Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muxuu boqorka Sacuudiga xilka uga qaaday wasiirkii Xajka iyo Cumarada? Wasiirka Xajka Sacuudi Carabiya ee xilka laga qaaday Maxamed Saalix ben Taaher Benten Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay Digreeto ka soo baxday boqortooyada Sacuudi Carabiya inuu Boqor Salmaan uu xilka ka qaaday Wasiirka Xajka iyo Cumarada Maxamed Saalix ben Taaher Benten oo u xilsaarnaa munaasabadda xajka ee sanadlaha ah. Wasiiru dowlaha wasaaradda Issam ben Saciid ayaa xilkaasi si ku meel ah loogu magacaabay. Xajka iyo Cumrada oo ah halka Dowladda Sacuudiga dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo ayaa sanad walba u soo xareeya balaayiin doolar ka hor inta uusan dhicin cudurka safmarka ee fayraska korona. Masaajidka Barakeysan ee Xaramka “Maxamed Saalix ben Taaher Benten oo ahaa wasiirka Xajka iyo Cumrada xilka ayaa laga qaaday” ayaa lagu yiri qoraal bogga twitterka ee Wakaaladda Wararka ee Sacuusiga SPA lagu soo daabacay iyada oo aan la sheegin sababta uu wasiirka xilka uu ku waayey. Wasiir Benten waxaa xilka wasaaradda loo dhiibay sanadkii 2016-kii. Boqortooyada Sacuudiga siweyn loogu ammaanaa ilaalinta goobaha Islaamiga ee barakeysan ee Maka iyo Madiina iyo sida nabedeysan ee ay u abaabusho munaasabadda Xajka, inkasta oo Xujaajta dibadaha ka soo Xajin jirtay laga mamnuucay iney sanadki tagay soo xaajiyaan si looga hortago faafiytaanka korona. Dhacdadaasi oo noqotay tii ugu horreysay oo dhacda xilligan casriga ah. Shirkadaha ka howl gala arrimaha Xajka howlahooda waxaa si weyn u saameeyey tallaabbooyinka ay dowladda u qaadday si ay uga hortagto faafitaanka cudurka safmarka. Inta uu cudurka safmarka ah dhicin muslimiinta soo Xajiya 24-ka saac waxaa adeeg aan kala joogsi lahayn Xujaajta soo booqato magaalooyinka Barakeysay ee Maka iyo Madiina siin jiray in ka badan 1,300 huteel iyo kumannaan goobaha laga dukaameysto. Xujaaj xajka gudaneyso Horraantii toddobaadkan, shirkadda Sacuudiga ugu weyn oo qalabka soo saarto ee Jabel Omar waxay amaahtay $427 malyan oo doolar kaddib marki ay dhaqaalaheeda saameeyeen xayiraadihi magaalada Maka saarnaa. Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA waxay horraantii toddobaadkan sheegtay Boqor Salmaan inuu qalinka uu ku duugay barnaamij dhaqaale oo lagu caawinayo shirkadaha iyo shaqsiyaadka saameynta dhaqaale ay u geysteen xayiraadihii ka dhashay cudurka safmarka ee Covid-19. Dhinaca kale, Digreto boqortooyada ka soo baxday ayaa sidoo kale xilkii looga qaaday madaxii Hay’ada Duulista Hawada, Abdulhadi al-Mansouri, oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda. Abdulaziz al-Duaelij-na sida oo kale waxaa loo magacaabay madaxa cusub ee Hay’adda Duulista Hawada ee Sacuudi Carabiya. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidan shirka Xalane, oo uu ku xiray shuruud ay kala shaqeynayaan qaar ka mid ah madax goboleedyada. Madaxweynaha ayaa doonaya in shirkaas uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo tegista Xalane u arko mid dhaawaceysa sumcaddiisa, kadib markii ay sidaas dalbadeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. Saraakiil ka tirsan Villa Somalia iyo Xildhibaano ku dhow dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu la kulmo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo kaliya islamarkaana uu dalbaday in ay yimaadaan dhamaan madaxda kale. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu madaxda maamulada ee taabacsan ku amray in aysan imaanin shirka ama ay dalbadaan in loo soo wareejiyo Villa Somalia. “Madaxweynaha waa diidan yahay in uu ka qeybgalo shirka waxa uuna saaxiibadiis kale ku amray in aysan imaanin waxaana muuqato caqabado badan oo ku horgudban qabsoomida shirkaan,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Dhinaca kale, Qoor Qoor ayaa laga soo xigtay inuu xildhibaano Reer Galmudug ah u sheegay inay dareysiin doonaan beesha caalamka in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kaliya aysan muhiim u aheyn doorashada Soomaaliya, ayna aheyn in mar kasta tooda loo yeelo. Lama oga sida uu xaalku noqon doono hase yeeshee waxaa socda cadaadis badan oo ay wakiilada beesha caalamka saarayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamul gobaleedyada kale ee taabacsan.
  3. Poor rain forecast for the next few months threatens to exacerbate the plight of tens of thousands of Somalis displaced from their homes and villages due to “extreme” water shortages since last November, the UN humanitarian office said on Friday. Source: Hiiraan Online
  4. (ERGO) – A thousand students living in one of the largest internal displacement camps in Ethiopia’s Somali region have been out of school for almost a year due to COVID19 restrictions, which have also led to growing food shortages among the camp residents. Source: Hiiraan Online
  5. Koomishanka Doorashooyinka S/land oo shaaciyey Wakhtiga kama Dambaynta ah ee Xisbiyadu ku soo gudbinayaan Liiska Musharaxiinta u tartamaya Doorashooyinka May 2020 Komishanka doorashooyinka ayaa wakhtiga kama dambaysa ah u qabtay Saddexda Xisbi qaran in ay u gudbiyaan Liisaska Murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka.War gelin qoraal ah oo lagu socodsiiyey saddexda Xisbi Qaran, ayaa loogu sheegay in ay maalinta arbacadda ah ee 17 bishan ay gudbiyaan liisaska murrashaxiintooda goleyaasha Deegaanka. Xeerka doorashooyinka, ayaa tilmaamaya in Xisbiyadu 75 maalmood ka hor doorashada in ay Komishanka u gudbiyaan Liisaska murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka, si ay hubin shuruudaha xeerka buuxiyeen. Qaran News
  6. Somali colonel among several people wounded in attack in capital, which no one has claimed responsibility for Source: Hiiraan Online
  7. Tallaalka xanuunka COVID-19 ayaa lagu wadaa in todobaadka dambe soo gaaro magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, taas oo noqon doonta halka ugu horraysa ee la keeno guud ahaan Soomaaliya. In ka badan 300,000 oo qof tallaal loogu tala-galay, ayaa sida qorshaysan la keeni doona caasimadda Garoowe todobaadka dambe, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan. Tallaalkaas oo haatan ku diyaarsan magaalada Nairobi, waxa la qorsheeyay in uu Puntland soo gaaro 24-25 bishan March, iyadoo Garoowe noqon doonta halka kowaad ee laga bilaabo tallaalka COVID-19. PUNTLAND POST The post Garoowe oo noqotay magaalada ugu horraysa ee la keeni doono Tallaalka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore maamul goboleedka Puntland haddana ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saaray is-mari-waaga doorashooyinka dalka, wuxuuna soo jeediyay afar qodob oo xal u noqon kara sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo soo saaray qoraalkiisa ay si aad ah u cambaareeyay tallaabooyinkii uu dhigga ku daatay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna aaminsan yahay masuulkaan inaan xal la heli karin hadii aan garawshiyo laga bixin tabashooyinka daneeyayaasha qaar. Faroole wuxuu taageeray heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho, wuxuuna soo jeediyay in si wada ogol ah loo dhaqan galiyo, dhanka kale wuxuu ka digay in FARMAAJO uu isku kobo fulinta heshiiskaas. Senator-ka wuxuu kaloo aaminsan yahay in horay loo socon karo hadii intaas la helo lagana gudbi karo caqabadaha ku hareereysan doorashooyinka dalka. Afarta qodob oo uu aaminsan yahay madaxweynahii hore Puntland in looga gudbi karo marxaladda lagu sugan yahay wuxuu ku sheegay: 1 – In shirka soo aadan ay kawada qeybgalaan dhamaan daneeyeyaasha; madaxweynaha waqtig ka dhacay, ra’iisul wasaaraha, madaxda maamulada, guddi uu horkacayo afhayeenka Aqalka Sare iyo xubno ka socda Golaha Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha waddanka. 2 – In guddi ka socda Beesha Caalamka uu korjoogteeyo maxsuulka shirka si ay hogaamiyeyaasha uga caawiyaan in ay is-faham buuxa gaaraan 3 – In ammaanka shirka ay la wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 4 – In xalka uu ku jiro iyadda oo la xaqiijiyo metelaada dhamaan dhinacyadda iyo wada-ogolka dhamaan dhinacyadda si looga gudbo is-mari-waaga loona dareero doorasho la isla ogol-yahay xor iyo xalaalna ah Qoraalka kasoo baxay Faroole ayaa imaaneysa xilli la filayo in maalmaha soo socda uu shir ka dhaco Muqdisho, gaar ahaan teendhadii Afisyooni oo horay loogu doortay Farmaajo afar sano ka hor, waxeyna taas timid markii laga shakiyay kalsoonida amni ee lagu qabi karo xukuumadda xilka sii heysa.
  9. Qarax khasaare gaystay oo gilgilay Muqdisho Saqdii dhexe ee xalay Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay fiidkii ka dhacay nawaaxiga Afisyoone ee Muqdisho, sidaasi waxaa VOA u sheegay ilo wareed codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo dhinaca amniga ah. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo lala beegsaday baabuur. Baabuurka ayaa la sheegay inuu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidanka. Dawladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda rasmi ahaan uga hadlin weerarkan. Weerarkan waxa uu imanayaa xilli la qorshaynayo in uu shir uga furmo Muqdishu madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada maalmaha soo socda. Qaran News
  10. Wax ka ogow Siday Ninkan oo sabool ahaa ugu suurtogashay inuu si lama filaan ah uu ku helo kumanaan doolar? Kindee Asraat, ninka ku guuleystay bakhti nasiibka ee lix bilood la raadinayey Muddo lix bilood ah waxaa baadi goob loogu jiray ninki ku guuleystay bakhti nasiibka sanadlaha ah ee wakaaladda bakhti nasiibka ee dalka Itoobiya ay bixiso. Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee wakaaladda bakhti nasiibka ee dalka Itoobiya Tewedros Niway oo BBC u warramay ayaa sheegay ninka bakhti nasiibka ku guuleystay oo lagu magacaabo Kindee Asraat lix bilood kaddib inuu wakaaladda u keenay seddex tikidh oo ka mid ah ee tikidhada afarta ahaa ee bakhti nasiibka lagu muteysan lahaa. Wuxuuna Kindee uu ku guuleystay 12 Malyan oo Birr oo lacagta waddanka Itoobiya ah oo u dhiganta ku dhawaad $300,000 oo doolar. Kindee siduu ku ogaaday inuu bakhti nasiibka ku guuleystay? Kindee wuxuu sheegay inuu baraha bulshada gaar ahaanna Facebook uu si aad ah uu u isticmaalo uuna ku arkay xayasiis lagu baadi goobaya qofka helay bakhti nasiibKindee ka koobaad ee sanadlaha ah. “Aniga marnaba kuma fakarin inaan aniga noqonaya qofka bakhti nasiibkaasi nasiibka u yeeshay oo waxaan saaxibbadeey kula sheekeysaneyey iney dhici karto qofkii tikidhka goostay inuu ku dhintay dagaallada ka socday gobolka Tigraay” ayuu yiri. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa laga soo wacay iskuul uu wiilkiisa wax ka baraneyey waxaana loo sheegay inuu bixinin lacagtii iskuulka. Kindee wuxuu ogaa inuu lacagta bixiyey wuxuuna gudagalay juwanka( warqadda caddeynta) lacagta uu ku bixiyey inuu raadiyo si uu iskuulka uu caddeyn ahaan ugu geeyo. Inta uu gurigiisa ka baareyey juwanka iskuulka wuxuu boorsaddiisa uu ku arkay mid ka mid ah tikidhada bakhti nasiibka ee baraha bulshada laga raadinayey. Balse wuxuu ogaaday weli iney dhiman yihiin laba tikidh oo kale iyada oo bakhti nasiibka koobaad afar tikidh loogu guuleysanayo, wuxuuna xusuustaa inuu goostay seddex ka mid ah tikidhadaasi. laba maalmood marka uu tikidhada gurigiisa ka raadinayey ugu dambeynti wuxuu ku guuleystay seddexdi tikidh inuu helo, taariikhda markay ahayd March 5, 2021 wuxuu la xiriiray wakaaladda bakhtiyaa nasiibka qaranka bixisa oo raadineysa ciddi guuleysatay iney lacagteeda soo doonato. “Anaa bakhti nasiibka ku guuleystay” Kindee Asraat waa wiil dhalinyara ah oo ka shaqeeya arrimaha samafalka oo ku nool magaalada Arba-mich. “Tikidhka bakhti nasiibka aan ku helay ma xusuusto magaalada aan ka goostay balse waxaan u maleynayaa ‘Shaashamane ama Arba-Micnh midkood iney ahayd” ayuu yiri mar uu u warramayey BBC. Kindee marka u tikidhka bakhti nasiibka goostay kaddib wuxuu u shaqa tagay magaalada Diridhaba oo ku taalla bariga Itoobiya. “Marki aan ogaaday inaan Bakhti-nasiibka ku guuleystay waa naxay, muddo ayey igu qaadatay inaan isdajiyo, maalmo dhanna hurdo la’aan ayaan ahaa farxad iyo naxdin wada socota ayaa hurdadad ii diidday” ayuu yiri. Ninkan bakhti nasiibka 12 malyan oo lacagta Itoobiya ku guuleystay wuxuu sheegay 8 malyan oo ka mid ah in la siiyo shacabka ku barakacay dagaallada Tigraay ka dhacay. Wakaaladda bakhti-nasiibka Itoobiya ayaa muddo 60 sana ah bixineysay bakhti nasiib isugu jira sanadla iyo kuwa munaasabada gaar ah lagu saleeyo. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dad badan ka yaabiyey ciidamadii aadka u hubeysnaa ee shalay uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni la yimid magaalada Muqdisho, oo uu kaga qeyb galayo shir ku saabsan doorashooyinka dalka. Siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa aragtiyo ka bixiyey hubkan culus iyo ciidanka badan ee uu Saciid Deni la yimid Muqdisho, ayaga oo ku macneeyey inay tusaale u tahay sida ay madaxda Soomaalida u kala aamin baxeen. Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynte ayaa qoraal uu soo saaray Facebook ku yiri “Ciidankaas xooggan ee uu madaxweynaha Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni usoo kaxeystay Xamar, isagoo waliba shir uga qaybgalaya gudaha Xalane, wuxuu tusaale u yahay kalsooni darrada iyo is-aaminaad la’aanta ka dhex jirta madaxda dalka.” Waxa uu intaas ku daray “Afar sano kahor xilligii ay madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleeyadu kulmi jireen isla markaana iska qancin jireen hannaanka doorashada, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu aalaaba ku dagi jiray xarunta hey’adda nabadsugidda ee NISA. Madaxweynihii hore ee Puntland, wuxuu isna dagi jiray mid kamid hoteellada Muqdisho. Madaxda dowlad goboleeyada kalena guryo ayay Xamar ka degganaayeen. Jawi kalsooni iyo wada shaqeyn ayaa jiray. Maantase Xamar waxay noqotay halaq mareen aan la isku aamini karin, maadaama uu ka taliyo madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday oo doonaya inuu agaasimo doorasho uu natiijadeeda sii ogyahay, sida uu yeelay dowlad goboleeyada uu ka taliyo. Waanse hubaa in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwa xoog iyo xoolo lagu heysan karo. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna yiri “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo Villa Somalia sharci darrada iyo xoogga ku fadhiya waxa uu sababy in la kala aamin baxo qof walba intiisa ku tashto. Waxaa dalka loo dhiibay afar sano ka hor ayada oo Soomalida dhami ay u dhantahay doorashadii asaga lagu doortay. Asaga hadda waxaa ka go’an laba midood: doorasho beenaad oo uu hubo natiijadeeda inuu qabsado ama in uu sharci darradaas isaga sii joogo. Waxaan leenahay labadaas midna kuu socon mayaan ee ummadda la heshii inta wali fursaddu furantahay.” Sidoo kale, xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna qoraal uu soo dhigay “Marka lagaa aamin baxo, ummaduna kuu aragto in aad cadow ku tahay, qof waliba waxa uu heli karo in uu garabka ku soo qaado si uu isaga kaa ilaaliyo waa Sunno Rabbaani ah”
  12. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nayroobi. Madaxweynaha Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida wasiir hore Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr appeared first on Puntland Post.
  13. ETHIOPIA DOORASHOOYINKA MUDEYSAN BISHA JUNE 2021 MIYEY SUURAGAL YIHIIN IN AY DHACAAN , MASE NOQON KARAAN QAAR XOR IYO XALAAL AH ? Dalka Ethiopia oo ay doorashooyinkiisu mudeysnaayeen bisha Aug 2020 ayaa dib loo dhigay sababo uu keenay xanuunka #Corronavirus , arinkaasi oo ay qaadaceen Gobolka waqooyiga ee qoomiyada Tigray , waxaanay qabteen doorashadii Golaha wakiilada Dadweynaha ee Gobolka Tigray , taasi oo keentay in ay dawlada federalka Ethiopia ay sheegtay in aanay aqoonsanayn. Waxa xigtay in uu baarlamaanka daw lada federalka Ethiopia joojiyey gabi ahaanba wada shaqeynta maamulka sare ee Gobolka Tigray oo iyagu sheegay in aanay aqoonsanayn Raisal Abiy Ahmed ilaa uu qabto doorashooyin , waxaana ay dawlada Ethiopia isku raacday in wada shaqeynta laga jaro madaxda maamulkaasi laakiin maamulada hoose iyo adeegyada dadweynuhu sidoodii ahaadaan. Arimahani waxa ay dhaliyeen dagaal qadhaadh oo lagu hoobtay oo ka dhacay Gobolka Waqooyi ee Ethiopia, oo ay dawlada Ethiopia ku qaaday weerar barakiciyey malaayiin dad ah , boqolaal kun ay ka talaabeen xuduudaha oo ay galeen dalka Sudan , kumayaal dad ahi ay ku dhinteen oo aan waxba galabsan hawlgaladii ka dhacay Mekelle iyo Gobolka waqooyi ee Tigray waxa taladii laga Xoog iyo dagaal lagaga Ilaa iyo intii uu Raisal wasaaraha Ethiopia dalkaasi qabsaday sanadkii 2018 ayaa aanay isku wanaagsanayn xukuumada Abiy Ahmed iyo qoomiyada Tigray , arimahaasi waxa keenay markii saraakiil badan iyo madaxdii xukuumadii hore lagu eedeeyey tacadiyo badan, arimo musuq-maasuq iwm oo gabi ahaanba xilalka sare ee dawlada federalka laga dhameeyey iyo waliba go’aankii uu Abiy Ahmed ka qaatay Badhame xuduudka Erateria iyo Ethiopia oo ay u arkeen in dhulkoogii ay ku dagaalamayeen mudada badan si dhib yar la isaga bixiyey. Qoomiyada Tigray waa jabhadii dalka Ethiopia ka xoreysay dawladii Dhergiga, waxaana ay la midoobeen ODP oo ah Oromo democratic Party oo iyaguna ka soo horjeeday nidaamkaasi dhergiga , sidaasi oo kale ayaa ayey jireen qoomiyada Ahmara oo laftoodu ka soo horjeeday Dhergigii oo sameystay xisbiga Ahmara Democratic party ADP iyo xisbiga ay lahaayeen qoomiyadaha shucuubta koonfureed ee SEPDM iyo xisbiga Tigray TPLF ayaa sameystay isbahaysigii dalka Ethiopia ka talinayey mudada dheer ee EPRDF. Markii uu geeriyooday Raisal wasaarihii awooda badnaa ee dalka Ethiopia Malez zenawi waxaa loo dhiibay Haeila mariam desalem oo ka soo jeeda shucuubta koonfureed iyo xisbiga SEPDM , si uu u dhameystiro mudada u hadhsanayd malez zenawi, waxaana sii xoogesystay kacdoono ay qoomiyada Oromadu bilaabeen, kaasi oo uu u sameeyey isku shaandhayn masuuliyiinta dawlada waxaana la magacaabay madax badan oo ka soo jeeda qoomiyada oromada si uu u damo kacdoonku. Dedaaladaasi waxba kama tarin, waxaana xilkii iska casilay Raisal Haielamariam Desalem sanadkii 2018 kii , waxaana Raisal wasaare loo magacaabay Abiy Ahmed Ali oo ahaa Gudoonkii Xisbiga ODP ee oromada si uu culeysku uga dago dalka doorashooyina loo qabto , Abiy Ahmed oo noqday horaantiiba shaqsi ka saameyn badan oo ka gadisan waxii laga filayey oo dalka Ethiopia u raray nidaam democratic ah , la heshiiyey dalka Erateria, mucaaridkii dalka iyo jabhadihiiba soo xareeyey. Dedaalo badan oo uu gallay ayuu Ethiopia kaga badbaadiyey in uu damiyo mucaarid iyo jabhado dalka dibada kaga yimaadaa, taasi oo noqotay yididiilo iyo wanaag uu aduunka oo dhami ku soo dhaweeyey oo uu ilaa bilada nabada aduunka ku qaatey , waxaana aad moodeysay in uu laftiisa deg-deg badani ku jiray taasi oo dhalisay in dhawr goor la isku dayey inqilaab iyo in ay soo cusboonaadeen mudaharaadadii qoomiyada oromada dhawr goor. Xiligani oo dawlado badan oo aduunka ahi iyo hay’adaha caalamiga kuwa xuquuqda aadamaha iyo guud ahaan caalamku cambaareynayo waxii ka dhacay Gobolka waqooyi ee Ethiopia ee Tigray oo ay dawlada Ethiopia ku qaaday weerar barakiciyey malaayiin dad ah , boqolaal kun ay ka talaabeen xuduudaha oo ay galeen dalka Sudan , kumayaal dad ahi ay ku dhinteen oo aan waxba galabsan hawlgaladii ka dhacay Mekelle iyo Gobolka waqooyi oo Tigray. Raisal wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa uu aasaasay xisbi la yidhaahdo xisbiga barwaaqada oo uu ugu talogalay in uu ku mideeyo qoomiyadaha dalka Ethiopia oo dhan xisbigaasi oo uu u bixiyey Ethiopian prosperity party (PP ) ayaa la filayaa in uu kaga qayb galo doorashooyinka soo socda . Dr Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa waxa laga sugayaa in ay dalkaasi doorasho ka qabato bisha June ee sanadkan, iyada oo waliba ay xidh-xidhan yihiin qaar ka mid ah mucaaridka dalka Ethiopia ugu waaweynaa oo lagu eedeeyey in ay kacdoonadan ku lug leeyihiin , markaa lama saadaalin karo in ay doorasho dhici karto iyo in kale . Waxa la isweydiinayaa doorashooyinka Ethiopia ka dhici doonaa ma waxa ay la mid noqon doonaan doorashooyinkii EPRDF qaban jirtay ee dhinaca ka rarnaa, mise dalka Ethiopia waxa ka dhici doona doorashooyin dimuqaradiyadeed oo si nadiif ah oo muuqata loogu tartami doono , isla markaana noqon doona qaar xor iyo xalaal ah oo Geeska Africa sumcad iyo magac wanaagsan u soo jiida. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Dhamaan argtiyaha ku soo baxa shabakadani ma aga kuwo ka turjumaaya habsami u socodka shabakadani ee waa fikir ku kooban qoraha maqaalkani ee kor ku xusan Qaran News
  14. Ilaahay naxariista janno haka waraabiyo waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Wasiirkii hore ee gaashaandigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr. Marxuum Cabdiraxmaan waxaa uu jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciidanka Soomaaliya, sida Taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa howlgelinta ciidanka Qaranka, militariga ataajiiga Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa xiriirka arrimaha Dibadda ee Wasaaradda gaashaandhiga, Xildhibaan iyo Wasiir Gaashaandhiga. Marxuum Cabdiraxmaan waxaa u ku dhashay magaaladda Laas Qoray ee Gobolka Sanaag sanadkii 1935. Marxuumku waxaa uu waxbarashadiisii militariga ku soo qaatay wadamada Masar iyo dawladii hore ee Midowga Soofiyeet-ka (dalka Ruushka) oo laba jeer waxbarasho militari loogu diray. Waxaa kale oo uu waxbarsho la xiriirta militariga ku qaatay dalka Mareykanka. Marxuum Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galay dagaalkii 1964 oo uu ku dhawaacmay, biladna lagu siiyey. Alle ha u naxariisto Jeneraal Beyr. PUNTLAND POST The post Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku geeriyooday Nairobi appeared first on Puntland Post.
  15. Villa Soomaaliya iyo Taageerayaashoodu waxay caawa isku mashquulinayaan Madaxweyne Deni iyo Ilaaladiisa, Afar sano ka hor Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu wareejiyey hogaanka Dal ay ka socoto isusoo dhawaasho iyo Qaran Aduunku Aqoonsan yahay maantana halkaan ayay maraysaa, ” Dowlada Emaaraatka oo Safiir rasmi ah usoo magacowdey Dowlada Soomaaliland” The post Sawirka Maanta “Safiirka cusub ee Dowlada Emaaraatka u fadhiyi doona Soomaaliland appeared first on . Source
  16. Warar aan helayno ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho Qarax lala beegsadey Korneyl Cumar Cabdiraxmaan oo ah Taliyaha Ciidanka Ilaalada Musharax Daahir Maxamuud Geele. Qaraxa ayaa wuxuu caawa ka dhacay wadada Afisyooni, Taliye Cumar waxba ma gaarin laakiin waxaa Qaraxa ku dhintay la ilaaladiisa kamida. Lama oga cida ka dambeysa weerarka lala beegsadey Ciidamada Amaanka Musharax Geele. Daahir Maxamuud Geele oo ah Musharax Nadaxweyne waa Afhayeenka Madasha ay ku Mideysan yihiin Musharixiinta ay kamidka yihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Shiikh, Shariif Shiikh iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Puntlandi.com Muqdisho The post Taliyaha Amaanka Musharax Daahir Geele oo la weeraray appeared first on . Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyey geerida wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sanadkii 2004-tii Cabdiraxmaan Maxamuud u magacaabay wasiirkii gaashaandhigga dalka, dowladaas oo uu madaxweyne ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka. “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada. Allaha u naxariitee Jeneraal Cabdiraxmaan ayaa jagooyin kala duwan ka soo qabtay dowladihii soo maray dalka, sida wasiirka gaashaandhigga, taliyihii qeybta 60-aad ee xoogga dalka, madaxii guud ee howlgelinta ciidanka Qaranka, madaxii xiriirka Soomaaliya ee dalalka Ciraaq iyo Mareykanka, madaxii xiriirka arrimaha dibedda ee wasaarada gaashaandhiga iyo xildhibaan. Sanadkii 1935 ayuu Marxuum Cabdiraxmaan ku dhashay magaaladda Laas-Qoray ee gobolka Sanaag, sida lagu xusay taariikhda. Waxuuna waxbarasho u badan tababarro militeri ku soo qaatay dalalka Masar, Ruushka iyo Mareykanka. Sidoo kale sanadkii 1964-kii ayuu Jeneraal Cabdiraxmaan ku dhaawacmay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, xilligaas oo uu ka mid noqday saraakiil ay dowladdii Soomaaliya guddoonsiiday Bilad.
  18. Wasiirkii caafimaadka ee dalka Jordan Nathir Obeidat ayaa is casilay kadib markii qaar kamid ah bukaano uu soo ritey cudurka Covid 19 ay ugu dhinteen cisbitaal ay dowladu maamusho ogsijiin la’aan. Warbaahinta dowladda ayaa Sabtidii tabisay in ugu yaraan toddobo qof ay ugu dhinteen cisbitaalka dowladda ee magaalada al-Salt, oo qiyaastii 20 kiiloomitir (13 mayl) waqooyiga kaga beegan caasimadda Amman markii ogsijiintii ay ka dhammaatay. Raysal wasaaraha Jordan Bisher al-Khasawneh ayaa amar ku bixiyay in la baadho, halka King Abdullah II uu yimid cisbitaalka si uu u dejiyo qoysaska cadheysan ee banaanka cisbitaalka isugu soo baxay. Boqorka ayaa cambaareeyay dhacdada, waxana uu amar ku bixiyay in agaasimaha cisbitaalka shaqada laga joojiyo, sida uu sheegay TV-ga al-Mamlaka. King Abdullah wuxuu yimid cisbitaalka isagoo labisan dharka militariga kadib markii 7 qof ay ku dhinteen cisbitaalka gobolka Amman sababo la xidhiidha oksijiin yari. Muuqaalo fiidiyoow ah oo lagu faafiyay internetka, boqorka ayaa laga maqlay isagoo ku dhahaya agaasimaha cisbitaalka: “Sidee wax noocan oo kale u dhici karaan Tani waa wax aan la aqbali karin. ” Qiyaastii 150 ehelka bukaanka ayaa isugu soo baxay banaanka xarunta, oo ay ku hareereysnaayeen ciidamo badan oo boolis iyo nabad sugid isugu jira, kuwaasoo ka hor istaagay qoysasku inay galaan. Wadanka Jordan oo ay ku nool yihiin illaa toban malyan oo ruux ayaa laga soo weriyey in dad gaadhaya 385,533 uu soo ritey cudurka Covid 19 halka ay ugu dhinteen illaa 5,224 qof. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa si aad ah loo adkeeyay shalay ilaa xalay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ku dhow. Ciidanka AMISOM gaar ahaan Sector One oo ah ciidanka Uganda ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ilaalo gaar ah ka haaya guriga Axmed Madoobe iyo aagga ku dhow. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidankii la joogay Axmed Madoobe ee AMISOM lagu soo kordhiyay ciidan kale oo gaaraya 30 ilaa 50 askari. Sidoo kale waxaa la jooga ciidankiisa gaarka ah inkastoo masuuliyada amnigiisa ay saaran tahay AMISOM. Arrintaan ayaa timid kadib markii shalay garoonka la isugu geeyay ciidan kala duwan oo ka socda dowladda iyo mucaaradka, taas oo qal qal gelisay amaanka garoonka islamarkaana sababtay in Axmed Madoobe uusan ka qeyb gelin aaska iyo janaasada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed. Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah inay suurta-gal tahay in ciidanka dowladda ay weeraraan Axmed Madoobe ayaga oo isku dayaya inay soo qabtaan, inkasta tani ay u muuqato mid laga badbadiyey. Kala shaki iyo cabsi weyn ayaa u dhaxeysa madaxda Soomaalida gaar ahaan maamul gobaleedyada qaar, mucaaradka iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, kuwaas oo isku fahmi la’ hanaanka doorasho ee Soomaaliya.
  20. (SLT-Hargeysa)-Mukhtaar Xasan Diiriye, ayaa u tanaasulay Musharax Cabdiqaadir Iimaan Guddoomiyihii hore ee guddida Doorashooyinka Somaliland. Xisbiga Kulmiye ayaa hore u diiday Musharaxnimada Cabdiqaadir Iimaan, ilaa inta uu soo tanaasulayo Musharaxa kale. Halkan hoose ka akhriso Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa wadada Afisyooni ee degmada Waaberi. Qaraxa oo noociisu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar. Sarkaalkaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa, sidoo kale seddax askar oo ka mid ahaa ilaaladiisa ayey dhaawacyo kala wadan ka soo gaareen, halka mid kalena uu ku dhintay. Sarkaalka iyo askarta kale ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, sidoo kale wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in dad shacab ah uu khasaare ka soo gaaray qaraxa. Ciidamada la socday sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa qaraxa kadib furay rasaas xoog leh, taas oo aan illaa hadda la garaneyn khasaaraha ka dhashay. G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah saraakiisha ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, waxuuna hadda ka hor Taliye kasoo noqday qeybta 7-aad ee militeriga Soomaaliya. Illaa hadda wax war ah kama soo saarin qaraxaan. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online
  22. Cumar Cabdiraxmaan Xaaji Qarax miino ayaa goordhaweyd ka dhacay meel u dhow albaabka xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Miinada ayaa lala eegtay gaari uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan Xaaji, kaas oo dhaawac ka soo gaaray. Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahay ilaa labo askari oo kamid ahaa askar la socotay sarkaalka miinada lala eegtay. Xerada Afisyooni ee agagaarkeeda qaraxu ka dhacay waxaa ammaankeeda ilaaliya ciidamada AMISOM. Xerada Afisyooni ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka dhaco shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayo doorashada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay meel u dhow xerada Afisyooni appeared first on Puntland Post.