-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa fiidnimadii Isniinta lagu dhawaaqay xukuumaddii ra’isul wasaaraha cusub ee Maxamed Rooble, isbadal badan oo xagga beelaha ma dhicin marka la eego nidaamka wax qeybsiga 4.5. Beesha Mogadishu Clan marka laga reebo Fowsiyo Abiikar, wasiirka caafimaadka inta kale waa la fasaxay halka beelaha kale waxyar laga taabtay. Wasiirrada la badalay waxaa ay u badan yihiin qaar olog siyaasadeed la ahaa Xasan Cali Kheyre, ra’isul wasaarihii hore, oo ku jiray tirada yar ee u codeysay maalintii jagada laga qaaday, qeylinayey oo weliba hadda ku jira ololohiisa uu ku doonayo jagada madaxweynaha. Ceyrinta xubnahaas waxaa afjar u aheyd asxaabta Xasan Kheyre ee Villa Somalia, waxaa ka horeeyey oo looga saaray xafiiska ra’isul wasaaraha gacan yareyaashii iyo dadkii ugu dhowaa Kheyre. Haddaba, Xubnaha Wasiirrada Xasan Kheyre u Dhowaa ee La Ceyriyey Waxaa Ka Mid Ahaa: 1. Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirkii arrimaha gudaha iyo federaalka ah. 2. Maxamed Abuukar Islow, wasiirkii amniga gudaha 3. Eng Cabdi Canshuur Xasan: Wasiirkii Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya 4. Xasan Cali Maxamed-Amar dambe, wasiirkii Gashaandhigga 5. Aadan Isaaq Cali : Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), 6. Cismaan Cabdi Daallo : Wasiir ku xigeenka dekadaha iyo gaadiidka Badda Liiskan kore waa inta firfircooneyd ee golaha ka tirsanaa, qeybna ka ahaa ololaha madaxweynnimo ee Xasan Kheyre kuwaas oo xukuumadda laga saaray, waxaana muuqata in Farmaajo uu cirib tirayo cid walba oo xiriir soke iyo mid fogba lala lahaa Kheyre. Dhanka kale, arrimaha soo kordhay waxaa ka mid ah in xukuumadda Rooble lagu soo daray xubno mucaarad ku ahaa xukuumaddii Kheyre, waxaa ku jira nin uu Al-shabaabnimo ku eedeeyey wasiirka la badalay ee waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda waxay ku tilmaameen wejiyada ku jira xukuumadda Rooble mid olole, waxaana qaarkood abaal looga dhigay ololihii ay u galeen Farmaajo markii uu raadinayey xilka madaxweynnimada iyo sidii uu mar kale kusoo noqon lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Marxuum Jaamuus Nin dhalinyaro ah, oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamuud Cabdi Jaamuus, ayaa ku geeriyooday Rasaas xooggan oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Garoowe, taas oo dhexmartay Ciidanka Booliiska iyo koox Cabtooy ah, sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiisha Booliska gobolka Nugaal. Marxuum Jaamuus, ayaa la xaqiijiyay in ay haleeshay Rasaas wiifto ah oo ay is weydaarsanayeen Ciidanka iyo koox hubaysan oo cabtooy ah, kuwaas oo la doonayay in gacanta lagu dhigo, balse aysan suurta-gelin. Cabtooyada oo watay gaari yar oo nooca raaxada ah, ayaa la sheegay in ay xoog kaga gudbeen bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Garoowe. Magaalada Garoowe, waxa maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay kooxaha cabtooyda ah oo khamriga iyo daroogada kale soo geliya magaalada, kuwaas oo marar kala duwan weeraray Booliska. PUNTLAND POST The post Garowe: Khasaare ka dhashay Rasaas dhexmartay Booliiska iyo koox Cabtooy ah appeared first on Puntland Post.
-
Mas’uul Ka Tirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland oo La Dilay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil habeennimadii xalay ka dhacay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, kadib markii halkaas lagu dilay mas’uul ka tirsan maxkamadda ciidamada sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno. Mas’uulka ayaa la sheegay in kooxo ku hubeysnaa Bastoolado aan heybtooda la garan ay toogteen xili uu ku sugnaa bannaanka hore ee hoygiisa, waxaana magaciisa lagu sheegay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus). Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa kaaliyihii koowaad ee maxkamadda ciidamada maamul goboleedka Puntlan, waxaan weli jirin wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan dilka loo geystay kaaliyaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaridka ee WADDANI Mr. Khadar Xuseen Cabdi, waxa uu soo bandhigay dood ah in muwaadinka reer Somaliland uu yahay qof xor ah oo xaq u leh inuu gudaha magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo bandhigi karo ama ku qaadan karo astaamaha qaranka Soomaaliya ee uu ugu horeeyo calanka buluugga ah ee ay dhexda kaga taalo xidigta shan-geesoodka ah. Waxa kaloo uu Xoghaye Khadar sheegay inuu aaminsan yahay in qofka haysta ama qaata ee gurigiisa ku sharxa calanka Soomaaliya aannu waxba yeeli karin qarannimada Somaliland, sidaa darteedna ay xad-gudub tahay in dowladda talada dalka haysaa ay ku mashquusho, xabsigana la dhigo qofka lagu arko ama soo bandhiga calanka buluugga ah, balse waxa uu ku dooday in qaranimada Somaliland lagu ilaalin karo laguna adkayn karo fulinta iyo dhaqanka dastuurka iyo shuruucda kale ee u yaal dalka Somaliland. Xoghaye Khadar muu iftiimin in dooddiisu ay tahay mid uu isagu si shaqsiyan ah aaminsan yahay iyo inay tahay mawqif iyo siyaasad guud oo uu leeyahay xisbiga uu ka tirsan yahay ee WADDANI. Haddaba, waxa muhiim ah in Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI uu ogaado in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay waddan xor ah, muwaadiniintiisuna ay haystaan xoriyad iyo dimuqraadiyad buuxda, balse ay jiraan waxyaabo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalku ay ka reebeen ama ka xaddideen dadka muwaadiniinta ah, waxaana arrimaha ka reebban ka mid ah waxkasta oo lid ku ah amniga guud ee dalka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo aanay qofka muwaadinka ah u bannaanayn inuu si ficil ah, qowl, qoraal iyo habkasta oo kaleba u muujiyo, una soo bandhigto waxyaabaha loo arko inay xad-gudub ku yihiin madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland, sidaa darteed ma bannaana, mana habboonna in si furan oo xor ah loogu dhex qaato, soo bandhigo ama loogu isticmaalo calanka iyo astaamaha dalka Soomaaliya, iyadoo diidmadaasna loo cuskaday saddex qodob oo kala ah; Calanka buluugga ah waxa leh dal la yidhaahdo Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahayd muddo 30 sanno ah (1960 ilaa 1990), kadibna burbur, xasuuq iyo dhibaatooyin baahsan oo ay dowladdii Soomaaliya kula kacday dadka reer Somaliland ay sababeen in bulshada reer Somaliland dib uga noqoto midawgii ay la galeen Soomaaliya, waxayna Somaliland ka madaxbannaan tahay Soomaaliya muddo 29 sanno ah, waxayna dadka reer Somaliland goosteen inay soo dejiyaan calankii buluugga ah, iyadoo lagu beddelay calanka tawxiidku ku xardhan yahay ee ay maanta haysato Somaliland. Ilaa maanta Soomaaliya waxay ku doodaysaa in Somaliland aanay ahayn waddan madaxbannaan, balse ay tahay gobol la tirsan Soomaaliya oo looga hoos arrimiyo calanka buluugga ah, markaa dowladda Xamar ka talisaa waxay rumaysan tahay in ay waajib tahay in calanka buluugga ah iyo astaamaha kale ee qaranka Soomaaliya ay si caadi ah uga shaqeeyaan degaannada kala duwan ee Somaliland, markaa qofka calanka buluugga ah ku dhex qaata magaalooyinka Somaliland waa qof ku xad-gudbay qarannimada iyo rabitaanka dadka reer Somaliland, sidoo kale waa qof u badheedhaya inuu riyada maamulka Muqdisho ka hirgeliyo gudaha Somaliland. Sababta kale ee ay mamnuuca u tahay in calanka iyo astaamaha Soomaaliya lagu qaato gudaha Somaliland waxay la xidhiidhaa ilaalinta nabadgelyada guud ee dalka iyo in aan dhaawac loo gaysan mooraalka iyo dammiirka dadka muwaadiniinta ah ee uu dastuurku siiyey inay leeyihiin ilaalinta karaamada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa la ilaalinayaa in dadka muwaadiniinta ah ay waxyeelo u gaystaan qofka gudaha Somaliland ku soo bandhiga ama ku isticmaalaya calanka Soomaaliya. Waxa kaloo dood jaban ah waxyaabaha uu Xoghaye Khadar u daliishaday in calanka buluugga ah lagu dhex qaato gudaha Somaliland, isagoo calanka ku tilmaamay maro buluug ah oo la mid ah dharka midabkoodu buluugga yahay, cirka buluugga ah iyo waxyaabaha kale ee midabkoodu buluugga yahay, balse waxa uu isdiidsiiyey in waxa mamnuuca ahi aannu ahayn midabka buluugga ah, laakiin shayga mamnuuca ahi uu yahay calanka Soomaaliya midabka uu doono ha yeeshee, taasoo macnaheedu yahay in haddii calanka Soomaaliya uu noqon lahaa mid casaan ah, caddaan ah ama madaw inuu sidan oo kale mamnuuc u ahaan lahaa, markaa xaqiiqdu waa in shuruucda Somaliland aanay ogolayn in calanka Soomaaliya lagu qaato gudaha Somaliland, waxaanna Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI u bannaan inuu si badheedh ah ugu dhawaaqo, uguna ololeeyo inay xisbi ahaan wax ka beddeli doonaan siyaasadaha iyo shuruucda Somaliland ee mamnuucaya in calanka iyo astaamaha qaran ee Soomaaliya laga ogolaan doono Somaliland haddii ay xisbi ahaan talada dalka ku guulaystaan, haddii kale oo mawqifka noocaas ah uu gaar ku yahay Xoghayaha oo qudha waa inuu taasna ummadda u caddeeyo, iyadoo ay muhiim tahay in xisbiga WADDANI uu arrintaas ka bixiyo iftiimin iyo kala qeexid dheeraad ah (more clarification) oo ah inay arrintani tahay mawqif xisbigu ku shaqaynayo iyo inay tahay arrin u gaar ah Xoghayahooda Guud, xisbi ahaana aanay fikirkan la qabin. Halkan hoose ka DAAWO hadalka Xoghaye Khadar W/Q Maxamed Cirro Source
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab oo dhinac ah oo ka dhacay degmada Buurdhoobo ee gobolka Gedo. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmadaasi. Sida ay sheegeen goobjoogayaal weerarka, kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Nuur Xasan Daa’uud oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga ayaa Shabelle uga warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana Buurdhuubo howl-gallo baaritaano ah ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. View the full article
-
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ku sugan wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa faah faahin ka bixiyey fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira, waxaanu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka SKY News qaybtiisa Carabida . Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in ay Somaliland ka jiraan fursaddo maalgashi oo aad u badan , waxaanu dawladda Imaaraadka Carabta ee aynu walaalaha nahay uga mahadceliyey maalgelinta ay ku samaysay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana dekedda magaaladda Berbera iyo mashruuca tamarta Laydhka lagaga dhalinaayo cad ceeda ee duleedka magaaladda Berbera ka socda. Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaayey maalgelinta ay dawladda Imaaraadku ka waddo Somaliland ayaa sheegay inuu jiro mashruuc lagaga dhalinyaaro tamarta cad ceeda laydh ay dadku isticmaalaan, mashruucaas oo uu tilmaamay in uu bilaabmay xili ay aad ugu baahnaayeen dadku inay helaan xadi badan oo Laydh ah, si ay uga faa’iidaystaan muwaadiniinta reer Berbera , dadka ajaanibka ah ee magaaladaas ku sugan iyo dadka ka shaqaynaaya mashaariicda shirkadda Dp World ka waddo magaaladda Berbera. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo wax laga weydiiyey fursaddaha maalgashi ee ka jira Somaliland ayaa sheegay in ay jiraan Fursaddo maalgashi oo Somaliland guud ahaan ka jira , kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Xoolaha Nool, Macdanaha , Kalluumaysiga iyo Beeraha, kuwaas oo uu dheeraad ku yahay dhulka Dalxiiska ee Somaliland,. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxa uu sheegay in ay Somaliland ka jiraan sharciyo loo raaco maalgashiga, kuwaas oo lagu nidaamiyo maalgashiyadda dalka laga samaynaayo, waxaanu tilmaamay in qawaaniintani ilaalinayaan maalgashigaasi. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka hadlay halka ay marayso balaadhinta dekeda Berbera ayaa sheegay in dhismaha dekeda iyo balaadhinteedu si wanaagsan u socoto, isla markaana ay dhowaan dhammaan doonto, waxaanu tilmaamay in ay ka faa’iidaysan doonaan dadka reer Somaliland oo shaqooyin badan ka heli doona, waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay ka faa’iidaysan doonaan dawladdaha gobolka, gaar ahaana dawladda Ethiopia oo dadkeedu dhawr milyan yihiin, isla markaana aan lahayn bad ay wax kala soo degto, isaga oo tilmaamay in dekeda Berbera ay tahay wadnaha Somaliland. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu koonto ku leeyahay Bankiyo ku yaala dalka Shiinaha, sida uu baahiyay wargayska New York Times. Koontada Trump waxaa maamulaya waaxda Hotelada caalamiga ah ee Trump, waxaana uu bixiyay canshuur 2013 ilaa 2015 sida ku cad warbixinta wargayska. Trump ayaa si weyn uga soo hor jeeda ganacsiga la la xiriiriyo Shiinaha arrintaas oo abuurtay dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada dhinac tan iyo intii uu xafiiska yimid. New York Times ayaa arrintan ku ogaatay markii ay heleen diiwaanka canshuur bixinta Trump taas oo ka kooban midda ganacsigiisa iyo shakhsi ahaantiisa. Wargeyska ayaa horay u baahiyay canshuur bixinta Trump oo gaaraysa 750 dollar intii u dhexeysay 2016 ilaa 2017, isagoo Bankiga Shiinaha oo uu koontada ku leeyahay laga bixiyay 188,561 dollar oo canshuur ah oo la siiyay Shiinaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo qirtay in Koonto uu ku leeyahay banggiyo ku yaala Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Amb. Maxamed Xaaji ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah cisbitaallada casriga ah ee magaalooyinka Yunlin iyo Changhua ee dalkaasi. Intii uu ku gudo jiray kormeerka wakiilku, waxa uu kala hadlay sidii Taiwan Somaliland ugala shaqayn lahayd casriyeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad iyo tayeynta shaqaalaha caafimaad ee Somaliland. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha dalka Taiwan ay sheegtay in Somaliland ay ka taageerayso Caafimaadka madaama gudaha dalka aan waxba lagaga qaban bukaankada qaar oo u baahda Dhakhatar debadeed. Source
-
Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay kaakiye sare oo ka tirsanaa maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada maamulka Puntland. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in toogashadaas ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus), waxaana lagu dilay agagaarka hoyga uu ka dagan yahay Garoowe. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto natiijo ka soo baxsaday, sida ay shaaciyeen laamaha amniga. Sidoo kale ma jiro weli wax faah faahin oo saraakiishu ka bixiyey dilka loo geystay Marxuum Garyaqaan Maxamed Jaamuus. Inta badan magaalooyinka Puntland, sida Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo waxaa ka dhaca falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan. View the full article
-
Taliska Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay Ciidanka dowladda oo ay weheliyaan kuwa koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Baay. Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaan lagu magacaabo Mitir oo 11KM u jira degmada Diinsoor, kadibna uu dhacay dagaal saacado badan qaatay. Waxaa uu sheegay Taliye Oadwaa in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo la gaarsiiyay Al-shabaab, iyagoona xusay in weerarka lagu dilay 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay laba xubin. Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha, ayuu uu tilmaamay in la burburiyay goob Shabaab ay isku aruursanayeen. PUNTLAND POST The post Taliska Milateriga Soomaaliya oo shaaciyay in ay khasaaro ba’an gaarsiiyeen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Mohamed bin Salman Haweeneeydi uu ka dhintay saxafigi la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa Talaadadi shalay maxkamad ku taalla dalkaan Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Nowku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Kashikji, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto. Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman. Amiir Maxamed oo loo soo gaabiyo MBS ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki. Kashikji oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa caasimadda Mareykanka ee Washington D.C. PUNTLAND POST The post Maxamed Bin Salman oo Mareykanka laga Dacweeyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Uganda)-Haweeney reer Somaliland ah oo ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Africa ayaa waqooyiga dalka Uganda ka hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee Sonkorta, waxaana xafladda furitaanka warshadaasi oo dhici doonta Khamiista ay kasoo qeyb geli doona madaxda Africa oo ugu horreeyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni. Drs. Aamina Xirsi Mooge oo dalka Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ayaa waxay ku guulleystay inay Ugandha markaan ka hirgeliso warshadda ugu weyn ee soo saarta Sonkorta, taasoo lagu magacaabo Atiak, taasoo horumar iyo dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba. Maalgashiga weyn ee ay Drs. Aamin Xirsi Mooge ku samaysay warshadan sonkorta ayaa noqonaya mashruucii ugu ballaadhnaa ee laga hirgeliyo waqooyiga dalka Uganda, iyada oo la filayo in warshada Atiak ee sonkortu ay gobolka geeska Afrika ku soo kordhin doonta dakhli iyo horumar ballaadhan kadib marka la gaadhsiiyo wadamada ku yaalla gobolka. Drs. Aamina ayaa hore dalka Uganda ugu hirgelisay warshadda sibidhka iyo qalabka dhismaha ee lagu iibiyo magaalooyinka wadanka Uganda, loona dhoofiyo dalalka kale ee gobolka, waxay kaloo ay leedahay xarunta ganacsiga Oasis Shopping Mall ee ku yaalla xaafadda ganacsiga ee badhtamaha caasimada Kampala iyo guryaha Laburnam Courts oo ku yaalla Nakasero Hill oo deris la ah Aqalka Madaxtooyada ee Kampala. Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xooggan ay ku leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-21102020.mp3 View the full article
-
(SLT-Washington)-Haweeneeydi uu ka dhintay saxafigii la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa salaasadii shalay maxkamad ku taalla dalkaan Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Nowku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Kashikji, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto. Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman. Amiir Maxamed oo loo soo gaabiyo MBS ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki. Kashikji oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa caasimadda Mareykanka ee Washington D.C. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxey wali dood badan ka taagan tahay dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle, waxaana doodda ugu badan qaba Beesha Xawaadle oo dooneysa in kursiga Madaxweynaha u gaar ahaado beeshaas. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay si weyn ugu milantay doorashada HirShabeelle, islamarkaana musharax ka soo jeeda gobolka Shabeellada Dhexe ama beesha Abgaal ay dooneyso inay ka dhigto Madaxweyne soo socda ee HirShabeelle. Golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya ee lagu dhawaaqay waxaa ku jira Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, oo ah wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale ka soo jeeda Beesha Xawaadle. Wasiir Mukhtaar, waa qofka qaadan doono doorka ugu weyn ee dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle, waxeyna magacaabistiisa ku soo aaday xili ay tabasho qabaan beeshiisa. Dad badan ayaa is weydiinaya, caqabad maku noqon karaa qorsha Cali Guudlaawe?. Caasimada Online ayaa su’aashaas weydiisay aqoonyahaano iyo siyaasiin badan. “Caqabad kuma noqon karo qorshaha Guudlaawe, sababtoo ah waxaa wadato dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana wasiirka arrimaha gudaha Xawaadle loo siiyay in uu soo afduubo Beeshaas oo meesha la geeyo Musharax ka soo jeedo Shabeellada Dhexe,” ayuu Prof. Cabdirisaaq Axmed Jimcaale. “Aniga waxay ila tahay, in wasiirkaan loo magacaabin danta Xawaadle ee loo magacaabay danta dowladda federaalka si uu u dhaqaajiyo qorshaha dowladda ee HirShabeelle maadaama hada Xawaadle yihiin dhibaatada kaliya ee taagan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof. C/risaaq Axmed Jimcaale. Dadka yaqaana Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax waxay sheegaan in uu yahay nin dagan oo aan dood badneen islamarkaana aad ugu dhow Madaxweynaha Somalia waxaana la filayaa inuu dhaqaajiyo qorshaha dowladda Somalia ee maamulka HirShabeelle. Sidoo kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in magacaabista Gen. Mukhtaar uu aad ugu dhow yahay ugaaska Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, islamarkaana magacaabistiisa ay qeyb ka tahay mid lagu qanciyey Ugaaska, si uu u ogolaado qorshaha dowladda ee madaxweyne looga dhigayo Cali Guudlaawe. The post Magacaabista Jeneral Mukhtaar halis ma ku tahay qorshaha DF iyo Guudlaawe? first appeared on Caasimada Online.
-
East Africa is on the verge of another locust invasion, the worst in 25 years, says the United Nations' Food and Agriculture Organization (FAO). Source: Hiiraan Online
-
At least two people were killed Tuesday, and three others were wounded, when a bomb blast targeted the nation’s immigration and naturalization chief in Mogadishu, according to officials. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Oct. 20 (Xinhua) -- At least 18 al-Shabab extremists were killed on Monday in a security operation by Somali National Army (SNA) on the outskirts of Barire town in the southern region of Lower Shabelle, a military officer said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan wareegto ku kala diray guddiga iskaashatooyinka gobolka, kadib markii lagu eedeeyey inay ku milmeen ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay wareegtada. Maamulka gobolka oo wareegtadan soo saaray Isniintii ayaa dhamaan lamaha kala duwan ee ammaanka ku wargeliyay kala dirista xubnahan lagu eedeeyay inay gacan saar la yeedheen Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa wareegtadaan digniin lix qodob ah loogu diray qof kasta oo si un u taageera Al-Shabaab ama u gacan siiya, iyadoo laamaha amnigu ay si isku mid ah ula dagaalami doonaan qofkaas iyo Al-Shabaab, waxayna kala yihiin qodobadaas. 1 – Qofkii ku taageera dhaqaale. 2 – Qofkii u kireeya guri ama ka kireysta gurigiisa. 3 – Qofkii ka iibiya gaari ama u ogolada garaashkiisa. 4 – Qofkii la wadaaga xog ama xiriir oo dhan kala sameeya gudaha caasimadda Muqdisho. 5 – Qofkii dhiira-geliya Al-Shabaab ama fidiya dacaayadda ay u baahanyihiin. 6 – iyo qodobka u dambeeya oo ah qofkii ku dhiira geliya dhalinyarada inay ku biiraan Al-Shabaab. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta u akhriyey wareegtadan, waxuuna sheegay in dhawaan uu maamulka gobolka Banaadir soo magacaabi doono guddi cusub oo iskaashatooyinka gaadiidleyda gobolka Banaadir ah, kaas oo hey’adaha ammaanka ay si joogto ah baaritaan u marsiin doonaan. Hoos ka Daawo The post Guddi ka dhisan Gobolka Banaadir oo la ogaaday in ay Al-Shabaab ku milmeen first appeared on Caasimada Online.
-
NAIROBI, Kenya — Sudanese people and their government officials are celebrating the news that after 27 years the United States plans to remove the country from its list of state sponsors of terrorism — a move that could help Sudan revive its ailing economy and bolster its transition to democratic rule. Source: Hiiraan Online
-
Auckland: Incoming Labour list MP Ibrahim Omer says it’s a privilege to be first the African MP, in the New Zealand. Source: Hiiraan Online
-
Dacwad ka dhan ah Amiir Maxamed Bin Salman oo laga furay maxkamad ku taal Dalka Mareykanka & waxa lagu haysto Gabadhii u doonaneyd suxufigii reer Sacuudi ee la dilay Jamal Khaashuqji iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu aas-aasay, ayaa maxkamad ku taalla Mareykanka ka diiwaan-geliyey dawacd ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, oo lagu eedeeyey dilkiisa. Dacwaddan, oo ah mid madani ah, ayaa waxa ay Maxamed Bin Salmaan ka dooneysa magdhow aan la shaacin, waxaana sidoo kale qeyb ka ah 20 eedeysane oo kale oo Sacuudiyaan ah. Dacwadda ayaa kusoo beegmaysa xilli xidhiidhka Mareykanka iyo Sacuudiga uu sii xumeeyey dilkii weriyaha oo dhacay 2018, xadgudbyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyo Riyadh iyo ku lug lahaashaheeda dagaalka Yemen. Safaaradda Sacuudiga ee Washington kama jawaabin codsi la xidhiidhay inay ka hadasho dacwadda. Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa dilka Khaashuqji, oo haystay sharciga deganaanshaha Mareykanka. Khaashuqji oo aad u dhaliili jiray boqortooyada, islamarkaana wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa bishii October 2018 lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Waxa uu halkaas u tegay inuu kasoo qaato warqado uu u baahnaa si uu guursado gabadha ay is-calmadeen ee Hatice Cengiz, oo ah muwaadin Turkish ah. Cengiz iyo ururka Dimoqraadiyadda Dunida Carabta ee loo yaqaan DAWN, oo ah urur uu Khaashuqji aas-aasay oo ka dhisan Mareykanka, ayaa dacwadda ka diiwaan geliyey maxkamad federal, oo ku taalla Washington DC. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho xalay lagu dilay mas’uul ka tirsanaa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku sugnaa bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Dilka oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa waxaa loo geystay kaaliye ka tirsanaa maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Puntland. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi oo ku magac dheeraa (Jaamuus), sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa agagaarka hoyga uu ka dagan yahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxihii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Garoowe oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jiro weli wax faah faahin oo saraakiisha ciidamadu ay ka bixiyeen dilkaasi iyo howl-gallada daba socday intaba. Garoowe ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay howl-gallo ka waday ciidamada ammaanka Puntland. The post Mas'uul ka tirsanaa Puntland oo lagu toogtay Garoowe first appeared on Caasimada Online.
