Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa mudnaan gaar ah siiyay La-kulanka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Garoowe ku sugan.
Madaxweyne Deni, ayaa habeen hore hoyga uu degganyahay ku booqday Guddoomiye Xaashi, oo Garoowe u yimid ka qayb-galka Shirka Madasha Aragti-wadaagga hay’adda Heritage, kaas oo ku saabsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan xildhibaanno iyo sanataro heer Federaal ah, oo laga soo doorto Somaliland.
Labada mas’uul, ayaa la xaqiijiyay in ay labada Kulanba kaga wada-hadleen xal u helidda muranka ka taagan Arrimaha Doorashada 2020/2021, gaar ahaanna Guddiga Doorashada lagu muransanyahay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa aaminsan in Guddoomiye Cabdi Xaashi kaalintiisa laga siiyo magacaabidda Guddi-hoosaadka soo xuli doona xildhibaannada ka imaanaya Somaliland, si loo xalliyo muranka ka taagan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.
Garowe (PP News Desk) — Puntland State Government signed an agreement with TISL, a Dubai-based company.
Under the terms of the agreement TISL will expand the main terminal and the runways of the airport. Puntland Minister for Aviation Ilyas Osman signed the agreement on behalf of Puntland State.
The agreement will finalise an earlier agreement Puntland and TISL signed last year about the management of Bosaso Airport. The identity of the TISL is not known.
“ It is not clear if TISL an independent company or part of a consortium” says an aviation expert in Garowe. Puntland State Government did not publicise the details of the agreement on the day the agreement was signed with TISL.
Puntland is in legal dispute with DP World, a company owned by UAE government, over the management of Bosaso Port. In 2020 DP World became a delisted company, a change of company status that affects its contractual obligations.
The former Somalia President Hassan Sheikh Mohamud inaugurated Bosaso Airport in 2016.
Boeing’s troubled 737 Max plane returned to American skies on Tuesday, carrying paying passengers in the United States for the first time in almost two years.
Wareegtadan ayaa noqoneysa midii labaad ee uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliyada, Maxamed Xuseen Rooble uu isla maanta xil muhiim ku magacaabo, iyada oo galinkii dambe ee maanta Maxamed Ibraahim Nuur uu u magacaabay xoghyaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Rooble ayaa u muuqda mid dar-dar cusub ka bilaabay xafiiska labaad ee u sareeya dalka, tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana muddo kooban ay ka harsan tahay muddo xileedka xukuumadda.
Jaah-wareer iyo qalalaase xooggan, ayaa saaka ka aloosan Suuqyada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kadib markii Ganactada waaweyn ee Laascaanood ay diideen socod-siinta iyo qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga ah.
Dhammaan Suuqyada kala duwan ee Laascaanood ayaa saaka xiran, waxaana Ganacsatada yar yare e Hilibka iyo Khudaarta iibiya ay halkaas ka sameeyeen muddaharaad ay ku diidan yihiin la furo Ganacsiga magaalada.
Ganacsatada yar yar, ayaa ka cabanaya Go’aanka Ganacsatada waaweyn ku diideen isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo muddooyinkii u dambeeyay laga aamin-baxay, kadib markii qiima dhac xooggan ku yimid.
Diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee gudaha Puntland, gaar ahaanna Garoowe, Boosaaso iyo Laascaanood, ayaa saamayn ba’an ku yeelatay Bulshada danyarta ah oo aan awoodin inay Dollar wax ku iibsadaan.
NAIROBI — The United States has invested billions of dollars in Somalia over the past decade, in part to build and train Danab, the only effective, apolitical fighting unit in the country's war against al-Qaeda-affiliated al-Shabab.
Dawlada Somalia oo shaacisay in la qabtay lacag ka timid Imaaraadka Carabta & Raggii waday
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan xuduuda u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag siday lacag ay sheegeen in laga keenay dalka Imaraadka Carabta.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa tirada dadka la qabtay ku sheegay inay ahaayeen laba nin iyo lacag ay wateen, inkastoo aysan sheegin tirada lacagta gacanta lagu dhigay.
Taliyaha saldhigga booliska degmada Beled-Xaawo oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in lacagtaan la doonayay in lagu carqaladeeyo doorashooyinka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Cabdi ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada ammaanka ee ka howlgala dhulka xuduuda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wax walba oo khal khal gelinaya amniga dalka.
Ma jiro illo wareedyo madax banaan oo xaqiijinayo sheegashada saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta weli kama aysan hadlin sheegashada kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya iyo waxa ka jira lacagtaan la sheegay in gacanta lagu dhigay.
Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa Warbaahinta u sheegay in sheegashada ay qeyb ka tahay isku day shacabka lagu kicinayo, ayada oo laga faa’iideysanyo naceybka ay u hayaan Imaaraadka, taasi oo qeyb ka ah ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.
Dowladda Soomaaliya sidaan oo kale sheegtay in bishii April ee sanadkii 2018-kii ay gacanta ku dhigtay lacag ay Dowladda Imaaraadka Carabta kasoo dajisay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo keentay inuu xumaado xiriirka labada dalka, waxayna Imaaraadka Carabta joojisay tababaradii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya, ayada sidoo kale xirtay Isbitaal si lacag la’aan ah dadka loogu daweyn jiray oo ku yaallay magaalada Muqdisho.
Shirka Madasha Aragti wadaaga ee Machadka Heritage 2020, oo sannadkiiba mar la qabto ayaa lagu wadaa in uu saaka ka furmo xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe.
Shirka oo markii u horraysay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Garoowe, waxaa qeybgala madaxwenayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS iyo dowlad goboleedyada, midowga musharaxiinta iyo marti sharaf kale.
Magaalada Garoowe, waxa xalay ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Puntland, Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad).
Geerida marxuum Dowlad, waxa xaqiijiyay xubno ka tirsan Qoyskiisa iyo mas’uuliyiin kala duwan oo xilal ka haya dowladda Puntland, kuwaas oo tacsi u diray dhammaan dadka Reer Puntland ee uu ka geeriyooday, gaar ahaanna Qoyska iyo Ehelkiisa.
Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida wasiir Dowlad, waxaana uu tiiraanyada la wadaagay Qoyska marxuumka iyo dhammaan shacabka Puntland ee uu ka geeriyooday.
“Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
Ilaa 7 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen, in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen, dhul-gariir shalay ka dhacay bartamaha waddanka Croatia ee qaaradda Yurub.
Dhul gariirka oo cabbirkiisu yahay 6.4 magnitude ayaa laga dareemay dhowr waddan oo deris la ah Croatia, waana marki labaad oo muddo laba maalin gudaheed uu dhul-gariir ka dhacayo Croatia.
Kooxaha badbaadada ayaa guryaha burburay hoostooda kasoo bixiyay dhowr qof gudaha magaalada Petrinja iyo deegaannada u dhaw dhaw. Ciidamada millatariga ayaa loo diray aaggaasi si ay dadka u caawiyaan.
Meelaha kale ee laga dareemay dhul-gariirka ayaa waxaa ka mid ah caasimadda Croatia ee Zagreb iyo caasimadda Austria ee Vienna halka dalka deriska la ah ee Slovenia uu xiray warshadda kaliya ee niyukleerka sameysa, si looga dhowrsado khasaare uu sababo dhulgariirka.
Muqdisho (Casimada Online) – Ayada oo ciidamada Mareykanka ee tababaray ay Soomaaliya ka baxayaan, ayaa sarkiisha Danab ee hadda iyo kuwa hore, waxay cabsi ka muujinayaan in madaxda dowladda Soomaaliya ay u adeegsadaan faro-gelin siyaasadeed.
“Markii hore, haddii dowladda ay isku daydo inay faro-geliso Danab, oo ay u adeegsato siyaasad macno darro ah, Mareykanka ayaa ahaa kuwa dhihi jira ‘Maya ,joojiya,’” waxaa sidaas Washington Post u sheegay Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo ahaa taliyihii Danab ee 2016 illaa 2019.
“Taasi waxay aheyd shuruudda Mareykanka ay ku xireen inay billaabaan tababarkeena, oo aheyd inaan noqon doonin kuwa siyaasadeed. Taas la’aanteed, xitaa ma awoodeen inaan difaacno dowladdeena,” ayuu yiri.
Axmed iyo saraakiisha kale ayaa sheegay in, inkasta oo hadda aysan socon faro-gelin baaxad weyn oo siyaasadeed oo lagu sameynayo ciidankan ka kooban 1,150 askari, haddana ay muuqdaan xaalad taas keeni kara,
Sarkaal ka tirsan Danab, oo fadhiggiisu yahay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay sumcadda ciidanka, tan iyo markii uu soo baxay warka ah in ciidamada Mareykanka ay baxayaan.
“Cabsideena ugu weyn ayaa ah inaan lumino sumcadeenaa. Aaminaadda ay shacabka nagu qabaan ee ah inaan dalka u dagaalameyno ee aan u dagaalameyn siyaasi, taas oo ah awooddeena ugu weyn. Haddii aan taas lumino, waxba ma dhaanto musiibo,” ayuu yiri sarkaalkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, si aysan u beegsan madaxda dowladda federaalka.
Wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji kama jawaabin codsi la xiriira inuu ka hadlo walaacan.
Taliye Christina Gibson oo ah afahyeenka AFRICOM ayaa sheegtay “in Mareykanka uusan jari doonin xiriirkooda Danab, islamarkaana ay u diyaariyeen qorsheyaal tababar oo kale.”
Cabsida saraakiisha Danab ayaa imaneysa ayada oo xiisadda siyaasadeed ee dalka ay sii kordheyso, islamarkaana ay soo muuqanayaan loolan iyo beegsi qabyaaladeed.
Ayada oo doorashada dalka ay soo dhowdahay, ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeeyey inuu beddelay saraakiil sare, oo xitaa uu ku jiro ra’iisul wasaarihiisa, si uu sare ugu qaado qorshihiisa dib u doorashada.
Sarkaal kale oo ka tirsan Danab, oo isna codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheeegay inuu ka cabsi qabo in hoggaanka ciidankan sidoo kale la beddeli karo.
Tan iyo markii xilka laga qaaday Axmed Cabdullaahi Sheekh 2019, waxaa xilka uga dambeeyey saddex taliye oo kale, waxaana uu sheegay in sababta ay tahay dano siyaasadeed.
Madaxweyne Farmaajo kuma cusba inuu ciidanka u adeegsado danihiisa siyaasadeed iyo kuwa qabiil. Wuxuu sidan oo kale u adeegsaday ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo Turkiga uu tababaro, kuwaasi oo loo isticmaalay maamullada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Ayada oo Mareykanka ka hortaagnii in sidoo kale uu kuwa Danab u adeegsado ay meesha ka baxayaan, gar ayey u leeyihiin in saraakiisha ay walaac qabaan.
Taliska Ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen in ka badan 10 gantaal oo lagu qariyay bakhaar ku yaal magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.
Taliska ayaa aaminsan in Xoogagii Tigreega ee TPLF ay Gantaalahaas meesha ku qarsadeen wakhtigii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Xoogagii Tigreega.
Qoraal uu soo saaray Talisku ayuu ku sheegay in nooca Gantaalaha la helay ay yihiin kuwii TPLF u adeegsan jirtay duqaynta magaalooyinka Bahrdar iyo Asmara.
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in bisha Janaayo ee sanadka cusub ay xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer dowlad gobaleed dib ugu laabanayaan degaanada amaba maamullada ay ka yimaadeen.
Guddiga heer dowlad gobaleed ee ka kooban min 11-ka xubnood ayaa la filayaa in ay tagaan Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in ay qaban qaabin doonaan doorashada xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee heer dowlad gobaleed ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya la hadleen maamulada qaar islamarkaana lagu wargeliyay in ay shaqo bilaabaan, islamarkaana ay soo bixi doonaan guddiyada.
Si kastaba, waxaan caddeyn sida wax u dhici doonaan marka xubnahan laabtaan,ayada oo inta badan madax goboleedyada aysan dooneyn inay gudo galaan doorasho aan raali lagu wada aheyn, si gaar ah kuwa Galmudug iyo HirShabelle.
Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guddigaan ay wajahayaan dhibaatooyin oo dhanka maamuladooda ah iyo xubnaha mucaaradka ee diidan doorashada Soomaaliya.
Guddiga heer federal ee lagu muransan yahay ayaa mar labaad soo saaray jadwal cusub oo doorasho oo ka billaabanayey 26-kii December, balse durba ku guul-darreystay inuu dhaqan galo.
Qoraal maanta kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in waqtiga la garsiiyey ilaa 5-ta Janbaayo iyadoo toddobaad lagu daray.
“Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri War-saxaafadedeka Guddiga
U.S. troops can’t be everywhere forever. But the Trump Administration hasn’t made a good case for its recently announced withdrawal from Somalia in Northeast Africa.
President Trump has often expressed his skepticism of American commitments abroad, but the Administration’s move on Somalia was relatively quiet. Mr. Trump ordered the military to “reposition the majority of personnel and assets out of Somalia by early 2021,” according to a Pentagon statement this month. “While a change in force posture, this action is not a change in U.S. policy,” the statement said. “The U.S. will retain the capability to conduct targeted counterterrorism operations in Somalia.”
Even if it can achieve some objectives from outside the country, it would be losing the influence that comes with the 700 U.S. troops in Somalia. Americans are still vulnerable in countries like neighboring Kenya, and the U.S. needs multiple outposts to fight active terrorist groups.
Since Islamic State lost its physical caliphate in Syria and Iraq, unstable parts of Africa have become more appealing for jihadists looking to claim territory and plot attacks on the West. ISIS has a small presence in Somalia but the greatest threat is al-Shabaab.
The U.S. has launched at least 50 airstrikes this year against the al Qaeda-affiliated al-Shabaab. Mr. Trump said in a June letter to congressional leaders that some U.S. forces in Somalia also “advise, assist, and accompany regional forces, including Somali and African Union Mission in Somalia (AMISOM) forces, during counterterrorism operations.”
This isn’t a cost-free intervention: A CIA officer was killed during a raid in Somalia last month, and a January attack left three Americans dead. The group has conducted some 30 suicide bombings in 2020, according to the Long War Journal. The Justice Department recently announced an indictment of an “al Shabaab operative” for “conspiring to hijack aircraft in order to conduct a 9/11-style attack in the United States.” Africom believes the group aspires to strike the U.S. homeland.
The U.S. likely will continue air strikes and some raids, but Somalis will find it tougher to hold up their end of the bargain. A November report from the Pentagon’s Inspector General found that without “significant” international support “Somalia’s security forces are unable to contain the threat from al-Shabaab and ISIS-Somalia.” The elite Danab commando force, which works closely with American advisers, could suffer with less on-the-ground training and assistance.
Somalia’s political scene is more chaotic than usual ahead of elections. And this year has been an unusually active year for al-Shabaab, which has shifted its focus to targeting Americans in the region. The IG report made clear that “the terrorist threat in East Africa is not degraded.”
The Somali deployment is part of a U.S. strategy of using relatively few troops to leverage local and regional allies against jihadists. France has been fighting in the Sahel with help from the U.S. and some Europeans, and three French soldiers were killed in Mali this week. Americans lead in East Africa, but countless Kenyan and Somali soldiers have died in the fight.
The Biden Administration will have a chance to revisit the U.S. withdrawal and see if it makes sense strategically in a corner of the world where jihadists are far from defeated.
The UK has signed a free trade deal with Turkey, its first since agreeing a Brexit deal to leave the EU – a development that will strengthen ties between the two European outliers.
Garowe (PP Editorial) — Abdirashid Khalif Hashi, the Director of Heritage Institute, acknowledged that Somalia was no longer in a transitional period but sophistically defended the choice of “prolonged transitional period” as a theme for the Ideas Forum to open in Garowe tomorrow.
Moving intellectual goalposts while discussing political issues is an exercise in futility. Garowe I and II Summits of 2012 paved the way for the end of the transitional period in Somalia. Several Federal Member States have come into existence since 2012; Somalia signed major agreements with foreign companies, and is on the verge of winning a debt relief, to mention but a few of remarkable milestones.
Abdirashid Khalif Hashi says Somalia is and isn’t in a transitional period.
Heritage Institute has opted for the subjective but misleading description of Somalia as a country in a transitional period despite the objective description that places Somalia in a post-transition period. Heritage Institute mistakes unattained goals — holding one person, one vote elections, for example— for a past political period. As a political term of reference “the transitional period” ended eight years ago. Notables who have had their photo taken by the banner proclaiming the theme of the event feel shortchanged.
It is against the spirit of frank discussions and independent thought to treat historical facts as opinions. Let’s hope that the Heritage Institute team in Garowe will honestly and courageously set the record straight on the exact meaning of the Transitional Period in contemporary Somali politics.
Maxamed Ibraahim Mucallimuu ayaa loo magacaabay inuu noqdo afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, kadib markii digreetada lagu magacaabay ay kasoo baxday xaafiiska ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Maxamed Ibraahim oo ah rugcadaa saxaafadeed oo kasoo shaqeeyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa markii la magacaabay waxaa uu Rooble kula dardaarmay inuu inuu si hagar la’aan ah uga soo baxo shaqada loo idmaday.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayaha Joogtada ee xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdirisaaq Caato, isaga oo xilkaas u magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur.
Xilka Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii hore waxa si kumeel gaar ah u hayay Cabdirisaaq Caato, oo isla maalmo gudahood markii xilkaas loo magacaabay laga qaaday, haddana dib loogu soo celiyey.
Dr. Maxamed Ibraahim Nuur oo ku cusub saaxada siyaasada, balse aad loogu yaqaano dhanka waxbarashada iyo tacliinta sarre ayaa xilkaasi la wareegi doona, kadib markii maanta lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Hoos ka aqriso taariikhda Xoghayaha cusub
Dr. Maxamed Ibraahim Nuur waa aqoon yahan haysta shahaadada PhD, waana cilmi-baare iyo aqoon-yahan leh in ka badan 15-sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan baridda iyo cilmi-baarista.
Waxa uu cilmi baaris qoto dheer ku sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna dhaqaalaha ka haysta shahaadada u sareysa ee PhD, taasi uu ka qaatay 2015-kii University Sains Malaysia.
Sidoo kale waxa uu shahaadooyinka Bachelor-ka iyo Master-ta ka qaatay jaamacada SIMAD iyo International Islamic University Malaysia (IIUM), kuwaasi oo ka diyaariyeyMaamulka iyo Dhaqaalaha.
Waxa uu sanado badan shaqooyin kala duwan kasoo qabtay jaamacada SIMAD, isaga oo ugu dambeyntiina ka gaaray gudomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadajaamacada.
Waxa kale oo uu la-taliye sare ka noqday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka, taasi oo ilaa iyo hadda uu ka tirsanaa.
Waxa uu sidoo kale noqday la-taliyaha arrimaha hormarinta dhaqaalaha ee madaxweynaha Koonfur Galbeed, mudane Cabdicasiis Lafta-Gareen, oo ilaa iyo hadda yahay, wuxuuna door weyn ka qaatay arrimaha Dhaqaalaha iyo maaliyada ee maamulkaas.
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa maanta mudo kordhin u sameeyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo waqtigiisu ku ekaa bisha July ee sanadka 2021-ka.
In kastoo laga tashaday hadda oo aan looga fadhin wax howl doorasho ah, hadana guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka dastuurka dalku waxa uu dhigayaa in mudo xileedkiisu yahay 6-bilood, markii ay ka dhamaatana aan loo cusbooneysiin karin.
Qodobka 9-aad, farqaddiisa 1-aad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya mudada xil-heynta guddiga ayaa dhigaya “Mudada xil-heynta guddiga doorashooyinka Qaranka waa hal xilli oo dhan 6-sano oo aan la cusbooneysiin karin.”
Dad badan waxay is weydiinayaan sababta guddigan oo ay u harsantahay lix bilood, isla markaana arrintiisa uu go’aan ka gaari karo baarlamaanka dambe ee 11-ad looga gaarsiiyey mudo kordhinta.
Lix sano oo kale ayaa maanta loogu daray guddigan oo ay hoggaamiso Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxaana la sheegay in arrintaas ay u ololeynayeen xildhibaano siyaasad ahaan aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale Xaliimo Yarey ayaa la sheegay inay si hoose waayahan ugu ololeynaysay in guddigeeda waqtiga loo kordhiyo, inta aan la kala dirin baarlamaankan 10-aad ee waqtigu ka dhamaaday oo aad ugu dhow Villa Somalia.
Kulankii maanta loogu codeeyey guddigan waxaa soo xaadirtay 145-xildhibaan, kuwaas oo dhamaantood u codeeyey in guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey lix sano waqtigiisa loogu kordhiyo, sidoo kale waxaa kulankii maanta si aqlabiyad leh loogu ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021-ka.
Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato.
View the full article