-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ee Haramcad ayaa saaka howl-gallo ballaaran ka wada duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga wadaan deegaannada Ceel Garas iyo God-Dhurwaa oo hoostaga magaaladaasi. Ujeedka howl-galladaasi ayaa ah sidii looga hortagi lahaa dhaq-dhaqaaqyo la sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka bilaabeen halkaasi. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal cukus uu ka qarxo deegaanadaasi. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta oo jimce ah safar ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya. War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu shaaciyay in Madaxweyne Deni uu safar ugu baxay Magaalada Nairobi, balse wax faahfaahin ah kama bixin ujeedka Safarka Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa muddo bil ah Muqdisho u joogay Shirarkii Arrimaha Doorashada, taasi oo lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo iyadoo xalayna lasoo dhameystiray soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa Melania iyaga oo galay karantiil muddo ah “Aniga iyo haweeyneyda 1aad ee Mareykanka waxaa nagala helay Covid 19, waxaan bilaabeynaa karantiilkeenna iyo hannaanka bogsashada oo degdeg ah. Waan ka wada bixi doonnaa” Source: goobjoog.com
-
Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF (GMDHDX) Muqdisho, 1 October 2020 Mabaadii’da 1. Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ka duulaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17th, 2020 qodobkiisa 1aad oo sheegaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 26, 2020, waxaa habraacaan lagu qeexayaa Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo sida ay ku imanayaan. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF 3. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland. 4. Guddigu wuxuu xilkiisa u gudandoonaa si ka madaxbanaan dhammaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara. 5. Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumar ah, si loo xaqiijiyo ka qayb-galka siyaasadeed ee dumarka. 6. Muddo-xileedka Guddigu waxuu ku egyahay hirgalinta doorashada ee 2020/21. Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah ee 2020/2021 1. Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 30 sano xilliga la magacaabayo. 2. Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, ku leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda 3. Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran. 4. Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay. 5. Waa in uusan xil siyaasadeed ka hayn dalka 6. Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta leeyahay. 7. Waa inuu fahmi karaa, nidaamka doorashooyinka dadban ee 2020/21. 8. Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah Qaab-dhismeedka Guddiga: 1. Guddiga waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhexdooranayaan Guddomiye iyo Guddomiye Ku xigeen. Guddomiyaha iyo Ku xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad caadi ah ee xubnaha guud ee Guddiga (50%+1). 2. Shirkarka Guddigu wuxuu ku qabsoomayaa seddex meelood labo meelood ee tirade guud ee Guddiga. 3. Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah (50%+1). Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah. 1. Wadashaqeynta Guddiyada labada heer: Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waxay wadashayn iyo xiriir joogta ah la yeelanayaan Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal, si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashada uu noqdo mid mideysan isku-sina uga dhacdo dalka oo dhan. 2. Wacyigalinta Bulshada: Guddiga Maamulka Doorashadu waxay sameynayaan wacyigelin si dadwaynuhu u fahmaan nooca doorashada iyo sida ay ku dooran karaan Matalayaashooda Golaha Shacabka ama ergooyinka iyagoo qabanaya kulamo ama adeegsanaya Aaladaha warbaahinta. 3. Asteynta iyo diyaarinta Goobaha Codbixinta: Guddigu iyagoo ka taxadaraya xaaladaha amni, waxay si wadajira u diyaarinayaan xarumo codbixineed oo ergooyinka ku dooran karaan Murashaxiinta Xildhibanada Golaha Shacabka. 4. Diyaarinta iyo Hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada: Diyaarinta iyo hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada oo ay ka mid tahay qoridda shaqaalaha la shaqaynaya guddiga, isku dubaridka iyo hirgelinta hawlaha hannanka doorashada, isku xirka laamaha amniga 5. Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada: Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada, si loo xaqiijiyo in ergooyinka doorashadu ay ka kooban yihiin dhamaan qaybaha bulshada, iyadoo la xaqiijinayo 30% qoondada haweenka. 6. Xaqiijinta Liisaska Ergooyinka: Guddiga Maamulka doorashada wuxuu xaqiijinayaa in liisaska ergooyinka uu maray wada tashigii loo baahnaa, iyo in ay ku dhanyihiin jifooyinka kursigu ka dhexeeyo. Guddiga maamulku hadii uu xaqiijiyo in aan loo dhammayn liiska, waxaa uu dib u celinayaa liiska, iyagoo Guddiga Heer Federaal korjoogtayn doonaan hanaanka wadatashiga ee dib u sixida liiska ergada. 7. Habraaca Magacaabista Mushaxiinta Aqalka Sare: Guddigu waxay la wadaagayaan codsi qoraal ah Madaxweynayaasha DX-DF ka ah in ay soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta si waafaqsan shuruudaha xubinimada Aqalka Sare. Guddigu waxay qabanayaan waraaqdaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare iyagoo ka hubinaya metelaada haweenka ee 30%. 8. Maaraynta diiwangelinta Musharaxiinta: Guddigu waxa ay maareynayaan diiwangelinta musharaxiinta iyo dib u eegista diiwangelinta musharaxiinta Golaha Shacabka iyadoo laga hubinayo in ay buuxiyeen shuruudaha musharaxnimada ee doorashada 2020/21. 9. Diiwan-gelinta ergooyinka: Guddigu waxaa uu diiwan-gelinaya ergooyinka, iyadoo ergay kasta la siinayo warqad aqoonsi si uu ugu gali karo xarunta codbixinta malinta codaynta. 10. Tababbarada Ergooyinka: Guddigu waxa uu diyaarinayaa, hirgelinaya tababarka iyo wacyigelinta xubnaha ergooyinka ee hannanka codeynta ee doorashada dadban ee 2020/21 ka hor inta aysan ka qaybgalin codeynta. 11. Hadal-Jeedinta Musharaxiinta: Guddigu waxuu fududeynayaa hadal jeedinta musharaxiinta Labada Aqal iyagoo mid kasta la siinayo 10 daqiiqo ka hor codeynta. 12. Maaraynta hannanka codeynta iyo tirinta codadka: Guddigu waxaa uu masuul ka yahay maaraynta habsami u socodka hannanka codeynta oo ay ka mid yihiin nidaamka codeynta, tirinta, isu geynta, xaqiijinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada codeynta isla goobta codbixinta marka ay xaqiijiyaan Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal. 13. Gudbinta Natiijada: Marka doorashada heer dowladaha xubnaha ka ah DF ay ka soo dhammaato, Guddigu waxa uu u gudbinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal liiska xubnaha ku guuleystay kuraasta goobaha, oo saxiixan si hor dhac ah. 14. GMDHDX waxaa uu hubinayaa Hirgalinta Qoondada haweenka 30% ee labada aqal ee baarlamaanka Lifaaq 1. Shuruudaha ka mid noqoshada Ergada Dooranaysa Xildhibaanada Golaha Shacabka 1. In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5. 2. In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano 3. In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo 4. In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada 5. In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna 6. In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay. 7. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada 8. In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:. 1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed 2. Dhimirkiisu u dhan yahay 3. Da’diisu ka yarayn 25 sano 4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay. 5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. 6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah 7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka. 8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka. a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta. c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo. Halkan hoose ka daawio sawirrada: View the full article
-
Waxaa saaka la soo saaray asteynta kuraasta ama deegaan doorashooyinka, waxaa markii ugu horeysay la kordhiyey goobaha codbixinta oo halkii 2016-kii ay ka dhaceen 6 goobood, waxaa laga dhigay 11 goobood. Waxaa kuraasta lagu dhoweeyey dadka deggan magaalooyinka Boosaaso, Galkacyo, Baladweyn, Baraawe iyo Garbahaarey oo dhammaan ah deegaanno xilligan lasoo kordhiyey. Waxaa kale oo doorashada baarlamaanka 11-aad ka dhici doonaan caasimadaha maamul goboleedyada iyo gobolkan Banaadir. Akhriso, Qaabka iyo Tirada: Source: goobjoog.com
-
Waxaa tacsi loo dirayaa Dhamaan Ehelka iyo Asxaabta Marxuumad Safiya Calidaahir Cumar Xirsi oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho. Waxaa sigaara loogu tacsiyaynayaa Caruurtii ay marxuumadu [...] The post Tacsi — Marxuumad Safiya Cali-Daahir Cumar Xirsi oo ku geeriyootay Muqdisho appeared first on . Source
-
Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalmahan shir ku lahaa xarunta Villa Somalia ee Muqdisho ayaa soo saaray jadwal ay isku afgateen oo doorasho. Jadwalka waxaa ka muuqda in lagu soconayo nidaamkii 2016-kii iyada oo doorashada golaha shacabka iyo tan madaxweynaha ay dhaceyso xilligii tii hore ay dhacday. Haddii sida shaxda ku qoran ay hirgasho, waxaa uu Farmaajo ku guuleysan doonaa in dalka uu la laago baarlamaan dhameystiran, lana dhaariyo 27-ka December, oo ah sanadkan dhexdiisa, kuna beegan markii la dhaariyey baarlamaanka 10-aad. Waxaa kale oo jadwalka ku xusan in doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda ay dhaceyso 8-da Febraayo, taasi oo maalintaas ka dhigeysa maalin taariikhi ah, sababtuna waa maalintii isaga la doortay 2017-kii. Haddaba, Akhriso, Jadwalka: Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta aroortoo hore la soo saaray magacaabista Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee doorashada 2020/2021 Mabaadi’da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21 1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaasoo lagu xukmin ama go’aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta si sharci iyo sinnaan leh. Qaab-dhismeedka Guddiga 1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada kama dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada. 2. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood. 3. Waxaa la ilaalinayaa Metelaadda haweenka ee guddiga xallinta khilaafaadka iyagoo (30%) xubnaha guddiga ay noqonayaan dumar. 1. Guddiga xaruntiisu waxay noqoneysaa magalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyadoo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland. 2. Guddigu waxaa uu kulan kooda ugu horeeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddomiye ku xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka waxaa la dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1). 3. Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DF, waxayna go’aanadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah. Hannaanka Xalinta Khilaafaadka doorashada ee 2020/2021: 1. Waxaa dacwad u gudbin kara guddiga xallinta khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada. 2. Guddigu waxa uu ku dhameystirayaan go’aaminta cabashooyinka muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran. 3. Guddigu waa inuu go’aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go’aanka la qaato. 4. Kulamada guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go’aanada guddiga, waa inay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la ogolaaday, wakiillada musharaxiinta, wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni. 5. Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla ogol ah. 6. Qofkasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan $3,000 oo dollar (sadex kun oo dollar), waraaqda cadaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga dooroshooyinka heer Federal waana in uu kusoo lifaaqaa galka cabashadiisa. Xilalka & Waajibaadka: Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda: 1. Guddigu wuxuu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada ; 2. Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada); 3. Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go’aan wadar ogol ah; 4. Muranka lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka; 5. Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go’aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka kama denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay’ad kale oo sharci ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ethiopia: Oromo Federalist Congress Calls for “Genuine National Dialogue” Addis Abeba, September 30/2020 – “Ethiopia has entered a new year with all its heavy political burdens – with both hope and despair. And without a shadow of doubt, the hoped-for democratic transition is disturbingly failing,” said the opposition Oromo Federalist Congress (OFC) in a statement. The statement, released on September 28, called the political “road map unilaterally drawn by the group in power should be immediately replaced by a commonly charted road map by all major stakeholder;” and said “the ruling party should start immediately genuine dialogue to to avert the coming danger.” Below Is The Full Statement Sent To Addis Standard A New Year Call for Genuine National Dialogue Ethiopia has entered a new year with all its heavy political burdens – with both hope and despair. And without a shadow of doubt, the hoped-for democratic transition is disturbingly failing. If we have to draw a balance sheet of the Ethiopian new year just ended, much of Oromia, the country’s largest region has been in turmoil where the Qeerros are back to streets while Tigray is increasingly becoming a de facto state within the larger Ethiopian state. To be sure, the elections in Tigray, which defied the decision of the central government is a worrisome development for the party in power. Big or small crises are all around us across the country. At the center of the all rounded crises is the governing party’s reluctance to engage the opposition in a real national dialogue and following its own road map – if it has got one. No less bad is its unilateral decision to extend the term of the current government without reaching any reasonable national consensus with the major stakeholders. Clinging to power at all cost and by any means necessary is the whole mark of the regime in power. To put it differently, the ruling party is persistently refusing to lead the country through the tortuous road to democratic transition. We are at a point in time when drawing a common road map and real national consensus over the basics of the state transformation are much needed for successful transformation. To be sure, most of the measures taken by the existing government to lead the country to a democratic trajectory are half-hearted at best and political posturing at worst. Consequently, the country’s complex problems have remained unsolved and new ones are being created – with the resultant effect of putting the future of the country and the hoped-for democratic transition at a critical crossroad. To us if the country is to avert the looming danger and if we have to pull out of the political dead-end country is in, the following actions should be taken as urgently as possible and without delay: If the hoped-for democratic transition is to succeed, the road map unilaterally drawn by the group in power should be immediately replaced by a commonly charted road map by all major stakeholders. The arrogated role of one group whatever level of claiming to be holy and ‘I know what is good for the people’ cannot and should not be taken seriously given the empty promises of the past. We believe that practical actions not political posturing should be the best way forward. We strongly advise the ruling party to stop its divide and rule policy, which has been disastrous for the country and its peoples. Such policy should be replaced by an inclusive democratic discourses and constructive engagement between and/or among the country’s political forces. As we been saying all along, resorting to use force for resolving our political differences did not work in the past and will not work in the future either. We should not forget that countries in the civilized world have been successfully solving their political differences with ‘ballots and not bullets’. Our country has been paying very dearly because of the endless political polarization between and/or the competing elites for political power since the last days of the imperial regime. Especially the lust for power by the successive Ethiopian regimes brought to the country and its peoples incalculable damages in which millions lost their lives, millions were displaced, and millions have become refugees. Hence, it is time for all of us, especially the leaders of the ruling party to stop the follies of the past and work for aggregation of interest rather than mutual destruction. Politically speaking, Ethiopia has reached a critical crossroad and/or make or break point. We believe the Somalia scenario or the Rwanda scenario is around the corner. Averting such a scenario should be the position of the responsible political parties and their leaders. In this regard, as the ball mainly in their court – leaders of the ruling party should think twice about the consequences of their policy measures and act responsibly. They should know that their follies can cost both the country and them as well very dearly. The ruling party should start immediately genuine dialogue to avert the coming danger. To us, short of honest national dialogue political posturing alone cannot pull the country out of its partial crisis, which has made our transition ‘from crisis, through crisis to crisis’. We think, genuine national dialogue is sine quo non both for addressing the hitherto historical injustices as well as for making historical compromises to build the country on a new democratic foundation. Without a shadow of doubt, trying to gloss-over it is not going to be helpful to anybody. We also believe that democracy cannot be built under a condition of gross violations of human rights and growing prison population. Hence, we strongly advise the ruling party that peace and stability cannot be achieved by detaining political opponents. To put differently, both releasing political prisoners and stopping harassments of opponents hugely help to conduct a peaceful democratic transition and ease the birth pang of democratic Ethiopia. To us, short of that may well be a recipe for further political instability and disaster. Lastly, we say the aspirations of the Ethiopian peoples for genuine federalism, democratic governance and meaningful economic development under a stable political environment can be achieved through ‘genuine, free and fair elections’. The ruling party should know that political rhetoric and demagogy cannot deliver genuine elections that reflect the free will of the various peoples of the country. And as the upcoming elections may well determine the future of Ethiopia as a united polity, we ask the ruling party to act responsibly in preparing the country and its peoples for a peaceful, free and fair elections. We also call upon the friends of Ethiopia to make their historic contribution to the making of new democratic Ethiopia by exerting real pressures on those resisting fair game and real national dialogue so as to lift our country out of the political quagmire we have been quiet for long. Office of the Oromo Federalist Congress (OFC) Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-Jumco-Shabelle-2.10.20.20-ok.mp3 View the full article
-
With the current era of soccer, you need your full-backs to provide some attacking prowess while also being responsible defensively to have a lot of success. For Greenville Triumph SC’s Abdi Mohamed, he’s made his name on that ability to get forward and lock things down at the other end. I Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa si rasmiya u shaaciyay Habraaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal kaas oo ka kooban dhismaha Guddiyada Doorashada, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Jadwalka Doorashada. Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada dadban ee 2020/2 Muqdisho, 1 October 2020 Hannaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021 Mabaadi’da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21 1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaasoo lagu xukmin ama go’aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta si sharci iyo sinnaan leh. Qaab-dhismeedka Guddiga 1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada kama dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada. 2. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood. 3. Waxaa la ilaalinayaa Metelaadda haweenka ee guddiga xallinta khilaafaadka iyagoo (30%) xubnaha guddiga ay noqonayaan dumar. 1. Guddiga xaruntiisu waxay noqoneysaa magalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyadoo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland. 2. Guddigu waxaa uu kulan kooda ugu horeeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddomiye ku xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka waxaa la dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1). 3. Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DF, waxayna go’aanadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah. Hannaanka Xalinta Khilaafaadka doorashada ee 2020/2021: 1. Waxaa dacwad u gudbin kara guddiga xallinta khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada. 2. Guddigu waxa uu ku dhameystirayaan go’aaminta cabashooyinka muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran. 3. Guddigu waa inuu go’aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go’aanka la qaato. 4. Kulamada guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go’aanada guddiga, waa inay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la ogolaaday, wakiillada musharaxiinta, wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni. 5. Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla ogol ah. 6. Qofkasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan $3,000 oo dollar (sadex kun oo dollar), waraaqda cadaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga dooroshooyinka heer Federal waana in uu kusoo lifaaqaa galka cabashadiisa. Xilalka & Waajibaadka: Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda: 1. Guddigu wuxuu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada ; 2. Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada); 3. Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go’aan wadar ogol ah; 4. Muranka lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka; 5. Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go’aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka kama denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay’ad kale oo sharci ah. Hoos ka akhriso jadwalka Doorashada PUNTLAND POST The post Habraaca iyo Jadwalka Doorashada 2020/2021 oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Sucuudiga oo oglaaday in haweenku ciyaaraan Golf-ka . Sucuudiga ayaa u diyaar garoobaya marti gelinta tartankii u horeeyey ee ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo heer caalami ah oo markii uu horaysay lagu qaban doono dalkaas bisha Noofember ee soo socota. Boqortooyada Sucuudigu waxay qaban qaabinayasaa qabashada laba tartan oo ah ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo labaduba heer caalami ah. Ka koobaad waa tartanka Golf-ka haweenka ee Yurub oo socon doona inta u dhaxaysa 12-15 Noofember. Ka dibna waxa bilaabmi doona tartanka Golf-ka kooxaha haweenka Sucuudiga oo isna socon doona 17-19 isla bishaas. Labada tartan waxay ka dhici doonaan garoonka Golf-ka ee Royal Greens. Waxa marka hore lagu waday in tartannadan la qabto horaantii Maarij ee sannadkan laakiin waxa loo baajiyey fayraska korona awgii. Agaasimaha fulinta ee qaban qaabada tartanka Golf-ka haweenka Yurub, Alexandra Armas, ayaa tidhi “aad baanu ugu faraxsannahay in aanu taariikhda galno oo aanu ka qayb qaadano qabanqaabda tartanka Golf-ka haweenka ee Sucuudiga ka dhacaya, waxaanu sidoo kalena ugu mahadnaqaynaa in Sucuudigu in aanu qabanayn oo keliya tartankaa ee xataa ka qayb galayaan haweenka Sucuudigu iyadoo weliba sannadkani yahay sannad adag oo soo food saaray ciyaaraha Golf-ka”. Abaal marinta tartanka qof-qof ka ah waxa qiimaheedu gaadhaysaa hal milyan oo doolar, halka qiimaha kooxuhuna tahay 643,000 oo doolar. Waxaana ka qayb geli doona tartanka haweenka xirfadleyaasha Golf-ka ah iyo qaar kale oo aan ka qayb galin tartannada xirfadleyaasha Golf-ka. Waxaana tartanku ka dhici doonaa goob deegaankeedu nadiif yahay [oon looga cabsi qabin fayraska korona]. Emmy Boland oo tartankii u dambeeyey ee Golf-ka haweenka ee ka dhacay Switzerland lagaga guulaystay horyaalka bishii Noofember horaanteedii ayaa tidhi “aad baan ugu faraxsanahay in aan arko xiligan in [dalkaa] lagu qabanayo tartanka Golf-ka haweenka”. Royal Greens Waxaanay intaa ku dartay “waxaa sidaa ku furmaysa fursad kale oo ay haweenka ciyaartoyga ahi ugu diyaar garoobaan todobaad uu dhici doono tartanka ciyaarta aan jecelnahay oo lagu qaban doono dal ay ku yaallaan garoomo Golf-ka ah oo muuqaallo bilicsan leh”. Laakiin Megan McLaren oo u dhalatay dalka Ingiriiska, tartankii ugu dambeeyey ee Golf-ka na ku guulaysatay ciyaaryahannadii ugu fiicnayd ee Yurub, ayaa ku gacan saydhay in ay ka qayb gasho tartankan markii hore ee la qaban lahaa bishii Maarij oo ku diiday in “ciyaaraha dano siyaasadeed looga faa’iidaysanayo”. Sucuudiga ayaa lagu eedeeyey in uu tartannada ciyaaraha u qabto si uu indhaha caalamka uga jeediyo duruufaha xuquuqal insaanka ee dalka ka jira. Laakiin masuuliyiinta qabanqaabinaya tartannadaas ayaa BBC-da u sheegay in dhamaantood looga gol leeyahay in taageerayaasha ciyaaraha lagu dardar geliyo. Sannadkii hore ayaa Boqortooyadu qabatay tartanka feedhka culus oo dhexmaray Anthony Joshua iyo Andy Roys, waxa sidoo kale lagu qabtay dalkaas tartanka baabuurta ee Formula A iyo tartanka Golf-ka ee ATB iyo musaaracada WWE. Waxa kale oo intaa dheeraa oo lagu qabtay dalkaa tartanka kubadda cagta ee Super Cup ee Talyaaniga iyo tartammo kale oo faro badan Qaran News
-
HOGAAN XUMO WAA WAXII JAMHUURIYADII SOMALIA KALA DILAY EE ISKU DILAY EE HALKAA LA TAAGAN YAHAY 60 SANO KA DIB INA DHIGEY , HA YEESHEE DOORASHOOYINKA SOO SOCDA EE SOMALIA MA NOQON KARAAN QAAR GOBOLKA GEESKA AFRICA WAX KA BADELA ? Dhaqanka siyaasadeed ee loo yaqaan qaybi oo xukun iyo reerba reer kale ugu tilmaan in ay cadawgooda yihiin waa dhaxal xun oo ka soo jeeda gumeyste iyo dawladihii la soo shaqeeyey waana waxa maanta soomaali kala diley ee halkaasi kala geeyey. Marka aad raad raacdo waxii soo dhacay oo dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay ku nool yihiin ku yeeshay saameyn taban waxa ay ahayd dawladnimadii oo xidhatey shaadh qabiil si loogu muquuniyo qabiilo kale iyo dawlado shisheeye oo danahooga ka dhex fushanayey maadaama soomaalida loo arkey dad gardarooleyaal ah ( Aggressive). Dalka Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan beesha isaaq waxa lagu xasuuqay oo loogu awood sheegtay dawladnimadii, qaranimadii , calankii iyo cududii jamhuuriyadii Somalia, sidaasi oo kale ayaa beelo kalena loogu adeegsaday oo ay beesha majeerteen iyo Mogadishu Clan ka mid ahaayeen walow aan khasaarihii iyo dhibtii reer sheekh isaxaaq gaadhay aanu gaadhin beelahaasi kale. Dadka qaar ayaa ceeb u yaqaana in la sheego waxii soo dhacay iyo jariimooyinkii la kala galay , ceeb maaha waa taariikh u baahan cibro qaadasho, ka digtoonaan in aanay mar dambe dhicin iyo sidii loo bogsiin lahaa ee looga garaabi lahaa khaladaadkii iyo dambiyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadamaha ee laga galay dadka shacbiga ah laguna gallay magacii qarankii umadu wada lahayd. Waxaasi waxa sameynayey koox ilaashanaysa awoodooda dawladnimo iyo madaxtinimada ay haystaan oo ah dantooda gaarka ah , ilaa ay gaadhay in soomaaliyi beel beel isku disho oo la kala dhinto, amaba ay dawladu labadii beelood ee ay u aragto in ay danaheega ka soo horjeedaanba dagaal beeleed dhex dhigto. Waxii dhibaato soo dhacay ee ay Somaliland ku waxyeeloobeen dad maati ah oo dumar , caruur, dad waaweyn iyo biri ma gaydo ah oo lagu qiyaasay 50 kun oo qof , marka laga reebo boqolaal kun oo barakacii iyo dhibaatooyinkii, xanuunadii iyo qaxootiyadii iyaguna ay gaadhay saameyno kala duwan oo badani. Waxii dhacay ee soomaali dhex maray la isagama garaabin, la isma saamixin, la isma calool xaadhan oo lama bogsiin nabaradii iyo xasuusihii xumaa ee umada soomaaliyeed meelkastaba ha joogeene gaadhay, dadkii gallay ayaa meelwalba soo taagan oo qaarna marka ay dhintaan lagu sheegaa halyeyo qaran oo calanka Somalia la huwiyaa maydkooda. Qadiyada Somaliland ee dib ula soo noqoshada madax banaanidu waa mid ka duwan taasi oo ku fadhida sharciyad iyo garnaqsi caalamiya oo taariikheysan in wax la isku qaldona maaha ee arimaha noocan ahi waxa ay u baahan yihiin si miisaan leh oo ka madax banaan siyaasada maanta taagan loo eego. Dawladnimadii ay somali isku darsatay waxa janjeedhsaday koonfur oo dadkii waqooyi ee calanka iyo dawladnimada iyo kalgacaylka ula tagey cidi waxba isagama tirin, sharciyadii wax lagu wadaagi lahaa bilowgiiba waa la laalay, dastuurkii dalka lagu dhaqayey dadka Somaliland oo isku dhani marka boqolay laga dhigo 1961kii 66% way diideen hadana la iskuma joojin. Soddon sanadood oo midnimo soomaaliyeed ahaa 15 ka mid ah waa la isku dhex haystay oo jabhado dagaalo iyo dib u xoreyn , maamulka iska dhicin baa lagu jiray, markii ay burburtayna waxba la isma weydiine halkiibaa qiiro iyo qaranimo soomaaliyeed laga sii bilaabay oo kolba heeso iyo shirar lagu soo qabtaa dalka dibadiisa. Somaliland oo dib u heshiisay oo wax qabsatay halkii la garab istaagi lahaa ayaa hadimeynteeda iyo isku dilka dadkeeda laga soo shaqeeyaa si ay ula mid noqoto Somalia oo ay u burburto ama loo waayo amni iyo kala dambayn oo jaantaa rogan loo noqdo , wali soomaaliyi danteeda kama tashan ee markii la arkay in ay jabtay ayuu haadku isugu habar wacday oo ay cidwaliba danaheega ka dhex fushatey, walaalkii kali ahaa ee taageeri lahaana la rabaa in la ragaadiyo oo aanay fahmayn. Waxa ayaan daro kale ah in madax iyo dad waaweyn oo Muqdisho joogaa ay si jees-jees iyo ciyaar ah qadiyada Somaliland uga hadlaan iyaga oo dhaliil ka dhigaya in ay soddon sano aanay meelna u socon , kuwa sidaasi u hadlaya waxa dalkooda ku dhex ilaaliya 30 kun oo askari oo ajaanib ah oo aduunka oo dhan ka kala yimi. SODDON SANO OO KALE KA DIB MUXUU NOQONAYAA XALKA JAMHUURIYADII SOMALIA EE KALA NOQOTAY JAMHUURIYADA SOMALILAND IYO JAMHUURIYADA FEDERALKA SOMALIA ? Waa su’aal maanta aduunka oo dhami isweydiinayo maadaama lagu daalay arimaha soomaalida oo soddonkaa sanadoodba lagu mashquulsanaa sidii koonfur dawladnimo cagaheega isku taagta looga dhisi lahaa si loo helo qarankii jamhuuriyadii Somalia. Wali aduunka iyo dadka danaynaya arimaha Somalia iyo Somaliland kamay fekerin in xal wanaagsan oo ay noqon karto laba dal oo walaalo ah ama laba qaran oo aqoonsi caalamiya caalamku kala siiyo ( Two state solution ) oo aan marnaba xaga aduunka ka iman. Sidaasi oo kale la isma weydiin hadii xalku yahay hal qaran sidee loo suuragalin karaa, macquul ma yahay in la sameeyo, sidee ay suuragal u tahay umad dawladnimo dastuur calan ciidamo iyo qaranimo kale saneysatay in la yidhaahdo ku soo noqda dawlad kale oo ay kala tageen 29 sanadood ka hor ? Xataa danta dadka soomaaliyeed maxay ku jirtaa la isma weydiin waligeed sababta oo ah shantii soomaaliyeed gobol ka mid ah ayaa loo sameeyey nidaam federal ah oo aan sinaba ugu munaasib aheyn marka aad eegto jamhuuriyada federalka Somalia oo ah hal dad iyo hal dal oo kaliya ( somali ) isla markaana ah gobol ka mid ah shantii soomaaliyeed. Waxa kale oo aan la isweydiin wali dagaalka Somalia ka socda Argagixisada iyo dawlada yaa wada xagee uu ka yimid argagixisadani Somalia joogtaa xagay ka timi, maxay rabaan, yaa tageera oo ay dabada ku hayaan iwm , bal si horta koonfur oo kaliya amni iyo dawladnimo loogu soo celiyo. Maanta oo halkaasi la taagan yahay wali soomaalidu runta iskuma sheegin gudaheega , xataa qofka aaminsan midnimo soomaaliyeed waxa laga rabaa bal suuragal nimadeeda ileyn in iyada oo la soo jeedo la riyoodo ma aha e . SOMALIA IYO DOORASHADA KU SOO FOOL LEH MA JIRTAA DAD AAMINSAN ARAGTI KA DUWAN TAN 30 SANO LAGU HAWLANAA EE SHAQEYN WAYDAY ! Somalia waxa la rajeynayaa in ay doorashooyin ka dhacaan dhowaan , ilaa hadda dad badan ayaa axsaab siyaasadeed furtay oo raba in ay Somalia hogaaminteeda soo socota yeeshaan oo loo doorto Madaxwayneyaal , haddaba dadkaasi ma jirtaa cid la iman karta aragti ka duwan tan 30 sanadood lagu hawlanaa? Waa su’aal hortaala waliba inta talada soo martay ee og waaqica jira mucaarid iyo muxaafidba ha ugu horeeyo Sharif Sheikh Ahmed , ha ku xigo Hassan Sheikh Mohamud , Madaxwaynaha hadda talada jooga oo isagana laga yaabo in uu soo istaago Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo waliba raisal wasaarihii hore Hassan Ali Khaire oo sheegay in uu Madaxwaynaha u taagan yahay. Waxa jiri kara dad badan oo saameyn siyaasadeed leh oo qarsoon kuwaasi laftooda maxaa uga meel yaalla arimaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia oo ah arin u muhiim ah Gobolka Geeska Africa oo dhan in xal loo helo si Gobolku hore ugu talaabsado . Hore waxa sanadkii ugu dambeeyey u gallay Raisal wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed Ali iyo Madaxwaynaha DjiboutiIsmail Omar Guelleh oo isku keenay labada Madaxwayne ee Somaliland iyo Somalia Farmaajo iyo Muse Bihi Abdi wax midho dhali ahi kama soo bixin labadaa Madaxwayne iyo Raisal wasaare ee gallayna midkoodna libintaasi waa qaadan kari waayey ayaan is leeyahay. Mohamed Dhimbiil Qaran News
