-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumadda Somaliland, ayaa qorsheysay in ay kulan isugu keeno 50 ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, si ay kula hadasho sidii ay doorkooda dhaqaale uga qaadan lahaayeen Xaaladda is barkan ee Cudurka COVID19-ka iyo Abaaraha. Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somaliland, isla markaana qaban qaabadeeda iyo marti qaadka Ganacsatada loo xil saaray Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa waxa lgu marti qaaday ku dhawaad 50 oo ganacsatada waaweyn ah, kuwaas oo lagala hadlayey sidii qaadhaan saddex Milyan ah oo loo qorsheeyey in Tallaal lagu soo iibiyo in laba Milyan oo Dollar ah ugu darsan lahaayeen, hase yeeshee Sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyeen Warar xogogaal ah oo ka ag dhow Ganacsatadan, tirro ka yar intii la marti qaaday ayaa kulankaasi tagtay, kuwaas oo dhawr iyo toban lagu qiyaasay, qaarkood hal Shirkad ka wada socdeen. Qorshahan, Ganacsatada qaarkood ka maquurteen, ayaa la sheegay in loo aanaynayo, qaabka loo marti qaaday oo ahayd mid meeqaan hoose ah oo ay dhalaysadeen, madaama Marti qaadka loogu yeedhay uu ka imid dhinaca Wasiirka diinta iyo Awqaafta, halka qodobka kale ee la aamisan yahay inuu gaabiska Ganacsatadan uu yahay mid la xidhiidha xaaladda dhaqaale ee wakhtigan dalka ka taagan ee iyaga laftooda saameysay. Xubno ka mid ah Ganacsatada ayaa laga soo xigtay in ay tibaaxeen in loo baahan yahay in Guddi madax bannaan oo ay Ganacsatadu qayb ka yihiin in loo xil saaro arrimaha Qaadhaan ururinta noocan oo kale ah iyo la muujiyo daah-furnaan xisaabeed. Si kastaba ha ahaatee, waxa in muddo ah saluug laga muujinayey, isla markaana bulshadu dhaliilayeen Qaabkii loo maamulay iyo mad madow la sheegay inuu hadheeyey Qaadhaankii sannadkii hore ganacstadu ururisay ee lagu wareejiyey Guddida ka hortaga COVID19. Sawiradan hoosta ka muuqdaa, waa kuwii Ganacsatada Wargeyska Saxansaxo Source
-
There is a risk that the Somali federal system could be transformed into a springboard for prebendal politics in Somalia. The deadlock over the Somali electoral model is a facet of deep ideological contest between two groups in the mainstream Somali politics. John Levi Martin, a Professor of Sociology at the University of Chicago, defines ideology as how political actors view “their own position, the nature of their opponents and available strategies, in a political field”. One group gives primacy to the role of the state in making decisions about foreign policy and national infrastructures. The opposing group, whose bottom-up approach to reconstituting the Somali state took shape during 1990s, regards the role of clans, represented in Federal Member States, as the guardians of the Somali federal system. A cartoon by the Somali cartoonist, Amin Amir, on how politics based on clan identity prevents Somalia from standing on its feet again. The bottom-up approach seemed embedded in the federal system until 2016, when the previous Federal Government of Somalia had squandered state-building opportunities and embraced rival systems of governance that prevented the formation of an inclusive national army, and deepened the marginalisation of social groups whom the current power-sharing system unofficially grants a second class citizenship status. The two rival camps cite the Draft Constitution. This is not a cause for concern: the experiment of the transition and the creation of the Federal Member States have, to some extent, transformed the Somali body politic. If the Federal Government promotes interests of cliques, the bottom-up approach to state-building gains ground. When Puntland State was the only properly functioning Federal Member State, its views on the federal system were taken seriously. Puntland interprets the Draft Constitution in a way that gives it the privilege to sign infrastructure agreements with foreign companies or issue fishing licenses to foreign companies. This interpretation could have been a defensible before the end of the transition period (2000-2012). Much has changed since 2012. Four Federal Member States have come into existence. Puntland, the founding federal member state, though a bastion of peaceful coexistence for Somalis from different parts of the country, has failed to shake off the image that it is primarily for one social group. Its advocacy for the federal system always falls on deaf ears partly because of the make-up of its institutions. This image gets amplified when Puntland does not set a good governance example. In 2016 Puntland forces were more professionally organised than the Somali National Army under the Federal Government of Somalia. The adoption of the biometric system as a part of the security reform reflects how committed the Federal Government of Somalia has been to implementing the Security Architecture agreed at the 2017 Somalia Conference held in London four years ago. Disparities in governance at the centre (Federal Government) and periphery (Federal Member States) result in political crises in Somalia. It is a sign of dynamism and progress, not political stagnation, if political stakeholders differ on how to govern a country recovering from a civil war. When Somalia was under a centralised, military government the stakeholders pursued the goal to topple the regime through the barrel of gun. The threat to the Somali polity lies not in the reemergence of dictatorship. Political cliques that use clan identity platforms, and rooted in fiefdoms at the expense of the rights of Somali citizens, remain a threat that can undo the political progress made since 2000, when the first post-1991 transitional government was formed. In 2016 there was no a discernible an ideological contest over state-building efforts in Somalia. Despite underperforming abysmally, the previous government did not have rival Federal Member States challenging its policies. Its underperformance strengthened the case for empowering Federal Member States to act as a counterbalance to the Federal Government of Somalia. The post-2016 Federal Government of Somalia has succeeded to persuade several Federal Member States not to be in competition with the Federal Government of Somalia over lawmaking. Puntland State, for example, raised objections, among other issues, to the national resource revenue sharing. The fear that the centre may revive pre-1991 underdevelopment and repressive policies is as justified as the fear that political power at the Federal Member States will be concentrated in the hands of politically unaccountable stakeholders. In such a situation many people prefer a government that accommodates diverse stakeholders who do not value clan allegiance as the basis for state-building endeavours. Modifying the Somali federal system to make it less vulnerable to becoming a springboard for prebendal politics — the use of the state office for the material benefit of the politicians in charge — remains an urgent task for Somali political classes. The goal to rebuild inclusive political institutions for a country that went through a traumatic state collapse should be the common ground for all political stakeholders. Those institutions will be able to withstand the intense ideological contest threatening to reverse the progress made in Somalia since the end of the transition period. Liban A. Ahmad Libahm@gmail.com The post The Ideological Contest Over Somali State-building Efforts appeared first on Puntland Post.
-
Afgambi Cusub Oo Ka Dhan Erdogan Oo Laga Qorsheeyey Turkiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku eedeeyey tobaneeyo taliyeyaal hore oo ciidammada badda ah inay isku dayeen “afgambi siyaasadeed” ayaga oo weeraraya qorshaha uu ku dhisayo marin-biyood isku xidha Badda Madow iyo Maditareeniyaanka. Booliiska ayaa xidhay 10 taliye oo ciidamada badda ah, kuna amray afar kale inay isa soo dhiibaan kadib markii ay daabaceen warqad furan oo ay ku dhalleeceeyen dhismaha Canal Istanbul. Taariikhda Turkey ee kadib Cusmaaniyiinta ayaa waxaa la degay afgambiyo ay sameeyeen millatariga oo isku arka inay yihiin kuwa uga dambeeya ee damaanad qaada nidaamka cilmaaniyadda ee dalkaas Muslimka ah. Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka carreysiiyey warqadda ay dhammaadkii toddbaadka daabaceen 104 admiral oo horey uga tirsanaa ciidamada badda, kuwaas oo ku booriyey inuu u hoggaansamo Xeerka Montreux Convention ee 1936-kii. Xeerkan ayaa diidaya in aag militari laga dhigo badda Balck Sea, wuxuuna dejinayaa sharciyo adag oo maamula maraakiibka ku safreysa marinada Bosphorus iyo Dardanelles. Hase yeeshee qorshaha Erdogan uu ku dhisayo marin cusub oo 45-km ah oo maraakiibta ay maraan, kuna yaala galbeedka Bosphorus ayaa furaya su’aal ku saabsan haddii Xeerka Montreux Convention lagu daabaqi doono kanaalka cusub. Taliyayaasha warqadda qore ayaa sheegay in xeerka 1936-kii “uu sida ugu wanaagsan u ilaalinayo danaha Turkey.” Erdogan ayaa Isniintii sheegay in “waajibka admiraalada howlgabka ah – oo 104 ka mid ah ay isku yimaadeen – aysan aheyn inay daabacaan qaraar tusmeynaya afgambi siyaasadeed”. “Dal taariikhdiisa ay ka buuxdo afgambiyo, isku day afgambi oo kale oo ay sameynayaan admiraallo howlgab noqday marnaba lama aqbali karo,” ayuu yidhi Erdogan kadib kulan uu la yeeshay kaaliyayaashiisa sare. Dacwad-oogaha sare ee Ankara ayaa taliyayaasha hore ku eedeeyey “adeegsiga awood iyo rabshado si ay meesha uga saaraan kala dambeynta dastuuriga ah.” Eedeyntan ayaa horey loogu adeegsaday saraakiisha la xiray kadib isku-daygii afgambi ee dhicisoobay bishii July ee 2016. Marin-biyoodka Canal Istanbul ayaa loo arkaa inuu halis ku yahay Russia, sababtoo ah wuxuu gaashaan buurta NATO, oo ay Turkey ka tirsan tahay siinayaa marin ay ku gaaraan Badda Madow ee Russia. Source -
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hey’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya ee NISA qeybtiisa Gobalka Banaadir ayaa shaaciyey inuu helay xog ah in maalmihii lasoo dhaafay ay dhinteen seddax sarkaal oo labo ka mid ah ay Al-Shabaab u qaabilsaneed sameynta qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose. Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow iyo Muuse Kooble oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ay ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose ay ku dhinteen gaari kula qarxay deegaanka Basra. Raggaan waxaa la sheegay in qaraxyadaas ay gaari uga soo qaadeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, balse uu ku qarxay markii ay marsiinayeen deegaanka Basra ee isla Shabeellada Hoose. Sida lagu soo bandhigay xogtaan qaraxaas waxa uu dhacay 28-kii bishii hore ee Maarso, waxaana labada sarkaal la geeriyooday lix dagaalame oo ilaalo u ahaa. NISA waxay sheegtay in labada sarkaal ee qaraxaas ay wadeen ku dhintay ay door firfircoon ugu jireen kooxda, maadaama ay aad ugu xeel-dheeraayeen sameynta qaraxyada, gaar ahaan kuwa miinooyinka. Sidoo kale NISA waxaa laga soo xigtay in qaraxyadaas loo soo waday gobolka Banaadir oo mudooyinkii dambe ay ku soo bateen qaraxyada miinooyinka ah. Dhanka kale seddax maalmood ka hor, 3-dii bishan Abriil, waxaa dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Daariq, sida lagu sheegay qoraalkan oo laga soo xigtay Taliska NISA qeybtiisa gobolka Banaadir.
-
Hubka dagaalka ayaa qiimo ahaan kor u kac sameeyey todobaadyadii lasoo dhaafay haba ugu darnaadeen madaafiicda oo 100% kacay, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay jirto hubanti la’aanta xagga waqtiga doorashada ah. Sida ay ogaatay Goobjoog News, magaalada Muqdisho waxaa uu hubka gaaray qiimihii ugu sareeyey iyada uu kacay 100% sida RPG, oo ah hub gantaal garabka laga rido, oo caan ka ah caasimadda, 7-ka waxaa uu gaaray $3000 halka saddex bil kahor uu ahaa $1500. Qorayga kale ee Ruushka ee Kalashnikov (AK47), oo January ahaa qiimo ahaan $1400, hadda waxaa uu joogaa $1800. Dhanka kale, qorayga PKM waxaa uu qiimo ahaan hadda joogaa ilaa $15,000 halka uu January joogay $11,000. Waxaa kale uu sicirkiisu sare u kacay DShK, hadda waxaa uu suuqyada Muqdisho ka joogaa $22,000 halkii uu saddex bilk a hor ahaa $18,000. Dad arrintan kala hadlay Goobjoog, oo codsaday in magacyadooda la qariyo ayaa sheegay in sare u kaca qiimaha hubka ay arkeen bilihii ugu dambeeyey, laakin waxaa ay ka gaabsadeen iney sheegaan cidda sidaa wax u iibsaneyso. “Ma aha wax kusoo boodda ah sare u kaca degdegga ah ee qiimaha hubka, kaas oo kacay 30% iyo 60% bilihii saddexda ahaa ee tagay xilli ay jirto ismariwaaga doorashada, hubka qaar sida RPG waxaa uu kacay 100%” sidaasi waxaa Twetterkiisa ku yiri Xuseen Sheekh Cali oo ah madaxa maxhadka amniga ee Hiraal, waxaa uu sidoo kale lataliye amni u ahaa madaxweyneyaashii Farmaajo iyo Xasan Sheekh. Hubka waxaa uu magaalada usoo gala siyaabo kala duwan, waxaa jirtay xero ay Imaaraadka ciidanka ku tababarayeen oo la bililiqeystay 2018-kii, Al-shabaab waxaa ay xeryaha ay weeraraan ka qaadaan hub, tiiyo ay wehliso in beelaha aan weli hub ka dhigis lagu sameyn kadib dagaal sokeeye oo 30 sano soo jiray. Xilligan doorashada, waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay ka jirto kala aamin bax kooxaha dhexdooda ah, shirka hadda ka socda Xalane ee Muqdisho waxaa muddo la isku heystay cidda sugeysa amniga iyada oo markii dambe ay AMISOM la wareegtay. Mucaaradka waxaa ay dowladda federaalka ah ku eedeeyaan iney ciidamada siyaasadeyso isla markaana waxa ay dalbadeen in ajendaha shirka Xalane lagu daro amniga doorashada, oo ay ugu horreyso Gedo oo DF ay ka fara maroojisay Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland. Warbixintan oo Ingiriis ah: Military grade weapons sales, prices shoot in Mogadishu amid poll uncertainty Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharrax Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo masuuliyiin sare oo Xisbiga WADDANI ah, ayaa Magaalada Hargeysa kaga qayb-galay munaasabad ballaadhan oo lagu shaacinayay Musharraxa Golaha Wakiillada Dr Ciise Kayd Maxamuud, Musharraxa Golaha Deegaanka Hargeysa Khadar Maxamed Muxumed (Qoor-gaab) iyo Musharraxa Golaha deegaanka degmada Balligubadle Cumar Maxamed Naaleeye. Munaasabad oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaa ka soo qayb-galay madax-dhaqameedka, haween, dhallinyarro, siyaasiyiin miisaan ku leh saaxada siyaasadda Somaliland oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Xuseen (Darawal) iyo Taageerayaasha musharraxiinta oo tiro badan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulantay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr Qin Jian, kadib mowqifkii Shiinaha ee xiisada doorashooyinka dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kulankaan ayaa u daarna mahad-celin ku aadan mowqifkii ay dowladda Shiinaha dhawaan ka qaadatay xiisada doorashada, midaasi oo ay si weyn ula dhaceen madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday. Wasiir Khadiijo ayaa Safiirka Shiinaha la wadaagtay bogaadinta madaxda sarre, ayada oo uga mahad-celisay ‘dhowrista madax-banaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay’. Kulankaan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday kaalinta Shiinaha ee howlaha gar-gaarka bani-aadanimo, waxayna wasiiraddu ka dalbatay Safiirka kordhinta taageerada ay siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya. Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhamaadka bishii hore ee March barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal ay ku sheegtay inay dhowrayso madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana ay taageerayso horumarka iyo nabada halka lug ku taagan ee dalka. “Dowladda Shiinuhu wuxuu ixtiraamayaa madax-banaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haddey noqoto mid dhuleed iyo siyaasadeed, waxaana si adag u taageereyna nabada, horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya, anaga oo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya Soomaali baa leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha. Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa xiligaas waxa si weyn warbaahinteeda ugu baahisay dowladda federaalka, midaasi oo banaanka keentay la dhacsanaanta mowqifka Shiinaha ee uu ka qaatay xiisada ka taagan dalka. Arrintaan ayaa imaneysa xili ay beesha caalamka isku dayeyso in xal kama dambeys ah laga gaaro doorashada, taasi oo Farmaajo u diidan yahay, waxaana la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madaxda is-khilaafsan, waana mida uu u diidan yahay faro-gelintooda.
-
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Cumrada loo ogolaan doono dadka tallaalan oo keliya. Dadkaas ayaa loo ogolaan doonaa inay gutaan Cumrada ama ay salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH. Wasaaradda ayaa sheegtay in siyaasaddan ay dhaqan-geli doonto bisha Ramadan ee billaabaneysa bartamaha April, hase yeeshee ma cadda inta ay socon doonto. Go’aanka ayaa yimid kadib markii Boqor Salmaan uu bishii tagtay beddelay wasiirka Xajka, wax kayar hal sano kadib markii Sacuudia Carabiya ay marti-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dadka ka qeyb-galay Xajka. Mohammad Benten ayaa waxaa lagu beddelay Essam bin Saeed, sida ku cad digreeto Boqortooyo oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo go’aan ka soo saaray Cumrada Ramadaanka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo safar shaqo ku yimid Dalka. Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka iyo halka uu maanta marayo oo ah mid ku timid iskaashiga shacbiga iyo dawladda ka dhexeeya, waxa kale oo uu u sheegay wasiirka taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland, inay tahay dal 1960-kii xornimadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, si xoriyad ahna ula midoobay Jamhuuriyaddii la isku odhan jiray Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray, si loo abuuro Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin shucuubta Soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika, balse midawgaasi uu socon waayey, Somalilandna ay kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba leh midawgii la doonayey in Soomaali odhan la mideeyaana uu fashilmay, sidaa awgeedna Somaliland waxay dib ula laabatay xornimadeedii iyo qarannimadeedii 1991-kii, taas oo macneheedu aanu ahayn gobol ka go’aya dalka intiisi kale, balse ay tahay laba dal oo la kala noqday xornimadoodii. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Zambia, taariikhda ay labada dal wadaagaan oo kasoo bilaabantay xilligii gumaysiga, taasoo keentay in dadka reer Somaliland ay ilaa maanta degganyihiin kuna dhaqan yihiin dalkaasi. Xidhiidhka labada dalna aanu cusbayn ee uu hore Somaliland laba jeer u yimi madaxweynihii hore ee dalka Zambia, Kenneth Kaunda oo xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ka dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo kulanka lagaga wada hadlay xidhiidh cusub oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia, salkana ku haya ganacsi iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan labada dal. Sidoo kale, intii kulanku socday waxa si toos ah khadka taleefanka ku wada hadlay labada madaxweyne ee labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Zambia, mudane Edgar Chagwa Lungu, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne xidhiidhka iyo danaha labada dal. Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku doo dhammaaday isfahan iyo xidhiidh wadashaqayneed oo labada dal ay dardar-gelintiisa ka wadashaqayn doonaan. ALLAA MAHAD LEH Source
-
(SLT-Riyadh)-Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii sheegay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka COVID-19 loo ogolaan doono Cumrada, laga billaabo bisha Ramadan. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday. Dadkaas kaliya ayaa loo ogolaan doonaa inay gutaan Cumrada ama ay salaad ku tukadaan Masaajidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH. Wasaaradda ayaa sheegtay in siyaasaddan ay dhaqan-geli doonto bisha Ramadan ee billaabaneysa badhtamaha April, hase yeeshee ma cadda inta ay socon doonto. Sidoo kale ma cadda, haddii siyaasaddan lagu dabaqi doono Xajka. Go’aanka ayaa yimid kadib markii Boqor Salmaan uu bishii tagtay beddelay wasiirka Xajka, wax ka yar hal sanno kadib markii Sacuudi Carabiya ay marti-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dadka ka qeyb-galay Xajka. Mohammad Benten ayaa waxaa lagu beddelay Essam bin Saeed, sida ku cad digreeto Boqortooyo oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. Xajkii 2020 ayaa waxaa ka qeyb-galay kaliya 10,000 oo qof oo ahaa dad degan Sacuudi Carabiya, taas oo aad uga yar ka qeyb-galayaashii 2019 oo ahaa 2.5 milyan oo qof oo ka kala yimid dunida. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda Ee Dalka Zambia. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo safar shaqo ku yimid Dalka. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka iyo halka uu maanta marayo oo ah mid ku timid iskaashiga shacbiga iyo dawladda ka dhexeeya, waxa kale oo uu u sheegay wasiirka taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland, inay tahay dal 1960-kii xornimadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, si xoriyad ahna ula midoobay Jamhuuriyaddii la isku odhan jiray Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray, si loo abuuro Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin shucuubta Soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika, balse midawgaasi uu socon waayey, Somalilandna ay kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba leh midawgii la doonayey in Soomaali odhan la mideeyaana uu fashilmay, sidaa awgeedna Somaliland waxay dib ula laabatay xornimadeedii iyo qarannimadeedii 1991-kii, taas oo macneheedu aanu ahayn gobol ka go’aya dalka intiisi kale, balse ay tahay laba dal oo la kala noqday xornimadoodii. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Zambia, taariikhda ay labada dal wadaagaan oo kasoo bilaabantay xilligii gumaysiga, taasoo keentay in dadka reer Somaliland ay ilaa maanta degganyihiin kuna dhaqan yihiin dalkaasi. Xidhiidhka labada dalna aanu cusbayn ee uu hore Somaliland laba jeer u yimi madaxweynihii hore ee dalka Zambia, Kenneth Kaunda oo xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ka dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo kulanka lagaga wada hadlay xidhiidh cusub oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia, salkana ku haya ganacsi iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan labada dal. Sidoo kale, intii kulanku socday waxa si toos ah khadka taleefanka ku wada hadlay labada madaxweyne ee labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Zambia, mudane Edgar Chagwa Lungu, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne xidhiidhka iyo danaha labada dal. Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku doo dhammaaday isfahan iyo xidhiidh wadashaqayneed oo labada dal ay dardar-gelintiisa ka wadashaqayn doonaan. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Qaran News
-
Dhinacyadii ka qeyb galay heshiiska Nukliyeerka ee sanadkii 2015 lagu gaaray caasimada Austria una dhaxeeyay Iiraan iyo kooxda (5 + 1) oo kala ah Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska oo lagu daro Jarmalka, ayaa ku kulmi doona Vienna maanta oo Talaado ah. Ka bixitaankii Washington heshiiskan kadib waxaa looga yeeray kooxdan (4 + 1) waxii ka danbeeyay sanadkii 2018, xiligaas oo Mareykanka xukumaayay Donald Trump, kaa oo ka Biyo diiday qeyba kamid ah heshiiska. laba koox oo khubaro ah ayaa si isku mid ah diiradda u saari doona fududeeynta cunaqabateynta Mareykan uu saaray Iiraan ah oo dhinac ah, iyo waxii ka suura galay ballanqaadyadii Nukliyeerka ee Iiraan oo dhinac kale ah, sida lagu sheegay war ay baahisay Wakaaladda wararka ee AFP, oo u soo xigatay saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Xaaladda wada hadalada oo u muuqda kuwa isbadal ayaa hiigsanaya in Washington iyo Dahraan, ay ku noqdaan ballanqaadyadoodii hore si loo helo miro dhalka kulanka, inkasta oo ay dhici karto in wax laga badallo go’aandii hore. PUNTLAND POST The post Wadahadalo ku saabsan Nukliyeerka Iiraan oo maanta ka furmay Vienna appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku eedeeyey tobaneeyo taliyeyaal hore oo ciidamada badda ah inay isku dayeen “afgambi siyaasadeed” ayaga oo weeraraya qorshaha uu ku dhisayo marin-biyood isku xira Badda Madow iyo Maditareeniyaanka. Booliiska ayaa xiray 10 taliye oo ciidamada badda ah, kuna amray afar kale inay isa soo dhiibaan kadib markii ay daabaceen warqad furan oo ay ku dhalleeceeyen dhismaha Canal Istanbul. Taariikhda Turkey ee kadib Cusmaaniyiinta ayaa waxaa la degay afgambiyo ay sameeyeen militariga oo isku arka inay yihiin kuwa uga dambeeya ee damaanad qaada nidaamka cilmaaniyadda ee dalkaas Muslimka ah. Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka carreysiiyey warqadda ay dhammaadkii toddbaadka daabaceen 104 admiral oo horey uga tirsanaa ciidamada badda, kuwaas oo ku booriyey inuu u hoggaansamo Xeerka Montreux Convention ee 1936-kii. Xeerkan ayaa diidaya in aag militari laga dhigo badda Balck Sea, wuxuuna dejinayaa sharciyo adag oo maamula maraakiibka ku safreysa marinada Bosphorus iyo Dardanelles. Hase yeeshee qorshaha Erdogan uu ku dhisayo marin cusub oo 45-km ah oo maraakiibta ay maraan, kuna yaala galbeedka Bosphorus ayaa furaya su’aal ku saabsan haddii Xeerka Montreux Convention lagu daabaqi doono kanaalka cusub. Taliyayaasha warqadda qore ayaa sheegay in xeerka 1936-kii “uu sida ugu wanaagsan u ilaalinayo danaha Turkey.” Erdogan ayaa Isniintii sheegay in “waajibka admiraalada howlgabka ah – oo 104 ka mid ah ay isku yimaadeen – aysan aheyn inay daabacaan qaraar tusmeynaya afgambi siyaasadeed”. “Dal taariikhdiisa ay ka buuxdo afgambiyo, isku day afgambi oo kale oo ay sameynayaan admiraallo howlgab noqday marnaba lama aqbali karo,” ayuu yiri Erdogan kadib kulan uu la yeeshay kaaliyayaashiisa sare. Dacwad-oogaha sare ee Ankara ayaa taliyayaasha hore ku eedeeyey “adeegsiga awood iyo rabshado si ay meesha uga saaraan kala dambeynta dastuuriga ah.” Eedeyntan ayaa horey loogu adeegsaday saraakiisha la xiray kadib isku-daygii afgambi ee dhicisoobay bishii July ee 2016. Marin-biyoodka Canal Istanbul ayaa loo arkaa inuu halis ku yahay Russia, sababtoo ah wuxuu gaashaan buurta NATO, oo ay Turkey ka tirsan tahay siinayaa marin ay ku gaaraan Badda Madow ee Russia. AFP + VOA
-
Afgembi cusub oo Jeneralo Ciidan abaabuleen oo ka dhan ah Erdogan Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku eedeeyey tobaneeyo taliyeyaal hore oo ciidamada badda ah inay isku dayeen “afgambi siyaasadeed” ayaga oo weeraraya qorshaha uu ku dhisayo marin-biyood isku xira Badda Madow iyo Maditareeniyaanka. Booliiska ayaa xiray 10 taliye oo ciidamada badda ah, kuna amray afar kale inay isa soo dhiibaan kadib markii ay daabaceen warqad furan oo ay ku dhalleeceeyen dhismaha Canal Istanbul. Taariikhda Turkey ee kadib Cusmaaniyiinta ayaa waxaa la degay afgambiyo ay sameeyeen militariga oo isku arka inay yihiin kuwa uga dambeeya ee damaanad qaada nidaamka cilmaaniyadda ee dalkaas Muslimka ah. Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka carreysiiyey warqadda ay dhammaadkii toddbaadka daabaceen 104 admiral oo horey uga tirsanaa ciidamada badda, kuwaas oo ku booriyey inuu u hoggaansamo Xeerka Montreux Convention ee 1936-kii. Xeerkan ayaa diidaya in aag militari laga dhigo badda Balck Sea, wuxuuna dejinayaa sharciyo adag oo maamula maraakiibka ku safreysa marinada Bosphorus iyo Dardanelles. Hase yeeshee qorshaha Erdogan uu ku dhisayo marin cusub oo 45-km ah oo maraakiibta ay maraan, kuna yaala galbeedka Bosphorus ayaa furaya su’aal ku saabsan haddii Xeerka Montreux Convention lagu daabaqi doono kanaalka cusub. Taliyayaasha warqadda qore ayaa sheegay in xeerka 1936-kii “uu sida ugu wanaagsan u ilaalinayo danaha Turkey.” Erdogan ayaa Isniintii sheegay in “waajibka admiraalada howlgabka ah – oo 104 ka mid ah ay isku yimaadeen – aysan aheyn inay daabacaan qaraar tusmeynaya afgambi siyaasadeed”. “Dal taariikhdiisa ay ka buuxdo afgambiyo, isku day afgambi oo kale oo ay sameynayaan admiraallo howlgab noqday marnaba lama aqbali karo,” ayuu yiri Erdogan kadib kulan uu la yeeshay kaaliyayaashiisa sare. Dacwad-oogaha sare ee Ankara ayaa taliyayaasha hore ku eedeeyey “adeegsiga awood iyo rabshado si ay meesha uga saaraan kala dambeynta dastuuriga ah.” Eedeyntan ayaa horey loogu adeegsaday saraakiisha la xiray kadib isku-daygii afgambi ee dhicisoobay bishii July ee 2016. Marin-biyoodka Canal Istanbul ayaa loo arkaa inuu halis ku yahay Russia, sababtoo ah wuxuu gaashaan buurta NATO, oo ay Turkey ka tirsan tahay siinayaa marin ay ku gaaraan Badda Madow ee Russia. Qaran News
-
Source
-
Sacuudi Carabiya oo Go’aan Cusub ka soo saartay Cumrada Ramadaanka Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii sheegay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka COVID-19 loo ogolaan doono Cumrada, laga billaabo bisha Ramadan. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday. Dadkaas kaliya ayaa loo ogolaan doonaa inay gutaan Cumrada ama ay salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH. Wasaaradda ayaa sheegtay in siyaasaddan ay dhaqan-geli doonto bisha Ramadan ee billaabaneysa bartamaha April, hase yeeshee ma cadda inta ay socon doonto. Sidoo kale ma cadda, haddii siyaasaddan lagu dabaqi doono Xajka. Go’aanka ayaa yimid kadib markii Boqor Salmaan uu bishii tagtay beddelay wasiirka Xajka, wax kayar hal sano kadib markii Sacuudia Carabiya ay marti-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dadka ka qeyb-galay Xajka. Mohammad Benten ayaa waxaa lagu beddelay Essam bin Saeed, sida ku cad digreeto Boqortooyo oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. Xajkii 2020 ayaa waxaa ka qeyb-galay kaliya 10,000 oo qof oo ahaa dad degan Sacuudi Carabiya, taas oo aad uga yar ka qeyb-galayaashii 2019 oo ahaa 2.5 milyan oo qof oo ka kala yimid dunida. Qaran News
-
khatar cusub oo la sheegay inuu keenay Geela Bariga Afrika ku nool XIGASHADA SAWIRKA,JACOB KUSHNER Cilmi baareyaal ayaa Waqooyiga Kenya ka wada shaqo ay uga hor tagayaan in fayras halis ah – oo noociisu yahay Mers, oo ay qabaan geela uu mar kale usoo gudbo bani’aadanka. Laakiin howshooda waxaa adkeynaya isbaddalka Cimilada. Waxaa loo maleynayaa in cudurka dilaaga ah ee Covid-19 uu asalkiisii ka yimid xayawaanka, ka hor inta uusan usoo tallaabin bani’aadanka. Hadda waxay khubaradu ka cabsi qabaan in cudurkan uu noqon karo safmarka xiga ee adduunka kasoo ifbixi kara fayraska corona kaddib. Boqolkiiba toddobaatan iyo shan ka mid ah cudurrada hadda dhibaatada ku haya dadka waxay markoodii hore kasoo billowdeen xayawaanka, sida ay sheegtay hayad hoos tagta dowladda Mareykanka oo kormeer ku sameysa xanuunnada caalamka ka dillaaca. Seynisyahannada hayaddan, oo lagu magacaabo Perdict, ayaa durba ogaaday 1,200 oo cudur oo asal ahaan ka yimid xayawaanka. Balse waxay seynisyahannadu qiyaaseen in ay jiraan ilaa 700,000 oo cudur oo wali aannaan ogeyn halka ay kasoo billowdeen. Mid ka mid ah xayawananada ay khubarada sida weyn isha ugu hayaan – aadna uga cabsi qabaan – waa geela. Geela ayaa hanti u ah bulshooyin badan oo ay Soomaalida ku jiraan Meelo ka mid ah waqooyiga-bari ee qaaradda Afrika, Aasiya iyo Bariga Dhexe, waxaa laga dhaqdaa geela, waxaana loo adeegsadaa cunno ahaan iyo gaadiid ahaan intaba. Bulshooyin badan oo ay ku jiraan Soomaalida ayuu xitaa u yahay hantida ugu qiimaha badan ee noloshooda. Hase yeeshee khubarada caafimaadka ayaa ka diga in geela uu dhanka kale keeni karo halis weyn oo caafimaad, sida ay ku ogaadeen baadhitaanno kala duwan oo lagu sameeyay xoolahaas. “Marka aad hal neef oo ka mid ah lasoo aaddo qalabka baadhitaanka, wuu ku haraantin karaa. Calyo ayuu ku gaarsiin karaa. Kaadidiisa ayaa ku gaadhi karta,” ayey tidhi Millicent Minayo, oo ah cilmi baadhe ka tirsan jaamacadda Washington. Waxay muddo labo sano ah ku mashquulsaneyd in ay tijaabooyin caafimaad ka qaaddo geela iyo xoolo dhaqatada ku nool magaalada Marsabit ee dalka Kenya. “Qof walba oo geela dhaqda ama xiriir taabasho la sameeya wuu ku dhici karaa cudurka ay qabaan,” ayey tidhi. Geela ayaa laga qaaday tijaabooyin caafimaad, si loo baadho “Xanuunkaas” waa nooca loo yaqaanno Mers, oo ka mid ah fayrasyada corona, ilaa haddana waxaa la xaqiijiyay in uu toban jibaar ka halis badan yahay cudurka Covid-19 ee ay hadda la daalaa dhaceyso dunida. Xanuunkan waxaa markii ugu horreysay dalka Sacuudiga lagu arkay sanadkii 2012-kii. Markii lasoo gaadhay 2016-kii, Hayadda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay “in la xaqiijiyay 1,761 kiis oo ah cudurkan lagu magacaabay Mers-CoV, oo ay ku jiraan ugu yaraan 629 dhimasho oo lala xiriiriyay xanuunkaas”. Dabayaaqadii sanadkaas, cudur ka dillaacay isbitaal ayaa sababay qeylo dhaan ku aaddan in cudurkan aysan halis ugu jirin dadka geela dhaqda oo kaliya balse uu gaari karo qof walba. Laakiin maadaama geela uu cudurka wadi karo, halista Mers ee ka dhanka ah bani’aadanka waa mid ay dadka gacmahooda ku sameeyeen. Isbaddalka cimilada ee ku yimid ficillada ay bani’aadanka sameeyeen ayaa sababaya abaaro baahsan oo horseedaya xoolo dhaqatadu ay isaga tagaan lo’da iyo ariga, iyagoo ka door bidaya geela oo awood u leh inuu muddo dheer u adkeysto oonka. Taasi waxay keentay in uu bato xiriirka dadka iyo geela, halkaas oo cudurkan uu fursad weyn uga helayo inuu dadka usoo gudbo, uuna si aad ah u fido. “Sababta aan daraasaddan uga billownay Kenya waa tirada geela ee aadka ugu badan waddankan. Waliba gaar ahaan deegaanada ismaamul goboleedka Marsabit,” ayey tidhi Minayo. Marsabit waxaa ku nool kaliya 1% ka mid ah shacabka Kenya, laakiin waxaa ku sugan 7% ka mid ah geela guud ahaan Kenya ku nool Durbaba, iyada iyo kooxda la shaqeyneysa waxay fayraska ku arkeen geela ku dhaqn halkaas. Ku dhawaad 14 neef oo fayraska qabta ayey heleen sanadkii 2019-kii gudihiisa oo kaliya, sida ay sheegtay. Cilmi baaris dhawaan la sameeyay waxay hoosta ka xaqiiqday in dadka xoolo dhaqatada ah, gaar ahaan kuwa geela, ay halista ugu weyn ku jiraan ama u nugul yihiin cudurkaas. Hadda khubaradu waxay si deg deg ah sameynayaan tijaabooyin iyo baaritaanno caafimaad oo laga dhex wado bani’aadanka qudhooda, waxayna rajeynayaan in ay ka hor tagaan sidii uu cudurkaas u fidi lahaa islamarkaana u noqon lahaa safmar la mid ah Covid-19. “Ma garan kartid sida uu noqon karo cudurkan haddii uu bani’aadanka soo gaaro,” ayey tidhi Minayo. ” Ma jirin cid ogeyd in Covid-19 uu sidan safmar uga noqon doono caalamka oo dhan, nolosha malaayiin ruuxna u soo afjati doono. Sidaas darteed, waa arrin fiican in laga hor tago ka hor inta aan daweyn lagu khasbanaanin. “Ka hortagga wuxuu ka fiican yahay daweynta.” Fayraska wuxuu la socon karaa caanaha laga liso geela cudurka qaba Caanaha geela ayey suuragal tahay in uu cudurka soo raaco, sida ay khubaradu sheegeen, waxaana dadka xoolo dhaqatada ah lagu boorriyay in ay iska karkariyaan ka hor inta aysan cabin. Waddan geelu ku badan yahay Kenya waxay ka mid tahay dalalka bariga Afrika ee uu ku nool yahay geela ugu badan gobolka. 3 milyan oo neef oo geel ah ayaa ku sugan gudaha Kenya – tiradaasna waxay ku dhowdahay 10% ka mid ah geela ku nool caalamka oo dhan. Marka laga soo tago Suudaan iyo Soomaaliya, Kenya waa dalka ugu geela badan caalamka. Sida laga soo xigtay dowladda Kenya, Marsabit waxay hoy u tahay ugu yaraan 224,000 neef oo geel ah. Tiradaas waxay ku dhowdahay tirada dadka ku nool deegaankaas. Marsabit waa ismaamul goboleedka dhul ahaan ugu weyn Kenya, laakiin waa mid ka amid ah kuwa ugu dadka yar ee waddanka ku yaalla bariga qaaradda Afrika. 1% ka mid ah shacabka dalka Kenya ayaa daggan gobolkaas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole kana mid ah mudanayaasha aqalka sare ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan dalka iyo shirarka looga hadlayo arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho. Faroole ayaa sheegay inuu rajo ka qabo shirka Afisyoone, wuxuuna taageero weyn u muujiyay Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo mowqif adag ka taagan arrimaha taagan, wuxuuna sheegay iney sharci ku taagan yahiin. Faroole wuxuu maamullada taageersan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay kuwa ku tiirsan Muqdisho, ciidan iyo dhaqale intaba. “Shan maamul goboleed ayaa sharci ah, saddex maamul waa niman dhulkooda intiisa badan la heysto, magaalooyinka ku hareereysanna waardiye laga haayo, dakhlina aan heli karin” ayuu yiri Faroole. “Cudur daar baan u hayaa, balse waxaan cudurdaar uga heyn iney gudoonshaan oo cid ku raacaan federaal diid, waxey ku sifeysan yahiin maahmahdii Cismaan Keynadiid ee aheyd: “Nin mushaari eexeynaya waa maskiin dhab ahe, mudeec waxa ka dhigay inuu maarmi waa yahaye,” ayuu yiri Faroole. Hadalka Faroole ayaa u dhigmaya maamullada dowladda taageersan aysan ka maarmin dowlada oo ay mar walba hoos joogan, taasna ay ku qasbeyso ineysan ka hor imaan, balse labada maamul kale ay yahiin dad isku tashaday. Sidoo kale wuxuu sheegay in cidda kaliya ee sharciyad heysata ay tahay maamul goboleedyada, inta kalana ay ku joogaan qaraar ay doorasho ku galaan.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa cafisay, isla markaana xirtay dacwadii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan. Ninkan dacwaddiisa la laabay waxaa ay dowladda iyo hey’adaha UNka u hesyteen inuu dad badan dilay, qaar jir-dil u geystay halka in kale sharci darro iska xirtay. Warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha Suleymaan Maxamuud, loona diray maxkamadda gobolka Banaadir March 22 waxaa lagu sheegay in aanu jirin kiis ka dhan ah Janan halka jawaab ay maalin kadib qortay maxkamadda lagu sheegay in kiiskiisa la xiray. Janan, oo ahaa nin ka baxsaday hey’adaha dowladda federaalka ah, isla markaana dowladda ay xataa doondoonistiisa la kaashatay INTERPOL ayaa hadda xor ah, arrintan oo timid markii Beledxaawo ay labo wasiir kusoo dhoweeyeen March 24 isaga oo hadda Muqdisho loogula dhaqmo sida ugu sharaf badan. Bilowga Sheekada: Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu dhibsaday maamulka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyada oo la cunaqabateeyey, cadaadista la saaray waxaa ka mid ahaa in wasiirkiisa amniga oo xilligaas awood badanaa Cabdirashiid Janan lagu qabto garoonka Aden Cadde September 2019, dowladda ayaa sheegtay in loo heysto eedeymo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, arrintan waxaa ammaanay hey’adda Amnesty International iyada oo sheegtay in ay tahay in la baaro, lana maxkamadeeyo dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo heysto. Sida ay sheegtay hey’adda UN Monitoring, Janan waxaa uu mas’uul ka ahaa dilal, dil-dil, xarig sharci darro ah iyo falal gabood fallo ah oo ka dhacay sanadihii 2014 iyo 2015. Baxsashadii Janan: Si kasta ahaatee, Janan ayaa ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa Muqdisho iyada oo booliiska ay sheegeen inuu ilaa Kismaayo ku tagay doon, waxaa jiray shaki laga qabay in baxsashadiisa ay aheyd arrin laga shaqeeyey. Booliiska Soomaaliya ayaa soo saaray qoraallo lagu sheegay in Janan oo cadaaladda ka baxsaday, lana doondoonayo, waxaa kale ay codsadeen in arrintan ay ku gacan siiso hey’adda INTERPOL. Waxay aheyd February 2020 markii ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Janan ay isku dhaceen, 5 caruur ah oo hal qoys ka tirsan, dagaal kadib waxaa isbadalay dhaqanka labada dhinac, waxaana laga war helay heshiiska ay dowladda la gashay Janan, taas oo dhabarjab ku noqotay dad badan oo ka rajo qabatay in loo ciqaabo dambiyada lagu soo oogay. Warbixintan oo Ingiriis ku qoran: Pardoned of his ‘sins’ Janan, accused of murder, torture, now Farmaajo’s hatchet man Goobjoog News Source: goobjoog.com