Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The new Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble has left Mogadishu for Kuwait on Sunday, first foreign trip since he took office last week. Roble will condole with the gulf nation after the death of their Emir, Sheikh Sabah, who passed away at US hospital at the edge of 91. Somali premier is expected to meet with the new emir of Kuwait Sheikh Nawaf al-Ahmad al-Saba during his stay, according to a statement from his office. Roble replaced Khaire who was booted out by parliament through a motion of no confidence table following differences with Farmajo over the election model. View the full article
  2. The State of Qatar has renewed its support for brotherly Somalia and its continuation to provide the necessary support to contribute to building a state of institutions and the rule of law, which ensures that Somalis enjoy all their rights with respect for the sovereignty, independence, unity and territorial integrity of Somalia. The State of Qatar welcomed the Independent Expert on the Situation of Human Rights in Somalia Isha Dyfan’s acknowledgment of the progress made by the Somali authorities in extending the authority of the state by establishing governmental institutions and political processes, improving security, and demonstrating their commitment to human rights and social and economic development, as well as its willingness to conduct a constructive and cooperative dialogue with the United Nations human rights mechanisms and to submit periodic national reports to a number of these mechanisms. This came in the State of Qatar’s speech delivered by HE the State of Qatar’s Permanent Representative to the UN Office in Geneva Ambassador Ali bin Khalfan Al Mansouri, in an interactive dialogue with the Independent Expert on the Situation of Human Rights in Somalia, during the 45th session of the Human Rights Council. His Excellency said, in order to preserve the gains and achievements that have been made, and to enhance the ability to face challenges, foremost among which are security threats, terrorism, the spread of the Covid-19 pandemic, drought, floods and food insecurity, all Somali parties are called on to reject differences and strengthen efforts aimed at consolidating national reconciliation and moving forward with the political process. He also renewed the State of Qatar’s call to the international community to provide support and technical assistance to enhance capacity-building for Somali institutions concerned with human rights, in order to help them develop their capabilities and efforts to implement their national and international obligations, in addition to continuing to provide relief and development aid. HE the State of Qatar’s Permanent Representative to the UN Office in Geneva expressed thanks to the Independent Expert on the Situation of Human Rights in Somalia Isha Dyfan for her efforts and review of her report on the situation of human rights in Somalia and appreciated the conclusions and recommendations contained therein. View the full article
  3. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo arrived in Asmara, the capital of Eritrea on Sunday morning. The president and his delegation received a grand reception from his host President Isaias Afwerki at the Presidential palace. Farmajo is on a two-day working visit where he will also engage in bilateral talks to strengthen the ties between our brotherly nations. Somalia and Eritrea developed close ties since the reformist Abiy Ahmed assumed office as PM of Ethiopia early in 2018. View the full article
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka shirka afaraad ee xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay isbedellada haatan ka socda gobolka Geeska Afrika, waxuuna eedeymo u soo jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo baaq u diray beesha caalamka. Ugu horeyn Muuse Biixi ayaa sheegay in haatan dunida uu ka bilaawday hardan dhaqaale oo xoog leh, isagoo tusaale u soo qaatay loolanka adag ee ka dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, heshiiska Carabta iyo Israa’iil, heshiiska nabadeed ee Afganistan iyo Taliban. “Adduunyada dal kasta oo leh awood dhaqaale iyo mid ciidan, waxay ku tartamayaan mandiqadda aan ku noolnahay ee badda Cas, waxaana arkeynaa is bedellada xoogan ee ka socda gobolka,” ayuu yiri Muuse Biixi. Madaxaweynaha Somaliland ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa aqoonsiga ay calamka ka heysato ay ku soo qaaday dagaal diblumaasiyadeed. “In kastoo aanaa heysan dhaqaale buuran, hadana yeeli meyno in waxyeeleynta qarankeena dhaqaale loogu soo gambado,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Isagoo baaq u diraya beesha caalamka ayuu yiri, “Somaliland waxay si cad ugu sheegeysaa beesha caalamka oo dhan iyo cid kasta oo daneyneysa arrinta Soomaaliyeed, in aqoonsiga la siiyey qeyb ka mid ah dalkii bur-buray ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya uu noqday hub lagu bur-buriyo jiritaanka Somaliland.” Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in tajaabo lagu sameeyo qaranimadeeda, isagoo tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya aan hadda la barbar dhigi karin Somaliland, “Somaliland qaranimadeeda waa Bir-lah aan cidina taaban karin” ayuu yiri. Hoos ka Daawo The post Muuse Biixi oo shaaciyey 'weerar cusub oo ay kusoo qaaday' DF iyo waxa ay u adeegsaneyso first appeared on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa sheegtay iney xoojineyso taageeradeeda ku aadan Soomaaliya, balse ay markaan ka gacan siineyso dhismaha hay’ado lagama-marmaan ah. Wakiilka joogtada ah ee dowladda Qatar u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobe ee Geneva – Danjire Ali Bin Khalfan ayaa sheegay iney Soomaaliya ka taageerayaan dhismaha dowladnimada, hay’adaha iyo ku dhaqanka sharciga, kaas oo xaqiijinaya in Soomaalida helaan xuquuqdooda oo dhan. Dhinaca kale wakiilka wuxuu bogaadiyay khabiirka madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha Soomaaliya (Caa’isha Deyfaan) taas oo dadaal ku bixisay dib u eegista warbixinteeda ku saabsan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Sidoo kale danjiraha wuxuu ballan qaaday iney cusbooneysiinayaan baaqii dowladda Qatar ee ku aadanaa iney taageero dhaqaale iyo mid farsamo siiyaan Soomaaliya si kor loogu qaado kobcinta hay’adaha xuquuqda aadanaha. Ugu dambeyntiina Warbixin ka soo baxday golaha xuquul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa walaac looga muujiyey xaaladda Soomaaliya, iyadoo haatan dalku uu ku jiro marxalad loogu diyaar garoobayo doorashada. The post Maxey tahay taageerada cusub ee Qatar ay sheegtay inay siineyso DF Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-04102020.mp3 View the full article
  7. Turkey is developing an increasing variety of lethal armed drones, ranging from large, high-flying, bomb-laden ones to very small, low-flying UAVs that can form deadly swarms. Source: Hiiraan Online
  8. Baku (Caasimada Online) – Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay goor dambe oo Sabtidii ah in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz, ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah, xilli ay dagaal kula jiraan Armenia. Boqolaal qof ayaa isugu baxay caasimadda Azerbaijan ee Baki, ayaga oo dabaal degaya islamarkaana haatinaya calamayo iyo boorar ay ku qoran yihiin “Karabakh anaa leh, waana lahaan doonnaa abid.” Wararkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Azerbaijan ay qabsadeen toddoba magaalo oo kale oo yar yar oo ka tirsan gobolka Karabakh ee la isku haysto. Wasaaradda Difaaca Armenia ayaa dhankeeda waxay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ah ee Karabakh ay iska difaaceen weerar ballaaran oo ay ku qaadeen ciidamada Azerbaijan, iyadoo afhayeenad Shushan Stepanian ay tilmaamtay dagaalku uu sii xoogeystay ayna ciidamada Armenia soo rideen seddex diyaaradood oo Azerbaijan ah, sida ay sheegtay. Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay in wax diyaarado ah laga soo riday waxayna sheegtay in ciidamada Armenia ay duqeeyeen goobo rayidku deggan yihiin. Ciidamada gooni u goosadka ee gobolka Karabakh ayaa xaqiijiyey in dagaalka looga dilay 150 askari illaa iyo hadda, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in dhimashadooda ay gaareyso 270/ Azerbaijan ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qasaaraha militari, in kasta oo maamulka ay sheegeen in 19 qof oo rayid ah la dilay 55 kalena la dhaawacay. Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Armenia Artsrun Ovannisian ayaa sheegay goor danbe oo Sabtidii ah in 2,300 oo ka tirsan ciidamada Azerbaijan ah la dilay, oo ay ku jiraan ilaa 400 oo Jimcihii dhintay, hase yeeshe, waxaan la xaqiijin karin sheegashadan. The post Azerbaijan oo guulo ka gaartay dagaalka Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
  9. When she was promoted to Brigadier General and appointed Deputy Police Commissioner of the Somali Police Force in 2018, Zakia Hussein Ahmed was elated although she knew the task ahead was tough. She became the first female to achieve this milestone. Source: Hiiraan Online
  10. Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay inay dayacday lacagta shillinka Soomaaliga, oo xiligan si weyn looga isticmaalo deegaanada Puntland. Lacagaha shilinka Soomaaliga ayaa u muuqda kuwa adeegsigooda aad uga sii yaraanayo Muqdisho iyo gobollada Koonfurta, ahse yeeshee taas badalkeeda deegaanada Puntland aad ayaa looga isticmaalaa. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyada Puntland Cabdi Qowdhan, ayaa sheegay in maamulkoodu uu yahay midka keliya ee sida weyn u isticmaala lacagtaasi, isaga oo ku eedeeyey dowladda dhexe iney dhumineyso qiimaha lacagta Soomaaliga. Sidoo kale waxa uu xusay in deegaanada Puntland loo soo raray lacagaha xad dhaaf ah oo shillinka Soomaaliga, taasi oo uu sheegay inay keentay sicir bararka baahsan ee dhinaca sarifka isku bedelka lacagaha qalaad. Wuxuu si weyn ugu cambaareeyay dowladda federaalka inay qiimo tirtay lacagta shillinka ah, maadama ay canshuuraha ku qaado doollar, ayna mushaharka ku bixiso lacagtaasi qalaad. Deegaanada Puntland waxaa hadda ka jira sicir barar maadaama doolarkii uu sare u kacay, taasna waxey timid kadib markii lacago shillin soomaali badan ah la geeyay halkaas, wasiir ku xigeenka wuxuu dowladda ku eedeeyay iney dayacday lacagtii dalka. Cabdi Qawdhan wuxuu ka dhawaajiyay in dowladda ay xitaa mushaarka ciidamada ku bixiso lacago dollar ah, sidoo kalana ay canshuuraha ku qaadaan taasoo keentay in qofka uusan xil iska saarin heysashada lacagta Soomaaliga ah. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili bulshada ku nool Puntland ay cabasho xoogan ka muujisay sicir barar dhanka doollarka, isla markaana guddi gaar ah loo saaray xal u helida arrintaasi. The post Puntland oo eedeyn culus u jeedisay DF Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maanta ka furmay caasimadda Hargeysa. Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo muddo saddex maalmood ah socon doona, ayaa waxa kasoo xaadiray 1122 (Kun, Boqol iyo laba iyo labaatan) ergey oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay hormuud u yihiin madaxweynaha, ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee hoggaanka KULMIYE, guddoomiyaha golaha wakiillada iyo ku-xigeenkiisa oo kamid ah xisbiga, wufuud kala duwan oo ka kala socota dalalka Taiwan, Jabuuti iyo is maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno ka socday axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan. Ugu horrayn waxa uu shirweynuhu doortay Afar xubnood oo noqon doona shir-guddoonka shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, kuwaas oo shirka hagi doona muddada uu socdo, kuna dabbaqi doona ajandaha guud ee shirweynaha horyaalla, waxana ay xubnahaasi kala yihiin, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Mudane Cali Maxamed Cali (Cali Cali-yow), Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Faysal Cumar Madar. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE si rasmi ah u daah-furay, ayaa madasha ka jeediyey khudbad ballaadhan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas oo uu inteeda badan diiradda ku saaray guulihii kala dambeeyey uu xisbiga KULMIYE qaranka Somaliland gaadhsiiyey muddadii uu caynaanka hayey, isagoo caddeeyey in xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga ka dhashay ay muhiimad gaar ah siiyeen sinnaanta muwaadiniinta, ilaalinta qarannimada, ilaalinta iyo adkaynta shuruucda dalka, ilaalinta amniga, daryeelka shaqaalaha dawladda, dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta dawlad-wanaagga, kor u qaadista iyo tayeynta tacliinta iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen haweenka iyo bulshada nugulka ahi. Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa ku xusay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Aasaasihii xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku tilmaamay rug-caddaa siyaasi ah oo dalka iyo dadkaba in badan usoo shaqeeyey, bulshadiisana wax badan u dhiteeyey,isaga oo sidoo kalena u mahadnaqay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu ka tanaasulay Kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu hore ugu talo galay inuu u tartamo, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo tudhaale u ah bahweynta xisbiga iyo guud ahaanba Somaliland. Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa socon doona labada maalmood ee foodda inagu soo haya, waxana qorshuhu yahay in lagu soo doorto hoggaankii xisbiga hoggaamin lahaa muddo-xileedka soo socota, iyada oo sidoo kale lagu gorfayn doono arrimo muhiim ah oo ajandaha shirka kamid ah. Source
  12. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta amaro culus dul-dhigay xubnaha golaha wasiiradda xil-gaarsiinta ee xukuumaddii hore. Warqad ka soo baxday xafiiska Rooble ayaa golaha wasiirada lagu amray in go’aan kasta oo ay soo saarayaan inay la tashi kala sameeyaan isaga, ka hor inta aysan faafin. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  13. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho labo maalmood ah. Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya. War ka soo baxay Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay ka wada-hadlayaan hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka. Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wefdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal, sida ay shaacisay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo war ka soo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Ereteriya appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amaro cusub oo uu cadaadis hor leh ku saarayo wasiiradii xukuumaddii Kheyre ee xil-gaarsiinta ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta inaysan keligood go’aan gaarin karin, isla markaana ay tahay inay isaga lasoo wadaagan waxkasta, ka hor inta ay go’aamin. Sidoo kale wuxuu xubnahaasi faray inaysan soo saari karin qoraal uusan ogeyn, iyada oo uu ku waajibiyey in nuqul kamid ah qoraaladaasi ay soo ogeysiiyan Ra’iisal wasaaraha iyo sii-hayaha Ra’iisal wasaare kuxigeenka. Wuxuuna xusay Ra’iisal wasaaruhu inuusan marnaba aqbali doonin tallaabo kasta oo ka hor imaneysa awaamiirtan cusub ee uu soo saaray. “Xukuumadda jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxa aasaas u ah ku dhaqanka dastuurka, xeer hoosaadka golaha wasiirada, shuruucda iyo xeerarka u yaalla jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxa ayna ku shaqaynaysaa daah-furnaan, isla xisaabtan iyo dowlad wanaag” ayuu ku yiri waraaqda uu soo saaray Rooble. Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintan ayuu Rooble uga hortagaya in mudada uu soo dhisayo xukuumad cusub ay dhacdo magacaabis iyo isbedelo ka dhaca wasaaradaha ay gacanta ku hayaan wasiirada xukuumaddii hore. Waxaana xusid mudan in go’aanka ra’iisal wasaaraha uu ogyahay oo ay ka wada socdaan madaxweynaha Soomaaliya oo isagu dagaal dadban la galay ra’iisal wasaarihii hore iyo xukuumadiisi. Ugu dambeyntiina wuxuu faray xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta inay muujiyaan waxqabad ay mas’uuliyad ku dheehan tahay, isla markaana looga baaqsanayo dayac ku yimaada waajib gudashadii iyo waxqabadkii xukuumada, ka hor inta uusan soo dhisin xukuumaddiisa cusub. Hoos ka aqriso amarada culus ee Ra’iisal waasaruhu faray xukuumadda xil-gaarsiinta: 1. In la dhowro hab-raacyada inoo yaalla oo ay tahay lagama maar-maan in loo maro sida ay tilmaamayaan qawaacidda iyo arkaanta loo dejiyey howlaha xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta. 2. In marka hore Ra’iisal wasaaraha lagala tashado go’aan kasta oo ay gaarayaan ama qoraal kasta oo ay soo saarayaan xubnaha golaha wasiiradda ee xil-gaarsiinta. 3. La-tashiga Ra’iisal wasaaraha kadib, qoraal kasta oo ka baxaya xubnaha golaha wasiirada ee xil-gaarsiinta, waa in nuqul ogeysiin ah la soo siiya Ra’iisal wasaaraha iyo sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka. 4. Lama aqbali doono tallaaba kasta oo ka hor imaneysa tilmaamaha kor ku xusan. The post Rooble oo amar culus oo 4 ah qodob dul dhigay wasiirada xukuumaddii R/W Kheyre first appeared on Caasimada Online.
  15. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Kuwait isaga oo lagu wado inuu halkaasi u tago tacsida amiirkii Kuwair Sheekh Sabaax Al Axmed. Madax ay ka mid yihiin Sisiga Masar, Heysam Bin Dhaariqa Cammaan, Boqon Caballaha Urdun, Burham Saalax madaxweynaha Ciraaq iyo madax kale ayaa tagay si ay uga tacsiyeeyaan. Al Axmed ayaa waxaa uu ku geeriyooday Mareykanka talaadadii tagtay halkaas oo lagu daaweynayey ilaa June-tii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Guddiga Golaha Wakiillada Dawladda Puntland u xil-saareen in ay ka soo talo-bixiyaan soona lafa guraan cabashooyinkii ay Golaha Wakiillada u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Hay’adahaas. Guddiga ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Madaxda Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL si ay xog-dheeraad ah uga helaan Cabashooyinkooda oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo. Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay la xiriira shaqadaha hay’adahaas iyo jiritaan cabashooyinka ay u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada. Guddiga ayaa warbixintooda dib-ugu celin doona fadhiga 5-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddi Baarlaman oo su’aalo weydiiyay mas’uuliyiinta hay’ado cabashooyin soo gudbiyay appeared first on Puntland Post.
  17. Asmara (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay ujeedka safarka aan horey loo shaacin ee maanta uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas, Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Ereteriya. Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Afwerki ay ka wada-hadlayaan hanaanka kor loogu sii qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha iyo bulsho ee labada dhinac, si loo sii amba-qaado qorsheyaasha ku qotoma isku xirnanta bulshada, ganacsiga iyo maalgashiga. “Afwerki ayaa sidoo kale sheegay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wada-jirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku.” Booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa ee dalkaasi ayaa qaadan doonto labo maalmood, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya. Safarkan ayaa imanaya xili uu shalay Farmaajo kasoo ambo-baxay dalka, isagoona gaaray magaalada Jubba ee caasimada dalka Suudaanta Koonfureed, oo uga qeyb-galay munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan. Hoos ka daawo sawirrada safarka madaxweynaha The post Villa Somalia oo war kasoo saartay ujeedka SAFARKA Farmaajo ee Eritrea + Sawiro first appeared on Caasimada Online.
  18. Isha Dyfan oo katirsan Baarayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay u hoggaansamidda xeerarka xuquuqul insaanka Soomaaliya, waqi dalka ay kusoo wajahan tahay doorashada 20/21. Waxa ay sheegtay in khubaro madax bannaan ay la wadaageen xaaladda xuquuqda aadanaha oo aan gaarsiiseen darjo sare oo ah meesha loo baahan yahay in la geeyo heerka xuquuqul insaanka Soomaaliya. Isha Dyfan ayaa xilkaan loo magacaabay Bishii Maarso, kadib markii dunida uu isaga kala gudbay xannuunka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay nolosha iyo shaqada dad kala duwan, maadaama isu socodkooda la xayiray. Waxa ay indha-indheyn ku waday xaaladda bani aadamnimo ee Soomaaliya, iyada oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada si ay uga xog-dhageysato heerka xuquuqul Insaanka Dalka uu gaarsiisan yahay. “Waxaa jiray Weeraro ka dhan ah xarun daryeel caafimaad iyo shaqaale samafal, isticmaalka awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen Hay’adda sharci fulinta, taas oo sababtay dhimashada dadka rayid ah, xadgudubyada xuquuqda xorriyada hadalka, aragtida, kororka rabshadaha Jinsiga iyo dhibaatooyin kale” sidaasi ayay ku sheegtay Warbixinta Isha Dyfan ay kasoo saartay Xaaladda bani aadamnimo ee Soomaaliya. Dyfan ayaa sheegtay in ay joogto noqdeen tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo Gabdhaha, taasina ay sii murjisay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya, iyada oo tusaale usoo qaadatay dhibaatooyinka kufsiga la xiriira. Abyan Maxamed Saalax, safiirka Soomaaliya u qaabilsan Switzerland iyo Austria ayaa gaashaanka ku dhufatay eedeyntaas, waxaana ay xustay in waddanka uusan ammaan iyo amni heli karin iyada oo aan la ilaalin xuquuqda aadanaha. View the full article
  19. Expire Food that WFP ship to Somalia, bound for Mogadishu & Berbera ports According to sources, a cargo ship carrying several thousand metric tons of food aid, which was out of date but destined by WFP for distribution to needy areas in Somalia, has recently departed from the port of Mombasa. Kenya. According to our sources, the ship is bound for the ports of Mogadishu and Bossaso, although other reports suggest that it will end up in Berbera. WFP food aid has been found to be destined for WFP to assist up to 30,000 Somalis scattered in internally displaced persons (IDPs) who are facing acute malnutrition and malnutrition. The ship was previously sent to several African countries facing food shortages, but they refused to disembark after learning that the food was overcooked and dangerous. broad health. The food, which has been in crisis for a long time, was eventually recommended by WFP officials to be sent to Somalia, as there was no objection and there were no import quality control agencies. On the other hand, media reports add that the WPF Food Ship is on board a medical team that specializes in spraying expired food so that it does not become infested with pests and weeds during the food shipment, as it happened, which meant that every day. Partially sprayed food Conclusion As far as the media is aware, WFP is planning to deploy expired food on board the ship bound for Somalia in areas without food quality inspection agencies. This is not the first time that expired food has been sent to Somalia as there have been no effective government agencies in the country for a long time to monitor the quality of food imports. Qaran News
  20. Ra’iisal-Wasaaraha Cusub ee Dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray dalka Kuwait. Ujeedada safarka ra’iisalwasaaraha ee dalka Kuwait ayaa ah ka qaybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah Al- Axmed Al- Sabaah oo ku geeriyooday dalka Mareynkanka 29-kii Bishii September ee sanadkaan. Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku sii sagootiyay Ra’iisal wasaaraha Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood. Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto,waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carabta iyo Islaamka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  21. Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Ceelasha Biyaha, Mudane Muxyadiin Cabdi Faarax oo la hadlay Shabelle ayaa beeniyey in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay isaga soo baxeen deegaanada Ceelasha Biyaha, Carbiska iyo Calamada ee gobolka Sh/Hoose. Muxyadiin Cabdi Faarax ayaa sheegay in isagu uu kormeer ku tegay deegaanadaasi, islamarkaana ay yihiin wararka lagu baahiyey baraha bulshada kuwa been abuur ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaanadaasi ka wadaan howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa u digay dad uu sheegay inay faafinayaan warar liddi ku ah amniga. View the full article
  22. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay ganacsatada deegaanada maamulkaasi ayaa kala hadlay saameynta ka dhalatay sare u kaca ku yimid sarrifka lacaga Dollarka iyo hoos u dhac laga dareemayo lacagta Shilinka Soomaaliga ah. Kulankan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo yaren lahaa sicir bararka ku yimid sarrifka lacagahaasi ee suuqyada Puntland. Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayaa ganacsatada ku boorrisay inay laba jibaaraan shaqadooda, islamarkaana ay u taraan dadkooda, gaar ahaan kuwa liita. Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Cabdi Qowdhan ayaa ka hadlay waxa keenay sicir bararka baahsan ee dhinaca sarrifka Dollarka, wuxuuna sababta ku sheegay in deegaanada maamulkaasi loo soo raray lacagaha Shilinka Soomaaliga ah, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu ku eedeeyey dowladda dhexe inay dayacday lacagta Shilinka Somaaliga, islmarkaana ay Canshuurta ku qaado Dollar sidoo kalena shaqaalaheeda iyo ciidamada ku siiso mushaaraadka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay shacabka ku dhaqan deegaanada maamul goboleedka Puntland ay ka cabanayeen sare u kac ku yimid sarrifka lacagaha Dollarka, waxaana Puntland arrintaasi u xil-saartay guddi gaar ah oo wax ka qabanayo xaaladda sicir bararka iyo sidoo kale cabashada ka soo yeereysa dadweynaha. View the full article
  23. Sacuudiga oo shaaciyey xilliga ay Xujaajta ajinabiga ah imaan karaan cumrada Masaajidka barakaysan ee Xaramka Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniinteeda iyo kuwa ajaanibta ahba u ogolaaneyso iney gutaan cumrada sannadkan markii ugu horreeysay tan iyo markii uu bilowday fayraska corona. Boqolaal qof oo muwaadiniinta Sacuudiga ah ayaa lagu soo dhaweeyay misaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u gutaan ka dib toddobo bilood oo loo joojiyay sababo la xiriira fayraska corona. Wajiga koobaad ilaa lix kun oo qof ayaa loo ogolaan doonaa iney acmaashooda ku gutaan misaajidka weyn ee Maka, waxaana marba marka ka sii dambeysa la kordhin doonaa tiradaasi ilaa iyo inta uu misaajidka ka buuxsamayo. Dadka cumreysanayo ayaa waxaa laga doonayaa iney xirtaan maaskarada wajiga isla markaanaa ilaaliyaan kala fogaanshaga bulshada. Dhanka kale misaajidka ayaa waxaa maalintiiba la nadiifin doonaa ilaa toban goor. Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa in xujeyda ajaanibta ee ugu horreysa loo ogolaan doono bilowga bisha nofeembar ee sannadkan. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sannadkan ka mamnuucday dadka debedda ah in ay soo xajiyaan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona. Kaliya tiro aad u kooban oo ku nool boqortooyada ayaa gutay waajibaadka xajka, sida markii horeba lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda. Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa haddii kale booqan lahaa Maka iyo Madiina si ay uga u soo xajiyaan waajibadka sannadlaha ah ee diinta Islaamka. Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo. Waqtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah waqtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka. Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeyba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaaday inay soo xajiyaan. Dad kala fog fog oo ku sugan xajka bishii April Waa maxay Xajku? Xajka gudashadiisu waa ugu yaraan hal mar waana mid ka mid ah Shanta tiir ee Shareecada Islaamka – shantaas waajib oo ah ah in qofkasta oo muslim ah, oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay isla mar ahaantyaana awoodi kara, ay tahay inuu falo si uu ugu noolaado nolol wanaagsan, sida ay qabto diinta Islaamka. Xajka ayaa loo aadaa magaalada Makka si ay dadku u hor istaagaan dhismaha loo yaqaan Kabcada, iyagoo falaya cibaadooyin loogu talo galay oo ay ka mid tahay in la ducaysto. Qaran News