-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maqaalkan waxa aynu ku faallayn doonaa af-maldaha ama hummaagaynta oo ah hab loo qurxiyo macnaha ereyga, ahna qalab af kastaaba leeyahay. Waxa waajib loo arkay in fasal walba lagu daro af-maldaha ama hummaagaynta maansada.. Haddi fasalka kowaad ee dugsiga sare illaa fasalka afraad ee dugsiga sare la ii dhigo qaybaha af-maldaha, maxaa kordhaya? Wixii shalay aan bartay miyaanay ahayn in aan maanta wax ka geddisan dhigto?. Waxa taas ka sii daran in qaar badan ardayda loo dhigo, la baro, lagu shubo oo la liqsiiyo iyaga oo qaldan, sida raadkaas maskaxdooda looga tiri karo, ee majara-habaabinta looga toosin karo ayaa adag. “Alif kaa qaldamaa, Albaqruu ku qaldaa” ayaa ay Soomaalidu tidhaahdaa. Waxa ila qurxoon in miis la isugu yimaaddo, laga doodo, lana sugo qeexitaankooda. Muqarrarka fasalka 4aad waxa ku jira hummaagayn kala ah: Afka maldaha: 1.1. Duurxul 1.2. shareere 1.3. sarbeeb Waxa la soo celiyay kuwo aan 4aad ku jirin, ahaana fasallada 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah: 1. Ekeeye 2. Buunbuunin 3. Qofayn 4. Legaaddo (Quusin) 5. Yamxeero (dayro) 6. Sillan-sugan 7. Astaan 8. Xus: waxa loo hoos geeyay qofaynta, si gurracan ayuu ugu jiraa. Ma aragtaan? Meel loogu talo-galay saddex cashar ayaa 10-11 la geliyay. Taas micnaheedu waxa weeye in 16 bog oo abbaartan (mawduucani) ku qoran yahay ay ugu yaraan 70% ka mid ahi dheeraad iyo culays aan loo baahnayn yihiin. Qiilkee lagu dhaafay muqarrarka? Waa maxay baahida keentay in la biisaa? Afar ka mid ah af-maldaha ayaa loo qeexay si aan sax ahayn. Waxa muuqata keliya in magacooda la arkay, la eegin waxa ay afafka dunida ku yihiin, la dhaadin macnahooda rasmiga, lagu buuxsaday qeexitaankii ay ula ekoonaatay, waxaanay kala yihiin astaamayn, xus, sillan-sugan iyo legaaddo. Afartaas waxa aan sheegi doonaa qeexitaankooda rasmiga ah, waxa aan burin doonaa sida loogu sharxay fasalka 4aad ee dugsiga sare. Bal ninka igu diidaya, ee abbaartan (mawduucan) uga aqoon badnaa Macallin Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) IHUN ha ii yimaaddo Astaan Astaan: waxa uu buugga fasalka 4aad ku qeexay “Astaantu waa hadal ama tix ku saabsan xornimadii ama gobannimadii Soomaaliyeed”. Hal waa mid ka mid ah tusaaleyaasha astaamaynta. Astaamayn (Symbolism): Waa marka fikrad aad gudbinayso aanad toos u sheegin/abbaarin ee aad astaan tibaax ka bixinaysa uun sheegtid. Waxa tiraab ahaan tusaale u ah: ü Dhexda ayaa aad farta ka qaniini doontaa, ü Indhaha ayaa aan yar casaysanayaa, ü Waxa uu noo soo galay isagoo madaxa is haya, ü Lix aan haanta biyaha iska waraabin karin, ü Maalintii aan hal naaskeed gaadhay, Tusaaleyaasha astaamaynta ee tixda waxa ka mid ah: Maansada anoo gaban yaraan, gaadh ka hayn jiray’e, Gunti keliya anigoo leh baa, geedka lay diray! (Timacadde) Calool jilicsanaa carruurtayda aabbahood, Intuu i canaantay buu haddana Caasha-Luul i yidhi, “Mar haddii raggu is galo, Gallad kala dhaqaaqee, Maradii gondaha tiil, Waxaan geeyay lowgee, Adiguna guntiga xidho” ”Xasan-Ganey” . ”Waxba foox ma taro ruux jannada, fara ka yaaliine” (Maxamed Cabdiraxmaan “Luggooyo”) Xus Xus (Allegory): Waa marka dhacdo hadda taagan lagu xidho dhacdo hore taariikhda u gashay, ama sheeko beryo hore dhacday. Waxa aad xasuusnaanaysaa in: dadka isku diinta ah iyo kuwa isku afka ahiba ay ka mid yihiin dadka leh Xusuus-Wadarreedda. Tusaaleyaal xus ayaa la hoos geeyay qofaynta, waana sheeko hore oo hal-abuur ka sameeyay maanso. Waxa aan ka xumahay in aanu xusku ku jirin af-maldaha maansada ee fasalka 4aad ee dugsiga sare, lana hoos geeyay laan uu ka madax bannaan yahay. Timacadde oo qiso hore ugu xusnayd taariikhda Islaamka ku xidhay mid amintaas uu gabyayo taagnayd, waxa uu yidhi: “Hal libaax dharqadayuu laf iyo, dhayba ka idleeyey, Ha u dhuran dhurwaagii laftuu, dhuuxay eersaday’e” (Axmed-Qaasin) “Maskii good ahaa iyo ninkii, loo gar qaadahayey, Guurtida kolkii loo wacee, taladii loo guulay, Cid gun gaadha xaajada kolkii, goobta laga waayey, Waxay gocatey ooy eersatoo, gebagebow diiday, Waa maansaartu xididkay gashiyo, gabantey aaseen’e!” (Dhoodaan) “Habartii docdeediyo, Degelkay ku noolayd, Daruuruhu ku hooreen, Dadka wada hel mooddoo, Daad wararac bay tidhi, Waa se dumar’e yeelkeed” (Cabdi Iidaan Faarax) Farqiga Legaaddada iyo Sillan-sugan: Legaaddadu ma quusin baa? Sillan sugan: Waa isa seegga laba xaajo oo haddana macquul ah, waxaanay isku bah yihiin legaaddada. Marka tiraabta tiraabta la joogo, waxa sillan-sugan tusaale u ah: ü Haddii ay fooli timaaddo, gudo-qarsiimo hadhay, ü Dayro hore deeq kama dhacdo, Suugaanta ay sillan-sugantu ku jirto ee maansada waxa ka mid ah: “Dhashaadey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abid’e, Nin dhirbaaxo-quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye, Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye, Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dhereggu xaaraane” (Salaan-Carrabay) “Dacartuba marbay marlab dhashaa, muudsataa dhabaq’e Waxan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaalle” Legaaddo Legaaddo (Irony): Legaaddada oo buuggu la mideeyay quusintu, waa isa seegga ama iska hor imaadka ka dhexeeya laba hummaag oo isku tuduc/kala tuduc ku sheegan. Legaaddadu inta badan ma aha macquul, Sillan-Sugantu se waa macquul. Tiraabta legaaddada ah waxa tusaale u ah ü Cay ka tegis leh iyo ammaan tixraac leh, ü Dhallaankii hooyadii dhalmada baray, ü Uur hooyo ayaa eex laga bartaa, Maansada ay legaaddadu ku jirto waxa tusaale u ah: Dhulka waan socdaa Waanan dhaafsanee Cirku waa dhow yahay Waanu dheer yahee Mar adoo iga dheer baan Kuu dhawaaqayaa Maadaama oo legaaddadii buugga fasalka 4aad hoos geeyay quusinta oo ay ka madax bannaan tahay, waxa ayaan-darro ah in tusaaleyaal badan oo legaaddo ah la hoos-geeyay sillan-sugan, iyada oo aan leegin ma isa-seeg maangal ah baa mise maangal maaha? Waxa aan leeyahay “Isa-seeg kastaa maaha sillan-sugan”. La soco qaybta lixaad haddii Alle idmo Siciid Maxamuud Gahayr(Hargeysaawi) siciidgahayr@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay shaacintii musharaxnimadiisa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Ugu horeyn Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxa uu su’aal uga keenay sababta u suurta gelin weysay Kheyre in musharaxnimadiisa uu ku shaaciyo xaflad maamuusan. “Degdegga iyo cabsida ka muuqatay qoraalkii Kheyre xalay soo dhigay facebook-giisa ee lala sugi waayay xaflad in loo dhigo maxaa loo fasiran karaa?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Nin magaaladii uu deganaa, Ra’iisul Wasaare ku noqday hal habeen xaflad ku dhigan waayay, sidee dal iyo dad in uu hoggaamiyo loogu aaminayaa?” Siyaasiga Cabadiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna qoraal kale oo uu soo dhigay Facebook-giisa waxa uu Kheyre uga dalbaday in uu qolo u tiiriyo ama isagu qirto khalaadaad dhowr ah oo dowladda ka dhacay intii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa. “Musharraxa cusub waan soo dhoweynaynaa, laakiin dhiibistii Qalbidhagax, weerarkii 17 Dec ee xarunta Wadajir, xil ka tuuristii Prof Jawaari, safar xannibkii labada madaxweyne iyo cunna qabateyntii Kismaayo masuuliyaddeeda ha qaato ama meel ha saaro. Mise isagoo og ayuusan haddana ogeyn?” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xasan Cali Kheyre ayaa 50-cisho kadib markii xilka laga qaaday waxa uu xalay shaaciyey in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya. The post Maxay Mahad Salaad iyo CC Shakuur ka yiraahdeen musharaxnimada Kheyre? first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan agaasimihii warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed u dalacsiiyey xilka ku-xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada, waxaana maqaalkaan yar kusoo koobayaa inta aan ka aqaan Cabdinuur iyo shaqadii uu ka qabtay xafiiskii laga soo dalacsiiyey ee Warfaafinta. Cabdinuur Maxamed Axmed, waa aqoonyahan dhallinyaro ah, wax ku bartay gudaha dalka iyo dibedda, lana soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo ka howlgalo Soomaaliya. Wuxuu hardan adag, juhdi iyo dedaal aan hagari ku jirin u galay in uu ka miro dhaliyo hammigiisa ah in uu door ku yeesho samata-bixinta waddanka iyo in uu dhallinyarada ku hago u adeegidda bulshadooda. Waxa uu door muuqdo ku lahaa ololihii uu kusoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaas oo uu u arkay in uu yahay shaqsiga kaliya ee samata-bixinkaro Soomaaliya. 20-kii bisha March 2017, madaxweyne Farmaajo oo maanka ku haayo dedaalkii, daacadnimadii iyo howlkarnimadii xilligii ololaha ayaa Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay xilka agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya. Cabdinuur oo ah qabiir saxaafadeed, in badanna ugu soo adeegay bulshada mihnadda saxaafadda ayaa la wareegay xafiiska, wuxuuna billaabay tayeynta xafiiska warbaahinta madaxtooyada iyo ka shaqeynta isu soo dhoweynta madaxda qaranka iyo weriyaasha ka howlgalo xarumaha warbaahineed ee dalka. Intii uu xafiiska joogay wuxuu ka shaqeeyey inuu wanaagsanaado xiriirka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saxaafadda, wuxuuna qaban qaabiyey dhowr kulan oo ay yeesheen madaxweynaha iyo Suxifiyiinta. Sidoo kale, wuxuu Saxaafadda kala shaqeeyey in madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixo wax ka badalka sharciga saxaafadda oo ah sharcigii ilaalin lahaa wariyayaasha iyo warbaahinta. Wuxuu kaalin weyn ku lahaa, iskana xilsaaray in aan la dayicin lana hilmaamin carruurta ay ka geeriyoodeen saxafiyiinta Soomaaliyeed, wuxuu ka shaqeeyay in ciid walba ay la ciidaan carruurta asaagood ah ee aabbayaashood u noolyihiin, inkastoo intaa iyo ka badan mudnaayeen haddana ma aysan heysan ka hor isaga. Cabdinuur wuxuu sidoo kale waqti ku bixiyay, garab istaag u muujiyay, in ay caddaalad helaanna ka shaqeeyay saxafiyiinta kuwooda dulman, taas oo aan ka mid aheyn howlaha xafiiskaas isaga hortiis, wuxuuna si dhow ula shaqeeyay ururrada saxafiyiinta ka howlgala Soomaaliya. Intaa iyo ka badan oo uu qabtay xilligii xilheynta xafiiska warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku abbaalmariyay dallacsiin iyo in uu u magacaabo kuxigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada. Dadka aqoonta dhow u leh, kuwa ay shaqo wadaagga ahaayeen iyo kuwa sheedda kala socday howlaha xafiiskii uu kasoo dallacay ayaa aaminsan in Cabdinuur mudnaa in la abbaalmariyo, waxa kaliya ee laga filan karana ay tahay is-beddel muuqdo oo la taabban karo iyo dardar gelinta howsha adag ee u taallo xafiiska cusub. Dallacsiinta Cabdinuur ayaa ku soo aadday xilli Villa Soomaaliya isku diyaarineyso doorasho, howlo culusna ku hor gudban yihiin, taas oo ay dadka qaar aaminsanyiin in looga maarmi waayay. Waxaa qoray Cabaas Cali Xasan Email: filimside@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Madaxweyne Farmaajo ma ku saxnaa inuu Cabdinuur u dalacsiiyo ku-xigeenka agaasimaha Villa Somalia? first appeared on Caasimada Online.
-
Guddiga maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorshaynta iyo la- xisaabtanka Hay’addaha Dowladda ee golaha Shacabka ayaa waxa uu kulan Ku yeesheen xarunta Guddiyadda ee villa-Hargeysa. Kulankaan oo Ajandihiisu ahaa howlaha shaqo ee horyaalo guddiga iyo sidii ka shaqeyntooda mudnaan loo kala siin lahaa iyo sidoo kale xoojinta howlaha horyaala. Kulanka Waxaa shir-gudoominaayey ku-simaha guddoomiyaha guddiga Maaliyadda ahna guddoomiye Ku-xigeenka guddiga Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-habeen-1392020.mp3 View the full article
-
Washington (Caasimadda Online) – Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe ay wadaan laanta socdaalka iyo kastamka dowladda Mareykanka, kaas oo sababi kara in Soomaali badan la musaafuriyo. Dadka laga yaabo in lagu soo celiyo Soomaaliya waa dad si sharci darro ah ku jooga gudaha dalka Mareykanka, balse Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada aad uga soo horjeeda xukunka Trump ayaa diiday tallaabada maamulka Trump, ayada oo dhowr sabab sheegtay. Sababaha ay Ilhaan ku diiday go’aanka ay qaadaneyso laanta socdaalka iyo kastamka dowladda Mareykanka, waxaa ka mid ah xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo arrimo la xiriira xanuunka Coronavirus oo mar kale kusoo laba kacleeyay dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar waxey aaminsan tahay in dib u celinta dadkaan ay halis weyn galin karto dadka ku nool gudaha Soomaaliya maadaama laga yaabo in dadka la celinayo ay qabaan xanuunka Covid-19 kadibna ay ku faafiyaan Soomaaliya. Mareykanka waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarkoodna sharci heystaan, qaarna ay sharci la’aan isaga nool yahiin, tiro badan oo Soomaali ah ayaana laga soo celiyay wadankaas tan iyo markii sanadkii 2016 la doortay Donald Trump. Qorshahaan ay wadaan laanta Socdaalka iyo Kastamka waxaa laga yaabaa inuu riixayo Donald Trump oo aad u neceb dadka soo galootiga ah, gaar ahaanna Soomaalida. The post Trump iyo Ilhaan Cumar oo isku haya qorshe lagu soo masaafurinayo dad Soomaali ah first appeared on Caasimada Online.
-
Former Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre announced on Saturday that he will run for the presidency in the next year’s election. “It is clear that our country has made a progress over the last 2 decades. I have served this country as a prime minister and have gained experience, so I am here to announce that in the next presidential election, I will run for the presidency,” Hassan Ali Khayre said in the statement. Khayre, a Somali-Norwegian, 52, was appointed prime minister in February 2017 by President Mohamed Abdullahi Mohamed and was voted out of the office this July by the parliament. In August, Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed reached an agreement with three state leaders and the mayor of the capital Mogadishu on the country’s election model after days of talks in the central town of Dhusamareb. View the full article
-
Somali Red Crescent Society (SRCS) has launched a toll-free hotline (446) in Somalia to provide emergency medical services to the people in Mogadishu. The new number will enable people in need of emergency medical services to call a 24-hour toll-free number to seek first aid and transport services from the charity. “The ambulance service is free, and it is led by SRCS volunteers. The goal is saving lives. It’s part of the humanitarian work of the SRCS,” Nur Abdikarim Ali, first aid focal point at the SRCS Mogadishu branch, said in a statement on Sunday. “The number connects the community to the first aid emergency responders — the first-aid caregivers, the dispatcher and the team leader,” Ali added. The new number aims to enhance the quality and efficiency of emergency services in Mogadishu. During emergencies, the charity said, readiness and swift response to care for the wounded and sick often make the difference between life and death. The SRCS said its first aid team is on standby to assist people and their community with first aid and ambulance services 24 hours a day, seven days a week. The charity said the first aid team this year adjusted their working methods to prevent the spread of COVID-19 and protect its members from the virus. “Information is requested from patients to find out if they have any COVID-19 symptoms, so any suspected cases can be transported safely to the hospital,” said the charity. The International Committee of the Red Cross (ICRC) together with the SRCS has responded to a total of 170 emergency incidents in the country this year. According to the charity, more than 400 people have benefited from first aid training in communities. View the full article
-
Wasiirka Waxbarshada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta la kulmay Sharma Boy oo ah heesaa da’yar oo saameyn ku leh dhallinyarada Muqdisho. Goodax Barre ayaa ka codsaday heesaa Sharma Boy inuu fankiisa u weeciyo ku baraarujinta dhallinta, ahmiyadda ay leedahay waxbarashada. “Waxaan maanta sheekeysannay fannaanka da’da yar ee Sharma Boy oo saameyn ku dhex leh dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinta Gobolka Banaadir. Waxaan ka codsaday in uu fankiisa u weeciyo ku baraarujinta dhallinta, ahmiyadda ay leedahay waxbarashada” ayuu yiri Goodax Barre. Kadib markii siddeeed kun oo arday oo gobolka Banaadir ku nool ku dhacday imtixaankii ay qaaday dowladda federaalka ayaa koox uu kamid yahay Sharma Boy soo saareen hees ka hadlaysa shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka qallinqabiya dugsiyada sare iyo jaamacahada. Heesta oo baraha bulshada aad u qabsatay, ayuu Goodax Barre oo ka falceliyay ku tilmaamay mid xikmadaysan. PUNTLAND POST The post Muxuu ahaa u jeedka kulanka Goodax Barre iyo heesaa Sharma Boy? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo la filayey tan iyo markii xilka ra’iisul wasaaraha laga eryey. Xasan Cali Kheyre wuxuu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan kooxda talada heysata ee Nabad iyo Nolol, waxeyna dadka falanqeeya siyaasadda Soomaalida iyo Geeska Afrika durba is tusayaan saameynta ay arrintaan ku keeni karto madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo kala ah:- Xiriirka dibedda: Ra’iisul wasaarahii hore dalka Xasan Cali Kheyre ma aheyn kaliya xubin ka tirsan xukuumadda hadda jirta, balse wuxuu xubin firfircoon u ahaa kooxda Nabad iyo Nolol, waxaana jirta mudadii uu talada hayay inuu aad ugu hawlgalay siyaasadda arrimaha dibadda, taageero raadinta Beesha Caalamka iyo galagalka wadamada daneeya Siyaasadda Soomaaliya. Intii uu xilka hayey wuxuu sameystay saaxiibo badan, wuxuuna ahaa mas’uulka ugu dhow beesha caalamka, marka la eego xubnaha dowladda, isaga oo saaxib dhow la ahaa dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka, Norway iyo UK. Kheyre wuxuu taas u adeegsan karaa inuu helo taageero uu ku galo doorashada, taasi oo noqon karta mid uu waayo madaxweynaha. Xogta dowladda: Madaxda hadda talada heysa waxaad moodaa iney yara ka caga-jiidayaan doorasho xilligeeda ku dhacda, sidaas darteed ku dhawaaqista Xasan Cali Kheyre waxey kordhin kartaa cadaadiska arrintaas aan wali laga heshiin. Kheyre wuxuu ogyahay wax aysan ogeyn dhammaan musharaxiinta kale, wuxuuna xogtaas u adeegsan karaa inuu madaxweynaha ku dhalleeceeyo. Tusaale, haddii Xasan Sheekh uu Farmaajo ku eedeeyo inuu doonayo muddo kororsi waxaa macquul ah inaan la aaminin, balse haddii Kheyre sidaas yiraah, welibana sheego waxyaabo madaxweynaha kala hadlay dad badan ayaa aamini kara. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in Kheyre wax ka ogyahay qorshaha doorasho ee madaxweynaha, inkasta oo aysan taas u badneyn, sidaas darteedna uu u adeegsan karo inuu kaga guuleysto. The post Musharaxnimada Kheyre oo laba si u saameyn karta madaxweyne Farmaajo first appeared on Caasimada Online.
-
Dad cadheysan oo gubay fooqii Muqdisho ee lagu kufsaday, laguna dilay Xamdi Maxamed Faarax Boqolaal dadweyne ah oo ka cadheysnaa falkii arxandarrada ah ee lagula kacay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa maanta dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Waabari. Dadkan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu tegay afaafka hore dhismaha fooqii lagu kufsaday, laguna dilay marxuumadda, iyaga oo dab qabad-siiyey. Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad, si maxkamad loo soo taago raggii ka dambeeyay falkaasi. Sidoo kale waxay ku baaqeen in si deg-deg ah ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga ay jawaab uga bixiyaan dhacdadaasi argagaxa badan reebtay. Allaha u naxariisee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa sanadkan ka qalin-jabisay mid ka mid ah dugsiyada sare ee gobolka Banaadir. Dilkeeda oo ay fuliyeen rag ma-naxayaal ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyaga oo kufsi u geystay, kadibna ka soo tuuray dhisme dabaq ah. Qaran News
-
Haweenaydii Talyaaniga u dhalatay ee Muslimtay oo u istaagtay la dagaalanka Islaam naceybka Silvia Romano Silvia Romano oo u dhalatay dalka Taliyaaniga islamarkana mar ay afduubteen Al-shabaab ayaa waxaa loo xil saaray in ay hormuud ka noqoto olola looga hortagayo Islaam naceebka dalkaasi Taliyaaniga. Ururo ah kuwa bulshada rayidka oo fadhigoodu yahay magaalada Milan ayaa waxay Romano iyo 8 qof oo kale u magacabeen inay qeyb ka noqdaan mashruuc loogu ololeynayo sidii looga hortagi lahaa Islaam naceybka. Silvia Romano oo qaadatay Diinta Islaamka ayaa waxay horey u sheegtay in hanjabado iyo daleeceen loo jeediyay. Sababaha loogu magacaabay ayaa lagu sheegay inay tahay qof caan ah islamarkana qudheeda la kulantay falal la xiriira Islaam naceyb. Bishii March ee sanadkan waxaa Muran ka dhashay aayado quraan ah oo ay soo qortay oo dadka ay fikrado badan oo kala duwan ka qaateen ujeeddada ay ka leedahay. Labada aayadood ee ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga ayaa ku jira suuradda Fusilat. Ficilkan ayaa u muuqda mid ay Romano ugu jawaabeysay dadka hanjabaadaha iyo dhaleeceynta ugu jeedinaya baraha bulshada. Silvia, oo la baxday Caa’isha, ayaa si weyn loo soo dhaweeyay markii ay ku laabatay Talyaaniga Caa’isha Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfurta bari ee Kenya. Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda ayaa garoonka diyaaradaha uga hor tagay markii ay Silvia kasoo dageysay magaalada Rome ee caasimadda dalkaas. Qaran News
-
Shirka uga furmay Madaxweynayaasha Soomaaliya ayaa hada si habsami ah uga socda Villa Soomaaliya, Shirkasoo hal ajande leh kasoo ah Doorashada Soomaaliya. Wali waxaa muran [...] The post Qodobada laga filan karo Shirka Muqdisho appeared first on . Source
-
Farmaajo opens fourth round of electoral talks in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (HOL) - Talks on finding an electoral compromise for the upcoming elections in Somalia today kicked off after delays for three times. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan mowqifka Puntland iyo Jubaland ee arrimaha doorashooyinka iyo qodobada ay qorsheeyeen inay la tagaan shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Sida aan xogta ku helnay qodobada mowqifka ayaa badankood ka yimid dhanka Puntland, waxaana ku raacay Jubaland, maadaama ay kuwa ka mid ah si gaar ah u saameyn karaan Axmed Madoobe. Sida aan ogaanay, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kan Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa aad ugu dheggan qodobo dhowr ah, balse ay ugu weyn yihiin shan qodob oo kala ah:- 1 – In asteynta jufada iska leh kursiga loo daayo odayga qabiilka ee ka midka ah 135-ka oday ee soo xulay ergadii 2016. Waxaa jira jufooyin dhowr ah oo wadaaga hal kursi, balse si wareegto ah u kala qaata, waxaana go’aamiya odayga ugu sarreeya beesha, taasi oo Puntland iyo Jubaland ay doonayaan inaan waxba laga bedelin si la mid ah doorashadii 2016. 2 – Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale doonayaan in ergada soo xuleysa xildhibaanada ay ka koobnaadaan 101, halka heshiiskii Dhuusamareeb 3 laga dhigay 301. Waxa ay sidoo kale doonayaan in guddi doorasho oo ka socda maamul goboleedka uu soo xulo ergada ayaga oo kaashanaya odayga qabiilka, meeshana laga saaro odayaasha beesha ee doorashadii 2016 soo xulay ergada, taasi oo awood u siineysa maamulka in ciddii ay doonaan ay ergo u magacaabaan. 3 – Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale doonayaan in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya hal magaalo, meeshana laga saaro qodobka 4-aad ee heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo dhigaya; In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasho oo ay ka dhacdo doorashadu. Qodobkan ayaa waxaa si aad ah ugu dheggan Jubaland oo ka cabsi qabta qorshaha dowladda ee ah in kuraasta qaar la geeyo Gedo. 4 – Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale dalbanayaan in meesha laga saaro qodobka 5-aad ee heshiiska Dhuumsareeb 3 oo dhigaya; in codbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5-tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. Taa bedelkeed, waxay door bidayaan in halkii kursi ee baarlamaan oo kasta ay si gooni ah u doortaan 101 ergo. 5 – In meesha laga saaro hanaanka xisbiyada, oo doorashada ay noqoto mid uu qof kasta oo ka tirsan beesha iska leh kursiga xildhibaan uu u tartami karo isaga oo aan ansixin uga baahan xisbi. Qodobkan ayaa awoodda musharaxa kursiga siineysa maamul goboleedka oo u mari kara odayga beesha, halka haddii hanaan xisbi loo tartami awoodda qofka musharaxa noqonaya uu yeelanayo xisbiga. Shirkii maanta furmay ayaa inta badan u badnaa is-wareysi mana jirin arrimo gaar ah ama qodobo laga dooday, waxaase la filayaa in mowqifka Jubaland iyo Puntland ay kusoo bandhigaan kulamada soo socda. Ilo-wareedyo dhowr ah oo Caasimada Online ay la hadashay ayaa mowqifka Puntland iyo Jubaland ku qeexay mid aad u adag, oo ay adag tahay in madaxweyne Farmaajo uu aqbalo, taasi oo ay ku sheegeen inuu la macno yahay isku day shirka lagu fashilinayo. The post Xog: Mowqifka Puntland iyo Jubaland iyo 5 qodob oo ay la tageen shirka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo Maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka. Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka Dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto. “Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga dadaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamira-dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka,” ayuu yiri Cabdirashiid. Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegau Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu furitaanka Shirka ka hor kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, isaga oo qodob gaar ah diiradda saaray oo uu kala hadlay. “Kulamadaas ayaa ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan mas’uuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Hadalkan ayaa laga dhadhasan karaa in macnihiisu yahay in shacabka codeeyaan, oo ay helaan awood ay ku doortaan kuwa matalaya, taasi oo madaxweynaha marar badan uu dalbaday. Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. The post Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii maanta iyo qodob uu madaxweynaha si gaar ah usoo hadal qaaday first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan uu ka dhacay magaalada Gaakacyo. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada ammaanka ay weerareen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad xoogan. Inta xaqiijiyey waxaa is-rasaaseyntaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland iyo dhaawac intaasi ka badan. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana shaqaaqadaasi ku baxay Odayaasha Dhaqanka ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. View the full article
