-
Content Count
211,457 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanada buuraleyda ee Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu halkaas dagaal culus ku dhex maray Kooxda Daacish ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya kadib markii ay u laba qeyb u kala jabeen.
Khilaafka soo kala dhex galay Kooxda gacan saarka la leh kooxda la magacdey Dowladda Islaamka ee ka howlgasha wadamo ay kamid yihiin Suuriya iyo Ciraaq ayaa salka ku hayo cidda hoggaanka u qabaneyso maadaama uu xanuunsanayo hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Muumin kaasoo kasoo goostay Kooxda Al-Shabaab.
Hoggaamiyaha Daacish horayna uga mid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa lasoo sheegayaa inuu la xanuunsanayo cudurka Sakorta oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhigay mid kusoo aruuray sariirta.
Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, dagaalka oo ka dhacay Buuraha Calmiskaad ayaa waxaa ku dhintay illaa 3 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha dagaalamay ee Daacish dhexdooda ah sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Kooxda Daacish ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin dagaalka iyo khilaafka ka dhex qarxay, waxayna arrintaan kusoo aadeyso muddo yar kadib markii ay kooxda ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab.
Kooxda Daacish ayaa weeraro badan iyo dilal ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxayna inta badan dagaalyahaneeda ku sugan yihiin deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa buuraleyda ah.
-
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo CaliCali (Faadumo Faandhe) oo ku hadleysay Magaca Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo Hogaanka Baarlamaanka Galmudug ayaa Ciyaartoyda Galmudug u balan qaaday,Hadii ay ku guuleystaan koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 in damaashaad ay ku tagayaan Turkiga,iisayaashoodna uu diyaar yahay,balse laga rabo Xaqiijinta hanashada koobka.
“Dhammaantood Ciyaartoyda iyo macallimiinta Galmudug,hadii ay ku guulaystaan koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020”waxaan dalxiis u Geyn doonaa Wadanka aan walaalaha nahay ee Turkiga ” ayay ciyaartooyda ka hor sheegtay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cali Cali (Faadumo Faandhe).
“Wax kaliya,aan ku qanceeno,hadii aanu nahay Golaha Wasiiradda Galmudug waa in Dhuusamareeb la geeyo koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020” ayuu sheegay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Galmudug mudane Khaalid Cabdullahi Warsame.
“Ciyaaryahan Sarqaawi,waxaan u hayaa gabar qurux badan oo aan ayeeyo u ahay” ayay iyadana warbaahinta u sheegtay Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.
“Waan Bogaadinayaa wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn ciyaartooyda iyo macallimiinta Kooxda kubbadda cagta Galmudug sumcada ayay noo sameeyeen,waxaan inoo balan ah koobka iyo caasimada Dhuusamareeb” ayuu sheegay Xildhibaan Mahad Cabdullahi Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug
“Wiilkayga Sarqaawi,Waxaan Lee yahay Hambalyo Hooyo,waxaa kor u qaaday magaca Galmudug,shacabka reer Galmudug waxay ku lee yihiin Mahadsanid,weligaana guulayso” ayay warbaahinta u sheegtay Fardowso Yuusuf Ciid oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
“Kooxda Galmudug,waxay noo samaysay taariikh xasuus mudan,waaan u mahad celinayaa dhamaan Maamulka,macallimiinta iyo ciyaartooyda ” ayuu warbaahinta u sheegay Zakariye Yalaxow oo ah Wasiir Ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug
-
Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Abdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa uu kulan kula qaatay madaxweyna yaasha Puntland iyo Jubbland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Madoobe.
Guddoomiyaha ayaa laba mas’uul waxaa uu kala hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka dalka ku soo fool leh, taas oo ilaa iyo hadda lagu muransan yahay guddiyada ay dowladdu soo magacowday.
Goobjoog News
-
Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in habeennimadii xalay dil iyo dhaawac loo geystay darawallo ku safreysay inta u dhaxeysa Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kadib markii dablay ay waddada u gashay gawaaridan.
Gaawaaridan oo ku sii jeeday Galgaduud ayaa waxaa ay la weeraray xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaannada Bacda iyo Beergadiid ee gobolka Hiiraan, gawaarida ayaana ahaa Homy ah iyo Kuwa qaada Qudaarta ee Dhaynaha ah.
Qof ku sugan gobolka oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu sheegay in weerarka uu ku geeriyooday darawalkii waday Homyda oo ka shaqanayey Muqdisho iyo Gaalkacyo, darawalka waa Sakariye Cabdullahi Caseyr, oo kaas oo lagu Cadaado.
Sida lagu waramay weerarka waxaa uu dhaawac kasoo gaaray dawalkii waday gaariga siday Qudaarta, kaas oo kasoo anbobaxay magaalada Baledweyne kuna siijeeday gobolka Galgaduud ilaa Mudug.
Dhacdooyinkaan dilalka iyo dhaawaa ah ayaa waxaa ay ku lug leeyihiin aan qabiil iyo dil shalay ka dhacay deegaan degmada Matabaan u jira 120 Km oo lagu magacaabo Labi-bagaase oo lagu dilay ruux kasoo jeeda gobolka Hiiraan.
Goobjoog News
-
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baalrmaanka Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlaamankaas ayaa ku dhiiri gelin iyo mahad celin u sameeyay ciyaartooyda kooxda kubbadda kooxda Galmudug ee markii ugu horeesay gaaray fiinalaha tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.
Sidoo kale munaasaabada waxaa hadal dardaaran ah ka jeediyay qaar ka mid ah Wasiiradda Galmudug,iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin in yihiin kooxda kaliya ee ka socota Maamulada dalka ee soo gaarta kama dambeysta tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Xasan Axmed Shire ayaa u mahad celiyay Xuldhibaanada ka socday Galmudug,booqashada ay ugu yimaadaan ciyaartooyda,isagoo sheegay in ay sugayaan kaalinta doorka Xildhibaanada Baarla.aa ka Galmudug ee mu aada horomaronta kooxda.
Gddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Faadumo Fadhi ayaa balan qaad sare u samaysay kooxda Galmudug,hadii ay ku guulaystaan koobka iyo hadii kalaba,waxayna intaa ku daray in ay sharaf u tahay heerka ay maanta taagantahay Galmudug.
Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Mahad Celinta Loo Sameeyay Ciyaartooyda Galmudug
-
WhatsApp: +252634484123
Amaano Quran Online waa dugsi quraan online ah oo loogu talo galay qurbajoogta soomaaliyeed , meelkasta oo ay kaga nool yihiin adduunka .Dugsiga waxa wax ka baran kara Caruurta iyo dadka waaweyn labadaba.
Dugsigu waxa uu fursado gaar ah u hayaa waalidiinta qurbaha kunool ee dhibka badani ka haysto tarbiyadda caruurta , waxaanu diyaar u yahay inuu kala qaybqaato oo uu ka saacido dhinaca waxbarashada iyo tarbiyadda caruurta.
Koorsoyinka dugsiga lagu barto waxa kamid ah : –
1) Quraanka kariimka ah
2) Higaadda
3) Carabida
4) Xadiithka
5) Caqiiqda islaamka
6) Fiqhiga
7) Siirada nabiga صلى الله عليه وسلم
8) Tarbiyadda caruurta
9) Baridda caruurta ( Salaadda iyo axkaamta islaamka)
10) Tafsiirka iyo tajwiidka quraanka
11) Kobcinta Afsoomaaliga ( Afka hooyo);;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;l
Dugsigu waxa uu kuu diyaariyay macalimiin rag iyo haweenba leh oo aqoon buuxda u leh casharada ay bixinayaan .
Manhaj tayo waxbarasho leh oo sifudud ay ardaydu u baranayaan diinta islaamka.
Arday walba waxa loo dhigayaa wakhtiga ugu haboon ee uu rabo inuu class ka qaato .
Duruustu waxay ku baxayan afsoomaali , sido kale waxa jira qayb ku baxda English – to – English oo loogu talo caruurta aan fahmaynin af-somaliga .Hadda la xiriir maamulka oo is dinwaangali :
Whatsapp: +252634484123
IMO: +252634484123
Viber: +252634484123
Skype: Amaano Quran Online
Gmail: amaanoonlinequran@gmail.com
Booqo webiste ka dugsiga :www.amaanoquranonline.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiyo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku lee yihiin degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray labada dhinac.
Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saaratay dagaalkan ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay dishay ugu yaraan illaa afar askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo ay magaciisa ku soo koobtay Garuun, sida ay hadalka u dhigtay.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay inay hub ku furteed dagaalkaasi iyo weerarka horreeyey intaba.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu diriray ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.
-
GAROWE (HOL) - Senior politicians and government officials are converging in Garowe for the annual HIPS forum for ideas.
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa hal sano loogu daray kaararka aqoonsiga ee ay sitaan.
Goobjoog News oo aragtay kaararkaasi, waxaa u qornaa inuu dhacayo 31/12/2021, taasi oo dhigan in aqoonsiga ay sii heysan karaan ilaa dhammaadka 2021-ka.
Mid ka mid ah xildhibaannada oo la hadlay Goobjoog News, kana gaabsaday in magaciisa aan xusno ayaa waxaa uu qabaa in tani ay tahay waqti kordhin dadban.
Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa uu waqtigoodu dhacay 27-kii bishan, waxaana lagu jiraa xilli olole doorasho, laakin sidaa ay tahay waxaa ay iska wataan shaqadooda.
Goobjoog News
-
Wararka ka imaanaya dalka Croatia ayaa sheegaya in uu ku dhuftay dhul gariir kaas cabirkiisu lagu qiyaasay 6.4, waxana ka dhashay qasaaro kala duwan oo iskugu jiro dhimasho, dhaawac, iyo burbur baaxad weyn OO saameeyay dhismooyin dhowr ah inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 7 ruux, halka la sheegay 20 qof in ay dhaawacmeen, sidoo kale Lix qof ayaa laga soo badbaadiyay burburka.
Maalin ka hor Isniintii, dhulgariir cabirkiisu yahay 5.2 ayaa ku dhuftay bartamaha wadanka.
Kooxaha gurmadka ayaa baadi goobi ku haya dhismooyinka burburay hoostooda halkaas oo ay ka raadinayan dad laga cabsi qabo in ay ku hoos jiraan goobta. Sidoo kale dhul gariirka ayaa laga dareemay caasimada Austria ee Vienna.
Wakaaladda wararka Coroatia ee Hina ayaa sheegtay in dhul gariirka laga dareemay guud ahaan 12 dal oo kuyaal caalamka. Wasiirka arrimaha gudaha Davor Bozinovic ayaa sheegay in Croatia ay caawimaad ka sugeyso Midowga Yurub maadaama dalka ay ka dhacday musiibo u baahan gargaar bini aadanimo.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Ibraahim Macallimuu oo uu shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay afhayeenka xukuumadda federaalka ayaa ka hadlay xilkaasi cusub ee loo magacaabay, kadib war qoraal ah oo uu maanta soo saaray.
Macallimuu oo ka mid ahaa bahda warbaahinta dalka, sidoo kalena ahaa xoghayaha guud ee ururka isutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa soo dhoweeyey xilkaas loo magacaabay, isaga oo marka hore u mahadceliyey R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saxaafadda iyo siyaasadda aysan kala fogeyn, islamarkaana uu ka shaqeyn doono waajibaadka shaqada loo igmaday.
“Saxaafadda iyo siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan, suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda, aniguna ka mid baan noqday,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horumarka dalka iyo danta guud ee dadka Soomaaliyeed.
Halkan hoose ka aqriso:-
Alla ayaa mahad leh. Waxa aan halkan si xushmad iyo qaddarin leh ugu mahad celinayaa Reysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble oo ii magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo La Taliye Sare ee Warfaafinta.
Waxa aan Eebe ka baryayaa in uu howshaas ii u fududeeyo ,waxaan sidoo kale u mahad celinayaa dhamaan intii soo dhaweysay.
Tan iyo 1995-kii waxa aan la shaqeynayay hey’ado caalami ah oo isugu jiray kuwa samafal iyo kuwa warbaahineed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ,marka hadii Eebe qaddaro inta ka dhiman waqtigeyga inshallah waxa aan ka shaqeyn doonaa dowladnimada .
Saxaafadda iyo Siyaasadda kalama foga oo jaamacadaha qaar sanadaha hore wey isla socdaan ,suxufiyiin badan ayaa ugu dambeyn ku dhamaada siyaasadda,aniguna ka mid baan noqday.
Alla aan ka barino in dalkeenna uu inoo nabadeeyo .Colaad in ku filan waan soo aragnay .Inshallah aan si wadajir ah uga shaqeyno danta dadkeenna.
Allah ayaa badbaade leh ee haigu shartiro howshan uu RW Rooble ii magacaabay .
Macalimuu
-
Wararka aan ka heleyno degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka gabi ahaan ay xiran ganacsiyada waaweyn ee suuqyada magaalada, waxaana xigtay in mudaharaadyo ay ka dhacaan magaalada.
Qalalaasaha suuqa ka taagan ayaa waxaa ay ka dhasheen kadib markii ganacsatada magaalada ay diideen in ay dadka wax kaga iibiyaan shilinka Soomaaliga ah, diidmada Shilinka ayaana ka taagan gobolo badan oo dalka ah.
Ganacsada yaryar ayaa cabasho ka muujiyey go’aanka ay ganacsada ay ku diideen qaadashada shlinka Soomaaliga ah , iyagoo kadib magaalada ka bilaabay bannaanbaxyo ay kaga cabanayaan arrintaas sida ay sheegayaan wararka.
Diidmada Shilinka Soomaaliga ah ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo hoos u dhac baahsan uu ka jiro shilinka mana jiro wax bedalay Shilinka, walow gobolada qaar lagu daabaco Shilinka taas oo dhalisay sicir barar baahsan oo ku yimid.
Goobjoog News
-
Madasha machadka Hiritage oo sanadkan looga hadlayo xasilinta dalka, dhammaystirka Dastuurka, gaarista doorasho qof iyo cod ah iyo hirgalinta nidaam Federaal oo shaqaynaya ayaa maanta ka furmaysa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana ka qaybgalaya Gudoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka dalka, Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka, madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, musharixiinta xilka madaxweynaha u taagan qaarkood, ururada bulshada iyo marti kale.
Madasha oo qorshuhu ahaa in la furo 29-kii bisha ayaa dib u dhac ku yimid sababo farsamo, balse waxaa la qorsheeyey maanta in lagu qabto shirka oo socon doona 3-maalmood xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, sida uu sheegay agaasimaha machadka Hiritage Cabdirashiid Xaashi.
Sida ku cad ajandaha madasha, madaxda ka qaybgalaysa oo aragti ahaan ku kala duwan xaaladda dalka ayaa ka wada qaybgali doona doodo adag oo ku saabsan qabya tirka Dastuurka, ammaanka dalka, dawlad wanaagga iyo kaalinta ay bulshadu ku leedahay.
Madaxda ka qaybgalaysa madashan ayaa qaarkood isku arkeen kulamo gaar gaar ah, waxaana madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay gudoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, halka Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ay Garoowe ku kulmeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar dhabo gal ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.
Maleeshiyaadka ayaa lagu soo warramayaa inay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey inta u dhexeysa degmooyinka Matabaan & Beledweyne.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ka mid ah rakaabkii la socday gaariga la rasaaseeyey.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxaha ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka dilka ah iyo dhaawaca kadib.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aano qabiil oo ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi.
Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wada howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi, si cadaaladda loo horkeeno.
-
Allah unaxariistee waxaa habeenimadii xalay magaalada Garowe ku geeriyooday wasiirkii hore amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad).
Marxuumka ayaa la sheegayaa inuu kusoo booday xanuun ka dis ah, xili uu ku sugnaa hoygiisa uu ka degan yahay Garowe, waxaana ugu dambeyn uu u geeriyooday xanuunkaas.
Madaxweynha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geeerida ku timid wasiiskii hore ee amniga Puntland, waxaana uu tacsi u diray elahada iyo qaraabada uu ka baxay wasiirka.
“Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
Goobjoog News
-
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa kulano Siyaasadeed la yeeshay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan Garowe, Kulamadaasoo ahaa kuwo Siyaasadeed.
Sida ay Puntlandi.com ay xogta ku heleen, Madasha Musharixiintu waxay Axmed Madoobe u sheegeen in Musharixiinta ku mideysan Madasha ay ka mideysan yihiin Xalinta Khilaafka Jubbaland.
Madashu waxay sheegeen in Xaalada Gobolka Gedo ay xalintredu ka mid tahay Ajandayaasha Musharixiinta kui Guulaystay, waana ay ka wada hadleen waxayna ka mideysan yihiin in Ajandayaas uu noqonayo talaabada kowaad ee uu qaadi doono Ninka guulaysta.
Sida ay Howlwadeenada Puntlandi.con ay xogta ku hayaan Madaxweyne Axmed Madoobe aad ayuu ugu riyaaqay Dadaalka Mudharixiinta ee ku aadan Deegaanadiisa.
Faahfaahin ku saabsan qaabka ay Musharixiintu u xalinayaan Muranka Gobolka Gedo ma jirto laakiin xogta aan heyno waxaa kamid ah in ay Musharixiintu u arkaan in Muranka Gobolka Gedo uu yahay Mid la siyaasadeeyay ayna kaashadeen Arimo Qabiilaysan.
Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu kulan la qaatay Madaxweyne Saciid Deni ka hor intuusan la kulmin Musharixiinta.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna aaminsan in Ciidamada jooga Gobolka Gedo laga soo saaro waliba sida ugu dhakhsaha badan.
Puntlandi.con Garowe
The post Breaking News- Inta badan Mudharixiinta oo Axmed Madoobe siiyay balanqaad appeared first on .
-
Inkastoo Shirku uu furmi lahaa Shalay hadana dib ayuu u dhacay, saaka wali ma uusan furmin, walina waxaa lagu guda jiraa Xalinta Farsamada ee hortaagan furitaanka Kulanka .
Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay Dadka ku mashquulsan in Shirku uu furmo waxay sheegeen in Shirku uu furmaya Galabta,
Kulanka oo looga doodayo Arimaha Doorashada, Amaanka Dalka , Federaalisamka iyo Dastuurka ayaa waxaa kasoo qayb galay Siyaasiyiinta ugu saameynta badan Soomaaliya oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland , Madaxweynayaashii her Xasan iyo Dhariif, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan.
Kala soco Puntlandi.con wixii soo kordha
Puntlandi.com Garowe
The post Kulankii Madasha Heritage ee Garowe oo aan wali furmin Cilado farsamo awgeed appeared first on .
-
In rare, personal comments, World Health Organization chief Tedros Adhanom Ghebreyesus spoke Monday of his "personal pain" over the "worsening" conflict raging in his home country of Ethiopia.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Garowe kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Kulanka dhexmaray Guddoomiye Mursal iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee muranku ka taagan yahay iyo weli arrimaha gobolka Gedo.
Madaxweye Axmed Madoobe ayaa u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal in muhiim ay tahay in dowladda ay fuliso dalabkii Jubbaland ee ahaa in gobolka Gedo laga saaro Ciidanka dowladda, si ay doorashada uga dhacdo.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ayaa Magaalada Garoowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo Soomaaliya.
Magaalada Garowe ayaa waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka soconayay kulano gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda ka qeybgalaysa shirka Madasha Aragti Wadaagga,
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay rasaaseeyeen gaari ay sarnaayeen dad shacab ah xilli uu marayey inta u dhexeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne.
Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku geeriyooday hal ruux, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga la rasaaseeyey.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle waxa ay u sheegeen in dadka ku dhaawacmay weerarkaas la geeyay dhaawacyadooda degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaadkii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.
Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxa sababay weerarkaasi, balse waxaa lala xiriirinayaa dilal aano Qabiil salka ku haya oo ka taagan halkaasi.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi, balse ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle ayaa haatan wada baaritaano dheeri ah.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faah faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xalay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ku dhex-maray xubno ka tirsan Midowga Musharraxiinta, madaxweynaha Jubbaland, guddoomiyaha aqalka sare, xildhibaanno iyo senataro ka soo kala jeeda Jubbaland iyo Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka dalka oo dhinacyadaasi ay ka muujinayaan walaac xoogan, iyaga oo diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashooyinka.
Afhayeenka midowga musharraxiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey kulankaasi, isaga oo shaaciyey inay dhinacyada kala duwan ee kulanka isugu yimid ay kulmisay duruufta ka dhalatay doorashada dalka ee 2020/2021.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen labo qodob oo kaliya oo ay horey walaac uga muujiyeen, kuwaas oo kala ah hab maamulka guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi iyo sidoo kale ciidamada dowladda dhexe ay ku heyso gobolka Gedo.
Ugu dambeyn Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay, haddii aan xal mideysan laga gaarin dooda ka taagan doorashada inay meel dheer ku sii dhaceyso rajada ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan in dalkan uu horay u sii socdo, si loo sii hormariyo.
Si kataba mas’uuliyiintan kala duwan ee Garoowe ku shiray ayaa magaaladaasi u tegay ka qeyb-gala madasha aragti wadaaga ee sanadlaha ah oo looga hadlayo xaalada dalka.
-
Shirka Madasha Aragti wadaaga Heritage, oo saaka lagu waday in uu ka furmo xarunta Jaamacadda PSU ee caasimadda Garoowe, ayaa mar kale dib u dhac kooban ku yimid, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Heritage.
Shirka ayaa saaka u baaqday arrimo farsamo oo kooban, waxaana qorshaysan in uu Galabta ilaa berri subax si rasmiya u furmo, kadib markii la xalliyo Arrimaha farsamo ee dib u dhaca ku keenay Madasha.
Shirka oo markii u horraysay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Garoowe, waxaa qeybgala madaxwenayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda Federaal iyo dowlad goboleedyada, Midowga Musharaxiinta iyo marti sharaf kale.
Madasha Heritage sanadkan, waxaa looga doodi doonaa Xasilinta Dalķa, dhameystirka Dastuurka, qabasho doorasho qof iyo cod ah 2025 iyo yagleelida Nidaam federaal oo shaqeynaya.
PUNTLAND POST
The post Shirka Madasha Aragti wadaaga Heritage oo mar kale dib u dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland AXMED Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad).
Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga oo ka dhacay magaalada Muqdisho ku ansixiyey heshiisyo caalami ah, kaasi oo mudaneyaasha goluhu cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen.
Kulankan oo uu shir gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa, akhrinta 1-aad ee saddexda heshiis ee kala ah; Qaramada Madoobay, Midowga Afrika iyo Carabta ee la dagaalanka iyo ka hortagga Musuq-maasuqa iyo weliba akhrinta 2-aad ee Hay’addaha aan Dawliga Ahayn (NGO) iyo akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.
Mudaneyaasha golaha shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiska Qaramada Midoobey, kaasi oo ay u codeeyeen 146 mudane, halka uusan jirin wax diiday ama ka aamusay codeyntaasi.
Sidoo kale xildhibaanada golaha ayaa meel-mariyay heshiisyada Midowga Afirka iyo Carabta ee la dagaalanka & ka hortaga musuq-maasuq, kaasi oo ay u codeeyen 145 mudane, waxaana diiday labo mudane, halka uu hal mudane ka aamusay.
Golaha ayaa waxa kale oo uu dib u dhigay akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn ee (NOGO-ska), halka uu akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.
Wasiirka cadaalada iyo arrimaha Garsoorka, C/qaadir Maxamd Nuur oo goobjoog ka ahaa kulankaas ayaa waxa uu mudaneyaasha golaha uga mahad-celiyay ansixinta ay maanta sameeyen.
Golaha oo muddo xileedkiisu uu dhamaaday ayaa weli si KMG ah usii haya, xili uu weli muran xoogan ka taagan yahay doorashooyinka dalka oo ay qeyb ka tahay mida golaha shacabka.
Baarlamaanka Hirshabeelle oo Meelmariyey Miisaaniyadda 2021-ka
in News - Wararka
Posted
Source: goobjoog.com