Garowe (PP News Desk) — The Mayor of Garowe Ahmed Said Musse sent a stern warning to Puntland MPs and senior officials who do not pay the annual tax they owe Puntland State government.
Mr Musse explained why the local government resorts to removing doors of houses belonging to officials who have failed to pay annual tax liabilities on time. “Parliamentary immunity protects MPs against arrest. Officials who fail to pay taxes are criticise the local government. We will sue senior officials who refuse to pay taxes” said Musse.
Lawfare: Garowe Mayor threatens to sue MPs who have not paid their annual tax liabilities.
Asked if the local government removed doors of houses owned by poor people, Garowe Mayor said that “the poor people pay taxes regularly because they live in small houses.”
Last month Mohammed Ahmed Haraf, an MP, accused Garowe local government of leniency towards criminals. “The job of Garowe Local Government is now confined to collecting house tax. They remove doors and gates of properties whose owners either had not paid tax or are not in town, and make it easier for burglars to break into houses” Haraf wrote.
Locals criticise Garowe Municipality for bending the rules when enforcing tax collection against citizens whom the local government accuses of not paying to annual taxes.
“Why sue MPs and senior officials for not paying taxes when you can remove doors of property owners for unpaid taxes?” asks a Garowe-based former civil servant.
Power struggle between the Mayor of Garowe and local MPs highlights the barriers to the progress towards a rule-based governance in Puntland State.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray dhacdadii argagaxa laheyd ee kufsiga iyo dilka loogu geystay gabar dhawaan ka qalin jabisay marxaladda dugsiga sare.
Sida wararka qaar ay sheegayaan gabadhaan ayaa kufsi wadareed loo geystay ka hor inta aan dabaq laga soo tuurin, waxaana ka hadlay afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaas oo sheegay iney baaritaano ku aadan falkaasi bilaabeen.
Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidanka Booliska gacanta ku dhigeen afar qof oo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen falkaasi dhacay, isla markaana ay baaritaan ku socoto.
Afhayeenka wuxuu sheegay in afar qofood ay u hayaan kufsiga iyo dilka gabadha loo geystay, isal markaana ay socoto baaritaanno ay rajeynayaan iney natiijo kasoo baxdo, si ay bulsahda ula wadaagaan wixii kasoo baxa.
Gabadha dhibaatada loo geystay waxaa magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax, waxeyna ku nooleed dagmada Dayniile gaar ahaan xaafada Raadeerka.
Saakay ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, ehalada gabadhaan oo qaarkood la hadlay saxaafadda gudaha waxey dalbanayaan iney cadaalad u helaan.
Gaarisa (Caasimadda Online) – Booliska wadanka Kenya ayaa sheegay iney miino ku qaraxday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo wadada u dhaxeysa Faafa iyo Gaarisa ku aasayay waxyaabaha qarxa.
Sida la sheegay qaraxaas waxey waxyeello kasoo gaartay 7 ruux, saddex ayaa dhimatay halka afar kalan ay dhaawacyo kasoo gaareen.
Saraakiil ciidan ayaa tilmaam ka bixiyay nuuca gaariga ay wateen, waxaana lagu sheegay Toyota Hilux, sidoo kale saraakiil ciidan oo goobta booqday waxey kusoo arkeen saameynta uu qaraxa sameeyay.
Dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta gudaha waxey sheegeen iney maqleen jug xoogan ka hor inta aysan arkin uuro hawada qabsatay iyo baxsadka gaariga tilmaanta laga bixiyay oo xawaare sare ku socda.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida waxey mar walba sameeyaan falal ka dhan ah ciidamada Kenya, waxaana la aaminsan yahay in ciidamada ay kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya.
Dowlada Kenya waxey geed dheer iyo geed gaaban u fuushay la dagaalanka kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada, waxeyna ciidamo badan dhigeen xuduudka labada wadan taasoo ay rabaan iney kaga hortagaan weerarada Al-Shabaab.
Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa Maanta oo Sabtiya dhegaysatay Gar-maqalka dacwad ka dhan ah sagaal nin, oo ku eedaysan in ay dhac iyo xatooyo u gaysteen Shirkadda SAAFI Gaas ee Magaalada Garoowe.
Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sagaalka eedaysane iyo hal eedaysane oo maqan ay dhac iyo xatooyo u gaysteen qaar kamid ah Haamaha Cuntada lagu karsado ee Shirkadda SAAFI Gaas.
Sagaalka eedaysane oo dhankooda ka hor-hadlay Maxkamadda, ayaa dhammaantood beeniyay in ay wax dhac iyo xatooyo ah u gaysteen Shirkadda SAAFI Gaas.
Dhinaca kale, Wakiil ka socday Shirkadda oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur Siciid ayaa isna halkaasi ka sheegay in eedaysanayaasha qaarkood ay hore hay’adaha Baarista ugu qirteen dambiga loo haysto.
Ugu dambayntii, Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa dib u dhigtay ka go’aan gaarista kiiska loo haysto sagaalka eedaysane ee Maxkamadda la hor-keenay iyo hal eedaysane oo maqan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.
Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.
Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qaybqaato sidii looga hortagi lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.
Madaxweyne Axmed Madoobe wuxu intaas ku daray in Shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Kooxda Al-Shabaab isagoo Tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige.
Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd 19 jir ayaa lagu kufsaday, kadibna lagu dilay degmada Waabari ee G/Banaadir, sida ay sheegeen ehelladeeda.
Marxuumadda ayaa sidoo kale ka mid aheyd ardayda ka qalin-jibiyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho, waxaana ay gashay imtixaanka dowladda ee 2019/2020.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ragga geystay falkaasi ay marxuumadda ka soo tuureen dhisme dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Maaj ee degmada Waabari.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/09/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, isagoo xilal muhiima oo kala duwan ka soo qabtay qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Gabadhaan waxey ka mid aheyd ardaydii sanadkaan ka qalin-jabiyay dugsiga sare, balse wali laamaha amaanka Soomaaliya kama hadlin dhacdadaan, walow ay warbaahinta u xaqiijiyeen waalidiinteeda.
Qaar ka mid ah ehelada gabadhaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadka geystay falkaan foosha xun, waxeyna warbaahinta u sheegeen in la xaqiijiyay kufsiga loo geystay gabadha yar ka hor inta aan dabaqa laga soo tuurin.
Falalka kufsiga ah ee loo geysanayo gabdhaha da’da yar ayaa kusoo badanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, dhacdadaan ayaana ah midda ugu dambeysa ee la hadal haayo iyadoo la filayo in la amba-qaado xal ka gaarideeda.
Waxaa markii saddexaad uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxa ay ballantu aheyd inuu maanta si rasmi u billowdo, balse waxaa dib u dhaca loo sababeeyey safarada ay u baxeen Qoor-Qoor Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku laabtay Kismaayo, kadib qarax ka dhacay magaaladaasi, halka hoggaamiyaha Galmudug uu safar deg-deg ah ugu baxay Kenya.
Shirka wada-tashiga Muqdisho oo daba socda shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dhameystirka heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi.
MOGADISHU (HOL) - The United States is set to deliver light combat vehicles to Somali National Army to bolster its war against Al-Shabaab in what sources also say is a move to counter Turkey’s influence in the Somali army.
The governing party in Ethiopia's northern Tigray region has won all contested seats in elections that have further affected an already hostile relationship with the federal government.
Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay kulan ballaaran oo ay ka qeyb-galayaan xubno ka socda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo looga hadlayo ka hortagga tacaddiyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed.
Xeer ilaaliyaha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laga wada-hadli doono sharciga ka hortagga tacaddiyada jinsiga ee dumar loo geysto, siiba warqada caafimaad ee loogu tala-galay in loo adeegsado baarista tacadiyada, si ay cadaalad u helaan dhibanayaasha.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la’iska kaashado ka hortagga dhibaatooyinka loo geysto dadka nugul, gaar ahaan dumarka.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay dalka soo badanayeen tacaddiyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan falalka Kusfiga.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.
Labada Madaxweyne ku xigeen, Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.
Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qayb-qaato sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, isagoo sheegay in qof masaajid ilahay ka soo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.
Sidoo kale wuxuu Madaxweynahu intaas ku daray in shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Al-Shabaab isagoo Tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige ah.
Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa shacabka reer Jubaland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Garowe Mayor Threatens to Sue MPs for Unpaid Taxes
in News - Wararka
Posted
Garowe (PP News Desk) — The Mayor of Garowe Ahmed Said Musse sent a stern warning to Puntland MPs and senior officials who do not pay the annual tax they owe Puntland State government.
Mr Musse explained why the local government resorts to removing doors of houses belonging to officials who have failed to pay annual tax liabilities on time. “Parliamentary immunity protects MPs against arrest. Officials who fail to pay taxes are criticise the local government. We will sue senior officials who refuse to pay taxes” said Musse.
Asked if the local government removed doors of houses owned by poor people, Garowe Mayor said that “the poor people pay taxes regularly because they live in small houses.”
Last month Mohammed Ahmed Haraf, an MP, accused Garowe local government of leniency towards criminals. “The job of Garowe Local Government is now confined to collecting house tax. They remove doors and gates of properties whose owners either had not paid tax or are not in town, and make it easier for burglars to break into houses” Haraf wrote.
Locals criticise Garowe Municipality for bending the rules when enforcing tax collection against citizens whom the local government accuses of not paying to annual taxes.
“Why sue MPs and senior officials for not paying taxes when you can remove doors of property owners for unpaid taxes?” asks a Garowe-based former civil servant.
Power struggle between the Mayor of Garowe and local MPs highlights the barriers to the progress towards a rule-based governance in Puntland State.
© Puntland Post, 2020
The post Garowe Mayor Threatens to Sue MPs for Unpaid Taxes appeared first on Puntland Post.