Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Saacad iyo il-bidhiqsi walba kan ka dambeeya, waxa cirka isku sii sharreeraya xamaasadda iyo xiisadda loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,Sidoo kale, iyana waxa sida cir-toobta oo kale samadda isku xidhay guuxa, galeydhka iyo guura-bahalaynta xubnaha dhinacyada kala taageersan shaqsiyaadka qaarna hanku shidayo, kuwa kalena ficilku waddo. Loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa hadda maray marxaladii ugu dambaysay,waxaana la filayaa in toddobaadkan dhex-diisa uu qabsoomo kal-fadhiga koobaad ee Golaha Wakiillada, isla markaana uu Madaxweyne Biixi cayimi doonna wakhatiga ay Muddanayaasha cusub isku imanayanaa kal-fadhigaasm maddaama oo ao afar maal-mood oo qudhi ka hadhay wakhtigii soddonkii maal-mood ee Madaxweynaha uu dastuurku siiyey uu eeg shanta bishan ogos . Haddaba waxaynu halkan idinku soo gudbinaynaa Magac-yadda Xildhibaannada kale taabacsan Musharraxiinta shir guddoonka Xukumadda iyo Musharraxiin shir guddoonka isbahaysiga iyo weliba tiradda Xildhibaannada ay kale haystaan iyo degaannada ay ka soo jeedaan. Xildhibaannada Taabacsan Musharraxiinta Shir Guddoonka Golaha Wakiillada Ee Xisbiga KULMIYE Ayaa Kale Ah: 1- Axmed Maxamed Maxamud Kaare. Kulmiye M/Jeex. 2- Axmed Cabdi Muuse Cige. Kulmiye M/Jeex. 3- Cabdikariin Maxamed Muxumed. Kulmiye M/Jeex. 4- Yaxye Cabdilaahi Amiin Ararse. Kulmiye M/Jeex. 5- Xassan Saleebaan Dhuxul Laab Saalax. Kulmiye M/Jeex. 6- Maxamed Xuseen Jaamac Raanbo. Kulmiye M/Jeex. 7- Axmed Yuusuf Nuur Guruuje. Kulmiye M/Jeex. 8- Cabdilaahi Sh Muxumed Axmed. Kulmiye M/Jeex. 9- Cabdikariin Aadan Cali Dubad. Kulmiye Togdheer.”wuu maqan yahay Xildhibaankaas” 10- Aamiin Saleebaan Jaamac Rooble. Kulmiye Togdheer. Wuu maqan yahay isna “ 11- Nuuradiin Axmed Dayib Cabdiraxman. Kulmiye Togdheer. 12- Jaamac Abokor Maxamed Mire. Kulmiye Togdheer. 13- Abiibakar Siciid Cali Gaboobe. Kulmiye Awdal. 14- Cali Xuseen Nuur Kooshin. Kulmiye Awdal. 15- Bashiir Xuseen Xirsi Bulaale. Kulmiye Awdal. 16- Fu,aad Axmed Diiriye Faarax. Kulmiye Awdal. 17- Yaasiin X.Maxamud Xiir Faratoon. Kulmiye Sool. 18- Mukhtar Ibraahin Xaashi Cilmi. Kulmiye Sool. 19- Saleebaan Maxamed Faarax Cige. Kulmiye Sool. 20- Axmed Xassan Cali Yuusuf. Kulmiye Sool. 21- Saalax Maxamed Diiriye Xujaale. Kulmiye Sanaag. 22- Maxamud Saalax Cabdi Axmed. Kulmiye Sanaag. 23- Axmed Cabi Ducaale Maxamed. Kulmiye Sanaag. 24- Ibraahin Cai Jaamac Suudi. Kulmiye Sanaag. 25- Eng Xirsi Cabdilaahi Xirsi Odowa. Kulmiye Saaxil. 26- Aadan Cismaan Xirsi Cawaale. Kulmiye Saaxil. 27- Cabdilaahi Muuse Cabdi Cawaale. Kulmiye Saaxil. 28- Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse. Kulmiye Saaxil 9 Xildhibaan oo Ucid ah oo Kulmiye Heshiis La Galay Iyo Xildhibaan Gaar ugu Biiray Kulmiye oo Ucid Ah. 29- Siciid Faarax Mire Giirre. UCID Sanaag. 30- Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qoddax. UCID M/Jeex. 31- Guuleed Maxamed Warsame. UCID Togdheer.” Dhakhtarka ayuu ku jiraa shil gaadhi ayuu ku dhaawacmay “ 32- Saleebaan Axmed Carab Jaamac. UCID Togdheer. 33- Maxamed Xassan Siciid Maxamud. UCID M/Jeex. 34- Maxamed Cismaan Maxamed. UCID M/Jeex. 35- Cali Jaamac Caraale Barre. UCID Saaxil. 36- Maxamed Jaamac Liibaan Cawaale. UCID Saaxil. 37- Mubaarig Xuseen Maxamed Cige. UCID Saaxil. Iyo Xildhibaan Ucid ah oo Gaar ugu biiray 38- Jimcaale Axmed Cilmi Yoonis. UCID Awdal. Xildhibaanada Xisbiga Waddani ee Ku Biiray Kulmiye. 39- Jamaal Aadan Diiriye Ciise. Waddani M/Jeex. 40- Ibraahin Maxamed Jaamac Khadar Guun. Waddani M/Jeex. 41- Axmed Maxamud Cabdilaahi Fanax. Waddani Togdheer. Magacyadda iyo degaannada ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Isbaahaysiga labada Xisbi Mucaarid ee Ucid Iyo Waddani ee taageersan MusharraxiintaShir Gudoonka isbahasiga 1- Barkhad Jaamac Batuun. Waddani M/Jeex. 2- Axmed Dayib Aadan Guuleed. Waddani M/Jeex. 3- Siciid Maxamed Ismaaciil Diiriye. Waddani M/Jeex. 4- Eng Axmed Cabdi Ibraahin Cige. Waddani M /Jeex. 5- Xuseen Ismaaciil Jaamac Xirsi. Waddani M/Jeex. 6- Maxamed Khadar Daahir Mooge. UCID M/Jeex. 7- Maxamed Jaamac Ismaaciil. UCID M/Jeex. 8- Xuseen Aadan Cabdi Axmed. Waddani Togdheer. 9- Xassan Axmed Cilmi Gelle. Waddani Togdheer. 10- Saleebaan Nuur Warsame Faarax. Waddani Togdheer. 11- Axmed Maxamed Hurre Ducaale. Waddani Togdheer. 12- Cabdilaahi Yuusuf Axmed Abokor. Waddani Togdheer. 13- Maxamud Faarax Jaamac Maxamed. Waddani Togdheer. 14- Faysal Yuusuf Jaamac Xaashi. UCID Togdheer. 15- Jamaal Cali Aadan Jaah. UCID Togdheer. 16- Axmed Yaasiin Maxamed Xassan. Waddani Awdal. 17- Cabdiqani Maxamed Aadan Cali. Waddani Awdal. 18- Cabdikariin Aadan Cumar. Waddani Awda 19- Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac. Waddani Awdal. 20- Mukhtar Xassan Maydhane. Waddani Awdal. 21- Cali Xaamud Jibriil Faarax. UCID Awdal. 22- Nuur Cismaan Guuled Warsame. UCID Awdal. 23- Khadar Cali Xassan Maxed. Waddani Sanaag. 24- Saleebaan Diiriye Barre. Waddani Sanaag. 25- Mubaarik Muuse Ismaaciil. Waddani Sanaag. 26- Siciid Jaamac Xassan. Waddani Sanaag. 27- Cumar Jaamac Faarax. UCID Sanaag. 28- Jaamac Axmed Caano Boodhe. UCID. Sanaag. 29-Cabdikariin Meecaad Isaaq. Waddani Sanaag 30- cabdirisaaq Khaliif Axmed. Waddani Sool. 31- Axmed Muuse Jaamac. Waddani Sool. 32- Bile Cabdi Ducaale. Waddani Sool. 33- Qaasim Aadan Saleebaan. Waddani Sool. 34- Maxamud Xayir Ducaale. UCID Sool. 35- Abokor Faarax warsame. UCID Sool. 36- Axmed Jaamac Saalax. UCID Sool. 37- Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed. Waddani Saaxil. 38- Xassan Cumar Xassan. Waddani Saaxil. 39- Cabdikariin Hugur Cabdi. Waddani Saaxil. 2 Xildhibaan oo Xisbiga Kulmiye Kasoo Baxay Isla Markaana Shaaciyey Inay la aragti Yihiin Isbaahaysiga Waddani Iyo Ucid. 40- Maxamed Xuseen Maydhane. Kulmiye Awdal. 41 Mustafe Axmed Cabdilaahi. Kulmiye Sool. Si kastaba ah-ahaatee labada dhinac ayaa hadda waxa muuqata inay tiro ahaan ay inay isku mid yihiin haddii uu Xisbiga KULMIYE ay u yimadaan laba Xildhibaan oo maqan iyo Xildhibaan isna shil gaadhi ku dhaawacmay oo isna ku jira cisbitaallada Hargeysa,waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigato xaajadu iyo halka uu ku dambeeyo loollankaas. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiiradda Xukumadda Madaxweyne Biixi,ayaa ah qaar aan saldhigan xafiisyaddooda muddooyinkii ugu dambeeyey,kuwaas oo ku mashquulsan soo xero-gelinta Xildhibaanno kooramka u buuxiya KULMIYE. Wasiiradda Xukuumadda KULMIYE ayaa si weyn uga dhex-muuqda loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,kuwaas oo dhex-da u Xidhay raadinta iyo raacdada Xildhibaanno kooramka u buuxiya Xisbiga KULMIYE. Dhanka kalene xubna Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ficiladda ay samaynayaan ay yihiin qaar ay isku muujinayaan oo isku tusayaan Madaxweyne Biixi,isla markaana ay qaarkood ku ilaashanayaan kursigood oo ay is leeyihiin yaanno Madaxweyne Biixi ayaa xilka idinka qaadin. Geesta kalene xubnaha Wasiiradda Xukuumadda KULMIYE ayaa maal-mihii u dambeeyey la sheegay in aanay qaarkood tegin guryahoodii,isla markaana ay u howdaan Hudheelada, iyadoo la arkayey Hadhimo sharafeed-yo is daba joog ah oo ay Wasiiradda Xukuumadda ku tartamayaan oo ay u samanaynayaan Xildhibaannada taabacsan musharraxiinta shir guddoonka KULMIYE. Xildhibaan Axmed Dayib(Sheekh ku cadeeye) oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex uga soo baxay Xisbiga WADDANI ayaa arrintaas ka hadlay waxaanu yidhi “Maanta waad ogtahay wasiiraddii shaqadoodii faraha ayey ka qaadeen Xildhibaannada ayey ku foogan yihiin , Xildhibaanku wasiiradda wuu ka sareeyaa Barri waa ninka u yeedhaya ee la xisaabtamaya,waxay u muqataa in wasiiraddu ay ka yaacayaan Gole la xisaabtama uun ee inay shaqada Qaranka u qabtaan ayey ahayd .” Source
  3. Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad sanad kadib markii uu qoraal yar oo uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu yahay musharax madaxweyne, ayaa waxaa weli dadka xog-ogaalka u ah siyaasadda Soomaaliya ay shaki gelinayaan dhab ahaanshaha musharaxnimada Xasan Cali Kheyre. Kheyre naftiisa ayaa tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo, amaba uusan qaadan, ay kaga sii darayaan shakiga laga qabo inuu yahay musharax dhab ah, oo ay ka go’an tahay inuu kursiga kala wareego madaxweyne Farmaajo. Siyaasiyiinta badan iyo falanqeeyeyaal Soomaali iyo ajaanibba leh ayaa shakiga ka dhanka ah dhab ahaanshaha hanka Ra’iisul Wasaarihii hore sabab uga dhigaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin: Kheyre ma dhisin xisbi siyaasadeed: Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee u taagan xilka madaxweyne waxay dhisteen xisbiyo siyaasadeed, oo ay hoggaamiyaan. Xasan Sheekh wuxuu madax u yahay UPD, Shariif wuxuu maamulaa Himilo Qaran, Cadbiraxmaan Cabdishakuur wuxuu dhisay Wadajir, Cabdikariin Guuleed wuxuu guddoomiyaa Sahan Party, halka Cabdulqaadir Cosoble uu madax ka yahay Ileys. Inkasta oo laga yaabo in xisbi aan lagu galin doorashada, haddana xisbiga waa madal kulmisa musharaxiinta iyo xubnaha taageersan. Sidaas darteed, musharax kasta wuxuu leeyahay xubno taageersan oo la yaqaan oo ku jira xisbigiisa. Illaa hadda ma naqaan hal siyaasi ama xildhibaan oo ku aragti ah Xasan Cali Kheyre. Xiriirka Villa Somalia: Ka sokow in shaki la gelinayo musharaxnimadiisa, Xasan Cali Kheyre waxaa weli lagu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia, oo uu weli saaxiib qarsoon la yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Dadka ra’yigan qaba ayaa sheegaya kulamo qarsoodi ah oo dhinacyada dhex-maray, inkasta oo aan la xaqiijin karin. Xitaa qaarkood ayaa gaarsiinaya inuu yahay wakiil loo soo diray inuu ka dhex-shaqeeyo mucaaradka. Waxaa shakiga sii kordhinaya, in ilaa markii uu xilka ka tegay uusan Xasan Cali Kheyre si toos ah u magacaabin Farmaajo iyo Fahad, oo uusan marnaba u dhaliilin si shaacsan, xilli ay jirto qaladaad badan oo musharaxiinta kale ay ku eedeeyeen ayaga oo aan la gabban. Sidii uu xilka uga degay: In 7 daqiiqo gudahood xilka looga tuuro waxay muujisay in miisaanka siyaasadeed ee Xasan Kheyre uu aad u hooseeyo, sababtoo ah haddii Kheyre awood siyaasadeed ku dhex lahaan lahaa dalka, gaar ahanna baarlamanka, ma dhacdeen in 7 daqiiqo xilka looga tuuro. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sidoo kale qaba in arrintan ay meesha ka saarayso rajadiisa ah in la doorto maadaama la filayo in ay dib u soo laabtaan xildhibaanandii riday ugu yaraan 70% kamid ah, ayaga oo is-weydiinaya sida xildhibaano ku riday 7 daqiiqo gudahood ay madaxweyne ugu dooran doonaan. Muddadii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay, saaxiibada siyaasadda ee kaliya ee uu lahaa waxa ay ahaayeen siyaasiyiinta ugu dhow madaxweyne Farmaajo, taas oo sababtay in aysan jirin koox siyaasadeed oo iibisa aragtidiisa islamarkaana la fududeysa caqabadaha siyaasadda. Siyaasi aan la aamini karin: Xasan Cali Khayre markii ugu horreysay waxa uu saaxada siyaasadda kusoo galay isaga oo kamid ahaa kooxdii Xasan Sheekh Maxamuud. Kheyre ayaa ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa heer uu gaaray inuu galo kooxdii olalahiisa madaxtinimada ka shaqeyneysay 2016. Xilligaas, Kheyre wuxuu isaga oo ka tirsan kooxda Xasan Sheekh, haddana si hoose ula shaqeynayey Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in mid ka mid ah sababaha looga adkaaday Xasan Sheekh ay tahay in xogtiisa oo idil uu hayey Farmaajo. Marka xigtay, isaga oo fulinaya qorshaha Farmaajo ayuu markii uu noqday ra’iisul wasaare dagaal ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka oo istooda badan meesha ka saaray, halka madaxdii maamulladaas la geeyay ay fahansan yihiin in aysan aamini karin, xilligaasna uu fuliyay qorshe uu Farmaajo lahaa. Aaminaad la’aantan ayaa ka fogeyneysa Xasan Kheyre saaxiibo badan oo uu heli lahaa, taasi oo shakiga laga qabo musharaxnimadiisa sii kordhisay. Wax ay ahaataba, waxaa dhab ahaanshaha iyo awoodda siyaasadeed ee Kheyre ay kala caddaan doonaan marka laga gaaro doorashada. The post Maxaa shaki geliyey dhab ahaanshaha musharaxnimada madaxweyne ee Kheyre? appeared first on Caasimada Online.
  4. Garoowe (Wararka PP) — Maanta, 1da Agoosto waxay ku beegan tahay sanadguurada 23aad ka soo wareegtay asaasiddii Puntland. Berri waa maalinta kowaad ee sanad-Dugsiyeedka 2021-2022 uu billaabmi doono. Markii ugu horreysay taariikhda waxbarashada Puntland dugsiyada sare ma heli doonaan arday ka gudubtay imtixaanka fasalka siddeedaad oo billaabi kara fasalka kowaad ee dugsiga sare. Sixid la’aanta imtixaanka fasalka siddeedaad oo la qaaday bishii Maajo 2021 ayaa ugu wacan in sanad-dugsiyeedka 2021-2022 billaaban doono jiritaan la’aanta fasalka kowaad ee dugsiga sare. Imtixaannada aan la sixin waxay saameeyeen carruur badan oo xaqoodii waxbarasho lagu gaboodfalay inkastoo dowladda Puntland u qoondaysay waxbarashada 8% miisaaniyad. Dowladda Puntland may caddaynin sababaha imtixaanka loo sixi waayay xilli maamulka hadda jira ku bixinayo lacag badan xafladda loogu damaashaadi doono sanadguurada 23aad ee asaaskii Puntland. “Yay Puntland ku eedeynaysaa niyadjabinta carruurta u diyaargarowday billaabista fasalka kowaad ee dugsi sare” ayuu bare doonaya inaan magaciisa la xusin u sheegay Puntland Post. © Puntland Post, 2021 The post Sixid La’aanta Imtixaanka Fasalka Siddeedaad oo Saameeyay Dugsiyada Sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Xulka Bari oo goosha u dabaal-degaya Xulka kubbadda cagta gobolka Bari ayaa guul ku furtay tartanka gobollada Puntland, ka dib markii uu 1-0 uga adkaaday dhigiisa Nugaal. Goolka guusha waxaa gobolka Bari daqiiqadii 59-aad qeybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Fu’aad Cabdirashiid Dable oo caawin ka helay Maxamed Maxamuud Saqraawi. Xulka gobolka Bari ayaa qeytii dambe ee ciyaarta ku ciyaarayay 10 ciyaaryahan, markii uu mid ka mid ah ciyaartoydooda uu kaarka cas qaatay. Madaxweynaha Puntland ayaa galabta garoonka Mire Awaare ee Garowe ka furay tartanka gobollada Puntland oo ay ka qeybgalayaan 9 kooxood oo kala ah Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag, Haylaan, Karkaar, Ceyn iyo Gardafuu. Waxaa guruubka ‘A’ ku wada jira Nugaal, Bari, Sool, Sanaag iyo Haylaan, halka guruubka ‘B’ ay ku wada jiraan Mudug, Karkaar, Gardafuu iyo Ceyn. Tartanka kubbadda cagta gobollada Puntland ayaa socon doona muddo 15 beriya. PUNTLAND POST The post Xulka Bari oo guul ku furtay tartanka gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Puntland is in the throes of a severe economic crisis. In light of the ramifications of this crisis, I dissect the key challenges to implementing Puntland’s budget, and attempt to discuss the ways forward. Challenges Poor budget planning, preparation and participation: Budget planning and preparation are the cornerstones of an efficient public expenditure management. In Puntland, the ministry does not provide sufficient time for budget preparation and planning which makes the implementation phase difficult. In addition, although the responsibility for preparing the budget usually lies with the ministry of finance with input from the line ministries, it is a sheer lunacy in the budgeting system that the Ministry of Finance does not provide adequate timeframes for consultation with other ministries. Furthermore, the House of Representatives failed to live up to the expectations of the public and hold public hearings. Lack of prioritization and fiscal responsibility: An efficient budget should aim at making the government’s priorities clear, but in Puntland context, it is apparent that there is lack of allocative efficiency which resulted in the disbursement of public funds to non-essential activities. In the fiscal year 2019, Puntland TV was allocated $54,500 per month while the Ministry of Environment, Agriculture and Climate Change was planned to receive only $25,524. That is a prime example of resource misallocation and fiscal irresponsibility. Biased forecasts: Biased forecasts are also a reason for setting budgets that do not reflect the state’s economic situation. This means that most of Puntland’s budget may be based on inconsistent macroeconomic assumptions. For example, the current tax system exposes dearth of an in-depth financial assessment before taxes are set, which led to the imposition of exorbitant taxes. Punitive taxes imposed on businessmen have resulted in the closure of many businesses, the loss of many jobs, and exacerbation of financial woes. Corruption: Widespread corruption hinders Puntland’s budget implementation, erodes people’s trust in the ministry and its leadership, and undermines the financial stability. In Puntland, ‘FADLAN’ corruption has become a norm, and this malpractice means that anyone who is ordered by the president or the finance minister to be paid will get paid without checking whether this order is in line with the budget. Lack of staff motivation: Lack of motivation and lower salaries for the Ministry of Finance revenue collection staff have led to significant delays in staff performance and revenue collection. It is noteworthy that sometimes staff are not paid for certain months. Therefore, you can imagine the consequences of not paying your employees and expecting all collected revenues to be transferred to the ministry’s banks or relevant offices. Lack of monitoring and review: Another critical aspect for the proper execution of the budget is monitoring and review. The ministry’s budget department rarely produces two reports that may be intended for monitoring; however, these reports do not cover all issues affecting the budget and the government’s finances in general. In the last few years, no one has held the ministry accountable for how it has implemented the approved budget and how it manages the entire state’s finance including the lingering currency crisis. Ineffective audit: The Office of the Auditor General has become incompetent and that has severely damaged the accountability of the state’s financial institutions. Having an effective oversight and audit is a key step to achieving financial transparency, inclusive growth and preventing loss of revenues. Weak leadership and institutional capacity: Overall the capability of the state’s financial institutions to have the capacity to formulate strategies and policies is terribly weak. While writing this article, a friend of mine told me that seminars designed to improve the capacity of the ministry staff benefitted people who were not the right ones for the trainings. Currently, the Ministry of Finance has reached the nadir of its weaknesses owing to its inept minister who has neither the knowledge nor the skills to manage the payroll for a small business, let alone to direct the state’s fiscal policies. Apart from that, the ministry has several professional consultants and competent staff who could do much to improve public financial management under the right leadership. Limited revenue sources: the scarcity of sources hampers the proper budget preparation and implementation. It is a pity that, with around three-quarters of the total budget being subsidized by foreign governments, our government has never considered creating new sources of revenue other than raising taxes. The Way Forward Reforms in the revenue collection and expenditure management: Reforming and modernizing the revenue collection system will help raise more revenue to finance essential social services, as well as facilitating financial transparency and accountability. Therefore, it is vital to carry out major reforms in expenditure management and resource allocation to lay the foundations for sound financial discipline and efficient service delivery. Installing Robust IFMIS (Integrated Financial Management Information Systems): IFMIS is an approach that allows all revenues and expenses to be managed in one suite of applications. It will enable the transparent use of public resources through increased visibility of financial transactions and the reduction of extravagant use of public resources. Installing sound IFMIS systems can play an indispensable role in empowering the government to gain effective control over their finances, boost integrity and combat corruption. Effective parliamentary oversight of budget implementation: In recent years, parliamentary oversight of budget management has been poor. To deal with the current rampant corruption, an effective parliamentary oversight must be put in place as it is crucial to implementing the budget and ensuring efficient service delivery to citizens. Leadership and Institutional capacity: The ministry of finance suffers from low institutional capacity, with most of the ministry workforce lacking the tools and trainings needed to perform the duties. To overcome these barriers, it is necessary to map out policies and procedures to improve the knowledge, skills, and the competencies of the staff. Another step that must be taken is to replace the ministry’s leadership since they failed to address the challenges plaguing the ministry. The fight against grand corruption and kleptocracy: Rooting out institutional corruption requires installing more transparent financial system, publication of user-friendly citizen’s budgets, building strong and independent audit, capacity building of the staff and reform of the recruitment system, strengthening parliament’s budgetary oversight, criminalizing kleptocracy, combating improper awarding of contracts and formulating anti-corruption policies. I firmly believe that corruption, which is currently a major hindrance to budget implementation, will decrease if we put all the above steps into effect. In conclusion, there is a need for the government to address the key underlying challenges, and for that to materialize, the current leadership has to deliver the implementation of reforms that support improving Puntland’s public financial system. By Abdullahi Sanco The post Puntland Budget Execution: Key Underlying Challenges and Ways Forward appeared first on Puntland Post.
  7. Laacibka Xulka Qaranka Soomaaliya Yoonis Cabdirisaaaq Faarax ayaa ku biiray kooxda Eskilstun City ee ka dhisan Wadanka Sweden, waxaana xidigan ka dhalay xidigihii hore kooxaha Madbacada Qaranka iyo naadiga Horseed Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje. “Waan ku faraxsnahay horomarka iyo heeshiishka aan la gaaray kooxaha reer Sweden, waxaan u mahadcinayna cid kasta oo kaalin ka geystay guusha mashruucan” ayuu saxaafada u sheegay daafaca Xulka Qaranka Soomaaliya Yoonis Cabdirisaaq Faarax. Yoonis Faarax oo horay kooxda badan oo yurub ah ugu soo dheelay ayaa waxa uu ka mid yahay xidigaha Qurbajoogta ee kaalinta wanaagsan ka qaadatay horomarka iyo guulahaaXulka Qaranka Soomaaliy bilaawioyinkii la soo dhaafay , waxaana talabaadan ku bogaadiyay taageerayaasha Xulka iyo falanqeeyaasha Ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliya. “Yoonis Faarax wuxuu ka yimid qoys isboortis waan ugu hambalyaynaa horomarka uu samaynayo, waxaan kula dardaarmay in uu horomariyo xirfadiisa kubbadda cagt” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Faarax Daguur oo falanqeeye Ciyaaraha gudaha iyo dibadda. Aabaha dhalay Yoonis Ee Cabdisiaaq Faarax Garooje ayaa horay u soo noqday goolhaye u soo ciyaaray kooxaha Madbacada Qaranka iyo Horseed, wuxuuna iminka Muqdisho ka furay xarun lagu horomariyo goolahayaasha tayada wanaagsan ee kooxaha kubbadda cagta iyo Xulalka kala duwan ee Qaranka taas oo lagu magacaabo Garoje Goalkeepin Academy, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha kooxda kubbadda caghta Elman Sports Club. “Heshiiska uu sameeyay wiilkayga Yoonis waa mid taariikhi ah waan guul u soo hooyatay bahda kubbadda cagta Soomaaliya iyo taageerayaashiisa , waxayna arinta kor u qaadaysaa horomarinta iyo xirfadiisa ciyaareed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay aabaha dhalay Yoonis mudane Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje. Daawo Falanqeeye Cabdullahi Oo Hambalyo U Diray Laacib Yoonis Sidoo Kale Aqriso Warark Ku Saabsan Garooje Guddoomiye Garooje“Demada Diinsoor Waxa Ay Helaysaa Mashaariica Badan Oo Dhinaca Ciyaaraha” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  8. Waxaa maanta 25 sano laga joogaa markii uu dhintay Allaha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya door weynna ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996. Kumuu ahaa Ceydiid Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Gaalkacyo. Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka. Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952. Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal. Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay. Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay. Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare Ceydiid ayaa xabsiga laga soo daayay sanaddii 1975. Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya sanaddii 1977 ilaa 1978 waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb gashay. Janaraal Maxmed Faarax Ceydiid ayaa waxa uu sidoo kale mar noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Hindiya. Dagaalkii Jabhadaha Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ka qeyb qaatay dumintii dowladda dhexe ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre. Waxaa uu sanadii 1991 noqday hogaamiyiihii jabhaddii USC. Jabhadaasi ayaa cidamadii dowladda kula dagaalamay magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina halkaasi ka saaray. Dagalkii Cali Mahdi iyo Caydiid Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Bare. Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC. khilaafka ayaa isu rogey dagaal kumanaaan shacab ah ay ku dhinteen kumannaan kale -na ay ku barakaceen. Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid. “Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi. Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi. Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh. Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka Sanddii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka. Dabyaaqadii sanaddii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”. Sanaddii 1993 – waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey. Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan. Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen. Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay. Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay. 3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag. Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib. 50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay. Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo. Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho). Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday. Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimi. Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.” Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”. Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid. Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya . 1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato. Xigasho: BBC Somali The post Maxaad ka taqaanaa Jeneral Ceydiid oo geeriyooday 25 sano kahor maanta oo kale? appeared first on Caasimada Online.
  9. MOGADISHU (HOL) - U.S airstrikes hit Al-Shabaab targets in Central Somalia Sunday morning, the Federal Government has said. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in caasimadda Garoowe uu dhowaan ka furmi doono shir ku saabsan Bankiyada Islaamiga ah oo heer Soomaaliya oo dhan ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaas oo furmi doona 5-ta bishaan Agoosto ay muujinayso calaamad hormar maadaama shir heer Soomaaliya oo dhan ah uu yahay. Mudane Deni ayaa sheegay in uu doonayo in Garoowe noqoto halka laga hago dhaqaalaha iyo Siyaasadda guud ahaan dalka Soomaaliya. Halkaan ka daawo Hadalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Deni: Waxan rabnaa in Garoowe noqoto xarunta dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. A NOVEL centred around a notorious miscarriage of justice which saw an innocent man hanged has been longlisted for the Booker Prize. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday Heshiiska Dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa. Wasaaradaha wax u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Xasan Shire Cabdi iyo Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Cabdiqafaar Xaange. Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah: Juurile- Boosaaso Qardho – Garoowe Garoowe- Brita dheer Garoowe-Falaryaale. Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo 7 Malyan oo Dollar ku dhisaysa jidadka burbursan appeared first on Puntland Post.
  13. Kandahar (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Kandahar oo ku yaal koonfurta Afghanistan ayaa gantaal lala beegsaday, xilli ciidamada dowladda ay la halgamayaan sidii ay iskaga caabin lahaayeen weerarada Taliban oo ka socda dhowr magaalo oo waaweyn. Duulimaadyadii ka bixi lahaa Kandahar, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Afghanistan, ayaa la joojiyay ka dib markii saddex gantaal oo ay Taliban rideen ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha maanta oo Axad ah. Madaxa garoonka Massoud Pashtun ayaa sheegay in laba ka mid ah gantaalladaasi ay ku dhaceen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, hadana lagu bilaabay dayactir. Sarkaal kale oo ka tirsan maamulka duulista rayidka ee caasimadda, Kabul ayaa xaqiijiyay weerarka. Wali ma jiraan warar sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, sida ay saraakiishu sheegeen. Zabiullah Mujahid, oo ah afhayeenka Taliban, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, “Madaarka Kandahar annaga ayaa bartilmaameedsannay, maxaa yeelay cadowgu wuxuu u adeegsanayay xarun ahaan si uu noogu qaado weerarro xagga cirka ah”. ‘Xaalad aad u kacsan’ Dagaallada ayaa soo kordhay asbuucyadii la soo dhaafay laga soo bilaabo horraantii bishii May, markaas oo ciidamada shisheeye ee uu horkacayo Mareykanka ay bilaabeen ka bixitaankii ugu dambeeyay ee Afghanistan oo hadda ku dhow dhammaad. Ka dib markii ay qabsadeen dhul ballaaran oo miyi ah kuna darsadeen isgoysyada muhiimka ah, Taalibaan waxay hadda bilaabeen in ay hareereeyaan caasimadaha gobollada. Warbaahinta maxaliga ah ee Kabul, ayaa sheegtay in saddex magaalo oo waaweyn – Lashkar Gah, Kandahar iyo Herat – ay xilligan cadaadis kala kulmaan Taliban. “Talibaan waxay qabsadeen dhul aad u tiro badan oo miyi ah bishii la soo dhaafay haddana waxay magaalooyinka gelinayaan cadaadis aad u badan, ka dibna waxay dib ugu laaban karaan miiska wadahadalka.” Gudaha Lashkar Gah, xaaladdu “aad bay u kacsan tahay” iyadoo uu socdo dagaal culus, halka isgaarsiinta la xiray. “Xalay, waxaan fahansanahay in ciidamada gaarka ah ee Afghanistan lagu soo riday diyaarad helicopter ah si ay isugu dayaan in ay ku weeraraan Taliban. Waxaan fahamsanahay in Mareykanku uu taageerayo weerarada cirka, ciidamada cirka ee Afghanistan-na ay wadaan dadaalo xooggan,” sidaas waxaa ku waramay wariyaha Afganistaan ee Kabul. Ciidamada amniga Afgaanistaan ayaa aad ugu tiirsan weerarada cirka si ay dagaalyahanada dib uga riixaan magaalooyinka xitaa iyagoo halis ugu jira in ay duqeeyaan dadka rayidka ah ee ku nool meelaha dadku ku badan yihiin. Dhanka galbeed, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Herat, dagaalku wuxuu ka socdaa duleedka magaalada habeenimadii. Afhayeenka gobolka Herat Jailani Farhad ayaa sheegay in ku dhawaad 100 dagaalyahan oo Taliban ah lagu dilay weerarada. Labada dhinac ee Taliban iyo ciidamada dowladda ayaa buunbuuniyay sheegashooyinka khasaaraha soo gaaray ciidammadii midba midka kale, waxaana adag in si madax bannaan loo xaqiijiyo. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Afghanistan ay adeegsadeen weerarro cirka ah si ay u difaacaan Herat iyo in Mareykanka uu “si dhow ula socdo” xaaladda gobolka. The post DEG DEG: Taliban oo duqaynaysa garoomada diyaaradaha Afghanistan iyo dagaallo culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa markii u horeeyay shaaciyey inaysan jirin Musharax la siiyey warqada CID-da ee dembi la’aanta. Taliye Xijaar oo u waramayey warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay inay jiraan Musharaxiin Mucaarid ah oo loo diiday in la siiyo waraaqda dembi la’aanta, xili ay soo baxeen warar sheegaya arrintaas. “Cid aan siinay waraaq (dembi la’aanta ee CID-da) horta ha lasoo helo, taasi waxay ku tuseysa inaysan jirin cid la siiyey, cid loo diideyna aysan jirin. CID-da wey tageen dad badan oo musharaxiin ah oo raba inay tartamaan,” ayuu yiri Taliye Xijaar. “Anaga waxa aanu ku shaqeyna nidaam dowli ah, Siyaasiyiin ma nihin, waxaanu rabnaa wax walba oo qabaneyno sida lagu heshiiyey inay ogyihiin Golaha Wada-tashiga Qaranka oo gacanta ku hayaan.” Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu helo waraaqda dembi la’aanta ee CID-da, haddii uusan dalka dembi ka gelin, sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Taliyaha ayaa imanaya xili ay maalmihii dambe soo baxayeen warar sheegayey in Musharaxiinta ka tirsan kuwa mucaaridka laga hor-istaagay inay helaan warqada dembi la’aanta ee CID-da. The post Maxaa ka jira in dowladda ay musharaxiinta qaarkood u diiday warqadda CID-da? appeared first on Caasimada Online.
  15. Maxaad ka taqaanaa Jeneral Ceydiid oo 25 sano ka hor maanta oo kale la dilay? Maxamed Faarax Ceydiid wuxuu hoggaaminayay dagaalkii Muqdisho looga qabsaday maxamed Siyaad barre iyo midkii ciidamadii Qaramada Midoobeey ee 1993. Waxaa maanta 25 sano laga joogaa markii uu dhintay Allaha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya door weynna ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996. Kumuu ahaa Ceydiid Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Gaalkacyo. Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka. Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952. Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal. Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay. Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay. Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare Ceydiid ayaa xabsiga laga soo daayay sanaddii 1975. Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya sanaddii 1977 ilaa 1978 waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb gashay. Janaraal Maxmed Faarax Ceydiid ayaa waxa uu sidoo kale mar noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Hindiya. Dagaalkii Jabhadaha Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ka qeyb qaatay dumintii dowladda dhexe ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre. Waxaa uu sanadii 1991 noqday hogaamiyiihii jabhaddii USC. Jabhadaasi ayaa cidamadii dowladda kula dagaalamay magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina halkaasi ka saaray. Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Caydiid Dagalkii Cali Mahdi iyo Caydiid Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Bare. Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC. khilaafka ayaa isu rogey dagaal kumanaaan shacab ah ay ku dhinteen kumannaan kale -na ay ku barakaceen. Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid. “Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi. Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi. Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh. Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka Sanddii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka. Dabyaaqadii sanaddii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”. Sanaddii 1993 – waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey. Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan. Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen. Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay. Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay. 3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag. Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib. 50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay. Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo. Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho). Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday. Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimi. Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.” Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”. Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid. Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya . 1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato. Qaran News
  16. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne uu ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub. In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Somaliland. Source: goobjoog.com
  17. Tunis (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo “waddada dimoqraadiyadda” kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad. Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa dalka geliyey xaalad deg deg ah oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus iyo maamul xumo, si uu u eryo ra’iisul wasaraaha, u hakiyo baarlamanka, ulana wareego awoodda fulinta. Kooxaha mucaaradka Tunisia, oo uu ugu weyn yahay xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda, ayaa tallaabadan ku macneeyey afgambi. Wada-hadal teleefon oo uu la yeeshay, ayuu Sullivan hoosta uga xariqiay madaxweyne Qays baahida loo qabo “inuu deg deg usoo dhiso dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare karti leh oo xasiliya dhaqaalahaTunisia, kana hortaga faafitaanka cudurka Coronavirus, iyo inuu xaqiijiyo in dib loo soo celiyo baarlamanka la doortay” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Aqalka Cad. Madaxweyne Qays Saciid ayaa horey u difaacay tallaabooyinka uu qaaday oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin xasilloonida dalka. Xiisadda siyaasadeed ee Tunisia ayaa dadka qaar ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin dalal shisheeye, ayada oo si gaar ah farta loogu fiiqay Imaaraadka Carabta. REUTERS + VOA The post Mareykanka oo farriin u diray madaxweyne Qays Saciid kadib ‘afgambigii uu sameeyey’ appeared first on Caasimada Online.
  18. Xeer Madaxweyne: 01/08/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021 Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub; Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan Go’aamiyey; In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  19. Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo isagu yeedhay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Cusub ee S/land+Goorta & Goobta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021 Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub; Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan Go’aamiyey; In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  20. Wiil uu dhalay Mucamar Al-Qadaafi oo doonaya in uu madaxweyne ka noqdo Libya Saif Islam Saif Al Islam waa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Libya Mucammar Al Qadaafi, wuxuu sheegay in uu doonayo in midnimada iyo isku duubnaanta uu kusoo celiyo Libya. Saif Islam oo 49 jir ah oo wareysi siinayay wargeyska New York Times wuxuu sheegay in maamulka hadda ka jiro Libya uusan wax horumar ah keenin isla markaana dhibaato u horseeday shacabka Libya 10 sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu ka dhawaajiyay suurtagalnimada ah in uu tartami doono doorashada madaxtinimada ee Libya. “Haatan waxaa la joogi xilliggii dalka dhibaateysan dib loogu laaban lahaa…dhaqaale ma lahan..nabadgelyadii faraha ayay ka baxday..nololna ma jirto” Wuxuu sidoo kale sheegay in hataan uu yahay nin xor ah oo qorsheynayo in dib uu ugu laabto siyaasadda Libya. Saif Islam Waa kuma Saif Islam Saif Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska, isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya. Wuxuu hoggaamin jiray ha’yadda lagu magacaabo ha’yadda samafalka iyo horumarinta Qadaafi taas oo wadaxaajood la gashay maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo dad ku qafaashay gudaha Philippines. Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay ‘wajiga casriga ah ee Liibiya’ balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneyn in xukunka uu kala wareego aabihii. Saif Al Islaam ayaa la sii daayay sanadkii 2017 tan iyo wixii ka dambeeyay xilligaas lama sheegin halka uu ku nool yahay. Sanadihii u dambeeyay wax war ah lagama heynin xaaladdiisa iyo halka uu ku nool yahay. Waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha uu ka geystay Libya, waxaana ku raad joogtay maxkamadda dambiyada ee caalamiga ah. Qaran News
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag u dhaliilay dadka doonaya in ay maalin ku taajiraan markii xil loo magacaabo. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay xarig jarka xarunta cusub ee Bankiga Puntland ayaa sheegay in qof kasta oo xil loo magacaabo uu raadinayo in uu maalin gudaheed ku iibsado guri iyo gaari. Siciid Deni ayaa tilmaamay in dad kala duwan oo uu xilal u magacaabay u yimaadeen oo kala hadleen gaari iyo guri in ay helaan taasina aysan suurta gal ahayn sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Deni: qof kasta wuxu rabaa in uu maalin kaliya guri iyo gaari ku iibsado appeared first on Puntland Post.