Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taageerayaasha Trump oo tunka u dhigtay shaqadii uu qaban lahaa Taageerayaasha Donald Trump ayaa isugu soo uruuray banaanka isbitaalka milatariga ee lagu dabiibayay madaxweynaha. Isbitaalka oo lagu magacaabo Walter Reed ayaa waxa uu ku yaalaa meel aan sidaa uga fogeyn Washington. Dhanka kale isu soo baxyo kale oo lagu taageerayo Trump ayaa waxay ka dheceen meelo badan oo ka mid ah Mareykanka. Subixii Sabtida Dr Conley ayaa sheegay in aanan madaxweynaha lagu xirin qalabka lagu neefsado, 24-kii saacadood ee la soo dhaafayna aanay wax qandha ah qaban. Waxaa la filayaa in madaxweynaha uu isbitaalka Walter Reed ku sii jiri doono “maalmaha oo socda” sida laga soo xigtay Aqalka Cad ee Mareykanka. Dr Conley ayaa sheegay in rajadiisu ay wanaagsantahay balse uu jadwal u sameeyn doono qaabka madaxweynaha isbitaalka looga soo saarayo. Hase yeeshee madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows ayaa walaac ka muujiyay xaaladda madaxweynaha, waxa uuna sheegay ineysan weli jirin ifafaalo cad oo ku aaddan caafimaadkiisa. Taageerayaasha ku sugan banaanka isbitaalka Walter Reed ayaa madaxweynaha u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Taageerayaasha ku sugan banaanka isbitaalka Walter Reed ayaa madaxweynaha u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Dhanka kale banaanbaxaal ka soo horjeeda kuwa Trump lagu taageerayo ayaa iyagana isugu soo baxay banaanka isbitaalka. Sabtidii shalay ahaydna isu sooo baxyo kale oo lagu taageerayo Trump ayaa ka dhacay goobo kala duwan. California, waxaa buux-dhaafiyay gawaari ku xardhan qoraallo iyo sawirrada Trump. Magaalada Fort Lauderdale, ee gobolka Florida ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay doomo badan oo madaxweynaha lagu taageerayo. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Dad badan ayaa sidoo kale isugu soo baxay magaalada New York, waxaana dhammaan isu soo baxyadaasi la qaban-qaabiyay kaddib markii Trump laga helay xanuunka Covid-19. Qaran News
  2. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eritrea, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay. Madaxweyne Farmaajo, oo ka soo laabtay dalka Suudaan, kadib markii uu ka qayb-galay munaasabad ay Dowladda Suudaan Heshiis nabadeed kula galaysay jabhado ka horjeeda, ayaa uga sii gudbay Waddanka Eritrea. Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa xarunta Madaxtooyada magaalada Asmara ku qaabilay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana sida qorshaysan labada madaxweyne ka wada-hadli doonaan horumarinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale Arrimaha Gobolka. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea, ayaa ku soo beegmatay xilli Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Khayre uu maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu ka bilaabayo ololihiisa Doorashada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Eritrea appeared first on Puntland Post.
  3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo horumarinta Reer miyiga ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa kulan xarunta Golaha Wakiillada kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay June illa September 2020 iyo weliba caqabadaha jira. Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale su’aalo laga weydiiyay arrimaha uu ka hadlay, isla markaana Guddigu waxay tilmaameen in ay u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan. Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo hor-marinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada DPL ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka. PUNTLAND POST The post Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamanka Puntland oo su’aalo weydiiyay Wasiir Dhabancad appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay gaari kala dageen xaaska askari ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ee ka howl-gala gobolkaasi, gaar ahaan Beledweyne. Gaariga lagala dagay haweeneydaasi oo wadatay ilmo yar ayaa ka baxay magaaada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amniga gobolka Hiiraan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gaarigaas ku qabteen deegaanka Mokoyle oo hoostaga magaalada Beledweyne, kadibna ay kala dageen kaliya haweeneydaasi, iyaga oo gaariga iyo rakaabkii kale ee saarnaa fasaxay. Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah, balse lama oga halka lala aaday haweeneydaasi ‘la afduubtay’. “Haweenayda afduuban illaa haatan lama ogga meesha la geeyay. Balse, waan hubin doonaa. sida loogala degay baabuurka iyo cidda farmuuqdey waa wax wali su’aal ka taagan tahay.” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne. Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo beegsaday ama loo afduubtay haweeneydaasi, marka laga reebo inay tahay xaaska askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale askariga ay u dhaxdo haweeneydaas iyo ciidamo kale ayaa waxa ay qaadeen howl-gallo ay ku soo qab-qabteen xaasas la sheegay inay u dhexaan dagaalamayaal ka tirsan Shabaab, balse markii dambe uu maamulku sii daayey. Magaalada Beledweyne waxaa duleedkeeda inta badan weeraro dhabo-gal ah ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan. The post Al-Shabaab oo haweeney iyo ilmo yar ka 'afduubtay' gobolka Hiiraan + Sababta first appeared on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay goor dambe oo sabtidii ah in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah. Wasaaradda Difaaca Armenia waxay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ah ee Karabakh ay iska difaaceen weerar ballaaran oo ay ku qaadeen ciidamada Azerbaijan, iyadoo afhayeenad Shushan Stepanian ay tilmaamtay dagaalku uu sii xoogeystay ayna ciidamada Armenia soo rideen seddex diyaaradood oo Azerbaijan ah, sida ay sheegtay. Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay in wax diyaarado ah laga soo riday waxayna sheegtay in ciidamada Armenia ay duqeeyeen goobo rayidku deggan yihiin. Azerbaijan ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qasaaraha militari, in kasta oo maamulka ay sheegeen in 19 qof oo rayid ah la dilay 55 kalena la dhaawacay. Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Armenia Artsrun Ovannisian ayaa sheegay goor danbe oo Sabtidii ah in 2,300 oo ka tirsan ciidamada Azerbaijan ah la dilay, oo ay ku jiraan ilaa 400 oo Jimcihii dhintay, hase yeeshe, waxaan la xaqiijin karin sheegashadan. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Azerbaijan oo guul ka sheegatay dagaalka Armenia appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhawayd gaadhay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Asmara si diiran ugu soo dhoweeyey dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki. Booqashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa qaadan doonto muddo laba cisho ah, sida ay xaqiijisay xukuumadda Asmara. Sidoo kale wuxuu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa madaxda sare ee dalkaasi, iyagoo ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhkaa Eritrea iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor inta aanu gaadhin Asmara ka soo amba-baxay magaalada Jubba ee caasimadda Suudaanta Koonfureed, halkaas oo uga qeyb-galay munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska Suudaan. Source
  7. MOGADISHU (HOL) - Newly appointed Prime Minister Mohamed Roble is set to make his first foreign visit today to Kuwait where he is expected to condole with the gulf nation following the death of their leader. Source: Hiiraan Online
  8. Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay caasimadda waddanka Jabuuti halkaas oo uu doonayo in uu ka bilaabo ololihiisa doorashada madaxtinimada Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xafiiskiisa ololaha doorashada ayaa lagu wadaa in ay kulamo siyaasadeed oo ku wajahan ololaha doorashada ay ka bilaabaan waddanka Jabuuti. Mudane Khayre oo xilka Ra’iisul wadaaraha dalka hayay mudda saddex sannadood ah ayaa kadib markii Baarlamanku kalsoonida kala laabtay waxa loo diiday in uu sii wado shaqada iyadoo si ku meel gaar ah loo magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenkiisi. Sidoo kale waxaa laga hor istaagay in uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha rasmiga ah ee la soo magacaabay Maxamed Xuseen Rooble. PUNTLAND POST The post Ex. Ra’iisul wasaare Khayre oo u safray Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  9. Ethiopia on Friday filed terrorism charges against four suspects in connection with the killing of a popular political singer whose death ignited days of deadly protests, a spokesman for the attorney general told the Reuters news agency. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey uga baxay dalka, tan iyo markii ay codka kalsoonida, si lama filaan ah ugala noqdeen xildhibaanada Golaha Shacabka. Khayre ayaa ku sii jeeda dalka jamhuuriyadda Jabuuti, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa la filayaa in Jabuuti uu kulamo gaar gaar ah kula qaato madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono arrimo ay ka mid ah tahay doorashada 2020/21. Socdaalkiisa wuxuu ku soo aadayaa, xilli heshiis mideysan laga gaaray doorashooyinka dalka, islamarkaana la soo soo saaray jadwalka iyo sida loo wajahayo doorashada. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka mid ah musharraxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan xil ka madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota, wuxuuna bilaabay ololihiisa ku aadan doorashada 2020 illaa 2021-ka. Khayre ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray ku sugnaa Muqdisho, isagoo kulamo kula qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin afhayeenkii hore ee baarlamaanka, Maxamed Sheekh Jawaari iyo guddoomiyaha aqalka sar, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. The post KHAYRE oo maanta safar dibadeed uga baxay dalka + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime Minister Mohamed Roble has pledged to lead the country towards a free and fair election and called for international donor support. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday golaha xuquul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa walaac looga muujiyey xaaladda Soomaaliya, iyadoo haatan dalku uu ku jiro marxalad loogu diyaar garoobayo doorashada. Isha Dyfan oo ka mid ah baarayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay, islamarkaana xilkaasi loo magacaabay wixii ka dambeeyey markii uu caalamka isaga kala gudbay xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus ayaa sheegtay in madaxda Soomaaliyeed aysan u hoggaansamin xeerarka caalamiga ah ee u dagsan xuuqul insaanka. Warbixin ay soo saartay ayey ku sheegtay in khubaro madax banaan ay la wadaageen in madaxda Soomaalida ay ku guul darreysteen inay dhowraan xaquuqda, dhaqaale, mid bulsho iyo mid dhaqan intaba. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay jiraan weeraro lagula kacay xarumo caafimaad iyo shaqaale samafal oo sababay dhimashada dad rayid ah. Waxa kale oo ay carabka ku goday in Soomaaliya uu ka jiro xad-gudub dhanka xorriyadda hadalka iyo aragtida, sida ay hadalka u dhigtay. “Waxaa jiray weeraro ka dhan ah xarun daryeel caafimaad iyo shaqaale samafal, isticmaalka awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen hay’adda sharci fulinta, taas oo sababtay dhimashada dadka rayid ah, xadgudubyada xuquuqda xorriyada hadalka, aragtida, kororka rabshadaha Jinsiga iyo dhibaatooyin kale.” ayay ku sheegtay warbixinta Isha Dyfan ay ka soo saartay xaaladda bani’aadanimo ee Somalia. Ugu dambeyn Isha Dyfan ayaa hoosta ka xariiqday in sanadihii u dambeeyey ay gudaha Soomaaliya ku sii kordheyn tacadiyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed, iyada oo tusaale u soo qaadatay falalka la xiriira kusfiga oo siyaabaha kala duwan uga dhacay gudaha dalka. The post Qaramada Midoobay oo walaac hor leh ka muujisay xaaladda Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  13. Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniinteeda iyo kuwa ajaanibta ahba u ogolaaneyso iney gutaan cumrada sannadkan markii ugu horreeysay tan iyo markii uu bilowday fayraska corona. Boqolaal qof oo muwaadiniinta Sacuudiga ah ayaa lagu soo dhaweeyay masaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u gutaan ka dib toddobo bilood oo loo joojiyay sababo la xidhiidha fayraska corona. Wajiga koobaad ilaa lix kun oo qof ayaa loo ogolaan doonaa iney acmaashooda ku gutaan misaajidka weyn ee Maka, waxaana marba marka ka sii dambeysa la kordhin doonaa tiradaasi ilaa iyo inta uu misaajidka ka buuxsamayo. Dadka cumreysanayo ayaa waxaa laga doonayaa iney xidhtaan maaskarada wajiga isla markaanaa ilaaliyaan kala fogaanshaga bulshada. Dhanka kale masaajidka ayaa waxaa maalintiiba la nadiifin doonaa ilaa toban goor. Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa in xujeyda ajaanibta ee ugu horreysa loo ogolaan doono bilowga bisha nofeembar ee sannadkan. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sannadkan ka mamnuucday dadka debedda ah in ay soo xajiyaan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona. Kaliya tiro aad u kooban oo ku nool boqortooyada ayaa gutay waajibaadka xajka, sida markii horeba lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda. Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa haddii kale booqan lahaa Maka iyo Madiina si ay uga u soo xajiyaan waajibadka sannadlaha ah ee diinta Islaamka. Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo. Waqtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah waqtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka. Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeyba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaaday inay soo xajiyaan. Source
  14. Odhaahda Maanta (Talk of the Town) Danjiraha Midowga Yurub oo si Adag Ugua Hadlay Soomaaliya, Soomaaliland, iyo Itoobiya Dhamaadkii bihsa Ogasti ee sanadkan (August 2020), Ambassador Alex Rondos oo lagu macsuumay xarunta cilmibaadhsita ee Woodrow Wilson ayaa si xiiso leh uga hadlay Geeska Afrika, Kenya, Soomaaliland, Soomaaliya, iyo Itoobiya. Waxa hadalka daadihinayey Marwo Baroness Catherine Ashton oo ka soo shaqaysay Soomaaliya xiliyadii adkaa. Geeska Afrika: Si fiican iskugu tolana. Waa deegaan ku dhow ubucda Yurub. Midowga Yurubna iskama indha tiri karo dhibta siyaasi, dhaqale, nabad galyo, iyo istimaaci ee Afrika. Geeska Afirka dhibaatada 1aad waa maafiyada afdoobta oo ka jaqda miida dhaqaale tu dibad ka timaad iyo tu kale ba. Musuqmaasuqu waa arin lagu sifayn karo afdoob buuxa oo ku yimid dhaqaalaha umaddahan. Maafiyadan dhaqaale waxa kow ka ah madaxda inaba aan musuqa ka xishoon iyo Alshabab oo ku sifowday argagixiso dhaqaale. Ma arko, ayuu danjiruhu yidhii, in fa’iido ka iman karto lacagaha ay Yurub gacantu ugu shubayso madax la ogyahay in ay ku can baxeen xotooyo xoolo umaddeed. Yurubna arintaas waa in ay ka fiirsata si adagna u qiimaysaa. Kenya: waa qowad dhaqaale ee Geeska Afrika. Haday Kiinya haleesho gudoonka Kenya, oo ah arin la filanayo, waano soo dhaweynaynaa – Geeska wax wey ay Kenya ka qaban doontaa. Waan soo daweynaynaa. Damqoraadiyadeedu waa koboc fiican. Soomaliland: Gooni isu taaga Soomaliland waxay u taal AU, dawladaha jaarka iyo Soomaaliya. Soomaaliland haday ku taal Gobole laba dal oo ku guulaystay gooni isu taagay ictiraafna helay, waxay iyana quudaraynaysaa in ictiraaf la siiyo. Hase yeeshe, waa in ay Soomaaliland aanay ka weecan jidka nabadda iyo doorashooyin, inkasta ood baryahan qudheedu afka cara dartay (right now you bit ran into the sand). Anigoon diidanay heegisaga umadda, hadana waxa dantu ku jirtaa in Soomaalidand ka firkirto sidii ay uga bixi lahayd khaanada ay ku jirto. Gobolku midnimo ayuu u hayaamay Soomaalilandna helka ka gali lahayd iyo doorkeeda waa in ay ka fakirtaa. Soomaaliya: Aad ayuu uga dayriyey, Danjiruhu, sida Mareykanku wax u wadaa, gaar ahaan arimaha Al-shabab. Al-shabab iyo argagixisada Soomaaliya taagero lacageed waxay ka helaan dalka gudihiisa. Stratajiyada ah in dhibta Al-shabaab dil lagu xaliyo ma suurtoobayso. Duuduub ahaan, waxa uu Al-shabaab ku tilmaamay maafiya ama budhcad, sidaas darteedna waa in sida budhcada wax looga qabtaa. Diinta iyo Al-shabaab yaan la isku tolin ayuu sheegay Danjiruhu. Itoobiya iyo R/W Abiy: Waa dal boqol milyoon ku noolyihiin oo gabi ka laalaada. Itoobiya waa HAR ama DAM oo hadii gabigu jabo, waa kala tag. Nidaamka federaalkuna waxa uu ka turjumayaa triikhda dalka inkasto caqabado ka jiraan nidaamka federaalka. Isagoo hadalka siiwata wax uu yidhii, “waa in aynu R/W Abiy ku dhiiri galino in aanu dagdagan qorshe nadaamsana ku socdo.” Digniintaasi oo kalena waxa uu u jeediyay xoogaga kale ee siyaasad ku jira. Itoobiya xiligii khatar wayni soo foodsaartay ayaa lagu jiraa, ayu Danjiruhu yidhii. Isagoo sii wata, “waxaanu fahamsanahay in dalku xili xaasaasi ah marayo. In aanu R/W Abiy talo siino waa nugu waajib. Waxaananu diyaar u nahay in aanu runta u sheegno anagoo ka duulayna danahayaga.” Halkaas kuma joojine waxa uu raaciyey “ma hubo in aanu EU ahaan wali si dhab ah ula hadalnay ama aanu runta u sheegnay. Ilaa hadeer waxaanu u dhaqaynay sidii ilmo yar oo la xanaanaynayo (so far we treated Ethiopia with kid gloves).” “Arimaha Itoobiya waa in aad si cad cad uga muuqanaa, EU ahaan ayu uku daray. Haday Itoobiya qaraxdo oy kala daadato, waa sida uu hadalka u dhigee, wax yeeladeedu aad ayey uga xumaan doontaa dhibtii laga arkay Yuguslaafiya. Yuguslafiya hos ayey iskugu duntay (“implosion”). Haday Itoobiya qarxo, waxay noqondoontaa qarax dhul gariir (“Explosion”) oo fatihiisu saameeyo Geeska Afrika oo dhan. Fatal rooble Source
  15. Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa u muuqanaya inuu yahay mid sii kordhaya, kuna faafaya deegaano dhowr ah, Hubka la isku adeegsanayo ayaa ah mid culus, waxaana hadda la sheegayaa in ciidammada Azerbaijan ay guulo muhiim ah ka gaadheen dagaalka Nagorno Karabakh ka socdo. Armenia waxaa dagan dad Karishtan ah halka Azerbaijan ay dagaan dad muslimiin ah, waxaana laga baqayaa in dagaalka uu sii xooggeysto maadaama maalintii sideedaad uu galay, isla markaana la soo riday diyaarad helicopter ah oo ciidanka Azebaijan leeyihiin. Madaxweynaha Azerbaijan ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad todobo deegaan oo ciidamada Armenia ay ku sugnaayeen. Labada dhinac ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa dhexmaraya dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan gobolka Armenia ee qowmiyadeed kaas oo ka go’ay Azerbaijan sanadii 1990-yadii markii Midowgii Soofiyeeti burburay. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah sameeyaan labada dowladood oo muddo ka badan todobaad ku dagaalamaya gobolka Nagorno-Karabakh. Source
  16. (SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hor-yimid xidhiidh diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo dalalka Jaamacadda Carabta ay la yeeshaan Yuhuuda. Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xidhiidhka dalalka Imaaraadka, Baxreyn ay la gaadheen Yuhuuda ayaa sheegay inuu u arko mid baal marsan heshiiskii 2002 ee Beirut oo dhigayay in heshiiskii nabadda laguna muujiyay in dalalka Carbeed ay soo celinayaan xidhiidhka Yuhuuda haddii ay ogolaadaan in Israa’iil iyo Falastiin noqonayaan laba dal oo jaar ah, gumeysigana ay joojinayaan. Mr. Geelle ayaa sheegay inay weli ku taagan yihiin hindisihii ka yimid 2002 Boqor Cabdalla Sacuudiga ee geeriyooday, wax ka baxsana ayna hadda Jabuuti ahaan aqbaleyn. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dalalka heshiiska iyo xidhiidhka la yeeshay Yuhuuda ay dantooda u arkeen heshiis ay la yeeshaan Yuhuuda. “Wadamo dantooda u arkay inay xidhiidh la yeeshaan Israa’iil ayaa jira, dadka Falastiina wey jirayaan, hadafkoodana mar uun rey gaadhayaan weyna xoroobayaan, annagana hadafkeenii hore ayaa weli ku taaganahay” ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti. Dalalka Isutaga Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa heshiis uu kasoo shaqeeyay Mareykanka la galeen Yuhuuda, waxaana heshiiskaasi inta badan cambaareeyay dalalka Islaamka. Source
  17. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu hayo xanuunka COVID19 ayaa xalay sii daayay muuqaal cusub oo uu kasoo duubay cisbitaalka uu kujiro, kaasoo uu ku sheegay inuu dareemayo inuu soo fiicnaanayo islamarkaana uu rajeynayo inuu dhaqso kusoo bagsoodo. Muuqaal afar daqiiqo ah oo dadka uu kula hadlay ayuu ku sheegay in aanu fiicneyn markii la dhigayay cisbitaalka Walter Reed ee dulleedka Washington, kadib baadhitaankii la marsiiyay Jimcihii ee laga helay xanuunka. Laakiin waxuu sheegay inuu aad u fiican yahay hadda islamarkaana ay si adag uga shaqeynayaan inuu dib usoo kabto, isagoo intaasi ku daray in ayna garaneynin sida uu xaalka noqon doono maalmaha soo socda oo uu sheegay inay mari doonaan tijaabada dhabta ah. Trump codkiisa ayaa laga dareemayay waxoogaa daal ah intii muuqaalka uu socday, laakiin wuxaa ka muuqday niyad wanaag waxuuna sheegay inuu u dagaallamayo mallaayiin dad oo dunida daafaheeda ku nool kuwaas oo la ildaran Virus-ka, isagoo intaasi ku daray inay ka adkaan doonaan cudurka COVID19. Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howlan, dadweynaha Mareykanka iyo hoggaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen. Xanuunka COVID-19 ee ku dhacay madaxweyne Trump ayaa imanaya, muddo bil ah ka hor inta ayna dhicin doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 3-da November. Source
  18. Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidanka Xoogga oo mareyey duleedka Awdheegle. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay dagaalkaasi ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh. Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegtay weerarkaas iyo dagaalka xigay, waxaana ay shaacisay inay ku dishay 9 askari, kuna gubtay gaari dagaal, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  19. Dalka Sacuudiga ayaa la sheegayaa in laga furay maqaayadda Eeyaha, taasi oo dadka leh Eeyaha ay coffee ka cabi karaa iyada oo ay la socdaan. Sacuudiga iyo dunida muslimka, Eeyaha waa qaar laga deyriyo nadaafadooda, inta badan la iska ilaaliyo, oo Sacuudiga waxaa mamnuuc ahaa in la keeno goobaha ay dadku joogaan, laakin Sacuudiga oo furfurmaya ayaa hadda isbadal bilaabey, Eeyaha u furan maqaayadda. Magaalo xeebeedka Khubar ayaa laga smaeeyey maqaayaddan, waxaana mar qura isbadal ku yimid dhaqankii booliiska xayawaanaadka oo diidanaa in la socdo, oo hadda ogolaadey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka warbixiyey xaaladda HirShabelle, gaar ahaan tan ammaanka. Wasiir Khayre ayaa sheegay in dhowaan Jowhar ay marti-galineyso labo doorasho oo mid lagu soo dooranayo xildhibaanada labada aqal iyo tan maamulka HirShabelle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay u baahan yihiin ka maamul ahaan ciidamo dheeraad ah oo suga amniga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. “Jowhar waxa ay martigelineysaa labo doorasho oo mid kamid ah lagu soo doorashonayo Xildhibaannada & Senataraa BFS, tan kale waa doorashada Maamulka Hir-Shabeelle oo waqti ahaan kusoo beegantay xaaladdaan” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Khayre. Wasiirka amniga HirShabelle ayaa intaasi ku sii daray “Marka Magaalooyinka doorashada ay ka dhaceyso waxaa imaanaya bulsho ka badan kuwa kunool, waa loo baahan yahay in la kordhiyo ilaaliyaasha nabadgalyada, musharixiinta qudhooda waa culeys kale, waa in aad ilaalisaa dadka Magaalada, kuwa tagay iyo musharixiintaba” Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay laga deyrinayey amniga gudaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle oo siyaabo kala duwan loogu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkaasi. The post HirShabelle oo dalbatay ciidamo badan, ka hor doorashooyinka ka dhacaya Jowhar first appeared on Caasimada Online.
  21. Warbixin ay UNka u gudbisay khabiir dhanka xuquuqul insaanka ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dib u gurasho ka sameysay dhanka xuquuqda aadanaha. Isha Dyfa oo ah khabiir la magacaabay March ayaa sheegeysa in Soomaaliya dib u dhac ka sameysay ilaalinta xuquuda aadanaha ee dhanka dhaqaalaha, mid bulsho iyo xataa aqoon. Waxaa kale oo ay intaasi raacisay in dagaallada hubeysan iyo dhibaatada banii’adnimo ay sii darsaneen xilliga Covid 19 iyo faafidda ayaxa. “Waxaa jiray warar sheegaya weeraro loo geystay hey’adaha caafimaadka, hey’addii ilaalin lahaa sharciga oo dilal geystay, meel ka dhac xaqa xuriyadda hadalka ah iyo ra’yiga ah iyo kororka dhibaatada xagga jinsiga la xiriira iyo barakac qasab ah xilliga cururka”. Waxaa kale oo ay wax laga xumaado ku tilmaantay in aan inta badan la ciqaabin dadka kufsiga u geysta gabdhaha iyo wiilaha, taasi oo keeneysa in dhibanayaasha iyo qoysaskooda ay waddooyin kale isticmaalaan, taasi oo xaaladda uga soo darta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Goob lagu Shaaheeyo ayaa Xalay lagu tuuray Bombo gacmeed xili fiidkii ah Magaalada Kismaayo ee Caasimada Jubbaland. Xiliga weerarkii dhacayay waxaa goobta ku sugnaa Dad [...] The post Bombo galagu tuuray Goob lagu shaaheeyo Magaalada Kismaayo appeared first on . Source
  23. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah ee maamulka Jubbaland. Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu tuuray maqaaxi ku taalla xaafadda Kuba ee magaaladaasi, xilli ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah. Inta la xaqiijiyey illaa afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii sugnaa maqaayadda la weeraray. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay goobta tageen goor dambe, islamarkaana ay sameeyeen howlgallo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah. Maalmihii u dambeeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba. View the full article