Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Puntland ayaa soo dhaweysay heshiiskii ay xalay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya. Puntland waxay sheegtay in ay soo dhawaynayso in Dowladda Federaalka ay garawsatay mas’uuliyadda wixii ka dhacay Muqdisho, 19kii Febraayo, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo”. Puntland waxay ka dalbatay Dowladda Federaalka in ay qabato shir wadatashi ah oo loo dhan yahay, kaas oo waafaqsan heshiiskii 17 September 2020. “Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah” ayaa la raaciyay qoraalka Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hadashay heshiiskii DFS iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.
  2. Mogadishu (HOL) - Talks between the federal government and the opposition candidates made a breakthrough on Thursday after meeting in Mogadishu, potentially averting another bloody day of protests. Source: Hiiraan Online
  3. Joe Biden oo Telefoon Kula Hadlay Uhuru Kenyatta+Arimahay ka wadahadleen Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa Khamiistii telefoon kula hadlay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. War saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu u xaqiijiyey dhiggiisa Kenya muhiimadda uu leeyahay xiriirka Maraykanka iyo Kenya. Biden ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Maraykanka uga go’an tahay inuu sii wado in Kenya uu kala shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka, taas oo ay ku jirto marka Golaha Ammaanka la joogo, [kaas oo Kenya ay hadda xubin ka tahay.] Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Biden ayaa bogaadiyey kaalinta hogaamineed ee Kenya ee gobolka Geeska Afrika ee dhinacyada la dagaalanka argagixisada, kobcina dhaqaalaha, wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyo horumarka la joogteyn karo. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Biden iyo Kenyata ayaa ka wada hadleen xaaladda bani’aadiminimo ee sii xumaanaysa ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia iyo baahida loo qabo in joojiyo nafta baxaysa, lana hubiyo galaangalka hawlaha bani’aadaminimo. Labada hogaamiye ayaa, sidoo kale, ka wada hadlay baahida loo qabo in iskaashi laga yeesho arrimaha kale ee la xiriira xasilloonida gobolka, sida war-saxaafadeedka lagu sheegay. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo goordhaw warbaahinta kula hadlay gudaha dugsiga Hoyga Xamar oo saakay ay burburin kula jarmaadeen ciidamo boolis ah ayaa sheegay in wixii dhacay ay qalad ahaayeen. Taliyaha ayaa sheegay in warqad dacwo ah oo ay soo gudbiyeen bahda waxbarashada oo aan kala harin ay gaartay dhammaan xafiisyada ugu sareeya dalka. Waxa uu sheegay in madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka waxbarashada ay u soo direen xalinta arrintaan, isla markaana uu soo arkay sida ay wax u dhaceen. “Aad iyo aad ayaa idinkaga raali gelinayaa wixii xalay dhacay, ma aheyn siyaasadda xafiisyada dowladda iyo tan boliiska toona, saraakiishii iyo ciidamadii howshaan fuliyey tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, waad maqli doontaan illaa berri subax tallabadaas, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Taliye Xijaar. Waxa uu sheegay in booliskii burburiyey dugsiga aysan tallabadaas ciqaabta ah ku ekaa doonin ee la daba geliyo ilaa halka ay ka soo bilaabatay howshan, isla markaana lagu ciqaabi doono cid kasta oo ku lug laheyd. Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa sheegay xil gaar ah uu iska saari doono arrintan oo sida uu sheegay looga faa’iideystay intii lagu mashquul sanaa heshiiskii lagu dejiyey xaaladda Muqdisho ee xalay lagu gaaray Hotelka Decale. Taliyaha ayaa waxaa la socday guddoomiyaha degmada Hodan iyo mas’uuliyiin kale, sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa inta badan bahda waxbarashada madax-banaan ee dalka. “Waxaan soo arkay sariiro la jejebiyey, derbiyo la burburiyey iyo waxyaabo noocaas, dhibkaas waxaan kula noqonayaa madaxda dowladda, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka waxbarashada ayaan la kaasha doonaa ka garaabidda arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Hoos ka Daawo
  5. MOGADISHU, Somalia (AP) — A resurgence of COVID-19 cases is hitting Somalia hard, straining one of the world’s most fragile health systems, while officials await test results to show whether a more infectious variant of the coronavirus is spreading. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-2622021.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey heshiiskii ay xalay kala saxiixdeen madaxda mucaaradka iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan, sida lagu yiri qoraalka. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo” ayaa lagu yiri qoraalka. Shir gelinkii dambe ee shalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu kala saxiixday lix qodob oo heshiis looga gaaray rabshadihii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan iyo banaanbaxyadii ay dowladdu diiday, mucaaradkuna doonayeen inay qabtaan maanta. Shirkaas waxuu u dhaxeeyay Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle iyo duqa Muqdisho oo dhinac ah iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana guddi ka kooban lix xubnood oo kala metelaya labada dhinac loo saaray baaritaanka wixii dhacay Jimcihii hore.
  8. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya Dr,s Fowyso Abiikar Nuur oo u warrantay warbaahinta ayaa sheegtay in todobaadka 2-aad ee bilawga bisha soo socota dalka uu soo gaari doono tallaalka covid-19 kaasi ee ay soo saartay dowladda UK. Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegay in helidda talaalkaan ay soomaaliya ka caawineyso hay’adda Caafimaadka aduunka WHO oo soomaaliya ay xubin ku leedahay. “Waxaan fileynaa in bilawga bisha soo socota uu dalka soo gaaro talaalka covid-19 oo ay naga caawineyso hay’adda caafimaadka aduunka WHO ayay tire wasiir Fowsiyo. Wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegay in safiirka shiinaha ufadhiya Soomaaliya uu kala shaqeynayo helidda tallaal kale oo ay soo saartay dowladdiisa kaasi oo isna laga isticmaalay dalal badan. “Qorshaha helidda talaalka Covid-19 waxaan soo bilaawnay dhextaalka sanadkii tagay ee 2020 waxaana ka mid nahay dalal badan oo aan awoodin qarashka ku baxaya. Tan iyo markii dalka laga diwaan geliyaya kiiskii ugu horeeyay covid-19 waxaa uu haleeyay 6,687 waxaa ka bogsootay 3,784 iyadoo tirada dadka ugeeriyooday ay gaartay 223. View the full article
  9. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay Heshiiska dhexmaray dowladda iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo. View the full article
  11. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore weerar culus ku qaaday dhismaha iskuulka Xoyga Xamar, qebtya degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Shabelle oo booqatay xarunta dugsiga Hoyga Xamar oo ay dhigtaan boqolaal arday ah ayaa waxaa ka muuqday burbur xoog leh oo loo geystay dhismaha iskuulka, gaar ahaan qeybta xanaanada oo si gaar ah wax loogu bari jiray caruur badan oo Soomaaliyeed. Sidoo kale ciidamada ayaa banaanka soo dhigay agabka waxbarashada ee caruurta, iyaga oo sidoo kale cagta mariyey dhammaan qeybta jiifka ee xanaanada caruurta. Arrintan ayaa walaac xoogan ku beertay maamulka, macalimiinta iyo ardayda iskuulka Hoyga Xamar oo muddo sanado ah ah deganaa dhismaha lagu weeraray. Maamulka Dugsiga Hoyga Xamar ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay falkan burburinta ah ee lagu kala kacay qeyb ka mid ah dhismaha iskuulkaasi. Sidoo kale maamulka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay soo faro-gelisay arrintaasi, islamarkaana ay wax ka qabato boobka lagu hayo iskuulkaasi. Si kastaba dhacdadan ayaa salka ku heyso dacwo ay laamaha garsoorka dalka u gudbiyeen shaqsiyaad doonaya in dhismaha dugsiga loogu bedalo goobo ganacsi. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  12. The UN mission in Somalia warmly welcomes the agreement announced tonight by Prime Minister Mohamed Hussein Roble, the leaders of Galmudug, HirShabelle, and Benadir, and the Council of Presidential Candidates, as a positive step. UNSOM said it applauds this step, which is in the interest of the citizens of #Mogadishu and of Somalia, and urges that all involved continue to engage in dialogue to address other remaining issues in a spirit of compromise and goodwill. The government of Somalia has been working tirelessly to end the differences over the electoral process to lead the country to peaceful, free, and fair elections. Jubaland and Puntland are still reluctant to join the process and set out hard conditions for the talks called by President Farmajo to discuss the implementation of the Sep 17 agreement. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda xil-gaarsiinta iyo Midowga musharaxiinta ayaa shir ay ku yeesheen hotel Decale ku gaaray heshiis ka kooban 6 qodob, waxaana la magacaabay guddi loo xil saaray iney baaraan wixii dhacay 19-kii February. Guddigaan waxey baari doonaan weerarkii loo geystay musharaxiinta iyo rasaastii la huwiyay dibad baxayaashii ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan midowga musharaxiinta iyo xildhibaano aqalka hoose ah. Waxey ka kooban yahiin 6 xubnood oo labada daraf ka socda, iyadoo laga sugayo iney natiijo ka keenaan shaqaaqadii dhacday. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish ayaa ku jira guddigaan, sidoo kale hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa isna qeyb ka ah oo ka socda midowga musharaxiinta. AKHRISO LIISKA GUDDIGA ARINTA LOO XILSAARAY: GUDDIGA DOWLADDA KA SOCDA: Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish Wasiirka Amniga DF Xasan Xundubay Jimcaale Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaalla. GUDDIGA MIDOWGA MUSHARAXIINTA KA SOCDA: Musharax Madaxweyne: Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxweyne: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Musharax Madaxweyne: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
  14. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritrea bishii Nofeembar ee sanadkii tegay ku xasuuqeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray. Hay’adda ayaa waxa ay ciidammada Itoobiya kuwa Eritrea ku eedaysay inay gaysteen dambiyo badan oo dagaal waqtigii ay wadeen dagaalkii ay magaalada kula wareegayeen. Dowladda Itoobiya ayaanan weli ka jawaabin warbixinta Amnesty International hasayeeshee Khamiistii ayey sheegtay in goor hore bilowday baaritaanka dambiyadii laga gaystay gobolka Tigray.Eritrea wali kama aysan hadlin eedeymahan. Dilal aan sharciga waafaqsanayn, duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh ayaa ka mid ah tacaddiyada hay’adda Amnesty International ay ku eedeynayso ciidamada Eritrea in ay ka geysteen magaalada Axum, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya gacan ka siiyeen in ay dib u qabsadaan magaaladaasi. PUNTLAND POST The post Ciidamada Eritrea oo xasuuq ka gaystay gudaha Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  15. IGAD warmly welcomes the agreement reached by the Federal Gov of Somalia & the Council of Presidential Candidates in a truly Somali-led and Somali-owned process, on various issues of concerns regarding public safety, security, rights to hold peaceful demonstrations and dialogue. View the full article
  16. The United Nations Security Council voted Thursday to renew the mandate of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), a peacekeeping force first deployed in the country in 2007. According to a statement issued by the UK at the United Nations, all UN members unanimously approved extending the mandate of the mission in the country. “The UN-authorised African Union mission in #Somalia is working to build Somalia’s own capacity for its own peace and development,” it said on Twitter. AMISOM is a peace support operation with nearly 20,000 forces on the ground mainly from Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, and Djibouti. Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria and Sierra Leone are the six police contributing countries. AMISOM has been in Somalia backing the Somali federal government and fighting against the al-Shabaab terrorist group since Jan. 19, 2007. View the full article
  17. War kaso baxay xafiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiski ay Muqdisho ku wada gaareen Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda xilka gaarsiinta ee Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in lasii waddo qodobada dhiman ee heshiiska si loo dhameystiro, waxaana ay ku baaqday in loo gudbo Mowduucyadda dhiman ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka. “Qaramada Midoobay waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan” Warka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa intaas kusii daray “Qaramada Midoobay waxay ku dhiiri galinaysaa dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan mawduucyada kale ee harsan si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaag” PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Heshiiskii Villa Somalia iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.
  18. At around 4:00 pm last night, Somali police raided the Hamar Boarding School building located along KM4-Abdikasim road in Mogadishu. The police took away the chairman of Hamar Boarding Schools Abdirahman Dhagey as bulldozers razed down the school with nearly 3,000 students. The government-owned building has been in operation for more than 50 years as a school that played a major role in the growth of education in the country during the conflict. On 16 Feb 2021, the Ministry of Education warned the Benadir Regional Court that the land of the school could not be given to anyone. View the full article
  19. ANKARA (HOL) - Turkey is working on bringing Somalia and Kenya to the negotiating table on the ongoing maritime row even as the case enters the home stretch at the International Court of Justice, HOL has learnt. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa aroortii hore saakay hawlgal burburin ah ku bilaabay dhismaha dugsiga Hoyga Xamar ee ku yaalla dagmada Hogan, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM4. Dood muddo socotay ayaa ka taagneed dhulka uu dhismaha dugsiga ku yaallo, waxaana sheegtay qoys dan guud loogala wareegay, dacwo dheer kadib waxaa laga iibiyay ganacsato Soomaaliyeed oo ay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir. Maamulka dugsiga Hoyga Xamar ayaa ka digay dhibaatada ay keeni karto xukunka ay riday maxkamadda, sidoo kale wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa sheegtay in dhulkaas uu yahay dan guud. Iyadoo ay taasi jirto ayey ciidamada Booliska saakay aroortii burburin ku bilaabeen dhismaha dugsiga, si dhulka loogu wareejiyo ganacsatadii iibsatay. Maamulaha dugsiga Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan oo warbaahinta la hadlay markii uu soo baxay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in dhulkaan lacag ku dhaw hal malyan oo Doolar lagu iibiyay, sidoo kalana isaga loo keenay lacago gaar ah si uu dhulka u baneeyo. Bishii Maarso ee 2020 ayey maxkamadda gobolka Banaadir riday xukunka, waxeyna durba amartay in la baneeyo dhulka, maanta ayeyna ciidamada Booliska amarkaas fuliyeen iyadoo sida sawirada ka muuqata burburinta ay socoto.
  21. Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa guddi u saaray weerarkii lagu qaaday Hoteelka ay deganayeen madaxdii hore ee dalka iyo sidoo kale weerarkii lagu qaaday Xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta iyo banaanbaxayaal marayay KM4. Guddiggaan oo ka kooban lix xubnood ayaa la kala soo xulay Xukuumadda Soomaaliya iyo midowga Musharaxiinta, waxaana ay baari doonaan wixii dhacay maadaama dowladda Soomaaliya ay raaligalin bixisay. Dowladda waxaa ka socda: Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish Wasiirka Amniga Xasan Xundubay Jimcaale Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Alcaddaalla. Midowga Musharaxiinta waxaa ka socda: Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow. View the full article
  22. Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga ayaa soo dhaweeyay heshiiska xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta ay ku wada gaareen xalay magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo la soo dhigay Twitter ayuu danjiraha ku sheegay in uu soo dhaweynayo is afgaradka, isagoo xusay in loo baahan yahay in wadahadalka la sii wado si loo gaaro heshiis kama dambeys ah. “Waxaa amaanayaa sida mas’uuliyadda leh oo ay u tanaasuleen ra’isul wasaare Rooble iyo xubnaha Midowga Murashaxiinta madaxtinimada. Heshiiska wuxuu dhisayaa rajo nabadeed, dhex dhaxaadnimo iyo abaabul doorasho oo loo dhan yahay,” ayuu yiri danjire Berlanga. View the full article
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo miro dhal ah oo ka tarjumaya biseylka siyaasadeed iyo u tanaasulka danta guud ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan, isagoona uga mahadceliyey Madaxweyneyaashi Hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubnaha kale ee Musharaxiinta uu kulanka la qaatay dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa heshiiskan oo muujinaya sida ay nooga go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo amniga dalka. Dowladdu waxa ay garowsan tahay ilaalinta sarreynta sharciga iyo xuquuqda muwaadin kasta uu u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa, waxaan rajaynayaa in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno qabsoomidda doorashada.” Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hor-dhigay masuuliyiinta uu la kulmay duruufaha amni iyo caafimaad ee ka jira dalka ayaa u soo jeediyey in dib loo dhigo bannaan baxa maalinta jimcaha, lagana wada shaqeeyo marxalad iyo waqti kale oo ku habboon, suurtagalna ah. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyey dadaalka dowladdu ay ku bixinayso badqabka caafimaad iyo amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la dhowrayo xuquuqda dastuuriga ah ee qeexaysa in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay soo bandhigidda aragtidiisa siyaasadeed. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud. View the full article