Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shir ku yeeshay Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanadaan ay isku baheysteen diyaarinta sidii doodda doorashada dib loogu celin lahaa Baarlamaanka, iyadoo halkaas laga raadinayo muddo kororsi loo sameeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanada qaar waxey doonayaan iney dhinac kale u raraan geeddi u socodka marxaladda kala guurka, islamarkaana dib loo furo doodda ku saabsan hannaanka doorasho ee la qaban karo haddii heshiis kasoo bixi waayo shirarka ay ka shaqeynayaan beesha caalamka. Qorshaha ay diyaarinayaan waxaa ka mid ah in Baarlamaanka la hor geeyo qorshe ku saabsan in doorasho qof iyo cod ah laga qabto dalka, dib loogu yeero guddigii madaxa bannaanaa ee doorashooyinka oo hogaamiye ka aheyd Xaliimo Yareey. Sidoo kalana muddo kororsi laba sano ah la siiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo muddo ku dhaw laba bilood si sharci darro ah ku jooga Villa Soomaaliya. Xildhibaanada mucaaradka ayaa rumeysan in qorshahan uu yahay mid aan shaqeyn doonin, balse ujeedka uu yahay in xaaladda is-mari waaga lasii dheereeyo, taasi oo waqtiga si dadban ugu kordhineysa Farmaajo.
  2. Three people died on Wednesday morning after an explosive hit the bus they were travelling in Mandera. Source: Hiiraan Online
  3. Guddoomiyihii hore Uradarda Bulshada Rayidka Diini Maxamed Diini oo Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay Dood ku saabsan -ka qeyb galka Dhallinyarada ee doorashada dadban ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan caqbadaha ka jira qabsoomida doorashooyinka iyo xaalada cakarin ee Soomaaliya,isagoo dhalinyarada ku booriyay in ay ku biiriyaan siyaasadda iyo is badalka ka socda dalka,waxaana waxyaabihii uu soo hadal qaaday ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya,isagoo dhalinyarada u sheegay “56 %” Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya aysan haysan Shahaadada Dugsiga Sare”. Guddoomiyihii hore Uradarda Bulshada Rayidka Diini Maxamed Diini ayaa sidoo kale dhalinyarada ku dhiirigeliyay in ay ku biiraan Xisbiyada ka dhisan Soomaaliya,isagoo sheegay in ay tahay halka ugu haboon ee laga soo bilaawo. Si kastaba kulankii dhacay Muqdisho ee looga hadlayay Dhallinyarada iyo Doorashada dadban waxa soo qaban qaabiyay Hay’adda EISA iyo Women Centre Peace and Peace and Devolvement,waxaana ka qayb galay doodan xubno ka socday Xildhibaanada Golaha Shacabka ,Bulshada rayidka,aqoonyahano Daawo Dooda Doorashada Dadban Oo Dhameystiran Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) - Ahmed Ugas Mumin Ugas Warfa, a distinguished biology professor who specialized in botany and plant taxonomy - the identification of plants - has passed away in Mogadishu on Wednesday. Sources close to his family say he died from complications related to COVID-19. Source: Hiiraan Online
  5. Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa goordhow waxaa ay sheegtay in si kama dambeys ah u xiri-doonto xeryada qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma. Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Okengo Matiang’i ayaa ku war gelisay hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR in muddo 14 maalin ah gudaheed ay kusoo gudbiyaan barnaamij si kama dambeysa ah loo xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma. Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa intaa ku daray in aanu furneyn wax wada hadal ah. Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga ee WADDANI ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedaymo uga yimid wasiirka wasaaradda gaadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan Xoghaye Khadar ayaa yidhi “Dawladnimada Xisbiga KULMIYE ee musuqa, caddaalad darrada iyo eexdu sumadda & sowraca u tahay laguma difaaci karo hebello laga been abuurto, Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor haddii uu diyaar u yahay in uu dood ku difaaco hoggaaminta fashilantay, hagaastay ee Xukuumadda uu ka midka yahay, ha u soo diyaar garoobo dood uu ila galo oo fagaare ah oo shacbiga Somaliland makhraati ka yihiin. Haddii aanu dooddaas awoodi karayninna ha iska aamuso oo ha dhex fadhiyo uun Wasaaradda uu xarunta ganacsiga u beddelay ee aanu aqoonta iyo kartida midna ku joogin.” Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Komiishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran ayaa Munaasibad si wanaagsan loo soo agaasimey ku kala sixiixday Xeerka Anshaxa iyo Hab-dhaqanka kaasoo dhaqan-gelintiisu ku waajibayso dhammaan dhinacyada muddada lagu jiro Doorashada Isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanada & Wakiilada JSL. Madashan Xeerka Anshaxa lagu kala sixiixday laguna daahfurey dhaqangelintiisa ayaa ay soo qabanqaabisay Dallada Guud ee Bulshadda Rayidka ah ee SONSAF. Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Eng. Abdirashid M. Cali oo madasha ka hadlay ayaa xusey muhiimada Xeerka Anshuxu u leeyahay Doorashada Isku-sidkan isagoo sidoo kalena u mahadceliyay Saraakiisha iyo Garyaqaanada Komiishanka doorashooyinka oo iyagu hawl weyn ka qabtay dhammaystirka X. Anshaxa iyo sidoo kale Mas’uuliyiinka Axsaabta Qaranka iyo daladda SONSAF iyo waliba dhammaan dhinacyada kala duwan ee la shaqeeya Komishanka. Munaasibadan oo goor dhawayd lagu soo gabogabeeyay Hargeysa ayaa dhammaan dhinacyadii kasoo qaybgalay muujiyeen niyadsamaan iyo farxad iyagoo xusey siday uga go’an tahay in gacmaha la isku qabsado hirgalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee JSL ka qabsoomi doona 31ka May 2021 Alle idamkii. Munaasibadda ayaa KDQ ku ay si rasmi ah usoo xidheen iyagoo mahadna u celiyey cid kastoo qabanqaabadeeda kasoo qaybqaadatay oo ay ugu horeyso SONSAF. Source
  8. Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan ayaa markii u horaysay lagasoo xigtey inuu jiro Heshiis uu lagalay Xukuumada Farmaajo. Janan wuxuu sheegey inuu Heshiiska u qaatay si uu ugu turo Dhacabka Abaarta iyo Colaadu rigaadiday, inkastoo Madaxweyne Axmed Madoobe uu Xilka ka xayuubiyey Janan hadana Wuxuu sheegay inuu wali yahay Wasiirka Mannings Jubbaland. Dad aad ugu dhow Wasiir Janan waxay Puntlandi.com u xaqiijiyeen in Ganacsato iyo Odoyaal dhaqameed la Beel ah Janan ay waayadaan dambe waan waan ka dhexwadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Cabdirshiid Janan iyo Waliba Korneyl Cabaas. Puntlandi.com Kildnaayo The post Cabdirshiid Janan oo dhankiisa Xaqiijiyay inuu ku biiray Villa Soomaaliya appeared first on . Source
  9. Al-Shabab militants on Tuesday ambushed a water bowser ferrying water to the construction site of the Kenya-Somalia security border wall, killing one person. Lamu County Commissioner Irungu Macharia said the bowser, with a driver and his assistant on board, ran over an improvised explosive device believed to have been planted in its way by the militants before exploding at around 7:30 a.m. in Lamu county. Macharia said the vehicle had just left the border town of Kiunga in Lamu East and was heading to Usalama camp on the common border when it ran over the explosive device. “The two were part of the team of construction workers here. Unfortunately, the conductor was killed on the spot but the driver escaped unhurt. But we want to assure all that the ground is well policed and therefore no cause for concern,” Macharia told Xinhua on the phone. Macharia said troops had been adequately deployed to hunt down the militants, noting that a team of security officers has been mobilized to look into the safety of the construction workers and other staff at the site. The government official, however, reiterated that construction works at the border wall had not been hampered by the attack and that the scene of attacks is far away from the camp. He appealed to residents of border villages to volunteer any useful information that will enable security agencies to counter any planned terror-attacks in the region. Security sources said that about 30 armed militants fired randomly at the convoy killing one worker on the spot. The police believe that the militant group still remains the major threat in areas along the coastal region, noting that the targets include security personnel and establishments along the border as well as commuter vehicles plying routes along the coastal regions. The 700-kilometer wall, dubbed the Kenya-Somalia border securitization project, was mooted in 2015 to secure the country from attacks by the Somalia-based al-Shabab terrorists. The entire project plan includes having designated immigration and custom entry points with a two-foot-tall concrete wall fitted with CCTV cameras. View the full article
  10. Kooxda Haraale oo ka mid ah kooxaha ka dhisan Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug ayaa ku guulaystay horyaalka loo qabtay kooxaha ka dhisan Magaalada Cadaado,waxayna xidigaha Haraale ku qaadeen,iyagoo aan laga badin munaasabada lagu wayanay guushaas kooxdaas ayaa ka dhacday Magaalada Cadaado waxaana ka qeyb galay guddoomiyaha Xiriirka kubbadda cagta Galmudug,madaxda isboortiga Cadaado iyo bulshada qeybaheeda kala duman. Gudddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire oo ka qeyb galay madashii lagu soo xeray tartankii kubadda cagta Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Magaalada Cadaado ay Ka Rabnaa in ay ka helaan ciyaartooy tayo wanaagsan oo matasha kooxda kubbadda cagta Galmudug. Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Galmudug Guddoomiye Xasan Axmed Shire “Mudane Madaxweyne Waad Ku Mahadsantahay Kaalintii Aad Ka Qaadatay Dhiirigelinta Kooxda Kubbadda Cagta Galmudug” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  11. The Kenyan government has ordered the closure of refugee camps in the country. The authorities have given the UN refugee agency a 14-day ultimatum to close the camps including Dadaab camp, one of the world’s largest refugee camps. The Kakuma camp in the north-west is also among those the government wants the UNHCR to close within the 14-day period. According to Kenya authorities, the closure of the camps has become necessary due to national security threats posed by some of the refugees. It said some of the refugees living in the camps have links to the Somalia militant group al-Shabab. The directive to shut down the two camps was communicated to UNHCR representative in Kenya, Fathiaa Abdalla, local newspaper Daily Nation reported. The paper quoted Interior Minister Fred Matiangi is as saying “We must strike a balance between Kenya’s international obligations and her domestic duty. We do have a domestic responsibility to protect Kenyans.” The government has threatened to forcibly repatriate Somali refugees living at Dadaab camp to the border if the deadline elapses. Dadaab was set up in 1991 to house families fleeing conflict in Somalia, and some people have been living there for more than 20 years. In 2017 Human rights groups hailed a decision by Kenya’s high court to stop the closure of the Dadaab refugee camp. The court ruled that the Kenyan government decision was not fair, discriminatory, and arbitrary. The refugee camp which is famous for the large number of persons seeking refuge there was to be closed down in 2016. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in wasiir hore ee amniga maamulka Jubbaland & Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo ciidamo uu wato ay soo gaareen Tuulada Najax oo hoostagta degmada Beledxaawo. Janan ayaa lagu soo warramayaa inuu halkaasi kula kulmo doono taliyaha nabad sugida Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyo wasiir ka socda dowladda federaalka ah ee Somalia, si loo dhameystiro wada-hadallada maalmahan u socday labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada u shaaciyey in Janan & ciidamadiisa oo wata illaa 11 gaadiidka dagaalka ah ay haatan joogaan Tuulada Najax oo lagu ballamay inay isugu yimaadaan labada dhinac, gaar ahaan Janan iyo wafdiga ka socda dowladda dhexe. Sidoo kale qorshaha ayaa ah inay wafdiga tegay Beledxaawo ay la wareegaan gaadiidka iyo ciidanka uu wato Wasiir Janan, taas oo qeyb ka aheyd wada-hadallada socda. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Janan loo soo qaadayo magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, si uu ula kulmo madaxda dalka. Heshiiska Janan ayaa sii xoojinaya hardanka & dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ee uu horkayaco Axmed Madoobe. Si kastaba saaka ayey aheyd markii wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubbaland xil kii looga qaaday wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo shalay shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda Soomaaliya.
  13. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxmaed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa la kulmay Imaamka Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif Dr Axmed Al-Dayib. Imaamka ayaa ballan qaaday in Jaamacadda Azhar ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso wax kasta oo la xariira waxbarashada. Imaamku wuxu intaas ku daray inay ku guda jiraan sidii ay Soomaaliya ugu tababari lahaayeen imaamyada masaajidda, si kor loogu qaado aqoontooda diinta. Imaamka ayaa carrabka ku adkeeyay, sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado sidii loola dagaalami lahaa fikirka xagjirnimada ah ee ay xanbaarsanyihiin kooxo aan aqoon u lahayn diinta Islaamka. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dadka Soomaaliyeed abaal weyn u hayaan Jaamacadda Al-Azhar, isagoo u mahadceliyay Imaamka iyo maamulka Jaamacadda. View the full article
  14. Ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in Antonio Guteres uu ka walaacsanyahay xasilooni darada Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in is mari-waaga siyaasadeed oo dheeraaday uu khatar weyn ku yahay xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo xilligan wajahaya xaalado ammaan iyo kuwo bin’aadanimo. Mr Guteres ayaa sidoo kale tilmaamay in Qaramada Midoobay ay ku boorineyso dowladda federaalka iyo hogaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka in ay yeeshaan wada-hadallo dhammeystiran oo shuruud la’aan ah, si xal waara looga gaaro khilaafyada hareeyay geedi socodka arrimaha adoorashooyinka qaran ee 2021-ka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay heshiiska 17-kii Septemper ,iyadoo ku baaqday in si degdeg ah la’isugu raaco dhaqan-gelinta heshiiskaasi. Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in sii laba jibaarto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo horumarka dalka. View the full article
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay al-baabada isugu dhufaneyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalkaasi oo tan iyo burburkii kadib ay daganaayeen boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah. Kenya ayaa qoraal xasaasi ah oo ay soo saartay u dirtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNHCR, si ay labo todobaad gudahood ugu xirto xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma oo ka mid ah xeryaha qaxootiga adduunka ugu weyn. Warqadda kasoo baxday dowladda Kenya ayaa waxaa wakiilka hay’adda UNHCR u fadhiya Nairobi u gudbiyey wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Fred Matiang, kaas oo la socod-siiyey go’aanka ay dowladdiisu ku xireyso gabi ahaan xeryahaasi qaxootiga ah. Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay inay go’aankeeda u cuskaneyso walaaca ay ka muujisay khataraha weeraro laga soo abaabulo halkaasi oo Al-shabab ay ka fuliyaan dalkeeda. Kenya ayaa wacad ku martay haddii labo todobaad ay dib uga dhacdo UNHCR, iyadoo aan wax tallaabo ah qaadin ay qaxootigaasi dib ugu celin doonto dalalkooda. Dhadhaab iyo Kaakuma ayaa waxaa haatan ku nool in ka badan illaa 500,000 oo qoys oo qaxooti Soomaaliyeed ay ku jiraan, kuwaas oo laga cabsi qabo inay hoy la’aan noqdaan, haddii aysan wax tallaabo ah qaadin ha’yadda QM ee qaxootiga UNCHR. Si kastaba go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee dalkaasi ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.
  16. KISMAYO (HOL) - Jubbaland president Ahmed Madobe has sacked his embattled security minister Abdirashid Janan in what could be a concession in talks with President Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
  17. KISMAYO (HOL) - Jubaland President Ahmed Madobe has sacked his embattled security minister Abdirashid Janan in what could be a concession in talks with President Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
  18. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya inuu dowladda la heshiiyey Cabdirashiid Janan, oo ahaa wasiir ka tirsanaa Jubbaland balse buugaagta dowladda federaalka ka ahaa baxsad ay ku raadjoogaan booliiska iyo cadaaladda. Janan ayey horay dowladda ugu eedeysay inuu Gedo ka geystay dambiyo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha iyada oo balan qaaday inuu arrintaas darteed cadaaladda la marsiin doono. Cabdirashiid Janan waxaa ay dowladda Farmaajo qabatay 31-kii August 2018-kii, waxaana maxkamad lasoo taagay October 6, isla sanadkaas iyada oo loo heystay inuu galay dambiyo ka dhan ah banii’aadnimo. 28-kii January 2020-kii, ku dhawaad Shan bil kadib Cabdirashiid Janan ayaa isaga baxsaday xabsi ay dowladda ku xirtay sida ay xiligaasi sheegen hay’adaha Amniga Seif Magango, oo ah agaasime ku xigeenka Amnesty International ee bariga Afrika ayaa markii uu baxsaday Janan sheegay in aan la aqbali karin inuu cadaaladda ka baxsado mas’uul la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha. It is unconscionable that Abdirashid Janan, who is suspected of responsibility for crimes under international law and other serious human rights violations, has evaded attempts to bring him to justice. Seif Magango, Amnesty International’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya, islamarkaana haatan ah guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran oo ay sameysteen Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa wareysi uu siiyey BBC kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socdo magaalada Muqdisho. Cabdi Xaashi ayaa marka hore shaaca ka qaaday in loo diiday ka qeyb-galka shirka arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee ka socda Teendhada Afisyooni, wuxuuna sheegay inay ka hor-istaageen dad uu ku tilmaamay inay shalay yimideen dalka, islamarkaana aan waxba kala socon meesha laga yimid & halka loo socdo. “Maba la ii ogolee maxaan ka qeyb galaa shirka, aniga ma diiddaniye, Waxaan ahay siyaasi dalkaan ka soo shaqeynayay 30-kii sanno ee ay dhibaatadu ka jirtay una taagan midnamadiisa iyo nabadisa marka dad shalay yimid oo aan ogeyn xaalada iyo siyaasadda dalkaan ayaa aniga ii diiday inaan ka qeyb galo arrinta xalka dalkaan,” ayuu yiri. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dhismaha Madasha Badbaado Qaran iyo ujeedada loo aas aasay, wuxuuna tilmaamay in ay doonayaan kaliya sidii heshiis mideysan looga gaari lahaa is mari-waaga arrimaha doorashooyinka & is mari-waaga ka taagan. “Waxaan rabnaa in Soomaaliya oo dhan heshiis la gaaro oo la isku yimaado, dhibaato iyo dagaal aniga xal uma arko.” ayuu sii raaciyey guddoomiye Cabdi Xaashi. Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo maalintii saddexaad uu galay shirka Afisyooni oo ay weli ka maqan yihiin madaxda Jubbaland & Puntland, kaas oo diirada lagu saaray sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.
  20. Mogadishu (PP Editorial) — The keyword in the electoral summit in Mogadishu is the 17 September electoral model. What is preventing Puntland and Jubaland leaders from joining the summit in Mogadishu to finalise the agreement they had signed Delaying tactics are not a strategy to challenge the incumbent administration. Jubaland and Puntland are key stakeholders whose participation in the electoral summit can break the deadlock. Their demands for security guarantees have been met: Amisom is in charge of the security at the summit venue. The decision to hold a parallel confrence in Mogadishu under the auspices of the Forum for National Salvation is an unnecessary deviation from the core principles of 17 September electoral model. Galmudug, Hirshabelle, South West State and Banadir are ready to facilitate the selection of MPs and Senators in line with the 17 September electoral agreement. In a speech delivered several weeks ago Puntland President Said Abdullahi Deni stated that Puntland viewed the 17 September agreement as the way forward. Why is he not joining the summit to honour his pledge that Puntland “will sign the agreement”? Puntland and Jubaland have asked for the presence of the International Community at the talks and that Somalia’s international partners guarantee the outcome of any agreement. Outcomes from Somalia’s electoral agreements do not require external guarantees. Stakeholders will be able to call out any party that breaches the agreement. It is a mark of the progress that Somalia has made to let political stakeholders thrash out their differences without an external guarantor. There is no a solid reason why Jubaland and Puntland leaders should be sticking with delaying tactics that cast them out of the political process. The International Community has reiterated that finalisation of 17 September electoral model is the main task that will break the deadlock. Signatories will not renegotiate terms of the electoral model signed after Puntland and Jubaland Presidents rejected one person, one vote elections on which the now-abrogated Electoral Law was based. Jubaland and Puntland leaders should join the electoral summit “without preconditions.” © Puntland Post, 2021. The post Jubaland and Puntland Should Abandon Delaying Tactics appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa isagoo ku sigan Muqdisho wuxuu Xilkii ka xayuubiyay Wasiirkiisii Amniga Cabdirshiid Janan. Xilka qadistaan ayaa timid kadib markii la ogaadey in Cabdirshiid Janan uu gacansaar la sameeyey Villa Soomaaliya. Sargaal ka tirsan Jubbaland ayaa Puntlandi.com u sheegey in Aysan waxba u dhimayn shaqada socota hadii Janan ku biiray Villa Soomaalia Hoos ka alhriso Wareegtada The post Wareegto Xilka looga qaadey Cabdirshiid Janan oo kasoo Baxdey Jubbaland appeared first on . Source
  22. The UN’s top official has reiterated his concern at the continued political impasse for elections in Somalia, despite several rounds of consultations amongst the country’s political actors, his spokesperson said. “The protracted stalemate carries significant risks for the stability of the country and the welfare of the Somali people, who are already facing a dire humanitarian situation and precarious security conditions,” Farhan Haq, deputy spokesman for UN Secretary-General Antonio Guterres, said in a statement late on Tuesday. The Horn of African country witnessed a political stalemate after presidential and parliamentary elections were delayed and the president’s constitutional mandate expired on Feb. 8. The agreement reached last September was seen as a major step towards Somalia holding indirect parliamentary and presidential elections in late 2020 and early 2021. It has since stalled as the country’s divided political leaders differ on how to proceed with the elections, despite President Mohamed Abdullahi Mohamed’s constitutional mandate having expired on Feb. 8. Guterres urged the federal government of Somalia and all leaders of the country’s federal member state to resolve their differences in the electoral process and reach a consensus on the way forward. He also welcomed the commitment of Somali leaders to the Sept. 17 electoral model, and called on them to agree quickly on its swift implementation and the holding of elections without further delay. View the full article
  23. (SLT-Addis abab)-Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa qiray markii ugu horreysay in ciidamo Eritrea – yaan ah ku sugan yihiin gobolka Tigreega kaddib markii uu qarxay dagaalkii bishii November. Muddo bilo ah ayeey labada dalba si is daba-joog ah beenninayeen in ciidamada ay ka gudbeen xadka. Abiy Ahmed ayaa u sheegay mudanayaasha Baarlamaanka in ciidamada Eritrea ay yimaadeen iyagoo ka baqaya in ay weeraraan dagaalyahanada gobolka ee Tigray. Iska hor imaadkan ayaa bilaamay kaddib markii Jabhada xoreynta dadka Tigreega (TPLF) ay qabsatay xarumo ciidan oo ku yaalla gobolka. Kooxda TPLF ayaa ahayd xisbiga xukuma gobolka Woqooyiga Itoobiya, laakiin khilaaf aad u weyn ayaa soo kala dhaxgalay Xisbigan iyo waliba xukuumadda uu horkacayo Raysal Wasaare Abiy Ahmed. Inkasta oo TPLF laga saaray xukunka Tigray dhammaadkii bishii November islamarkaana Mr Abiy uu shaaca ka qaaday in khilaafkii la soo afjaray, haddana dagaallada ayaa wali ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka. Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas bartilmaameedsaday askar Boolis ah oo ilaalo ka heysay isgoyska Siinaay. Wararka ayaa sheegay in ragga hubeysan oo goobta isaga baxsaday ay dileen ugu yaraan 2 askari, ayna dhaawaceen mid kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableyda weerarka fulisay ay horey u sii qaateen qoryaha ay wateen askarta ay toogashada ku dileen. Goor dambe waxaa sidoo kale meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal qorsheysan, weeraro & qaraxyo geystay khasaare kala duwan.