Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo wakiillada beesha caalamka, kadib qoraalkii lama filaanka ah ee beesha caalamka ay ku dhaliishay heshiiska doorashada Soomaaliya.

    Kulankan ayaa waxa loog hadlay oo diirada lagu saaray arrimo badan oo ay kamid yihiin: Amniga, Dhaqaalaha, siyaasadda dalka iyo weliba marxalada kala-guurka ah.

    Waxaana kulankaasi Mahdi ku wehlinayey wasiirro ka tirsan xukuumadii dhacday ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Mudane Mahdi Guuleed oo kulankaasi kadib ka warbixiyay ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay kala hadleen heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

    Wuxuuna xusay in kulankaasi si gaar looga wada-hadlay dib u habeynta federaalka iyo isbedeladii siyaasadeed ee bilowday tan iyo markii xilka laga tuuray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka.

    ”Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda” ayuu yiri.

    “Waxaana ka hadalnay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota” ayuu sidoo kale yiri Mudane Guuleed.

    Ugu dambeyntiina waxa uu carabaabay in kulankaasi si fiican loogu lafo-guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo sidii arrintaas looga miro-dhalin lahaa.

    Shirkan ayaa la fahamsan yahay inuu qeyb ka yahay isku-dayo ay dowladda federaalku ku rabto inay beesha caalamka ku qanciso heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka, xili ay wer-wer badan ka qabaan arrintaas wakiilada beesha caalamku.

    Beesha caalamka oo shalay qoraal kasoo saatay heshiiskii doorashada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho.

    “Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

    Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibadu waxay fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.”

    Kulanka__1_.jpeg Kulanka__2_.jpeg Kulanka__3_.jpeg Kulanka__4_.jpeg

    The post Sawirro: DF oo la kulantay xubnaha beesha caalamka kadib qoraalkii lama filaanka ahaa ee kasoo baxay first appeared on Caasimada Online.

  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo wakiillada beesha caalamka, kadib qoraalkii lama filaanka ah ee beesha caalamka ay ku dhaliishay heshiiska doorashada Soomaaliya.

    Kulankan ayaa waxa loog hadlay oo diirada lagu saaray arrimo badan oo ay kamid yihiin: Amniga, Dhaqaalaha, siyaasadda dalka iyo weliba marxalada kala-guurka ah.

    Waxaana kulankaasi Mahdi ku wehlinayey wasiirro ka tirsan xukuumadii dhacday ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Mudane Mahdi Guuleed oo kulankaasi kadib ka warbixiyay ayaa sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay kala hadleen heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

    Wuxuuna xusay in kulankaasi si gaar looga wada-hadlay dib u habeynta federaalka iyo isbedeladii siyaasadeed ee bilowday tan iyo markii xilka laga tuuray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka.

    ”Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda” ayuu yiri.

    “Waxaana ka hadalnay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota” ayuu sidoo kale yiri Mudane Guuleed.

    Ugu dambeyntiina waxa uu carabaabay in kulankaasi si fiican loogu lafo-guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo sidii arrintaas looga miro-dhalin lahaa.

    Shirkan ayaa la fahamsan yahay inuu qeyb ka yahay isku-dayo ay dowladda federaalku ku rabto inay beesha caalamka ku qanciso heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka, xili ay wer-wer badan ka qabaan arrintaas wakiilada beesha caalamku.

    Beesha caalamka oo shalay qoraal kasoo saatay heshiiskii doorashada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho.

    “Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

    Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibadu waxay fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.”

    Kulanka__1_.jpeg Kulanka__2_.jpeg Kulanka__3_.jpeg Kulanka__4_.jpeg

    The post Sawirro: DF oo la kulantay xubnaha beesha caalamka kadib qoraalkii lama filaanka ahaa ee kasoo baxay first appeared on Caasimada Online.

  3. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa beri 24-ka September 2020 hortagaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya halkaas oo uu khudbad uu ka jeedin doono.

    117602307_3259872644097191_2904335447917

    Kulanka ayaa lagu wadaa sidoo kale in  codka kalsoonida loo qaado Ra’iisulwasaarah magacaban Maxamed Axmed Rooble,oo dhawaan loo igmaday xilkan.

    119828446_3370641259686995_7893802630133

    Sidoo kale qorshaha Golaha shacabka ayaa ah sidii ay u meel marin lahayeen heshiiska arrimaha Doorashooyinka ee Muqdisho ay ku gareen Madaweyne Maxamed Cabdullahi Faarmaajo,Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

    120058701_3378349932249461_1565020571517

    Madaxda Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ku sugan ayaa wada olole ay ku doonayaan in Golaha Shacabka uu meelmariyo Heshiiska Villa Somalia iyo Dowlad-goboleedyada iyo in codka kalsoonida ay siiyaan Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    119198122_3341295842621537_7299847245890

    Todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa magacabay Ra’iisulwasaare cusub ka dib markii Golaha Shacabka ay eryeen Xasan Cali Khayre.

    Sequence-02.00_00_43_23.Still002-1024x76

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com

  4. Heshiiska hannaanka doorashada ee ay gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalinta sabtida ee todobaadka dambe la horgeyn doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.

    Guddoomiye ku xigeenka kowaad Aqal Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa sheegay in heshiiskaas ay kulan wadajir ah ku ansixin doonaan labada aqal ee Baarlamaanka.

    • FB_IMG_16007883343848051.jpg?resize=720%Guddoonka Aqalka Sare

    Senator Bukhaari oo hadal ka jeediyay kulan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada loogu qabtay Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyay meelmarinta heshiiskaas.

    “Shir ay maanta isku yimadeen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa lagu go’aamiyay in heshiiska doorashada kulan wadajir ah (labada aqal) lagu ansixiyo maalinta sabtida” ayaa yiri Senator Bukhaari.

    Qodobada heshiiska hannaanka doorashada ku jira ee aan la qeexin, waxaa kamid ah, soo xulista ergada oo sida lagu sheegay heshiiska ay iska kaashan doonaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo dowlad goboleedyada.

    PUNTLAND POST

    The post Goormaa Baarlamaanka la horgeyn doonaa heshiiska doorashada? appeared first on Puntland Post.

  5. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3.

    120097963_3378349545582833_5974402900788

    Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka.

    120073413_3378349088916212_2011542457469

    Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

    120064180_3378349092249545_2125907545987

    Daawo Wixii Ka Soo Baxay Kulankii Madaxda Ay Ku Yeesheen Villa Somalia

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com

  6. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka oo maanta ka dhacay Muqdisho.

    unnamed-4-2-1024x712.jpg

    Shirkan oo ay sidoo goobjoog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda

    unnamed-6-1-1024x683.jpg

    Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo faahfaahinka bixinayay shirka ayaa yiri” Waxaan maanta shir isugu nimid aniga iyo xubno ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta iyo Beesha Caalamka gaara ahaan dalalka inaga taageera dhinacyada amniga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda, inagoo ka hadleynay dhinacyadaas iyo horumarka laga gaaray heshiiska siyaasadeed, dhaqaalaha iyo dib u habeynta socota”

    unnamed-7-1-1024x683.jpg

    Mudane Mahdi ayaa sheegay sidoo kale shirka lagu lafo guray qorshaha ay Ciidammada Soomaaliyeed kula wareegayaan amniga dalka iyo waddooyinkii arrintaas loo mari lahaa.

    unnamed-5-2-1024x576.jpg

    Shirkan ayaa lagu bogaadiyay horumarrada DFS gaartay muddooyinkii la soo dhaafay iyo joogteynta iyo xoojinta wadashaqeynta dowladda iyo saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaiya taageera.

    unnamed-6-1-1024x683.jpg

    Sii hayaha Ra’iisulwasaraha oo la hadlay Warbaahinta

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com

  7. Sii hayaha Ra’iisulwasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya  iyo wakiillada beesha Caalamka oo ka dhacay Muqdisho

    Shirkaan oo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda

    Kulankaan oo u dhaxeyey dowladda Soomaaliya iyo wakiiladda dowladda Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa  looga hadlayey amniga, dhaqalaha,  arrimaha bulshadda  siyaadda iyo horumarrada laga gaaray.

    Sii hayaha wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa warbixin ka siiyay daaladka iyo guulaha ay dowladda Soomaaliyeed ka sameysay arrimaha nidaamka maaliaydda dalka.

    “Maanta waxa aan ka qeyb galay shirka Soomaaliya iyo saaxibada caalamka  ee uu shir Gudoominayay sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed . Guleed.

    “Waxaan ku faraxsanahay sida safiirada caalamka ee Soomaaliya jooga ay noogu garab taagan yihiin geedi socodka horumarinta dhaqaalaha Dalka.ayuu hadalkiisa ku daray sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

    Halkan hoose ka daawo sawirrada:

    001.jpg002.jpg004.jpg120041979_2067206960079890_3231351692401120047612_2067206860079900_4268428527907120058701_2067206446746608_5985449507487120065446_2067207040079882_7812575518834120072639_2067206520079934_4260883762840

    View the full article

  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan wadajir ah la qaatay Madaxda maamulada dalka, Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa kala hadlay mas’uuliyiintaas muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Dhuusamareeb-3.

    Madaxda ayaa sidoo kale ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka.

    Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa isaguna  tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka heshiiska doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

    “Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan”.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay guddoonka baarlamaaka inay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay.

    Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa dhawaan heshiis kama dambeys ah ka gaaray khilaafkii ka taagna doorashada, kaasi oo muddooyinkii dambe horseeday jahwareer siyaasadeed oo hor leh.

    Heshiiska ay madaxdu ku gaareen Muqdisho ayaa la horgeyn doona xildhibaanada golaha shacabka oo uu hore u sheegay Farmaajo inuu ku celin doono heshiis kasta oo laga gaaro doorashada.

    Waxaana taagan dood ay xildhibaanada qaar ka qabaan heshiiskaasi, kuwaasi oo walaac xoogan ka muujiyay qoddobada ay sida wada-jirka looga soo saaray shirkii Muqdisho, halka guddoonka golaha iyo xildhibaano taabacsan ay u sacaba tumeen heshiiskaasi.

    Farmaajo-4.jpg 6_56A7663.jpg 4_56A7643.jpg 3_56A7683.jpg Madaxda-Soomaalida.jpg Guddoonka.jpg 56A7686.jpg Farmaajo-iyo-madax-goboleedyada.jpg 56A7704.jpg 56A7669.jpg 56A7693.jpg 56A7653.jpg Farmaajo-1-1.jpg Madax-goboleedyada.jpg Madaxda-Soomaalida-2.jpg

    The post Madaxweyne Farmaajo oo dalab u gudbiyey guddoonka labada Aqal ee BF + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan wadajir ah la qaatay Madaxda maamulada dalka, Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

  10. FB_IMG_16007816976176822.jpg?resize=720%

    Waxaa maanta kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Kulanka ayaa looga hadlay sidii baarlamaanku u ansixin lahaa heshiiskii dhawaan ay Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo heshiiska hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa heshiiska madaxda Soomaaliya ka xumaaday, waxayna ku tilmaameen hannaanka doorasho ee lagu heshiiyay mid ka hooseeya yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxda Soomaaliya oo ka shiray sidii loo ansixin lahaa heshiiskii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

  11. Skopje (Caasimadda Online) – Booliska Waqooyiga Macedonia ayaa gacanta ku dhigay 61 qofood oo tahriibayaal ah iyo 5 ruux oo la rumeysan yahay iney yahiin muqalasiin dadka ku haga tahriibka.

    Hawlgalka ayaa dhacay kadib markii taliska ciidamada loo gaarsiiyay xog la hubo oo ku saabsan dadka, waxaana la amray ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran howshaan iney ku dhaqaaqaan.

    Sida lagu sheegay xog hordhac ah wadamada ay dadka kasoo kala jeedaan waxaa lagu sheegay saddex wadan oo ay wakhtigaan colaado ka jiraan waxaana ku jira Soomaaliya, labada wadan kale waxaa lagu sheegay Afghanistan iyo Suuriya.

    Sidoo kale xogo kale oo ay dusiyeen warbaahinta caalamka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno u dhashay wadamada Pakistan iyo Bangladesh oo ah laba wadan oo ay xasilooni badan ka jirto marka loo barbardhigo saddexda wadan ee kale.

    Ciidamada Waqooyiga Macedonia wxey horay gacanta ugu dhigeen 28-ruux oo lagu haayay guri ku yaalla halkaas si loosii gudbiyo, waxaana wadamadooda lagu sheegay Afghanistan, Bangladesh iyo Pakistan.

    Dadkaan tahriibayaasha ah ayaa doonayay iney ka gudbaan xadka Serbia, si ay halkaas uga sii wataan safarkooda ay ku doonayaan iney ku tagaan wadamada kale ee yurub.

    Sida la fahamsan yahay tahriibayaashaan ayaa kasoo gudbay xadka Greece, waxeyna xukuumadda Macedonia ogtahay in tahriibayaal badan ay ku xayiran yahiin wadanka dariska la ah.

    The post Soomaali lagu xiray dalka Waqooyiga Macedonia iyo waxa lagu haysto (Warbixin) first appeared on Caasimada Online.

  12. Skopje (Caasimadda Online) – Booliska Waqooyiga Macedonia ayaa gacanta ku dhigay 61 qofood oo tahriibayaal ah iyo 5 ruux oo la rumeysan yahay iney yahiin muqalasiin dadka ku haga tahriibka.

    Hawlgalka ayaa dhacay kadib markii taliska ciidamada loo gaarsiiyay xog la hubo oo ku saabsan dadka, waxaana la amray ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran howshaan iney ku dhaqaaqaan.

    Sida lagu sheegay xog hordhac ah wadamada ay dadka kasoo kala jeedaan waxaa lagu sheegay saddex wadan oo ay wakhtigaan colaado ka jiraan waxaana ku jira Soomaaliya, labada wadan kale waxaa lagu sheegay Afghanistan iyo Suuriya.

    Sidoo kale xogo kale oo ay dusiyeen warbaahinta caalamka ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno u dhashay wadamada Pakistan iyo Bangladesh oo ah laba wadan oo ay xasilooni badan ka jirto marka loo barbardhigo saddexda wadan ee kale.

    Ciidamada Waqooyiga Macedonia wxey horay gacanta ugu dhigeen 28-ruux oo lagu haayay guri ku yaalla halkaas si loosii gudbiyo, waxaana wadamadooda lagu sheegay Afghanistan, Bangladesh iyo Pakistan.

    Dadkaan tahriibayaasha ah ayaa doonayay iney ka gudbaan xadka Serbia, si ay halkaas uga sii wataan safarkooda ay ku doonayaan iney ku tagaan wadamada kale ee yurub.

    Sida la fahamsan yahay tahriibayaashaan ayaa kasoo gudbay xadka Greece, waxeyna xukuumadda Macedonia ogtahay in tahriibayaal badan ay ku xayiran yahiin wadanka dariska la ah.

    The post Soomaali lagu xiray dalka Waqooyiga Macedonia iyo waxa lagu haysto (Warbixin) first appeared on Caasimada Online.

  13. Mulkiilaha kooxda Chelsea oo Lacag $100 milyan ah siiyay shirkad barakicisa shacabka Falastiin

    Roman Abramovich waa nin si weyn loo yaqaano, waana milkiilaha kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Chelsea
    Roman Abramovich waa nin si weyn loo yaqaano, waana milkiilaha kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Chelsea

    Elad waa ha’yad ka howlgasha dhulka laga haysto Falastiin ee Bariga Qudus, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Silwan ama “Ir David” oo luqadda Hebrewga ah micneheeduna yahay “Magaaladii Daa’uud”

    Tan iyo markii la aasaasay ha’yaddan, sannadkii 1986, Elad waxay ku dhowaad 75 guri oo ay ka dhistay Silwan dejiyay qoysas Yuhuud ah, waxay sidoo kale ha’yadda maamushaa deegaannada taariikhiga ah ee ku yaalla Magaalada Daa’uud, halkaas oo ah goob dalxiiska caan ku ah. Sannadkasta waxaa booqda in ka badan hal malyan oo qof.

    Agaasimihii hore ee ha’yadda Elad, Shahar Shilo wuxuu BBC-da u sheegay in istaraatiijiyadda hay’addan ay adeegsaneysay ay aheyd mid dalxiis “si ay u sameyso wax ka duwan siyaasadda dhabta ah ee ka jirta magalaada Daa’uud.

    Ha’yadda Elad waxay ku tiirsaneyd lacago deeq ah. Ku dhawaad kala bar deeqdaas na waxay heshay intii u dhexeeysay sannadihii 2005-tii ilaa 2018-kii, kaalmada ugu badanna waxay ka heshay afar shirkadood oo Ingiriiska laga leeyahay.

    illaa iyo hadda lama oga cidda iska leh shirkadahan.

    Dokumentiyada FinCEN

    Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in shirkadaha Abramovich ay ugu deeqeen ha'yadda Elad 100 malyan oo doolar
    Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in shirkadaha Abramovich ay ugu deeqeen ha’yadda Elad 100 malyan oo doolar

    Magacyada afartan shirkadood ee deeqdaas siiyay Elad waxay ka soo muuqdeen dokumentiyo bangi oo si sir ah loo dusiyay ee lagu magacaabo “Fincen Files.” Waxaa dokumentiyada ku jira macluumaadka bangiga ee ku saabsan lacagaha lagala baxay iyo cidda leh shirkadahaas.

    Warbaahinta Buzzfeed ayaa si hoose ku heshay dokumentiyadaas oo loo gudbiyay ururada caalamiga ah ee weriyeyaasha dabagalka sameeya iyo BBC-da.

    Magaca ka muuqda dokumentiyada waa Roman Abramovich, waxaana ku xusan in uu yahay milkiilaha saddexda shirkadood ee deeqda siiyay ha’yadda Elad halka shirkadda afaraad uu isaga maamule ka yahay.

    Akoonka ha’yadda Elad waxaa ka muuqda in shirkadahaas ay ugu deeqeen in ka badan $100 milyan oo doollar. Waxayna taasi ka dhigan tahay in milkiilaha kooxda Chelsea uu ahaa isha ugu weyn ee dhaqaalaha siin jirtay ha’yadda Elad, 15-kii sano ee la soo dhaafay.

    Goobaha taariikhiga ah

    Malaayin qof ayaa booqdaa deegaanka ay maamusho Elad oo ah goob taariikhi ah oo ku yaalla Bariga Qudus
    Malaayin qof ayaa booqdaa deegaanka ay maamusho Elad oo ah goob taariikhi ah oo ku yaalla Bariga Qudus

    Goobaha taarikhiga ah ee ku yaalla dhulka la heysta waxaa lagu maamulaa xeerar lagu muransan yahay, waxaana suuragal in Israa’iil ay jebineyso xeerarka caalamiga ah, marka ay u ogolaaneysay ha’yadda Elad in ay howlo sahan ah ka sameyso deegaanka Silwan.

    Waxaa intaas dheer, in loo ogolaaday in dadka ay dejiso deegaanka, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamaa mid ka dhan ah xeerarka caalamig ah. Israa’iil, deegaankaas uma aragto in ay heysato.

    Ha’yadda Elad waxay sheegeysaa in lagama maarmaan ay tahay in ay sameyso howlaha taariikhiga ah ee deegaanka taas oo looga golleeyahay ilaalinta dhaqanka Yuhuudda.

    Shirkaddan waxay BBC-da u sheegtay in ay raacday shuruucda iyo xeerarka Israa’iil ee u degsan ha’yadaha aan dowliga aheyn.

    Mar wax laga weydiyay in Roman Abramovich uu deeq siin jiray iyo in kale, waxay ku jawaabtay in siyaasaddooda ay dhigeyso ilaalinta sirta deeq bixiyaha.

    Ku dhawaad kala bar deeqda deeqda la siiyay ha'yadda Elad intii u dhexeysay 2005-2008 waxaa bixiyay afar shirkadood uu leeyahay Abramovich
    Ku dhawaad kala bar deeqda deeqda la siiyay ha’yadda Elad intii u dhexeysay 2005-2008 waxaa bixiyay afar shirkadood uu leeyahay Abramovich

    Afahayeen u hadlay Abramovich wuxuu BBC-da u sheegay: “Mr Abramovich way ka go’an tahay, waana deeqsi taageera Israa’iil iyo bulshada Yuhuudda. In ka badan 20-kii sano ee la soo dhaafay wuxuu deeq ahaan u bixiyay illaa $500 malyan oo doollar oo uu ku taageerayay caafimaadka, seyniska, waxbarashada iyo bulshada Yuhuudda ee ku nool Israa’iil iyo guud ahaan caalamka”.

    Haddii aanay dhaaqalahaas heli laheyn hay’adda Elad, uma suuragasheen in si degdeg ah ay ugu guuleysato hadafkeeda ah xoojinta jiritaanka Yuhuudda ee agagaarka Falastiin.

    Sharciga hantida

    Khariidada deegaanka Silwan
    Khariidada deegaanka Silwan

    Qaar ka mid ah guryaha ay ha’yadda Elad dejisay dadka waxaa laga saaray dad Falastiiniyiin ah oo horey dhulkaas u lahaa, balse waxaa laga barakiciyay dhulkaas iyadoo la adeegsanayay sharciga Israa’iil ee muranka badan dhaliyay ee loo garanayo “Sharciga ka maqnaanshaha hantida”.

    Wuxuu sharcigan u ogolaanayaa Israa’iil in ay la wareegto hantida ay dadka Falastiiniyiinta isaga tageen ama kuwa ka qaxay guryahooda xilligii dagaalka.

    Waxaa kiiskaas udub dhexaad u ah, guriga Sumarin oo ku yaalla dhinaca midig ee xarunta ha’yadda Elad, waxaana halkaas ku nool qoys ka kooban 19 qof.

    Amal Sumarin, oo ah hooyada dhashay qoyskan waxay sheegtay: “Markii aan ku aqal galay halkaas, seygeyga wuxuu ku noolaa halkan isaga iyo adeerkii Xaaji Muuse Sumarin.”

    Amal Sumarin waxay sheegtay in xaaskii Xaaji Muuse Sumarin ee geeriyootay, waxay u sameyn jirtay: “Waan daryeeli jirnay, cuntada ayaan u karin jirnay waana quudin jirnay. Seygeyga wuu u qubeyn jiray, wuxuuna geyn jiray isbitaalka. Wuxuu nagu oran jiray ‘Gurigan idinkaa iska leh gaar ahaan canugeyga – aniga iyo seygeyga’.”

    Qoyska Sumarin waxay dagaal kula jireen howlaha deegaameynta Israa'iil tan iyo sanadkii 1991-kii
    Qoyska Sumarin waxay dagaal kula jireen howlaha deegaameynta Israa’iil tan iyo sannadkii 1991-kii

    Xaaji Muuse Sumarin, wuxuu geeriyooday sannadkii 1983-dii, waxaana gurigiisa la wareegtay Israa’iil iyadoo adeegsaneyso sharciga ka maqnaanshaha hantida ee 1987, waxaana laga iibiyay waaxda Hemnutah oo qeyb ka ah sanduuqa qaran ee maaliyadda ee Yuhuudda (JNF).

    Sanduuqan JNF waxaa shaqadiisa ka mid ah in uu iibiyo isla markaana dhulka u dhiso dadka Yuhuudda.

    Sannadkii 1991, Hemnutah waxay ka codsatay maxkamadda in qoyska Sumarin laga raro gurigooda.

    Qoyska Sumarin oo taageero ka helayay ha’yado aan dowli aheyn iyo maamulka Falastiin waxay bilaabeen in arrinta ay maxkamad geeyaan.

    Maxamed Dahle oo muddo 10 sano ahaa qareenkii qoyska Sumarin, wuxuu BBC-da u sheegay: “In dib loo soo celiyo hantida Falastiiniyiinta ee la siiyay dadka Yahuudda ah, ma ahan arrin suuragal ah.”

    Bishii Agoosto qoyskan waxay ku guuldareysteen racfaan ay ka qaateen kiiska oo ay dhageysatay maxkamadda degmada Qudus, haddana waxay dacwaddooda u gudbinayaan maxkamadda ugu sarreysa Israa’iil oo la filayo in kiiska ay dhageysato bisha April ee sannadka 2021.

    Dagaalka dhanka sharciga ah

    Ha'yadda Elad waxaa lala xiriiriyay tallaabooyin dhowr oo dhulkooda looga raray Falastiiniyiin ku sugan Bariga Qudus
    Ha’yadda Elad waxaa lala xiriiriyay tallaabooyin dhowr oo dhulkooda looga raray Falastiiniyiin ku sugan Bariga Qudus

    BBC-da qeybta Carabiga waxay ogaatay in ha’yadda Elad ay dabada ka riixeysay howlaha ah in dadka Falastiin laga raro guryahooda iyadoo ogolaatay inay bixineyso dhammaan kharashaadka ku baxayo kiiska, sida ku xusan warqad loo diray Hemnutah sannadkii 1991-kii iyo kiis kale oo ku saabsan qoysas laga raray deegaanka Silwan.

    Waaxda Hemnutah kama aysan jawaabin su’aalaha ku saabsan dacwaddan, halka Elad aysan xaqiijin in weli ay maalgelineyso kiisaska.

    Hay’adda Elad waxay sheegtay in dhammaan hantideeda ay si caddaalad ah ku heshay “Ma jiro qof Falastiini ah oo laga raray gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Daa’uud iyadoo aanan loo marin hanaan maxkamadeeda, ama qof aan loo ogolaan in kiiskiisa uu maxkamad u gudbiyo,” waxa sidaas yiri Doron Spielman.

    Qareenka qoyska Falastiiniyiinta ah Maxamed Dahle ayaa yiri: “Waa xaalad hal qowmiyad ah ay ku sameysaneyso sharci dan u ah halka qowmiyad kale uu dhibaateynayo sharcigan”.

    Nuqul kamid ah dokumentiga
    Nuqul kamid ah dokumentiga

    Saameynta ha’yaddan ayaa ku sii xoogeysanaya dhulkaas. Safiirka Mareykanka u fadhiya David Friedman wuxuu si weyn u taageeraa deegaameynta Israa’iil ay ka wado dhulka la heysto, wuxuuna ka qeyb qaatay munaasabad lagu daahfurayay magaalada Daa’uud.

    Friedman wuxuu ka mid ahaa dadkiii sida weyn u taageeray sannadkii 2019-kii in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

    Sannadkan 2020, markii madaxweyne Trump uu shaaca ka qaaday qorshaha nabadda ee Falastiin, wuxuu deegaannada ay maamusho ha’ayadda Elad ku magacaabay deegaano taariikhi ah ama kuwa ruuxi ah oo u baahan in la ilaaliyo, waxay dhammaan deegaannadaas ku yaalla dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta laga saaray.

    Qaran News

  14. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3.

    Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka.

    Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

    “Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.”

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaadanaya doorka kaga aaddan midnimada iyo ilaalinta wadajirka Shacabka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Guddoonka Baarlamaaka in ay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay.

    Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

    120091646_3378350018916119_8261228649277885460_o 120013688_3378349915582796_4444145630423274892_o 120058701_3378349932249461_1565020571517628365_o 120064180_3378349092249545_2125907545987529800_o 120068335_3378348968916224_5955907621166911609_o 120073413_3378349088916212_2011542457469423365_o

    View the full article

  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa codsi ku saabsan heshiiska doorashada u gudbiyay Baarlamaanka ka hor maalinta sabtida ah oo lagu wado in la horgeeyo.

    Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada ayaa ka heshiiyay arrimaha doorashada, waxaana kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban 15 qodob oo la isla fahmay, taasoo ay udub dhexaad u tahay horgeynta Baarlamaanka.

    Saciid Deni oo difaacaya heshiiska doorashada ee la gaaray ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka labada aqal inaysan carqalad ku noqon heshiiska la gaaray, wuxuuna ka dhawaajiyay inaan cidna loogu darnaan.

    Deni ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kasoo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada xilka sii heynta ku jooga, qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

    Beesha Caalamka waxey qabaan walaac ku saabsan hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay, waxaana jira olole baahsan oo ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka wadeen Muqdisho tan iyo markii heshiiska la gaaray.

    Madaxda Maamul goboleedyada waxey doonayaan in la ansixiyo heshiiska ay ku gaareen caasimadda, waxaana la ogeyn doorka ay beesha caalamka ku yeelan doonto hadii la ansixiyo.

    Sidoo kale shalayto waxaa xerada Xalane ka dhacay kulan looga hadlayay hanaanka loo qaabili doono amaanka doorashada oo dhexmaray taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

    The post SACIID DENI oo hal arrin ka codsaday xildhibaanada BF first appeared on Caasimada Online.

  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa codsi ku saabsan heshiiska doorashada u gudbiyay Baarlamaanka ka hor maalinta sabtida ah oo lagu wado in la horgeeyo.

    Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada ayaa ka heshiiyay arrimaha doorashada, waxaana kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban 15 qodob oo la isla fahmay, taasoo ay udub dhexaad u tahay horgeynta Baarlamaanka.

    Saciid Deni oo difaacaya heshiiska doorashada ee la gaaray ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka labada aqal inaysan carqalad ku noqon heshiiska la gaaray, wuxuuna ka dhawaajiyay inaan cidna loogu darnaan.

    Deni ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay magaalada Muqdisho waxaana kasoo qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada xilka sii heynta ku jooga, qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

    Beesha Caalamka waxey qabaan walaac ku saabsan hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay, waxaana jira olole baahsan oo ay madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka wadeen Muqdisho tan iyo markii heshiiska la gaaray.

    Madaxda Maamul goboleedyada waxey doonayaan in la ansixiyo heshiiska ay ku gaareen caasimadda, waxaana la ogeyn doorka ay beesha caalamka ku yeelan doonto hadii la ansixiyo.

    Sidoo kale shalayto waxaa xerada Xalane ka dhacay kulan looga hadlayay hanaanka loo qaabili doono amaanka doorashada oo dhexmaray taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

    The post SACIID DENI oo hal arrin ka codsaday xildhibaanada BF first appeared on Caasimada Online.

  17. Waxaa maanta xal kama dambeys ah laga gaaray khilaaf muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyay guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kadib kulan ballaaran oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho.

    Kulankan ayaa waxaa lagu dhammeeyey khilaafka labada Aqal, waxaana kaalin weyn ka qaatay madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ku sugan caasimadda.

    Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saaray, sida ay wada shaqeyn buuxdo u yeelan lahaayeen labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Dhinaca kale waxa kulanka lagu soo qaaday, sida ay labada Aqal u meel marin lahaayeen heshiiska ay doorashada ka gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa M/goboleedyada.

    Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid dagan, kadib shirkii wada-tashiga Muqdisho, waxaana sidoo kale la magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

    View the full article

  18. Ciidamada Xoogga dalka ayaa  ku wajahan deeganada kala ah Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee batamaha Soomaaliya.

    Deegaanadaan ayaa mudo ku dhaw 10 sano waxaa gacanta ku haya dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

    Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaas oo ay haatan ciidamadu go’doomiyeen.

    Shalay ayey aheyd markii ciidamada Xoogga dalka la weegeen deeganada Bulacle, Xirsi-Fiin, Cada-Xaar, Ceel-Guureeye iyo God-Dhurwaa ee gobolka Galgaduud

    View the full article

  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah kulan ula yeeshay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka kuwaas oo is diidanaa mudooyinkii ugu dambeeyay.

    Kulankaan oo laba ujeeddo lahaa ayaa marka hore lagu soo hadal qaaday sidii dib loogu soo celin lahaa wada-shaqeyntii u dhaxeysay labada aqal isla markaana loo dhameyn lahaa wax walba oo culesyo ka dhex jiray.

    In lasoo dhameeyo khilaafka labada aqal, waxaa lagu soo hadal qaaday shirkii ay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waana dhameystirka heshiiskaas.

    Heshiiska doorashada ee ka koobnaa 15-ka qodob laguna gaaray Muqdisho waxaa ku jirtay in baarlamaanka la horgeeyo, sidaas darteed waxaa si wadajir ah loo horgeyn doonaa labada aqal.

    Si heshiiska doorashada u noqdo mid dhaqan gala waxaa loo baahan yahay iney si wadajir ah u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka, sida wararka sheegayaan waana waxaa la horgeyn doonaa maalinta Sabtida ah.

    Madaxda maamul goboleedyada tan iyo markii ay heshiiska la gaareen dowladda dhexe waxey Muqdisho ka wadeen olole ay taageero ugu raadinayaan ansixinta heshiiska, waxeyna kulamo gooni-gooni ah la yeelanayeen xubnaha maamul walba ugu jira Baarlamaanka labada aqal.

    Waxaa la sugi doonaa ansixinta iyo diidmada Baarlamaanka ee heshiiska lagu gaaray Muqdisho kaas oo la isku raacay in doorashada ku dhacdo wakhtigeeda lana bilaabi doono si hordhac ah bisha November ee soo aadan.

    The post Maxaa iska bedalay hanaanka loo ansixinayo heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.

  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah kulan ula yeeshay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka kuwaas oo is diidanaa mudooyinkii ugu dambeeyay.