlgal ay ciidanku fuliyeen ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay kus oo wargeliyeen ciidamada in walxaha qarxa la geliyey halkaasi. Saraakiisha ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay ula shaqeeyaan ciidanka, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacaha soo socda lagu wadaa inuu si rasmi ah xarunta Villa Somaaliya uga furmo shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo diirada lagu saarayo xaaladda guud ee dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo, iyadoona ay ka qeyb-galayaan Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa dhameystirka heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Is-jiid siyaasadeed ayaa muddo ka taagnaa qabsoomida shirkan, kadib markii uu sii xoogeystay is faham-waaga u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland. Shirka wada-tashiga Muqdisho oo aad isha loogu wada-hayo ayaa loo arkaa fursad muhiim ah, waxaana la filayaa in go’aan mid ah looga gaaro doorashada soo socota. Si kastaba ha’ahaatee xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, iyada oo ay wax kasto bedali karaan go’aanada ka soo baxa shirka wada-tashiga ee ay caasimada ku leeyihiin madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. The post Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka wada-tashiga Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah madaxda dowlada federalka inay ku kaceen eex qabiil iyo ku takri fal awoodeed. Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Cabdiramaan Cabdishakur waxa uu ku sheegay in mas’uuliyiin ka mid ah madaxda dowlada ay si gaar ah u beegsanayaan shaqaalaha iyo saraakiil ka tirsan ciidamada kuwaasoo ka soo jeeda caasimada dalka ee Muqdisho. Qoraalka ayaa waxaa lagu eedeeyay madax ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Raysalwasaare ku xigeenka iyo taliyaha Nabadsugidda inay magacaabis xilal qaraabo kiil ah ay ku kaceen. Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. Dhallinyaro isugu jira saraakiil ciidan, shaqaale rayid ah iyo hay’adaha garsoorka ayaa cabashadooda si is daba joog ah ii soo gaaraysay. Dhalinyaradan oo rag iyo dumarba leh ayaa u badan kuwo ka soo jeeda beelaha deegaanka Muqdisho, iyadoo xil ka qaadis iyo shaqo joojin lagu sameeyey faquuq hayb qabiil ah. Waxaa dhinaca kale si xawli ah u socda magacaabis xilal qaraabo kiil ah, taasoo ay wadaan Madaxweynaha, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Raysalwasaare ku xigeenka iyo taliyaha Nabadsugidda (TN). Waxaan canbaaraynaynaa eexda qabiil, ku takri falka awoodda Dowladda iyo kala xigsiga muwaadiniinta. Waxaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta kalaba ceeb ku ah in ay kala xigsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuna kacaan eexdii iyo cadaalad daradii dawladii dumisay. Waxaa muuqata dabeecadihii lagu yaqiinay rajiim gabalkiisu dhacayo ee ahayd ha aaminin cid aan wiilkaada iyo walaalkaa ahayn. Source
-
Waxaa maanta lagu wadaa inuu furmo shirka arrimaha doorashada ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shirkan oo 3 jeer horay u baaqday ay ayaa lagu ambaqaadayaa natiijadii shirkii Dhuusamareeb 3 iyo wax kabedelkiisa. Wararka ayaa sheegaya in aaney jirin khilaaf dhanka furmidda shirka ah iyada oo muran badan uu ka dhalan doono wax ka bedelidda Dhuusamareeb 3. Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dood ka qaba natiijada Dhuusamareeb 3 iyaga oo doonaya in qodobo badan wa laga badalo sida kaalinta dowlad goboleedyada, ka qeybgalka xisbiyada siyaasadda iyo xataa iney ururka Xaliimo Yarey qabtaan doorashada. Madasha xisbiyada qaran iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegtay iney ku adkeyneyso shirka in laga heshiiyo waqtiga doorashada inta aan laga hadlin nooca dooraso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay falkii arxan darrada ahaa ee loo geystay, marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid aheyd ardayda sanadkan ka qeyb-galay imtixaanka dowladda, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil. Goodax Barre ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo falkaasi foosha xun ee lagu kala kacay marxuumadda, kadib markii laga soo tuuray dhisme dabaq ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dadkii ka dambeeyey falkaasi ay baabi’iyeen hamigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen. “Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hammigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen.” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya. Ugu damgeyn Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaha inuu yahay dhaqan aad u xun oo maalmahan kusoo xoogeystay dalka. Allaha u naxariistee falka kufsiga iyo dilka ee loo geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa ka dhacay degmada Waabari, waxaana loo soo xiray afar ruux, sida uu shaaciyey taliska ciidanka Booliska oo baaritaan ku haya dhacdadaasi. The post Goodax oo war kasoo saaray kufsigii iyo dilkii XAMDI first appeared on Caasimada Online.
-
Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa sheegay in ay bumbooyin ka soo saareen dhul bacaad ah oo ku yaalla Xaafadda Farjanno ee Magaalada Kismaayo Qoraal ka soo baxay Taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland, ayaa lagu sheegay in Bumbooyinkaas ay aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay qaraxyo ka fuliyaan gudaha Kismaayo. Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu xusay in la fashiliyay isku daygaas, kadib markii Shacabka Xaafadda ku dhaqan ay Ciidanka ku wargeliyeen qaraxyada ku aasan dhulka. Saraakiisha Ciidanka Nabad-sugidda Jubbaland, ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay uga gacan-siiyaan Amniga, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. PUNTLAND POST The post Nabad-sugidda Jubaland oo fashiliyay Qaraxyo lagu aasay gudaha Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Saacadaha soo socda, waxa lagu wadaa in uu Magaalada Muqdisho ka furmo, shirka madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxa si rasmiya u daah-furi doona Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka qayb-gelaya Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirka waxaa looga hadlayaa xaaladda kala guurka ah ee Siyaasadda dalka, gaar ahaanna arrimaha doorashada soo socota iyo turxaan-bixinta heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee hannaanka doorashada, kaas oo aysan ka qayb-gelin Puntland iyo Jubaland. Furitaanka Shirka ayaa la filayaa in ay Khudbado kala duwan ka jeediyaan Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kuwaas oo ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee waddanka. PUNTLAND POST The post Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, Sheekh Cabdinuur Jaamac Xuseen, oo hadal kooban Warbaahinta u jeediyay, ayaa Suxufiyiinta uga digay in aysan ka hordhicin kiisaska Maxkamadda ka socda ee aan weli go’aan kama dambays ah laga gaarin. Guddoomiye Cabdinuur, wuxuu sheegay in cid kasta oo aan ku qancin Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal laga doonayo in ay Rafcaan ka qaadato go’aanka Maxkamadda, halkii ay Warbaahinta ka cambaarayn lahayd. Sidoo kale, wuxuu Suxufiyiinta uga digay tebinta wararka been abuurka ah oo dhaawacaya sumcadda iyo sharafta bulshada, islamarkaana abuuri kara colaad iyo isku dhacyo halis gelin kara Amniga Guud iyo Xasiloonida. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Maxkamada Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal oo digniin u jeediyay Suxufiyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay hoggaanka ururada bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Waxaa sidoo kale si gaar ah diirada loo saaray sidii ay ururada bulshada rayidka ah qeyb uga noqon lahaayeen doorashada soo socota ee 2020/2021. Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Cumar Filish, wuxuuna tilmaamay inay muhiim yihiin kulamada noocaan oo kale ah.https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay diyaar u yihiin inay qaataan doorkooda ku aadan wada-hadallada doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ayaa waxaa saaka laga helayaa dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay, kadib weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen sadhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Arbacow ee deegaankaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka oo socday muddo kooban ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac. Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay ayaa wuxuu ku kooban yahay dhinacyada dagaalamay, lamana oga inta uu gaarsiisan yahay. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/Hoose. The post Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Arbacow. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu iska hor imaad toos ah oo daqiiqado socday uu ka dhacay halkaasi. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/Hoose. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay ururada bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale waxaa si gaar ah diirada loo saaray sidii ay ururada bulshada rayidka ah qeyb uga noqon lahaayeen doorashada soo socota ee 2020/2021. Tahliil Shaatax oo ah guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Cumar Filish, wuxuuna tilmaamay inay muhiim yihiin kulamada noocaan oo kale ah. Sidoo kale Tahliil ayaa intaasi ku daray inay diyaar u yihiin inay qaataan doorkooda ku aadan wada-hadallada doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho. Si kastaba ha’ahaatee hoggaanka ururada bulshada rayidka ah ayaa horey ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, madax goboleedyada iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee ka jira gudaha dalka. The post Xogta kulankii Cumar Filish uu xalay qabtay ee xaalada siyaasadeed ee dalka first appeared on Caasimada Online.
-
Ururka Al-shabaab ayaa Xalay weerar culus ku qaaday Saldhiga Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho. Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay Rasaas iyo madaafiic xooggan ku garaaceen Saldhiga lagu magacaabo Arbacow oo ku yaalla Degaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo ay deggan yihiin Ciidamada AMISOM. Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda weerarkaas kaga jawaabay Hubka culus waxana la sheegay in ay iska difaaceen inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin khasaaraha labada dhinac. Dhinaca kale weli lama xaqiijin haddii weerarkaas Khasaare ka soo gaaray Shacabka ku nool Degaanka Ceelasha Biyaha iyo Nawaaxigiisa. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaadday Saldhiga AMISOM ee Duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-13092020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Sadiiq ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidanka amaanka 48 kii saac ee la soo dhaafay ay ka sameeyeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Taliyaha ayaa sheegay in howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan lagu soo qab-qabtay illaa 13 qof oo looga shakisan yahay argagixisanimo, hub iyo walxaha qarxa. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in ragga la qabtay oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad lagu tumay inay maleegayeen weeraro ka dhaca Hargeysa iyo Burco. Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Sadiiq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sidoo kale ku raad-joogayaan xubno kale oo iyaguna laga shakisan yahay. Waxa kale oo uu digniin u diray milkiilayaasha guryaha iyo kuwa hotellada, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in ogaadaan cid kasta oo ay wax ka kireysanayaan. “Ciidamadda ammaanka Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xiriir ah oo lala beegsanaayay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo loo tuhmayo. Hubso ciddaad ka kiraynayso gurigaaga, qolada hoteelada waxaa iga digniin ah ha hubsadaan cidday hoteelada ka kiraynayaan.” ayuu yiri taliyuhu. Si kasta ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii saraakiil ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay shaaciyeen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Somaliland, kuwaasoo ka baxay dhanka dhulka buuraleyda Gal-gala. The post Somaliland oo gacanta ku dhigtay hub, walxaha qaraxa iyo rag weerar qorsheynayey first appeared on Caasimada Online.
-
MÓRIA, GREECE -- Thousands of asylum-seekers have spent a fourth night sleeping in the open on the Greek island of Lesbos, after successive fires destroyed a notoriously overcrowded migrant and refugee camp during a coronavirus lockdown. Source: Hiiraan Online
-
Khayre was ousted from office by parliament in July Source: Hiiraan Online
-
Mareykanka oo shaaciyey,Maxkamadna ugu yeedhay 24 Mas’uul oo Wasiiro,Diblomaasiyiin & Saraakiil Sarsare isagu jira oo sacuudiyaana oo loo haysto weerarkii 9/11 Maxkamad federal oo Mareykan ah ayaa u yeedhay 24 sarkaal oo isugu jira saraakiil hore iyo kuwa ka tirsan dowladda Sacuudiga, si wax looga weydiiyo wixii ay ka ogaayeen weeraradii ay Al-Qacida ku qaaday Mareykanka 11-kii September 2001, oo lagu dilay 3,000 oo qof. Qofka ugu caansan ee maxkamadda looga yeedhay ayaa ah Amiir Bandar Bin Sultan, oo ahaan jiray safiirka Sacuudiga ee Mareykanka. Go’aankan ayaa wax deg deg usoo dhoweeyey qoysaska dhibanayaasha weerarka, oo ku qeexay tallaabo horey loo qaaday oo caddeyn doonta in xubno ka tirsan dowladda Sacuudiga ay wax ka ogaayeen weerarka. Qoysaska dhibanayaasha ayaa fuliyey baadhitaan madax banaan oo shaaca ka qaaday in laba ka mid ah raggii weerarka fuliyey, Khaled Al-Mihdhar iyo Nawaf Al-Hazmi ay taageero maaliyadeed ka heleen shaqsiyaad ku xidhan dowladda Sacuudiga kadib markii ay yimaadeen Mareykanka. Sida uu shaaciyey Yahoo News bishii May 2020, dokumentiyo FBI ayaa muujiyey in sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga oo ka shaqeynayey safaaradda Mareykanka ee Washington, kaasi oo kaaliye u ahaa diblomaasi lagu magacaabo Ahmed Al-Jarrah uu si joogto ah xidhiidh ula lahaa laba qof uu si toos ah weerarka gacan uga gaystay. Mid ka mid ah raggaas waa Fahad Al-Thamiri oo imam ka ahaa masjidka Boqor Fahad ee magaalada Los Angeles, kaasi oo la kulmay qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyey. Ahmed Al-Jarrah oo tan iyo sanaddii tagtay ka shaqeynayey safaaradda Sacuudiga ee Morocco ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ay maxkamadda u yeedhay. Waxaa sidoo kale loo yeedhay Saleh bin Abdulaziz Al-Sheikh oo ahaan jiray wasiirka arirmaha diinta Sacuudiga. Amarka loogu yeedhay 24-ka qof ayaa loo diray dowladda Sacuudiga, waxayna ku xidhnaan doonta go’aankeeda haddii ay u ogolaaneyso inay maxkamadda ka hor marqaati furaan, taasi oo la rumeysan yahay inaysan dhici doonin. Qaran News
-
Fikir iyo talo wadaag dheer, kaddib waxaan halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba#AmmaanoIyoAdeeg pic.twitter.com/Fcx4x2AqEC — Hassan Ali Khaire (@HassanAKhaire) September 12, 2020 Qaran News
-
Former Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre announced on Saturday that he will run for the presidency in the next year election. “It is clear that our country has made a progress over the last 2 decades. I have served this country as a prime minister and have gained experience, so I am here to announce that in the next presidential election, I will run for the presidency,” Hassan Ali Khayre said in the statement. Khayre, a Somali-Norwegian, 52, was appointed prime minister in February 2017 by President Mohamed Abdullahi Mohamed and was voted out of the office this July by the parliament. In August, Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed reached an agreement with three state leaders and the mayor of the capital Mogadishu on the country’s election model after days of talks in the central town of Dhusamareb. The post Somalia: Former premier announces to run for presidency first appeared on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland S/G Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagalle) ayaa been-abuur ku tilmaamay warar lagu sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen rag laga shakiyey iyo hub, isla markaana digniin u jeediyey dadka caadaystay faafintooda. War lagu sheegay inuu ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland, oo si weyn baraha bulshada sida Facebook u dhexmarayey maanta , una dhignaa “Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xidhiidh ah oo lala beegsanaayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo loo tuhmayo in falkani ay lug ku lahaayeen.” ayuu gebi ahaanba Taliyaha Booliiska S/G Maxamed Adan Saqadhi ku tilmaamay kuwo been ah, mar weriye Maxamuud Walaaleye, oo Wargeysyadda Dawan ah khadka telefoonka wax kaga weydiiyeey jiritaankooda. Taliye Maxamed ayaa bulshada uga digay faafinta warar malo-awaal ah oo la xidhiidha Ciidanka, isagoo yidhi, “Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog oo la xidhiidha Ciidanka Booliiska, mana jiro tacsi Taliyaha Booliisku diray, isla markaana waxaanan u sheegayaa inaan dhowaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciidanka Booliiska JSL oo shirkada Facebook xaqiijisay.” Qaran News
