Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax noociisa lagu sheegay miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa caawa lala beegsaday gaariga Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo marayey wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyey laba qof ayey dhawacyo ka soo gaareen qaraxaas, waxuuna burbur xoog leh soo gaaray gaariga Digtoorka, illaa hadana ma cadda in goorta la qarxiyey gaariga uu la socday Prof. Dufle, balse waxaa la xaqiijiyey inuu bad-qabo.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan ka dheereyn taallada Sayidka oo ay Bar Conrtol ku leeyihiin ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa haatan ah Senator ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale qaraxyo loola beegsaday Dr. Dufle, balse wax kuma noqon.
Al-Shabaab ayaa inta badan Muqdisho ka fuliya qaraxyada noocaan oo kale ah, waxayna la beegsadaan gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay la socdaan, waxaase xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro shacabka.
Habeen ka hor ayaa isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho qarax noocaan oo kale ah lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax, waxaana looga dhaawacay laba askari.
Joe Biden ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray madaxtinimada Maraykanka oo waxa uu kaga adkaaday Donald Trump tirinta codadkii la dhiibtay Salaasadii.
Wararka ayaa sheegaya in Biden ku guulaystay gobolka loolanka adagi ka taagnaa ee Pennsylvania, waxaanay taasi u sahlaysaa inuu helo in ka badan 270-ka cod ee ergada gole-doorasho ee uu u baahan yahay si uu u hanto kursiga Aqalka Cad.
Ololaha Trump ayaa sheegay in musharaxooda aanay u qorshaysnayn inuu aqbalo in laga badiyey.
Natiijada ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee muddo xileed keli ah dalka xukuma tan iyo sagaashanaadkii.
Guusha Biden waxay ku salaysan tahay natiijo aan rasmi ahany oo ka soo baxday gobolada ilaa haatan dhamaystiray tirinta codadka iyo natiijada la filayo in ay ka soo bixi doonto gobollada sida Wisconsin ee tirintu ka socoto.
Doorashadani waxay ahayd tii ay codbixiyeyaashii ugu tirada badnaa tan iyo sannadkii 1900 u soo dareereen. Biden ayaa ku guulaystay in ka badan 73 milyan oo cod ilaa haatan, taas oo ka dhigan inuu yahay musharaxii madaxweyne ee taariikhda Maraykanka ugu codka badnaa. Trump ayaa isagu helay qiyaastii 70 milyan oo cod, sidaana wuxuu ku gelyaa kaalinta labaad.
Joe Biden ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray madaxtinimada Maraykanka oo waxa uu kaga adkaaday Donald Trump tirinta codadkii la dhiibtay Salaasadii.
BBC-da ayaa odoroskeedu yahay in Biden ku guulaystay gobolka loolanka adagi ka taagnaa ee Pennsylvania, waxaanay taasi u sahlaysaa inuu helo in ka badan 270-ka cod ee ergada gole-doorasho ee uu u baahan yahay si uu u hanto kursiga Aqalka Cad.
Ololaha Trump ayaa sheegay in musharaxooda aanay u qorshaysnayn inuu aqbalo in laga badiyey.
Natiijada ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee muddo xileed keli ah dalka xukuma tan iyo sagaashanaadkii.
Odoroska BBC ee guusha Biden waxay ku salaysan tahay natiijo aan rasmi ahany oo ka soo baxday gobolada ilaa haatan dhamaystiray tirinta codadka iyo natiijada la filayo in ay ka soo bixi doonto gobollada sida Wisconsin ee tirintu ka socoto.
Doorashadani waxay ahayd tii ay codbixiyeyaashii ugu tirada badnaa tan iyo sannadkii 1900 u soo dareereen. Biden ayaa ku guulaystay in ka badan 73 milyan oo cod ilaa haatan, taas oo ka dhigan inuu yahay musharaxii madaxweyne ee taariikhda Maraykanka ugu codka badnaa. Trump ayaa isagu helay qiyaastii 70 milyan oo cod, sidaana wuxuu ku gelyaa kaalinta labaad.
Madaxweyne Trump ayaa isaga oo aan caddayn hayn isku sheegay inuu isagu yahay ninka ku guulaystay doorashada iyada oo aan weli xataa la dhamaystirin tirinta codadka. Waxa kale oo uu sheegay eedo ah musuq ka dhacay tiritina codadka, laakiin wax caddaynaya eedaas ah in musuq dhacay muu soo ban dhigin.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey qaraxyo u badan nooca miinada, waxaana ugu dambeeyey midkii uu ka badbaaday wasiirka cusub ee shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya.
Muqdisho (Caasimada Online) – Joe Biden ayaa loo doortay madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka kadib afar maalmood markii shacabka Mareykanka ay u dareereen goobaha cod-bixinta.
Guusha Biden ayaa lagu dhawaaqay kadib markii uu ku guuleystay gobolka muhiimka ee Pennsylvania oo tirinta codadkiisa ay socotay afar maalmood.
Joe Biden ayaa guusha Pennsylvania waxay siisay 273 oo ah codadka Electoral College, isaga oo u baahnaa 270. Waxaan weli harsan gobollo kale oo codadkooda la tirinayo, taasi oo codadkiisa sii kordhin karta.
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in qarax caawa uu ka dhacay agagaarka maqaayad kasoo horjeedda hotelka Dayax oo u dhow Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhashay miino lasoo geliyey bac madow oo la dhigay dibedda maqaayadda, taasi oo qaraxday waxaana ku dhaawacmay hal qof.
Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka laga lahaa qaraxa, iyo haddii ay jirto cid loola dan lahaa intaba. Naga filo faah-faahin ku saabsan qaraxa dhowaan Insha Allah.
NAIROBI, Kenya — Ethiopia moved Saturday to replace the leadership of the country’s defiant northern Tigray region, where deadly clashes between regional and federal government forces are fueling fears the major African power is sliding into civil war. Tigray's leader told the African Union that the federal government was planning a "full-fledged military offensive."
WASHINGTON (AP) — Democrat Joe Biden defeated President Donald Trump to become the 46th president of the United States on Saturday, positioning himself to lead a nation gripped by historic pandemic and a confluence of economic and social turmoil.
Joe Biden will become the 46th president of the United States, CNN projects, after a victory in the state where he was born put him over the 270 electoral votes needed to win.
Philadelphia (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku hogaaminaya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump codadka la tirinayo ee gobolka Pennsylvania, isagoo haatan ku hoggaaminaya ilaa 29,000 oo cod, waxaana la filayaa in farqigaas uu koro ka dib marka codadka haray la tiriyo.
Qaadashada gobolkan muhiimka ah ayaa Biden u suurtagelin karta gaarista tirada loo baahan yahay ee 270 codadka ergada doorashada si uu ugu guuleysto madaxweynenimada.
Biden ayaa sidoo kale ku horreeya gobolka Georgia wax ka badan 7,000 cod, wuxuuna hogaaminayaa gobollada Arizona iyo Nevada, inkasta oo tartamadaas aan wali lagu dhawaaqin musharraxa ku guuleystay.
Isaga oo habeenkii xalay ee Jimcaha la hadlayay taageerayaashiisa, xilli ay jireen warar la isla dhexmarayo oo ah in loo saadaalinayo in uu ku guuleysan doono Pennsylvania, Biden ayaa ku sigtay sheegashada guusha.
“Wali ma hayno cadeyntii ugu dambeysay ee guusha, laakiin tirooyinka ayaa noo sheegaya sheeko cad, oo qanaaca leh. Waan ku guuleysaneynaa tartankan,” ayuu yiri Biden.
Haddii Biden uu qaato Pennsylvania, hogaamintiisa ergooyinka doorashada ayaa noqoneysa 273 cod marka loo eego wadarta guud ee ergada doorashada ee Trump oo hadda ah 214.
Nidaamkan doorasho ee Mareykanka, codka shacabka ayaa loo adeegsadaa in lagu go’aamiyo kuwa rasmiga ah ee ergada doorashada ee gobol kasta, kuwaasi oo loo qoondeeyay iyadoo lagu saleynayo tirada dadka gobolka ku nool.
Haddii Biden uu ku guuleysto gobolka Pennsylvania, waxa ay taasi sidoo kale Madaxweyne Trump ka xannibi doontaa waddada guusha.
Trump ayaa hogaaminaya tirinta codadka ee gobollada North Carolina iyo Alaska. Isaga oo aan ku guuleysan Pennsylvania, Trump ma dhaafi karo hogaaminta Biden xitaa hadii uu ku guuleysto dhamaan gobollada kale ee aan wali ku dhawaaqin musharraxa guuleystay.
Biden ayaa Trump ka horreeya 4 milyan oo ah codadka doorashada ee heer qaran. Biden ayaa haysta in ka badan 74 milyan oo cod halka Trump uu helay 69 milyan, iyadoo in ka badan 150 milyan oo qof ay codkooda dhiibteen taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee abid doorasho ka dhacda Mareykanka.
Murannada Sharciga
Trump oo qoraal Jimcihii soo dhigay Twitter ayaa uga digay Biden in uu guul hordhac ah sheegto.
“Joe Biden ma ahan in uu si qalad ah u sheegto xafiiska Madaxweynaha. Waan sameyn karaa sheegashadaas oo kale. Dacwado dhanka sharciga ayaa hadda bilowday!” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa Tweeter-ka.
Ololaha Trump ayaa dood ka keenay tirinta codadka ee dhowr gobol, isagoo bayaan uu soo saaray Jimcihii ku yiri, “doorashadani ma dhamaan.”
Guddiga ololaha ayaa sheegay in madaxweynaha uu ugu danbeyn ku guuleysan doono natiijada ka soo baxda dib-u-tirinta codadka ee gobollada sida weyn la isugu dhowyahay iyo dacwadaha dhanka sharciga ah ee salka ku haya eedeymaha aan caddaynta loo hayn ee musuqmaasuqa codbixinta iyo khaladaad.
Xoghayaha gobolka Georgia Brad Raffensperger ayaa sheegay Jimcihii in dib loo tirin doono codadka gobolkaasi sababtoo ah hogaaminta Biden ayaa ka yar 0.5% ee codadka la dhiibtay.
Ololaha Trump ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo tiriyo codadka gobolka Wisconsin, halkaas oo Biden uu ku guuleysanayo in ka badan 20,000 oo cod.
Duqeyn iyo dagaal adag oo u dhaxeeya ciidamada federaalka ah iyo kuwa Tigray-ga ayaa iminka ka socda waqooyiga Itoobiya, arrintan oo cabsi badan gelisay dalalka gobolka ayna baaqyo xabad joojin ah ka soo saareen beesha caalamka.
Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo hadlayey ayaa sheegay iney duqeeyeen goobo ay Tigraygu madaafiic ku keydsanaayeen, arrintan oo jawaab u aheyd tallaabo ay ciidamada Tigrayga arbacadii kula wareegeen xarun militari oo ay laheyd dowladda federaalka ah, hubna kala baxeen.
Saraakiisha Tigray-ga waxaa ay dagaalkaasi kadib go’aansadeen iney xiraan hawada sare, isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxay kale oo sheegeen in ciidamo ka tirsan waqooyiga Itoobiya ay ka soo goosteen federaalka ah, kuna biireen Tigray-ga iyaga oo u hiilinaya shacabkooda.
Bilihii ugu dambeeyey waxaa socday isjiijiid u dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Itoobiya iyo Tigrayga. Haddaba Goobjoog News ayaa dib u raacday, waxa keenay iney isku dhacaan labada dhinac.
Halkan Hoose Ka Akhriso 9 Qodob oo Tigray-gu Diidan Yihiin:
1. Federaalka oo Maamul Cusub u Dhisay Dadka Tigray-ga: Dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed marka laga soo tago iney weerartay gobolka Tigray-ga waxaa ay sidoo kale maanta oo sabti ah sheegtay iney maamul cusub u dhisayaan gobolkaasi, iyada uu ansixiyey baarlamaanka, lana sugayo magacaabista maamul cusub saacadaha soo socda.
2. Abiy Axmed oo Ay u Hesytaan Federaal Diid: Gobolka Tigray-ga waxaa uu diidan yahay hadafka Abiy Axmed ee dalka uu rabo inuu ka hirgeliyo nidaam dowlad dhexe oo xoog leh isaga oo laalaya nidaamka federaalka ah.
3. Tigraygu Ma Ogola Isu soo Dhowaanshiyaha Abiy iyo Afwerki: Gobolka Tigray-ga, waxaa kale oo ay diideen heshiiska uu Abiy Axmed la galay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki iyo dhulka uu ku wareejiyey heshiiska kadib.
4. Sidee Loo Baabi’in Karaa EPRDF? Tigeryga waxaa ay iska diideen ka mid noqoshada xisbiga cusub Prosperity Party kaas oo uu Abiy Axmed dhisay kadib markii uu baa’biyey EPRDF oo ahaa isbaheysi taariikhi ah oo soo jiray ilaa 1988, madaxda uu ka ahaa wiilkooda Meles Zenawi 1991-2012. Mar haddii Tigraygu yihiin 6% dadka Itoobiya waxaa gashay cabsi, waana iska diideen in laga guuro EPRDF.
5. Muranka Lacagta Cusub ee Birrta: Abiy Axmed isaga oo sheegaya inuu la dagaalayo musuqa ayuu qarash gareeyey $101.2 million si uu u sameeyo lacag cusub, ujeedka waxaa uu ahaa inuu meel saaro maalqabeenka Tigrayga, arrintaas oo ay sidoo kale xummaan u arkeen.
6. Abiy Waqtigiisu Waa Dhacay, Doorashana Ma Rabo: Abiy Axmed waxaa uu waqtigiisu ku ekaa October 2020, waxaa uu dhowr jeer dib u dhigay doorashooyinkii dalka ka dhici lahaa isaga oo ku marmarsiyoonaya Covid 19, waxaa kale oo uu diiday inuu dhiso dowlad wadaag, waxaa uuna doonayaa inuu sii joogo doorasho la’aan sanado kale, arrintan waxaa aad uga horyimid Tigrayga.
7. Doorashada Deegaanka Tigreyga: Itoobiya waxaa uu doorashada Tigraygu qabsadeen September u arkeen mid sharci darro halka iyaguna ay difaacdeen xuquuqdooda dastuuriga ah.
8. Qarashkii Laga Jaray: Doorashada Tigrayga ee September kadib, dowladda federaalka ah waxaa ay qarashkii ka jartay maamulkaasi iyada oo ciqaab uga dhigeysa tallaabada uu gobolku qaaday.
9. Goonni Isutaagga Tigrayga: TPLF hoggaamiyeheeda Debretsion Gebremichael waxaa uu August sheegay in anaey ka gorgortameyn gooni isu taag uu xaq u siinayo dastuurka dalkaasi, arrintan oo federaalka ah u arkaan caasinnimo iyo mid horseedi karta kala tag.
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Baanadir ayaa billaabay in ay Iskuulada ka ceyriyaan tobaneeyo kamid ah Ardayda Class-ka 4-aad ee Dugsiga sare kadib markii la sheegay in ay ku dhaceen Imtixaanka tijaabada ah ee Bilaha ah, kaas oo lagu tijaabiyo heerka aqoonta ardayga cashiradii ugu dambeeyay.
Imtixaanka Bilaha ah oo todobaadyo ka hor soo dhamaaday ayaa la sheegay in dhamaan Ardayda dhacday islamarkaana dhigta Iskuulada dowladda ee dhowaan lagu wareejiyay dowladda Hoose ee Xamar la eryay, halka kuwa natiijada hoose ku baasayna loo sheegay waalidiintooda si bisha dambe is-badal wanaagsan la yimaadaan.
Sidoo kale Imtixaanka Bilaha ah ee dhowaan qabsoomay ayaa tijaabo u ahaa heerka fahamka ardayga ee Manhajka cusub ee dowladda oo sanad dusgiyadeedkan si rasmi ah u bilaawday.
Arrintaan ayaa dowladda kaga golleedahay sida la tilmaamay in ay yareyso ardayda ku dhaceysa imtixaanka shahaadiga ah maadaama sanadkii lasoo dhaafay Arday farabadan ay ku hoobteen imtixaankii la qaaday, kuwaas oo u badnaa arday reer Muqdisho ah, taasi oo ka careysiisay shacabka.
Sidoo kale maamulka gobalka Banaadir ayaa la sheegay in ay diyaarinayaan arday aqoon leh oo ka bixi karta Imtxiaanka Qaranka islamarkaana ardayda ku harta Imtixaanka Bilaha ah laga reebi doono Imtixaanka Guud ee Qaranka, si aysan ceeb kale ugu soo hoyan gobolka.
Arintaan ayaa aad loo hadal haayaa goobaha Waxbarashada, waxaana la sheegay in ay hadda socoto doodo arrintaan ku saabsan oo ay waalidiintu ku codsnayaan in markaan loo fasaxo si ay ugu cadaadiyaan in bisha dambe aysan dhicin.
Wafdi uu hogaaaminayo wasiirka Dastuurka dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay, wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soodhaweyay, Wasiiro, Xildhibaano Ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS, qaar ka mid ah Agaasimiyasha Wasaaradaha , iyo Mas’uuliyiin kale.
Muumino Shiikh Cumar oo ah gudoomiye ku xigeenka Guddiga Madax Bannaan ee Dastuurka oo qeyb ka ahayd wafdiga wasiirka ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey caasimadda KMG ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed.
Wasiirka Dastuurka DFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro geedi socodka qabya-tirka Dastuurka, magaaladana ay ku qaban doonaan wadatashiyo la xiriira hawlaha dhammaystirka Dastuurka dalka.
Wafdiga ayaa la kulmi doona madaxda dawlad goboleedka Koofur Galbeed iyo bulshada si ay talooyin ugu biiriyaan geedi socodka dhammaystirka Dastuurka oo sanooyin soo socday.
MAXAA AY SAAMEYN KU YEELAN KARAAN DAGAALKA TIGRAY IYO DAWLADA ETHIOPIA GOBOLKA GEESKA AFRICA IYO GUUD AHAAN QAARADA AFRICA ?
Gobolka Geeska Africa waa mid ay daashadeen colaado iyo dagaalo ilaa taariikhda inta la garanayoba , dagaaladaasi oo ahaa qaar diimeed , qaar qoomiyado , qaar dhul iyo waliba qaar nidaamyadii dawladeed ee ka jiray dalalka gobolka guud ahaan qaarkood lagaga soo horjeeday kuwaasi oo sababay in uu Geeska Africa noqdo gobol ka dib dhacsan gobolada kale ee Africa .
Gobolkani waxa uu ka mid yahay gobolada ay dadka ugu badani ka haajiraan ama ka tahriibaan iyaga oo raadinaya nolol iyo in ay wax u kordhaan oo ay helaan aqoon , shaqooyin , iyo mustaqbal wanaagsan , dalka ugu badan ee dadku haajiraan waa dalka ugu dadka badan ee Ethiopia.
Haddaba gobolkani maadaama uu yahay gobol ka mid ah gobolada aduunka ugu khayraadka iyo dhaqaalaha badan hadii tacab la galiyo isla markaana loo helo dadkiisa aragti ku jiheysa in ay wado cusub helaan oo abuurta midnimada iyo iskaashiga qoomiyadaha iyo qabiilooyinka kuwada nool gobolkani, waxa la gaadhi lahaa horumar weyn iyo in guud ahaan gobolkani noqdo mid ka badqaba cudurada binu adamka u cadowga ah ee saboolnimada , dagaalada iyo wax walba oo nolosha binu adamka dib u dhiga.
Hadii ay maanta dagaalo dib uga cusboonaadaan waxa ay noqonaysaa uun in dib u dhac iyo burbur umadeed laga dhaxlo , siyaasada iyo caqliyada ah is muquuninta ee marba qoomiyad ama qolo kursi haysataa inta kale ku taagsato dhaxalkeedu waa dagaalo aan dhamaan oo riiqdoodu dheeraato iyo kala aargoosasho aan soo kordhinayn wax macno ah.
Waxa taariikh iyo dhaxal umadeed ka tagi kara hogaamiyaha dadkiisa uga taga nidaam wanaagsan oo ay ku kala badbaadaan isla markaana noqda mid mustaqbalka dambe dhala horumar iyo jid wanaagsan oo lagu xasuusto.
Waxa aan aaminsanahay in aanu dagaal xal ahayn , sidaasi oo kale aanu gobolkan wax wanaag ah oo uu soo wadaa jirin , ee loo baahan yahay in garashada laga shaqeysiiyo oo aanu qarniga 21naad noqon sidii qarniyadii hore gobolkani ahaa , dagaaladuna waxa ay ka tagaan uun colaado ay ku beeraan da’yarta iyo jiilasha dambe ee umada .
Ethiopia waa dal fac weyn oo guun ah marka loo eego Africa inteeda kale , waa dal ay ku nool yihiin qoomiyado kala duwani , dhibta iyo dagaalada ka dhaca Ethiopia waa qaar sameynaya guud ahaan Gobolka Geeska Africa una baahan in laga fiirsado .
Dalwalba isaga oo u xor ah gudaha dalkiisa iyo sida uu u arko wanaaga iyo xasiloonida uu leeyahay in ay ku jirto ayaa hadana waxa jirta saameyn uu ku yeelanayo guud ahaan mandaqada uu dalkaasi ku yaallo, taasi oo u baahan in inta aan nabadu faraha ka bixin la raadiyo xal lagaga gudbi karo caqabadaha jira.
Dhibta Ethiopia ka jirta ama Somalia ka jirta ama dal kale oo Gobolka Geeska Africa ah ka jirtaa kama maqna dalalka kale ee Gobolka, sababta oo ah waxa ay noqonaysaa mid si uun u sameysa , waxaana ka mid ah ;
1- In ay nabadgalyo ahaan u saameyso dalalka kale ee Gobolka oo xaaladaasi oo ay heegan ka galaan dagaalka ku soo kordhay dalka ay jaarka yihiin.
2- In ay dhaqaale ahaan u saameyso oo uu joogsado dhaq-dhaqaaqii nololeed , isu socodkii iyo ganacsiyadii ka dhaxayn jiray laba dal ama sadex dal , dagaalka Tigray iyo Xukuumada Ethiopia ka dhexeeya waxa uu xidhayaa ama khatar ku yahay dhaq-dhaqaaqii isu socod , ganacsi ee dalalka Ethiopia iyo Erateria.
3- In uu saameyn ugu yeesho culeysyo qaxooti iyo dad ka soo barakacay dagaalada oo yimaada dawladaha kale ee Gobolka Geeska Africa si ay nolol, deganaansho iyo xasilooni usoo bidaan.
Qodobadani iyo qaar badan oo kale ayaa ka Iman kara xaaladaha dagaalka dawlada Ethiopia iyo Tigray, marwalbana waxa wanaagsanayd in xal siyaasadeed iyo wadahadal lagu dayo oo aanay colaaduhu sii hurin.
Trump wiilashiisa oo Jamhuuriga ku cambaareeyey in ay aabahood hagradeen
Trump Jnr
Labada wiil ee Trump dhalay ayaa ku dhaleeceeyey hogaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga in aanay si buuxda doorashada ugu taageerin aabahood.
Labada wiil ka weyn oo la yidhaa Trump Jnr ayaa sheegay in xisbiga Jamhuurigu aanu mawqif fiican ka qaadan sidii uu madaxweynaha Maraykanku mar labaad ugu guulaysan lahaa madaxtinimada, halka walaalkii Eric na yidhi ” dadka noo codeeyey ilooobi maayaan sidaad noola dhaqanteen adhiyahow”.
Arintaas ayaa muujinaysa sida ay u kala fogaadeen Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ah ee uu doorashada ugu tartamayey.
Waloow aan doorashadii la soo gabogabayn, ayaa hadana waxa muuqata in musharaxa Dimuqraadiga, Joe Biden, qarka u saaran yahay inuu tartanka ku guulaysto.
Trump ayaa wacad ku maray inuu garsoorka u gudbin doono dacwad uu ku doonayo in codadka la dhiibtay dib loo tiriyo, waxaanu sheegay in ay dhaceen “falal musuqmaasuq ahi” waana eed aanu wuxuu ku caddaynayo soo bandhigin.
Senator-ka magaca leh ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Mit Romney, iyo badhsaaabka gobolka Marryland oo isna ka tirsan isla xisbigaas ayaa labuba ka digay in la carqaladeeyo hanaanka dimuqraadiga ah ee dalka.
Laakiin Trump Jnr oo la rumaysan yahay inuu leeyahay han siyaaseed ayaa qarsan kari waayey sida uu ugu cadhaysan yahay xubnaha xisbiga ee hungurigu ka hayo in ay u tartamaan doorashada 2024.
Waxaanu qoraal uu ku baahiyey boggiisa Twitter-ka ku yidhi “aamusnaanta xubnahaa hunguraynaya in ay u tartamaan doorashooyinka sannadka 2024 ayaa u qaadan waa nagu noqotay”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “Jamhuuriyiintu mawqifkoodu muddo tobanaan sano ah ba mid liita ayuu ahaa, waana sababta ay ugu suurto gashay siyaasiyiinta garabka bidix in ay helaan waxa maanta inoo muuqdaa.”
Walaalkii Eric ayaa isaguna waxa uu Twitter-ka bogga uu ku leeyahay ku qoray “aaway Jamhuuriyiintii? Maxay dagaalka lagaga hortagayo musuqmaasuqan uga qayb geli laayihiin? Dadka noo codeeyey [waxaad fasheen] iloobi maayaan adhi yahow”.
Dhanka kale labada wiil ee Trump dhalay waxay aad u amaaneen xubnaha Jamhuuriyiinta ah ee aabahood amaanay ee taageeray.
Afartii sannadood ee uu madaxweynaha ahaa, waxa u suurto gashay Trump inuu xisbiga Jamhuuriga ku dirqiyo in ay siyaasadihiisa taageeraan.
Laakiin loolanka ka dhexeeya Trump iyo hogaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa dhaliyey su’aalo badan oo la iska waydiinayo sida uu noqon doono mawqifka xisbigu wixii madaxtinimada Trump ka dambeeya hadii laga guulaysto ama hadii uu guulaysto wixii ka dambeeya afarta sano ee la doorto.
Biden muxuu yidhi?
Joe Biden ayaa mar kale sheegay in uu ku kalsoon yahay guusha maaddaama uu kusii dhawaanayo inuu garaaco Donald Trump kadib doorashadii madaxtinnimada ee Talaadadii ka dhacday Mareykanka.
Tartamahan xisbiga Dimuqraadiga wuxuu hadda heystaa 253 ka mid ah 270 Codadka Ergada Codbixinta ee loo baahan yahay, si uu u aadp Aqalka Cad iyadoo loo marayo nidaamka codbixinta ee gobol-gobolka ku dhisan ee Mareykanka.
Joe Biden
Mr Biden ayaa sidoo kale hogaaminaya tirinta codadka ee goobaha muhiimka u ahaa doorashada ee Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona.
Guusha Biden waxay u muuqan doontaa Mr Trump inuu xafiiska ka tago Janaayo kaddib afar sano oo uu xilkaasi hayey.
“Waan ku guuleysaneynaa tartankan,” Mr Biden ayaa u sheegay taageerayaashiisa Wilmington, Delaware, habeenkii jimcaha, isagoo ku dhawaaqaya in kalsoonidoodu sii kordheyso, ayna codbixiyayaashu ay muujinayaan inuu hogaaminayo isagu.
Wuxuu sheegay inuu ku socdo waddadii uu ku guuleysan lahaa in ka badan 300 oo Ergada codbixinta ah wuxuuna tilmaamay in dad badan ay u codeeyeen – in ka badan 74 milyan oo qof – kuwaas oo ka badan marka loo eego qof kasta oo u tartamay madaxtinimada Mareykanka, taariikh ahaan.
Dimuqraadigan – oo isu tixgeliya inuu yahay musharraxa midnimada ka dib ololihii qadhaadhaa ee uu soo halgamay – ayaa sheegay in la joogo xilligii “la saari lahaa fkala duwanaanshaha Fekerka siyaasaddayada” oo “la noqon lahaa sokeeye midba midka kale xigsado”
“Waxaan noqon karnaa kuwa iska soo horjeeda laakiin ma nihin cadaw, waxaan nahay Mareykan,” ayuu yiri Mr Biden, oo aan soo hadal qaadin ninka la tartamaya ee Jamhuuriga, Mr Trump.
Weriyaha BBC Barbara Plett-Usher, oo ku sugan Wilmington, ayaa sheegtay in ay ahaayeen hadalo rajo leh oo ka dhigan xisbiga Dimuqraadiga in haysto waddadii guusha.
Mr Biden – oo laba jeer oo hore u tartamay Aqalka Cad, sannadihii 1988 iyo 2008, guul la’aan – wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee abid la caleemo saaro isagoo jira 78 sano.
Haddii Dimuqraadigan lagu dhawaaqo inuu guuleystey dhammaadka labada maalmood ee soo addan, kooxdiisa ayaa la filayaa inay bilawdo hawlihii kala-guurka maalinka Isniinta.
Sida ku cad Shaxda jadwalka ka soo baxday Guddiga, waxa Qabashada Araajida Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Madxweyne ku xigeenka Hirshabeelle loo qorsheeyay in ay noqoto 8-9 bishan November 2020.
Hadal-jeedinta Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, ayaa Iyana dhacaysa 10-ka bishan November 2020.
Sidoo kale, Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, waxay dhacaysaa 11-ka bisha November 2020 sida ku cad jadwalka cusub.
Prof. Dufle oo ka badbaaday isku day dil
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax noociisa lagu sheegay miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa caawa lala beegsaday gaariga Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo marayey wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyey laba qof ayey dhawacyo ka soo gaareen qaraxaas, waxuuna burbur xoog leh soo gaaray gaariga Digtoorka, illaa hadana ma cadda in goorta la qarxiyey gaariga uu la socday Prof. Dufle, balse waxaa la xaqiijiyey inuu bad-qabo.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan ka dheereyn taallada Sayidka oo ay Bar Conrtol ku leeyihiin ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa haatan ah Senator ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale qaraxyo loola beegsaday Dr. Dufle, balse wax kuma noqon.
Al-Shabaab ayaa inta badan Muqdisho ka fuliya qaraxyada noocaan oo kale ah, waxayna la beegsadaan gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay la socdaan, waxaase xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro shacabka.
Habeen ka hor ayaa isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho qarax noocaan oo kale ah lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax, waxaana looga dhaawacay laba askari.
The post Prof. Dufle oo ka badbaaday isku day dil first appeared on Caasimada Online.